Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Mombasa)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay u isticmaali doonto dekeda Lamu inay ka dhoofiso shidaalka gobolka Turkana, inkastoo uu hore u sheegay in dawaddiisu ay samayn doonto qorshayaal lagu dhisayo kaabayaasha shidaalku u baahan yahay iyo Warshad sifaysa shidaalka. Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wakhti xaadirkan sheegay in shidaalka Kenya la dhoofin doono isaga oo qaydhin, taas oo macnaheedu tahay inaan wakhtigan waxba uga qorshaysnayn dalkiisu inuu dhiso meelo lagu sifeeyo shidaalka. “Lamu waxay noqno doontaa meesha ugu baaadhan ee dekeda ugu cusub xeebaha Bariga Afrika, waxaana bilaabmay hawlaha iyo dedaalada dhoofinta shidaalka iyo marinka maraakiibta shidaalka qaadaysa,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Kenya Mr Kenyatta oo ka khudbadaynayey maalinta qaran ee loo yaqaano Mashujaa oo lagu dabaal dagayey Mombasa. “Waa inaynu taageerna suuqa weyn ee ganacsiga oo aynu filayno inuu soo jiito maalgashadaa iskaga kaa yimaada aduunka oo dhan oo dhaqaale farabadan iyo shaqo abuur tiro badan ay dadkeenu ka heli doonaan.” Ayuu yidhi Madaxweynaha daka Kenya, waxaanu intaasi ku daray in dakada Lamu ay wadato yididiilooyin ah inay isku xidho Koonfurta Sudan, Ethiopia iyo iyadoo la dhisi doono jidad waaweyn oo dalalkaasi Kenya ku xidha. Source
  2. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa uu ku magacaabay Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 84 oo kuna taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, wasiiru-dowleyaal iyo wasiir ku-xigeeno cusub kuwaas oo ku soo biiraya Xukuumaddiisa. Xeerkaan uu soo saaray Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni laguna magacaabay wasiiru-dowlayaasha iyo wasiir ku -xigeenada ayaa lagu yri. Madaxweynaha markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Wuxuu xeeriyey: Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda DPuntland, waxayna kala yihiin: Wasiiru-Dowleyaal: Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Wasiir Ku-xigeeno : Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Mahadaay (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta howlgal qorsheysan ku dilay Guddoomiye gobol oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladiisa. Howlgalkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe. Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in ay ciidamadu ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo amiirkii Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe. Kabtan Cali Yuusuf Macallin oo ah Taliyaha Ururka 65-aad, guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalkaas uu u dhacay sidii loo qorsheeyey. Wuxuu sheegay inay dileen Guddoomiyihii deegaankaas u qabiilsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Shariif Maxamed Abuukar iyo dagaalmayaal kale. Taliyaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka uu si gaar ah u fuliyay howlgalkaas, kaddib markii uu weerar ku qaaday saldhigga deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab, isagoo halkaas ku dilay madaxii ugu sareeyay iyo dagaalamayaal kale, halka uu weerarkaas ku dhaawacay kuwo kale. Ilaa hadda ma jiro illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada Taliye Kabtan Cali Yuusuf Macallin, sidoo kalana welina weerarkaan ma aysan ka hadlin Al-Shabaab. Maalmihii dambe Ciidamada Dowladda ayaa waday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, waxayna ku guuleysteen inay Al-Shabaab kala wareegaan goobo badan oo ay horey ugu sugnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah gaar ahaan Milatariga ayaa barqanimadii maanta waxaa uu wiil dhalinyaro ah uu ku toogtay degmada Ceelbaraf ee