-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tehran (Caasimada Online) – Laba gantaal ayaa lagu weeraray Markab saliidda qaada oo ay leedahay Iran, xilli uu ku safrayey Badda Cad, meel u dhow Sacuudi Carabiya, sida ay maanta ku warrameen saraakiil Iranian ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Sacuudi Carabiya oo ku saabsan qaraxa lagu warramay. Taleefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeeleeyey laba ka mid ah qolalka wax lagu keydiyo ee Markabkan aan magaciisa la sheegay, islamarkaana uu sababay in saliid ku daadato Badda Cas. Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA oo soo xiganeysa shirkadda National Iranian Tanker ayaa markabka la weeraray magaciisa ku sheegtay Sabity. Markabkan ayaa markii ugu dambeysay shitay aaladda lagu ogaada halka uu ku sugan yahay bishii August, isaga oo ku sugan meel u dhow dekedda Bandar Abbas ee Iran. Warbaahinta Iran ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow xeebta magaalada Jeddah ee Badda Cas. Lt. Pete Pagano, oo ah afhayeenka Markabka shanaad ee ciidamada Badda Mareykanka ee qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay inay ka warhayaan warbixinno ku saabsan dhacdadan, balse waxa uu diiday inuu bixiyo faah-faahin intaas dheer. Qaraxan ayaa imanaya kadib markii Mareykanka ay bilihii tagay Iran ku eedeeyeen inay maraakiib saliidda qaada ku weerareen meel u dhow Marinka Hormuz, eedeymahaasi oo Iran ay beenisay. Qaraxan cusub ayaa sare usii qaadi kara xiisadda ka dhex oogan Iran iyo Mareykanka, sanad kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu go’aan uu kaligiis qaatay uga baxay heshiiska Nukliyeerka Iran, dibna usoo rogay cunaqabateennadii laga qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah. AP + VOA
-
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland mudane Cabdirixiin Cismaan Cabdi(Shibiin) ayaa xalay soo gaadhay magaalada London ee xarunta dalka Ingriiska. Wasiirka waxa madaarka heathrow airport- ku qaabishay wakiilka Somaliland ee UK- marwo Ayaan Cashuur, wasiirka oo la dajiyay mid ka mid ah Hotelada London- waxa uu la kulmi doonaa jaaliyada reer Somaliland, isaga oo magaalada London joogi doona ayaamo kooban, waxana lagu wadaa in wasiirku uu dhowr cisho hawlo shaqo ugu back dalka Jarmalka halkaasi oo uu uga sii gudbi doono Somaliland. Qaran News
-
Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa ku guulaystay in ay ka saaraan waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala Miinooyin ay ku aaseen halkaas kooxda Al Shabaab. Miinooyinkaas ayaa saraakiisha PSF waxay sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateeyo ciidamada Puntland ee saldhigyada difaac ku leh aaggaas. Ciidanka PSF wxay sheegeen inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu curyaaminayo khatarta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Alshabab ayaa horey ciidamo iyo saraakiil katirsan ciidanka difaaca Puntland ku dilay kuna dhaawaceen Miinooyin ay ku qariyeen waddooyinka ciidamadu adeegsadaan. PUNTLAND POST The post Ciidanka amniga Puntland oo fashiliyay Miinooyin lagu aasay Galgala iyo Balikhadar appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xilligaan xaaalada dalka ay qabaan walaac farabadan,sidaas daraadeedna caleema saar kaliya aysan u tegin Magaalada kismaayo. Waxaa uu sheegay inay yeelanayaan wadatashiyo kala duwan,kadib walwal badan ay ka qabaan sida ay wax u socdaan,hayeeshee ay hadda ku baraarugeen,isla markaana aysan aqbaleyn in sharciga laga tago. “Runtii aniga waxaa leygu tirinayay dadka aad dowladda ugu dhow oo dadka dhaha hala daayo,maantana xaalada waad la socotiin,30 sano kadib naloo celiyo nidaam kali talis ah oo aan ogoleyn sharci iyo soomaalinimo,balse waxaa Alle mahadiis ah in aan ku wada baraarug sanahay u wada joogno taladeeda wada leenahay waana jecel nahay dowladnimada ayuu yiri”Sheekh Shariif. Sheekh Shariif ayaa sheegay in cadaalad darro ay ku baahday dalka oo dhan,waxana uu xusay in sacabka beenta ah iyo hadalada beenta ah ee ummada lagu wareeriyay aysan waxba soo kordhineyn. “Dastuurkii hore loogu dhaqmayay in la iska laalo oo aan lagu shaqeyn waxaan u aragnaa inay tahay arrin Qatar ah oo aan la aqbalayn indhahana laga qarsan karin.”ayuu sii raaciyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo hadda hogaamiya xisbiga Himilo Qaran. Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku wada joogaan sharci iyo dastuur ayna wanagsan tahay in lagu wada dhaqmo,isla markaana aysan dooneyn in dowladnimada ay u dunto in sharciga lagu dhaqmi waayo. Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday Sheekh Shariif,waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo aysan xilka ku heysan laakin ay doonayaan inay dhacdo doorasho xur iyo xalaal ah o aysan noqon mid dad gar ah ay sameystaan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sugan magaalada Kismaayo waxana uu taageeray war ka soo yeeray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ah in Kismaayo aan loo joogin oo kaliya caleema saar balse wadatashi uu yahay. Halkaan hoose ka daawo hadalka Shiikh Shariif Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee Labada Dal. Mudane Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey Dalka Itoobiya ayaa aad u bogaadiyay hirgelinta fekerkan oo sida uu sheegay ah ahmiyad weyn u leh Dadyowga ku dhaqan Waddamada Bariga Afrika. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada Dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kale wuxuu soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dalalka Uganda , Yoweri Museveni, Kenya Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaanta Waqooyi Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay Dalalka Gobolka. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Beerta midnimada ee hoggaamiyeyaasha dalalka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa ku tilmaamay go’aan dowladnimo tallaabadii Xisbiga Himilo Qaran ay dacwad uga gudbiyeen Dowladda, si ay cadaaladda u tiigsadaan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbeook ayuu kaga hadlay sareynta sharciga iyo in haddii la dhaqan geliyo shuruucda dalka in la gaari karo kala dambeyn iyo sharci ku dhisan cadaalad bulsho oo la isku haleyn karo. Halkan hoose ka akhriso qoraalka Abshir Bukhaari. SAREYNTA SHARCIGA Dalkeenna wuxuu leeyahay shuruuc hadii sida ay yihiin loo dhaqangeliyo la gaari karo kala-dambayn sharci ku dhisan & cadaalad bulsho oo la isku halayn karo. Sida ay taariikhdu diiwaan gelisay waayihii dawladihii rayidka ahaa keliya ayaan qofna ka sareyn sharciga. Runtii waxaa dawladnimo ah go’aanka Xisbiga Himilo Qaran ay dacwad uga gudbiyeen Dawladda si ay caddaaladda ula tiigsadaan go’aankii Dawladdu ugu diiday madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmad in uu duulimaad ku tago Magaalada Kismaayo, caasimadda KMG ah ee Jubaland. Sida uu qabo Qod.10aad (4) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka, dacwadda uu xisbigu ka gudbiyay Dawladda waxay ka mid tahay dacwadaha maamulka. Dhammaan cabashooyinka ku saabsan go’aannada maamul ee Dowladda waxaa loo gudbiyaa Maxkamadda Sare ee Dalka. Go’aankan wuxuu si cad u muujinayaa biseylka siyaasadeed, dhaqanka dowladnimo iyo u-hoggaasanaanta sharciga oo ah rajo cusub oo ka muuqata habdhaqanka SIYAASIGA #Soomaaliyeed EE AAN XILKA HAYN. Go’aankan wuxuu ka mudan yahay saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya ku dayasho iyo in isha lagu wada hayo sida ay laanta garsoorku u maareyso dacwadan oo ku ah tijaabo culus oo cadeyn doonta sida & heerka lagu kalsoonaan karo. Sida waafaqsan Qod.1aad (2), Qod.4aad (1), Qod.11aad (1), iyo Qod.33aad ee #Dastuurka KMG ah SHARCIGA ayaa haga Dadka & Dowlada. Garsoorku waxa uu ka madaxbannaan yahay laamaha dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxa ay u hogaansamayaan oo keliya Sharciga sida ku cad Qod.106aad(1) ee Dastuurka KMG. Dawladnimo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baydhabo (SMN) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in uu isla xisaabtan adag la geli doono maamulada degaanadda