-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boorama (Caasimada Online) ― Xogo kala duwan oo ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in Jabhad cusub oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ay ka dilaacday deegaanka Dilla ee gobolka Awdal. Jabhadan ayaa waxa naloo xaqiijiyey inay gabaad ka dhiganayso deegaanadaasi, kuwaasi oo wada dad urursi iyo dar-dar gelin dagaalo ka dhana xukuumada Biixi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen dad deegaanka ah. Jabhadan oo weli si rasmiya loo ogeyn magaca iyo hal ku dhiga ay kula dagaalami doonaan xukuumada Somaliland, ayaa haddana waxa la dareemaya dar-darta ay ka wadaan deegaankaasi, kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay gacan saar hoose la leeyihiin Jabhada Korneyl Caare ee ka dagaalanta gobolada Bariga Somaliland. Sida ay Caasimada Online ku helayso Xogta Jabhadan ayaa waxa ay daba socotaa Jabhad kale oo hore uga jirtay gobolka Awdal, taasi oo uu hogaamin jirey Suldaan Wabar, midaasi oo iyadu dib u soo rogaal celisay sida ay noo xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Jabhadii Suldaan Wabar ayaa iyaduna waxa la sheegaya in hadda ku sugan-yihiin deegaanka u dhow xuduuda gobolka Awdal ee Harawo, halkaasi oo iyaguna ka wadaan rogaal celin xoogan oo ay dib ugu bilaabayaan dagaalkii ay kula jireen xukuumada Somaliland. Dhinaca kale, Taliyaha qaybta gobolka Awdal, Gaashaanle-Sare Axmed Maxamed Guutaale oo kulan looga hadlayey Arrimaha Amaanka gobolka Awdal, waxa uu si hoose ugu sheegay Odayaashii dhaqanka iyo Gudida wanaag farista oo kamid ahaa xubnaha ka soo qeyb galay kulankaasi, in xaalada Amaanka gobolku ay hadda mareyso meel xasaasiya. Taliyaha oo amray in qaar kamid ah suxufiyiinta in dibeda looga saaro hoolka shirka, isla markaana intii kale ku sugneed goobtana lagu amray inay damiyaan dhamaan qalabka isgaarsiinta iyo kuwa wax lagu duubaba, wuxuuna xaqiijiyey inay ka cabsi qabaan in Jabhado badani ka dilaacan gobolka Awdal oo muddooyinkii u dambeeyay la daala dhacayey rabshado ka dhana amniga. Arimahani oo dhan ayaa ku soo beegmaya xili ay gobolka Awdal ka taagan-yihiin xiisad colaadeed oo u dhaxeysay labo beelooda oo ka soo kala jeeda Beelaha Awdal Clan iyo Ciise, kuwaasi oo dagaal shalay ku dhex maray gudaha gobolka uu sababay dhimashada hal qof oo kamid ah labadaasi beel. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa bookhasho rasmi ah ku tagay Taliyaha Sirdoonka dalka Angola sida lagu shaaciyay war ka soo baxay Taliska NISA. Garoonka diyaaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa oo ah Taliyaha Sirdoonka Angola kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda nabadsugida Soomaaliya ee NISA. Taliyaha Sirdoonka dalka Angola ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Agaasimaha hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin, iyagoo ka wada hadlay sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay ladagaalanka argagaxisada. War qoraal ah oo lagu daabacay barta NISA ee Twitter-ka ayaa lagu shaaciyay in Muqdisho uu yimid Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa. “Taliyaha Sirdoonka wadanka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa, oo booqasho rasmi ah kuyimid magaalada Muqdisho ayaa lakulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay ladagaalanka argagaxisada”ayaa lagu yidhi Warka kasoo baxay NISA. Somalilandtoday/Muqdisho/Office Source
-
