Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,942
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Laascaanood)-Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda gobolka Sool gaar ahaana dhalinyaradda in ay kala shaqeeyaan xoojiyaan amniga iyo qaranimadda Somaliland. Badhasaabku waxa kale oo uu kula dar-daarmay dhalinyaradda gobolka Sool in ay ku dedaalaan sidii sannadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka uu gobolka Sool ugu noqon lahaa sanadkii horumarka iyo amaanka. Waxaanu tilmaamay in cida nabadgeliyadda iyo deganaanshiyaha loo raadinayaa ay yihiin da’yarta gobolka, isla haddii aanay nabad geliyo jirin aanay sharaf iyo qurux yeelanaynin bulshadu. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay munaasibad loo qabtay arday ka qalin jebisay jaamacadda Gollis faraceedda magaaladda Laascaanood. Badhasaabka oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haddii aanu dawladda nahay, dhalinyaradiinan waxaanu idiinka baahan nahay laba qodob oo keliya. Qaran-nimadda jamhuuriyadda Somaliland in aad xoojisaan reer Laascaanoodoow. Ta aad wax ku gaadhaysaan iyada. Arrinta labaad ee aanu idiinka baahan nahay waxa weeye, nabadgeliyadda in aad nagala shaqaysaan. Ogaadda haddii aan nabadgeliyo jirin…. Had iyo jeer maamulku nabadgeliyo ayuu ka hadlaa. Nabadgeliyadda cida loo raadinayaa waa idinka”. Waxaanu intaas raaciyay, “Haddii maanta aanay Laascaanood nabadgeliyo ahayn, oo sanadkan 2019-ka aanu noqon sanakdii inoogu astaysnaa horumarka iyo nabadda. Maanta quruxdaa iyo sharaftaa idinka muuqataa ma jirteen, halka-na (xafladda) isugumaynaan nimaadneen. Qof walba wel-wel baa dili lahaa sida Muqdisho, oo waxaad odhan lahaydeen toloow gurigaygii ma nabad tegayaa? Nabadu idiga ayaa ku nool, ee iyadu kuguma noola. Markaa dadweynihiina reer Laascaanood, waxaan idinka codsan lahaa nabadgeliyadda in aad xoojisaan, in aad amaanka ka shaqaysaan. Anagu-na inta waajibaadkayaga ah waan ka soo baxaynaa”ayuu yidhi badhasaabka Sool. Dhinaca kale C/qani Jiidhe, waxa uu sheegay in gebi ahaanba magaaladda Laascaanood laga mamnuucay in hubka sharci darrada ah lagu dhe qaato, isla markaana xataa haddii ay ciidanku sifo sharci darro ah ku qaataan in la xidhayo. Waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa magaaladda waxaa laga mamnuucay, Hubkii nooca uu doonaba ha noqdee. Qof shicib ah hub looma ogola, xataa hadduu ciidan yahay waa la xidhayaa, haddii uu sharci darro hubka ku qaato. Waxaanu dagaal adag kula jirnaa bahalkan dhibaatadd au gaystay dhalinyaradeena ee Khamriga. Waxaas oo dhan qayb ayaad ka noqon kartaan, haddii aad nagala shaqaysaan. Shuruucdii uu boolisku ku shaqayn jiray, wax baa laga bedelay. Habeen iyo maalinba ciidanku idinka ayuu heegan idiin yahay, oo uu ka shaqaynayaa nabadgeliyadiina. Taana waxaan doonaynaa in aad, aad noogala shaqaysaan”. Source
  2. (SLT-Addis Ababa)-Madaxaweynayaasha ismaamullada Soomaalida iyo Cafarta ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in heshiis rasmi ah laga gaadhay colaadda u dhexeysa labada shacab. Labada Madaxweyne oo si wadajir ula hadlay warbaahinta, kadib kulan ay la qaateen Raysal wasaare Abiy Axmed ayaa waxa ay ku sheegeen in lagu heshiyeey in toddobo qodob oo looga hortagayo xiisadda labada dhinac. Halkan hoose ka akhriso qodobada: 1- In mar kasta rabitaanka Shacabka la tix galinayo. 2)-In dadka hubaysan laga kala fogeeyo aaggaas. 3- In ay khalad weyn oo qaranimada Itoobiya meel uga dhacay ay ku kaceen ismaamulka Canfarta markay warar ku tidhi ku teen ah ay ku baahiyeen saxaafada dalka. 4-In Degaamaynta cusub ee is-maamulada qaar ay wadaan ay joojiyaan 5-In saxaafada lagu daba galo faafinta wararka beenta ah isla markaana tallaabadooda ku haboon laga qaado. 6-In Ciidamada millateriga ay ilaaliyaan amniga iyo nabad qabka shacabka iyo xoolahooda. 7-In Canfartu ay soo celiso xoolaha ay ka dhacday shacabka dowlad deegaanka Soomaalida. Colaada u dhexeysa Soomaalida iyo Cafarta ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysatay, kadib weeraro lagu dad badan oo ay fuliyeen kooxo ka kala tirsan dhinacyadaasi. Source
