-
Content Count
215,417 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
President Farmajo leaves Mogadishu for Russia-Africa summit
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has departed the country on Monday on his way to Moscow, Russia. The head of state is among leaders invited to attend the Russia-Africa economic forum scheduled in the resort city of Sochi from 23rd October. The Forum will be attended by African heads of state, representatives of Russian, African, and international business and government agencies, and representatives of African integration associations. During his visit, the Somali President is also scheduled to hold sideline meetings with government officials and leaders to discuss mutual interest and cooperation. According to the organizers, the forum is expected to strategically step towards creating favorable conditions for the development of trade and economic relations between Russia and Africa by diversifying the forms and areas of Russian-African cooperation. A significant set of trade, economic, and investment agreements are expected to be signed following the conclusion of the Forum. View the full article -
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta kacsan xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoona uu ka socdo dibadbax ballaaran. Banaanbaxa oo ay dhigayaan shacabka reer Kismaayo ayaa waxaa looga soo horjeedaa dilkii xalay halkaasi loogu geystay ganacsade Xaaji Saciid Ciise Adoon. Dibadbaxayasha ayaa dalbanaya in cadaalada la hor keeno kooxihii ka dambeeyey dilka marxuumka. Sidoo kale qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilkaasi uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, sida ay hadalka u dhigeen. Ganacsade Xaaji Adoon oo xalay toogasho lagu dilay ayaa waxaa baxsatay kooxdii fulisay. Jubbaland oo ka hadashay dilkan waxa ay sheegtay inay ka xun tahay, islamarkaana ciidamadeeda ay ku raad joogaan raggii fuliyey. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri ah oo doorashada Jubbaland, kadib ku soo kordhay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye ayaa ku eedeeyay maxkamadda derejada kowaad tan rafcaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Karkaar in ay sii daayeen xukmanayaal aan xabsigoodii dhammaysan. Guddoomiye Faahiye ayaa laamaha garsoorka gobolka Karkaar ka dalbaday in ay caddeeyaan hannaanka loo maray sii daynta Maxaabiista aan dhamaysan Xukun waqtiyeedka lagu ridday. Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in laamaha caddaaladdu kala shaqeeyaan oo qeybina wax ciqaabto qeybina wax cafiso islamarkaana ay bulshada u kala qeybiyaan qaar cadow ah iyo qaar xabiin ah. Hoos ka akhriso qoraalka guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Qardho: Laamaha garsoorka oo laga dalbaday in ay caddeeyan habka loo sii daayay maxaabiis aan xukunkoodii dhammaysan appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay la wareegeen deegaan muhiim ah oo hoostaga degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Al-Shabaab oo weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Bed-Alamo ayaa waxaa ay kala wareegtay ciidamada Jubbaland oo muddo ku sugnaa halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus uu labada dhinac ku dhexmaray halkaasi kadibna looga saaray ciidamada Daraawiishta Jubbaland. Ilo deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi, islamarkaana ay haatan ka wado baaritaano. Deegaanka Bed-Alamo ayaa dhaca xadka dheer ee kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Muddooyinkii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa ka socday gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
