-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulankan u dhaxeeyay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa labada madaxweyne looga weydiinayay aragtidooda ugu dari lahaayeen qabya tirka Dastuurka dalka. Guddiga uu u xilsaaray guddoomiye Mursal, kaas oo u xil saaran in ay ka soo talo bixiyaan sharciga doorashooyinka ee golaha shacabka horyaaalla ayaa kulamo lasoo qaatay kal hore madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo qeybaha kala duwan ee bulshada , kaas oo haatan la doonayo in la horgeeyo xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya kolka uu furmo kalfadhiga Lixaad. Sharcigaan ayaa dhaliilo farabadan ay usoo jeediyeen siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira ayna dalbadeen guddiga doorashooyinka Qaranka in laga soo talo bixiyo tabashaooyinka laga qabo laguna soo wareejiyo kolka lasoo ansixyo. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlmaanka Soomaliya ayaa madxweynaayasha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kan Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare u uu sheegay inaysan jirin wax ku darsi ah muddo xileedkoodii ku aaddan maadaama hadal heynta ugu ballaaran ay tahay arrintaasi. Dhawaan ayey aheyd markii qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen inuu jiro qorshe la doonayo in waqti kororsi loogu sameeyo Baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka digay in waqti kororsi ay sameysto Dowladda Soomaaliya isla markaasna ay kaliya ku qancayaan in doorashada lagu qabto waqtigeeda. Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inay dooneyso waqti kororsi laba Sano ah inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu waqti sii horeysay sheegay inaysan jirin cid waqti kororsi sameysan karto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in aysan caqabad ku noqon dowladnimada. Prof Maxamed Cumar Dalxa, oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ku tartarsiiyey xubnahan xilalka horey uga soo qabtay waddanka in ay fursad siiyaan madaxda. Taariikhda ayuu hoosta ka xariiqay in ay xusi doonto cid walba oo dalka wax ku tarta iyo shaqsiga ka shaqeynaya haatan dibin-daabadda iyo dib u dhac ku yimaada qaranka. Hadalka mudanahan ayaa kusoo aadaya iyadda oo mudooyinkii dambe ay soo if-baxayeen siyaasiyiin dhaliilo u jeedinayey dowladda kuwaasi oo xilal muhiim ah soo qabtay. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/XA.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khalkhal galinaya dadaalka ay beesha caalamka ugu jirto sidii xasiloonida loogu soo celin lahaa waddankan ku yaalla bariga Afrika. Muranka u dhaxeeya labada dhinaca oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa hadda u muuqda inuu sii qota dheeraaday, wixii ka dambeeyay markii ay bishii August magaalada Kismaayo ka dhacday doorasho dood badan dhalisay. Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa dib loogu doortay xilka madaxweynaha Jubbaland, tallaabadaas ayaana kasii careysiisay mas’uuliyiinta dowladda dhexe, oo doonayay inay la socdaan habsami u socodka hannaanka doorashadaas. Dib u doorashada Axmed waxaa gaashaanka u daruurtay wasaaradda arrimaha gudaha ee heerka federaalka, waxaana sidoo kale ka biyo diiday labo hoggaamiye siyaasadeed oo gobolkaas kasoo jeeda, kuwaasoo iskood ugu dhawaaqay inay madaxweyneyaal ka yihiin Jubbaland. Khilaafkan ayaa dhinaca kale wiiqay xiriirkii dowladaha Kenya iyo Itoobiya, gaar ahaan wadashaqeyntooda dhinaca milatariga ee qeybta ah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya(AMISOM) Axmed Madoobe wuxuu muujiyay inuu diyaar u yahay “inuu wadahadal la galo dadka oo dhan, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta mucaaradka ah” balse wali arrintaas ka aysan jawaabin dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee gobolka toona. Hase ahaatee Axmed Madoobe qorshaha uguma jirto inuu xilka iska casilo, in la afgambiyana ma sahlanaaneyso. Al-Shabaab ayaa dhankeeda isku dayeysa inay ka faa’iideysato khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaarkood, sida ay muujisay xog aruurin ay sameysay waaxda warqabadka ee BBC-da. Waxaa kale oo ay xogtu qeexeysaa in dadka uu ku jiro xanaaqa dhinaca qabiilka ay ku biiri karaan Al-Shabaab. Khilaafka Jubbaland ayey suurtagal tahay inuu sidoo kale sii xoojiyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, taasoo salka ku heysa muranka xadka badda ee ay labada dal isku hayaan. Goor horeba waxaa soo baxay in khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ee sii weynaanaya uu wiiqay dagaalkii lagula jiray ururka Al-Shabaab. 