(SLT-Riyadh)-Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiisha sare oo muddo shan bilood ah ku xidhan xabsi ku yaalla Sacuudiga la dhigay cisbitaal kadib markii xanuun uu soo Waajahay. Maxamaed Nazal, oo ah saraakiisha dhanka siyaasadda ee Xamaas ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray maanta in Maxamed Al-Khudari oo ku xidhan xabsiga Dahbaan ee ku yaalla magaalada Jeddah la dhigay cisbitaal ku yaalla magaalada Makka. Mr Nazal ayaa dhanka kale ku eedeeyay boqortooyada xadhiga ay u geysatay tobanaan qof oo falastiini ah oo uu ka mid yahay Al-Khudari kuwaasi oo muddo ka badan 30 sano ku noolaa Sacuudiga. Ninka la xidhay oo da’diisu tahay 81 sanno jir ah ayaa muhiim ka ah gudaha ururka Xamaas isaga oo ugu matalayay dalka Sacuudiga intii u dhaxeysay 1990 ilaa sannadkii 2003-da. Source
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ruushka u fadhiya Muqdisho, Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood. Mikhail Golovanov oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda ayaa sheegay in dowladda Ruushku xoojineyso xariirka kala dhexeeya Soomaaliya ayna dowladda ka taageereyso anmiga, dhaqaalaha iyo waxbarashada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay adkeyneyso xariirka qotada dheer ee kala dhexeeyay dowladda Ruushka. Hoggaanka Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saarey soo nooleynta iyo adkeynta xariirka kala dhexeeyay wadamada caalamka, si ummadda Soomaaliyeed ay u soo ceshato sharafta iyo karaamada ay ku laheyd fagaaraha caalamka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJF Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa Dawladda Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha. Sidoo kale Guddiyada Labada Baarlamaan ee Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxay is dhaafsan doonaan booqashooyin, sidda lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka, Waxaana Aqoon kororsi iyo tababaro la siin doonaa shaqaallaha Baarlamaanka, sidaas ayaa waxaa lagu daabacay Bogga rasmiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Guddoomiye Mursal ku casuumay dhiggiisa Turkiga in uu yimaado Soomaaliya, waxaana Guddoomiya Baarlamaanka Soomaliya uu wadaa dadaalo uu ku doonayo in Guddiyada iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka ay helaan tabarro iyo booqashooyin Khibrad Is-dhaafsi ah. View the full article
-
Garowe (SMN) – Kadib shir saddex maalmood socdey oo ka qabsoomay magaaladda Garowe, kaasi oo loogu magacday shirka maalgeshiga Puntland, ayaa lasoo gabagabeeyay maanta, waxaana laga soo saarey war-murtiyeed. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Muqdisho (SMN) –Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-17092019.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJF Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa Dawladda Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha. Sidoo kale Guddiyada Labada Baarlamaan ee Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxay is dhaafsan doonaan booqashooyin, sidda lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka, Waxaana Aqoon kororsi iyo tababaro la siin doonaa shaqaallaha Baarlamaanka, sidaas ayaa waxaa lagu daabacay Bogga rasmiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Guddoomiye Mursal ku casuumay dhiggiisa Turkiga in uu yimaado Soomaaliya, waxaana Guddoomiya Baarlamaanka Soomaliya uu wadaa dadaalo uu ku doonayo in Guddiyada iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka ay helaan tabarro iyo booqashooyin Khibrad Is-dhaafsi ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guribarwaaqo ayaa Shaqadiisii Hore Ku Laabtay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has called on Djiboutian and Ethiopian forces to be more creative to enhance the fight against al-Shabab militants