Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (SMN) – Jeneraal Berhanu Jula, taliye ku xigeenka ciidamada waddanka Itoobiya ahna madaxa howlgalada, ayaa u sheegay warbaahinta in ay qabteen “xubno ka tirsan” Daacish. Sidda laga soo xigtay Jeneraalka, kooxdan ayaa meelo kala duwan oo dalkaas kamid ah waxay isku dayeysaa in ay isku balaariso kuna yeelato unug xoogan, balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay ku fashilantay. Warbixino laga helay hay’addaha sirdoonka ayaa waxay qeexayaan in ay jiraan tirro dagaalyahano ururkan kamid ah, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay dibadda, ay galeen dalkaas bilooyinkii lasoo dhaafey. “Wali ma caddeyn karno qorshahooda, balse waxay sameynayaan dhaqdhaqaaq si ay u aqoonsadan dagaalameyaashooda, isha ayaanse ku hayaan,” ayay wakaaladda wararka Itoobiya kasoo xigtay sarkaalka. Ururkan oo Soomaaliya kaga sugan degaanada Puntland gaar ahaan buuraleyda gobolka Bari ayaa Geeska mandiqada kasoo if-baxay 2015-kii, waxaana hogaamiye u ah Cabdiqadaair Muumin. View the full article
  2. Burco(SL-T):Isuduwaha Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Gobolka Togdheer Oo Furay Xarunta Daryeelka Hooyada Iyo Dhalaanka Deeganka Taala buur. Source
  3. Garoowe (SMN) – Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu soo bandhigay ciidamo cusub oo ka mid ah kuwa ammaanka ee maamulka Puntland. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka, islamarkaana si gaar ah loo soo tababaray ayaa waxaa la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan amniga magaaladaasi. Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan ayaa sheegay in u jeedka loo soo xulay ciidamadaasi uu yahay sugidda nabad galyada. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, iyaga oo aan cuburin dadweynaha. Ugu dambeyn taliyaha ciidamada Booliska Puntland, Sarreeye Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa uga digay ciidamadan inay si macno darro ah u rasaaseeyaan dadka, wuxuuna tilmaamay in askarigii amar la’aan xabad rida uu isagu qaadi doono mas’uuliyadda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dowladda Australia ayaa soo saartey digniin cusub oo ku aadan khatarta amni ee garabka Daacish uga dagaalama dalka Soomaaliya. Guddiga Amniga iyo Sirdoonka ee baarlamaanka Australia oo warbixintan soo saarey ayaa sheegay in ururka uu maleegayo weeraro ay ka geysanayaan meelo ay kamid tahay magaaladda Muqdisho. “Kooxo ay kamid tahay Daacishta Soomaaliya, waxay beegsan karan reer Galbeedka…afduubasho madax furasho doon ah,” ayay sheegeen, iyaga oo aanan kala caddeyn hadii ay AlShabaab kamid tahay. Daacishta Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa dalka Soomaaliya kaga sugan degaanada Puntland, halkaasi oo ay kasoo ifbaxeen sanadku markii uu ahaa 2015-tii. Mareykanka ayaa horey u shaaciyey in Kooxdan xubnaha u dagaalama badankooda ka yimaadeen dhanka Al-Shabaab, kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso in ka badan 250. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dhowr jeer weeraro dhanka cirka ah ku qaadey goobaha Daacish kaga sugan tahay gobolka Bari ee Puntland, waxaana looga dilay xubno badan. Ugu dambeyntii, guddiga ayaa isku raacey in Daacishta Soomaaliya loo aqoonsado urur argagixiso oo caalami ah, laguna daro liiska xagjirnimada dunida, “maadaama ay geysanayaan dambiyo”. View the full article