29-kii bishii September, Kenya waxay Soomaaliya ku eedeysay iney oggolaatay in “sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Al-Shabaab” uu soo raaco diyaarad ku wajahneyd magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Marka (SMN) – Waraaqado ay ku qoran yihiin hadalo digniin ah ayaa lagu waramayaa in lagu daadiyey degaanadda Lamber 50 iyo Lamber 60 ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka degaanka ayaa sheegaya in waraaqadahaas ay daadisay kooxda Al-Shabaab. Sidda ay wararku sheegayaa shacabka ayaa looga digay in ay la shaqeeyaan dowladda. Sidoo kale, waraaqadaha ayaa lagu waramayaa in rayidka lagu faray in ay isaga baxaan tuulooyinkaas ayna waajib ku tahay in ay fuliyaan amarka, sida hadalka loo dhigay. Dhinaca kale, wararka ayaa tibaaxaya in dadka degaanka ay durba bilaabeen in ay ka hayaamaan degaanadaas muhiimka u ah isu socodka gobolka Shabeellaha Hoose. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa aysan wali ka hadlin amarka kasoo baxay Al-Shabaab iyo waraaqadaha digniinta ah oo ay ku daadisay degaanadaas. View the full article
-
Michael Caputo, Republican strategist, radio talk show host, Senate Intelligence Committee witness, is taking on a new role – foreign lobbyist. And his first client [...] Source
-
Beledwayne (SMN) – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kadib howlgal ay sameeyeen. Howlgalka ayaa waxaa la tilmaamay in uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Buulaburde iyo Jalalaqsi ee gobolkaas. Korneyl Baakay Daljir, taliyaha Guutada 22aad, qeybta 27aad, oo howlgalka horkacayey ayaa ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca sarkaalkaas. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashadda ciidamada oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa howlgalo kawada gobolo kala duwan oo wadanka ah. View the full article
-
Hague (SMN) – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ayaa u yeertay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, sidda ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dalka ku meteli doono kulankan degdeg ah. Halka Nairobi uu ka socdo Garyaqaanka guud ee waddankaas, Kennedy Ogeto, kaas oo mar sii horeysay iska xaadiriyey madasha. Fadhigan degdeg ah ayaa ka dambeeyay markii Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ku aadan in kiiska dib loo dhigo illaa iyo September 2020-ka. Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba kasoo horjeesatay codsigaasi ayna ku adkeystay 4-ta November oo hore loogu muddeeyay. Sikastaba ha ahaatee, xeer-beegtada hoostagta Qaramadda Midoobay ayaa waxaa lagu wadaa in ay go’aan kama dambeys ah ay kasoo saarto arrinkan maalmaha soo aadan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-4102019.mp3 View the full article
-
Khartuum (SMN) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Maxamed Isxaaq Ibraahim oo dhawaan soo gaaray Caasimadda Seddex Geesoodka ee Khartuum ayaa maanta Nuqul ka mid ah Warqadahiisa Aqoonsiga waxaa ka Guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Suudaan Marwo Asma Cabdalla. Danijire Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa warbixin kooban ka siiyay Wasiirka Arrimaha Dibada Sudan ka hor inta aysan ka guudoomin Warqadiisa Aqoonsiga Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Labada dal ee Dhan walbo leh, isagoo cadeeyay in Dawladda iyo Shacabka Suudaan aysan marnaba ka gaabin wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka Suudaan, kuwaas oo leh qeybaha kala duwan sida Arday, Ganacsato, Jaaliyad, waxuuna intaa ku daray in kan Safiir ahaan uu balan