Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sannaddu waa 2006. Rajo ayaa soo muuqatay ah in Soomaaliya nidaam hesho. Si rajadaas looga hortago, gacan shisheeye ayaa waxay maal-gelisay abuuridda Iskaashiga Dib-u-soo-nooleynta Nabadda iyo La-dagaallanka Argagixisada (Allience for the Restoration of Peace and Counter-Terrorists — oo ku magac dheeraa “Shahaado la dirir”). Waxaa Iskaashigaas ku bahoobay rag dagaal-oogayaal u badnaa. Dhagartoodii waxaa ka hor tegay maxkamidihii oo garabsanayo shacabka illaa uu Iskaashigu fashilmay, madaxdoodana ay noqdeen qaar baxsaday iyo qaar is dhiibay. Sannaddu waa 2018. Shan maamul-goboleedyo ayaa sameeyay ururka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada. Ma hubo in uu shisheeye maal-geliyay, hayeeshee qorshaha ay ku socdaan wuxuu leeyahay raad shisheeye. Wuxuu Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu cadaadis saaray dowlad hal sano iyo bar un dhisneyd. Sida kooxda gar-darran looga bartay, shantii hoggaamiye maamul-goboleed ee Dowladda Dhexe u heshiiyay maanta oo ah 2019 hal hoggaamiye baa ka haray oo isaga xitaa lagu muransan yahay doorashadiisii Kismaayo. Soomaaliya waxaa sanooyin lagu curyaaminayay ereyga “looma dhamma” – oo ahaa kaar uu xoqan jiray siyaasigii waayo kursi ama jago. Maantase waxaa Soomaaliya caqabad ku ah saddex qolo oo xiriir saddex geesood ah leh. Qolo afaraad baa jirto oo caqabad ku ah qaranka: waana al-Shabaab. Hayeeshee iyagu waa baab gooni ah. Labo ka mid ah kooxdan saddex geesoodka ah wax un awood ah way leeyihiin – qolada saddexaadse awood gooni ah ma leh oo sidii dayaxii ayay ka tamar qaataan hadba meesha ay tamar ka heli karaan. Waa kuwama saddexdan qolo? KOW – MAAMUL-GOBOLEEDYADA Qoladan awood way leeyihiin, wayse kooban tahay – waana sidii la rabay inay u koobnaato markii qaasatan la barbar dhigo Dowladda Dhexe. Mase inkiri karno in madaxda maamul-goboleedyadu u dhaqmaan sidii dowlado ka madax bannaan Soomaaliya. Tusaalayaal kooban: Damaca DP World ee Imaaraatka: Waxay maamul-goboleedyadu la safteen shisheeyaha iyadoon oggolaansho laga heysan Dowladda Dhexe Cunoqabateyntii Qatar: Waa tii uu Iskaashigu doc-ka-hadal ku sameeyay go’aankii Dowladda Dhexe iyagoo la saftay Sacuudiga iyo xulafadiisa Amniga iyo dhisidda ciidanka qaranka: Halkii ay keeni lahaayeen ciidan qaran oo amniga dalka sugo, waxay maamul-goboleedyadu qabiileeyeen ciidankii oo ay danahooda soke ku ilaaliyaan Intaas waxaa sii dheer mar ay Puntland DIIDDO in madaxda Dowladda Dhexe tagaan Puntland; iyo mar ay Galmudug ku dhawaaqday inaysan madaxda Dowladda Dhexe CAG SOO DHIGI KARIN Galmudug; iyo Jubbaland oo garoonka Kismaayo ka soo CEYRISO madaxda QARANKA. Iyagoo faro-gelin intaas iyo ka badanba ku hayo hawlihii Dowladda Dhexe loo igmaday ayay misana maamul-goboleedyadu sidii diiq qoyay isku yaryaraadaan markii looga baahdo inay qaranka ka DIFAACAAN shisheeyaha. Ila fiiri: Arrinka dacwada badda kama soo saaraan BAYAAN iyo CAMBAAREYN – ismana garab taagaan Dowladda Dhexe. Wargeyska The Standard Media wuxuu bishii June 2019 soo xigtay maamulka Galmudug oo leh: “In a statement by the Office of the President of Galmudug State, the region accuses President Farmaajo’s government of damaging the long-standing cordial relationship between Kenya and Somalia” – (u fiirso waa xafiiska madaxweynaha Galmudug oo Kenya la safanayo isagoo ku eedeynayo madaxweynaha Soomaaliya inuu dhaawacayo xiriirkii saaxiibtinimo ee labada dal). Waxaa taas ka daran, marka uu maamulka Galmudug is xejinayo Kenya, waxaa taagan XAYIRAADDII duullimaadyada oo shacabkii ay ku qasban yihiin inay maraan Wajeer. Maamulka Galmudug awood wuu u helay inuu madaxweynaha Soomaaliya eedeeyo – misana kuma dhiirran inuu difaaco SHACABKA dhibban. Arrintii