Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa soo xoogaysanaya tuhunka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay islamarkaana raali ka ahayd in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), kadib sir uu shaaca ka qaaday safiirka Maryekanka u fadhiya Kenya. Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda. “Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Kyle McCarter. “Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” Ayuu yiri safiirka. Kyle McCarter ayaa sheegay inuu Farmaajo iyo Uhuru u sheegay in caqabadda ugu weyn ee labada dal haysata ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale yiri “Madaxweyne Kenyatta waxa uu sameynayaa wax kasta oo uu awoodo, waana si wadi doonnaa dadaalladeena, si arrintan loo xaliyo.” Safiirka Mareykanka ma sheegin in madaxweyne Farmaajo aqbalay codsigiisa ah in kiiska lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda iyo in kale, hase yeeshee arrintan waxay muujineysaa inay wax ka jiri karaan walaacyadii la qabay. Xeerarka Maxkamadda ICJ ayaa dhigaya in kiisna aan dib loo dhigi karin haddii aysan labada dhinac isla ogolaan, balse dowladda Soomaaliya way diiday inay ka jawaabto sababta kiiska dib loogu dhigay laba goor haddii aysan ogolaan. Sidoo kale, dolwadda Soomaaliya ma aysan shaacin safarka safiirka Mareykanka Kyle McCarter ee Muqdisho, lagamana war-hayn ka hor wareysigan uu bixiyey. Dhibaatada ugu weyn iyo walaaca shacabka Soomaaliyeed ka haysta kiiska badda ayaa inta badan ah aamusnaanta iyo hufnaan la’aanta dowladda Soomaaliya, ayaga oo inta badan isku halleeyaa ilo-wareedyada dibedda ah, oo markii ay shaaciyaan arrimaha ay qarineyo dowladda Soomaaliya, ay kadib dowladda banaanka timaado. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  2. Dalka Rwanda ayaa noqday waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee dhaqan geliya xayiraad dhammaystiran oo ka dhan ah isticmaalka iyo ka ganacsiga caagadaha ama wax loo yaqaano Balaastiiga. Ganacsadayaasha ayaa lasiiyay seddex bilood si ay uga saaraan kaydkooda oo ay u helaan waxyaabo u bedela, halka wershadaha soo saara balaastigga ay haystaan muddo kama-dambays ah oo laba sano ah. Sharcigaan oo lasoo saaray markii ugu horeysay sanadkii 2008, ayaa loo arkaa inuu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah nabaad-guurka deegaanka. Cidii sharcigaan fulin weyda waxay mutaysan kartaa ganaaxyo culus iyo in ganacsatada shatiga lagala noqdo. “Dhab ahaantii waxaan waayi doonnaa macaamiil badan oo ku tiirsanaa caagagga-isticmaalkooda, laakiin waxaan sidoo kale heli doonnaa macaamiillo cusub oo adeegsada balaastigga aan la beddeli karin,” ayuu sheegay madaxa shirkada soo saarta balaastiiga, Wormlas Habamungu. PUNTLAND POST The post Dalka Rwanda oo laga mamnuucay isticmaalka caagadaha appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa eedaymo culus u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka Daawo Source
  4. Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarter ayaa sheegay in uu safar ku yimid caasimadda Muqdisho, kalana hadlay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu dacwada badda ka soo celiyo maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ. Kyle McCarter oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska afka dheer ee Daily Naition ayaa wax laga weydiiyo xalka Kiiska badda, waxaa uuna yiri “Waa in si dhaqso ah wax looga qabto, waxaan ka shaqeyney in madaxweyneyaasha Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Kenyatta isugu yimaadaan miiska wada hadalka. Safiirka Mareykanka ee Kenya oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan