Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. More than 2,000 young men in Somaliland are now behind the wheel earning a decent living with the new online taxi company, Dhaweye. Source: Hiiraan Online
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa 7-da October u mudeysay inay dhageysato codsi raadinaya in dowladda Kenya laga joojiyo inay ka qeyb-qaadato kiiska horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee badda Soomaaliya. Codsigan oo ay diiwaan-geliyeen 20 qareen oo Kenyan ah oo uu hoggaaminayo Kiriro Wa Ngugi ayaa ah isku daygii ugu dambeeyey ee Kenya ay uga baxsaneyso kiiska maxkamadda ICJ. Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Kenya, Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Antony Mrima aya asidoo kale ku dhowaaqay in 9-ka iyo 10-ka October ay yihiin maalmaha sidoo kale la dhageysan doono kiiska. Qareen Kibe Mungai ayaa doonaya in maxkamadda sare ay go’aan gaarto ka hor 4-ta bisha November, oo la waqtiyeeyey in maxkamadda ICJ ay dib u dhageysato kiiska Soomaaliya iyo Kenya. Qareenada kisikan wada ayaa sidoo kale doonaya in maxkamadda sare ay dowladda Kenya ka joojiso inay u hoggaansato go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Ma cadda go’aanka kasoo bixi doono maxkamadda sare ee Kenya, hase yeeshee dadka qaar ayaa rumeysan in qareenada kiiska gudbiyey iyo dowladda ay is og yihiin, islamarkaana xukuumadda Uhuru ay raadineyso cudur-dara ay uga baxdo kiiska ICJ. Toddobaadkii tagay, maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo si ay u qorato qareeno cusub, hase yeeshee waxay diiday waqtigii ay Kenya dooneysay ee ahaa sanadkan waxayna ogolaata kaliya laba bil. Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa dhowaan sheegtay in Kenya ay ku dadaali doonto in ka hor maxkamadda ay Soomaaliya la gaarto heshiis ka baxsan maxkamadda. “Arrinta maaha wax caddaan iyo madow ah. Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah. Waxaan doorbideynaa heshiis laga wada-xaajoodo” ayey tiri Monica Juma. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay arrimaha kornayl Caarre iyo colaadda Ceel-afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Pakistan)-Shacab cadheysan ayaa ku xoomay iskuul iyo macbad ay leeyihiin Hindu-ga kadib markii maamulaha iskuulka oo Hindu ah lagu eedeeyey aflagaado diineed, sida ay sheegeen booliska. Rabshadaha ayaa ka dillaacay gobolka Koonfureed ee Sindh kadib markii arday uu maamulaha iskuulka oo Hindu ah ku eedeeyey inuu aflagaadeeyey Nebiga, nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. Dadweyne cadheysan ayaa kadib ku xoomay iskuulka, sidoo kalena burbur u gaystaan macbad hindu-ga ku leeyihiin halkaas sida laga soo xigtay booliska. Maamulaha Iskuulka ayaa waxaa xidhay booliiska si loo bad-baadiyo, waxana booliska ay sheegeen inay baadhayaan hadalka lagu eedeeyey iyo rabshadihii ka dambeeyey. “Waxay u muuqataa in maamulaha uusan hadalka u dhihin si ula kac ah” Furrukh Ali oo ah madaxa booliska deegaanka ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka Reuters. Aflagaadeynta Nebiga, Nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, ayaa waxaa lagu muteystay xukun dil oo khasab ah, dalka Pakistan oo 95% dadkiisa ay muslimiin yihiin, islamarkaana qaba mid ka mid ah sharciyada ugu adag ee ka dhanka ah aflgaadeenta diinta. Pakistan weli lagama fulin xukun dil, hase yeeshee dad cadheysan ayaa mararka qaar dila dadka lagu eedeeyo. Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheega in sharciga ka dhanka ah aflagaadeynta diinta ay inta badan ka faa’iideystaan kooxaha mayalka adag ee diinta. Reuters Source