qaadayo inuu ka shaqeynayo siddii kor loogu qaadi lahaa Xiriirka Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Labada Dal ee Walaalaha ah. Dhanka kale Wasiir Asma Cabdalla ayaa ka guddoontay Nuqul ka mid ah Warqadahiisa aqoonsiga Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim, wayna u mahad celisay, iyaddoo sheegtay in ay u rajeyneyso in uu ka shaqeeyo xiriir Wanaagsan oo dhax mara Labada dal oo ahaa mid soo jireen ah. Danjire Maxamed Isxaaq oo dhawaan ay Dowladda u magacowday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa la filayaa in dhawaan Si rasmi ah Warqadihiisa Aqoonsiga uu kaga Guddoomo Cabdi Fitaax Al-Burhaan oo ah Gudoomiyaha Golaha Sare ee Dalka Suudaan. View the full article
-
Inkastoo ay hogaaminta Soomaaliya ka gaareen heerkii ugu sarreeyay oo ah kursiga Madaxweyne ee dalka looga taliyo islamarkaana aysan ku yareen da’ iyo aqoon, waxaa muuqata in wali ay ku dul hardamayaan shacab daalan oo u baahan badbaado iyo nolal wanaagsan. Dhamaantood waxay raadinayaan dano gaar ah iyo masaalix aan ku saleesneen dan guud sida ay qabaan inta ugu badan shacabka magaalada Muqdisho oo soo arkay hogaaminta 3-daan siyaasi ee isku haaya hogaaminta Soomaaliya. Dadka aan ka hadleyno waa Madaxweynayaasha kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo todobaadyadii la soo dhaafay loolan adag ku dhaxmaraya magaalada Muqdisho. Shacabka gobalka Banaadir, waa dad daalay oo ay daashatay amni darro, shaqo la’aan iyo cadalaad darro. Intaas oo dhan waxaa u sii dheer in hogaamiyaasha Soomaaliya ay uga baxeen balamo ay hore ugu sameeyeen. Sidoo kale waa shacabka kaliya ee aan matalaad ku laheyn dowladda Soomaaliya dhowrkii sano ee la soo dhaafay, sidoo kalane aan heysan maamul madaxbanaan wax u soo dhicin kara xuquuqda kaga maqan dowladda. Intaas oo dhan markii loo eego iyo loolanka socda shacabkaan dhibaataysan maka bixi karaan loolanka Farmaajo, Shariif iyo Xasan? Malaga yaabaa in siyaasiintaan ay dib isugu laabtaan oo ay ka fikiraan dhibaatada heysata shacabkaan kadibna ay go’aamiyaan mustaqbalka dadkaan dhibaateysan? Si gaar ah, madaxweyne Farmaajo ma laga yaabaa inuu garowsado qaladkiisa, kana joogsado caburintii uu sameeyey ee hogaamisay fal-celinta madaxdii isagaka horreysay. Markii laga soo tago loolanka iyo is jiid jiidka siyaasiintaan, malaga yaabaa in shacabka magaalada Muqdisho ay ka shaqeeyaan dantooda iyo badbaadada naftooda maadaama ay marti gelinayaan qatarta Al-Shabaab iyo qatarta siyaasiinta danta gaarka ah ka leh Muqdisho iyo Soomaaliya. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Xamar waa magaalo aad u nasiib daran markey degaan u naqatay dad aan dareensaneyn qiimaha ay u leedahay Somalida oo dhan…waxaa la xaqiijiyay in dadka ku nool aysan wada jecleyn magaalada. Sababtaasna waxaa dadka qaar ku fasireen inay salka ku heyso takoorid iyo quursi loo qabo dadka ku abtirsada, waayoo Xamar cid walba waa soo dhaweysaa, cidna ma faquuqdo ilaa la gaaray heer la yiraahdo waa xarunta umadda ka wada dhexeysa. Xamar waa meel la wada leyahay haddana la kala leeyahay, waana soco weysay fikradi ahayd ”keyga lihi kaagana kula lihi”. Qormadaan gaaban waxay iftiimineysaa arrimaha hadda ka jira Xamar. Meel kasta waa la xiray dadkuna isuma socon karaan, meeshey rabaan ma gaari karaan, mana soo muuqato inay wadooyinka furmi doonaan mustaqbalka dhaw. Intaas waxaa dheer in labadi dariiq ee Xamar halbowlaha u ahaa ee tegaayay Jowhar iyo Afgooye laga tala baxay in la dayactiro oo dib loo dhiso, iyadoo sabab looga dhigay nabadgelya la’aanta soo wajahday injineeradi Turkiga ee dhisaayay oo Shabaab meeshi ka bursaday. Dowladdi laga sugaayay inay tallaabo ka qaado waxay u wareejisay mashruuci dhismaha wadooyinkaas lagu dhiso SAFAARADO…wallee waa yaab!!! Deeqda dowladda Qadar maxaa u diiday in lagu dayactiro ama lagu dhiso wadooyinka burbursan ee magaalada gudaheeda marka lala aadaayo dibadaha…aaway dadki arrimahaan ka hadli lahaa? Aaway barlamaanki? Mase wuxuu naqday GOLIHI SACABKA EE JAALLE SIYAAD? Ma la heli doonaa dad arrintaani ay khuseyso oo ka hadli kara bahdilidda lagu haayo XAMAR? W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