tagay Muqdisho si aan ula hadlo madaxweyne Farmaajo, waxaan u sheegay in kiiska badda ka qaado maxkamadda. Waxaan u sheegay Farmajo and Kenyatta in caqabadda ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al-shabaab, taasina ay tahay jidka keliya ee looga faa’ideysan karo badda”. Maxkamadda ICJ ayaa lagu wadaa iney dhageysato dacwada Soomaaliya iyo Kenya June sanadka dambe, waxaana la leeyahay waa balantii ugu dambeysay. Cadaadiska Kenya ayaa ah mid ay ku dooneyso in madaxweynaha Soomaaliya uu kiiska ka soo qaado maxkmadda, muranka lagu dhameeyo wada ahadal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay sii wadidoonto dadaalkeeda ku aadan in Golaha ammaanka Qaramada Midoobay uu Alshabaab u aqoonsado inay yihiin urur argagixiso. Agaasimaha dambi baarista Kenya, George Kinoti, ayaa sheegay in ay qaadayaan tilaabo kasta, si looga hortago faafida argaggixisada bariga Afrika. Kinoti ayaa hadalkaan ka jeediyay kalfadhiga 88-aad Golaha Guud ee booliska caalamiga ah ee Interpol, fadhigaas oo looga hadlayay dadaalada qaran iyo kuwa heer gobol ee lagula dagaallamayo argagixisannimada iyo dambiyada abaabulan. Dowladda Kenya ayaa laba toddobaad ka hor weydiistay Mareykanka inuu ku caddeeyo al-Shabaab inay tahay kooxda argagixiso. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii August, 29 keedii laalay qaraar Kenya ay ku doonaysay in ururka al-Shabab ee Soomaliya loo aqoonsado urur argagixiso oo la mid ah Al-Qaacida iyo ISIS. Qaraarkan ay goluhu diideen ayay qaadashadiisu ka dhalan kartaa in deegaannada uu ururku joogo aan kaalmo bani’aadanimo la geyn karin, xilli roob yaraan iyo barakacba uu ka jiro qeybo Somaaliya ka mid ah. Dalalka Mareykanka iyo France oo ka tirsan xubnaha joogtada ah ee golaha oo ay weheliyaan Belgium, Germany, Kuwait, iyo Boland ayaa dhammaantood is hortaagay qaraarkaasi. PUNTLAND POST The post Kenya: Waxaan qaadaynaa tilaabo kasta oo Alshabab loogu aqoonsanayo Argigixiso appeared first on Puntland Post.
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaacabay madaxweyne ku xigeenada koowaad iyo labaad ee maamulkaasi. Wareegto ka soo baxday xafiiska Maxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa ku xigeenkiisa koowaad uu ugu magacaabay, Maxamuud Sayid Aadan oo horay u hayey xilkaasi. Sidoo kale waxa uu ku xigeenkiisa labaad u magacaabay, Cabduqaadir Xaaji Maxamed oo isna horay u hayey jagadaasi. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa u rajeeyey labada ku xigeen in uu alle u fududeeyo xilalkaasi. Arrintan ayaa ka dhigay in wax isbedal ah uusan ku imaan hoggaanka Jubbaland, marka loo fiiro saddexda qof ee ugu sarreeya maamulkaasi oo markale dib u soo laabtay. Halkan hoose ka aqriso
  7. MOGADISHU (HOL) - Somalia has dismissed claims it fired one of its attorneys in the ongoing maritime case with Kenya at the International Court of Justice. Source: Hiiraan Online
  8. KISMAYO (HOL) - Jubbaland President Ahmed Madobe has retained his deputies as he starts the reconstitution of his government barely two weeks after inauguration. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magacaabay labada Madaxweyne ku xigeen ee maamulkiisa. Wareegto ka soo baxaday xafiiska Axmed Madoobe ayaa Maxamuud Sayid Aaden loogu magacaabay Madaxweyne ku xigeenka 1aad, halka C/qaadir Xaaji Maxamuud (Suldaan Luga-dheere) loo magacaabay Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland. Maxamuud Sayid Aaden iyo C/qaadir Xaaji Maxamuuda (Suldaan Luga-dheere) ayaa horey u hayay xilalka loo magacaabay. PUNTLAND POST The post Yuu Axmed Madoobe u magacaabay ku xigeenadiisa? appeared first on Puntland Post.
