Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballanqaaday cunaqabateyn weyn oo la saarayo Turkiga sababo la xidhiidha weerarka ay ciidamada dalkaas ku qaadeen Waqooyiga Syria ee ka dhanka ah Kurdiyiinta. Si kastaba, Trump ayaa mar kale difaacay go’aankii uu dalkaas uga saaray ciidamada Mareykanka oo dagaalka ka dhanka ah Daacish kula jiray dagaalyahannada Kurdishka. “Dad ma waxaa jira ay runtii la tahay inaan dagaal la galno Turkey oo xubin ka ah NATO?” ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter. “Dagaallada aan dhammaadka lahayn way dhammaan doonaan. Dadkii lugaha noo geliyey qaska Bariga Dhexe ayaa ah kuwa hadda doonaya inaan halkaas sii joogno.” Ayuu yidhi madaxweynaha. Trump aya adhinaca kale sheegay in laga yaabo in Kurdiyiinta “ay sii daynayaan qaar’ ka mid ah maxaabiista Daacish, si ay Mareykanka u dagaal geliyaan, balse waxa uu sheegay in si fudud ay dib ugu qaban karaan ciidamada Turkey ama dalalka Yurub ee ay ka yimaadeen. Trump ayaa sheegay inuu hogaamiyayaasha congress-ka, oo ay ku jiraan dimoqraadiga kala shaqeynayo in cunaqabateyn dhaqaale la saaro Ankara. Source
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-15102019-.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ay haatan wadahadallo hoose u socdaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaliya iyo hoggaanka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca. Wadahalladan ayaa intooda badan diirada lagu saarayaa guddiga farsamada ee ay dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya u magacowday dhismaha Galmudug. Ahlu Sunna ayaa ka hortimid ku dhawaaqista guddigaas oo ka kooban 13- xubnood, taas oo keentay isfaham waa hor leh oo soo kala dhexgalay dowladda iyo Ururkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Ahlu Sunna ay dalbaday in la fuliyo heshiiskii ay la gashay dowladda oo ahaa in guddiga laga siiyo 6 xubnood, halka 7 kale ay qaadaneyso dowladda dhexe. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa soo jeedisay in gudiga loogu biiriyo 5 illaa 6 xubnood oo ka dheeri ah 13-kii xubnood ee horay loo magacaabay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona la filayo in dhowaan uu Dhuusamareeb dib ugu laabo wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, si loo xaliyo arrintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Russian President Vladimir Putin has visited Saudi Arabia in his first trip to the kingdom in over a decade, signing oil agreements and discussing regional security, in particular, Saudi Arabia's ongoing rivalry with Iran. Source: Hiiraan Online
  5. WASHINGTON — US President Donald Trump suggested Monday that Syria’s formerly US-allied Kurds could look to 19th century French emperor Napoleon Bonaparte for protection after he ordered the departure of nearly 1,000 US troops from the country Source: Hiiraan Online
  6. Congresswoman's high profile, Trump's attacks help her raise $1.1 million. Source: Hiiraan Online
  7. Wasiirka Arimaha Dibada ee Morocco Nasser Bourita, ayaa cadeeyay in dhaleecaynta Jaamacadda Carabta ee ka dhanka ah Turkiga ee lagu soo qaaday kulankooda xaaladaha degdega ah ee 12ka Oktoobar uusan ka turjumeyn mowqifka Morocco. Jaamacadda Carabtu waxay soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso militariga Turkiga Howlgalka Nabadda ee Waqooyiga Siiriya. Tallaabada Turkiga ayaa sidoo kale waxaa dhalleeceeyay UK, dhowr dowladood oo Yurub ah, iyo waddamada Jaamacadda Carabta. ,Turkiga wuxuu doonayaa inuu adkeeyo xuduudahiisa iyadoo laga ciribtirayo argagixisada halkaas ka jirta isla markaana la xaqiijiyo soo celinta amaan ee qaxootiga Suuriya iyo xasiloonida dhuleed ee Syria,” ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacaywakaaladda Anadolu. Qatar iyo Soomaaliya ayaa labaduba diiday bayaanka. Morocco sidoo kale waxay ku biirtay labada dal, iyadoo Bourita uu ku nuuxnuuxsaday in bayaanka Jaamacadda Carabtu uusan ka tarjumeyn mowqifka waddanka Waqooyiga Afrika. Dalka Liibiya ayaa sidoo kale isna diiday bayaanka. PUNTLAND POST The post Wadamada Jaamacadda Carabta oo ku kala qeyb samay howlgalka Turkiga ee Syria appeared first on Puntland Post.