gobalka Shabeellaha Dhexe ee hoos timaada dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Wiil dhalinyada ah ee lagu dilay Ceelbaraf ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhalinta sida aadka ah looga yaqaano uguna firfircoon dhalinyarada deegaanka, waxaana lagu magacaabi jiray Cabaas Axmed Kaneeco. Sidoo kale wiilka ayaa la sheegay in uu dalawal u ahaa Aabihii oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaano degmada Ceelbaraf iyo deegaanada kala duwan ee gobalka Shabeelaha dhexe ee Hirshabeelle. Dhanka kale waxaan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidama Milatariga oo uu ka tirsanaa Askariga dilka u geystay marxuum Cabaas Axmed Kaneeco, shacabka ayaana siweyn u hadal haaya dilka dhacay. Ciidamada dowladda federaalka ah qeybahooda kala duwan ee Booliska iyo Militariga ayaa marar badan waxaa ay dilal u geysteen dad shacab ah, waxaana jirin dadaal lagu joojinaayo ama lagu xakamaynaayo dilalka nuucaas ah oo mar waliba ay wajahaan shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi KULMIYE ayaanu wada ahayn isagoo Guddoomiye ku-xigeen ah isago Guddoomiye ah iyo isagoo aan labada midna ahayn. Waligii arrin KULMIYE dhexdiisa uu ka doonay kamuu tanasuulin ilaa wax kale loogu badalay. Madaxweyne ku-xigeen inuu u noqdo Siilaanyo ayuu doonay, 2 sanno markii la baryaayay ee la laha laba Nin oo Isaaq ahi iskuma xigi karaan waxa lagaga fur furay in la siiyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga oo aanay cidna kula tartamin. Waa halkay ku kala gureen Mujaahid Ibaraahim Dhego-wayne iyo Maxamed Kaahin oo Abti iyo saxiib isku dhaw aha . Muuse Biixi ayaa Axmed Siilaanyo ku xujeeyay in Beesha East Burco Clan shirka Golaha dhexe dhammaantod u codayso waliba Maxamed Kaahina farta ugu hortaago iyagoo wakhtigaas aan isku wacnayn oo xurguf adagi ka dhaxaysay (Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi ) Dhego-wayne sidaa ayuu ku hadhay. Shirkii Burco ee Murashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka lagu doranaayay Muuse Biixi Hargaysa ayuu hadana ku hadhay laba casho markii shirku dib u dhacay ayaa Muuse Biixi la yidhi maxaad rabtaa, “ilaa Siilaanyo warqad iigu qoro inuu 40-casho gudahood doorashada kadib amma ha helo amma hawaaye Xisbiga KULMIYE igu wareejinaayo ilaa uu taas sameeyo ma imanaayo. ” Duhur cad ayaa loo saxeeyay waanu la wareegay 40-kii casho kadib . Markii Axmed Siilaanyo Madaxweyne noqday amar ayuu soo saaray odhanaaya “Madaxda madaxtooyada soo gasha Askarta ilaalada u ah qoryo yaanay la soo galin, Madaxtooyada ayaa ka masuul ah ammaankooda markay yimadaan. Madaxda waxa kamid ah Guddoomiyaha Guurtida, Guddoomiyaha Wakiilada , Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo Guddoomiyaasha Axsaabta Mucaaridka ah . Marka UDUB iyo UCID ayaa aha .” Muuse Biixi gashaanka ayuu dalabkii Siilaanyo ku dhuftay golaaftan hanjabaad iyo fariimo way inoo tahay ahna Madaxweyne Siilaanyo ayuu gaadhsiiyay. Ergada ayaa galaa baxday. Markii loo tagay ee la yidhi Guddoomiye adiga kugu gaar maha amarka Siilaanyo. Wuxuu yidhi ” Waar dhagaysta Siilaanyo meesha anaa saaray Wallahay yeeli maayo in East Burco Clan Xukunkii iyo awoodi iyo Madaxtinimadi qaadato oo la jeesato oo isagu (Siilaanyo ) intuu intaas oo Ciidan ah isku wareejiyo Ana Askartayda lay diido ilaa qolka aan kula shiraayo ayaan la galayaa “. Tiisi ayay noqotay . Maanta waa Madaxweyne arrinku siduu ahaa inuu ka badalo ayay ahayd waayo Dulqaadka iyo tanaasulka xitaa Xaaskaga iyo Ciyaalkaga ayaad ku dhiqi karta oo hadad ku kanaato Rerkaaga ayaa ku dumaaya, ma muuqato kolay anigu ma arko adiguse akhriste mooyi inay taasi ku muuqato.. Marka qolada Mucaaridka ah ee Koomoishan iyo arrimahaas Beesha Caalamka rajaynaysa inay Muuse Bixii ka badasho way iska ciyaarayaan. 2-Sanno ayaa ku lumay 9 Xubnood ayaanu rabnaa 2 sanno kadib ayay 7 Xubnood noqtay oo tii Muuse Biixi ku adkaystay ahayd, Maantana 2 sanno oo kale ayaynu Riyo Raac iyo Gabadha uu soo celiyay ku murana. Hadhowna ay ta Muuse Biixi noqotaa ? Khuuro kale ha la keeno. M. Biixi ma tanaasulo waanu ku caano maalaye. Tusan. Muniir Axmed Cigaal Source