  10. Conflict and drought displace 300,000 in Somalia so far this year Over 300,000 people have been displaced due to drought and conflict in Somalia so far this year. The Norwegian Refugee Council (NRC) said insecurity is making it virtually impossible for humanitarians to provide aid in rural areas and is resulting in vulnerable people moving to overcrowded camps in urban areas for assistance. “The crushing effect of drought has stripped rural communities of their crops, livestock and water sources, while armed conflict closes in on their homes. We are now likely to see 2.1 million Somali people suffering from hunger by December and into 2020,” said Victor Moses, Country Director for NRC. “This population needs aid. But when insecurity restricts us from delivering it, many people are forced to leave conflict-hit areas to seek it out.” A total of 302,000 people were displaced between January and September this year according to the UNHCR and NRC-led Protection Return and Monitoring Network (PRMN). Conflict and insecurity accounted for more than half of all displacements (158,000) while drought (126,000) caused extreme hardship for many. ‘Flooding’ and ‘other factors’ were cited as drivers of displacement for more than 20,000 others. The lethal combination of conflict and drought has resulted in displaced mothers like Faduma Abdinor Mohamed (39) struggling to feed their families. “There’s no harvest from the farms. My children lost their father because of conflict, and we don’t have a farm or any livestock. The children lack education and food. I’m a woman, I have no opportunity to help my children. I have no job opportunities,” she said. The PRMN recorded the highest number of displacements in July with almost 52,000 people arriving at overcrowded camps and settlements looking for food (39 per cent), livelihoods (19 per cent) and shelter (18 per cent). The period coincided with the end of a very poor harvest season and steep increase in the price of staple cereal grains. According to the UN, the southern Gu season harvests were the worst recorded since 1995. Furthermore, Somalia is home to some 35,000 registered refugees and asylum seekers mainly from Ethiopia and war-torn Yemen, and an additional 38,000 Somali refugees that have returned from Yemen since March 2015. “Somali people that fled the country for protection elsewhere are now coming back to find themselves in a desperate situation. Armed conflict restricts opportunities, the impact of drought is severely affecting livelihoods and more often than not, people end up relying on aid to survive,” Moses added. This year’s UN humanitarian aid appeal for Somalia has requested $1.08 billion for humanitarian programmes in 2019, marking it one of the largest crises in the world. Only 62 per cent of the appeal is funded and is unlikely to meet the target by the end of the year. NRC is urging donors and governments to increase emergency aid for the Somalia crisis, reiterating that an already disastrous humanitarian situation risks deteriorating even further if needs aren´t met. Qaran News
  11. Hargeysa: Tuug Tooray Ku Dhaawacay Ilmo 7 Bilood Jira Oo Hooyadii Xambaarsanayd Hargeysa (Geeska)-Saddex tuug ayaa shalay dhaawac gaadhsiiyay wiil yar oo 7 bilood jira oo ay hooyadii xambaarsanayd, ka dib markii ay tooray ku dhufteen, iyagoo ilmaha yar moodaya shandad ay hooyadu dhabarka ku sidato. Dhacdadan oo dadka reer Hargeysa ee arkay ama maqlay ku riday argagax ayaa waxay ka dhacday dooxa laga talaabo ee dhismaha jabjabka ee dhinaca bari ee magaalada Hargeysa. Ilmaha yar ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay toorayda oo ay tuugtu kaga dhufteen inta u dhaxays miskaha iyo dhabarka. Ilmaha yar ayaa qayliyay markii ay tooradu ku dhacday, markaas ayaanay hooyadu dareentay oo ay qaylisay markii ay aragtay ilmaheedii oo dhiig badani ka socdo, sida ay dad goob-joog ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika. Dad goob-joog ah ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in ciidamada Booliska oo gacan ka helaya dadweynihii goobta ka dhawaa ay gacanta ku soo dhigeen saddexda tuug ee falkan naxdinta badan gaystay, waxaana wiilka y ar la geeyay cisbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dabiibayo. Geeska Qaran News
