Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye Oo U Hanjabay Mulkiileyaasha Telefishannada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarruunta gudoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe. Ajendaha kulanka uu guddiga la yeeshay wasiiradda ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka. wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa guddiga uga warbixay qaabka ay u sugi karaan amaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhici doonta 2021-ka. guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab} ayaa kaga mahadceliyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida wanaagsan oo ay ugu sharaxeen guddiga sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka koobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2021-ka. guddiga ayaa waday kulamo uu la qaadanayo cid walboo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay. kulanka uu guddigga la yeeshay wasiiradda Amniga Iyo Gaashaandhigga ayaa ugu dambeeyntii kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan.
  3. MOGADISHU (HOL) - Hundreds of goats and sheep which had been confiscated by Al-Shabaab were recovered Tuesday by Somali security forces in Gedo region. Source: Hiiraan Online
  4. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay isgoyska Fakax ee magaalada Muqdisho. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari Cara Kadis ah iyo Mooto watay Qaad, xilli ay marayeen agagaarka busteejada baabuurta aada magaalada Jowhar. Ugu yaraan hal qof oo ahaa wadihii Mootada ayaa ku dhintay shilkaasi, sida uu Shabelle u xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu qofkan inoo sheegay in kiiska shilkaasi ay la wareegeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/sss.mp3 View the full article
  5. JIGJIGA (HOL) - The much-anticipated referendum which would grant self-rule to the Sidama community in southern Ethiopia has been postponed following delays in preparation. Source: Hiiraan Online
  6. Somalia is thriving due to aid from Turkey in mostly development and social projects through the Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA). Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna. Vecchi ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in dalkiisu ay saaxiib dhaw la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye labada dal. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa todobaadkan qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay IGAD oo ka qeybgalay xaflad lagu furayey aqal ama beer la dhigo(Unity Park), oo lagu keydiyo taariikhda madaxdii Itoobiya laga soo bilaabo boqor Menelik. Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlayaa ayaa Abiy Axmed uga mahadceliyey inuu dib u dhiso goobtaas, xusana taariikhda hoggaamiyeyaasha Itoobiya, “Waxaa aqalka ku hareereysan taariikh iyo sharaf, Itoobiya waa goob ay dadka Soomaaliyeed u soo doontaan ganacsi iyo dalxiis”. Haddaba, waa run in hadda uu aad u wanaagsan yahay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, laakin madaxda goobtaas lagu soo bandhigay taariikhdooda, la weyneynayo, lana maamuusayo, madaxweynaha Soomaaliyana uu ammaanay waxaa ka mid ahaa boqoradda Menelik iyo Haile Selassie, hana ka reebin Mengistu Haile Mariam. Menelik oo ahaa boqorka 1989-1935, waxaa lagu sheegaa in ahaa aasaasaha Itoobiyada cusub, mana fiicneyn aragtidiisa Soomaaliya, oo waxaa uu rumeysanaa in dadkeenna adoomo u ahaayeen Itoobiya ilaa muslimiinta xoreeyaan. Xilli uu Ingiriiska kala hadlayey cidda maamuleysa Soomaaliya, Menelik waxaa uu London ku yiri “Soomaaliya waa hore, ka hor inta aaney Muslimiinta ku soo duulin, waxaa ay raaci jireen xoolaha dadka Itoobiyaanka ee aan ku noolaan karin dhulka hooseeya”, waxaa uu qabay in Soomaalida adoomo ahaayeen, laakn Ingiriiska ayaa arrintaas ku diiday. Haile Selassie, 44 sano ayuu ahaa boqorka Itoobiya ( 1930 -1974), waxaa uu ahaa ninkii gobolka Soomaali galbeed ama Ogaden kala wareegay Ingiriiska July 24, 1948, la dagaali jiaray The Ogaden Liberation Front (OLF) iyo dagaalo badan oo midkii 64-tii qaranigii tagay ka mid ahaana Soomaaliya la galay. Mengistu Haile Mariam oo ka mid ah madaxda xarunta la dhigay waxaa uu ahaa ninkii lala galay dagaalkii 77 ee xoreynta Soomaali galbeed, in ka badan 10,000 ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, tilaabadan Farmaajana waxaa ay dhaawac ku tahay shuhadada iyo caruurtooda. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarruunta gudoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe. Ajendaha kulanka uu guddiga la yeeshay wasiiradda ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka. wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa guddiga uga warbixay qaabka ay u sugi karaan amaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhici doonta 2021-ka. guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab} ayaa kaga mahadceliyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida wanaagsan oo ay ugu sharaxeen guddiga sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka koobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2021-ka. guddiga ayaa waday kulamo uu la qaadanayo cid walboo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay. kulanka uu guddigga la yeeshay wasiiradda Amniga Iyo Gaashaandhigga ayaa ugu dambeeyntii kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Kadib markii dhawaan shaqada laga ruqseeyay 9 agaasime oo katirsanaa dowladda hoose ‘Garowe’, ayaa wasaaradda arrimaha Puntland, waxay amartay in agaasimayaasha soo socda laga shan xubnood oo kaliya. Sida Puntland Post xogta ku heshay wasaaradda arrimaha gudaha waxay bayaamisay in la raaco xeerka degmooyinka Puntland iyo dowladdaha hoose oo qoraya in shan xubnood laga dhigo agaasimayaasha. Haddii sidaan laga dhigo, waxaa meesha ka bixidoono afar agaasime, iyadoo guddiga loo xilsaaray agaasimayaasha cusub lagu wado inay wax ka bedel ku sameeyaan qaab-dhismeedkii hore ee agaasimayaasha lagana dhigo sida ay wasaaraddu amartay. Guddiga oo ka kooban xubno katirsan golaha degaanka iyo aqoonyahanno ah, ayaa dhawaan lagu wadaa inay imtixaanka ka qaadaan dadka soo codsaday boosaska bannaan, haddii ay buuxiyaan sharuudaha laga rabo. PUNTLAND POST The post D/hoose Garowe oo la faray in ay 5 xubnood kusoo koobto agaasimayaasheeda appeared first on Puntland Post.