  5. The Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda ICJ ayaa warbixin cusub kasoo saartay Kiiska dacwadda Badda ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib go’aankii dib loogu dhigay muddo laba bilood ah.Maxkamadda ayaa sheegtay in dadkii isku diiwaan geliyey inay ka qeyb noqdaan kulankii Maxkamadda ee baaqday looga baahan yahay in mar kale is diiwan geliyaan. 4-ta November oo ah maalinta koowaad ee Maxkamadda ahna Maalin Isniin ah ayaa waxaa la dhegeysan doonaa Soomaaliya, waxaana jaanis la siiyey 10:00Am illaa 1:00Pm iyo 3:00Pm illaa 4:30 galabnimo. Dowladda Kenya ayaa iyadana doodeeda soo jeedin doonto Maalinta Arbacada ah 10:00Am illaa 1:00Pm iyo 3:00Pm illaa 4:30 galabnimo. Maalinta Sedexaad ee Maxkamadda oo ah Todobada Bisha November ayaa waxaa fursad kale la siin doonaa dalka Soomaaliya saacadda marka ay tahay 3:00 PM ilaa 4:00 Galabnimo. 8-da Bisha November oo ah Maalinta ugu dambeyso ee dhageysiga dacwadda ayaa waxaa leh Dowladda Kenya oo maalinteeda labaad u noqoneyso waana Maalin Jimco ah, waxayna soo jeedinteeda leedahay 3:00 PM ilaa 4:00 Galabnimo. 24-ka Bisha October ayaa ugu dambeyn loo qabtay inay isku soo diiwaan geliyaan dadka doonayo inay ka qeyb galaan fadhiga soo socdo ee maxkamadda kuwaas oo isugu jiro Diblomaasiyiinta, Warbaahinta iyo ka qeybgalayasha kale. Dowladda Kenya ayaa sabab u aheyd inay baaqato dhageysiga Maxkamadda oo lagu ballansanaa sagaalka Bishaan kadib markii ay dalbatay in dib loogu dhigo. Maxkamadda ICJ ayaa aqbashay cosiga Dowladda Kenya inkastoo ay kaliya ku dartay 2 bil halka Dowladda Kenya ay codsatay in dib loogu dhigo ilaa 12 Bil. Dowladda Kenya ayaa muujisay cabsi ku aadan in looga guuleysan doono Dacwadda taalo Maxkamadda ICJ, waxayna isku dayday inay meel kasta u marto sidii loo joojin lahaa dacwadda balse Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inaysan wax wada hadal ah ka geli doonin Kiiskaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun,Geeridu waa xaq!!!!. Anigoo ah Eng.Maxamed Jaamac Boosolaaye (Eng.Maskax) Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Qoyska Reer Axmed Aw diiriye Guuleed oo Aabahood Oday Axmed ku geeriyooday Magaalada Hargeisa. Waxan ilaahay ugu baryayaa inuu Marxuum Oday Axmed janatul-Firdoows ka waraabiyo Qoyskiisa,xigtada,Xasbada & Ehelkuu ka geeriyoodayna samir & imaan saadiqa ka siiyo. Aamin Aamin Aamin Qaran News
  7. Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta ka qeybgalay shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Wasiir Ducaale ayaa ugu baaqay ergada ka qeyb galeysa shirkaasi in ay ka qeyb qaataan nabad galyada deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka Dhuusamareeb oo uu sheegay in la xoojiyey maalmihii la soo dhaafay. Dhanka kale waxa uu ballaan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Al-Shabaab looga saari doono deegaanada ay ka heystaan gobollada Mudug iyo Galgaduud. Shirka Dhuusamareeb oo looga hadlayo arrimaha dib u heshiisiinta ayaa waxaa Jimcihii daah-furay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa Shalay wareejiyey hoggaanka shirka golaha Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta. Wasiir cawad, oo Guddoominayay shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar, ayaa geba-gebadii kulanka xilka hoggaanka ku wareejiyay dhigigisa Dalka Ciraaq, Maxamed Cali Xakiim. Ambassador’ Cawad, ayaa sheegay in Lixdii Bil ee ay Soomaaliya haysay xilka ay u qabsoomeen waxyaabo badan, kana shaqeeyeen isu soo dhoweynta siyaasadda Waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta iyo iskaashigooda. Shirka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda carabta ayuu sheegay in looga hadlay, dhibaatada haysata Shacabka reer Falastiin iyo colaadaha ka aloosan Waddamada Libya, Yemen iyo Suuriya. View the full article
