-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya inuu dagaal ku dhex marayo gudaha magaalada ciidamada ka tirsan Soomaaliland iyo dadka shacabka ah. Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii wasaaradda howlaha guud ee Soomaaliland oo wadata ciidamo ay bilowday duminta dhul ay ku sheegtay in ay waddo marto, markaas ka dib waxaa dagaal kala hor yimid ciidamadii burburinta waday iyo dadka shacabka ee dagana guryaha la duminayay. Wararka ay Goobjoog News ka helayso magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in rasaasta ay labada dhinac ee ciidamada Soomaaliland iyo dadka ka soo horjeeda in la dumiyo guryahooda ay is ku adaeegsanayaan laga maqlaayo xaafadaha kala duwan ee magaalada . Ilaa iyo hadda waxaan la ogeyn khasaaraha dhashay ee dhaawac iyo dhimasho madaama wali labada dhican ay dagaalamayaan, lakiin waraka qaar ayaa sheega inuu jiro dhaawacyo soo gaaray dadka shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bomb Under Car Seat Wounds Top Police Official in Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A Somali police General reported injured after an explosive device connected to his car exploded somewhere near the seaport in Mogadishu on Monday morning. Some reports indicate that General Mohamed Abdulle Dhoorre was in the car while fueling up at a petrol station at the time of the explosion. After the explosion, Somali Police forces reached and cordoned off the area before transporting the General Dhoorre along with one of his bodyguards who were also injured to the hospital. The police continue to search in the scene of the incident to investigate the explosion, and there are no reports from the police for now. Last month, former secretary of Banadir regional administration Mohamed Amin was killed in such car bombing near KM4 junction in the capital of Mogadishu. The attack was claimed by Al-Shabaab. It became quite familiar with this type of assassinations to target government members in Mogadishu which always leads to death or heavy injuries View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa lacag boqolaal kun oo dollar ah siisay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dhawaan hakiyay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, sida ay ogaatay Caasimada Online. Al-Shabaab ayaa todobaadyo ka hor joojiyay dhismaha wadadaan kadib markii ay u hanjabeen shaqaalaha dhismaha iyo shirkadda qandaraaska qaadatay. Caasimada Online ayaa ogaatay in lacag ka badan nus milyan ay Al-Shabaab ka qaateen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar oo maamulaya dhismaha wadadaan, si loo fasaxo islamarkaana dib loogu billaabo. Lacagta ayaa la rumeysan yahay in lasoo mariyey shirkadda dhiseysa waddada. Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in hadda ay dib u bilaabatay dhismaha waddada, islamarkaana ay dowladda Qatar bixisay lacagtaasi. Qatar waxay lacagtaan bixisay kadib markii ay shaqada socon waysay, waxaana sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in lacagta la bixiyo maadaama aysan awoodin ilaalinta wadada haddii la dhiso iyo inta dhismaha socdaba, iyo xaqiiqda ah inay dooneyso in waddada la dhiso. Al-Shabaab ayaa shirkadda dhismaha wadda u sheegay in wadadaan aysan dhisnaan doonin hadii ay shaqada dhamaato, sidoo kalane ay soo weerari doonaan inta shaqada socoto waxayna arintaasi sababtay in dhismaha istaago. Lacagta Qatar ay siisay Al-Shabaab ayaa imaneysa xilli 22-kii uu wargeyska New York Times ee Mareykanka daabacay in ganacsade xiriir la leh amiirka Qatar uu safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in weerar ka dhan ah Imaaraadka Carabta bishii May laga fuliyey magaalada Boosaaso, ayada oo loogu daneynayo Qatar. Bishii June, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn ayaa xiriirka u jaray Qatar ayaga oo ku eedeynaya inay xiriir la leedahay, islamarkaana taageerto kooxaha argagixsada caalamiga ah. Lacagta iminka Qatar ay siisay Shabaab, iyo eedeymaha la xiriira ku lug lahaanshaha weerarkii bishii May ee Boosaaso, ayaa sii kordhinaya tuhunka laga qabo in Qatar ay mala-geliso argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Israel)-Kooxda Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahannadeeda ay koonfurta Lebanon kusoo rideen diyaarad aan duuliye lahayn (Drone), oo ay lahayd Israa’iil. Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay inay “hub ku habboon” u adeegsatay soo ridista diyaaradda, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayso. Millatariga Israa’iil ayaa sidoo kale ku warramay in mid ka mid ah diyaaradahooda drone-ka lagu soo riday isla aagaas, hase yeeshee ma aysan shaacin waxa sababay. Israa’iil waxa ay sheegtay inay ahayd “diyaarad iska fudud”, islamarkaana aysan jirin wax walaac ah oo ku saabsan in xog muhiim ah laga helo. Hoggaamiyaha Xizbullah, Xassan Nasrallah ayaa bishii tagtay ka digay in dagaal-yahannadiisa ay weerari doonaan diyaarad kasta oo Israel ay leedahay oo soo gasha hawada Lebanon. Dhacdadan ayaa timid kadib markii Xizbullah iyo ciidamada Israel ay markii ugu horreysay muddo sanado ah is-weydaarsadeen rasaas kadib markii Xizbullah ay gantaallada lidka taankiyada ku weeraray Israel, Israal-na ay ku jawaabtay gantaallo kale. Labada dhinac ayaa waxaa sanaddii 2006 dhex-maray dagaal socday bil. Source
-
Female soldiers serving in the Kenyan contingent of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have launched an initiative to support families affected by drought in southern Somalia. On Friday the troops distributed rice, sugar, beans, biscuits, fruit and other food items to about 150 households. Most of the beneficiaries were widows, orphans, and the elderly. The commander of the AMISOM Kenyan contingent, Brig. Gen. Dickson Ruto oversaw the distribution. Brig. Gen. Ruto said that his contingent would partner with community-based organisations to deliver food and medical services to families in need. He added that the AMISOM female troops would jointly implement the initiative with their female counterparts in the Somali National Army (SNA) and Jubbaland state security forces. “There is a serious drought across Somalia. It is important that we focus on the less privileged, particularly widows, orphans, and internally displaced persons who don’t have enough food at this very critical moment,” said Brig. Gen. Ruto. The Administrator of Dhobley Town, Siyad Mohamed Hassan was grateful for the initiative, and called for more cooperation between AMISOM and local authorities in order to secure and help develop the area. “We request that such efforts should not stop here. We should collaborate and participate in other areas such as public health and sanitation, sports, education, and rehabilitation of our roads,” added Siyad. Nimo Abdi Bule, a member of the Daryeel Women’s Group in Dhobley and herself a beneficiary, said, “We are thankful to Allah, and appreciate the assistance from AMISOM.” Capt. Lynette Rachi, who commanded the females within the AMISOM Kenyan contingent said the food donation would offer relief to vulnerable families, especially mothers, affected by the drought conditions. “At the end of the day, all that a mother needs is to put food on the table for her children. So, the little we were able to get from the AMISOM headquarters, we were happy to share and have a great day together,” said Capt. Rachi. View the full article
-