On the morning of 21 October 1969, Somalis still unable to come to terms with the brutal killing of their beloved Head of State, on October 15, woke up to a reality that may have been new to them but familiar in many other African countries: a military takeover of the government. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka . Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay illaa saaka ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay ku dhowaad 100 qof oo u badan dhalinyaro. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa sheegay in markii dambe la sii daayey dhalinyarada qaarkood, kadib baaritaano lagu sameeyey. Baaritaanadan ayaa daba socday dil xalay Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim loogu geystay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ammaanka degmadan ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, iyadoo maamula gobolku uu qeyla dhaan amni u diray Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka . Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka . Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa aan weli la aasin Meydka taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya, kaas oo saddex habeen ka hor lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday agagaarka Ex Naasa Hablood labo ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in weli uu maran ka taagan yahay sababta keenta dilka taliyahaasi oo lala toogtay askari ilaalo u ahaa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulan dhexmaray ehellada taliyaha iyo wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Qaar ka mid ah ehellada Marxuumka ayaa inoo sheegay in wasiirku bixiyey jawaab aysan ku qansin, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in Meydka aysan aasi doonin inta ay dowladdu ka cadeyneyso sababta keentay dilka Marxuumka. Dhinaca kale taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa horay u sheegay in dhammaan la xiray askartii ku sugneyd koontaroolka lagu dilay taliyihii ciidanka Gorgor. Maxaadey Suleymaan Eebakar ayaa ahaa shaqsi dhaliyaro ah oo firfircoon, waana sarkaalkii hoggaaminayey howlgalkii lagu qabtay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka halkaas oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka . Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galaya Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Paris)-Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska Danjire Cali Xasan Ismaaciil ayaa ka qeybgalay xaflad Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faransiiska soo qabanqaabisay oo lagu casuumay dublamaasiyiinta caalamka ee fadhigoodu yahay caasimada Paris. Wasiirka Arrimaha Dibeda Faransiiska Jean-Yves Le Drian, oo metelayey Madaxweynaha Faransiiska Md Emmauel Macron ayaa gudoonsiiyey bilad sharaf Knight’s Cross Jean-Pierre Rivery, agaasimaha Guud, iyo madaxii hore Medef 56. Munaasibadan oo lagu qabtay magaalada Vannes ee wasaarada Arrimaha Dibedda Faransiisku ku casuumtay safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga ayaa bayaamiyey laba qodob, oo ugu horreyso dedaalkiisa dublamaasiyadeed ee xoojinta iskaashiga Somaliland iyo Faransiisku iyo wada shaqeynta dhow ee uu u la wadaagay, oo dhigiisa wadamadda caalamka inoo jooga, nasiibdarro aanay weli gaadhin hanashadeeda. Sidoo kale, waxay meesha ka saartay dhaliilo xisbiyada Mucaaradku marar badan ku sheegaan in siyaasada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland fadhiid tahay, kana markhaati kacday sida qadiyadda Somaliland u qiimaynayo dalka Faransiisku. Source
-
Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay duqeyn ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo sidoo kale Shabellaha Hoose. Waxa ay diyaaradahan beegsadeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen degmooyinka Jilib iyo Jamaame, waxaana jira khasaare. Saraakiil ka tirsan DFS ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntan ay ku dhinteen xubno ka mid ah Al-shabaab, balse tiro ahaan lama sheegin. Diyaaradahan ayaa sidoo kale waxay bartilmaameedsadeen kolonyo ay la socdeen Al-shabaab oo xalay marayey deegaanka Xaramka, waxaana ku dhintay Shan dagaallame oo uu ku jiro sarkaal weli magaciisa aan warbaahinta loo xaqiijin. Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa inta badan waxay howlgallo ka fuliyaan gobollada Jubbooyinka iyo Labada Shabelle, mana jirto faah faahin kale oo dhinayacdan laga hayo, kuna aaddan duqeyntan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Annaga oo ah ciyaal dhigta Dugsiga Hoose ayaan galab isugu soo baxnay in aan kubbad cayaarno. Galbo fara badan oo aan banooni cayaarnay ayay ka mid ahayd. Laakiin waa Galab aan weli xusuusteyda ka go’in. Waa Buulo Burte. Waa Xaafadda Oktoobar. Waa barxad gawaan ah oo ku ag taalla kawaanka. Annaga oo cayaartu dhexda noo mareyso ayaan aragnay laba baabuur oo yaryar oo FIAT ah oo tartiib isu daba socda meel dhinac nooga beegan laakiin isla barxadda ah. Waa baabuur aynaan magaalada ku aqoon. Baabuurta magaalada ugu badan waxaa leh militeriga umana eka kuwan. Qaar kale waxaa leh booliiska oo LG iyo kuwo sidiisa u waaweyn. Dowladda Hoose iyo Wasaaradaha qaar sida caafimaadka ayaa iyaguna baabuur leh. Baabuur rayid ah oo aan badneyn ayaa jira iyo kuwo Buulo Burte ku xira Xamar iyo Beled Weyne iyo weliba kuwa isaga goosha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ee woqooyi ka xiga Hiiraan. Kuwaas oo dhan noocyadooda ay yihiin ama laga fili karo ayaan naqaan. Mana soo dhaafaan laamiga weyn ee magaalada dhex mara ee Bari iyo Galbeed u kala qeybiya. Labadan baabuur waa kuwo waxaas oo dhan ka duwan. Banooniga waan joojinnay. Dareenkeenna oo aan qeybsaneyn ayaan siinnay baabuurtan doolka ah. Waxay ku wajahan yihiin gurigayaga oo barxadda dhinac ka saaran. Markii ay derbigiisa ku tageen ayay soo leexdeen oo ay damceen in ay ku laabtaan jihadii ay ka yimaadeen. Aabbe ma Aha Qacda hore waxaan mooday Aabbahay. Laakiin aabbahay xilligan ma soo rawaxo. Nooca baabuurtuna waa ay ka duwan yihiin kuwa uu aabbahay ku yimaado ama lagu keeno, haddii aanuu lug ku imaan. Badiyaa baabuur militeri oo Ruushku sameeyay ayuu ku imaan jiray aabbe. Waxaa baabuurtaas ka mid ahaa Jeeb uaz ah iyo kuwo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Gaz, Maz, Triaz iyo baabuur dheereeya oo ay Soomaalidu ula baxday daf iyo miriq. Labada baabuur ee meesha maraya ee tartiibta u socda ee marba dhinac noo dhaafaya waan ku soo yaacnay. Markii ay na arkeen in aan ku soo ordeyno ayay labadii baabur joogsadeen. Annaga oo aan hakan ayaan foodda la galnay baabuurka hore. Aniga oo dhinaca baabuurta xigay ayaa ugu soo orod horreeyay ciyaalka. Tallaabo ama laba meel u jirta ayaan soo istaagay ciyaalkiina wey ila soo safteen. Fool-ka-Fool Madaxweynaha Ninka baabuurka wada ayaa isaga oo dhoollacaddeynaya noo yeeray oo nala hadlay. Anna waan u jawaabay aniga oo markaan labada gacmood ku haysta baabuurka albaabkiisa meesha miraayadaha haddii la dallaco ay ka soo bixi lahaayeen. Su’aalo fudud ayuu na weydiiyay. Waan uga jawaabnay. Markii uu in yar nala waday sheeko ciyaal ayuu yiri waan baxayaa ee nabadgelyo. Iskuulka ku dadaala ayuu yiri isaga oo gacanta noogu tilmaamaya in aan nabadgalno. Waxaan ku iri maad nala joogtid. Wuxuu igu yiri shaqo ayaa la iga sugayaa oo Xamar ayaan aadayaa. Qaarkeen nabadgelyo ayay ku dheheen qaar kalena waa ay iska aammuseen. Xoogaa markii aan sii daba cararnay ka dibna uu naga dheereeyay, ayaan annaguna halkii ka sii wadannay kubbaddayadii. TV ma jirin. Internet ha sheegin. Wargeysna markaas ma aynaan arki jirin inta badan. Ilaa iyo hadda ma aqaan sida aan wejigiisa ku gartay. Laakiin waan ogaa ninka baabuurka wadaa in uu yahay Madaxweynaha dalka. Hadda markii aan dib u fekeray waxaan is iri malaa waa wakhtigii uu u ekaa sawirka tukaammada iyo xafiisyada suran. Dhar ciidan muu gashaneyn ragga la socdayna dhar ciidan ma wadan. Ma xusuusto in aan qori arkay. Waan hubaa baabuurka uu isagu isteerinka u hayay qofna kama soo degin. Ma hubo in kan labaad oo daba taagnaa laga soo degey. Ilaa iyo hadda ma ogi sababta uu Goddoomiyaha Goboolka ama kan Degmadu aanuu ula socon Madaxweynaha. Sidoo kale militerigii xoogga lahaa ee magaalada degganaa Taliyahoodu lama socon. Xuseen Kulmiye Afrax Ma hubo labada booqasho midda horreeysay. Laakiin Kawaanka Oktoobar dhismihiisu markii uu dhammaaday waxaan isagana maalin ku arkay Xuseen Kulmiye Afrax. Madaxda Degmada ayaa u warbixineysay. Dharka booliiska ayuu ku lebbisnaa. Isaga ma aanan garan, laakiin shaki iigama jirin in uu yahay Madax Sare. Waxaan u fiirsaday garaaddihiisu waxa uu ka kooban yahay iyo sida uu u eg yahay. Garaadduhu wuxuu soo jiitay indhahayga maaddaama aanan mid la nooc ah ku arag ciidanka faraha badan ee magaalada jooga. Aabbahay markii uu shaqada ka soo rawaxay ayaan u sheegay ninka yimid xaafaddeenna markaasna waxaan u sawiray garaaddaha uu lebbisnaa sida uu u ekaa. Aabbahay ayaa ii sheegay ninka uu ahaa. Berigaas ma aanan ogeyn in nimankaasi iyaga oo weli dalka Madax ka ah aan dhammaysan doono waxbarasho ilaa heer Jaamacdeed. Ma ogeyn in aan labadaba wareysan doono. Ma ogeyn in aan safar u raaci doono. Ma ogeyn in aniga oo weriye ah aan soo dhex istaagi doono Golaha Wasiirrada dalka oo ay labaduba fadhiyaan. Mana ogeyn in aan amni darro darteed dalka uga tegi doono iyaga oo weli Madax ka ah. Dhammaantood Allah ha u naxariisto. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Source