  3. Kenya’s security officers said Friday they have launched a major manhunt for al-Shabab militant behind the recent murder of 11 police officers near the border with Somalia. The police said Abdullahi Banati, a Somali Galjeel, led a team of militants that planted improvised explosive devices (IEDs) that killed paramilitary police officers from HarHar camp on Oct. 12. “Investigations into the incident indicate that Banati is the commander of a team of militants operating along the border and masterminding nuisance attacks against security agencies and the members of the public,” the police said in a statement. The police officers lost their lives at Degow on the road between Liboi and Damajale close to the Kenya-Somalia border as they were conducting a routine security patrol. Police are said to have traced the activities of Banati and his team of militants to the border and it is suspected that he escaped to Somalia with the rest of the operatives. The police said that the group is responsible for cross-border incursions into the Kenyan territory especially in Garissa and is responsible for numerous attacks along the border area. “Banati planned the attack with the help of operatives operating within the Dadaab refugee complex. This will not be the first time that the complex has been adversely mentioned,” said the police. In the past, the police said, the refugee complex has played host to attackers who carried out the Garissa University attack in 2015 in which 148 people were killed and also allowed the transit of attackers during the Westgate attack in 2013 in Nairobi where 67 people lost their lives and the Dusit attack on Jan. 15 where 25 people were killed. “Police are calling on the members of the public with information on Abdullahi Banati to come forward and report in order to assist in investigations into the terror network in Garissa,” it said. The police believe that the militant group still remains the major threat in areas along the common border, noting that the targets include security personnel and establishments along the border as well as commuter vehicles plying routes along the border and coastal regions. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii ugu horreeyey ee Kalfadhiga lixaad ee golaha shacabka oo goor dhow ka furmaya xarunta Villa Hargeysa ayaa loo diiday inay ka qeyb galayaan Wariyeyaasha warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golahaasi, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku wargeliyey in hadda kadib aan loo ogolaan doonin in ay warar ka soo tabiyaan gudaha xarunta golaha shacabka Soomaaliya. Intaasi kadib Wariyeyaasha ayaa dib u soo laabtay, waxaana arrintan ay qeyb ka tahay caburin lagu hayo warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgasha magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in tabinta wararka la xariira Baarlamaanka loo ogol yahay warbaahinta dowladda, sida Raadiyaha,Tv-ga iyo Wakaaladda SONNA. Sida aan xogta ku helnay arrintani ayaa laga gol leeyahay in lagu xadido dhaq dhaqaaqa Wariyeyaash, gaar ahaan kuwa wararka ka doona halkaasi. Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaara ayaa horay loogu diiday Wariyeyaasha, marka laga reebo shirarka qaar, waxaana warbaahinta loo soo diraa warar la soo tafaftiray oo soo mara xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada. Dhowaan ayey aheyd markii Wariyeyaasha oo shir jaraa’id qabtay ay soo bandhigeen dhibaatooyin ka heysta xafiisyada dowladda iyo shirarka ka dhaca Caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. MOGADISHU (HOL) - The U.S is bolstering its security at its military base in Somalia following an attack by the militant group Al-Shabaab late last month. Source: Hiiraan Online
  6. TORONTO (HOL) - Four Somali Canadians are running for Federal Parliamentary seats this week in Canada, a historical feat for the four who were once refugees. Source: Hiiraan Online
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxaweynayaasha ismaamullada Soomaalida iyo Cafarta ee dalka Itoobya ayaa shaaciyey in heshiis rasmi ah laga gaaray colaada u dhexeysa labada shacab. Labada Madaxweyne oo si wadajir ula hadlay warbaahinta, kadib kulan ay la qaateen Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxa ay ku sheegeen in lagu heshiyeey in todobo qodob oo looga hortagayo xiisada labada dhinac. Halkan hoose ka aqriso qodobada: 1- In mar kasta rabitaanka Shacabka la tix galinayo. 2)-In dadka hubaysan laga kala fogeeyo aaggaas. 3- In ay khalad wayn oo qaranimada Itoobiya meel uga dhacay ay ku kaceen ismaamulka Canfarta markay warar ku tiri ku teen ah ay ku baahiyeen saxaafada dalka. 4-In Degaamaynta cusub ee is-maamulada qaar ay wadaan ay joojiyaan 5-In saxaafada lagu daba galo faafinta wararka beenta ah isla markaana talaabadooda ku haboon laga qaado. 6-In Ciidamada militeriga ay ilaaliyaan amniga iyo nabad qabka shacabka iyo xoolahooda. 7-In Canfartu ay soo celiso xoolaha ay ka dhacday shacabka dowlad deegaanka Soomaalida. Colaada u dhexeysa Soomaalida iyo Cafarta ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysatay, kadib weeraro lagu dad badan oo ay fuliyeen kooxo ka kala tirsan dhinacyadaasi. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Mareegta Somalilandchronicle ayaa ku warramaysa in khilaaf culus soo kala dhexgalay sirdoonka Somaliland iyo sirdoonka Ingiriiska, kaas oo wax yeeli kara iskaashiga Somaliland iyo Ingiriiska. Mareegta ayaa ku warramaysa in cid magacooda u qarisay arrintan oo xasaasi ah awgeed u sheegtay in sirdoonka Ingiriisku ka soo horjeedo sida uu wax u wado masuulka madaxweyne Biixi u igmaday hoggaanka sirdoonka, islamarkaana arrintani gaadhay miiska madaxweyne Biixi. Madaxweyne Biixi ayaa waraysi uu dhawaan siiyay Somaliland Now ku sheegay mawqifkiisa ah in aanay dalalka shisheeye wax faro gelin ah ku yeelan Somaliland. Source