shalay dhacday ee la yiri Dowladda ayaa xayirtay in madaxweyne hore u dhoofo Kismaayo, waynu aragnay in Jubbaland iyo Puntland oo xawaare hillaaca ka dheereeyo ku socdo ay CAMBAAREYN iyo “SHACABKA HA LOO TURO” hawada soo mariyeen – halka aysan sidaas ku oran karin Kenya. Su’aal haddaba: Maamul-goboleedyada sidan u dhaqmay dan ma u hayaan samatibixinta dalka iyo dadka? Dhagar joogto ah ayay u maleegaan Dowladda Dhexe iyagoo mar ku shirayo dibedda, oo la shirayo shirkado iyo shisheeye, oo ka shirayo Dowladda Dhexe iyo qarannimada. LABO – XILDHIBAANNADA (qaarkood) Xildhibaannada awood sharci-dejin maadaama ay leeyihiin, BAYAAN iyo QARAAR lagu garab istaagayo Dowladda Dhexe way awoodaan. Intaas haddii laga heli lahaana naruuro ayay ahaan laheyd. Sidii maamul-goboleedyada ayay xildhibaannada qaar waxay tamartooda geliyeen inay duraan Villa Somalia iyo go’aannada ka soo baxo. Waxay caadeysteen war-xumo tashiil Facebook lagu faafiyo. Waxay caan ku noqdeen HAWL yari iyo TASHWIISH badni. Waxay quutaan oo ku naaxaan tashwiishka iyo jaahwareerka ay ku ridaan dhallinyarada ka qatan fursado waxbarasho iyo waayo-aragnimo ay ku miisaamaan dhacdooyinka saameynta ku leh mustaqbalkooda. Adduunka sidan loogama dhaqmo. Tusaale yar: Madaxweynihii dhintay ee dalka Venezuela Mr. Hugo Chaves ayaa isagoo khudbeynayo caayay madaxweyne Bushka Mareykanka. Saa intaysanba cid muxaafad ah jawaabin, waxaa ugu COD dheeraa Xildhibaan ahaa MUCAARADKA Bush oo xisbiga Dimuqraaddiga ka tirsanaa. Muxuu yiri? Wuxuu Xildhibaan Charles Rangel yiri: ““I want President Chavez to please understand that even though many people in the United States are CRITICAL of our president that we RESENT the fact that he would come to the United States and criticize President Bush.” Calaashaan wuxuu xildhibaankan leeyahay ii daa madaxweynahayga Bush xitaa haddii aan dhaliilsanahay aniguu madaxweyne ii yahaye. Xildhibaan Charles wuxuu ka gilgishay hal erey oo af-lagaaddo ku ahaa Madaxweyne Bush iyadoo la joogo shirkii Qaramada Midoobay ee bishan oo kale Sibteembar ka dhacay New York, 2006. Bal shaqo guri u qaata oo soo magacaaba hal xildhibaan oo kuwa mucaaradka sheegto ah oo u hiilliyay Madaxweynaha Soomaaliya markii ay isqabteen shisheeyaha sida shirkadda DP World ama Kenya. Bishii March 2018, ninka hoggaamiyo shirkadda DP World markuu jeesjees la yiri Soomaaliya wax talo ah kuma lahan heshiiska Dekedda Berbera xildhibaankee ka dhiidhiyay oo mucaarad ah? (Wuxuu yiri: “Somalia can’t change anything about the tripartite agreement.”) SADDEX – XISBIYADA MUCAARADKA Qolada saddexaad iyagu awood ma leh: waana xisbiyada qabiileysan ee mucaaradka. Misana iyagoon awood laheyn bay la saftaan oo u bururaan shisheeyaha. Waxay u dhuuntaan shirarka lagu dhagrayo Soomaaliya. Marna uma hiilliyaan qaddiyadda qaranka. Xasuuso, “Qosolba mar buu hiil galaa.” – waa maahmaah Soomaaliyeed. Qosolkii xitaa way ka bakheyleen qaranka. Waxay ku naaxaan sheegsheegidda iyo buunbuuninta gefafka Dowladda iyagoo isla markaana xaqiro waxqabadka iyo dedaalka Dowladda Dhexe. Isku soo duub, wuxuu akhristuhu ku doodi karaa qoraalkan waa aragti meel u janjeero. Sax. Horta ma jirto aragti aan dhinac u janjeerin. Weligeedba waxa is hayay LILLAAHI iyo LAQDABO. Su’aashuse waxay tahay dhinacee u janjeersan? Ma lillaahi? Mise laqdabo? Ma qarannimo? Mise qabyaalad? Ma dowladnimo? Mise dullinnimo? Runtii magaca iyo haybta qofka kursiga ku fadhiyo micno ma sameeyaan. Keliya waxaa macno sameeyo xukuumaddii laga helo arrimo ay ka mid yihiin: 1 – hawl badni isla xisaabtan leh; 2 – dib u soo nooleynta haykalka dowladimo heer qaran iyo heer caalamiba; 3 – ku dhaqanka siyaasad wadashaqeyn ah oo ka maran isqabqabsiga madaxweyne iyo raysal-wasaarihiisa; 4 – yureynta daneystaha sokeeye