  11. Wararka naga soo gaaraya Sh/ Hoose ayaa sheegaya in maanta labo gawaari oo siday Qudaar ay kooxo hubeysan ku gubeeyn agagaarka Lambar 50 ee gobolkaasi. Raggan hubeysan ayaa sidoo kale la sheegay in ay afduubteen labo nin oo la socotay gawaaridaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiidkan ay ku soo wajahnaayen dhanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka damneysa dhacdadaasi oo cabsi weyn ku abuurtay dadka deegaanka. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana goobta ay shaqaaqadu ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
  12. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Erdogan oo ka hor hadlayey baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku taageeray howlgalka Milatari ee uu ka wado waqooyiga dalka Syria. Erdogan ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u muujisay garab istaag muhiim ah, xilli dalal badan ay ka horyimaadeen tallaabada Turkiga. “Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa ina y nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga Syria.” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka hortimid bayaan ka dhan ahaa Turkiga oo ka soo baxay Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu dhaleeceynayey howlgalka Milatari ee uu dalkaasi ka wada gudaha dalka Syria. Sidoo kale waxaa Warsaxaadeedkaasi ka dhanka ahaa Turkiga diiday inay ka mid noqoto dowladda Qatar. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana uu mashaariic kala duwan ka fuliyaa magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu tababaro xoogan siiyaa ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  13. Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Ciidamo Sheegay inay ka goosteen Somaliland kuna biireen Puntland, halkan hoose ka Daawo Source
  14. Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, mudae; Maxamed Cabdi Xayir (maareeye), ayaaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyaydhiggiisa Dalka Jabuuti, Mudane; Ridwaan C/llaahi Bahdoon. Wasiiir warfaafinta iyo isgaadhsiinta ee dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon oo booqasho rasmi ah ku soo gaaray Dalkeenna ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay. Labada Wasiir ayaa kawada hadli doona iskaashiga Walaaltimo iyo wax wada qabsi ee warbaahinta Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  15. MOGADISHU (HOL) - Police Commissioner General Abdi Hijar has made changes within the police force in Banaadir region. Source: Hiiraan Online
  16. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qaraxa ayaa la sheegay gaarigiisa loogu xiray taliyaha Saldhigga Waqooyiga Gaalkacyo, Cabdiqani Xabuun, walow uu ka badbaaday isku daygaasi dil. Taliyaha oo la hadlay warnaahinta ayaa sheegay inuu ogaaday in qarax uu ku xiran yahay gaarigiisa, kadib markii uu ka shakiyey, xilli uu doonayey in uu ka baxo gurigiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in daqiiqado yar kadib uu gaariga qarxay, islamarkaana uusan geysan wax khasaare ah. Dhinaca Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahisay baraheeda Internet-ka. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inuu si dirqi ah uga badbaadau taliyaha qeybta bartamaha ee magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliso gudaha Gaalkacyo oo ay ka howlgalaan ciidamo isku dhaf oo loo sameeyey magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-16102019.mp3 View the full article
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo saacadihii la soo dhaafay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in ciidamadaani lagula eegtay waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo. Al-Shabaab oo sheegatay weeraradan ayaa baahisay in qarax koowaad ay ku dishay ilaa afar askari oo Itoobiyaan ahaa, sida ay hadalka u dhigtay. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay deegaanka Mooda Moode, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamad dowladda oo ku aadan qaraxyadaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ciidamada Milatariga Soomaaliyed iyo kuwa AMISOM kula beegsata gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  19. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Erdogan oo goordhow ka hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa u mahadceliyey dalal ay ku jirto Soomaaliya sida ay u taageereen weerarrada uu ka wado gudaha dalka Suuriya. Madaxweyne Recep Erdogan oo arrinkaas ka hadlayey ayaa yiri “ Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa iney nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga Syria”. Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka hortimid bayaanka Jaamacadda Carabta ee ku aadan in la cambaareeyo weerarada ay Turkidu ka wadaan gudana Suuriya, laguna dalbaday iney ka baxaan. Turkiga waxaa uu dowladda federaalka ah ka taageeraa miisaaniyadda, waxaa kale oo uu Muqdisho ku leeyahay saldhig militari uu ku tababaro askarta Soomaalida, maalgeshi badanna waa uu sameeyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com