  9. Warar Rasmi ah oo lagasoo xigtey Qareenka lagu magacaabo Paul Nyamod ayuu Sheegay in Kenya ay qarka u saarayd iney kaba laabato Ku doodida ay [...] Source
  10. (SLT- Guinea)-Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde, ayaa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo dalkiisa booqanaya wuxuu uga mahadceliyay dedaalo uu sheegay inuu ku dhexdhexaadinayo Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Alpha Conde, ayaa wuxuu qado sharaf u sameeyay Madaxweyne Geele iyo weftigiisa, waxaanu Madaxweyne Alpha uu khudbadiisa ugu mahadceliyay Madaxweyne Geele oo uu sheegay inuu dalkaas Guine u maray safar ah 7 saacadood,“Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan eed uga soo jawaabtay martiqaadkii aanu kuu fidinay adigoo soo maray socdaal dheer oo 7 saacadood ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Alpha Conde, wuxuuna intaas ku daray, “Waad ku mahadsantahay dedaalkaaga dhexdhexaadinta ah ee aad ka dhex wado Soomaaliya iyo Somaliland.” Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sannadkan wuxuu booqday dalka Guinea oo ay dawlada Soomaaliya xidhiidhka u jartay ka dib markii ay si diiran u qaabileen, sidoo kalena wuxuu bishii hore booqday dalka Djibouti. Booqashadii Madaxweyne Biixi ee dalka Djibouti ayaa keentay warar sheegaya in Madaxweyne Geele doonayo inuu dib u soo celiyo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo isna madashaas ka hadlay ayaa ugu horayn Madaxweyne Guinea uga mahadceliyay soo dhawaynta uu ku qaabilay. Waxa uu Madaxweyne Geele ku tilmaamay Madaxweynaha Guinea inuu door muhiim ah kaga jirto isu soo dhawaynta dalalka qaaradda Afrika iyo in la gaadho awood buuxda oo uu yeesho ururka Midowga Afrika. Laakiin madaxweyne Geele ma soo hadal qaadin arrinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu madaxweynaha Guinea xusay. Source
  11. (SLT-Qaahira)-Marwo Sherin Helal oo ah khabiir u dhalatay dalka Masar oo falanqaysa arrimaha Afrika, ayaa qormo dheer oo ay toddobaadkan 17 Oktoobar ku qortay wargeyska caanka ah ee Al Ahraam waxay kaga hadashay guulaha siyaasadeed ee ay Somaliland ku soo kordhisay qaaradda Afrika. Sherin Helal, oo qormadeedan ku qortay luuqadda Ingiriisida, waxay ciwaan uga dhigtay “Tusaalayasha siyaasadeed ee Afrika”, waxaanay ku soo bandhigtay nidaamka gaarka ah ee ay Somaliland hirgelisay ee ku salaysan dimuqraadiyadda iyo awood qaybsiga oo ay kaga badbaaday qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira gobalka Geeska Afrika, waxaanay sheegtay, inkastoo aan Somaliland la aqoonsan haddana inay dunida la leedahay xidhiidho badan. Waxa kale oo ay guulaha Somaliland gaadhay tusaale ugu soo qaadatay Madaxweynayaashii kala duwanaa ee Somaliland ee kursiga isku wareejiyay ka dib doorashooyinkii dalka ka dhacay. Qormadeeda waxay Marwo Helal ku sheegtay in dalalka Somaliland, Ruwanda iyo Moroco ay cilmiga siyaasadda ku soo kordhiyeen hab gaar ah oo uu cusub oo shacabku isku afgarto kuna samaysteen nooc dawladeed. Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay ka dib markii uu ogolaansho ka helay Sherin Helel, ayaa waxay u dhignayd sidan “Guusha ay gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland ee goonida u goosatay iyo tusaalayaal kale waxay muujinayaan gaabiska hab fekerka siyaasadeed ee reer Galbeedku ka qabaan Afrika, sidaas waxa qoray Sherin Helal. Halka ay Somaliya ka tahay dal Afrikaan ah oo ku caan baxay inay tahay tusaalaha ugu cad ee dal fashilmay iyo goobta dagaal ee ugu wayn qaaradda, dhinaca kale waxa u suurtagashay inay soo bandhigto qaab lagu dayan karo oo ah Jamhuuriyadda Somaliland ee is xukunta ee ku taal dhinaca woqooyi. Aqoonsi caalami ah may helin, balse waxaay leedahay dhamaan shuruudaha dal awood u leh inuu bixiyo xuquuqaha aasaasiga u ah nolosha iyo wada jirka. Dhamaan arimahani waa tusaalayaal ku qasbaya dadka faaqida siyaasaddu inay aqbalaan waxyaalaha gaarka ah ee Afrika ay ku soo kordhiso cilmiga siyaasadda. Somaliland, Rwanda iyo Morocco waxay mid waliba soo bandhigtay hab gaar ah oo shacabku isku afgarto si ay u dhistaan nooc dawladeed, taas oo cilmiga siyaasadda, sida ay u qeexeen reer Galbeedu, aanu ogolayn inuu u aqoonsado dawlad wanaag. Ilaa iyo 1988ii way cadayd in SNM doonayso gooni isu taag woqooyigu yeesho iyada oo calan ka taagi jirtay magaalooyinka ay ka qabsato ciidamada dawladda. 