iyo shisheeye ee u soo walaahoobayo kheyraadka Soomaaliya; 5 – dhisidda, taageeridda, iyo xannaaneynta Ciidanka Xoogga Dalka; iyo 6 – islaaxinta iyo dib-u-heshiisiinta beelaha. Dowladdii intaas ku hawlan shacabkeeda saddex XIL baa saaran: kow, in shacabku taageero dowladda sifooyinkaas leh iyadoo loo muujinayo in abaal looga hayo waxqabadkooda; labo, in shacabku uu Dowladda uga naseexeeyo wixii gef ah ee aan laga aamusin; iyo saddex, in shacabku yureeyo daneystayaasha isku soo baheystay deminta rajada Soomaaliya. Wabillaahi Towfiiq Qalinkii: Abdullahi Janno​ Email: abdullahi.janno@gmail.com facebook.com/AbdullahiJanno1 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Farmaajo oo dhalleeceyn xooggan kala kulmay sawir uu la galay Kornayl TUKE Saacadihii lasoo dhaafay waxaa inta badan Baraha Bulshada qabsaday dood ku aadan Sawir uu Madaxweyne Farmaajo la galay Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo Maxkamad ku taalla Mareykanka ay ku eedeysay xasuuq dad Soomaaliyeed oo ku sugnaa Gibilay Somaliland xilligii Siyaad bare. Madaxweynaha ayaa Cambaareyn kala kulmay sawirkaas, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo bulshadda isticmaasha baraha bulshada ayaa Madaxweynaha aad ugu dhaliilay in maanta uu kiciyay dareenka Ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay gacanta maamulkii Milatariga. “Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed” Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya. Xeerbeegti Maraykan ah ayaa dambi ku heshay Kornayl Yusuf Cabdi Cali oo ku magac-dheer Kornayl Tuke, isaoo la sheegay inuu jirdil gaystay xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya Kornaylka ayaa maalmihii ugu dambeeyay taxi wade ka ahaa gobolka Virginia ee dalka Maraykank, ka hor intaan shaqadaas laga joojinin. Konrnayl Tuke ayaa waxaa dacwo ka gudbiyay Farxaan Taani Warfa, oo sheegay inuu jirdil iyo toogasho u gaystay Waxaa lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw gaaraya 500,000 oo doollar. Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke? Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter. Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland. Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay. Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay. Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo. Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006. Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in si hoose uu baartiaan saf mar ah ugu socdo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo kan maamulka gobolka Banaadir. Shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamulka gobolka oo la tuhunsanyahay in ay ku dhex jiraan kuwo si hoose ula shageeya Al-Shabaab ayaa waax waax loo baaraa, iyadoo baaritaan dheer kadib loo diro xildhibaankooda, si uu u damiinto asagana loogu raacdo waxii dhib ah oo uu gaysto shakhsiga shaqaalaha ah. Waxaa jira warar sheegaya in shaqaalaha dowladda laga dhex helay kuwo la shaqeeya ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jiera dowladda, wiil ka tirsanaa shaqaalaha dowladda gaar ahaan wasaaradda warfaafinta ayaa muddo sanad ah u xiran hay’adaha amniga dowladda, kaas oo laga dhex qabtay wasaaradda oo uu ka shaqeynayay qeybta ID CARADA. Shaqaalaha gobolka Banaadir ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waax waax loo gaynayay godka Jilicow, waxaana qof qof loola yeelanayay wareysiyo dhaa-dheer, iyadoo la sheegay in ay jiraan qaar looga shakiyay in ay si hoose ula shaqeeyaan Al-Shabaab. Waaxyaha ay kala hoostagaan shaqaalaha gobolka ayaa si guud loogu amray in waax kasta ay soo gudbiso liiska shaqaalaheeda, iyadoo la faray in ay fiiro gaar ah u yeeshaan shaqaalaha iska maqan ama qaata fasaxyada dhaa-dheer. Qaar