  8. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Agaasime Goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed. Waxaa kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta iyo muwaadiniinta dal-joogga ah. Sidoo kale waxa ayu isla garteen in aad dhalinyaradda looga wacyi geliyo qatarta ka dhalan karta tahriibka iyo dhibaatooyinka badan ee ka danbeeyo waxayna hoosta ka wada xariiqeen in xad loo yeelo tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara isku miidaamintiisa, sidoo kale waxaa la isla eeggay barnaamijyada kobcinta awoodda ee lagu tayaynayo howlwadeennada. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay saraakiil ka tirsan Hay’adda IOM appeared first on Puntland Post.
  9. Washington (Caasimada Online) – Qaliin dhib badan oo cakiran ayaa ugu dambeyn horseeday geerida askari Mareykan ah oo sanadii tagtay lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Soomaaliya, sida ku cad natiijada baaritaan oo heshay jariidadda New York Times. Alex Conrad, oo 26 jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawac gaaray 8-dii June 2018, isaga oo ku sugan xero ku taalla meel u dhow magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Conrad ayaa waxaa ku dhacay firirka hoobiye, kaasi oo qalay wejigiisa, qoortiisa, calooshiisa iyo lugihiisa, taasi oo hoggaamisay dadaal socda hal sac qaatay oo lagu bad-baadin lahaa noloshiisa. Saddex askari oo kale oo Mareykan ah iyo askari Soomaali ah, ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab. Markii weerarka uu dhacay 2:45 galabnimo, Conrad ayaa waxaa durba u kala cararay kooxodii Mareykanka, wuxuuna ka cabanayey xanuun ka hayey lugta, sida baaritaanka lagu sheegay. Daankiisa ayaa waxaa kasoo burqanayey dhiig neefta ku celiyey, taasi oo horseeday qaliin deg deg ah oo tubo looga geliyey qoorta, si uu hawo toos ah uga qaato sambabka. 15 daqiiqo kadib ayaa loola cararay meel amni ah, oo isaga iyo askartii kale ee dhaawacmay ay ka qaadeen laba diyaarad oo ah helicopter noocoodu yahay HH-60 Pave Hawk. Diyaaradaha ayaa dhaawaca ula soo cararay garoonka diyaardaaha Kismaayo, halkaasi oo la keenay 3:15 galabnimo, balse 15 daqiiqo kadib uu ku geeriyodoay saacadda markay ahayd 3:30 pm. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in inkasta “oo qalliinada ay fuliyeen shaqaale caafimaad oo aqoon u leh, islamarkaana laba mar ay sameeyeen isku day lagu bad-baadinayo”, haddana Alex Conrad uu u geeriyooday qalad dhacay oo ku saabsan qaabkii loo siiyey tubada hawada siin lahayd. Si kastaba baaritaanka ayaa go’aamiyey in “shaqsi, koox ama urur gaar ah, uusan sameyn dayacaad” intii lagu guda jiray qalliinka, balse xaaladda lagu jiray oo adkeyd darteed uu qaladka ku dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa aqbalay baaq ay usoo jeediyeen madaxdii iyo siyaasiyiintii kala qeyb galay xafladii caleemo saarkiisa. Baaqaas ayaa ahaa in madaxweynuhu uu wada hadal la galo cid kasta oo saluugsanayd doorashadiisha islamarkaasna uu miiska wada xaajoodka ku dhameeyo khilaafka kasta oo Jubbaland dib u celin kara. “Waxaan diyaar u nahay si kasta oo aan uga garbixi karno inaan uga garbaxno cid kasta oo wax naga tabanaysa, hadday ahaan lahayd gudaheena ama dowladda federaalka dhinaceeda,” ayuu yidhi Axmed Madoobe. “Siday doonto ha u adkaato, waxaan diyaar u ahay inaan nabad ka shaqeeyo, laakiin waxa aan ku kala bixi karno waa inay ahaadaan sharci” ayuu kusii daray hadalkiisa. Hadalkaan ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ka jeediyay xaflad lagu sagootinayay wafuudii ka qeyb gashay caleemo saarkiisa. HALKAAN HOOSE KA DAAWO PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo aqbalay baaq ay usoo jeediyeen madaxdii Kismaayo iskugu tagtay appeared first on Puntland Post.
