-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Banaanbaxan oo ahaa mid ballaaran, islamarkaana looga soo horjeeday shirkii dib u heshiisiinta ee xalay lagu soo gabagabeeyey Dhuusamareeb ayaa saaka ka dhacay gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduuud. Dibadbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne aad u fara badan, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Caaasimada Online ayaa dowladda dhexe ka dalbaday in ay cadeyso maqaamka magaalada Cadaado, maadaama shirkii dib u heshiisinta lagu qabtay Dhuusareeb, sidoo kalena doorashada ay ka dhaceyo gudaha magaladaasi. Shalay odayaasha beesha Cadaado oo kulan yeeshay ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu fuliyo ballamihii uu la galay 21-kii Maarso ee 2018-kii oo kala ahaa: 1 – In uu fuliyo balantii uu ka qaaday ee ahaa in xarunta baarlamaanka Galmudug ay noqoto magaalada Cadaado. 2 – In doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug lagu qabto magaalada Cadaado. Banaanbaxa maanta ka dhacay Cadaado ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in loo gudbay wejiga labaad ee shirka maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-New York)-Waxaa maanta si rasmi ah magaalada New York ee dalka Mareykanka uga furmaya shirka guud ee jimciyadda qarumaha ka dhaxeysa, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda ilaa 193 dal oo xubin ka ah. Kulankan oo midkii 74aad arrimaha siyaasadda caadiga ah, argigixisada, cimilada, caafimaadka iyo arrimo badan oo dunida mashquuliyey, waxaa intaasi dheer in dalka weliba uu halkaasi la tago ajendihiisa u gaarka ah. Dhanka Soomaaliya waxaa markii ugu horreysay tagaya madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaga oo ka hadli-doona dadaallada dowladiisa ee la dagaalanka argigixisada ee dalkiisa iyo gobolka, dhismaha dowladimada, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Cod lagu faafiyay warbaahinta ayaa muujinaya in taliyihii dhawaan ka goostay Somaliland ee guutada 93-aad durba ka niyad jabsan yahay Puntland. Codka ayaa muujinaya in uu warbixin siinayo qurbejoogta beeshiisa, waxaanu arrimo kala duwan ka sheegay degaannada beeshiisa iyo guud ahaan Somaliland iyo Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Rafcaanka ayaa diiday inay damiin ku sii dayso laba wariye oo ka tirsan Shabakada Hadhwanaag News, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey xidhnaa. Ururka Suxufiyiinta soaliland ee Solja ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Ururka SOLJA uu uga mahadnaqayaa Garsoorka Damaanada ay ugu sii daayeen Mulkiilsha Telefishanka Horyaal, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) isla markaana ay ka aqbasho codsiga damaanada wariyayaasha Hadhwanaag oo dacwadooda la dhagaysto iyagoo banaanka jooga. Hase Yeeshee Maxkamada Rafcaanka ayaa diiday inay damiin ku sii dayso labadaasi wariye ee ka tirsan shabakada wararka ee Hadhwanaag News. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Belinda Goldsmith oo ah Tifaftiraha Guud ee Wakaaladda Wararka Thomson Reuters Foundation oo dhawaan booqasho ku timid dalka ayaa filim dukumantari ah oo xiiso badan ka sameysay isbeddelka cimiladda iyo saameynta ay ku yeelatay Jamhuuriyadda Somaliland. Warbixintaasi waxa kaloo ay kaga hadashay dawladnimada Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay. Filimkan dukumantariga ah oo 12 daqiiqo ahaa waxa soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo ka diyaarisay warbixintan:- “Markii ay Xaawa Maxamed ay soo kacday Subax ayey aragtay inay tobanaan ka mid ah riyahii ay dhaqanaysay le’deen, waxaanay u qaadatay in noloshii ay ku noolaayeen xooluhu ay u dhammaatay. Xaawa Maxamed oo ku nool tuulo u dhow xeebta gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa sheegtay ka hor intii aanay xooluhu ka bixin in muddo siddeed sannadood ah uu dhulku nabaad guurayey oo xaaladda xoolo dhaqataduna ka sii daraysay. Xaawa oo 32 jir ah, saygeeda Axmed Cali iyo afartooda carruur ahi waxay sannadkan ku biireen illaa 600.000 oo qof oo ka soo barokacay miyiga Somaliland, kuwaasi oo soo galay magaalooyinka si ay ugu noolaadaan,kadib markii ay ka baxeen xoolihii. Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal ay ku nool yihiin 4 Milyan oo qof oo ku yaalla Geeska Afrika, ayaa ah mid ka mid ah dalalka ugu nugul ee isbeddelka cimiladu saameynta ku yeeshay maadaama oo ay yihiin dal faqiir ah isla markaana aanay aheyn Waddan la aqoonsan yahay. “Waa ummad dhaqaaqday,”ayey tidhi Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Bandare oo xafiiskeeda ugu warrantay Thomson Reuters, waxaanay intaas ku dartay; “Isbeddelka cimiladu dhab ahaan waa laga dareemayaa Somaliland, waana arrin masiibo ah.” Riyaha Hargeysa waxay jidadka socdaan iyagoo ay dhinacyada kaga qoran yihiin lambarrada telefoonadda dadkii lahaa. Guddoomiyaha Hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo Keydka Raashinka Faysal Cali Sheekh, ayaa sheegay in Somaliland wajahayso caqabado badan oo ay ka mid yihiin saboolnimo iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo hooseeya. “Ma lihin wabiyo iyo meelo kale oo biyaha aanu ku qabsanno, waxay nolashayadu ku tiirsan tahay gabi ahaanba roobka. Mana helo deyn aanu ka soo qaadanno dalalka caalamka,”ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh oo u Warramay Thomson Reuters. Waxa kaloo Wakaaladdu intaas ku dartay in Boqolkiiba Konton dadka ku dhaqan magaalooyinka iyo Boqolkiiba Afar iyo Lixdan ku nool miyiga Somaliland ay yihiin dad danyar ah. Afhayeen u hadlay Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in ilaa 600.000 oo qof ay ka soo barakaceen deegaannadii ay ku noolaan jireen. Faadumo Aadan oo ku dhow 80 jir ayaa u soo guurtay xero ku taalla Sheekh Cumar oo ay ku jiraan dadka abaaraha ku barokacay ee ku nool Somaliland qaybo ka mid ahi, halkaasi oo ay ku jiraan ilaa 1,500 oo qof. “Markii aan yaraa deegaanku wuxuu ahaa mid cagaaran, dhirta ayaa ku taalay meel kasta, dadkuna waxay haysteen xoolo ku filan oo qoysasku ay ka soo iibsan jireen wax kasta oo ay u baahdaan,”ayey tidhi Faadumo Aadan, waxaanay intaas ku dartay; “Noloshayda waan arkay abaaro hore, hase ahaatee waxaan abaarihii ugu xumaa na soo mareen tobankii sannadood ee la soo dhaafay.” Xerada Sheekh Cumar waxay ka mid tahay illaa labaatan xero oo ku yaalla nawaaxiga Hargeysa oo ay ku jiraan dadka abaaraha ku soo baro-kacay, waxaana taageeraysay ilaa 2017kii Hay’adda Save the Children. Wakiilka Somaliland u fadhida Ingiriiska Ayaan Maxamuud ayaa ku dooday in isbeddelka cimiladu ay waxyeeladeedu joogto ku noqotay muddooyinkii u dambeeyey Somaliland isla markaana ay daciifisay noloshii miyiga ee bulshada Somaliland. “Bulshada xoolo dhaqatada ah ayey abaaruhu saameeyeen waxaanay ku waayeen xoolihii iyo qaab nololeedkoodii caadiga ahaa,”ayey tidhi Ayaan Maxamuud. Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah haweenaydii u horreysay ee noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay in nolol dhaqameedkii reer guuraagu ay baaba’day. Marwo Edna Aadan waxay ku dooday in halganka Somaliland ugu jirto aqoonsigu uu muhiim u yahay mustaqbalka dalka. “Marka lagu aqoonsan yahay, dadku way kuu imanayaan si ay kuu maalgashadaan,”ayey tidhi Edna Aadan. Somaliland waxay ahaan jirtay maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray,ka hor intii aanu sannadkii 1960kii siinin madax-bannaanidooda. Waxaanay la midoobeen Soomaalidii Talyaanigu gumaysan jiray. Somaliland waxay Soomaaliya kaga go’day dagaal qadhaadh oo dhiig ku daatay. Somaliland waxay ku naaloonaysaa xasilooni iyo deganaansho, waxaanay dalkeeda ka hirtay kooxaha argagixisada iyo budhcad baddeeda. Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay baarlamaan, lacag u gaar ah iyo ciidammo millatari ah.Inkasta oo ay Somaliland ay ka tisqaaday nabadglyo, hase ahaatee Somaliland wali kumay guulaysan in loo aqoonsado dal madax-bannaan, inkasta oo magaalooyin ku yaalla Ingiriisku ay Somaliland u ictiraafeen waddan madax-bannaan. “Haddii nala aqoonsado iyo haddii kaleba waxaannu nahay dal doonaya inuu dadkiisu sameeyo horumar,”ayey tidhi Ayaan Maxamuud oo ah Wakiilka Somaliland u fadhida Ingiriiska. Xukuumadda Somaliland iyo ururrada kale ayaa isku dayaya inay shaqooyin cusub u abuuraan da’yarta dalka, waxana Boqolkiiba Toddobaatan shacbiga Somaliland ay da’doodu ka hoosaysaa 30 jir. Xukuumadda Somaliland waxay sannadkan furtay tababar millatari oo ay ka qaybgaleen 1,500 oo dhallinyaro ah oo rag iyo dumarba iskugu jiray, halka Hay’adda HAVOYOCO ay iyaduna fuliso tababarro farsamada gacanta ah oo looga baahan yahay suuqyada shaqada Somaliland. “Waxaannu u aragnaa in shaqo la’aanta dhallinyaradu ay tahay caqabadaha u waaweyn ee haysta Somaliland oo u baahan maalgashi ballaadhan oo lagu abuuro shaqooyin kala duwan,”ayuu yidhi Afhayeenka Hay’adda Oxfam Cabdicasiis Caddaani. Waxa soo turjumay soona koobay Cumar Maxamed Faarax Source
-
Waxaa maanta si rasmi ah magaalada New York ee dalka Mareykanka uga furmaya shirka guud ee jimciyadda qarumaha ka dhaxeysa, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda ilaa 193 dal oo xubin ka ah. Kulankan oo midkii 74aad waxaa ajendayaashiisa ka mid ah: arrimaha siyaasadda caaliga ah, argigixisada, cimilada, caafimaadka iyo arrimo badan oo dunida mashquuliyey, waxaa intaasi dheer in dalka weliba uu halkaasi la tago ajendihiisa u gaarka ah. Dhanka Soomaaliya, sida ay Goobjoog News u xaqiijisay Villa Somalia, waxaa markii ugu horeysay tagaya madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaga oo ka hadli-doona dadaallada dowladiisa ee la dagaalanka argigixisada ee dalkiisa iyo gobolka, dhismaha dowladimada, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidamada Bileyska ee gobolka Togdheer ayaa shalay magaalada Burco ee Xarunta gobolkaasi ku xidhay laba wariye oo war ka duubayey mashaariic Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu xadhiga ka jaray. Sida laagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, kaas oo u dhignaa sidan: Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu ka xun yahay qabashada ciidanka booliiska Burco ay ku xidheen laba wariye oo ka tirsan gobolka Togdheer. Labada wariye ayaa la qabtay iyagoo war ka duubaya mashaariic uu madaxaweyne Muuse Biixi Cabdi ka jarayey xadhiga, halkaas oo ay wariyayaal kale wax ka duubayeen. Xadhiga labada wariye ayaan loo marin nidasm dharci ah, isla markaana waxa muuqata booliisku inaanay u marin nidaamka sharci ee dalka u yaala. Ururka SOLJA, marnaba ma aqbalayo in masuul xil haya awoodiisa u adeegsado xadhiga wariyayaasha si kasta dhibane ha uga ahaado warka laga tabiyey, hase yeeshee waxa uu ururka soo dhawaynayaa cid kasta oo Dacwo ka qabta suxufiyiinta inay u maraan nidaamka Garsoorka. Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda inay sii dayso labadaas wariye cid kasta oo dhibane ahna ku amarto inay sharciga ixtiraamaan. Ururka SOLJA, waxa uu uga mahadnaqayaa Garsoorka Damaanada ay ugu sii daayeen Mulkiilsha Telefishanka Horyaal, isla markaana ay ka aqbasho codsiga damaanada wariyayaasha Hadhwanaag oo dacwadooda la dhagaysto iyagoo banaanka jooga. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha SOLJA Source