ka mid ah shaqaalaha gobolka, ayaa Caasimada Online u sheegay in ay qabaan baqdin xoogan, maadaama ay tuhunsanyihiin in baaritaan kusoo wajahanyahay xataa iyagoo sheegaya in aysan wax isku ogayn. Tuhunkaan sababay in baaritaan lagu bilaabo shaqaalaha dowladda ayaa soo bilaawday wixii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka, kaas oo lagu dilay todoba ka mid ah mas’uuliyiintii maamulka gobolka oo uu ku jiray guddoomiyihii gobolka Cabdiraxmaan Yariisow. Qaraxaas oo la sheegay in ay fulisay gabar in dhool ah oo ka mid ahayd shaqaalaha gobolka Banaadir, taas oo lagu magacaabi jiray Basiiro Cabdi Maxamed. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Muqdisho Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aalo ka keenay khudbaddii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay xafladdii uu xariga uga jarayay safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka, taas oo uu sheegay madaxweynuhu in ay dowladda Soomaaliya iibsatay dhismaha safaaradda Xildhibaan Abuukaate ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in madaxweynaha uu weydiin lahaa kharashii ku baxay duminta maamul goboleedyada dalka. “Waxaan dhageystay Madaxwene Farmaajo oo qudbad kajeedinaayo xaflad Xariga looga jarayay dhisme ee Yeelaneeso Safaarada Somalia ee USA Taas uu ku Sheegay Inee Lacagta Dhismahaas Lagugaday Uu ka keenay Lacagihii Raisalwasaarayaasha Lagu Ridi jiray oo uu Beeqaamiyay Taas Oo Keentay in Loo iibiyo safaarada Dhismahaas, waxaan weydiin lahaa Madaxweynaha Lacagihii Malaayiinta ahey oo uu Kubur biriyay maamul gobaleedyada Hirshabeelle,K/Galbeed,Puntland,Gobalka Banaadir, Galmudug, haddana Lagu Burburinaayo Jubbaland iyo kuwa soo socdaba” ayuu ku yiri qoraalkiisa xildhibaanku. “Hadaba Lacagaaas ayada Hadii la beeqaamin lahaaa Intee Dhisme ee Noo iibin laheyd Ama Adeeg Bulsho Noogu Qabsoomi Laheyd?”ayuu kusoo gaba gabeeyay su’aalihiisa Xildhibaanku. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada uu dhamaaday waqtigii xilheyntooda ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay dhawaan ku dhawaaqayaa kudlad ay ugu magacdareen badbaadada Galmudug. Xubnahaan oo sheegay in ay kor u dhaafayaan 30 xildhibaan ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Axada barito ay ku dhawaaqi doonaan gole badbaado oo ay sheegeen in ay ku badbaadinayaan maamulka Galmudug. Xildhibaanadaas oo hadda ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka cabanaya fara galin ay sheegeen in maamulkaas ay ku heyso dowladda federaaka Soomaaliya, oo adeegsaneysa xildhibaanada federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Galmudug. Maalmaha nasoo aadan ayey sheegeen xubnahaas in ay dooranayaan guddoomiye iyo ku-xigeen, waxaana hadda guddoomiye ku meel gaara u ah xildhibaan Shaacir Sheegow oo aad ugu dhaw hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna oo uu ka mid ahaa xildhibaanadii ay kula biireen Galmudug. Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada ku howlan dhismaha kudladaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ay taageero buuxda ka heystaan hoggaanka Ahlu-Sunna gaar ahaan Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta ka hadlay wada-hadala Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo muddo badan hakad ku jira. Ismaaciil Cumar Geelle oo u warramayey VOA ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadaladaasi, isagoona sheegay inuu filayo inay dhawaan dib u bilaaban doonaan. Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wada-hadaladaasi uu qeyb ka noqon doono Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, isla markaana ay dib u amba qaadi doonaan wada-hadalada labada dhinac. Geelle ayaa waxa kale oo uu ka hadlay iskaashiga dalalka gobolka, isagoona hoosta ka xariiqay muhiimada uu leeyahay iskaashigaasi, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Anaga xagayaga rajadu way badan tahay waxaana dhex jooga Raysal wasaaraha Itoobiya”. “Wada-hadaladaana dhawaan inan dib u ambo qaadno, laakiin imika wax iska hor imaad ah cabasho aan leenahay ama aan doonayno inaanu muujinaa majirto. Wada-hadalkana waan ku rajo weynahay dharaar aan dheerayn inaan soo saarno dhankii toosnaa inaan u dhaqaaqno”. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii dee anaga lanaga maarmayo waxba kama qabno laakiin iskaashiga ama is dhexgalka ama wax wada qabsiga waxa asaas u ah dhaqaalaha, waxaan dee anagu ku horraynaa dhaqaalahaasi anaga oo garanayna inaan dadka isku socodkooda uu gadhwadeen u yahay dhaqaalaha”. “Dhaqaalaha inaan ka bilawno horumarin badan ayaanu ku samaynay waanaga tareen samaynay waanaga maarsooyinkii ballaadhinay waanaga igaad dib u xarakaynay taas badda aad sheegayso mid wayn oo uu markaynku wado ayaa jirta iyo sucuudiga iyo waddamada khaliijka, kaana waan ku dhex jirnaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya dhawaan dib u furmi doonaan. Madaxweyne Geele, oo u waramay laanta Afka Soomaliga ee VOA, wuxuu sheegay inuu ku rajo weynayahay in wada hadaladaasi dhawaan dib u bilaabmi doonaan. Mar la weydiiyay xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya, wuxuu yidhi “Anaga xagayaga rajadu way badan tahay waxaa na dhex jooga Raysalwasaaraha Itoobiya, wada hadalladana dhawaan inan dib u ambo qaadno laakiin imika wax imika iska hor imaad ah cabasho aan leenahay ama aan doonayno inaanu muujinaa majirto. Wada hadalkana waan ku rajo weynahay dharaar aan dheerayn inaan soo saarno dhankii toosnaa inaan u dhaqaaqno” Isagoo ka hadlaya iskaashiga dalalka gobalka wuxuu Madaxweyne Geele yidhi “Haddii dee anaga lanaga maarmayo waxba kama qabno laakiin iskaashiga ama is dhexgalka ama wax wada qabsiga waxa asaas u ah dhaqaalaha, waxaan dee anagu ku horraynaa dhaqaalahaasi anaga oo garanayna inaan dadka isku socodkooda uu gadhwadeen u yahay dhaqaalaha. Dhaqaalaha inaan ka bilawno horumarin badan ayaanu ku samaynay waanaga tareen samaynay waanaga maarsooyinkii ballaadhinay waanaga igaad dib u xarakaynay taas badda aad sheegayso mid wayn oo uu markaynku wado ayaa jirta iyo sucuudiga iyo waddamada khaliijka, kaana waan ku dhex jirnaa.” Geeska Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa caawa ku dhowaaqday inay si rasmi ah u fasaxday duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii todobaadkii hore ay xayiraad saartay. Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Aadan Isaaq Cali oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu fasaxday duulimaadyadii rayidka ahaa, kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo, sida uu yiri. “Kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo dowladda federaalka waxay fasaxday duulimaadyadii rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta. Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in iminka ka dib ay duulimaadyada magaalada Kismaayo lamid noqon doonaan duulimaadyada kale ee ka hawlgala magaalooyinka kale ee dalka. Tani ayaa ku soo aadaya, xilli xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ay maalmahihii la soo dhaafay ku xanibnaayeen magaalada Kismaayo. Hay’adda Duulista Hawada Somaliya ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in si ku meel gaar ahi loo joojiyay duulimaadyadii taggi jiray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, muddo saddex maalmood ah. Si kastaba, waxaa weli qasab ah in duuliimaadyadii Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee dalka iyo kuwii dibedda iyo Kismaayo ay soo maraan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimadaive.com