On December 6, 2017, as people traveled into the village of Illimey – 80 miles outside of the Somalia capital, Mogadishu – to shop, meet, or simply pass through, the sound of a drone crescendoed in the air until a violent explosion occurred Source: Hiiraan Online
-
Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa kulan deg deg ah ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka xuduudda badda ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Arrintan ayaa timid kadib markii Kenya ay codsi cusub u dirtay maxkamadda ayada oo dooneysa in dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo illaa bisha September ee sanadda 2020. Maxkamadda ayaa horey u ogolaatay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, waxaana dhageysiga dacwadda oo markii hore la qorsheeyey 9-ka September dib loo dhigay illaa 4-ta bisha November ee soo socota. Codsiga cusub ee Kenya ayaa waxaa si xooggan uga hor-yimid Soomaaliya, oo ku adkeysatay in kiiska la dhageysto 4-ta November, sida maxkamada ay horey u qorsheysay. Sida aan xogta ku helnay, waxaa hadda magaalada Hague ee xarunta maxkamadda ku sugan ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qareenka guud ee Kenya Kennedy Ogeto. Maxkamadda ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku dhowaaqdo go’aankeeda ku aaddan codsiga cusub ee Kenya, kadib marka ay dhageysato wakiilada labada waddan ka kala socda. sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-0310209.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay khatar uu sheegay in Soomaaliya ay uga soo wajahantahay dowladda Qatar. Dowladda Carbeed ee Qatar oo galaangal siyaasadeed oo aad u xoogan ku leh siyaadda Soomaaliya, gaar ahaan madaxda hadda talada heysa, ayuu sheegay Cabdiraxmaan C/Shakuur in ay badashay qorsheheedii hore, isla markaana ay 2020/21-ka doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan ay muruq iyo maalba ku soo saari doonto xubno gaar ah. “Qatar waxay bedeshay qorshihii hore ee ay maalmaha ugu danbeeya ay doorashooyinka dalkeena ka dhaca boorso lacag ku keeni jirtay. Waxay haatan wadaa qorshe cusub, isla markaana duug ah oo ay ku doonayso in ay doorashooyinka 2020/21 ku taageerto mid ka mid ah madaxda Villa Somalia. Dawlad Goboleedkii taageerta qorshahaas waxay u fidanaysaa taageero dhaqaale oo toos, halka tii ka hortimaadana ay dagaal toos ah la gelayso”ayuu yiri C/Raxmaan C/Shakuur Warsame. Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu siyaasigaasi shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee wanaaga ka raba dalkaan waxa uu ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan damaca dowladda Qatar. “Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiyiinta damaca ka leh loolanka doorashada 2020/21 in meel looga soo wada jeesto qaska iyo fara gelinta taban ee ay dawlada Qatar ka wado dalkeena”ayuu ku soo gaba-gabeeyay baaqiisa hoggaamiyaha xisbiga Wadajir. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Safiirka jabuti waxa uu jabuuti u qaabilsan yahay arimaha cilaaqada labada dawladood sida:‐ ilaalinta xuquuqda dadka reer jabutiga ah ee ku nool dalka, isu fududaynta socdaal labada dal. Hadaba su,aasha isweydiinta leh? Goormuu safiirkii jabuuti noqday Afhayeenka jabuti. Safiir wadanku uu martida ka yahay intuu xayndaabkii diblomasiyada ka baxay oo arimiha siyaasada Gudaha dhexgala oo waliba xisbi mucaarid u jawaaba oo yidhaa waanu iskakaa celin waa kaw. Waxa kale oo iyana layaab leh isla amarka uu madaxweynaha iyo xukumada siiyay ee uu leeyahay haka jawabto. Waxaa kale oo layaable inuu ismaaciil Cumar Geele yahay madaxweyne somaaliyeed. Tana waa cajiib. Qaladaadkaas dartood safiirku waxaa uu ka baxay xayndaabkii diblomasiyada. Qodobka 2aad Faysal Cali waraabe waxaa uu ka hadlay mawqifkiisa siyaasadeed ee uu ka leeyahay dawlada jabuti. Xaqna wuu u leeyahay masiiriga siyaasadiisa uu sheego. Waanan laqabaa aragtidiisa ah wada hadalada somaliland iyo somaliya inaan jabuuti lagu qaban. W/Q Garyaqaan Cabdirisaaq Saabir Source
-
Popular Contributors