  5. An unspecified number of Burundian peacekeepers were killed Saturday when a military convoy was ambushed by the militant group Al Shabaab north of the Somali capital Mogadishu, security sources said on Sunday. “We’ve been informed about an ambush in which a number of Burundian soldiers were killed,” Abdikarim Hassan, a local Somali security official told AFP. A senior official contacted by telephone in the Burundian city of Bujumbura told AFP 12 Burundian soldiers had been killed and six injured. “Yes it’s true. Unfortunately, 12 of our soldiers were killed and six others injured yesterday (Saturday) by Shabaab militants who ambushed them as they were returning from a security mission in a convoy going from Jowhar to Mogadishu,” the Burundian official said on condition of anonymity. Shabaab claimed responsibility for the attack in a statement, claiming to have killed 14 Burundian soldiers. The soldiers, who were serving with the African Union peacekeeping mission in Somalia (Amisom), were attacked on the road linking Mogadishu and the city of Jowhar, 90 kilometres (55 miles) north of the capital. The Shabaab has been fighting for more than a decade to topple the Somali government. A few hours before the attack a bomb exploded on the same road, killing three people including two local officials, Hassan added. Resident Ahmed Haji said villagers had heard gunfire and seen bodies. “Some villagers saw the dead bodies of the AU soldiers near the scene of the ambush, but they could not say their numbers,” he said. “People heard heavy exchange of gunfire that lasted more than 20 minutes as the Amisom military convoy was passing by the area,” he added. The attack is the latest in a long line of bombing and assaults claimed by the Al-Qaeda-linked militants. The Shabaab was driven out of Mogadishu by government forces backed by 20,000 peacekeepers from Amisom in 2011. But they still carry out attacks including suicide bombings against government targets. View the full article
  6. The Somaliland leader confirmed that the agreement between Somaliland and the United Arab Emirates (UAE) has not collapsed. Speaking at Burao University graduation ceremony on Sunday, Muse Abdi Bihi said the airport which is being constructed by UAE will remain opened to be used military operations as civilian purpose. The leader in northern Somalia said the construction of the military airbase will continue as per the plan. “The agreement we have with the military base is the same, we have not withdrawn from the government,” Muse said. The development comes barely two days after Muse announced that the airport under construction as part of the UAE military base in Berbera will be converted for civilian use. In 2017, the Somaliland parliament had the naval base deal between Somaliland and UAE following long discussion. The contract to construct the airbase was won by Divers Marine Contracting LLC at the cost of $90 million. The UAE began construction of the base in 2017 in the port city of Berbera. Under the terms of the deal, the UAE was to have a presence there for 30 years. The government of the United Arab Emirates has not commented on the new development by Somaliland authorities. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan gobollada bariga Somaliland, doorashooyinka iyo komishanka cusub, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Burco, isaga oo kuwo cusubna xadhigga ka jaray. Madaxweynaha oo ku gudo jira maalintii shanaad ee safarka shaqo ee uu ku joogo qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa ugu horrayn kormeeray xarunta dawladda hoose ee Hargeysa oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, hool weyn oo loo dhisay xarunta taliska ciidanka qaranka ee gobolka Togdheer, isaga oo xadhigga ka jaray garoonka kubbadda Cagta Alamsey Stadium oo dhismihiisa iyo qalabayntiisa la dhammeeyey, dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka ciidanka booliska ee xarunta taliska gobolka Togdheer iyo dhismeyaal casri ah oo lagu kordhiyey Huteel Kaafi ee magaalada Burco. Madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha dawladda ee uu kormeeray iyo kuwa uu xidhigga ka jaray, kuwaas oo si hufan u faahfaahiyey dedaalka ay ugu jiraan inay casriyeeyaan goobaha ay masuulka ka yihiin, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee goobahaas ka taagan. Shacabka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada, waxana ay si kal iyo laab u soo dhaweynayeen madaxweynaha iyo weftigiisa hawlaha shaqo halkaas u jooga. Source