-
(SLT-Tel Aviva)-Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu qorsheynayo dhismaha deegaano cusub oo lagu ballaadhin doono daanta galbeed ee dhulka Falastiin, haddii uu ku guuleesto doorashada soo socota. Waxaan ballaadhin doonaa dhammaan deegaameynta dhulka Israa’iil meel kasta gaar ahaan goobaha muhiimka u ah taariikhda Israa’iil ayuu yidhi isaga oo ka hadlayay raadiyaha Millatariga. Wuxuu tusaale u soo qaatay deegaameynta Qiryat Carba oo ku dhow magaalada Al-Khaliil oo ka mid noqon doonta dhulka Israa’iil. Netanyahu ayaa intaa ku daray in qorshahaan uu u gudbiyay madaxweyne Donald Trump, lagana sheegi doono shirka nabada ee Falastiniiyiinta iyo Israel oo Mareykanka uu hormuudka ka Yahay. Toddobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii Netanyahu uu balan qaaday in Israa’iil uu ku ballaadhin doono qeyb ka mid ah dalka Jordan gaar ahaan badda dhimatay ee ku taala waqooyiga Jordan. Inkastoo Israa’iil ay dagaal lix maalmood socday oo ay la gashay wadamada carabta sannadkii 1967-dii ku qabsatay daanta galbeed ayaa hadane wadamada caalamka ay diideen inay aqoonsadaan sheegashada Israa’iil. Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dagaalayahanno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana hubeysan ay saacadihii la soo dhaafay gudaha u galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in raggan oo ay tiradoodu gaareyso 15 ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen degmadaasi, islamarkaana ay haatan jiro cabsi xoogan. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ciidamada dowladda bandow ku soo rogeen Balcad, islamarkaana ay howlaglllo ka bilaabeen magaaladaasi. Dhaq dhaqaaqa magaalada ayaa guud ahaan hakad ku jira, iyadoo laga cabsi qabo dagaal uu ka dhaco halkaasi. Dhinaca kale Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay warbaahinta ayaa walaac ka muujiyey amniga deegaanada maamulkaasi. Waare ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku soo jabeen gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii dowladda federaalka ay kordhisay howlgallada gobolka Shabeelaha Hoose. Ugu dameyb Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay wax ka qabato dhibaatooyinka amni ee HirShabelle. Dhowaan ayey aheyd markii Al-Shabaab weeraro kala duwan oo lagu dilay mas’uuliyiin caan ahaa iyo askar ka tirsanaa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Burundi ay ka fulisay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Halkan hoose ka dhegeyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Ware.mp3
-
(SLT-Ankara)-Vladimir Putin, Tayyip Erdogan, iyo Xasaan Rouhani oo Isniintii shalay kulan saddex-geesood ah ku yeeshay caasimada Turkiga ee Ankara ayaa sheegay inay ku heshiiyeen dardar gelinta xali u helida dagaalka ka socda wadanka Suuriya. Qodobada ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlayey ayaa ahaa sidii loo dhisi lahaa Guddiga Dib u qorista Dastuurka Suuriya oo ay hore iskugu khilaafeen saddexdan dowladooda oo kala taageera Xukuumada Suuriya ee Bashar Al Assad iyo kooxaha mucaaridka Suuriya. Ruushka iyo Iran oo taageera Bashar Al Assad ayaa ogolaaday in guddigan qori doona Dastuurka ay ka koobnaadaan xubno ay soo xuleen dowlada Bashar Al Assad iyo xoogaga Mucaaridka ah oo iyagu taageerada ka helaya Turkiga. Qodobkan ayaa ah mid caqabad ku noqday inay sii socdaan shirarkii ka socday magaalada Geneva ee lagu dhex dhexaadinayey Dowlada Bashar Al Assad iyo Mucaaridka, sida uu sheegay