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe. Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee Garoowe waxaa madaxweynaha ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan golaha xukuumadda, barlamaanka iyo maamulka degmada. Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo soo dhoweynta ka dib warbaahinta kula hadlay aqalka martida garoonka ayaa sheegay in madaxweynuhu safaro ku soo maray dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, waxbadana uga soo qabsoomeen. DAAWO PUNTLANDPOST The post Madaxweynah Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safarkiisii Imaaraadka iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-11092019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimdda Online) – Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa War Saxaafadeed ay soo saareen waxa ay uga hadleen lacago looga qaado dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in si qaldan loo maamulo. Waxa ay sheegeen Ganacsatada gobolka Banaadir in lacago taburacaad ah oo loogu tala galay dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho bil kasta si joogta ah looga qaado hadana ayan jirin wax muuqda oo lacagtaasi lagu qabto si khaldana loo maamulo. Halkan Akhriso War Saxaafadeedka Ganacsatada soo saareen Ku: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Og. Handti-dhowrka Qaranka Soomaaliyeed Og. Raysulwasaaraha Xukuumadda Fed. Soomaaliyeed Og. Madaxweynaha Jumhuriyadda Fed. Soomaaliyeed Ujeeddo: Warsaxaafadeed Wax Ka Qabasho Lacagta Jidadka Annaga oo ah ganacsatada canshuurta ugu badan laga qaado , isla markaasna ah aasaasayaalkii tabarucaadka dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho, lagana qaado tabarrucaadda ugu badan, waxaan ka codsanaynaa cid walba oo ay khuseyso in ay wax ka qabtaan musuqa lagu hayo lacagta tabarucaadda dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho. Lacagtaan tabarucaada ah oo hadda uu maamulo Maxamuud Cabdikariim Gabeyre, wax shaqo ah oo muuqda laguma qaban muddo hal sano ah. Waxaan ognahay in lacagtaas ganacsatadu looga qaado si joogto ah, iyada oo aysan jirin hab isla xisaabtan ama xitaa warbixinta xaalka ay ku sugan tahay lacagta muddadii uu maamulayey Gabeyre October 2018 ilaa September 2019. Sidaasi awgeed Ganacsatada laga qaado tabarrucaadda dib-u-dhiska waddooyinka waxay dalbanayaan in: La xaqiijiyo in lacagta lagu qabto AKOON (XISAAB) aammin ah, Talada lagu maamulayo lacagta laga tixgeliyo ganacsatada laga qaado lacagta ugu badan, La soo bandhigo xisaab xirka lacagihii loo uruuriyey dhismaha waddooyinka muddadii sanadka aheyd ee u dhexeysay Oktober 2018 – September 2019. Mahadsanidiin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Badhan)Ciidammada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland u jooga Degmada Badhan ayaa xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland halkaa u jooga. Weriyaha Telefiishanka Horn Cable Tv u jooga Magaalada Badhan, ayaa soo sheegaya in Ciidammada Puntland ee Badhan ku sugan ay xidheen Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed. Illaa hadda lama oga sababta Puntland u xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland u jooga Badhan, maaddaama oo awalba Masuuliyiin kala matalaya labada dhinac ay Magaalada Badhan wada joogi jireen. Dawladda Somaliland weli kama hadal Xadhigga Puntland kula kacday Badhasaab ku-xigeenkii u joogay Badhan, balse Xidhiidh uu Telefiishanka HCTV la sameeyay Badhasaabka Somaliland ee Badhana ma suurto-gelin inuu nala hadlo. Sidoo kale, Puntland ayaan ka hadal Xadhigga Badhasaab ku-xigeenka Somaliland, laakiin Arrintan ayaa sawir ka bixinaysa in dagaalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland ku dhex maraya Badhan uu isa soo tarayo Source