  6. Boorama (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in qof meyd ah laga helay badhtamaha seeraha magaaladaasi. Ninkan Meydka ah oo aan weli si rasmiya ah aan loo aqoonsan wajigiisa iyo magaciisa ayaa waxa jidhkiisa laga dheehan karayey gubad baahsan oo ka soo gaaray dab, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah laamaha amnigu. Ciidamada Dambi baarista oo gaaray goobtaasi meydka laga helay ayaa waxay ka bilaabaan baaritaan, kadib baaris dheer waxay meydkaasi u qaadeen qolka qaboojiyaha ee meydka lagu keydiyo ee Isbitaalka weyn ee magaalada Boorama. Caasimada Online oo la xiriirtay Taliye ku xigeenka qeybta booliska ee gobolka Awdal, Gaashaanle sarre Maxamuud Raran ayaa waxa uu inoo sheegay in uu dib ka bixin doono faah-faahin dhameystiran kadib marka la soo af-meero baarista, isagoona xusay in xogta meydkan ay ciidamada soo gaarsiisay gabadh keenta caanaha magaalada Boorama. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu inoo sheegay in Ninkan meydka ah uu u dhintay gubad ka soo gaaray dab xoogan, balse ilaa hadda aysan si rasmi ah u xaqiijin in la gubay ama isagu is-gubay, isagoona hoosta ka xariiqay in baaristu socoto oo uusan ka hor dhaceyn. Wixii kasoo kordha kiiskan isha ku hay oo kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-In Ka Badan 600 Oo Qoys Oo Sheegay Inay Dhul Ka Qaadayo Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Maayarka Magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in Tallaabo laga qaadi doono Dadka Ajaajibka ah ee Sharci la’aanta kaga shaqeeya Meheradaha ku yaalla Magaalada Hargeysa. Maayarka oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya Amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta ee Arrimaha Bulshada ay tallaabo ka qaadi doonaan Shaqaalaha ajaanibka ah ee Sharci-darrada kaga shaqaysta Hargeysa. Maayarka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annaga oo fulinayna amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, Meherad kasta oo ay ka shaqaynayaan Shaqaale ajaanib ah waa in Maamulada degmooyinka Caasimaddu hubiyaan in Shaqaalaha Ajaanibka ahi haystaan Waraaqihii Sharciga ahaa ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, taasi oo noqonaysa qof kasta oo muwaadin ah oo Meherad furtay oo Shaqaale Ajaanib ahi u shaqeeyaan la ganaaxi doono, haddii Qofka ajaanibka ah ee u shaqaynayaa aanu soo qaadanin Warqadda sharciga ah..” Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Taliyeyaal Ka Hadlay isku Shaandhaynta Madaxweynaha, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamda France ayaa xalay Gantaalo culus ku garaacay saldhigyo ay daganyihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku yaalla degmooyin ka tirsan Shabeelada Hoose iyo Jubada Hoose, sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya. Duqeyntaan ayaa ka dhacey saldhigyo aad loo ilaaliyo oo ay leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay ka dhasheen khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ka tirsan kumadaandooska Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in duqeynta markii ugu horreysay lala-eegtay taliska Jubbooyinka ee dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo ku yiilay degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, waxaana ka dhashay khsaare soo gaaray ciidamo halkaasi ku sugnaa. Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in ugu yaraan 3 Gantaal lagu dhuftay xaruntaasi oo ay ku sugnaayeen ciidan loo diirinayay howlgal Milateri, kuwaas oo gaaray in kabadan 100 Askari. Ciidankii Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa ayaa la sheegay in tobaneeyo kamid ah ay ku geeriyoodeen duqeyntaasi. Dadka degaanka ee degmada Jamaame ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen dhaawacyo soo gaaray dagalaamayaal ka tirsan Al-Shabaab balse hakad la geliyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha markii la qaadayay dhaawacyada xubanhaasi. Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale ay duqeeyeen Saldhig ay daganayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalal kala-duwan, kuwaas oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe. Si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay quqeynta Jilib balse Saraakiisha Soomaaliya waxay sheeganayaan in ay ku dileen tiro badan 20 dagaalame oo ajaaniib ah. Dhanka kale isla Duleedka Degmada Jilib waxa la Duqeeyay xaruun ay ku sugnaayeen ciidamo Al-Shabaab ah oo lasheegey in loo waday inay ka hortagaan ciidamada DF oo Baardhere ka soo baxaya kuwaas oo ku wajahan Degmada Bu’aale maalmaha soo socoda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in degaano kale oo ka tirsan Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Shabeelada Hoose la duqeeyay waxaana dhamaan duqeymahaasi la soo sheegayaa in dagaalamayaal badan ay ku geeriyoodeen. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in howlgalkaan uu bilaaw u yahay abaabulka howlgalo lagu wado in ay ka bilaawdaan Jubbaland oo la isugu furayo 3-da Gobalka ee Jubooyinka iyo Gedo. Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ka soo dhaqaaqaan degmada Baardheere ee Gobalka Gedo kuwaas oo ku jiheysan degmooyin ka tirsan Jubada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 84 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Wuxuu xeeriyey: Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, waxayna kala yihiin: B. Wasiiru-Dowleyaal: 1. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. 2. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha. 3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. 4. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. T. Wasiir Ku-xigeeno : 1. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta 2. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 3. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada. 4. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno cusub appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo aan caadi ahayn ayada oo ku eedeysay warbaahinta madaxa banaan inay heshiis kula jiraan Al-Shabaab. Warkan ayaa waxaa sheegay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galaya shir Ku saabsan badqabka saxafiga oo ka socda magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu si kulul u eedeeyay warbaahinta madaxa banaan ee ku yaalla dalka. Wasiir Maareeye ayaa warbaahinta Madaxa bannaan dhammaantood ku eedeeyay in ay heshiis kula jiraan argagixisada, islamarkaana ay dhiirigelin u sameeyaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Maareeye ma uusan yaboohin wax caddeymo ah oo ku saabsan eedaymaha ka dhanka ah warbaahinta Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay go’aan ku gaartay in ay soo saarto go’aaan mideysan oo ku saaabsan baahinta Wararka Al-Shabaab, laakin ma uusan faahfaahinin arintaasi. Dhanka kale qaar ka mid ah Madaxda warbaahinta ee ka qeyb galaysa shirka ayaa su’aalo ka weydiiyay wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa warbaahinta waxaa uu u soo jeediyay in aysan buun buunin khasaaraha weerarada ay Al-Shabaab geystaan. Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili mudooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya lagu eedeynayay in ay caburin ku hayso warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho. Gefka Maareeye ayaa imanaya ayada oo in ka badan 20 weriye ay ku maqan yihiin gacanta Al-Shabaab loona dilay inay runt aka sheegaan dhibaatooyinka kooxdan ku hayso shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. 21-kii 1969 Oktoobar “Gu’yaal iyo gu’yaal bay rarteen gocorro shaydaane Iyadoon goblamin baa haddana Giiro loo hadhay”. Jaalle Maxamed Siyaad Barre isagaa dumiyey intii uu dhisay. Jacaylkiisii xad-dhaafka ahaa ee uu kursiga u qabey ku sii amar-ku-taaglayntiisa iyo is cajebintiisii kelitalusnimo ma aanay jisciman intii uu dhisay oo keli ah ee waxa galaafatay ummad dhan iyo qarannimadeedii. Gaashaanle Sare Maxamed Siyaad Barre iyo 24-kii sarkaal ee 21 Oktoobar 1969 Afgembiga talada dalka ku qabsaday waxa ay horqabateeyeen nidaamkii curdinka ahaa siyaasadeed ee qunyar socodka ahaa ee talada waddanku ay ku tibbanaysey sagaalkii sano ee dawladihii rayadka ahaa ee taagta darnaa. Ayax teg, eel na reeb. Iniintii uu aasay waa taa weli aan aagna looga gudbi kari waayey: kelitalisnimo iyo is cajebin, jujuub iyo cagjugleyn, aniga iyo anaaniyad, danni iyo is waa’ iwm. Manifesto Group, kooxdii Cali Mahdi, ayaa ahaa ukuntii koowaad ee qaraxda isla 1991, ilaa maantana weli aagna loogama gudbin oo waa taas kolba miinada iyo mililku meel ka fadkudinataan ama qarxayaan. Tabnaan VS Tognaan (– 20 + 10). Tabnaantu marka ay tognaanta ka tan badiso daalac ma la yeeshaa, mise deyn baa kugu go’aya oo kugu soo baxa? Wax kale, Taliskii Maxamed Siyaad, lagu xusuusan maayo aan ahayn toddoba sannadood (Okt 1969 – Juy 1976) oo horumar ruqaansi togan ah iyo 15 sannadood (July 1976 -Jan 1991) oo tabnaan, burbur, kala daadasho, kala aamin bax, is diiddo, iska hor imaadyo iyo kala haad; kala haab ah; qalbiyo wadajirey oo kala boodey, dani iyo is waa’ ah iyo birta iska asal iyo is gumaad ah iwm. Bisiddaa dhasheeda cunta, Kacaankii Oktoobar 1969 isagaa intii uu dhisay dib u cunay, dhiidhii na ku darsaday oo mas’uul N0: Kow (1) ka ahaa wixii dumey. Ka warran jabhadihii dawladda la dagaallamay ee burburka horseeday?! Iyagu waxa ay ahaayeen falcelin ka dhalay isaga (Maxamed Siyaad maamulkiisii iyo ficiladiisii ama danuubtiisii). Waxa horseed u noqday ardaydiisii, iyana wax badan dhaami waaye macallinkooda, mas’uuliyadda burburkana badhkooda ayay leeyihiin; in ay dhisi kari waayeen “qaran dhaama kii dumey”. Waa taas cilladdu. Hadda Maxamed Siyaad Barre waxa uu ka mid ahaa “raggii garanuugta celin jirey; marka uu gabraarashada u baxo ninkii gumeysiga ahaa ee dalka haysan jirey”. Kaas baa isna macallin u ahaa; Faashiyaddii Benito Mussolini! Mingiste Xayle Maryan iyo derbigiisii waxa ay garteen isla sannadkaas 1991 intii Siyaad Barre iyo Jaalleyaashiisii garan waayeen. Qolada Itoobiya kelitalisnimada ku haystey waxa kala doorteen Ubixii Cusbaa (New Flower); Addis Ababa, oo burburta iyo kursiga iyo talada oo ay ka hulleelaan markii xoogaggii hubaysnaa caasha soo saareen, waxa aanay doorteen in ay iyagu ka hadaafaan. Taas bay garteen oo damacoodii in kursiga ku dagaallamaan waa ay ka tanaasuleen. Waa ta keentay kala duwanaanta Muqdusho iyo Addis Ababa ee maanta ama Itoobiya iyo Soomaaliya. In maanta Kacaankii iyo kelitalisnimada la gocdo ama hiloobo, oo naf iyo bakhti afuuf laga dhigtaa waxa u sabab ah, si kasta ha la isu dhaamee, kala qaarranaanta ama kala gantoobnaanteenna iyo in aan weli meelna “haakah” si buuxda looga odhan waayey ee wax kale iyo wanaag Maxamed Siyaad Barre laga dhaxlay oo uu ka tegey ma aha! “In kastoo guddoonkii burburay loo gudcuro joogey *in