-
(SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka socday kulamo iyo shirar uu hor boodayo Proff. Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha Khaatumo, kuwaas oo inta badan diirada lagu saarayo qorshayaal kala duwan oo ku aadan dalka. Doorashada soo socota ee sanadka 2021 ayaa qayb ka ah kulamadani, waxaana Cali Khaliif Galaydh uu xooga saarayaa haatan sidii xildhibaanada Baarlamaanka Somalia kasoo gala deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn loogu dooran lahaa gudaha magaalada Muqdisho. taas oo ay ka qayb qaadanayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo shakhsiyaad kale oo kasoo jeeda deegaanada SSC. Inkasta oo Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta ku wehelisa aanay war rasmi ah siinin warbaahinta, haddana sida warsidaha Muqdishotimes oo xiganaya illo ku dhawdhaw abaabulkaas u xaqiiyey, damaca ugu weyn ee Mr. Galaydh ayaa lagu sheegay sidii loogu dhisi lahaa maamul u gaar ah deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn kaas oo la sheegay in lagu midayn doono Beelaha East Sanaag Clan iyo Sool clan. Sida uu Muqdishotimes uu xaqiijiyey, madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayuu u bandhigay qorshihiisa kuwaas oo iyaguna muhiimad gaar ah siinaya si cadaadis xoogan ay ku saaraan dhinacyada Puntland iyo jamhuuriyadda Somaliland. Xogaha ayaa intaasi raacinaya, Ganacsato, Qurba joog iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa la sheegay in uu garab ka haysto Galaydh, kuwaas oo dadaal badan ku bixinaya hirgelinta maamul cusub oo ay dowladdu taageersan tahay. Subaxnimadii sabtidii dorraad ayaa Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, waxa ka dhacay kulan u dhaxeeyey Cali Khaliif Galaydh iyo dhalinyarada kasoo jeeda deegaanada SSC, kuwaas oo qaarkood ay u hanqal taagayaan kamid noqoshada maamulkiisa iyo xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee soo socda oo uu Galaydh dadaal ku bixinayo in aanan lagu dooran magaalada Garowe. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni oo haatan xidhiidh wanaagsan xukuumaddiisa kala dhaxayn madaxda Somalia, ayaa isna fara gelin u arka qorshaha Cali Khaliif, isagoo markiiba fal-celin ka sameeyay, kadib wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha guddaha Puntland oo ku taariikhaysan 19 Octoobar 2019, wareegtadaas oo qeexaysa in dawladda federaalka iyo maamulka Puntland aanu jirin wax heshiis ah oo ay kaga wadahadleen hanaanka ay iman doonaan xildhibaannada cusub ee imaan doona, sidoo kale digreetada ayaa amraysa in xildhibaannada Somalia kaga jira Puntland ay kusoo xeroodaan Puntland iyadoo lagu xulan doono hab-qaybsiga beelaha oo aan lagu xulan doonin hab-deegaan-doorashada dawladda Farmaajo wado Wareegtadan ayaa jawaab u ah dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Cali Khaliif iyo siyaasiyiintiisu ay ka wadaan magaalada Muqdisho. Cali khlaiif ayaa hargeysa markii uu ka ambobaxayay sheegay inuu muqdisho u tegayo dano isaga khaas u ah, isagoona xusay in wadahadalkii Khaatumo iyo Somaliland meel fiican marayaan, wixii ka qabyo ahna uu soo laabadkiisa dhamaystiri doono Nuqulka wareegtadan ayaa u dhignayd sidan; Source