  13. MOGADISHU (HOL) - Three mortar shells landed near the presidential palace Tuesday afternoon but no casualties reported yet. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya madaafiic xoogan oo goor dhow ku hoobtay dhismaha madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Madaafiicda oo gaarayey illaa saddex ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah uu ku dhacay xarunta safaaradda Itoobiye oo ku taalla gudaha Villa Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada hoobiye ee kale ay ku dhaceen xaafadaha Cagadhiig iyo Kaambada oo ka tirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare u badan dhaawac ay ka dhasheen madaafiicdaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya,. Mana’ahan markii ugu horreysay oo hoobiyeyaal lagu weeraro dhismaha madaxtooyada Qaranka oo ah oo goob aad loo ilaaliyo. Faah faahinta kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Somali Prime Minster Hassan Ali Khaire continues his trips in Southwest state holding talks with the region’s president Abdulaziz Laftagaren and other officials. Both the PM and Southwest state leader met commissioners from different districts in Bakool region on Tuesday night in Hudur town. The meeting which was classified as “very important” attended by the commissioners of Hudur, Rabdhuure, and Tiyeeglow, and was mainly discussed how to defeat Al-Shabaab in Bakool region. The Prime Minister promised during the meeting that he will deal with the current situation of the region mainly security and humanitarian crises. This comes after the PM and his delegation was welcomed in the region on 7th September, and he spent time with the leaders, elders, and youth in Baidoa, the interim capital city of Southwest State. Finally, Khaire is the first Premier to pay such lengthy regional tour out of Mogadishu and stayed in Galmudug state for almost two months, and now it’s not comprehensible how much time that he might spend in Southwest. The trip follows after the government forces and their allied African Union troops are carrying out joint offensives against Al-Shabaab in Southern parts of Somalia. View the full article
  16. General Berhanu Jula Oo ah Kuxigeenka Janaraalka ugu sareeya Ciidanka Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in Sirdoonka Ciidanka Itoobiya ay qabteen Shaqsiyaad ISIS ka tirsan kuwasoo [...] Source
  17. Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa lagu soo rogay amarro dhanka ammaanka kuwaas oo la xariira dadka hubka ku dhex heysta magaalada gudaheedaha Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay ciidanka Booliska marnaba uusan cidna ka ka ogolaan doonin in hub lagu dhexsito gudaha magalada Garoowe, waxana uu sheegay in ciddii lagu arko lagala wareegayo. Sidoo kale, taliyaha ayaana sheegay in arrintaan looga golleeyahay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalda, isaga oo carabka ku dhuftay in howlgalkaan lagula dagaalamayo dadka Hubka ku dhex qaata magaalada oo waliba ay ku jiraan ciidama aan shaqada ku jirin oo ayaga oo hubeysan jooga magaalad isaga oo arrintaas ka hadlaayana waxaa uu yiri” “Marnaba ma ogolaaneyno in Magalada hubka la isaga dhexwato ciidamada howlgallada ku jira waxaan u sheegayaa inay qorayaha ka qaadaan cidii ay ku arkaan, iyaga oo Magalada ku dhexsita,ilaalada Madaxda xataa laguma arki karo magalada xarumahooda haku ekaadaan ayuu yiri” Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse”. Hadalka Taliska Ciidanka Booliska dowlad gobaleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa ku soo aadaya ayadoo ciidamada Booliska Puntland ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo kala duwan ka sameynayeen Xaafadaha gudaha kala duwan ee Magalada Garoowe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Warsaxaafadeed kasoo baxay Maxkamada Aduunka ayaa lagu sheegay in dib loo furayo dhagaysiga Dacwada Soomaaliya iyo Kenya ee muranka Bada. Bisha Oktobar 4 teeda ayaa [...] Source
  19. CAIRO (HOL) - Somalia has called on the Arab League to stand with Palestine and support its efforts to become an independent state. Source: Hiiraan Online