kastoo geyigu waa xormee gaadhka lagu meershey *in kastoo go’aankii dulliga geesinnimo diiddey *in kastoo gaggaabkii cuslaa garangar duul duulay *in kastaan garaad lagala hadhin galabba sheeggeeda *sida ay u kala geysan tahay way gun dheer tahaye *inta maanku gaajeysan yahay guuli waa weli”. Maxamed Bashe X Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu. Madaxweyne Deni oo la tashaday wasiirkiisa arrimaha gudaha, ayaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari. Sidoo kale, Muuse Saalax Guuleed ayuu madaxweynuhu umagacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu isbedelo ku sameeyo guddoomiyayaal gobol oo kale iyo masuuliyiinta kale, sida uu Puntland Post xogta ku helayo. PUNTLAND POST The post degdeg: Madaxweyne Deni oo guddoomiyeyaal cusub u magacaabay gobolada Bari iyo Gardafu appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo wareysi gaar ah oo shirkaasi ku saabsan siiyey wakaaladda TASS ee dalkaasi ayaa sheegay in halku-dhegga sanadkan ee shirkan noociisa ah uu yahay “ Nabadda, amniga iyo horumarka”, taasina aaney iska iman ee laga baaraan dagay, waxaa uu intaasi raaciyey in horumar aan la gaari karin iyada oo aan xal loo helin kooxo badan oo argigixiso ah oo dhibaato ku ah dalal badan oo Afrikaan sida ISIL, al-Qaeda, Boko Haram iyo Al-Shabaab, kuwaas oo qasaya waqooyiga Afrika, gobolka Sahara-Sahel region, harada Chad iyo geeska Afrika. Putin waxaa uu sheegay in dalkiisa uu Afrikaanka ka caawin-doono la dagaalanka argigixisada, dambiyada abaabulan, ka ganacsiga daroogada, dhaqista lacagaha, tahriibka, burcad badeedka iyo arrimo kale. Dhanka horumarinta Afrika waxaa uu madaxweyne Putin sheegayaa in qaaradda ay dalal badan horay uga cafiyeen deymo hadana sameyn-doonaan, kana taageeri doonaan sidii loo xakameyn lahaa cudurka Ebola, musiibooyinka dabiiciga ah, xalinta khilaafaadka iyo ka hortagooda. “Jaamacada Ruushka ardey badan ayaa lacag la’aan lagu tababaraa, waxaan xoojineynaa iskaashiga” ayuu yiri. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay ka qeybgalka madasha Ruushka iyo Afrika, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kala kulmo madaxda iyo ganacsatada Ruushka, kalana hadlo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal, loona bilaabi lahaa iskaashi dhow oo dib u loogu soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee 60-maadkii iyo qeybta hore 70-maadkii qaranigii tagay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ka geystay agagaarka isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho. Dilka ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay Wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Bajaaj, waxaana fuliyey askari ka tirsan Booliska, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale wararka ayaa sheegay in marxuumka iyo askariga ay murmeen kadibna uu rasaas ku furay, taasoo keentay in waduhu u geeriyoodo dhaawac soo gaaray. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen askarigii ka dambeeyey dilkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa waxyeelo kala duwan u geysta dhalinyarada kaxeysa mootooyinka nooca Bajaaj-ta ee ka shaqeeysa gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
