Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Fadeexado isbiirsaday ayaa dul hoganaya Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo shaqo galinta Somaliland Hinda Jaamac Gaandi kuwaasi oo dhako faar ku riday Shaqaale waynaha Wasaaraddaaasi oo la yaaban talaabooyinka noocan ah waxa ku kalifay wasiiradda. Hinda Jaamac Gaandi oo ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda Muuse Biixi ee CV-gooda aad loo dhaliilo ayaa Waxay sanadkan dhexdiisii safar aan qarsoodi ahayn ku tagtay Dalka Turkiga halkaasi oo ay muddo kooban ku maqnayd. Ujeedada safarkaasi ayaa lagu sheegay inay guri ka iibsatay Turkiga, arintaasi oo markiiba laga ogaaday dadka Reer Somaliland ee Dalka Turkiga ku sugan oo u dhabo galay safarka Wasiiradda, balse lama lasheegin lacagta gurigaasi ku kacay. Sidoo kale waxay dhawaan Wafti Wasaaradda ka baxay oo kasoo laabtay Dalka Jarmalka ay raacisay Wiil ay edo u tahay oo ay dhawaan Wasaaradda keentay, kaasi oo ay u magacawday Xafiiska ama Agaasimaha Waaxda Shaqo abuurka Axmed Faarax Cawad. Wiilkan ayaa ka dhuuntay safarkii uu la socday waxaanay Hay’addii qaaday illaa hadda dabagal ugu jirtaa sidii ay u soo qaban lahayd. Wararka wasaaradda laga helayo ayaa sheegaya in Wasiiraddo wiilkan edo u tahay islamarkaana ay ugu talo gashay inay fakiso. Waa fadeexaddii ugu waynayd ee Wasaaradda soo martay intii ay jirtay, waxaanay arintani saamayn ku yeelanaysaa wada shaqayntii ay la lahayd Hay’addaha caalamiga ah. Hinda oo laabta ku haysatay CV-geeda islamarkaana iska dhaadhicisay inaanay Wasaaradda ku raagayn ayaa tan iyo markii ay Wasaaradda Timid waxay ku mashquulsanayn dhaqaale urursi, waxay Wasaaradda ka dhex samaysatay laba xafiis oo ay lacag ku urursato, Xafiiska diwaangalinta shaqaalaha Ajaaniibta ah oo ay ka qaado 100- dollars iyo Xafiiska Diwangalinta Shaqaalaha Rayidka ah oo isna lacag intaasi ka yar ay ka qaado, lacagtaasi kuma dhacdo qasnadda dawladda balse waxa qaybsada iyadda iyo Dad ay mashruucaasi u xidhay. Shaqaalaha Wasaaradda ayaa sheegay inay Hinda Jaamac hal Hays u leedahay “Hawshaasi maxaa inoogu jira”. Iyadoo ay haboonayd qofka wasaaraddaasi la keenayaa inuu luuqado badan ku hadlo ugu yaraan Ingiriisida iyo Carabida, marka loo eego Hay’addaha ku xidhan, ayaa hinda waxay arintaasi iskaga kabtaa wiil ay Edo u tahay oo turjumaan u ah, waxaanay arintani fajiciso ku ridaa Hay’addaha la shaqeeya sababta loo candadoolay Wasaaradda ee loo bahdilay. Hinda Jaamac Gaandi sababta ugu wayn ee ay guriga uga iibsatay Turkiga ayaa waxa lagu sheegayaa inay ku kaliftay Cabsi ay ka qabto in xilka laga qaado, waxaana iska caadi ah in Masuulka Somaliland marka xilka laga qaado inaan lala xisaabtamin ee la iskaga hadho. Lasoco Xogo Kale Oo Xasaasi Ah … W/Q Haybe Cali Jaamac. Source
  2. (SLT-Iran)-Taliyaha guud ee ciidanka kacaanka Iiraan Janaraal Maxamed Baqeeri ayaa sheegay inay awood u leeyihiin ka hortagida cadow kasta oo ku soo xadgudba Iiraan. Janaraal Baqeeri ayaa hadalkaan ka jeediyay xaflad qaran oo goobjoog ay ka ahaayeen saraakiisha iyo ciidanka Kacaanka. Marka hore ilaah ayaan ku mahdinayaa si aan u wajahno cadow kasta oo isku dayaya inay ku soo xadgudbaan dowlada Islaamiga ah ee Iiraan. Dhanka kale wuxuu intaa raaciyay in dhammaan wadamada isbaheysanaya ay ka warqabaan in Iiraan si adag u diyaar garowday. Bishii June ayay aheyd markii ciidanka kacaanka ay soo rideen diyaarada nooca Drone-ka oo ay lahaayeen millatariga Mareykanka. Iiraan ayaa dhanka kale lagu eedeeyay in ay mas’uul ka aheyd weerarkii 14-kii bishan September lagu qaaday xarun laga soo saaro shidaalka oo ku taalla Sacuudiga. Source