  20. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is deeply concerned by the harassment of the journalists and the censorship of the local media coverage in Somaliland. After meeting with directors of media houses, Somaliland’s Ministry of Information has released a statement on Monday, September 9 in which it ordered all independent TV stations to prioritize local (Somaliland) news over what unfolds in the other parts of Somalia. The draconian order will take effect within two weeks, starting from September 9. “We are deeply concerned by the actions of Somaliland authorities to censor and interfere with editorial independence, which is fundamentally important for the independent media. This is an act of gross violations against free press and freedom of expression,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. “The right of the editors and journalists to prevent interference of management or third parties such as Somaliland authorities on the editorial content is non-negotiable”. “It is the journalists’ responsibility to the public to report the news independently and fairly, without following the dictates from authorities. Deprived of editorial freedom, the independent media houses lose credibility and the confidence of the public they serve.” In addition to this disturbing decision against editors and reporters simply doing their jobs, there have been several incidents in which Somaliland security forces arrested journalist and shut down Horyaal24 TV and forcefully occupy its offices. The continued closure of the TV station, imprisonment of its director and presence of police in their offices in Hargeisa is part of the censorship and an attempt to intimidate other media from being critical of the Somaliland authorities. The shutdown came after the Television aired series of an “awareness” program about the growing use of Khat— among women in Somaliland last week which Somaliland authorities described as shameful to the women’s dignity. “Somaliland should withdraw blatant censorship and pull-out its forces from Horyaal24 TV offices immediately. The station and its journalists are exercising their journalistic duty and the authorities must not target them because of their media work,” added Osman. Last Tuesday, on 03 September 2019, Somaliland ordered the Internet providers to block access to a leading an independent news website, “Hadhwanaag.ca” which is currently inaccessible in Somaliland. This followed a request from the police after the news site published an article which alleges misuse of public money by the Governor of the Central Bank of Somaliland, Ali Ibrahim Jama (Baghdadi) that led to the order of the blockage. NUSOJ calls for a swift end to the wanton censorship and the intimidation of the media workers and reminds Somaliland authorities that it is the rights of the journalists to report about issues of public interest, including to investigating wrongdoings of public officials without fear of reprisal. “Arresting journalists, shutting down independent media houses and blocking access to news sites will further tarnish Somaliland’s poor press freedom record,” said NUSOJ Secretary, adding that the union voices alarm over the threats to media. Finally, NUSOJ urges Somaliland Government to allow the TV to resume operation, free its director and ensure that independent media outlets are not harassed, and permit journalists to practice their profession without any fear. View the full article