  9. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Drs Fowziyo Abiikar Nuur iyo wafdi heer caalami ah oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa maanta gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.waxaanna wafdigaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Agaasimaha xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO Dr.Axmed Al-Mandhari oo wafdiga WHO hoggaaminaya ayaa waxaa lagu wadaa in ay u kuur galaan xaaladaha caafimaad ee deegaanada dowlada goboleedka Koonfur Galbeed. Mudada ay wafdigaan ku joogaan booqashada deegaanada Koonfur galbeed, waxay booqan doonaan xarumaha caafimaadka oo ka mid yihiin Isbitaallada,goobaha Bukaan- socod eegtooyinka iyo hubinta xaaladaha caafimaad ka jira xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyey shirka arrimaha deyn cafinta Soomaaliya oo tododbaadkiiba hal mar lagu qabtay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ugu horreeyn shirka ayaa waxaa warbixin guud looga dhageystay wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) oo faah faahin ka bixiyey shirkii oo dhowaan uga qeyb galay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. “Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP waxaa maanta nagala soo qeyb galay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Addis Ababa inoogu soo gaba gaboobay ee dib u eegista SMP4 ayuu yiri.“ wasiir Beyle. Dhankiisa Khayre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay fulin doonto dhammaan qorshaha lagu doonayo in dhamaan deymaha loogu cafiyo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ugu jirto, sidii loo hormarin lahaa kobaca dhaqaalaha Soomaliya Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu meel wanaagsan marayo dadaallada deymaha lagu cafinayo dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Safiir Martinez iyo Guddoomiye Guuleed Saalax Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa maanta xafiiskooda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland kula kulmay guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa kulankiisan u horreeyay ee uu la yeeshay guddiga doorashooyinka Puntland wuxuu kaga dhegaystay warbixin la xiriirta qorshayaashooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka xisbiyada badan ee Puntland. Af-hayeenka guddiga Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda u faahfaahiyay ayaa sheegay in guddigu ay safiirka u soo bandhigeen qorshaha ay doonayaan in ay ku hawlgalaan maadaama ay dhowaan xilka la wareegeen oo weli hawlahoodu bilow yihiin. Sidoo kale wuxuu sheegay in guddoomiyaha guddiga Guuleed Saalax Barre uu safiirka warbixin ka siiyay sida ay ku socdan hawlaha guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland iyo sida ay uga go’antahay hirgelinta barnaamijka loo igmaday ee doorashooyinka xisbiyada badan ee Puntland. Af-hayeenka ayaa dhinaca kale tilmaamay in safiirka Midowga Yurub uu si fiican ugu riyaaqay warbixinta guddiga islamarkaana uu ballan-qaaday in Midowga Yurub uu taageerayo buuxda siin doono guddiga doorashooyinka Puntland si ay u taabba-geliyaan hawlaha horyaalla. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirro PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo kulmay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Drs Fowziyo Abiikar Nuur iyo wafdi heer caalami ah oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa maanta gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.waxaanna wafdigaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Agaasimaha xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO Dr.Axmed Al-Mandhari oo wafdiga WHO hoggaaminaya ayaa waxaa lagu wadaa in ay u kuur galaan xaaladaha caafimaad ee deegaanada dowlada goboleedka Koonfur Galbeed. Mudada ay wafdigaan ku joogaan booqashada deegaanada Koonfur galbeed, waxay booqan doonaan xarumaha caafimaadka oo ka mid yihiin Isbitaallada,goobaha Bukaan- socod eegtooyinka iyo hubinta xaaladaha caafimaad ka jira xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah. View the full article
  13. MAXAMED DAUD: WAXAANU DILAALAYNAA ETHIOPIA Gadhka lagama eggo iyo cirrada guudka kaga taalle Nin gabbaan hadduu hadal ka yahay waa gagabiyaaye – Abyan Waxa dhowaan baraha bulshada soo galay qoraal-miskiin uu leeyahay nin mar masuul ka noqday dawladihii hore u soo maray Somaliland. Horta ilaahay ha loogu mahad naqo inaan shakhsi garashadiisa iyo garaadkiisu intaas gaadhsiisan yahay aanu hadda xil qaran hayn, ilaahayna ha laga baryo inaanu xil damabe qaban. Maxamed Dauud wuxuu ku doodayaa in beelaha dega gobolkii Waqooyi Galbeed ee Hargeysa, Berbera iyo Borama ay goostaan gobolkaas ka dibna ay heshiis la galaan Ethiopia si ay u dilaalal 100 million oo Ethiopian ah. Ma jiro dad la dilaala, waxanse filayaa inuu u jeedo ganacsiga iyo wax soosaarka dadkaas ayaan dilaalayaa. Wuxuuna tusaale u soo qaatay sidii Hong Kong u dilaali jirtay alaabtii warshadihii dawladda ee China xilligii shuuciyada ay China ku jirtay ee ganacsiga gaarka ahi uu mamnnuuca dalkaas ka ahaa. Maxamed Daauud miyaanu ka warhayn in nidaamkii shuuciyada, gaar ahaana qaybtii dhaqaalaha, muddo ka badan laabaatan sano ka hor laga laalaabay China iyo Ethiopiyaba. Miyaanu la socon in China iyo Ethiopiyaba ay ka jiraan shirakadaha gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn dunida ee waxna soo saara waxna iibiya. Bahasha qarandida la ydhaaho oo ah xayawaan foorara ayaa la yidhaaha marka dayaxa shan iyo tobnaadku soo baxo ayay ku war heshaa in bil cusubi dhalatay, markaasay tidhaahdaa bilay bil caanood. Ninkani mudadaa soddonka sano ku dhow ee dunidu sidan isu bedelaysay muxuu ku fooraray. Wuxuu nikaasi soo jeedinayaa in beelaha bariga Somaliland dega oo sida muuqata uu ku wareeray, ay iyana Somaliya ku biiraan. Lixdanadii markii dalki Somaliya uu xornimada qaatay, ayaa dadka qaar ku wareereen Majeerteenka, sida uu maanta Maxamed Dauud ugu wareeray dadka goboladda bariga dega, waxayna tiriyeen shiribkii caan baxay ee – Marna waa Risaaq (Cabdirisaaq Xaaji Xuseen), marna waa Rashiid (Cabdirashiid Cali Sharmarke), inta kale ma rootibaa. Maxamed Daauud horta rooti iyo hadhuudh midna matihid, jahawareer baase kugu dhacay, waxoogay jacayl qoti ahina waa ku hayaa. Waxa dhaba in gobolada galbeedka wax weyn looga haysto qotida oo hadda raysal wasaaraha Ethiopia yahay aadna la isu dhexgalay oo loo kala guursan jiray, waan taa inta badan hadalka ninkani tuu ku qotomo. Waxanse Maxamed u sheegayaa in dalkan Somaliland la yidhaaho dadkiisuna ay yihiin Somali nadiifa oon la tarraxin. Haddii jacayl qoti kugu dhacay adiga iyo kula fikirka ahiba u taga, haddii aad lacag doon tahayna booshari iska furo, laaiikn siyaasadda ka fogow, caafimaadkaaga iyo danta dalkuba sidaasay ku jirtaaye. Wabillaahi towafiiq. Abokor Baaruud Baruda2006@gmail.com Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda ganacsiga dalka Kuwait ayaa ku dhawaaqday in ay gabi ahaan mnuucday dhuxusha looga dhoofiyo gudaha Soomaaliya. War qoraal oo ah ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inay ka cabsi qabto in loo adeegsan karo lacagta laga helo dhuxusha arrimo la xiriira argigixiso. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in wasaaradda ganacsiga Kuwait ay aragtay warbixino ka soo baxay Qaramada Midoobay, kuwaas oo sheegaya inay si toos ah si dadban lacagaha laga helayo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya lagu malgeliyo kooxda Al-Shabaab. “Wasaaradda waxaa ay mamnuucday dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya, kadib markii ay timid cabsi ah in loo adeegsan karo lacagta laga helo dhuxusha arrimo la xiriira argigixiso.” ayaa lagu yiri warkan. Go’aankan ayaa saameyn daran ku yeelanaya Al-Shabaab oo dhaqaale badan ka hesho dhuxusha sida sharci darrada ah ee laga dhoofiyo gduaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dekedda weyn magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dhuxusha laga dhoofiyo dekeddaasi ayaa lagu eedeyey inay ku lug leeyihiin ciidamada Kenya, inkastoo xukuumadda Nairo ay ka hortimid eedeymahaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  15. (SLT-Gabiley)-Maayirka Magaaladda Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa lagu eedeeyay in uu xabsiga Dhigay Aqoonyahan Axmed Ciisood oo ka mid ah dhalinyaradda Ku nool Magaaladda Gabiley. Axmed Ayaa bogga uu ku leeyahay Facebookga ku baahiyay sawirka guri uu sheegay in uu magaaladda Gabiley ka dhistay Duqa Magaaladaasi. Qoraalkaasi uu ku baahiyay Boggiisa ayaa waxa uu udhignaa sidan “Waddadaas oo 2 km ah imika waxa la dhisa Maca Habeenkii si Madaxwaynuhu Xadhiga Uga jaro Marka uu yimaado Sida la filayo Waxaan Jeclaan lahayn In Gurigas Fooqa ah oo Maayarku ka dhistay Cashuurtii danyarta isna madaxwaynuhu xadhiga ka jaro ilayn waa Hanti Dadwayne Laguna Daro Hantida Dawladda” ayuu ku yidhi qoraalkiisa. Baraha ay bulshada ayaa la soo dhigay qoraalo lagu cambaaraynayo xadhiga Axmed Ciisood, waxaana loogu baaqay duqa Magaaladaasi in uu xorriyadiisa u soo Celiyo Aqoonyahan Axmed Ciisood Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Weerar Qaawan Ku Qaadey Wasiir Hore Oo Ka Tirsanaa Oo Xukumadii Siilanyo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Hargeysa) Prof Cabdi Cali Jaamac agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa sharraxay sababo uu sheegay in aanay marnaba macquul u ahayn in shirkaddo gaar loo leeyahay iyo dawladu ay ku tartanto shidaak keenista dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada Asluubta maamulka Somaliland xalay loogu geystay gudaha magaalada Laacaanood xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Sida ay ilo lagu kalsoonyahay u sheegeen Caasimada Online dilkan ayaa waxaa fuliyey askari kale oo ka tirsan ciidanka Somaliland, kadib markii uu mursan soo kala dhexgalay. Sidoo kale waxaa rasaasta uu furay askarigaasi ku dhaawacmay qof kale oo shacab ah oo ka agdhawaa halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyey dhadadaasi uu goobta isaga baxsaday. Saraakiisha ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay ku raad joogaan askarigii ka dambeeyey dilkaasi. Xaaladda amni ee Laascaanood ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aan wanaagsaneyn, iyadoo marar badan dagaallo ay ka dhaceen gudaha magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  19. (SLT-Laascaanood)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dilay Askari ka tirsnaa Ciidanka Asluubta Somaliland. Dilkaas ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka xabsiga Laascaanood, isla markaana ninka hubeysnaa uu rasaas dhowr ah ku furay Askari ka tirsanaa Ciidanka Asluubta xili uu halkaas ku sugnaa Badhtamaha Magalada, isagoona goobta ku geeriyooday. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta lagu furay Askariga dhaawac uu ka soo gaadhay qof shacab ah oo la tilmaamay in Haweeney ay aheyd, waxaana loolal cararay Cisbitaalka guud ee Laascaanood. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa xalay waxaa ay howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Laascaanood, iyagoo ku raadinayay qofkii ka dambeeyay dilkii halkaas ka dhacay. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo ay uga hadlayaan dilkii loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Somaliland iyo howlgalkii xalay laga sameeyay halkaas. Source