18 May 1991, SNM waxay ku dhawaaqday abuurista Jamhuuriyadda Somaliland oo uu madax ka ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali Nuur, iyada oo sheegtay inay diyaar u tahay inay ku qabato laba sanadood gudohooda doorasho xor iyo xalaal ah. Xagga caasimadda Somaliya ee Muqdisho, jabhadii SSC way diiday inay aqbasho go’aankaas, waxaayna dhinac iskaga riixday gooni isutaagga, taas oo sababtay in dalkii Somaliya uu galo burbur iyo xasilooni darro ilaa hada socota. Haseyeshee, tan iyo intii ay ku dhawaaqday madax-banaanida 1991kii, Somaliland waxaay ku shaqaynaysay nidaam maamul iyo mid siyaasadeed oo madax-banaan. Waxaay ku maamushaa xuduudeheeda bad iyo dhul ciidankeedaa qaran booliiska iyo hay’adaha amni. Iyada oo shacabkeedu yahay 3.5 milyan, waxaay xidhiidho aan rasmi ahayn la leedahay dawlado badan oo ergooyin u soo dira caasimadda, Hargeysa. Itoobiya waxaay ku leedahay xafiisyo ganacsi Hargeysa, islamarkaana xidhiidhka labada dal waa mid meel heer sare ah jooga. Itoobiya waxaay sidoo kale ka samaysay tiro cusbitalo ah goobaha meeqaamka gaarka ah u leh ururada gobol iyo kuwa caalamiga ah. dalkan cusubi wuxuu ka dhashay isutanaasul siyaasadeed iyo mid qabiileed oo ay gaadheen dadka kuwada nooli, islamarkaana hogaamiyayaasha qabiiladu door muhiim ah ayay ku leeyihiin in laga hortago dagaalo qabiileed inay dhacaan. Inkasta oo aan dalna si rasmi ah u aqoonsanayn, hadana Somaliland waxaay leedahay baasaboor u gaar ah oo dadkeedu ku tagaan dhawr dal, haseyeeshee dadka badankiisu wuxuu ku safraa baasabooro dalal shisheeye. Somaliland qayb ayay ka heshaa deeqaha loo qoondeeyo Somaliya, waxaayna ku leedahay wakiilo dalal dhawr ah. Si ku duwan dalalka ku hareeraysan, waxaay ku guulaysatay in si nabad ah awoodda la isugu wareejiyo. Dhamaan madaxwaynayaasheedu waxaay awoodda ku wareejiyeen kuwa ka danbeeyey doorasho markay dhacday kadib. Dumarka waxa loo diyaariyay inay wakiilo ku yeeshaan Baarlamaanka oo waxa taas xoojisay kooto dastuurka ku astaysan oo dhan 30% kuraasta. Midkoodna warbixinada Qaramada Midoobay ee doorashooyinka iyo warbixinada UNDP ee xuquuqal insaanka ma diiwaangelin tacadiyo waa wayn oo ka dhacay Somaliland, gaar ahaan marka la barbar dhigo xadigga tacadiyada ka dhaca Muqdisho. Dagaalka sokeeye ee Somaliya wuxuu socdaa tobanaan sanadood, iyada oo intuu socday lagu sameeyey farogelino ciidan, kuwaas oo ka bilaabmay kii Maraykanka oo ay ka danbeeyeen kuwa ay sameeyeen Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo wadamada IGAD ee Geeska Afrika. Qadiyadda Somaliya waa mid dhif iyo naadir la arko, waxaana ka dhashay su’aalo in jawaabo loo helaa ay qaadan karto sanado badan. Waa fagaare ay ku barataamaan [wadamada] gobolka iyo caalamka oo u furan siyaasad, dagaal, dhaqaale iyo xitaa waxbarasho iyo sahamin [khayraad] taas oo dalal caalami ahi ay ku yeesheen cid u joogta iyaga oo wata ciidankooda, qalabkooda si ay u saameeyaan gobolka. Laga soo bilaabo quwadaha waawayn sida Maraykanka ilaa dalalka Gacanka Carbeed sida Imaaraadka Carabta, quwado shisheeye ayaa farogelin ku hayay gobolka iyaga oo isticmaalaya lacag ama farogelin ciidan oo ay ku sameeyaan dagaalada. Xitaa Turkiga ayaa qaatay go’aanka ah inuu cago dhigto [gobolka] taas oo u saamaxaysa inuu ku yeesho saamayn u muuqata inay tahay mid dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ba imbaradooriyad ah. Quwado aad u tiro yar ayaa ka maqan goobta, taas oo ka dhigaysa wax adag in meel la isugu keeno si dib u heshiisiin loo gaadho. Duruufaha iyo sababaha kala duwa dalalku ku jiraan ma sharaxayso maqnaanshaha aqoonsi caalami ah marka loo eego meeqaamka siyaasadeed ee dalku hada ku sugan yahay. Ma sadaalin karno goorta aqoonsigu uu iman doono, sidoo kale wuxu noqon karaa mid soo dhaqsada oo aan raagin. Haseyeeshee, maqnaanshaha aqoonsigu wuxuu ku cadaadinayaa Muqdisho inay aqbasho danaha siyaasdeed iyo dhaqaale ee quwadaha caalamiga ahi ay leeyihiin. Dhamaan arimahani waa tusaalayaal ku qasbaya dadka faaqida siyaasaddu inay aqbalaan waxyaalaha gaarka ah ee Afrika ay ku soo kordhiso cilmiga siyaasadda. Somaliland, Rwanda iyo Morocco waxay mid waliba soo bandhigtay hab gaar ah oo shacabku isku afgarto si ay u dhistaan nooc dawladeed, taas oo cilmiga siyaasadda, sida ay u qeexeen reer Galbeedu, aanu ogolayn inuu u aqoonsado dawlad wanaag. Qadiyadda Somaliland waxay ku dhisan tahay nidaam u gaar ah oo xasilooni siyaasadeed iyo dhaqaale ah taas oo ilaa xad balaadhan gaadhsiisan, islamarkaana ka duwan dimoqraadiyadaha soo jireenka ah, haday tahay midda isu tanaasulka ku dhisan iyo ta kawada qayb