  12. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu Magacaabay Madaxweyne Xigeenka kowaad iyo kan labaad. Madaxweyne Xigeenka kowaad waxaa loo magacaabay mar kale Maxamuud Sayid Aaden [...] Source
  13. Garowe iyo shalay Inta aan ogahay waxa ay aheyd markii ugu horeysey ee Taayiro dab la qabadsiiyay lagu gubbo goobta caanka ah ee barxadda Garoowe, waxaan u soo joogey dhacdooyin badan oo aad iyo aad uga cuslaa arintii dilkii ninkii dhalinyarada ahaa ee sida xaqdarada ah lagu diley ka dhalatay. Dad careysan Dad careysan oo u badan Dumar iyo Caruur ayaa taayiro dab ku qabadsiiyay afaafka hore ee Saldhiga Booliska Garoowe oo ku yaal Barxadda, mana jirin wax is hortaag ah oo weyn oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska, waxayna sameeyeen wax kasta oo ay sameyn kareen, waxay xireen oo dhagxaan iyo birro ku xireen dhammaan irdaha laga soo galo barxadda. Waxay ka faa’iideysteen oo ay isticmaaleen haraadigii buburkii guryihi la dumiyay oo aan wali la nidiifin oo ay u isticmaaleen jidgooyooyin iyo in ay la dhacaan ciidanka iyo dab-damiska. Qiiqa iyo uurada ayaa cirka isku shareeray magaaladuna waxa ay u ekeetay goob colaadeed oo fawdo ah oo aysan ka jirin wax kala dambeyn ah. Shaqaaqadaas bilowgeedii waxaa ku dhaawacmay labo qof, ka dib raasaas ay fureen ciidanka Booliska, mid ka mid ah wuxuu ahaa wiil yar oo arday ah halka qofkana uu ahaa dumar. Dadkii shalay dhacdadan sameeyay, waxay dambi ka galeen sharciga dalka iyo dhammaan Ummadda Puntland, waxayna mudan yihiin in lagu ciqaabo dambiga ay galleen oo lagu Maxkamadeeyo. Dilka ALLE ha u naxariistee Marxuumka waxa u ahaa mid aan xaq ahayn, sida laga sheegey goobjoogayaal waxa uu ahaa nin aan hubeysneyn, balse doonayay nin hubeysan iyo Booliska in uu dhexdhexaadiyo, hase ahaatee, waxaa la sheegey nin ka mid ah Booliska uu xabad ku dhuftey. Maxaa la gudboonaa Booliska ama Ciidanka xasilinta ee hawlgalka ku jirey?. Sida ay ila tahay, waxaa habbooneyd in Boolisku ay Askariga dilka geystey ay qabtaan oo ay Saldhiga geeyaan kana run sheegaan sida ay wax u dhaceen, wayna ka fududaan lahayd sidan maadaama Askariga iyo Marxuumka aysan waxba ka dhaxeyn inta la og yahay ee ay dhacdo ahaan u dhacay dilkan. Maxaa laga baran karaa fawdadii shaley? Waxaa muuqata, in Ciidanka xasilinta/tayeynta ku magacaaban aysan ahayn kuwo ku habboon in ay ka hawlgalaan Caasummadda, waxa ayna ahayd in markii horaba laga doodo in loo baahan yahay Ciidamo lagu asteeyay magaca xasilinta Caasimadda, iyadoo la barbar dhigayo ammaanka oo aad u wanaagsan, haddiise loo baahdey ciidan, waxa ay ahayd in la sameeyo ciidan lagu soo xushey aqoon, karti, daacadnimo iyo Illaah aqoon, kuwaasoo aqoon u leh sida bulshadda loola shaqeeyo, waajibaadka saaran iyo middka lagu leeyahay. Ma aha markii ugu horeysey ee Ciidankan ku magacaaban xasilinta magaalada ay dillaan dad shacab ah dhowr qof ayay horey u dilleen. Gabagabo, waxaa ila habboon in dib u eegis lagu sameeyo Ciidanka xasilinta iyo saraakiishoodaba, waxaa kaloo habboon in dadka deegeenka loo sameeyo wacyigalin ballaaran oo ku aadan wadaniyada, in aan la isku xiriirn karin dhacdo iyo in dab la qabadsiiyo ama la burburiyo jidadka iyo meelaha Ummadda ka dhaxeysa (Public sectors ). Axmed Cabdisalaam The post Garoowe oo qiiqdey, Sidee wax u dhaceen shaley? appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxay u duuleen Dalka Ruushka. Madaxweynaha ayaa wuxuu ka qayb galayaa Shirweynaha dhex [...] Source