  20. (SLT-Jigjiga)-Madaxweyne Cagjar Oo Bookhday Goobtii 1960 Lagu Xasuuqay Soomaalida, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT- Afghanistan)-Millatariga Afghanistan oo taageero ka helaya ciidanka Mareykanka ayaa dilay laba hoggaamiye oo ka titsan ururka Taliban, kadib howlgal ka dhacay waqooyiga galbeedka Dalkaas. War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca Afghanistan, ayaa lagu xaqiijiyay in Mawlawi Nuuradiin iyo afar sargaal oo kale lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ah dhacday degmada Dara-e-Soof Payeen. Dhanka kale afhayeenka ururka Taliban Sabiixullaahi Mujaahid ayaa beeniyay warkan, waxaana uu sheegay in uu nool yahay Mawlaawi Nuuradiin oo ah waaliga waqooyi ee ururka Talibaan. Duqeyntan ayaa imaaneysa kadib markii Mareykanka uu ka baxay heshiiskii nabada ee uu hore ula galay Ururka Talibaan. Source
  22. Berbera (SMN) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka laabtay go’aankiisii ahaa in shacabka kaliya ay adeegsan doonaan garoon cusub oo uu magaalada Berbera ka dhisayo Imaaraadka Carabta. Muuse Biixi ayaa sheegay in garoonka uu noqon doonaan mid caalami ah, islamarkaana ay wada adeegsan doonaan ciidamada iyo shacabka, sida uu hadalka u dhigay. “Marka la fiiriyo adduunka shacab iyo ciidan waa ay wada isticmaalaan garoomada.” ayuu yiri Madaxweyne Biixi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Biix.mp3 View the full article
  23. Muqdisho (Caaasimada Online) – Diyaarad gaar ah oo siday dhaawacyada mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo shalay qarax lagu dhaawacay ayaa saaka la keenay gudaha magaalada Muqdisho. Dhaawacyada mas’uuliyiintan oo ah kuwa culus ayaa waxa ay diyaaradu ka soo qaaday degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee gobolkaasi, Cabdifitaax Xaaji Cabdulle aya sheegay in dhaawacyadaasi ay ka mid ahaayeen duddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley, xoghayaha degmadaas iyo midka mid ah saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka. Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa tilmaamay dhaawacyada mas’uliyiintan lagu dabiibi doono Muqdisho, islamarkaana uu alle uga baryayo caafimaad deg deg ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka maamul ahaa ay wadaan baaritaano dheeraad oo ku aadan qaraxa miino ee kolonyadii ay la socdeen mas’uuliyiintaasi lagula eegtay deegaanka Abiikarow oo hoostaga degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda, qaraxan, waxaana ay shaacisay in bartilmaameedka uu ahaa mas’uuliyiinta maamulka degmada Qoryooley. Maalin ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale qarax miino Al-Shabaab ay ku dishay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka HirShabelle, kaas oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Halka hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-1-shabelle-hoose-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. (SLT- Israa’iil)-Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Israa’iil oo isir naceyb xooggan kala kulmaya dadka asal ahaan u dhashay dalkaasi ayaa dibadbax xooggan ka dhigay magaalada Natanya. Dadkaan ayaa dalbanaya in cadaalada la marsiiyo wiil 19 jir ah oo lagu magacaabi jiray Solomon Teka oo laba bilood ka hor askari booliska ka tirsan uu toogasho badheedh ah ku Dilay. Banaanbaxayaasha oo watay shumac iyo sawirka wiilkan ayaa iskugu baxay habeenimadii xalay mgaalada waqooyi ee Natanya iyaga oo ku qeylinayay cadaalad ha helo Solomon. Dilkaan ayaa dhacay bishii June markaasi oo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee ku sugan Israa’iil dhigayeen falal ay kaga soo horjeedaan midabtakoorka ay la Kulmayaan. Source