  21. Qaadka iyo Haweenka “Toojaba waxaa loo godlaa say u gaar tahay”. Hooyaday waa ay ummushay iyo waa ay dhashay, iyada oo labaduba isku macne soo gudbinayaan, haddana afka ayay u kala roon yihiin, ishuna sidaas oo kale ayay laba aragtiyood ugu kala roonaan karaan. Waxa albaabbada la isugu dhuftay dhowaan xarunta Horyaal TV24 ee magaalada Hargeysa. Waxa kale oo isna la xidhay mulkiilihiisii. Horyaal TV24 waxa uu ka mid yahay dhawr TV oo wakhti aan fogeyn ku soo biiray TV-yada badan ee gaarka loo leeyahay ee Somaliland ka hawl gala. Waxa xadhiddiisa keenay oo loogu daw-galay barnaamij ay ka duubeen hablo uu tilmaamay in ay merfish qayilaadeed jilibka laabaan magaalada Hargeysa. Wax badan baa laga yidhi dhacdadaas, hase yeeshee waxa aan ka eegi dhinac kale oo aan wax badan laga odhan inta ogaalkayga ah. Waa xidhiidhka ka dhexeeya dhacdan iyo magaalowga (Urbanization). Inta badan Soomaalidu waxa ay ahayd ama ku tiirsanayd dhaqanka reer guuraannimada. Markii gobannimada la gaadhey 1960 waxa si weyn loogu soo ruqaansaday magaalooyinka, gaar ahaan xaruntii Muqdisho oo dadkii gobollada iyo dhulka miyigu ku soo qulquleen. Waxa isku dhac ka dib isku soo dhowaadey labadii dhaqan ee magaalada iyo reer guuraaga. Waxa is dhiibey oo magaalada la qabsi la samaynayey reer guuraagii iyo tuulo-jooggii. Belwedo magaalada ka jirey sida qaadka, sigaarka, khamriga, tumasho kale iwm. ayaa loo qaatay in lagu reer magaaloobayo iyo ilbaxnimo, markii la arkay dadka qaar magaalada ku dhaqan oo dugsada qaar belwedahaas ka mid ah ama dhammaantoodba. Ilbaxnimo ayay mar ahayd qiijinta sigaarku in afka kor loo la taagaa, sida eegga shiishadda ama badeecadda kor loogu afuufo. Wagaas iyo ka horba lagama aamusin la tacaalka belwedahaas in halistooda dadka looga digo, loona muujiyo in ay yihiin wax aan u wanaagsanayn caafimaadka iyo akhlaaqda aadmiga. Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu dhiirradey in ay belwedahaas iyo tabnaantooda bulshada u soo bandhigaan. 1966 isaga oo la hadlaya madaxdii dawladda ee xilligaas waxa uu ku lahaa gabaygiisii Tabaalaha Wakhtiga: Mid tacliinta loo soo diroo tadhaqa oo liid ah Oo tuhun ku jiro inuu ka tegey toobaddiyo diinta Oo Aqal Tilmaan li’iyo khamriga gacan-toglaynaaya Oo uu talmiidkii yaraa taas ka baranaayo Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego! Mar kale isaga oo taas sii daba jooga, haween xilligaas ged cusub la soo baxayna ka hadlaya, waxa uu isla gabaygaas ku lahaa: Taaloogga naagaha jartee timaha qaar gooyey Oo sida waraabaha tartama toonka cararaaya Oo taranta Soomaaliyeed teedka kala gooyey Oo aan dhaqaalena u tudhin ubadna tuugeynin Oo toban-jirkii kori lahaa fadhay tagooggiisa Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego! Natiijooyinkii tabnaa ee arrimahaas waxa uu isla meel kale isla gabaygan ku lahaa: Tuweyskii la eed iyo hablaha tumashadoodiiye! Konton sannadood ka dib, burburkii weynaa ee Soomaaliya ka dhacay, waxa marka kale magaalada ku soo ruqaansaday intii dhulka reerguuraagu ku noolaa ku hadhsanayd. Magaaladu ma aha tii 1960-aadkii. Waa tu dhinac kasta ka burburtay, dadkeedana uu burburkaasi dhinac kasta ka saameeyey. Reer magaalkeedii in badan oo ka mid ahi ama waa ay qaxeen ama le’deen. Waa nolol wada qaawan iyo guri ba’ay. Dhankii aad jalleecdaba waxa kaa soo celinaya masaabiir mariidyo sun ah afka ku wata. Saboolnimo maal iyo mid maskaxeed ayaa midoobey oo is kaashanaya. Belwedihii awel dadka dhexdiisa oollimaadka ku lahaa waxa ay la kala baxeen baallaha. Waxa ay garaaceen albaab kasta oo ay in badan gundhada jareen. Waxa ay noqdeen meel lagu eerto oo lagaga baxsado runta silica iyo saxariirka jira. Shaqo la’aan, waxbarasho la’aan, caafimaad darro, dhaqaale darro (suququl maceeshadeed), qulub iyo qas maskaxeed ayay dadka intiisa badan is muteen. Si walbahaarka iyo culayska nololeed la isaga yareeyo, xaqiiqadana looga dhuunto, waxa lagu jabay in si baahsan loo la qabsado belwedaha ibtilowga ah ee qaadku ugu horreeyo. Rag iyo haweenba si toos ah iyo si dadban ayay taasi saamayn taban ugu yeelatay. Burburka guud ayaa dhalay burburro kale. Waxa burburaya qoysas badan. Waddanka Yemen oo ka mid ah meelaha qaadku diloodey warbixin laga qoray 2009 (Qat Increasingly Turns on Yemeni Women