Madaxweynaha Ruushka Putin. Madaxweynaha Iran Rouhani ayaa dhankiisa sheegay in uu rajeenayo in doorasho guud ay ka dhacdo dalka Siiriya sannadka soo socda 2020 amma 2021. Saddexdan dowladooda ayaa shirkoodan ahaa kii shanaad oo ay ka yeeshaan xaalada dalka Suuriya, waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la qaboojiyo dagaalada ka socday gobalka Idlib oo ah gobalka ugu danbeeyey oo ay gacanta ku hayaan xoogaga mucaaridka, gobalkaasi ayey bishii lasoo dhaafay ee Agoosto ka dhaceen dagaalo waaweyn. Turkiga ayaa olole xooggan ugu jira in la xasiliyo gobalada Suuriya ee saaran xadka ay dalkaasi la wadaagaan si mustaqbalka dhaw ay halkaasi xeryo uga dhisto dadka qaxootiga ah ee reer Suuriya oo culeys weyn ku haya, halka dhinaca kale ay dooneyso in ay xaduudeeda ka fogeyso xoogaga Kurdida Suuriya ee taageerada ka hela Maraykanka. Ruushka iyo Iran ayaa iyaguna doonaya in dalka Siiriya laga saaro ciidamada Maraykanka oo gacan militari siinaya xoogaga Kurdida Waqooyiga Siiriya kuwaasi oo la dagaalamaya kooxda Daacish iyo waliba ciidamada dowlada Bashar Al Assad. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee ururka Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi oo soo duubay cod maqal ah ayaa ka hadlay howlgalladdii ugu dambeeyey ee ay kooxdu ka fulisay wadama dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya. Al-Baqdaadi ayaa inta badan khudbaddiisa diirada kuu saaray dagaalka ay kula jiraan dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka. Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Mareykanka lagu jabiyey dalalka Somalia, Afghanistan, Pakistan, Iraq bartamaha Afrika, bariga Aasiya iyo waqooyiga Yemen. Waxa kale uu sheegay in kooxdiisu ay sii xoogeysaneyso islamarkaana ay guullo ka soo hoyday dagaalladii ugu dambeeyey, sida uu hadalka u dhigay. Dhowan warbixin ka soo baxday Congress-ka Mareykanka ayaa lagu sheegay in awooda Daacish ay ku sii xoogeysnyeso dalalka Syria iyo Iraq. Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ee Puntland, gaar ahaan gobolka Bari ee maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hindiya Oo Kordhisay Cadaadiska Ay Ka Wado Gobolka Kashmiir
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Khasmiir)-Ciidammada amniga Hindiya ayaa xabsiga dhigay siyaasi ka soo jeeda gobolka Kashmiir, iyadoo booliska tixraacayaan sharciga xaalada deg dega oo u ogalaanaya inay xidhaan cid kasta iyadoo aan loo marin amar Maxkamadeed. Siyaasiga lagu magacaabo Faaruuq Cabdulaahi oo 82 jir ah hore-na wasiir uga noqday gobolka Kashmiir ayaa ka cadhooday dhibaatooyinka ciidanka amniga ku hayaan dadka Muslimiinta. Howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga ee magaalada Srinagar, ee caasimada u ah gobolka Himalayan ayaa lagu xidhay siyaasigaan sida ay eheladiisa Xaqiijiyeen. Mr Cabdullahi ayaa hore xabsi guri u ahaa tan iyo 5-tii Bishii August kadib amar ka soo baxay raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi. Waan xidhnay asaga waxaana arrintiisa go’aan ka gaadhi doona sida laga yeelayo gudiga Amniga, sidaasi waxaa yidhi Muneer Khan, oo ka tirsan saraakiisha booliska. Dhanka kale hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dad ka badan 20,000 oo ka soo jeeda gobolka Kashmir. Waa cadaadiskii ugu xooganaa saameeya muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool Kashmiir-ta Hindiya tan iyo sannadkii 1978-dii. Source -