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-28092019.mp3 View the full article
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dalkeeda uu soo galay madaxii hore ee amniyaatka kooxda Al-Shabaab, Cabdiwaaxi Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun. Booliska dalka Kenya ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda twitter-ka ku sheegay in Ciise Tarabuun uu Kenya soo galay 24-kii September 2019. Si kastaba booliiska ma aysan shaacin sida Ciise Tarabuun uu dalkaas kusoo galay. Qoraalka booliska Kenya oo uu wehliyey sawirka Ciise Tarabuun ayaa dadweynaha Kenya looga codsaday inay saldhig boolis ee ugu horreeyey kusoo war-geliyaan haddii ay arkaan ama ay helaan akhbaar la xiriirta Ciise Tarabuun. The National Police Service wishes to inform Mr. Abdiwaahid Khalif Abdi alias Ise Tarabuun whose photograph appears below, a Somali national believed to have arrived in Kenya on September 24th 2019 to report to the nearest police station with immediate effect. 1/2 pic.twitter.com/asW6kcb9HA — National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) September 28, 2019 Waxaa yaab leh warka kasoo baxay Kenya oo su’aalo bdan dhalinaya, sababtoo ah Ciise Tarabuun waxaa markii ugu dambeysay lagu ogaa inuu ku jiray gacanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa 19-kii June, 2017 shaaca ka qaaday in howlgal laga sameeyey qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha lagu soo qabtay Ciise Tarabuun oo xiligaas ahaa madaxii amniyaatka Al-Shabaab. Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xiligaas sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Ciise Tarabuun uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka xasilinta caasimadda. Sidaas darteed, waxaa su’aal ka taagan tahay sida Ciise Tarabuun uu ku gaaray dalka Kenya, isaga oo ku jira gacanta dowladda. Ma ayada oo aan la shaacin ayaa la siiyey? Ma dowladda Kenya ayaa been sheegeysa oo Ciise Tarabuun dalkeeda soo ma gelin? Mise dowladda Soomaaliya ayaa markii hore been sheegtay oo ma aysan qabin Ciise Tarabuun? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Bileyska Kenya waxay ku war galinayaan Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo Kenya Soo galay 24 bishaan Septembar inuu Booliska ugu dhow la xiriiro. Lama shaacin meesha [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online – Kooxda al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay beegsiga ay ku hayaan injineeradda u dhashay dalka Turkiga ee lagu wareejiyay dhismaha wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Guddoomiyaha hay’adda Turkisha ee Maarif, Birol Akgün ayaa sheegay in weeraradada lagu hayo injineeradda Turkiga uu qayb ka yahay beegsada ay Shabaabku ku hayaan hay’adaha iyo shirkadaha Turkiga ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya. Birol Akgün ayaa sheegay in Shabaabka ay doonayaan in la hakiyo dhismaha waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, si uusan u fududaanin isku socodka labadda magaalo. 12-kii May 2019, nawaaxiga isgoyska Taleex waxaa qarax lagula beegsaday injineer Turkish ah, iyadoo dhaawac darran oo qaraxaasi uu ka soo gaaray uu markii danbe ugu geeriyooday gudaha isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. 