9th September 2019 War-saxaafadeed Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xiyiraada Horyaal TV iyo Hadhwanaagnews, iyo xadhiga weriye Sayid Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xayiraada la saaray telefishanka madaxa banaan ee Horyaal iyo websiteka Hadhwanaagnews. 6, September 2019, Booliiska Somaliland waxay albaabada u laabeen xarunta telefishanka madaxabanaan ee Horyaal. Waxaa sidoo kale la xidhay mulkiilihii telefishanka, Maxamed Cismaan Mire “Sayid” 7dii September. Majirto sabab cad oo ilaa iyo hada boolisku usheegeen telefiishanka ay xidheen. Maalintii 5ta bisha Booliisku waxaay waraysi ka qaadeen weriye Sayid oo ay wax ka waydiiyeen barnaamij hordhiciisu ka baxay telefishanka oo ku saabsan haweenka qaadka cuna. Ma jirin wax qoraallo ah oo ka soo baxay Maxkamad ama hay’ad maamul oo la tusay madaxda telefishanka la xayiran. Sidoo kale 3, September 2019, Maxkamadda Gobolka Hargaysi, waxay amartay in la xayiro shabakada Hadhwanaagnews kadib markii ay daabacday warar sheegaya in Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland lala xidhiidhinayo eedo musuqmaasuq. Gudoomiyuhu wuu diiday eedahaas. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xayiraadahaas la saaray Horyaal iyo Hadhawanaang iyo xadhiga mulkiilaha Horyaal TV, oo xadgudub ku ah xorriyadda saxaafadda ee ay damaanad qaadeen dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ahiba. Telefishanka iyo website ka lamana siin fursad ay isku difaacaan. Xayiraadaha ay dowladdu saarto saxaafadu waa dhibaato xuquuqal insaan oo walaaceeda leh. Saxaafadda madaxbanaani waxay laf-dhabar u tahay horumarka umadda iyo dimoqraadiyadda . Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka waxa mamnuuc ah dhamaan ficilada cabudhinaya saxaafadda. Xayiraada telefishanka Horyaal iyo Hadhwanaagnews waxay xadgudub cad ku tahay xorriyadda saxaafadda iyo saraynta sharciga. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland: 1. Inay xayiraadda ka qaado telefishanka Horyaal iyo Hadhwanaagnews, siina dayso mulkiilaha TV ga Horyaal, Mohamed Osmaan Mire “Sayid” oo ay u ogolaato inay hawshooda wataan. 2. Inay joojiso cabudhaada joogtada ah ee ay ku hayso warbaahinta. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Mobile: +252 (0)634472011 http://www.hrcsomaliland.org/ Human Rights Centre condemns the closure of two media houses and detention of journalist Human Rights Centre condemns the closure of Horyaal TV station, the detention of its owner and the blocking order against Hadhwanaagnews website. On 6th September 2019, about 5:30 pm, the police arrived at the headquarters of Horyaal Tv and ordered the staff to leave the office. In the next morning, 7th September, journalist Mohamed Osman Mire “Sayid”, the owner of Horyaal, has been arrested by the police. No court or administrative order has been shown to the management of the television, editors and journalists present at the time of the closure told Human Rights Centre. On 8th September, Hargeisa regional court remanded Sayid seven days into police custody. No official charges are brought against the journalist and the media house. On 5th September, Sayid was summoned by the police who interrogated him at the Criminal Investigation Department. The police asked him questions related to a television program about Khat chewing among women in Somaliland, Sayid told Human Rights Centre before he was arrested. The police believe that the program was unethical, according to Sayid. On 3rd September 2019, Hargeisa Regional Court issued court decree ordering internet providers to block Hadhwanaagnews after the website published a news article about corruption allegations related to the governor of the Central Bank, Ali Ibrahim Jama. The governor denied the allegation. Some of the internet providers enforced the decree. The court issued its decision upon the request of the police following a complaint submitted by the governor. The court neither heard the argument of Hadhwanaag nor asked evidence. The closure is a violation of freedom of media guaranteed by the Constitution of Somaliland and the international human rights law. “Within a week the government has taken steps shutting down two privately owned media houses. This is a very serious concern. It is against the constitution of Somaliland and international human rights law,” says Yasmin Omar H Mohamoud, the chairperson of Human Rights Centre. Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to immediately release the owner of Horyaal tv and to lift the ban from Horyaal and Hadhwanaagnews website. “We call on the government to stop actions that undermine media to work freely without fear of intimidation and harassment,” Yasmin added. Yasmin Omar H. Mohmoud Chairperson of Human Rights Centre Mobile: +252 (0)634472011 http://www.hrcsomaliland.org/ — Yasmin Omar Haji Mohamoud Chairperson of Human Rights Centre Somaliland Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, S/gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana xiriir la leh maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay isbaheysi la yihiin Somaliland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnahani lagu qabtay agab iyo dhaqaale laga keenay Somaliland, una wadeen buuraha Galgala oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah ooka soo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan raggaasi ay qabteen ciidamada Puntland. Dhowaan ayey aheyd markii Puntland shaacisay in ciidanka Soomaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda ay dulaan ku yihiin gobolka Sanaag. Labadaan maamul oo daris ah ayaa waxa ay isku hayaan gacan ku heynta gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has a held a meeting with youth in a farm Baidoa town as he is on a visit to Southwest State in the past few days. During Sunday’s meeting, the members of the youth have briefed the PM about their current needs, including health and education from the Federal government of Somalia. For his part, the prime minister urged the Youth to participate in politics and peace-building efforts in Somalia as the country is on the path to the recovery after decades of conflict. The Somali government is trying to restore law and order in the country and regain territory from Al-Shabab with the help from AU and the US military. Over 70 percent of Somalia’s population is under the age of thirty. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo goor dhow ka dhacay agagaarka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Qaraxa uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaal lagu magacaabo Maxamed Dhoore oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, kaas oo uu dhaawac soo gaaray. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu qarxayey gaariga uu ku sugnaa Kaalin Shidaal oo ku taalla halkaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo muddo kooban hakad galiyey dhaq dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen. Radioshabelle.com kala soco, wixii soo kordha View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca baabuurta lagu xiro ah oo ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan afaafka Hore ee Dekadda Weyn ee Magalada Muqdisho. Qaraxaan oo la sheegay in lagu dhejiyey gaari nooca Saaruf-ta ah ayaa waxaa la sheegay in loo dhigay General Maxamed Cabdulle Dhoore oo katirsan saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliya uuna ka soo gaarey dhaawac culus. Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaarey goobta uu qaruxu ka dhacay iyagoona hakad geliyey isu socodka gaadiidka inkastoo aysan faahfaahin ka bixin haddii cid loo soo qaqabtay qaraxaasi. Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo badanayey qaraxyada gawaarida loogu xirayo saraakiisha iyo masuuliyiinta katirsan dowladda Soomaaliya, waxaana dhowaan isbedel lagu sameeyey hogaamada ciidamada kala duwan ee Soomaaliya. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Sarkaal katirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo Muqdisho qarax loogu xiray gaarigiisa. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ka dhashay miino lagu xiray baabuur ayaa maanta ka dhacay kaalin shidaal oo ku dhow xabisga dhexe ee Xamar, ee magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online gaariga qarxay ayaa waxaa watay Generaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaliyeed oo la sheegay in dhaawac uu soo gaaray. Jeneral Maxamed Cabdulle Dhoore ayaa booliska u qaabilsanaa xiriirka arrimaha dibedda iyo booliska caalamiga ah ee Interpol. Gaariga la qarxiyey ayaa ahaa nooca loo yaqaano sarufta, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa mid Jeneral Dhoore loogu dhejiyey. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca gaaray uu ahaa mid culus. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu sababay dab xoogan oo qabsaday Kaalinta Shidaalka ee qaraxu ka dhacay. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo hakiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka, maadaama halka qaraxa uu ka dhacay ay in badan isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, wallow markii dambe ay dib u fasaxeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
10 bilood oo iminka laga jooga dib u doorashadii madaxada xariirka kubbadda cagta Soomaaliya waxaa is badal iyo hufnaan lagu sameeyay hanaanka shaqo,iyadoo la abuuray guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya horomarinta kubbadda cagta guud ahaan Soomaaliya, si loo gaaro guulo waaweyn oo dhinaca kubbadda cagta. Guddiga arimaha horomarinta gobolada waa mid ka mid ah kuwa ugu shaqada badan guddiyada la dhisay waxaana hogaamiye u ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur,isagoo Goobjoog u sheegay in bilooyinkii lasoo dhaafay ay qabteen shaqo adag. Dhowr jeer ayay safar shaqo ku tageen maamulada Hirsahabeele,Koonfur Galbeed,Jubaland Galmudug iyo Puntland waxayna la kulmeen guddooomiyahaasha X.K.Cagta guddoomiye Cabdullahi Sheekh ayaa sheegay in gobolada laga her geliyay xafiis ay ku shaqeeyaan ururada kubbadda cagta maamul goboleedyada,taasoo aheyd shaqadii ugu horeesay ay qabteen guddiga arimaha horomarinta maamulka Goboleedyada ee la dhisay. Xiriirka kubbadda cagta waxa uu juhdi ku bixinayaan in maamul goboleed kasta loo qabto tartamo ciyaareed ka dibna halkaa laga helo ciyaartooy tayo wanaagsan oo ka qeyb qaadan karta kobaca xulka qaranka Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed ayaa Goobjoog u sheegaya in gobolada ay joogaan dhallinyaro badan oo leh xirfad sare. Guddoomiye Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed waxa uu bahda ciyaaraha dalka iyo dibadda u soo jeediyay in laga wada qeyb qaato dhisidda iyo horomarka kubbadda cagta Soomaaliya,si kooxaha iyo xulka qaranka ay u noqdaan kuwa guulo waaweyn ka gaaro tartamada kala gedisan ee caalamka. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT- Zimbabwe)-Qoyska Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo Jimcihii lasoo dhaafay ku geeriyooday dalka Singapore ayaa sheegay in ayna dooneyn in Mugabe lagu aaso Qabuuraha Qaranka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Harare. Dowlada Zimbabwe ayaa qaban qaabineysa xuska iyo Aaska Qaran ee loo qaban doono hogaamiyihii hore, munaasabadahaasi oo la qorsheeyey inay dhacaan Sabtida iyo Axada so socota, hase yeeshee Qoyska Mugabe ayaa sheegay in lagu aasi doono deegaankii uu ku dhashay ee Zvimba. Mugabe oo dalkaasi kasoo talinayey tan iyo markii xoriyada qaatay, muddo 37 sano ah ayaa xukunka looga tuuray Inqilaab Militari sanadkii hore, iyadoo xilka loo dhiibay Kuxigeenkiisii hore Emmerson Mnangagwa. Xidhiidhka Mugabe iyo Emmerson Mnangagwa ayaa ahaa mid gebi ahaan burburay tan iyo markii xilka loo dhaariyey Madaxweynaha cusub, sidoo kale Mugabe ayaa la sheegay inuu ka codsaday qoyskiisa hadii uu dhinto in dowlada ayna aaskiisa faraha lasoo gelin laguna aaso deegaankii uu kasoo jeeday ee Zvimba. Xukuumada Zimbabwe ayaa illaa iyo hadda shaacisay in xuska wayn sabtida soo socota lagu qaban doono Stadiumka magaalada caasimada ah ee Harare, balse weli may shaacin halka uu noqon doono Qabuuraha lagu aasi doono Mugabe maalinta Axada ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Canyte oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga RTN ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxda Villa Soomaaliya, isagoo ka hadlay arrimaha ammaanka iyo siyaasadda dalka. Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan doorashooyinkii ka dhacay maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay inay isku dhegan yihiin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, islamarkaana ay arrintani dalka u horseedeyso dib u dhac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda Villa Somalia aaminsan yihiin in siyaasad lagu kala adkaado lagu hagi karo dalka, islamarkaana ay dadka ka soo horjeeda u arkaan cadowga dowladda. “Madaxda dowladda federaalka waxay aaminsan yihiin siyaasad lagu kala adkaado inay dalka ku hagaan, waxay aaminsan yihiin dadka siyaasiyan uga soo horjeedo inay ka adkaan karaan, waxay kaloo u arkaan cadawga dowladda.”ayuu yiri Caynte. Dhanka kale wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu faraha ka sii baxayo amniga dalka, islamarkaana ay dowladdu ka gaabisay arrimaha nabad gelyada, gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Waxa kale uu sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen lacago canshuuro ah oo la mid ah kuwa dowladda ay ka qaado ganasatada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka dhabeeyo hadalkiisa ahaa inuu noqonayo nabadoon Soomaaliyeed oo isu keenayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. “Madaxweynaha asigaa dalka u weyn oo oday noo wada ah, si kasta oo looga aragti duwan yahay, asigaa ixtiraamka iyo qabtii Soomaalinimada ku fadhiya inuu dadka soomaaliyeed madaxda u yahay, kuwa taageersan iyo kuwa ka soo horjeedo inuu isugu yeero, sida uu Garowe ka yiri ee ahaa Nabadoon Soomaaliyeed ayaa rabaa inaa noqdo, waxaa uga fadhinaa Madaxweynaha Nabadoonimadii uu uga yaboohay caleema saarkii Madaxweyne Deni, nabadoonimada waa in dadka kaa aragti duwan inaa qol la soo fariisato oo aad la hadasho, laakiin haddaad aaminsan tahay dowladnimada ayaa sharci ku siineysa inaad dadka ka soo adkaadid, Soomaali haddii la kala adkaan karo meeshaan lama soo gaareyn, marka la soo kala adkaan waayo waa la isku baaba’ay, meeshaas in naloo celiyo ayaan darro ayay dalka ku tahay.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta, Cabdiraxmaan Caynti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Inkasta oo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu bixiyey lacag dhan ilaa 150,000 Dollar oo lagu horumarinayo garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo hadana intii lagu jiray xafladda qaban-qaabada dhagaxdhigga waxaa dhacay labo arrin oo shacabka Baydhabo aad uga xumaadeen. Ilo ku sugan xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, Baydhabo ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamo magaalada gudaheeda joogay ay xabad ku fureen Maxamed Aadan Deerow, oo ahaa nin dhalinyaro ah, oo gaari ku dhexwatay magaalada taasi oo keentay inuu dhinto, ciidamada ayaa sabab uga dhigay dilka iney ka shakiyeen. Dhinaca kale, waxaa muddo 3 saac ah la damiyey isgaarsiinta iyo Internetka magaalada Baydhabo, oo ah inta ah xafladda socotay, taasi oo keentay oo ganacsiyo badan ay khasaaraan. Maanta waxaa lagu wadaa ra’isul wasaare Kheyre inuu gaaro magaalada Xudur ee caasimadda Bakool, ajendaha ma cada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Sweden)-Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallstromoo siyaasadda arrimaha dibadda ee Sweden ku hoggaamineysay ilaalinta xuquuqda dumarka laga soo bilaabo intii ay xilkaa qabatay ee 2014, ayaa sheegtay iney jagadeeda iska casileyso si ay wakhti dheer ula qaadato qoyskeeda. Wallstrom waxaa aad loogu