  3. (SLT-Berlin)-Maxkamad ku taalla Jarmalka ayaa waxaa ka soo muuqday rag lagu eedeeyay inay aas aasayeen Nazi-ga cusub si ay ugu adeegsadaan olole ka dhan ah qaxootiga iyo muwaadiniinta Ajnabiga. Raggaan ayaa da’doodu u dhaxeysay 21 kow ilaa 32 sano jir ayaa ka soo muuqday maxkamada fedaraalka magaalada Dresden, ee caasimada u ah gobolka Saxony. Dacwad soo oogaha ayaa ku eedeeyay in shaqsiyaadkan ay ka tirsan yihiin kooxda kacaanka Chemnitz, iyagoo ku howlanaa weeraro hubeysan oo dhiig ku daato. Peter Frank oo ah dacwad soo oogaha guud ee Jarmalka ayaa ku eedeeyay in raggaan ay ka ag dhow yihiin xisbiyada midigta ee diidan soo galootiga. Saraakiisha amniga ayaa aaminsan in eedeysanayaashan ay ku howlanaayeen weeraro hubeysan bishii october ee sannadkii hore intii lagu guda jiray maalinta midnimada Jarmalka. Source
  4. (SLT- Afghanistan)-Musharixiintii u loolamay jagada madaxtinimo ee dalka Afghanistan ee kala ah Cabdala Cabdala iyo madaxweyne Ashraf Ghani ayaa labadooda guullo ka sheegteen Doorashadii dhacday maalintii Sabtida. Hadalka siyaasiyiinta ugu waaweyn Afghanistan ayaa ku soo beegmaya iyadoo wali guddiga doorashada ee loo yaqaan IEC ku guda jiraan tirinta Codadka. Waxaan ku guulleysanay badi codadka la dhiibtay ayuu yidhi Cabdala Cabdala kadib shir Jaraa’id oo uu qabtay Isniintii shalay isaga oo aan soo bandhigin cadeymo. Guddiga doorashada way shaacin doonaan natiijada, balse waxaan heystaa codadka ugu badan oo shacabku dhiibteen, mana la’aadi doono wareeg Kale ayuu yidhi. Mr Cabdala ayaa codsanaya markii saddaxaad waxaana uu hore ugu guul darestay sannadihii 2009 iyo 2014-kii. Dhanka kale Amrullah Saalax oo madaxweyne ku xigeen u ah Ashraf Ghani ayaa tilmaamay in ay iska cadahay in ay guulaysteen, walow aanu isaguna soo bandhigin caddeymo Muuqda. Source
  5. (SLT-Yemen)-Dagaalyahanada Xuutiyiinta Yeman ayaa si shuruud la’aan ah ku sii daayay 350 Maxbuus oo ay ka mid yihiin saddex muwaadin oo u dhashay Sacuudiga. Sii deynta maxaabiistan ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun kadib markii xuutiyiinta ay sheegteen inay nolosha ku qabteen kumaan askari oo ka tirsan millatariga Boqortooyada. War saxaafadeedka oo lagu baahiyay Tv-ga ku hadla afka kooxdan ee Al-Masiirah ayaa intaa lagu daray in ay qeyb ka tahay sii deynta maxaabiistan heshiiskii Stockholm ka dhacay bishii December. Heshiiska oo gadhwadeen ay ka aheyd qaramada midoobay ayaa dhigaya in qodobka koowaad labada dhinac ay isku weydaarsadaan maxaabiis dhan 7,000. Tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore dowlada Yemen iyo Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa la dhibaatoonayay hirgalinta heshiiska nabadeed oo ay Saxeexeen. Source
  6. Waxaa maanta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka furmaya Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 50 dal oo caalamka ah iyo hey’ado dowli ah sida: Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo qaar kale. Shirkan oo 2 maalin ah ayaa xoogga lagu saari-doonaa arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, banii’aadnimada iyo qodobo kale oo muhiim ah geedi-u-socodka Soomaaliya. Ajendaha shirka waxaa ugu muhiimsan in dowladda federaalka ah ay soo gudbiso waxii ka hirgalay “Heshiiskii Iskaashiga Cusub iyo Habdhiska Amniga Qaranka” ee lagu ansixiyey magaalada London bartamihii 2017-kii. Amniga: Dowladda federaalka ah ayaa ilaa hadda ku guuldareysatay qorshayaashii amniga marka laga reebo iney dhameysay wejiga 1-aad ee diiwaan-gelinta ciidamada xoogga dalka iyo bixinta mushaaraadka. Laakin arrimaha la xiriira dhismaha ciidamada xoogga dalka, xoreynta guud ahaan dalka, isku dhafka ciidanka, tayeyta ciidanka iyo kor u qaadista tirada ciidanka oo lagu waday iney gaaraan 18 kun iyo xataa booliika oo ahaa 32 kun dhammaan qodobadaasi waxbo lagama qaban. Siyaasadda: Siyaasadda ilaa hadda dastuurkii waa qabyo, sharcigii doorashooyinka waxaa uu la yalaa baarlamaanka