qaadashada ku dhisan ba. Tani waxaay dhacday iyada oo jilayaasha siyassadeed ay uga tageen riyada wayn ee Somaliland inay ku dhex dhacdo rabitaanka kooxo qoomiyado ku dhisan iyo rabitaanka quwadaha caalamiga ah. Qadiyadda kale ee kor ku xusani waa ta Rwanda oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan kor u kacday, iyada uu mudo rubuc qarni ah xukumayay hal nin oo dikteytar ah. Reer Galbeedku way mahadiyaan tusalaasha iyo tilmaamaha Rwanda ee loo naqshadeeyey inay cabiraan dimoqraadiyadda iyo xasiloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale iyo dad. qadiyada u danbaysa waa Morocco oo ah boqortooyo lagu tilmaamay inay tahay nidaam isku dhamaystiran, balse waa shacabka reer Morocco kuwa kursiga ku haya boqorka ee diidan farogelinta reer Galbeedka halka ay ka qayb qadanayaan si togan nidaamyada siyasadeed ee dalka. Marka la eego arimaha siyaasadeed, waxaynu u baahanahay inaynu diyaar u noqono inay ixtiraamno nidaamyada siyaasadeed ee Afrika oo aynu qiimayn ugu samayno inaga oo ka duulayna duruufohooda u gaarka ah. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Hawlaha guud ee Xisbiga Waddani Cabdi Haybe Maxamed, kana mid ah hogaanka sare ee Xisbigan, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu bedelo xubnaha uu u soo magacaabay Komishanka, madaama uu sheegay in aanu sharcigu ogolayn waxaanu xusay in haddii uu bedelo waayo ay macnaheedu tahay in aanu Madaxweynuhu rabin Doorasho dalka ka dhacda. Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada uu dalku marayo, waxaanu ku taliyey in wax badan laga bedelo, oo wixii tabashooyin ah la dhegaysto waxna laga qabto, waxaanu ugu horeyn yidhi “Komishankan uu wakhtigu ka dhammaaday, inay sii joogaan waanu diidnay, oo waxaanu ku diidnay waa cadaalad daro aanu ka tirsanaynay, waana la isku raacay inay meesha ka tagaan,todobada xubnood ee Komishanku ka kooban yahay waa isku wada mid isku si ayaa looga cabanaayey, markaas inuu Madaxweynuhu yidhaahdo hal xubin baan soo celinaya, wax la yeelayo oo suurtagal ah maaha, ta kale xubno Wasiiro soo noqday oo Siyaasiyiin ah oo waliba Xisbiga Kulmiye olole u galay iyana inay Komishan noqdaan oo Xisbiyada dhex u noqdaan suurtagal maaha, ee Madaxweyne haddii aad doorasho diyaar u tahay waa inaad bedeshaa xubnaha aad soo magacwaday, haddii aad ku adkaysatana macnaheedu waa Doorasho diyaar uma ihi”. Mar uu ka hadlaayey wax ka qabashada tabashooyinka iyo cabashooyinka jira ee u baahan in la xaliyo ayaa yidhi “Looma baahna jaafajiriq, muran, khilaaf iyo is adkayn, is adkayntana waxba kuma yimaadan, ee waxaa loo baahan yahay in cabasho walba oo jirta, tabasho walba oo jirta iyo wax walba oo soo kordha in wax laga qabto, Gobolaadii Bariga iyo Galbeediiba weynu aragnaa, oo meel kasta waa laga cabadayaa, haddana saluug badan baa jira, wax ilaa hadda laga qabtayna ma jiro, markaas wax kasta oo jira Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu ha isku dayaan inay xaliyaan, oo ay wax ka qabtaan, ta kale in sinaan iyo cadaalad umadda loogu adeego ayaa loo baahan yahay, in loo kala hiiliyo looma baahna, ta kale Wasaaradda Beeraha waxaan leeyahay waxaa haboon inay sida ugu haboon ula socoto xaaladaha Beeraha ee dalka, sababtoo ah muddo shan bilood ah beerihii laga qodaayey Gumar iyo deegaanada Hawd ilaa hadda dadkii lama siinin lacagtoodii, shidaal iyo kharashna wuu baxayey, Hay’adda FAO ayaana u xilsaarnayd, markaas Hay’adda FAO waxaan leeyahay dadkaas waa inaad lacagtoodii u diyaarisaan oo aad siisaan, haddii kale wax walba wey istaagayaan”. Source
  13. (SLT-Qaahira)-Hey’ada qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqday dowlada Masar in ay sii deyso shaqsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada oo ciidanka amniga xabsiga dhigeen kadib dibadbaxii lagaga soo horjeeday madaxweyne Cabdifataax Al-Siisii. Shacabka Masar ayaa 20-kii bishii September dhigay dibadbaxyo ka dhan ah dowlada xilka heysa, kadib baaq ka soo baxay ganacsadaha lagu magacaabo Maxamed Cali ee ku sugan dalka Spain. Ciidanka amniga ayaa xidhay ku dhowaad 3,400 oo banaanbaxayaal ah sida ay xaqiijisay hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee dalka Masar iyo ilo kale oo Madaxbanaan. Dadkaan ayaa 300 oo ka mid ah xabsiyada laga sii daayay balse waxaa la aaminsan yahay in kumaan kale ay xabsiyada ku Jiraan. Waxaa laga cabsi qabaa in shaqsiyaadka u xidhan xukuumada Qaahira qaarkood lagu xukumo dil Toogasho. Source