  11. Armed groups whose motives are not yet identified attacked civilians in Afar region of Ethiopia but it is established that attackers used Somali region special forces uniform and Djibouti Defense Force uniform Source: Hiiraan Online
  12. Somalia’s government says it is setting up a national blood bank for the first time in more than two decades. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Janeraal Yuusuf Indhacadde oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadii 14-kii October, iyadoo wax laga weydiiyay casharada ay ka baratay dowladdu dhacdadaas iyo waxa ay uga faaiidaysatay shacuurtii dadka Muqdisho, oo aad uga gilgishay xasuuqii loo geystay. Indhacadde ayaa sheegay in dowladdu ay ka baratay oo kaliya in ay jarto wadooyinkii ay is ticmaali jireen shacabka dulman ee Muqdisho, halka kuwo uu ku sheegay arxan laawe yaalna ay dhankay ka soo gaaraan dad reer Muqdisho ka xasuuqayaan. Waxa uu sheegay in ay dalka ka jirto khibrad yari ciidan oo aad u baahsan taas oo saameynteeda leh, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdo uu isagu la kulmay. “Galab galbaha ka mid ah ayaan Bar koontorool soo istaagay aniga oo la socda gadiid tikniko ah, wiilal boolis ah ayaa goobta joogay waxaan tusay ID CARD ama aqoonsigeygii waxa uu fiirinayay mudo badan, waxaa ku iri maxaad intaasoo dhan ka fiirineysaa afar xaraf bis ayaaba ku qorane”. Intii uu ka hadlayay arintaas ayuu sheegay Indhacadde in askarigii uu akhrin waayay magacii ku qornaa aqoonsiga, markii uu isku sheegayna uu aamini waayay. “Waxaan watay tikniko iyo ciidan badan, iyaguna afar wiilbey ahaayeen, hadana waxay isku dayeen in ay iskay hortaagaan, waana mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee Muqdisho iyo dalka oo dhan ka jira” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde. Jeneraalka ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu yahay mid aad u liita, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii hoobiyaasha loo adeegsaday ee Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta Xalane, isagoo xusay in qoriga ugu ridada dheer oo ay heystaan uu yahay Hoobiyaha oo kaliya, isaguna marka uu ugu bato ay tiiradiisu tahay 8-KM oo kaliya. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda duulista hawada xukuumadda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradaha duulista hawada ee maamul goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay galab kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho. Xubnahaas aya kulankooda waxa ay uga arinsanayeen halka laga dhisayo garoon cusub oo loo weecinayo duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, kidib markii uu batay ciririga garoonka Muqdisho. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaarddiisu ay diyaarisay Enjineeradii dhisi lahaa garoonka cusub. Wasiir Oomaar ayaa kulanka ka sheegay in ay kordheen diyaaradaha ka dega garoonka Aadan Cadde, taas oo sababtay cariiri badan oo ka jira garoonka. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in dhismaha garoonka cusub ay soo gaba-gabaynayaa inta lagu guda jiro sanadkaan 2019-ka. Guddi uusan shaacin magacyadooda iyo inta ruux ee ay ka koobanyihiin ayuu sheegay wasiir Oomaar in ay u magacaabeen ka shaqeynta dhismaha garoonka cusub. Mas’uuliyiinta ka socotay maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay kala tashaneysay wasaaradu, halka laga dhisayo garoonka isagoo sheegay in labada Shabeelle oo labada dhinac xuduud kala leh gobolka Banaadir ay ka heystaan dhul laga hir galin karo garoonka cusub. Ilaa hada wasiir Oomaar iyo xubnihii kaleba si rasmi ah uma shaacin halka laga dhisayo goroonka cusub ee diyaradaha, kaas oo ay qorsheynayso wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaliya in laga dhiso meel ka baxsan magaalada Muqdisho. Markii la dhiso garoonkaas ayuu sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada in loo weecinayo duulimaadyada garoonka Aadan-Cadde, kuwaas oo iskaga kala goosha gobolada dalka iyo guud ahaan caalamka. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Tripoli (Caasimada Online) – Bini’aadamka wax kasta wuu u nugul yahay, inkasta oo adkeysiga laysku dhaafay. Balse, qisooyinku waa kuwa xanuun badan oo qofka mararka qaar ku riixeysa in uu nolosha ka doorbido geeri. Muna, 17-jir ku dhalatay Soomaaliya balse uga soo carartay markii aabaheed uu dhintay, hooyadeedna awoodi wayday in ay wax ku tarto, ayaa dib u xusuusaneysa mahadhooyin qabsaday intii jidka ku jirtay. Tahriib ayay ku gashay Libya kahor inta aysan soo marin wadooyinka ay adeegsadaan dadka. Kufra ayay aakhiritaankii ku degtay. Magaaladaas waa halkii ay ka bilaabatay tacadiyadda foosha ee waxyeeladda daran u geystay qalbigeeda. Falal fool xun oo ay kamid yihiin jirdil, kufsi iyo garacaaris ayaa waxaa u geystay magafeyaal. Manaxayaashaas ayaa waxay rumeysan tahay in ay u kala dhasheen wadamadda qaarada Afrika dhaca ee Liibiya iyo Ghad. “Way i jirdileen. Way i garaceen. Kadibna hal habeen, saddex rag ayaa darbiga iigu riixay dibadda ayay ii saareen wayna u kufsadeen,” ayay tiri, kadibna ilmadda oohin qiiro leh ayaa kasoo qubatay. Iyadda oo hadalkeeda sii wadata ayay raacisay: “Waqtiga xaadirkaas, waxaan nacay nafsadeyda. Waxaan doonay geeri. – “Ma tuuri karo, waa jirkeyga” – Kaliya ma ahan Muna, waxaa wehlisa Laki, taas oo Soomaaliya uga soo saftay Yemen kadibna soo martay Suudaan kahor inta aysan ugu dambeyntii cago dhigan Liibiya oo qiso xanuun badan ay ku qabsatay. Intii ay socdaalka kusoo jirtay, magafeyaasha ayaa ka dalbaday lacag, balse ma aysan awoodin in ay iska bixiso lacagtaas. “Way i jirdileen, xoog ayey iigu shaqeysteen wayna I kufsadeen. Kadib waxaan qaaday Uur, waxaana dhalay cunugaan,” ayay xustay. Markii ugu dambeysay, waxaa bishii June 2018-kii lagu faroxumeeyay Kufra, koonfur bari Libya. Mar kale waxaa lagu kufsaday Bani Walid, koonfurta magaaladda caasimada ah ee Tripoli. “Waxaan ciqaabta ku arkey indhaheyga,” ayay hadalkeeda raacisay, iyadda oo qaraabadeeda ku sugan dalka ku waanisay “inkasta oo ay jaago jirto ayna jiraan dhibaatooyin ha imaanina Liibiya”. Hay’addaha Caalamka ayaa waxay cod dheer kaga codsatay in ay ka wareejiyaan Liibiya ayna geeyaan meel dhaanta. “ALLE ayaa ku ammaanay oo cunugaan u siiyey. Ma tuuri karo, sababtoo ah waa qeyb ka ah jirkeyga,” ayay ku adkeysatay. Inta badan muhaajiriinta taga Liibiya oo adeegsada Badda Mediterranean ayaa tan iyo bilowgii 2014-kii waxaa la qiyaasay in ku dhowaad 15-kun ay dhinteen iyaga oo isku deyaya in ay ka gudbaan. Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha ee Libya ayaa la halgamaya joojinta qulqulka soo galootiga xili Midowga Yurub uu balanqaaday $250 million oo wax looga qabanayo muhaajiriinta nolosha fiican raadinaya. Xigasho: Garowe Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo tarayaa talooyinka loo jeedinayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo ku saabsan dejinta iyo xal u helista xaalada sii xumaaneysa ee maamulka Jubbaland. Siyaasiin, aqoonyahaano iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo kala hadleen xaaladda Jubbalanad islamarkaana ay siiyeen talooyin ku aadan xaaladda Jubbaland. Talooyinka loo soo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka koobnaa laba qodob sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan xubnihii la kulmay madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan talooyinka madaxweynaha loo soo jeediyay oo kala ah. 1) – In madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tago magaalada Kismaayo kadibna uu ogolaado doorashadii ka dhacday Kismaayo lana heshiiyo Jubbaland, isagoo qiranaya in uu qalad ka dhacay labada dhinac haddana la saxayo. 2) – Iyo in uu casilo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada, gaar ahaan wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya kuna eedeeyo wixii qalad ah oo dhacay oo uu isaga iska fogeeyo kadibna uu ogolaado doorashadii wixii sixid u baahana laga saxo Jubbaland. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu qaatay talooyinkii loo soo jeediyay balse lama hubo in uu fulin doono iyo inkale. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay fadeexad kala kulantay khalaasaha ka jira Jubbaland waxaase loogu baaqay in ay dib u eegis ku sameyso arrinta Jubbaland taas oo ku xiran maslaxaddda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Following Kenya’s infringement of Somalia’s territorial integrity after it deliberately breached directives from the Somali government instructing all flights from Kenya to route through Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  18. Somalia, after 20 years of statebuilding efforts, is precipitously descending again into deep civil strife because of autocratic, corrupt, incompetent, divisive, hypocritical federal leaders more than any other factor. Today Somalia experiences the authoritarianism Source: Hiiraan Online
  19. President Donald Trump said he’ll impose sanctions on Turkey in response to the nation’s advance into Syria, days after he cleared the way for the offensive by pulling American forces from the area. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-14102019.mp3 View the full article
  21. Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayey oo ciidamada ammaanka ay ka ay ka sameeyeen gelinkii hore ee maanta xaafadda Hanti-wadaad ee magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ciidanku waxaa ay ku soo qabteen ku dhiwaad 100 ruux kuaas oo xabsiga loo taxaabay. Howlgalka ciidanka ayaa yimid ka dib markii xalay qarax Bam gacmeed lagu weeraray hoyga xaafada Hant Wadaag uu ka daganaa guddoomiye ku-xigeenkii amniga gobalaka Shabeellaha dhaxe Maxamed Sugaal, taas oo keentay inuu geeriyoodo isaga iyo wiilkiisa. Ciidamada oo ka duulaya falkaas ayaa saakay howlgal balaaran ku qaaday xaafadda Hanti Wadaag waxaana ay xabsiga u taxaabeen ku dhawaad 100 qof. Sidoo kale Shacabka ku nool xaafadda ayaa galinkii danbe bilaabay dibadbax xooggan oo ay ku danbanayeen sii deeynta dadkii ciidamada Booliska ay soo xireen dibad baxayaasha ayaa xiray wadadooyinka xaafada ayagoo gubayay taayaro. Dhanka kale ciidama ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Cabdi Caziiz Foolyareey oo kamid ah Wariyeyaasha magaalada Jowhar,kaas oo tebiyey warka la xiriira banaanbaxyada iyo dilka guddoomiye kuxigeenka, waxaana caawa xasiloon jawiga magaalada Jowhar. Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal kala duwan kuwaas oo dhimasho iyo dhaawacyaba ay ka soo gaareen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan hadal heynta hadal loo qaatay gef ee uu magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ka jeediyay Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo ka qaybgalay munaasabadda caleema-saarka Axmed Madoobe. Hadalkaas ayaa ahaa “islaan aan uusan jirin, hadii ay uunsato, waxay ka guban doontaa meel aysan ka guban jirin” hadalka Aadan Barre Ducaale ayaa ahaa weerar siyaasadeed oo dad-ban islamarkaana lagu weeraray hoggaanka dowladda Soomaaliya. Dad badan ayaa u arka in madaxdii ka qaybgashay Shirkii Kismaayo hadii aysan qaadan lahaayeen hal go’aan in ay soo celin lahaayeen sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Go’aanka ama aragtida ay qabaan dadka Muqdisho ee ah ka jawaabidda hadalkii Aadan Barre ayaa ah. Hadii madaxdii Kismaayo laga heli lahaa hal siyaasi oo Aadan Barre Ducaale ka difaaca hadalkaas gefka ah, sidoo kalane ahaa meel ka dhac loo geestay madaxda dalka in ay xaaladu ahaan laheyd difaaca Qaran iyo ilaalinta sharafta umadda Soomaaliyeed. “Dhamaan madaxdii Kismaayo ku sugneed malaga waayay hal qof oo ka jawaaba hadalka Aadan Barre Ducaale maadaama uu meel uga dhacay xubno ka tirsan Astaanta Qaranka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo ka tirsan siyaasiinta Muqdisho. “Siyaasiinta Kismaayo iyo kuwa muxaafadka ah dhamaantood waxay isku haayaan dangaar ah ma jirto danguud oo ay isku hayaan laakiin waqtiyada qaar waxaa waajib ah in la ilaaliyo sharafta dalka iyo madaxda Qaranka iyadoo loo eegeyn qof naceeb” ayuu yiri Maxamed Qaasim Axmed oo ka tirsan aqoonyahaanada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa si kulul u weeraray dadkii ka dambeeyey sawiradii fadeexadda iyo dhalleeceynta abuuray ee maanta lagu soo bandhigay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay xusuka qaraxa 14-kii October. Sawirradaas oo baabuur lagu dhejiyey ayaa muujinyey Farmaajo iyo Kheyre oo dhiig shubaya. Caasimada Online ayaa horey u shaacisya in Villa Somalia iyo xafiiska Kheyre ay iska fogeeyeen inay ka dambeeyeen. Qoraal uu soo dhigay faceook ayuu Cabdinuur ku sheegay in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo ay tahay dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn. “Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.” Ayuu Cabdinuur ku yiri qoraalka uu soo dhigay facebook. Waxa uu intaas ku daray “Waxaa lamid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa.” Qoraalka uu soo saaray Cabdinuur ayaa noqday mid aan la filyen marka loo eego habka uu dhaliilay kooxda arrintan ka dambeysay iyo dhaqamada guul-wadaynta ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa la ogyahay inuu yahay qof jecel ammaanta iyo buunbuunita oo xitaa uu lacago ka bixiyo, taasi oo horey ay dadka badan ugu dhaliileen. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay dhacdadan ka dambeeyaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo, oo ah koox uu horey madaxweyne u dhisay oo ka shaqeysa u guulwadeyntiisa. Lama yaqaan sababta ay kooxdan sidaas u sameysay, hase yeeshee waa koox u dhisan shaqadeeduna tahay inay sameeyaan wax kasta oo lagu amaani karo madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com