federaalka ah oo la oga goorta uu dhamaanayo, doorashooyin dhacay ayey dowladda federaalka ah ku shubatay, waxaa ay wiiqday awooddii baarlamaanka federaalka ah iyo hey’adda garsoorka, waxaa intaas kaaga daran waxaa shirka maanta ka maqan 2 maamul goboleed oo ay dartood u xayiran yihiin arrimo ay ku jiraan qeybsiga kheyraadka iyo heshiisyo siyaasadeed. Dhaqaalaha: Dhaqaalaha dalka waxaa uu marayaa heerkii ugu hoseeyey, 2-badii sano iyo barkii ay dowladda Farmaajo jirtay waxaa hoos u dhacay dhaqaalaha dalka iyo koboca intaba, waxaa kordhay musuqa, hanti-dhowrka waxaa uu noqday magac u yaal aan la socon waxa dalka ka socda, waxaana meesha ka baxay isla xisaabtanka hey’daha iyada oo dowladda federaalka ah xisaabaad sharci-darro ah ka furatay dalalka dibadda, una isticmaashay arrimho sharci-darro iyo qaar sharci ah. Banii’aadnimada: Arrimaha Banii’aadnimada, waxaa aad u yar roobabka, meelo badan oo dalka ah waxaa ka jirta abaar, Gedo ayey ka timid qeylo-dhaantii ugu dambeysay, meelo walbo oo dalka ilaa waqooyi waxaa ka jirto dhibaato, hey’adaha caalamiga ahna uma bixiyaan sidii la rabay. Ugu dambeyntii, shirkan waxaa uu dhacaa xilli hey’adaha caalamiga aaney ku kalsooneen dowladda Soomaaliya oo wixii lacag ah ama deeq ah waxaa ay u soo mariyaan bangiga adduunka, waxaa kale oo aad u xun xiriirka qaramada midoobey iyo Villa Somalia tan iyo markii la ceyriyey ergeygii hore ee hey’adda, lana xadiday dhaq-dhaqaaqa midka cusub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Muqdish)-Taliska ciidammada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerarkii ay Al-Shabab ku qaaday saldhigga Ballidogle aan wax khasaare ah dhimasho iyo dhaawac kasoo gaadhin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida. Talisku waxa uu sheegay inay gaysteen laba duqaymood, isla markaana ay ku dileen toban ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen mid ka mid ah baabuurta Al-Shabaab. Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa iyaguna sheegtay inay weerarkaasi ku qaadeen saldhigga iyaga oo adeegsanaya baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo weliba maleeshiyaad hubaysan. Source
  8. Hanna Yusuf waxay ka mid ahayd Joornaalistayaasha BBC qaybta Ingiriiska, Waxay ku hadli jirtay lix luuqadood, Shalay ayay ku geeriyootay Magaalada London sida ay sheegeen [...] Source
  9. Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Aafrica (AFRICOM) ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay weerarkii shalay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Maraykanka iyo kuwa xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Balli-doogle ee Shabellaha Hoose iyo sidoo kale duqeyn ay fulliyeen diyaaradahooda. Waxaa lagu sheegay qoraalkan in ciidanka Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya ay jawaab culus ka bixiyeen weerarkaasi, islamarkaana Laba duqeyn oo ay fuliyeen ku burburiyeenn Labo gaari oo ay la socdeen xubno Al-shabaab ah. AFRICOM ayaa sheegtay in ay dileen 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, balse ma aanay sii faah faahin. Dhanka kale, William Gayler oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee howlgallada u qaabilsan Qaarada Afrika ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab ee Balli-doogle uu muujinayo halista ay Al-shabaab weli ku leeyihiin Maraykanka iyo saaxibadiisa caalamka. Ugu dambeyn, AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntii ay fuliyeen iyo sidoo kale weerarkii Al-shabaab ee Balli-doogle aanay jirin cid shacab ah oo waxyeello kasoo gaartay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa qaadacay shirweynaha caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya, kaas oo maanta ka furmaya magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Deni