in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si xooli ah uga socdo xulista Xildhibaanada cusub ee la doonayo in loo sameeyo Maamulka Galmudug. Howshaan oo ay wadaan Xildhibaano si weyn ugu dhow madaxda Dowladda Federaaka Soomaaliya ayaa waxay ka socotaa Hoteelo ku yaalo Magaalada Muqdisho. Inta badan Xildhibaanada ayaa la diyaariyey, waxayna durba bilaabeen inay kulamo la qaataan musharaxa ay Dowladda wadato ee Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) . Dadka doonayo inay Xildhibaano noqdaan ayaa waxay safaf dhaadheer ugu jiraan Xildhibaanada ay Dowladda Soomaaliya u wakiilatay Dhismaha Galmudug kuwaas oo kala jeedo deegaanada Galmudug. Sida aan xogta ku helnay ilaa hadda waxaa lasoo xulay ilaa 89 xildhibaan oo liiskooda lagu wareejiyey Musharaxa Dowladda ay wadato ee Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) . Arrintaan ka socoto Muqdisho ayaa niyad jab ku riday musharixiinta kale ee u taagan xilka madaxweynimo ee maamulka Galmudug maadaama ay dowladda soo xulaneyso dad ay ku kalsoon tahay oo dooran doono Qoor Qoor. Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay xilka madaxweynimo ee Galmudug u dhiibto shakhsiga ay iyada rabto sidii ay dhawaan ka sameysay doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa weli ka aamusan hadalkii uu Madaxweyne Biixi ku sheegay in madaarkii saldhiga u ahaa UAE ee Berbera loo bedelay mid rayid ah oo ay wada isticmaali doonaan rayidka iyo ciidamaduba. Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegtay inaanay dawladda Imaaraadka Carabtu ka jawaabin email ay u direen si ay jawaab uga bixiyaan hadalka uu Madaxweynaha Somaliland ku sheegay in garoonkii diyaaradaha ee saldhiga milatari u ahaa UAE, loo bedelay mid rayid ah. Madaxweyne Biixi ayaa magaalada Burco ka sheegay inaanu laalin heshiiskaas balse ay madaarka wada isticmaali doonaan diyaaradaha shicibka ah iyo kuwa milatariguba. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in isbedelka ku yimid hawlgaladii UAE ee dalka Yemen ay ka wadeen uu saamayn ku yeeshay qorshihii UAE ay ugu tallo galeen saldhiga milatari ee Berbera, waxaana wada hadal ay UAE iyo Madaxweyne Biixi yeesheen la iskula qaatay in madaarka ay wada isticmaalaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa ciidamaduba. Heshiiska UAE iyo Somaliland oo uu la galay Madaxweynihii hore Axmed-siilaanyo ayaa dhigayay in UAE ay saldhigaas Berbera isticmaasho muddo 30 sannadood ah. Geesta kale Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago dalka UAE, lamana garanayo in safarkiisu yahay mid gaar ah iyo inuu la xidhiidho cilaaqaadka Somaliland iyo UAE iyo isbedelka ku yimid madaarkii Berbera. Source
-
(SLT- Afghanistan)-Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyooday qarax uu qof is-miidaamiyey la beegsaday isu soo bax olole doorasho ah, oo uu madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ku qabtay gobolka Parwan. Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa waxayna ka digtay rabshado dheeri ah, ka hor doorashooyinka ka dhacaya dalkaas. Saacad kadib qaraxa ayaa sidoo kale qarax kale waxa uu ruxay badhtamaha magaalada Kabul, meel u dhow safaaradda Mareykanka, inkasta oo weli ayna caddeyn khasaaraha ka dhashay Qaraxyada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si deg deg ah u joojiyey wada-hadallo lala lahaa Taliban, oo lagu raadinayey heshiis ay ciidamada Mareykanka kaga baxaan Afghanistan. Qofka isku qarxiyey isku soo baxa gobolka Parwan – oo hal saac u jira waqooyiga Kabul – ayaa watay mooto, wuxuuna isku qarxiyey bar dadka lagu baadho oo laga galo goobta uu madaxweyne Ghani kula hadlayey daweynaha, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Nasrat Rahimi. Agaasimaha cisbitalka Parwan, Abdul Qasim Sangin ayaa AFP u sheegay in haween iyo carruur ay ka mid yihiin 24-ka qof ee dhintay, halka 32 qof oo kale ay dhaawac yihiin. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa la sheegay inaanay wax dhibaato ah gaadhin. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo hoggaaminayo, ayaa maanta kusoo laabtay caasimadda dalka ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo muddo Toddoba maalmood ah qaatay, kaas oo ay kusoo mareen qaar kamid ah gobollada Somaliland. Madaxweynaha oo safar shaqo kusoo maray gobollada galbeedka ee Gabiley iyo Awdal iyo qaar kamid ah gobollada bariga dalka oo ay kamid yihiin Saaxil iyo Togdheer, ayaa farxadda kala qaybgalay Ardayda sannadkan ka qalinjebiyey jaamacadaha dawladda ee gobolladaas ka dhisan, isaga oo mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelisay kormeeray, halka iyo dhagax-dhig iyo xadhi-ka jaris ku sameeyey mashaariic kale oo bulshada waxtar u leh. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu shirar kala duwan la galay madaxda xukuumadda u qaabilsan gobollada uu booqday, isaga oo kuurgalay mashaariicda kala duwan ee dawladdu hirgelisay iyo adeegyada bulshada loo qabto. Shacabka kala duwan ee ku dhaqan deegaannada uu madaxweynuhu booqday, ayaa si ballaadhan madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyey, iyaga oo isugu soo baxay jidadka waaweyn, waxana ay muujiyeen taageerada ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Ceerigaabo)-Badhasaab ku-xigeenka Somaliland u jooga Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed Muuse (Suldaan) ayaa beeniyey Warar Toddobaadkii hore soo baxay, kuwaasi oo sheegayey in Ciidammada Puntland ee Badhan ku sugani ay xidheen. Badhasaab ku-xigeenka oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in Xaaladda Gobolka Badhan wanaagsan tahay isla-markaana Nidaamkii Maamulku Gobolka Badhan ee Somaliland uu si fiican u shaqaynayo. Mr. Suldaan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Gobolka Badhan waa Nabadgalyo oo wuu fiican yahay, Shaqadii iyo nidaamkii Maamulku illaa heer degmo si fiican buu uga socdaa, laakiin Gobolka Qolo Qalalaase ka waddaa way jirtaa, aniga, Guddoomiyaha Gobolka iyo Shaqaalihii Gobolka, Maayarkii, ku-xigeenkiisii way joogaan oo si fiican baa looga shaqaynayaa.” Badhasaab ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay “Waxaan sheegayaa War borobagaando ah oo qolo Laamiga ka timid (Puntland) ay meelihii wadeen, waxay Telefiishannadooda ka siidaayeen oo ay yidhaahdeen Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Badhan baanu xidhnay, beentu intay socotaaba way iska yar tahay, markaa Wax Alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, Aniga Xadhig la ii geystayna ma jiro.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Mar hadday yidhaahdeen waanu xidhnay, bal ha sheegaan halkay igu siidaayeen..” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee dalku marayo, Saldhiga Milatari ee Imaraadka ee Berbera, go’aanka uu ka qaatay Madaxweyne Muuse Biixi, wada hadalada Somaliya iyo aragtidiisa ku waajahan heshiiskii ay hore u wada galeen Khatumo iyo Xukuumaddii hore Axmed Siillaanyo. Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Anigu marar badan oo hore ayaan ka digay khatarta iyo dhibta ka dhalan karta Saldhiga Milatariga, maxaa yeelay waxaynu ognahay oo aynu ka war qabnaa Sucuudiga oo leh kayd iyo awoodba, in laga weeraray intaas oo kilomitir,inagana si yar oo fudud ayaa Dekaddeena, Hamaheena Shidaalka iyo Madaaradeena loo soo weerari karaa, Saldhig Milatari dalkeena lagu yeeshaana colaad, cadaawad iyo dhib mooye, dheef aynu ka dhaxlaynaa ma jirto, Madaxweynahana waan ku bogaadinayaa waanana uga mahadnaqayaa talabaada iyo go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay Saldhiga Milatari, ee uu ku sheegay in laga dhigi doono Madaar rayid ama Madaar caadiya oo Shacabku leeyahay, maslaxadeena iyo danteenu waxay ku jiraan inaynu ka dheerano wax kasta oo dalkeena iyo dadkeena khatar ku ah, cadaawad aynaan qaadi karina u soo jeedi kara, wax walbana ka fiirsi ayey leeyihiin, waxaana xusid mudan in go’aankan Madaxweynaha ay Shacabka Somaliland aad u soo dhaweeyeen”. Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Marka hore haddii aynu la hadlayno Somaliya, marka ugu horeeysa waa inay Dawladda Somaliya qirtaa inaynu ahayn Dawlad 26/6/1960 qaadatay xornimada, oo iyada ka madax banaani horeeysay, markaas taas qirto oo ay qirto inaynu hayn laba dal oo isku tagay oo midawbay, haddana kala noqday, markaas weynu wada hadli karna,oo weynu wada xaajoon karnaa, balse inta ay ina sheeganayaan, oo ay leeyihiin Somaliland, Somaliya ayey ka mid tahay, lama hadlayno, suurtagalna maaha inaynu ka mid noqono, ta kale Dawlad maanta adag, oo lagu xisaabtamo karo oo lala hadli karo, oo Somaliya ka wada talisaa ma jirto, ee waxaynu arkaynaa inay Somaliya intaas oo Maamul Gobolkeed u kala baxday, oo intaas oo khilaaf iyo muran ka jiro, halkaynu inagu nahay dad iyo dal mida ah, oo kala dambayn iyo dawladnimo dhamaystir leh, oo nabadiisa iyo xasiloonidisa leh, Shacabka Somaliland waa Shacab tashaday, oo qarankooda iyo dalkooda u tashaday, waa Shacab dawladnimadooda iyo dalkooda jecel ”. Mar aanu wax ka weydiinay sida u arko heshiiskii ay wada galeen Khatumo iyo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ayaa yidhi “Heshiiskaasi uu jiray, laakiin anigu qodobada lagu heshiiyey iyo nuxurka maan akhriyin, laakiin tabasho kasta oo jirta in la eego oo wax laga qabto waa mid meesha ku jirta.” Source
-
(SLT-Paris)-Dawladda Faransiiska ayaa Lixdan Malyuun oo Euro ah ugu deeqayso dawladda Cusub ee ka dhalatay Suudaan, si ay uga shaqeeyo Horumarinta Dimuqraadiyadda. Sidaasi waxa sheegay Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian oo Magaalada Khartoum kulan kula yeeshay dhiggiisa Suudaan, Asmaa Abdallah. Wada-hadallo ay labada dhinac yeesheen Isniintii ayaa Wasiirka Arrimaha dibedda ee Faransiisku markii uu dhammaaday wuxuu sheegay inay Dawlad ahaan go’aansadeen inay Suudaan ugu deeqaan lacag gaadhaysa 60 Million oo Euro. Lacagta deeqda ah oo 15 Million oo ka mid ah bixinteeda la soo dedejinayo waxa loogu talo-galay in lagu horumariyo dimuqraadiyadda Suudaan, muddada ay xukunka sida wada-jir ah u hayaan Dawladda isugu jirta Milletariga iyo Rayidka. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Kulanka xasaasi ah ayaa wuxuu Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug wuxuu ku dhex maray madaxweye Maxame Cabdullaahi farmaajo iyo Hoggaanka Ahlu Sunna. Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa Maamulka Galmudug loona qancin lahaa dhammaan dhinacayda kala duwan ee Deegaanada Galmudug. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay dalacsiinta Ciidamada Ahlu Sunna iyo tirada Xildhibaanada ay dalbeen Ahlu Sunna in laga siiyo xildhibaanada Galmudug. Sida aan xogta ku helnay kulanka ayaa waxaa xooga lagu saaray ilaa seddex qodob oo kala ah: In darajooyinka dhiman ee ciidanka Ahlusuna la dhameystiro. In Galmudug iyo Dowladda ay si wadajir ah u magacaabaan guddiga doorashada Galmudug Iyo in Ahlusuna la siiyo 30 xildhibaan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ahlsuna ku qanciyay in dowladda iyo Galmudug ay si wadajir ah u magacaabi doonaan guddiga doorashada. Illo wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in la isku fahmi waayey labada qodob ee kale. Hoggaanka Ahlusuna ayaa weli ku doodaya in qodobada waa weyn oo caqabad ku ah dowladda Fedraalka Soomaaliya, halka dowladana ay isku dayayso sidii ay u qancin laheyd Ahlusuna. Lama oga go’aanka ugu dambeeya ee ka soo bixi doono dowladda Soomaaliya iyo Hoggaanka Ahlusuna, kaasi oo ku aadan qodobada qaar oo weli lagu murunsan yahay. Xalay waxaa Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug lagu soo geba-gabeeyay Shirka dib u heshiisiinta beelaah dega deegaannada Galmudug,shirkaas oo socday mudo ka badan 10 Cisho,waxaana soo xiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 7 Qodob oo xasaasi ah oo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii dadka ku nool deegaannada Galmudug uga tashan lahaayeen aayahooda, iyada oo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa qarax maanta kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Jabuuti lagula eegtay inta u dhexeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Qarax oo ahaa mid xoogan, islamarkaana ahaa Miino ayaa waxa uu haleelay mid ka mid ah baabuurta dagaalka ee ay wateen ciidamadaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Dhinaca kale war ka soo baxay dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaas ay ku dishay illaa shan ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AMISOM, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in meydadka iyo dhaawacyada askartaasi lagu soo qaaday diyaarad nooca Helicopter-ka ah, sida ay hadalka u dhigtay. llaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan iyo taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Maalmihii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada qaraxyada ah ee ka dhanka ciidanka huwanta, iyadoo Sabtidii qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad ay ku dishay 12 ka tirsanaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Burundi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Shirkaan oo u dhexeeyey hey’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka kmg ah ee Soomaaliya, sida guddiga madax bannaan ee dib u eegista Dastuurka Guddiga la socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Barlamaanka labadiisa Aqal iyo wasaaradda Arrimaha Dastuurka, waxaa lagu falanqeeyey qorsheyaashii la dajiyey ee loogu talogalay in la fuliyo sannadkaan 2019-ka. Waxaa kaloo diiradda la saaray sida ay u socoto tubta geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, qorsheyaasha kale ee haray iyo caqabadihii lala kulmay sannadkaan 2019-ka. Doodda kaddib ayaa la isla qaatay ilaa 6 qoddob oo ujeedadu tahay in lagu dardargeliyo howlaha ka haray dib u eegiska Dastuurka Kmg-ka ah ee Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka Barlamaanka Soomaaliya Labadiisa Aqalka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay xal u helidda caqabadaha hor gudban qorshaha dhammeystirka Dastuurka ee loo asteemeyey December 2019-ka. Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda Qaranka iyo wasaaradduba ay wadaan dadaal lagu dhammeystirayo waxyaabaha ku xiran heshiisyada Siyaasadeed ee Dastuurka Dalka. Dastuurka Soomaaliya oo ah arrin masiiri ah ayaa waxaa ku jira qodobbo u baahan in laga galo wadxaagood siyaasadeed, isafgarad iyo isu tanaasul, iyadoo hey’adaha Dastuurka u xilsaaran ay xaqiijinayaan geeddi-socodka dhammeystirka Dastuur loo dhan yahay. View the full article