(SLT-Rome)-Maxkamadda Talyaaniga ayaa markii ugu horreysay bilowday Maxkamadeynta laba sarkaal oo ka tirsan ciidammada Badda oo lagu eedeeyey inay u gurman waayeen boqolaal tahriibayaal ah oo ay doonidooda badda ku degtay sanadkii 2013. Shilkaasi ay ku dhinteen in ka badan 260 Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 60 carruur ah ayaa dhacay 11kii Oktoober 2013, waxaana la sheegay in dadkaasi codsadeen in loo soo gurmado, balse ciidammada badda ay muddo saacado ah eeganayeen doonidaasi oo ugu dambeyntii badda ku degtay. Labadan sarkaal oo lagu kala magacaabo Leopoldo Manna iyo Luca Licciardi ayey xeer illaalinta kusoo eedaysay inay hawshoodii gabeen, waana saraakiishii ugu horreysay oo Talyaani ah oo maxkamad loo soo taago dadkii badnaa ee badda ku dhintay. Qareenada u doodaya qoysaska Tahriibayaashaas ayaa sheegay inay doonayaan inay caddaalad helaan dadkii ay ka tageen marxuumiintii ku dhintay shilkaasi oo ahaa shilkii ugu xumaa oo ay tahriibayaashii ugu badanaa ay ku dhintaan. Halka qareenada difaacaya Saraakiishan ay eeda shilkan dusha ka saareen Ciidammada badda ee dalka Malta oo ay sheegeen inay iyagu ahaayeen kuwa qaabilsan gurmadka deg dega ah ee loo fidiyo dadka tahriibayaasha ah. Source
-
Beledweyne (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartmaha Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamo Milatari ah oo ku socdaalayey inta u dhexeysa magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-Burte oo ka wada tirsan gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, inkastoo aan la cadeyn karin khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoo ciidamadii la weeraray ay socdaalkooda ka sii wateen halkaasi. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaaday ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada HirShabelle. View the full article
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, halkaasi oo falalka amni darri kusoo bateen. Sida ay sheegeen goob joogayaal, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay rag la sheegay in looga shakisan yahay Al-shabaab, waxaana ku socda baaritaanno. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa ka gaabsaday in faah faahin bixiyaan, maadaama weli howlgallada yihiin kuwo socda. Dhowaan ayeey ahayd, markii qarax Miino oo ka dhacay tuulada gololey ee Shabellaha Dhexe ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka la filayo in ay dhacaan 2020, illaa 2021-ka Ugu horreyn Deni ayaa ka digay in madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sameystaan muddo kororsi aan lagu heshiin. Waxa kale uu sheegay haddii ay dhacdo arrintaasi in ay dalka u horseedeyso dib u dhac, sida uu hadalka u dhigay. “Labo sano iyo badh kaddib ma hayno hannaan doorasho, waase rajeynaynaa, dalku waqti kororsi kama bixi karo, Soomaalidu waxa keliya ee haatan ay heshiis ku tahay waa in afartii sanoba mar doorasho dhacdo ilaa burburkii”. ayuu yidhi Siciid Deni. Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladda dhexe ay waajib ku tahay in waqtigii loo asteeyey ay ku qabato doorashooyinkasi. Dhowaan ayey aheyd markii xildhibaan ka tirsan golaha shacabka uu shaaciyey in baarlamaaka uu doonayo muddo kororsi, waxaana uu xusay in arrintaasi oo mar marsiyo looga dhigayo arrimo amni ay ka shaqeynayo guddiga diyaarinta sharciha doorashooyinka. Doorashada 2020-ka oo lagu heshiiyey inay noqoto qof iyo cod ayaa haatan waxaa muuqan dadaalkii loo baahnaa, si loo qabto doorashadaasi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka mideysan ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee horseeday qabanqaabada iyo qabsoomidda Shirweynahan, isaga oo ku ammaanay bulshada, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada Galmudug biseylka ay muujiyeen iyo in ay wadajir ugu istaageen ka mira-dhalinta fursaddan taariikhiga ah. “Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in aan u gudubno wajiga labaad ee soo xulista iyo dhisidda maamul sal adag leh oo Galmudug ay yeelato.