18-kii bishan 2019, sidoo kale injineer kale oo Turkish ah oo saarnaa gaari Hilux ah ayaa lagu qarxiyay inta u dhaxeysa jaamacada Shabelle iyo Weydoow. Birol Akgün ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan marnaba ku guulesan doonin inay Turkish-ka ka hor-istaagaan caawinta iyo gacan siinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. (SLT-Buuhoodle)-Wasiirro Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Buuhoodle, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Ku Meel-gaadhka Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo hadda ku sugan wadanka ingiriiska ayaa ka hadlay sababta uu uga maqan yahay shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI oo maanta ka furmay magaaladda Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Farmaajo And Col. Tuke Photographed Together The head of the federal government in Somalia, Mohamed Abdillahi Mohamed, Farmaajo, took a photo with convicted war criminal, Col.Yusuf Abdi Ali, “Tuke”. Colonel Tuke was found guilty of torture at a Virginia Court earlier this year and is facing deportation from the United States of America. The Colonel has previously been deported from Canada for lying in his asylum application. The photo was taken at a ceremony to open the new Somali embassy in Washington, DC. Ali Mohamed Abokor ruraledcomm@yahoo.co.uk Qaran News
  16. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday sharci-weyne caalami ah oo ka dhacaya Muqdisho. Kulankaasi oo ay kasoo qeybgeli doonan in ka badan 40-dowladood ayaa ka qabsoomaya magaala madaxda 1-da illaa iyo 2-da October. Wasiiru’dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud ayaa xusay in dowladda ay go’aansatay martigelinta shirka. Maalinta koowaad ayaa waxaa warbixino jeedin doona Wasaaradaha qaabilsan tubaha kala duwan ee horumarinta Qaranka. Mr Xaamuud ayaa hoosta ka xariiqay in maalinta labaad ay khudbado ka jeedin doonan madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyadda. Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ka qeybgeli doona shirka, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiiru dowlaha oo warbaahinta ka hadlay. Talaabadan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya martigeliso shir caalami ah oo ay ka qeybgalayaan wadamo kala duwan oo aad u badan. View the full article
  17. Hargeysa (Caasimadda Online) – Cali Khaliif Galayr oo horey usoo qabtay xilal kala duwan oo ay ugu dambeysay xilkii madaxweynimo ee Maamulkii la magac baxay Khaatuma State ayaa ka dhawaajiyey inay Somaliland halis ugu jirto Kacdoon. Cali Khaliif ayaa hadalkaan ka sheegay shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo ahaa Furitaanka shirka Golaha dhexe oo ka furmay Hargeysa. Galeyr ayaa xusay inay Somaliland qarka u saaran tahay kacdoon Dhallinyaro isagoo sii raaciyey in haddii aan wax laga qaban la is waydiin doono halka uu ku dambeeyo Masiirka Somaliland sida uu hadalka u dhigay. Cali Khaliif ayaa yiri “Ma dooneyno Somaliland ay leedahay hal Reer balse waxaa u baahanahay Somaliland la wada leeyahay” . Wuxuu Maamulka Somaliland ku eedeeyey inaysan wax tixgelin ah siin dhallinyarada kasoo qallin jabiyo Jaamacadaha, wuxuuna sheegay inay taas keentay inay ku dhammaadaan Badda sida uu hadalka u dhigay. Cali Khaliif oo maalmihii dambe eedeyn u jeedinayey Maamulka Somaliland ayaa ka xumaaday inay Somaliland fullin weysay heshiiskii ay wada galeen Sanadkii 2017 markaas oo uu Cali ogolaaday inuu meesha ka saaro Maamulkii Khaatumo State. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-28092019.mp3 View the full article
  19. Somaliland: Waddani Conference Gets Under Way In Burco The Somaliland main opposition party, Waddani, began it’s central committee conference in Burco on Saturday September 28th, 2019. The conference which has been attended by delegates from across Somaliland, as well as, members from the diaspora follows the recent conference by UCID in Burco. The main topics of the conference is the preparation from future parliamentary and local elections. The prospective elections scheduled for December, 2019, have been postponed, once again. One of the main highlights of the first day was a speech by Dr. Ali Khalif Galaydh. In his speech, Dr. Ali Khalif stressed the need to engage with the communities in Sool and southern Togdheer with regard to inclusion and representation in future Somaliland parliaments. Also speaking on the first day, was the former Information minister and presidential adviser, Abdillahi Osman Geeljire. Abdillahi Geeljire was expelled from Kulmiye along with several other senior party members and declared his new membership of Waddani. The conference is also being attended by observer delegates from Somaliland’s two other political parties, Kulmiye and UCID. Qaran News