yaqaannaa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, hore waxey u ahayd ergayga Qaramada Midoobay ee gabood falka Jinsiga ee gudaha goobaha lagu dagaallaamo, laba xillina waxey qabatay jagada Wakiilnimo ee Midowga Yurub. Wasiirka arrimaha dibadda Sweden ayaa bayaan ay soo saartay ayaa waxey ku sheegtay; “Waxwalba waxaan u huray sidii aan waddankeyga Sweden uga dhigi lahaa mid ammaan ah oo dunida ixtiraam iyo qadarin ka haysta”, waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxaa la joogaa waqtigii aan waqti fiican la qaadan lahaa ninkeyga, caruurtayda iyo ilmaha aan ayeeyada u ahay.” Wasiirkan ayaa hore waxey ugu khasbanaatay iney hakiso safar ay ku tagi lahayd Israel kadib markii xukuumadda Sweden ay ictiraaftay dowladda Falastiin. Israel na ay safiirkeedii kala baxday Stockholm. Wasiir Wallstrom waxey sheegtay iney filayso in ra’iisul-wasaaraha, Istiifan Lofan uu talaadada soo aaddan ku dhawaaqo wasiirka xilka ka bedelaya, waxeyna sheegtay in isla markaa ay dooneyso iney xilka iska tiriso. Source
-
(SLT-London)-Raysal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa weli xal u hayn cadaadiska uu kala kulmayo Baarlamaanka iyo waliba qeyb kamid ah xisbi Xaakimkiisa Conservative Party oo ay xubno badan kasoo horjeedaan qorshihiisa ah in Wadankaasi isaga baxo EU-da iyadoo aan wax heshiis ah lala gelin dalalka kale ee Midowga Yurub. Boris Johnson ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay waji gabax kala kulmay Baarlamaanka oo ansixiyey mooshino ka dhan ah Xukuumadiisa, iyadoo ay Aqlabiyada Xildhibaanada diideen qorshaha Brexit oo ay xukuumadiisa soo bandhigtay, mooshinadan cusub ayaa yimid kadib markii Boris uu ku dhawaaqay in la kala diray Baarlamaanka illaa bartamaha bisha Oktoober, go’aankaasi oo uu doonayey inuu Golaha Wakiilada awooda uga xayuubiyo inta laga gaarayo bisha soo socota oo ah wakhtiga loo qabtay in dalkaasi isaga baxo EU-da. Taageerayaasha Johnson ayaa aaminsan in aysan khasab ahayn in heshiis lala galo dalalka Midowga Yurub, hase yeeshee arrintan ayey halis u arkaa Xildhibaanada mucaaridka iyo waliba qaar kamid ah xisbi xaakimka oo aaminsan in heshiis la’aan uu dalka UK go’adoon dhaqaale geli doono. Xiisadda Xisbi Xaakimka Boris Johnson ayaa xisbigiisa ka saaray 21 xildhibaan oo kamid ahaa kuwii u codeeyey mooshinkii la ansixiyey arbacadii lasoo dhaafay, mooshinkaasi oo ku khasbaya xukuumadiisa inaysan ka bixi karin Midowga Yurub illaa heshiis laga gaarayo. Xubnaha uu xisbiga ka saaray ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano si weyn dalkaasi looga yaqaan, go’aankan ayaa keenay inay xilalka iska casilaan qaar kamid ah Wasiirada Boris oo uu ku jiro Walaalkiis, waxaana ugu danbeysay Wasiirada iscasilay Wasiirka Shaqada Amber Rudd. Wasiirka Shaqada, Amber Rudd ayaa warqadeeda iscasilaada ku sheegtay inay si weyn uga soo horjeedo Xildhibaanada laga saaray Xisbi Xaakimka, go’aankaasi Boris Johnson oo ay ku tilmaamtay “Fal Fowdo ka dhex abuuray Xibsiga talada haya”. Raysalwasaaraha ayaa hada doonaya in Baarlamaanka uu ka codsado in ay ansixiyaan qabashada Doorasho deg deg ah, si uu u helo taageerada shacabka ama Aqlabiyada Baarlamaanka taasi oo u fududeyn doonta hirgelinta qorshihiisa Brexit, hase yeeshee wuxuusan hada weli heysan codod ku filan Golaha Wakiilada oo ay tahay inay ansixiyaan qabashada doorashada Guud. Source
-
Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ay rag hubeysan xalay ku qaadeen qeybo ka mid ah deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa la sheegay in lagu ekeeyey xarun ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka deegaankaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ay waxyleeyo ka soo gaartay weerarkaasi. Dhinaca kale ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka sameeyey deegaanka Lambar Konton, kuwaas oo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey weerarkaasi. Blse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Hoose View the full article