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u ballanqaaday shacabka reer Galmudug in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay taageero joogto ah iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda iyo horumarka ay hiigsanayaan. Madaxweynaha ayaa dhaqanka, dhallinyarada, culimada, ganacsatada, haweenka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay inay midoobaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si loo helo Galmudug mideysan, horumarsan, barwaaqo ah oo ay bulshadeedu si nabad ah u wada nool yihiin. Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali iyo Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo dhammaantood kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda iyo guul ka gaaridda Shirweynahan. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Sawirro: Madaxweynaha JFS oo soo xiray shirkii Dhuusamareeb
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka mideysan ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee horseeday qabanqaabada iyo qabsoomidda Shirweynahan, isaga oo ku ammaanay bulshada, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada Galmudug biseylka ay muujiyeen iyo in ay wadajir ugu istaageen ka mira-dhalinta fursaddan taariikhiga ah. “Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in aan u gudubno wajiga labaad ee soo xulista iyo dhisidda maamul sal adag leh oo Galmudug ay yeelato.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u ballanqaaday shacabka reer Galmudug in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay taageero joogto ah iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda iyo horumarka ay hiigsanayaan. Madaxweynaha ayaa dhaqanka, dhallinyarada, culimada, ganacsatada, haweenka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay inay midoobaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si loo helo Galmudug mideysan, horumarsan, barwaaqo ah oo ay bulshadeedu si nabad ah u wada nool yihiin. Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali iyo Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo dhammaantood kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda iyo guul ka gaaridda Shirweynahan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-17092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha ururka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaiya, Nicolas Berlanga ayaa si kulul uga hadlay weerarkii sabtidii ka dhacay duleedka degmada Balcad ee lagu laayey askar ka tirsanaa ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM. Nicolas Berlanga ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo weerarkaasi, islamarkaana uu aad uga xun yahay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isaga oo ka wakiil ah Midowga Yurub uu tacsi u dirayo dowladda Burundi, qoysaska iyo ehellada ay ka baxeen askartaasi. “Aadbaan uga xunahay weerarkii lagu dilay askartaas oo naftooda u huray, sidii nabad looga dhigi lahaa Soomaaliya.” ayuu yiri Nicolas Berlanga. Burundi ayaa xaqiijisay in weerarkaasi oo dhabo gal ahaa looga dilay illaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamadeeda ka howgala gudaha Soomaaliya. Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasina waxa ay baahisay in ay ku dishay 14 askari, sida ay hadalka u dhigtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Democratic congresswoman says she hopes voters in Israel ‘make a different decision,’ castigates PM for West Bank annexation pledges Source: Hiiraan Online
-
Sources say driver of truck ferrying items and his turn boy have been arrested Source: Hiiraan Online