  17. Seddax ka mid ah saraakiishii Maxamed Siyaad Barre oo qurbaha ku badbaadi waayay Jeneraal Maxamed Cali Samatar Jeneraal Maxamed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sida wayn ugu lug lahayd dhismaha milatariga Soomaaliya. Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sannadkii 2010-kii go’aamisay in dacwad lagu soo oogi karo jenaraal Samatar. Waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo in uu siddeetamaadkii ka geystay Soomaaliya, gaar ahaanna gobollada woqooyi oo la sheegay inay ka dagaallameen ciidanka dowladda. Maxkamad ku taal waddanka Mareykanka ayaa go’aamisay in Janaraal Samatar uu bixiyo lacag lagu ganaaxay taasi oo soo gabagabeyneysay muddo siddeed sano ah oo dacwad ay ku socotay. Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa oggolaaday inuu bixiyo lacag dhan 21 milyan oo Dollar, taasi oo la siinayo dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay jir-dil dhacay xilligii uu dowladda Soomaaliya ku jiray siddeetamaadkii. Kornayl Tuke Kornayl Tuke Kornayl Tuke wuxuu ka mid ahaa saraakiishii madaxda ka ahayd ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter. Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yiraahdo Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Somaliland. Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sannadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay. Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah loogu geystay Magaalada Gabilay. Tuke ayaase beeniyay eedaymaha loo haysto. Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sarsare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo ka dib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo. Kornaylka ayaa u wareegay wadanka Maraykanka, ka dib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006. Dacwadda la xiriirta kiiskan oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa si rasmi ah uga furmaysa maxkamad ku taala Mareykanka, sida ay shaaciyeen wargeysyada kala ah The Guardian iyo New York Times ee kasoo kala baxa dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka. Maxamed Xasan Ismaciil Faarax Maxamed Xasan Ismaciil Jeneraal Maxamed Xasan Ismaciil ayaa ka mid ahaa saraakiishii dowladdii kacaanka, markii uu dalka Soomaaliya burburay wuxuu qaxooti ahaan u tagay dalka Kanada. Maxamed Xasan wuxuu dalka Kanada ka soo galay dhanka Mareykanka sannadku markuu ahaa 1991-dii. Muddo kadib ayaa waxaa soo shaac-baxday in Jeneraal Maxamed uu galay dambiyo ka dhan xuquuda aadanaha. Dhukumantiyo ka soo baxay maxkamd heer federal ayaa muujiyay in Maxamed uu mas’uul ka ahaa jirdil loo geeystay maxaabiis. Sannadkii 1993-dii , waxaa laga saaray liiska dadka Kanada ay magan-gelyada siisay kadib markii la arkay calaamado muujinayay in uu galay dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada. Inkastoo Kanada ay go’aan ku gaartay in Xasan dalka laga musaafiriyo, haddana dalka lagama saarin. Mana jirin cadeyn muujinaysa in Maxamed uu dalka ku sii noolaan karo. Si kastaba sannadkii 2011-kii Hay’adda Canada u qaabilsan Xuduudaha ayaa Faarax ku dartay liiska 30 nin oo lagu soo eedeyay in ay galeen dambiyo ka dhan xuquuqda aadanaha. Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada ayaa walaac xooggan muujiyay kadib markii Maxamed Xasan Ismaciil Faarax loo magacaabay taliyaha booliska dalka Soomaaliya kuwaasi oo ku andacoonayay in ay nasiib darro tahay nin ku jira liiska dambiilayaasha loo magacaabo jago intaa la’eg. Qaran News
  18. Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaaladaas ay Maanta dhigeen banaanbax cabasho ah. Dadka banaanbaxaya ayaa waxaa ay ka careysan yihiin dil xalay askari ka tirsan Ciidamada Puntland uu Magaalada Garoowe ugu geystay qof Shacab ah, iyaga oo dalbadanaya in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyey. Magaalada garoowe ayaa lagu arkayaa dad careysan oo gubaya taayiro, kuna gubaya albaabka hore ee xarunta Booliska Puntland. Sidoo kale ka qeyb galayaasha banaanbaxa ayaa waxaa dalbadeen in cadaaladda la horkeeno ciidamadii ka dambeeyey dilkaasi, iyagoona ku doodaya inaan la aasi doonin ilaa iyo la soo qabto askarigii ka dambeeyay dilkaasi. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha booliska maamulka Puntland ee magaalada Garowe.