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa doon ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay kula degtay bariga xeebta magaalada Marka. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DFS, waxaa doonidaasi la socday ku dhowaad 20 ka mid ah askarta xoogga dalka, kuwaasi oo ka baxay magaalada Muqdisho. Waxaa lasoo badbaadiyey 13 askari oo uu ku jiro taliyahooda, kaasi oo lagu magacaabo Xidigle Xismaan Muuse, waxaana illaa iyo haatan la la’ yahay 5 askari. Weli waxaa socda dedaallada lagu baadigoobayo askarta la la’ yahay iyo hubkooda, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo la helay. Magaalada Marka waxaa go’doomiyey Al-shabaab, iyadoo ciidanka dowladda ee doontan la degtay ay doonayeen in dhanka badda ka galaan magaaladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka hay’adaha amniga ee Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si kulul uga hadlay dilkii Xalay Kismaayo loogu geystay, Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqiinay gudaha magaaladaasi. Cabdinuur ayaa sheegay in Jubbada ay aad uga xun tahay dilkaasi, islamarkaana ay Tacsi u direyso ehellada Marxuumka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka ganacsadahaasi. Afhayeenku wuxuu xusay in ciidanku ay baaritaano ka dhan ah raggaasi ay ka wadaan halkaasi. Marxuum Xaaji Saciid Ciise Adoon ayaa sidoo kale ka mid ah waxgaradka deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa marka laga yimaado in ay magaalooyinka kale ee dalka ula simantahay weerarrada Argagixiso, waxaa iyada u dheer siyaasado cakiran oo ay cagaha la gashay waxii ka dambeeyay markii uu dhamaaday waqtigii hore ee xil heynta Madaxweyne Axmed Madoobe. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/Cod-Kismaayo.mp3
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ganacsade caan ahaa xalay loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xaaji Siciid Ciise Cabdi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee magaaladaasi. Afhayeenka amniga ee Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo ka hadlay dilkaasi ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehellada marxuumka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada amnigu ay ku raadjoogaan raggii geystay dilkaasi, islamarkaana howlgallo lagu baadi goobayo ay ka wadaan gudaha Kismaayo. Dilkan ayaa qeyb ka noqonya falal ammaan darri oo doorasho Jubbaland, kadib ka dhacayey deegaanada maamulkaasi. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa twitterka waxa uu ku soo gudbiyay su’aalo la xidhiidha dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Xasan Sheekh ayaa su’aalo ka keenay sababaha dib loogu dhigey dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay tahay markii labaad ee maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ku dhowaaqday in dacwada badda dib loo dhigey. “Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiil maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu ku daabacay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay shacabkeeda ay siiso jawaab waafi ah oo la xidhiidha dacwada Badda. Warkan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sii xoojinaya shaki ku saabsan in dowlada Soomaaliya ay u diyaar garoobayso sidii meel aan ahayn maxkamad loogu xalin lahaa dacwada badda. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigey bartiisa ugaga hadlay sababaha dib loogu dhigay dacwada badda. Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay aqabalayn in marlabaad dib loo dhigo dacwada badda hase yeeshee markii Maxamada ICJ ay dib ugu dhigtey marlabaad ayay dowladuna si sahlan u aqbashay. Source
-
Taliska Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa war ka soo saaray amniga magaaladaasi iyo sidoo kale howlgallo ay ka sameeyeen duleedkeeda, Qoraal ka soo baxay taliska ayaa ugu horreyn lagu beeniyey in isbaarooyin la soo dhigay inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Godinlabe ee gobolka Galgaduud. “Taliska Booliiska Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu u Cadaynaya Bulshada in aysan Jirin wax Jidgooyo ama Isbaaro ah oo yaala Jidkaasi , Waxaana Howl Joogto ah ka Haya Ciidamada Booliska oo Fariisimo ku leh Wadada, sidoo kalana Roondo Joogto ah ka Sameeya Inta u dhexeysa Godinlabe iyo Mareergur ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri warka taliska. Ugu dambeyn Booliska ayaa ka codsaday shacabka in ay kala shaqeeyaan nabad gelyada, si ooga hortago falalka ammaan darri ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. View the full article