ayaa shuruud adag ku xiray ka qeyb galka shirkan, isagoona dalbaday in lagu casuumo Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland, Axmed Madoobe. Shirkaasi ayaanan lagu casuumin, Axmed Madoobe, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladdu ay shirka ku marti qaaday wasiirka Maaliyadda Jubbaland. Sidoo kale waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kuwaas oo xiriir wanaagsan la leh dowladda dhexe, halka Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo dhowaan ku dhawaaqay inuu ka baxay heshiiska uu la galay dowladda ay u badan tahay inuusan ka qeyb galin shirkaasi. Shirka iskaashiga Soomaaliya oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya in ka badan 50 dowladood oo ka mid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya. Arrimaha looga hadlayo shirkan oo markii hore lagu qaban jiray dalalka Yurub ayaa waxaa ka mid ah Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo puntland ayaa lagu soo waramayaa in aanay ka qeybgali doonin shirka caalamiga ah ee maanta oo Talaado ah ka furmaya magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay casuuntay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani, balse uu isna shuruud uga dhigay in la casuumo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aanay aqoonsaneen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo mar kale loo soo doortay xilkaasi. Maamullada K/galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa ka qeybgali doona shirkan, balse waxaa muuqanaya durba khilaaf siyaasadeed hareeyey shirka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana la ogoleyn isku socodka gaadiidka dadweynaha. Waxaa xiran dhammaan waddooyinka soo gala wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho iyo jidad kale oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha. Waxaa la arkayaa dadweyne u badan arday iyo shaqaale oo cagta maalaya, kuwaasi oo kuu sheegaya inaanay kusoo talogelin xirnaanshiyaha waddooyinka, maadaama aanay jirin digniino hore. Sababta loo xiray waddooyinka ayaa la sheegayaa iney tahay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka si horudhac ah uga hadashay shirka iskaashiga caalamiga ah oo maanta lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay shirkan, waxaana lagu sheegay inuu yahay mid aad muhiim u ah. Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimaha horumarinta Soomaaliya, arrimaha bulshada, dhaqaalaha, amniga, siyaasadda iyo cadaaladda. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kulamo looga hadlayo doorashada Galmudug ay ka socdaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa intooda diirada lagu saarayaa soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug. Shirarkan ayaa waxa ay u dhexeeyaan odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka iyo siyaasiyiin xil doon ah oo ku sugan gudaha magaaladaasi. Dhowaan ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo guddiga doorashada Galmudug, si loo guda galo doorashada baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee maamulkaasi. View the full article
  15. Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu ka furmo shirka madasha iskaashiga Soomaaliya, waxaana ka qeybali doona in ka badan 50 dowladood, kuwaasi oo taageera Soomaaliya. Sidoo kale, shirkan waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood. Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa daah-furi doona shirkan, oo soconaya 1-da illaa 2-da bishan October 2019. Maalinta labaad ee Shirka ayaa waxaa ku soo biiri doono Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyaga oo halkaasi khudbado ka jeedin doonaan. Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaana shirkan kii ka horreeyey lagu qabtay magaalada Brussels 16-kii Luulyo sanadkii 2018. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyey weerar dhanka cirka ah oo uu Isniintii ka fuliyey gobolka Shabeelaha Hoose. War qoraal ah oo ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu shaaciyey in howlgalka ay qaadeen, kadib weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay saldhigga Balidoogle. Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ay uga jawaabayeen weerarka oo qaraxyo ku bilowday ay ku dileen 10 Al-Shabaab ah, kuna burburiyeen hal gaari. War-saxaafadeedka ayaa waxaa meesha looga saarey in waxyeelo rayid soo gaarey ay ka dhalisay duqeynta oo laba aheyd. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadan oo illaa iyo hadda ka soo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa dhankeeda horay u shaacisay in weerarkii Balidoogle ay ku dishay illaa iyo 100-askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa saldhiggaasi. View the full article
  17. Waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa in M/ Muqdisho uu ka furmo shirka iskaashiga Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 50 dowladood. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda. Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoona saaka inta badan ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa la soo dhoobay waddooyinka waa weyn, kuwaas oo xoojinayo amniga Caasimadda. Waa markii ugu horreysay oo shirka iskaashiga Soomaaliya uu ka dhacayo magaalada Muqdisho, iyadoo markii hore lagu qaban jiray dalalka Yurub. Dhinaca kale dowladda federaalka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa soo dhaweysay shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-1102019.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, Iimaan Cadow Karshe oo sheegay in maalmahanba uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho oo uu hawla caafimaad u joogay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in loo diiday in uu ka dhoofo caasimadda. Guddoomiye Iimaan ayaa sidoo kale sheegay in uu hawlo u joogay Muqdisho oo ay kamid yihiin sidii uu dowladda, xildhibanaada iyo waxgaradka uga la hadli lahaa abaaraha ka jira magaaladii uu ka yimid ee Garbahaarey, wuxuuna intaa raaciyay in laga soo celiyay garoonka diyaaradda ee Aadan Cadde. “Waa run, in garoonka la iga celiyay, waxaa dhacday markii aan garoonka galayay in wiilal askar ah ii diidaan in aan diyaaradda raaco, oo ay iga soo celiyaan, waxay ay ii sheegen oo dembi ah oo aan galay oo i qanciyana wali ma hayo, haddii aan iri yaa I heystana waxay igu yiraahdeen anagu waxaan nahay xafiiska nabadsugida ee garoonka, amarkana waxaa nalaga siiyay xafiiska naga sareeya ee nabadsugida, in aad bixin oo bixitaanka aadan u fasaxnayn baa la nalagu amray ee Magaalada ku noqo”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay guddoomiyaha. Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in uu isku dayay in uu ogaado cida heysata, balse wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda uusan garaneyn sababta loo xayiray, kiiska loo heysto iyo cida ka dambeysa arrintan lagu sameeyay. Walaaca uu qabo guddoomiyaha Guddoomiye Iimaan Cadow oo aan xirneyn, balse lagu xanibay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qofka la xiri karo, oo xeerka iyo sharciga uu qabo, balse ay tahay in laga qanciyo sababta loo xiray. “Xorriyadeyda, safarkeygii iyo mas’uuliyadeydii aan hayay intaba in lagu xadgudbay ayaa ii muuqata, nabadgelyadeydii iyo noolasheydii aysan ahayn mid caadi ah oo khatar ay tahay, oo dharkeygii iyo boorsadeydi hadda aan heysanin oo aan garaneynin halka ay jiraan”, ayuu sii raaciyay gudoomiye Iimaan Cadow. BBC-da ayaa la xiriirtay dowladda Soomaaliya, si ay wax uga weydiiso xayaraadda uu sheegay guddoomiyaha Garbaharey, balse nooma aysan suurtagelin in aan wax jawaab ah ka helno. Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mamaulka Jubaland ee ka dhashay doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Kismayo ayaa sii kala fogeeyay labada dhinac, waxaana taas ay keentay in dowladda federaalka ay xayiraad kusoo rogto duulimaadyada taga Kismayo, inkastoo haatan ay tagaan oo go’aankaas ay dowladda ka laabatay. Mar guddoomiyaha Garbaharey wax laga weydiiyay in xayiraadiisa ay arrintaas la xiriirto, maadaama uu ka tirsan yahay dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa uu sheegay in inkastoo uu ka tirsan yahay maamulka Jubaland, hadana khilaafka ka dhaxeeya federaalka iyo Jubaland uusan isaga garsoore ka ahayn, balse uu yahay mas’uul Jubaland ah oo wixi khalad oo u dhaxeeya dhinacyada ay tahay in lagu xaliyo nidaamka, dastuurka iyo goleyaasha barlamaanka. “Aniga muwaadin ummad shaqo u haya oo shaqadiisa iyo xafiiskii uu u socday ayaan ahay, marka cudur daar uma noqon karto waxa ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka in aniga la I xanibo”, ayuu raaciyay. Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda fedeeraalka ee Soomaaliya ay mas’uul ka tirsan maamulka ay is-hayaan ee Jubaland ay falkan oo kale ay ku sameyso oo waxaa guddoomiyaha ka horeeyay wasiirkii amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Janan oo haatan ku xiran Magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa horay shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Janan, wasiirka amninga ee Jubaland oo ay sheegtay in loo haysto “dambiyo culus” oo uu galay. Balse Jubbaland ayaa dhalleeceysay xiritaankiisa, kuna tilmaantay mid siyaasadeysan. Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa iyaduna horay u sheegtay in Cabdirashiid Janan “looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”. Xigasho: BBC. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Tributes paid after BBC News journalist Hanna Yusuf dies aged 27 30 September 2019 UK BBC journalist Hanna Yusuf, whose recent work included an investigation into working [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa saaka si weyn u xoojiyey amniga magaalada Muqdisho oo uu maanta ka furmayo shirweyne caalami ah. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaalya oo la soo dhoobay inta badan gudaha magaalada ayaa xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Caasimada. Sidoo kale ciidamada ayaa dib u celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyadoona shacabka ay u adeegsanayaan cagahaooda. Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shirka iskaashiga Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 50 dowladood. Shirkan oo socon doonto muddo 2 cisho ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda. Waa markii ugu horreysay oo uu shirkan ka dhacayo gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo markii hore lagu qaban jiray dalka dibaddiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba qaaddacday shirka caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu casumay shirkaasi uu ka baaqsaday kadib markii laga diiday shuruud uu watay oo ahayd in madaxweynaha Jubaland isna lagu casumo shirka. Xukuumadda Federaalka ayaa madaxweynaha Jubaland ka reebtay shirka Iskaashiga Soomaaliya maadaama aan weli la xallin khilaafkii ka dhashay doorashadii uu mar kale madaxweynaha ku noqday Axmed Madoobe taasi oo Villa Somalia sheegtay in aysan aqoonsan. Shirka caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli aysan wanaagsaneyn xiriirka dowladda Puntland iyo Villa Somalia oo isku maan-dhaafsan arrima ay ku jirto doorashadii ka dhacday Jubaland. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo qaaddacday shirka Iskaashiga Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.