-
Jowhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay barakac uu kabilodway qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dadka ku dhaqan deegaanka Jameeca ayaa bilaabay inay isaga cararaan halkaasi, kadib markii ay arkeen diyaarado ku socda joog hoose. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in diyaaraduhu ay haayeen labo, islamarkaana ay walwal iyo cabsi ku abuurtay inay duqeymo ka geystaan halkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dib ugu soo laabtay guryahooda dadkaasi oo reer guuraa ah. Inta badan waxaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka geysta diyaarada dagaalka Mareykankanka. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya kulamo gaar gaar ah oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa wada qaatay saraakiil ka socota dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi. Intooda badan kulamadani ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka ka taagan Beledweyne, kaas oo ka dhashay amar ka soo baxay dowladda oo ku aadanaa in ciidamada jooga magaaladaasi looo daabulo dhanka gobolka Galgaduud. Waxgaradka magaalada ayaa ka biyo diiday arrintaasi,waxaana dowladda dhexe ay ku eedeeyeen inay farogelin ku heyso arrimaha gobolka Hiiraan. Wararkii ugu dambeeyey ee kulamadii xalay ayaa sheegaya inay ku soo dhamaadeen fashil, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah. Sidoo kale ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in lagu kala tagay shirarkaasi. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha HirShabelle oo dhankiisa kulamo gooni gooni ah la qaatay saraakiisha qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Kulankan oo ka Dhacey Gudaha Xarunta Batalyanka 5aad ee Ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ku leeyihiin Baladweyn ayaa u dhexeeyay Saraakiisja Taliska Qaybta 21aad iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti waxaana Diirada lagu saaray Xaaladaha Amni ee Galmudug iyo Hirshabelle iyo Qorshaha Howlgalada lagu xoraynayo Deeganada Alshabaab ay ka joogaan Galmudug. Saraakiil Sare oo ka Tirsan Qaybta 21aad oo uu Hugaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayna WehlinayaanTaliyaha Guutada 13aad G/Le Craxmaan Moalim “Timadheere” , Taliyaha Guutada 15aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee Danab G/Le Muqtaar Abdulle ayaa saraakiisha Amisom ee Jabuuti kaga Warbixiyay Ujeedada socdaalkoodan iyo Howsha ciidanka qaybta 21aad ey ka wadaan Deegaanada Galmudug ee Bilaawga u ah Qorshaha Dagaal ee lagu Wajahayo Deeganada Alshabaab ay joogaan G/le sare C/Raxmaan Riyaale Xareed taliyaha Batalyanka shanaad ee hiil walaal ayaa Boqashada saraakiisha 21aad ee baladweyn ku tilmaamey Arin Bilaaw u ah Isku xirka Ciidanka iyo ka abaal gudida Soo dhoweyntii 21aad ey u sameysay ciidanka jabuuti ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb Taliyaha qaybta 21aad general cabdicasiis claahi “qooje” ayaa ka waramay Ahmiyada kulankan iyo Howlaha ay ka wadaan Baladweyn Ciidamadan ayaa Qayb ka Noqonaya Howlgal balaaran oo Dhowaan lagu Wajahayo Deeganada cadawgu ka joogo Galmudug Iyo Hirshabelle waxaana Bilaabanaya Qorshaha isku Xirka Qaybaha Xoogga Dalka kaa oo Saldhig u ah Nidaamka Ciidan ee Fududeynaya in la Fuliyo Howlgalo Dhameys tiran oo Dhabarka ka Jabin doonna Dhagarta Cadawga Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Dharkenyley Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ku taliyey in la xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga ee dowladda Somalia. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim u tahay nabad galyada in shacabka wax weliba oo ay ka shakiyaan la soo wadaagaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni darrada. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay xoojiyeen amniga magaalada Muqdisho. View the full article