Groupies”, ayaa ka digeysa sida uu qaadku waxyeellada ugu hayo caafimaadka bulshada. Dhiig-kar, ilko beel, ilko xanuun, calool is taag, xanuunno ku dhaca oo barar halis ah ku keena uurkujirta sida caloosha, xiidmaha, mindhicirka, malawedka iwm, isla hadal, khaakhaayiraad iyo qulub ayay warbixintu sheegtay in qaayibidda qaadku keento. Shiishadda ama badeecadda ayaa si kooxaysan iyana loogu adeegsadaa meelahaas lagu bulsheeyo ee qaadka lagu cuno wadddanka Yemen. Ragga ayaa si gooni ah u wada qayila, dumarkuna waxa ay bilaabeen in ay merfisyo sallaxdaan. Dumar reero ka soo burbureen ayaa ka mid ah dumarkaas oo ubadkoodii marba u soo gelayaan iyaga oo qayilaya ama badeecad wada buufinaya, sida warbixintaasi xambaartay. Marka teenna loo eego taas waxa aad dareemaysaa in kala duwanaanta ugu weyni tahay in qaadku Yemen u baxo, innaguna aynu lacag adag ku soo iibsanno. Weligeed ba intuu qaadku ina soo galay cuniddiisu ragga oo keli ah uma gaar ahayn oo haba yaraadaane waa la arki jirey ama la maqli gabadh qayisha. Wax se cusub in hadda dumar badani ku walfeen cunidda qaadka. Yemen lafteeda hadda ka hor lagama aqoon merfishyo haween isugu habar-wacda in ay wada qayilaan. Arrinta markaas hadda muhiimka ahi ee dhacdadan Horyaal TV 24 ka soo baxday waa sidee loo waajahayaa wax ka odhashada iyo ka falcelinta mushkiladdaas bulsheed? Muuqaallo tabani mar kasta bulshada waa ay ka dhex jiri doonaan, sidii ay dorraato, shalayto iyo maantaba oollimaadka ugu lahaayeen, welina ugu leeyihiin. Waa biyo-kama-dhibcaan in muuqaalladaas laga falceliyaa oo wax laga yidhaahdaa. Laga ma aamusi karo oo isha miirta laga ma dhigi karo. Hase yeeshee, “xaajada badh baa la hojiyaa hu’ga la saaraa” Ma aha sida ugu wanaagsan sida hadda dhacday in ceebo jira oo wax u dhimaya akhlaaqda bulsheed lagu wada sayaxo oo marada laga wada qaado. Si bulshada looga wacyigelin karo waxa loo mari karaa dariiqyo kale oo badan. Hooyaday waa ay ummushay iyo waa ay dhashay, iyada oo labaduba ay macne isku mid ah soo gudbinayaan nuxur ahaan, haddana afka ayay u kala roon yihiin, ishuna sidaas oo kale ayay laba aragtiyood ugu kala roonaan karaan. Haddii sheekada merfishku tahay xaqiiqo jirta waxa habboonaan lahayd in si kale hablaha wax loogaga weydiiyo waxa sababay merfishka oo la ogaado waxa kellifaya, dhibaatooyinka ka dhashay, iyada oo aan marnaba la muujinayn in goobtu tahay meel wax waxtar leh ama wax wanaagsan, loo na gol yeesho in tabnaanteeda la soo bandhigo si waafaqsan anshaxa iyo qaayosoorrada bulshada. Dhinaca caafimaadka iyo akhlaaqiyaadka ayaa lagaga iman karaa oo barnaamijyo iyo suugaan lagu cabbiri karaa. dhaqan-celin, u abuur fursado kale oo bulshaawinnimo sida ciyaaraha, waxbarasho iyo shaqo abuur noloshooda lagu hagaajinayo iwm. ayaa belwedaha lagu dawayn karnaa (yarayn karaa) rag iyo dumarba. In lagu sayaxaa waxa ay ka dhigan tahay “dhidar onkod ku kicin”. Ta u dambaysa, waxa aan khalad u arkaa in albaabbada loo xidho shirkad barbaahineed oo sharciyad leh, iyada oo aan loo marin tallaabo sharci ah. Sideedaba waxa loo baahan yahay in xadhigga degdegga ah iyo soo deynta degdegga ee raacda la iska daayo. Marka horeba maxaa qof ama shirkad loogu degdegayaa xadhiggooda? Marka ay warbaahin timaaddana waa ay ka sii xagjirtaa. Waxa ha’yadda warbaahineed ee darjiidha ama wax sharci darro ku tallaabsata la siin karaa digniin hore iyo mid kama dhambays ah. Waxa raaci kara ganaax dhaqaale. Xadhigga waa laga fursan karaa inta badan. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxwayne Biixi Oo Saaka Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Borama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Sanaag(SL-T): Haayada Arc Oo Deeq Ka Kooban Agabka Baahiyaha Aas aasiga Gaadhsiiyay Deegaano Badan Oo Ka Trisan Degmooyinka Garadag,Xudun Iyo Ceelafweyne Source