  14. Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howlgal ay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo Burde iyo Jalalaqsi ay ku dileen 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof ayaa laga soo xigtay in malayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo gaari Caasi ah watay ay wadadda u galeen ciidamadu halkaasna ay ku dileen dhammaan xubnihii Al-shabaab ee gaariga saarnaa. Sido kale guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay dileen ay ka furteen 18 qori gacmeed ah iyo rasaas isagoo guddoomiyaha intaas ku daray inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan saacadaha Soo aadan khasaaraha Al Shabaab iyo hubkii ay ka furteen. Waxaa kale ooo guddoomiyaha degmada Jalalaqsi uu balanqaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka malayshiyaadka Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in lagu dilay gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir, Cabdiraxamaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay dib u dhiska iyo dayactirka lagu sameeyey taalooyinka Qaranka ee ku yaalla gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay muhiim tahay in halgamayaasha u soo dagaalamay xornimada dalkeena la xuso, laguna xusuuto halganka ay u galeen xaqiijinta himilo Ummadeed ama halista ay ka badbaadiyeen Qaranka Soomaaliya. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaase tilmaamay inuu isku kay qaban waayey taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) ayaan taagayaa, halgame noolna waan gacan gelinayaa oo uu kala jeedo Dhiibiistii Cabdkariin Qalbi Dhagax. “Waxaa lagu xusuutaa halganka ay u galeen xaqiijinta himilo ummadeed ama halista ay ka badbaadiyeen qaranka. Waxaa isku kay qaban waayey taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) ayaan taagayaa, halgame noolna (Qalbi-dhagax) waan gacan gelinayaa. Shacabka Soomaaliyeed waxay madaxweynaha rumaysan lahaayeen, raad xusuusna ku reebi lahayd, haddii uu hortooda ka qiro in dhiibistii Qalbi-dhagax ay ahayd gaboodfal laga galay halganka iyo halgamayaasha uu maanta taalooyinkooda taagay.”ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Siyaasigan oo mucaarad ah ayaa inta badan si aad ah u naqdiya dowladda hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar ku weerartay hoygiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. (SLT-Chicago)-Maamuleyaasha iskuulada iyo macalimiinta Chicago ayaa ku dhawaaqay shaqa joojin taasi oo ka dhigan in aanay xaadiri doonin iskuulada inta dowlada ay tixgalineyso tabashadooda. Inkabadan 32,500 macalin iyo shaqaalaha kale iskuulada ayaa dibadbax ay ku hakinayaan shaqadooda waxay ka dhigeen magaalada Chicago. Shaqa joojintaan ayaa waxay saameyn ku yeelatay 300,000 oo arday oo ku nool magaalada. Chicago ayaa ah degmada sadaxaad ee ugu ardayda badan guud ahaan wadanka Mareykanka. Barayaasha ayaa ka cabanaya cadhiidhi ka jira fasalada taasi oo ka dhigan in dowlada Mareykanka ayna maalgalin goobaha waxbarashada iyo Iskuulada gobolka oo aan laheyn qaarkood goobaha lagu keydiyo Buugaagta. Ugu dambeyn Macalimiinta ayaa dalbaday dowlada in shaqaalaha gurmadka ay geyso Iskuulada si xaaladaha deg dega ay u Xaliyaan. Source
  17. (SLT-London)-Hay’adda dambi badhista Yurub ee loo soo gaabiyo Europol ayaa xadhiga ka jartay olola muujinaya “Haweenka loogu doondoonista badan yahay “, kuwaasi oo lagu eedeeyay ama lagu helay dambiyo halis ah oo abaabulan. Barta ay Europol ku leedahay internetka ayaa lagu daabacay sawirada haweenkan wajiga uu daboolan yahay booliiskana ay ku raad joogaan. Hay’adda dambi badhista Yurub ayaa sheegtay in ay doonayeen in ay bidhaamiyaan in haweenkan ay awoodaan sida ragga oo kale inay fulyaan dambiyo halis ah. Inkastoo ay jiraan haween galay dambiyo halis ah hadana daraasadaha ayaa muujinaya in sida aqlabiyada ah dambiyada halista ah ay raggu geystaan. Daraasad dhawaan ay soo saartay dowladda Britain lana daabacay ayaa muujinaysa in dambiyada waawayn inta badan ay ragga ku lug leeyihin. Muxuu yahay ololaha hay’adda dambi badhista Yurub ee Europol? 21 qof oo hay’ado sheegtay in ay baxsad ku jiraan islamarkna ay baadigoobayaan ayaa 18 ka mid ah waxay yihiin dumar halka ay 3 oo kali ah yihiin rag. Waxaa dambiilayashani ka mid Elena Puzyrevich,oo iyado gabadh 9 jir ah oo Ruushka u dhalatay u afduubtay Spain kuna qasabtay inay jirkeeda ka ganacsato. Waxaa sidoo kale ka mid ah Angelina Sacjuka, oo iyadu loo haysto in sidii ay u garaacaysay ay dishay haween da’a yar 5 sano ka hor. Claire Georges, oo ah afhayeenka Europol, ayaa sheegtay in ololahani uu yahay mid lagu donayo in sare loogu qaado fursadaha in gacanta lagu soo dhigo dadka dambiyada loo haysto ee baxsadka ku jira. Source