  15. Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku dhawaaqay guddiga farsamada doorashooyinka iyo khilaafaadka maamulkaasi. Guddiga oo 11 xunood ka kooban ayaa waxa uu ka soo horjeedaa mid kale oo dhowaan magacowday wasaaradda gudaha xukuumaada Soomaaliya. Arrintan ayaa waxa ay uga sii dareysaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliua. Halkan hoose ka akhriso View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo uu la socday mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka Lafoole iyo ciidamo uu watay. Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa sheegtay inay la eegatay madaxa maaliyadda Lafoole, Iimaan Maxumad Cabdow iyo askar ilaalo u aheyd. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhaawac culus uu qaraxa ka soo gaaray mas’uulkaasi, iyo askartii la socotay sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka Lafoole iyo kan Ceelasha Biyaha oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan oo u badan qaraxyo miino ka fulisa waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Over 300,000 people have been displaced due to drought and conflict in Somalia so far this year Source: Hiiraan Online
  18. The Kenya Defense Forces operations in Somalia could be grounded in few months time due to delayed disbursement of funds by European Union, it has emerged. Source: Hiiraan Online
  19. Iyadoo horay Ay XukuumadaFederaalku u Magacawday Gudiga Doorashada Galmudug ayaa maanta waxaa iyana Gudi Magacawday Urur diimeedka Ahlu Suna Waljameeca. Gudiga io ka kooban 11 [...] Source
  20. Innaga oo ka ambaqaadeyna kaalinta warfaafinta ee xoojinta iyo dhiirigelinta daahfurnaanta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda, Goobjoog News waxaa ay su’aalo ka keentay lacagahii taallooyinka iyo guud ahaan Barnaamijka Isxilqaan iyada oo la xiriirtay 14 mas’uul. Sida uu leeyahay Abuukaate Ciise oo ka tirsan xeer yaqaannada dalka, sharciga waxaa uu qabaa haddii la waayo kaalinta dimoqoraadiyadda dadban ee mataaladda iyo baarlamaanka ama warbaahinta, xataa muwaadinka caadiga ah waa inuu dawco gudbiyo si uu u ogaado qarash baxay. Baaristeenna waxaan ka bilowday maamulka gobolka Banaadir oo mas’uul ka ah gobolka taallooyiinka laga taagay, kadib markuu qaban waayey telefanka, uuna ka jawaabi waayey fariimaheenna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) oo isaga goobjoog ka ahaa xafladdii xariga looga jaray taallooyinka ayaan markii dambe helnay mid ka mid ah guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir, oo codsaday in magaciisa aan la xusin, guddoomiyaha waxaa uu sheegay in maalin uu ra’isul wasaare Xasan Kheyre ka sheegay shir uu la lahaa maamulkooda xilligii AUN Eng. Yariisow in taallooyinkii taariikhiga ahaa la soo celinayo, madaxtooyadana u saartay guddi uu ku jiro S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo xilligaasi ahaa taliyiha ciidanka Asluubta laakin August sanadkan uu Kheyre u magacaabay maareeyaha wakaaladda hormarinta dhismaha Soomaaliyeed. Bashiir Goobe telefanka ma qaban, kamana soo jawaabin fariimihii aan u dirnay. Mas’uuliyiinta aan la xiriirnay waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Dowladda Federaalka mudane Daahir Maxamuud Geelle oo xilkaasi hayey sanad iyo bar, Mr. Geelle oo ay aheyd in lagala tashto ama hormuud ka noqdo wixii dhaqan iyo dalxiis ah waxaa uu Goobjoog News u sheegay in wasaaradiisa aaney waxbo kala socon qorshaha, lacagta iyo wax ku saabsan taallooyinka. Dhankiisa, mid ka mid ah agaasimayaasha xilligan ugu sareeya xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre ahna qofka keliya ee wax laga weydiin karo lana socda dhaq-dhaqaaqiisa, laakin magaciisa codsaday in la qariyo, oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xafiiskooda iyo guud ahaan wasaaradaha xukuumadda federaalka ah aaney shaqo ku laheyn arrintan taallooyinka, oo ay khuseyso uun xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Fulinta waa ku jiri karaan wasiirro, laakin waa guddi ahaan ee uu madaxweynaha magacaabay ee shaqada guud xukuumadda qeyb kama ahan”. Ra’isul wasaare Kheyre ilaa hadda kama hadlin taallooyinka xataa kuma soo qaadan baraha bulshada uu leeyahay sida Facebook iyo Twitter. Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta ee Villa Somalia oo arrintan kala hadlay Goobjoog News ayaa iska fogeeyey in xafiiska madaxweynaha uu maaliyad ahaan maamulay taallooyinka iyo guud ahaan mashruuca isxilqaan “ Xafiiskan shaqo kuma laha maamulka maaliyadda ee taallooyin ama isxilqaan, oo guddi ayaa jiro oo ra’isul wasaare ku xigeenka horkacayo, wasaarado badan oo maaliyadda ugu horeysana ku jiraan, madaxweyne Farmaajo keliya waxaa uu ku leeyahay Korjoogteyn”. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa mashruuca isxilqaan, una matala Villa Somalia, codsadayna in aan la xusin, oo isna aan la xiriirnay waxaa uu nagu leexiyey wasaaradda maaliyadda iyo wasiir Beyle, isaga oo sheegay in iyada uun wax laga weydiin karo lacagaha iyo cidda bixisay, isaga oo shaki geliyey helista faahfaahinta lacagta qoondada Tallooyinka. Dhanka wasaaradda maaliyadda, kadib markii uu wasiirkeeda maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle qaban waayey telefanka, kana jawaabi waayey fariimaha WhatsApp ayaan wacnay Cabdullaahi Sheekh Cali (Qolocow) oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda. Qaloocow oo la hadlay Goobjoog News ayaa isna iska fogeeyey inuu wax ka ogyahay lacagta taallooyinka, isaga oo intaasi raaciyey inuu mas’uul ka yahay qeybta canshuur uruurinta, wixii dakhli baxana ha la weydiiyo wasiirka iyo wasiiru dowlaha “ Aniga dakhli uruurun igula xisaabtan, isoo weydiisa maxaa loo qaadi waayey, yaa canshuur la baxsaday” ayuu hadalkiis ku soo koobay Cabdullaahi Sheekh Cali (Qolocow). Waxaa xigay, xiriir aan la sameynay wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee DF Maxamuud Xayir Ibraahim, salaan kadib waxaan u sheegnay ujeedka aan u wacnay, markaas kadib waxaa uu ku hadlay hadal aan la fahmi karin, waana nagu damiyey telefanka. Dr. Maxamud Maxamed Culusow oo horay u soo noqday agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa noo sheegay in taalooyinka ay maamulayeen guddi qarsoon oo warbixin u celisa uu madaxweyne Farmaajo, waxaa su’aal ka keenay sababta loo la’yahay cid warbixin buuxda ka bixisa, isaga oo dhaliilay aragtida xun ee dowladda ee kala horeynsiinta hawlaha qaranka. Hey’adaha baaristeenna soo dhoweeyey waxaa ka mid ahaa hanti-dhowaraha qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo isaga iyo xafiiskiisa nagu bogaadiyeen shaqadan, laakin arrintan ku saabsan lacagaha aan dabagalka ku heyno ee taallooyinka waxaa uu sheegay in xogtooda aanu heynin xiiligan, isaga oo sidoo kale nagu dhiirigeliyey in aan raadinno cidda ay khuseyso ee isxilqaan iyo wasaaradaha ku shaqada leh. Haddaba, baaristaankan la xiriira taalooyinka intii aan wadnay, natiijada in kasta oo aanan helin tirada lacagta ku baxday, waxaa sheekooyinkii na dhexmaray mas’uuliyiinka kala dhexbaxnay, noona soo baxay dhowr dul-duleel oo khatar ah: (1). In mashruucan taallooyinka iyo guud ahaan is xilqaan aaney shaqo ku laheyn gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska. (2). In ra’isul wasaarr Kheyre isna aanu raalli ka aheyn sida madaxtooyada u maamushay mashruucan (3). Mashruucan waxaa toos u maamulo guddi uu magaacay, korjoogtenna ku leeyahay madaxweynaha Farmaajo (4). Mashruucan waxaa taageero dalalka caalami ah, ganacsato Soomaaliyeed iyo mashaariic ay bixiyaan hey’ado dowli ah. (5). Guddiga howlahan wado waxaa ay leeyihiin sanduuq qaran iyo miisaaniyad furan, oo ka baxsan miisaaniyadda qaranka ee ay baarlamaanka ansixiyaan (6). Sanduuqan looma sameeyo xisaabxir, baarlamaanka lama socdo, waxaa isla og Farmaajo iyo Beyle. (7). Wasiir Beyle waxaa uu iskala weyn yahay la xisaabtan, kamana cabsado Baarlamaanka, hanti-dhowaraha qaranka iyo shacabkaba. Ugu dambeyntii, maxaa la gudboon golaha shacabka ee BF: Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xil. Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo isna arrintan kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in aaney jirin wax rasmi ah oo soo gaaray golaha shacabka. “Procedure ayuu leehaya golaha shacabka, guddoonka ayaa la soo mariyaa, kadibna guddiga, laakin ilaa hadda ma helin wax arrinkaas la xiriira”. Mar aan sii weydiiney, arrintan oo kale maxaa laga yeelayaa waxaa uu yiri “Waa qasab in nala hor keeno Dhaq-dhaqaaq xisaabeed (transaction) kasta oo laamaha dowladda federaalka ah sameeyaan, haddii ay miisaaniyadda ku jirtay oo la kala wareejiyey ama meel kale laga keenay”. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  21. Dhuusamareeb (Caasimada Online) ― Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka iyo khilaafaadka dowlad goboleedka Galmudug, kadib warqad ka soo baxday xafiiskiisa. Guddiga oo ka kooban illaa 11 xubnood ayaa ka shaqeyn doono wajiga labaad ee dhismaha Galmudug iyo doorashada maamulkaasi. Arrintan ayaa uga sii dareysa khilaafka u dhexeeya dowladda oo horay ugu dhawaaqday gddiga farsamada maamulka Galmudug oo ka kooban 13 xubnood, balse Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka hortimid guddigaasi, maadaama aan laga siin wax xubin ah. Sidoo kale waxa ay arrintani ku soo aadaysaa, iyadoo xalay wasiirka arrimaha gudaha iyo hoggaanka Ahlu Sunna kulan ku soo dhammaaday natiijo la’aan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Halkan hoose ka aqriso
  22. Sheekh Maxamed Shaakir Cali, madaxa xukuumadda Galmudug ayaa soo saaray warqad uu ku magacaabayo guddiga farsamada doorashooyinka Galmudug. Guddigan ayaa ka kooban 11 xubin, iyadoo qoraalka lagu sheegay in lagu saleeyey heshiiskii ay wadagaleen DFS iyo maamulka Galmudug. Wasaaradda arrimaha gudaha DFS ayaa horey u magacawday guddiga farsamada iyo Dhismaha Galmudug, waxaana ka horyimid guddigaasi hoggaanka Ahlu-sunna. Wasiir arrimaha gudaha DFS, Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa xalay kulamo la qaatay madaxda Ahlu-sunna, iyadoo la isku fahmay xallinta mad-madowga Labada dhinac, balse qoraalkan ayaa kulankaasi kadib kasoo baxay xafiiska Sheekh Shaakir taas oo muujineysa in kulankii xalay uu fashilmay. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in horey loo qaaddayo tallaabooyinkii u horreeyay ee lagu doonayo in lagu dhimo faqriga iyo shaqo la’aanta. Wasiirka oo khudbad ka horjeediyay Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaca ka qaadday in dib ugu noqoshada miisaaniyadda sannadka 2019-ka oo Baarlamaanka loo gudbiyay akhrinta koowaad inay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku leedahay in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar oo loogu talagalay mashruuca badbaadinta Bulshada. “Miisaaniyadda ku noqoshadda waxaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ,mashruuca badbaadinta Bulshada ugu jirta lacag dhan $15,853,857.. run ahaantii sharaf gaar ah ayay noo tahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray ” Mashruucan wuxuu gaaraya dalka oo dhan ula jeeddadiisa waxay tahay in faqriga lagu yareeyo oo deegaannada dadka inta ay ka soo qaxi lahaayeen lagu hayo.” Mashruuca badbaadinta Bulshada , waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bangiga adduunka,iyadoo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, uu caddeeyay inay ka go’antahay in la dhimo shaqo la’aanta iyo faqriga ama saboolnimada. View the full article