  19. Dowlada Jubbaland ayaa wacad ku martay inay si qodo dheer u baarayaan Dilka loo geystay Ganacsade Xaaji Saciid Ciise Adoon. Xaajigu euxuu kamid ahaa Dadka [...] Source
  20. Unidentified gunmen have killed a Somali prominent elder and businessman in Kismayo town of southern Somalia. The victim identified as Said Abdullahi was shot dead in Kismayo on Sunday evening. The spokesman for Jubbaland administration, Abdinur Ibrahim Hussein, who spoke to the media states that the security forces launched operations to hunt down the perpetrators of the attack. “I confirmed that the security forces searching for the attackers who killed the elder. No one will be left without for their crimes,” he said. No group has claimed the responsibility for the latest attack on the traditional leader. He is the second elder assassinated last night, following the killing of Ibrahim Mohamed Ibrahim in Afgoye. View the full article
  21. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kooban oo Al-Shabaab iyo ciidanka Jubbaland maanta ku dhex maray qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamadaasi ay ku lahaayeen duleedka degmada Dhoobley. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Bed-Alamo oo hoos yimaada magaaladaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  22. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, kadib markii uu Washington uga qayb galay shirarkii sannadlaha ahaa ee bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF) Intii Ra’iisul Wasaaruhu joogay Washington, waxuu ka qayb galay shirka miiska wareegsan ee looga hadlay arrimaha deyn cafinta dalka, waxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo guulaha ilaa hadda la gaaray, waxyaaba ka harsan gaaridda barta go’aanka ee 2020, iyo baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo ka mira dhalinta dadaalka waqtiga dheer soo socday ee Soomaaliya daynta looga nadiifinayo. Ka qayb galayashii shirka Miiska wareegsan oo qiray in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday shuruudihii ku xirnaa qorshaha deyn cafinta, ayaa bogaadiyay ka go’aanshaha wadajirka ah ee shacakba iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ayna ballan qaadeen in ay gacan ka geysanayaan dadaallada dalka deynta looga cafinayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gaar ah la qaatay madaxweynaha bangiga adduunka, agaasimaha maamulka IMF, wasiirrada maaliyadda Netherlands, Talyaaniga iyo Norway iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxda lacagta Mareykanka. Ka qayb galka shirarka sannadlaha ah ee IMF iyo bangiga adduunka ayaa muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya oo si buuxda uga soo baxday dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah marsiineysa SMP4. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
  23. Doonidan ayaa waxaa la socday ciidan ka tirsan Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka, iyadoona uu horkacayay G/dhexe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan), Taliyaha Guutada 14-ka October. Wararka ayaa sheegaya in doonida ay ku degtay meel dhawr kiilo mitir u jirta Dekeda Magaalada Marka, lana soo badbaadiyay toban askari oo uu ku jiro Taliyihii Guutada 14-ka October. Wararka ayaa intaa ku daraya in nolol iyo geeri aan midna lagu hayn saddex ka mid ah ciidankii doonida saarnaa. Ciidanka la soo badbaadiyay ayaa waxaa Magaalada Marka la keenay iyagoo hubkooda iyo dareyskooduba ku labisan, balse ay maqan yihiin askartii kale ee safarka badda ay soo wada galeen iyo saanadii ay wadeen. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu Magaalada Muqdisho ka diray ciidan la socda doomaha nooca dheereeya, kuwaa oo lagu wado in ay ka qayb qaataan dadaalada lagu doonayo in lagu soo samata bixiyo askarta la la’yahay. Ciidankan ayuu ujeedkoodu ahaa in safar dhinaca badda ah ay ku taggaan Magaalada Marka, sababo ku aadan Shabaabka oo dhinaca dhulka ka go’doomiyay magaaladaasi. Ciidankan oo ka tagey Magaalada Muqdisho ayaa saanad hub ah u siday Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan Magaalada Marka, waana markii ugu horeysay oo shil noocaani oo kale ah uu ku qabsado Xeebaha Magaalada Marka. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-21102019.mp3 View the full article