  18. Qatar has announced sweeping reforms to its labour market with a view to ending the hated kafala system of sponsored migrant labour, according to reports. Kafala has been described as a form of modern slavery. We have long called for the end of the abusive kafala system in Qatar, and it would be a major step forward if these measures finally allow workers to return home or change jobs without restriction – Stephen Cockburn, Amnesty International International labour groups said Qatar’s labour and social affairs minister yesterday (16 October) told a gathering that the state’s Council of Ministers unanimously endorsed new legislation allowing workers to change jobs freely without a “no objection certificate” from their employer, and to leave Qatar without an exit visa. Together, these requirements have trapped many migrant workers in slave-like conditions when their wages are cut or stopped, leaving them unable to change jobs or go home when unscrupulous bosses withhold the necessary paperwork. The draft laws will now be referred to the Advisory (Shura) Council, and then for approval by the Emir HH Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, with the laws expected to come into force by January 2020, according to the International Labour Organisation (ILO) and the International Trade Union Confederation (ITUC). Qatar’s labour and social affairs minister relayed the news while addressing a centenary event of the ILO in Doha yesterday, which was attended by ITUC. The ILO, ITUC and the labour ministry have been negotiating to end the kafala system since 2017. The Council of Ministers has been contacted for confirmation. The ILO called yesterday’s announcement “a momentous step forward in upholding the rights of migrant workers”. Kafala systems affect 23 million migrant workers across the Gulf region and two million in Qatar. The Council of Ministers also endorsed a new law to establish a non-discriminatory minimum wage, the first in the Middle-East, the ILO said. It is not yet known how much the new rate would be but an “evidence-based minimum wage law which applied to all nationalities” would be brought in on 1 January 2020, ITUC said. Sharan Burrow, General Secretary of the ITUC, said: “Qatar is changing. The new tranche of laws will bring an end to the kafala system of modern slavery”. According to the ITUC, the new laws would see: Exit visas for all workers including domestic workers eliminated; A system of contracts that are transparent and labour courts to enforce them; The end to permission to leave a job, with criteria equivalent to any modern industrial relations system; A government fund to ensure workers are not disadvantaged by exploitative employers, while the state pursues recovery of entitlements. Human rights campaigner Nicholas McGeehan said the announcement should be greeted “with very cautious optimism” until it is announced in law and implemented. Amnesty International said it hoped the improvements would be implemented as soon as possible. Its deputy director of global issues, Stephen Cockburn, said: “We have long called for the end of the abusive kafala system in Qatar, and it would be a major step forward if these measures finally allow workers to return home or change jobs without restriction.” Qatar has had problems with some contractors either paying months too late or not at all. In August hundreds of migrant workers went on strike protesting against poor working conditions, months-long wage delays and the threat of reduced salaries. Mrs Burrow added: “We recognise that an evidence-based minimum wage, the first of its kind in the Middle East, will be a major improvement for workers, and will guarantee a minimum level of protection. We urge the government to announce the new rate as quickly as possible.” She pleaded for other countries in the region to follow Qatar’s example and do away with similar bad practices, adding: “Workers want to work in the Gulf states, they want to support their families at home, but they also want decent work where they are treated fairly and with dignity and respect. “While we witness the changes in Qatar, sadly this is not the case in neighbouring countries where migrant workers are still treated as less than human with few rights and freedoms.” Image: Migrant workers in West Bay, Doha, Qatar (Alex Sergeev/www.asergeev.com/CC-BY-SA-3.0) Anthony Harwood is a former foreign editor of the Daily Mail GCR Qaran News
  19. (SLT- Afghanistan)-Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla dalka Afghanistan, xilli ay socotay salaaddi Jimcaha ee shalay, sida ay saraakiil sheegeen. Weerarkaasi ayaa imaanaya maalin un ka idb markii QM ay sheegtay in fowdada dalkaasi ka jirta ay gaadhey heer aan la aqbali karin. Qaraxa, oo sida ay goob joogayaal sheegeen sababay in uu masjidka soo dumo, ayaa ka dhacay gobolka bariga ku yaalla ee Nangarhar, waxana ku dhaawacmay 55 qof oo kale, sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay maamulka gobolka Attaullah Khogyani, oo AFP la hadlay. Khogyani ayaa sheegay in dhammaan dadka dhintay ay masjidka u tageen inay salaadda khudbada ku soo dukadaan, gaar ahaan deegaanka Haska Mina oo 50 KM u jirta caasimadda gobolka ee Jalalabad. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo aan illaa iyo hadda la shaacin nooca uu ahaa. Gobolka, ayaa waxaa a howl-gala kooxda Taliban iyo kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee Daacish . Source