hoos-yimaada. Wasiiru dowladaha Wasaarada Arrimaha Gudaha maamulkaas, Cabdullaahi Farey, ayaa xusay in hanaankan uu yahay mid ay madaxdu si wadajir ah isula qaateen. Mr Farey oo la hadlayey gabagabada shir ay yeesheen gudoomiyeyaasha degaanada, ayaa ku booriyey in ay waajibaadkooda u gutaan si hufan. Mas’uuliyiinta degaanadiisa ay kusuu noqnoqdaan falal liddi ku ah ammaanka ayuu xusay in loo yeeri doono su’aallana laga waydiin doono. Dhinaca kale, gudomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ka dhawaajiyey in uu socdo qorshe la isugu furayo wadooyinka Koonfur Galbed iyo gobolka Banaadir. Ibraahim Aadan Najax ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyey in qorshahaasi uu noqdo mid miro dhala, wuxuuna ku booriyey gudoomiyeyaasha in ay qayb ka qaataan. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Koonfur-Galbeed.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay diyaarineysay qorshe ay wax ugu qabaneyso dadka la il-daran xanuunka dhimirka. Bukaanada uu haleelay xanuunkan ay kusoo badanaya dalka, sidda ay shaacisay Wasiiradda Caafimaadka. Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa carabka ku adkeysay in ay ka go’an tahay ciribtirka xanuunkan iyo daryeelida muwaadiniinta uu ku habsaday. Dhinaca kale, afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka, ayaa soo jeediyay in dhaqaalaha wax loogu qabanayo dadka laga wada qeyb-qaato. Si gaar ah labadda ee dowladda ayuu mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ku booriyey in ay kaalin muuqata ku yeeshan dedaaladan socda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Dhimirka.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Khamiistii Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana qaabilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, oo u dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah diyaarad Kenya ay leedahay oo ku xadgudubtay hawada Soomaaliya 5-ta bisha Oktoobar , taasi oo caga-dhigatay gegidda diyaaradaha Kismaayo iyada oo aan heysan oggolaansho rasmi ah. Soomaaliya waxa ay si adag uga soo horjeedaa xadgudubkani, marna ma aqbali doonto in lagu xadgudbo xuduudaheeda cirka, badda iyo dhulka, waxa ayna ugu baaqaysaa Kenya in ay jawaab celin ka keento xadgudubkaasi xilli ciidamadeeda ku sugan Gobolka Jubada Hoose ay ka qeyb yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa falkani mid ka hor’imaanaya dhammaan mabaadiida deris wanaagga iyo in dalalku ka reebtoonaadaan in faragelin gudaha ay isku sameeyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxay aheyd go’aan adag oo aan ka imaanin qof kaliya in xoog lagu qaado xayiraadii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku soo rogtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose 29-kii bishii August ee sanadkaan 2019. Mudadaasi waxaa magaalada la geliyay xaalad adag oo dhanka duulimaadka ah waxaana ka dhashay doodo is-diidan oo siyaasadeed iyo xaalad kale oo dhanka amaanka ah oo dalka gelisay qal qal xoog leh. Xayiraadii magaalada saarneed waxaa jebiyay diyaaradii Kismaayo ka digtay sabtadii la soo dhaafay ee todobaadkaan, taas oo ka soo kacday Nairobi, duulimaadkeedii labaad-na shalay ayuu ku degay Kismaayo, sida ay noo sheegeen Weriyaal ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Dowladda Soomaaliya ayaa maaro u weysay diyaaradaasi oo dalka ku joogta sifo aan sharci aheyn maadaama ay dowladda Soomaaliya raali ka aheyn waxaana la sheegay in ay sii joogi doonto inta uu ka dhamaanayo khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Jubabaland. Dowladda Soomaaliya markii ay celin waysay diyaaradaasi islamarkaana ay u aragtay in talo faraheeda ka baxeen ayay soo gaba-gabeysay xaaladii saarneed Kismaayo, waxaana caadi u tagayay duulimaadka rayidka ah oo aan muddo ka bixin Muqdisho iyo meelo kalaba. Su’aasha joogtada oo ay is weydiinayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa ah “Axmed Madoobe ma ka guuleestay Farmaajo”. Waxaa jira loolan adag oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbalanad kaas oo ay dadka