  23. Baadhitaan ay sameysay hay’adda Amnesty International ayaa lagu shaaciyay in sedex nin oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka geystey Soomaaliya bishii Maarso, ay ahaayeen dad rayid ah oo aan xiriir la laheyn kooxda Alshabab. Amnesty waxay aaminsan tahay in weerarkaasi uu ku xadgudbay sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha – waxayna ugu baaqday dowladda Mareykanka inay sameyso baaritaan buuxa isla markaana ay dajiso nidaam ay dadka Soomaaliyeed ku soo sheegi karaan dhibaatooyinka shacabka ee weerarada Mareykanka. Weerarkaan ayaa wuxuu ka dhacay 18-kii Maarso meel u dhow degaanka Abdow Dibile ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa duqaynta lagu burburiyey gaari nuuca Toyota Surf SUV oo ay la socdeen saddex beeraley ah oo kasoo laabtay beertooda kuna wajahnaa guryahooda oo ku yaalay Muqdisho, Leego iyo Yaaq Bariwayne. Laba ka mid ah dadkii gaariga la socday ayaa isla markiiba ladilay , kuwaas oo kala ahaa darawalkii gaariga, Cabdiqaadir Nuur Ibraahim oo 46 jir ahaa Iiyo braahim Maxamed Xiirey oo 30 jir ahaa. Ninka saddexaad oo lagu magacaabo Nuur Ibraahim oo 46 jir ah, ayaa si xun u gubtay wuxuuna ku dhintay isbitaal ku yaal Muqdisho ku dhawaad seddex toddobaad, kadib markii jirkiisu gubtay 50% “Dowladda Mareykanka waa inay hubisaa oo ay sameysaa baaritaan buuxa, oo aan eex laheyn oo ku saabsan dhamaan eedeymaha lagu kalsoonaan karo ee ku aadan waxyeelada soo gaartay dadka rayidka ah, iyadoo lala xisaabtamayo kuwa masuulka ka ah xadgudubyada iyo in magdhaw lasiiyo dhibanayaasha,” ayaa lagu yidhi warkaan. saddexdaas nin ayaa ka ka tegay 19 carruur ah. Puntland Post The post Hay’adda Amnest oo Maraykanka ku eedeysay inuu dad rayid ah ku dilay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  24. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka warbixisay shirka caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadli doono arrimaha horumarinta dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo looga warbixiyay shirkaasi, ayaa lagu sheegay in uu socon doono mudda laba maalmood ah, inta u dhexaysa 1-da iyo 2-da bishan October, islamarkaana diiradda lagu saari doono; arrimaha bulshada, dhaqaalaha, amniga, siyaasadda iyo caddaaladda waddanka, iyadoo ay ka qeyb-galayan in ka badan 50 dowladood. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhowaysay in gudaha waddanka lagu qabto shirkan oo hore loogu qaban-jiray dalalka yurub, iyadoo ku tilmaantay guul wax ku ool ah oo u soo hoyatay siyaasadda dalka, gaar ahaanna siyaasadda arrimaha dibadda. dowladdu waxa kale oo ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qeyb libaax ka qaatan xasilinta iyo dib u-dhiska dalka. Hoos ka eeg war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo ka warbixisay shirka Iskaashiga Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.
  25. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada online, ayaa Xaqiijinaya in hogaamiyaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu qarka u saaranyahay kacdoon ciidan oo ka dhan ah maamulkiisa. Kooxdii labaad oo ka tirsan ciidamada gaarka u tababaran ee Jubaland, ayaa sameeyay amar diido bareer ah, amarkaas oo ka soo baxay madaxtooyada magaalada Kismaayo ee maamulks Jubaland. Ciidamadaan amar diidada sameeyay ayaa lagu amray in ay soo qabtaan ciidan ku dhow 60 askari oo ka gadooday Jubaland, kuwaas oo la wareegay degaano kamid ah gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dhaxgashay ciidamada Jubaland islamarkaana laga cabsi qabo in maamulkaasi uu wajaho kacdoon ciidan oo taalada looga qaadayo Axmed Madoobe. Lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doono hase yeeshee waxaa taagan walaac laga qabo kacdoon ciidan oo ka bilaawda kismaayo iyo degaanada kale. Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal toos ah iyo mid xeeladeysan ku haysa Axmed Madoobe, si ay uga tuurto awoodda maamulka Jubaland, uguna beddesho qof taageersan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com