  20. (SLT- Mexico)-Dowlada Mexico ayaa dalkeeda ka mustaafurisay 311 oo qof oo u dhashay dalka Hindiya, sida uu sheegay machadka qaran ee Muhaajiriinta. Arrintaan ayaa imaaneysa kadib heshiis bishii June ay wadagaleen Mareykanka iyo Mexico kaasi oo khuseeyay waxka qabashada soo galootiga. Washington ayaa ku hanjabtay in Mexico ay saari doonto cunaqabateyn dhaqaale haddii ay wax ka qaban qulqulka Muhaajiriinta. Soo galootiga Hindida ayaa dhammaantood ahaa ragg marka laga reebo hal haweeney ah, waxaana laga dajiyay madaarka magaalada Delhi. Source
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay gudaha dalkaasi ka baadi goobayaan hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shaabab. Hoggaamiyaha la raadinayo ayaa waxaa sirdoonka Kenya ay magaciisa ku sheegeen Cabdullaahi Banaati, kaas oo ay tilmaameen inuu hoggaamiyo koox xiriir la leh Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamada Booliska Kenya ayaa ninkaasi ku eedeeyey inuu mas’uu ka ahaa qarax miino oo dhowaan ka dhacay meel ku dhow xuduuda Soomaaliya, kaas o lagu dilay 11 Askari oo ka tirsanaa Booliska dalkaasi. “Baaritaanada la sameeyey ayaa muujiyey in Banaati uu madax u yahay Kooxda ka dambeysay qaraxii miino ee lagu dilay dhowaan 11-ka askari, kuwaas oo lala beegsaday, iyagoo ka soo tagey xerada HarHar Camp.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska. Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa ka dhacay deegaanka Degow oo dhaca waddada xiriirisa Libooya iyo Damajaale, xilli ay howlgal roondo ah ku jireen ciidankaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  22. Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay in dalkaasi ay ka baadi-goobayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo ay ku eedeeyeen in uu mas’uul ka ahaayeen qarax miino oo dhowaan ka dhacay meel ku dhow xuduuda Soomaaliya, kaas o lagu dilay 11 Askari oo ka tirsanaa Booliska dalkaasi. Saraakiisha Booliska ayaa ku sheegay magaca ninka hoggaamiyaha ah ee ay raadiyanayaan C/llaahi Banaati, kaas oo hoggaamiye u ah Koox xiriir la leh Al-Shabaab, una qaabilsan qaraxyada lagu aaso deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. “Baaritaanada la sameeyay ayaa muujiyay in Banaati uu madax u yahay Kooxda ka dambeysay qaraxii miino ee lagu dilay dhowaan 11-ka askari, kuwaas oo lala beegsaday, iyagoo ka soo tagey xerada HarHar Camp.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Degow oo dhaca waddada xiriirisa Libooya iyo Damajaale, oo ku dhow xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ciidamda lagu qarxiyay miino dhulka lagu aasay, xilli ay howlgal roondo ah ku jireen. Dowladda Kenya ayaa isku dayeysa inay wax ka qabato weerarada joogtada ah ee lagu qaado askarteeda ka howlgala deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya, kuwaas oo mas’uuliyadooda sheegato Xarakada Al-Shabaab. View the full article
  23. Maamulka demada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, kadib weerar ay ciidanka DFS ku qaadeen gaari ay la socdeen xubnahan la dilay. Maxamed Nuur Cagajoof (Dabaashe), guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in 20 ka mid ah Al-shabaab la dilay, sidoo kalena ay kasoo furteen 18 qori iyo rasaas badan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay wadada xiriirisa Buulo-burde iyo degmada Jalalaqsi, ayna jidka u galeen gaari Homey ah oo ay saarnaayeen xubnahan Al-shabaabka ah. “Ciidamada howlgalkoodaan wuxuu ahaa mid qosheysan, waxaana jidka loo galay gaari Homey ah oo ay la socdeen Al-shabaab, waxaana kaga dilnay 20, hubna waan soo furannay” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiye Dabaashe ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalladan ka dhanka ah Al-shabaab. Ururka Al-shabaab weli dhankiisa wax war ah kama aanu soo saarin dagaalyahannada la sheegay in laga diley iyo hubkan laga qabsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlyey nabadda iyo dhibka loo soo maray xorriyada Soomaaliya ayaa baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa ka dalbaday dhalinyarada in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka dalkooda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhalinyarada ay muhiim tahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Cod-2-wiilo.mp3 View the full article