Soomaaliyeed intooda ugu badan ku micneeyeen tartan bilaaw u ah doorashada Soomaaliya oo u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Farmaajo si loo ilaashado doorashada Soomaaliya 2020/2021. Axmed Madoobe waxa uu ku guuleestay in uu jebiyo kana gudbo xayiraadii magaalada iyo in uu Kismaayo ku qabto doorasho aysan goob joog ka aheyn dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo la sheegay in uu ku guuleestay Axmed Madoobe markiisii 3-aad ee hogaanka Jubbalaand. Mar hadii uu dhaafay 2-dii caqabood ee ugu adkeyd Axmed Madoobe maka gudbi doonaa culeesyada kale ee horyaala? Maxay ku dambeyn doontaa Jubbaland? Dhinaca kale maxaa laga filan karaa dhanka dowladda federaalka Soomaaliya oo u muuqato in ay ku guul dareysatay qorshaheedii baajinta caleema saarka Axmed Madoobe. Tani maloo qaadan doonaa in Kismaayo ay noqon doonto magaalada kaliya ay ku kulmi doonaan saldhigna u noqon doonto siyaasiinta dowladda ka soo horjeeda ee ka cabanaya caburin iyo weerarka Xukuumadda? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Marka (Caasimada Online) – Ciidanka guutada 14-ka Oktoober, ee uu aas aasay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana lagu xasuusto nabadii iyo dib u heshiisiintii ay ka sameeyeen magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose, ayaa hadda lugaha la galayo taariikh xun oo madow taas oo dhaawici karta guushii madaxweyne Farmaajo uu ka soo hoyay dagaaladii Marka ee qabaa’ilka salka ku hayay. Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in guddoomiyaha gobalka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Najax, guddoomiyaha degmada Marka Cabdullaahi Waafow ay ciidanka 14-ka Oktoobar u adeegsanayaan caburinta, xariga iyo jirdilka dad gaar ah oo daga Marka, kuwaas oo aan wali ka soo kaban boogihii ka dhashay dagaalada Sokeeye. Caasiamda Online, ayaa xaqiijisay in tobaneeyo dhalinyaro ah oo aan wax dambi ah gelin ay ku xiran yihiin magaalada Marka, kuwaas oo ka soo jeeda beelo gaar ah, waxaana aerinataasi lagu tilmaamay beegsi gaar ah. Sidoo kale waxaa jirta in markii ay magaalada wax ka dhacaan la xiro oo kaliya dhalinyarada ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan iyo reer Banaadiriga waxaana dadka ay aad uga cabanayaan dhibaatooyin ay kala kulmayaan dad u dhashay Beesha Biyamaal, gaar ahaan Waafow iyo Sarkaalka hoggaamiya 14-ka Oktoober Cusmaan Xasan oo loo adeegsaday caburinta shacabka. Najax oo kasoo jeeda beesha Garre ayaa isbahaysi la ah saraakiisha Biyamaal ee Waafow uu ka mid yahay. “Dadka Banaadiriga ah iyo beelaha kale ee Hawiyaha ah waxay dareemayaan caburin iyo dhibaatooyin daran oo aan lala qaban, waxaana tabasho ka nahay Najax, Waafow iyo Cusmaan Xasan, hadii aan wax laga qaban waxaa halkaan dib uga qarxi doono dagaalo Sokeeye muddo aan fogayn” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan gobalka Shabeellada Hoose. “Maalmo ka hor waxaa jirtay in ay xiisad culus ka dhalatay odayaal gaaraya 7 qof oo lagu xiray Marka kadibna ay magaalada halis ku gashay in dagaalo dib uga qarxaan” ayuu yiri qofka aan la hadalnay oo ka tirsan Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ee gobalka Shabeelada Hoose. Waxaa jira kulamo ka kala dhacay Shalaanbood iyo degaan duleedka ka ah Marka, kulamadaasi oo looga tashaday sidii looga hortagi lahaa wax ay Tacadi ugu yeereen dadka degaanka ee gobalka Shabeelada hoose, gaar ahaan beelaha Habar-gidir, Abgaal iyo Baadi-Cadde. Dadka degaanka ayaa qaba cabsi badan oo ah in dagaaladii ay dib u soo laabtaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, ee uu soo bandhigay hanti-dhowraha qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa shaaca ka qaadday in ra’iisul wasaare Kheyre uu diiday inuu soo gudbiyo xisaab xirkii sanadii 2018. Warbixinta ayaa lagu yiri “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida laga rabo sharcigana uu qabo in uu soo gudbiyo xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tix galinayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.” Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale ku eedeeyey xafiiska Kheyre inuu hareer-maray sharciga. “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ma raacin sharciga. Maqnaanshaha xisaabaadka Xafiiska ee aan si wakhtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si wakhtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Xafiiska.” Ayaa lagu yiri warbixinta hanti-dhowraha. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Intaa waxaa dheer in Xafiiska uu ku guul daraysto mas’uuliyadaha la xisaabtanka iyo hufnaanta ee maamulka maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale daldaloolada maamulka maaliyadda dadweynaha oo ay ka mid tahay khasaaraha maaliyadeed ayaa laga yaabaa in aan si wakhtiyaysan loo ogaan si talaabo ku haboon looga qaado.” Sidoo kale lacago boqolaal kun oo dollar ah ayaa ku maqan xafiiska Kheyre sida ay shaaca ka qaadday warbiixnta. “Lacagaha loogu talagalay socdaalka oo dhan US $403,333.37 ee bilaha January illaa November 2018 ah ayaa la isticmaalay iyada oo aan lagu xirin caddeymo dhammaystiran. Lacagahan ayaa la siiyay dad kala duwan, shirkad wakiil duulimaad (Travel Agency) iyo hoteello.” Ayaa warbixinta ay shaaca ka qaadday. Qoraalka ayaa intaas sii raaciyey “Lacagahaas ma lahayn wax caddeymo dhammaystiran oo laga rabay sida: (a) dalabka iibka ama codsiga iibka, boarding passes-ka lagu safray, (c) wax caddeyn ah ogolaanshaha safarada la galay, (d) qaansheegta ama rasiidka adeeg bixiyaha, (e) Isla xisaabtan la ansixiyay ee dhinaca socdaalka la galay, iyo (e) magacyada iyo saxiixa dadka lacagaha habeen dhaxa la siiyay.” Warbixinta waxay tiri “In lacag bixintaas qaarkeed loo sameeyay safarro aan la aadin, ama; in lacag bixinnadaas qaarkood lagu sameeyay khaladaad ama qiyaamo loo qasday taas oo u keenaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya khasaaro maaliyadeed.” Qoraalka ayaa sidoo kale shaaciyey “Qaar ka mid ah adeega hubinta kharashaadka ee XRW waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo hawlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control).” “Xafiiska ra’iisul wasaaraha ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaaday. “ ayaa lagu yiri warbixinta oo intaas ku dartay “Ma jirin wax caddeymo ah in XRW uu sameeyo dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.” Waxaa jira khatar ah in Xafiisku galay lacago aan la bixin oo aan si dhow loo dabagalin sidoo kalana aan Shaxda hoose waxaa ka muuqda 5 heshiis oo uu xafiiska ra’iisul wasaaraha galay dhinacyo kale sannadkii 2018 kuwaas oo aan laga soo diiwaan galin Xafiiska Hantidhawrka Guud, kuwaas oo ahaa: – Go’aanka xafiiska ra’iisul wasaaraha uu ku diiday inuu soo gudbiyo xisaabaadkii sanaddii 2018 ayaa imaneysa ayada oo 18 milyan oo dollar oo ka mid ah deeqihii dowladda ay ka heshay caalamka aysan jirin meel lagu sheego. Sidoo kale 20 milyan oo dollar oo laga helay dowladda Turkiga ayaa lagu shubay banki dibadeeda, ayada oo aysan jirin qaab loo raaco ama loo baaro iyo cidda lacagtaas maamuleysa. Halkan hoos ka aqriso warbixinada hanti-dhowraha oo dhameystiran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The 2019 Nobel Peace Prize has been awarded to Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed who made peace last year with bitter foe Eritrea. Source: Hiiraan Online
-
Somalia summons Kenyan ambassador over ‘airspace violation’
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (HOL) - Somalia summoned Kenya’s ambassador in Mogadishu Thursday to register its protest over what it termed as a violation of its airspace after a plane carrying Somali politicians flew directly from Nairobi to the coastal city of Kismayu early this month. Source: Hiiraan Online -
Somalia has birthed some of the most visible members of the fight for social justice here in the U.S. and abroad, including Minnesota congressperson Ilhan Omar and Galkayo Education Centre for Peace and Development founder Hawa Aden Mohammed. Perhaps the youngest of these leaders is is 29-year-old Ilwad Elman, Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