  20. New York (Caasimadda Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa inta badan Baraha Bulshada qabsaday dood ku aadan Sawir uu Madaxweyne Farmaajo la galay Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo Maxkamad ku taalla Mareykanka ay ku eedeysay xasuuq dad Soomaaliyeed oo ku sugnaa Gibilay Somaliland xilligii Siyaad bare. Madaxweynaha ayaa Cambaareyn kala kulmay sawirkaas, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo bulshadda isticmaasha baraha bulshada ayaa Madaxweynaha aad ugu dhaliilay in maanta uu kiciyay dareenka Ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay gacanta maamulkii Milatariga. “Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed” Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya. Xeerbeegti Maraykan ah ayaa dambi ku heshay Kornayl Yusuf Cabdi Cali oo ku magac-dheer Kornayl Tuke, isaoo la sheegay inuu jirdil gaystay xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya Kornaylka ayaa maalmihii ugu dambeeyay taxi wade ka ahaa gobolka Virginia ee dalka Maraykank, ka hor intaan shaqadaas laga joojinin. Konrnayl Tuke ayaa waxaa dacwo ka gudbiyay Farxaan Taani Warfa, oo sheegay inuu jirdil iyo toogasho u gaystay Waxaa lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw gaaraya 500,000 oo doollar. Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke? Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter. Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland. Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay. Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay. Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo. Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006. Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska New York caasimada@live.com
  21. MOGADISHU (HOL) - The Federal Government has lifted the 24 hour travel restriction for flights heading to Kismayu. Source: Hiiraan Online
  22. New York (Caasimadda Online) – Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Qaramada Midoobay kala hadlay xaaladda Siyaasadeed iyo midda amni ee Dalka Soomaaliya ku jiro. James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Anwar Gargash. Wakaaladaha Wararka ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa faafiyey inay labada Mas’uul ka wada hadleen Amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya. Anwar Gargash ayaa Mr. James u xaqiijiyey in Imaaraadka ay tixgelineyso muddo xilliyeedka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. James ayaa Bishii May loosoo magacaabay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kadib markii ay Dowladda Soomaaliya Ceyrisay ergeygii hore ee Heysom kadib markii ay ku eedeysay inuu faragelin ku sameeyey Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Dowladaha saameynta ku leh Soomaaliya, waxayna dhawr jeer faragelin ku sameysay Arrimaha Soomaaliya, iyadoo heshiisyo aysan Dowladda Dhexe ka warqabin la saxiixatay qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maamulo qaar ka tirsan Dekaddaha iyo Garoomda Diyaaradaha ee Soomaaliya ku yaal iyadoo aysan jirin xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeyo Dowladda Dhexe. Caasimada Online Xafiiska New York caasimada@live.com