Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay safiir cusub u magacowday dalka Koonfur Afrika, sidda ay xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay. Danjiraha cusub, Maxamed Cali Nabadoonka ayaa wuxuu bedelayaa Jamaal Maxamed Barow kaasoo in muddo ah xafiiska joogay. Nabadoonka ayaa wuxuu ku xigeeno u soo noqday Mr Barow iyo Sayid Shariif, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey South Africa. Si lamid ah, Mr Nabadoonka ayaa wuxuu mar soo noqday qunsulkii Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ah dal muhiim u ah xiriirka arrimaha dibadda ee dalkeena. Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali badan, kuwaas oo ku haysta ganacsiyo kala duwan, kuwaas oo la kulmay dilal iyo boob hantiyadeed. Isbedelka ayaa kusoo aadaya iyadda oo xukuumadda federaalka ah ayaa dhowaan shaaca ka qaadey in ay dhisme u iibineyso safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Khaliif Galyr oo ah hogaamiyaha maamulka Khaatuma State ee ku biiray Somaliland islamarkaana ka dhisnaa gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan socdaalkiisa. Caasimada Online ayaa ogaatay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa socdaalka Cali Khaliif Galyr oo maalmo ku sugan caasiamda Soomaaliya ee Muqdisho kadib socdaal uu uga yimid dalka Itoobiya. Madaxweynihii Khaatuma State Mr Cali Khaliif Galyr ayaa magaalada Muqdisho u yimid sababo caafimaad kadib xanuun uu dareemay, ayada oo ay qoyskiisa kula taliyeen in uu aado Muqdisho si loo daaweeyo. Ehallada Mr Galayr ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ku jiro Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho islamarkaana laga daaweynayo kiliyada, sidoo kalane lagu sameynayo baaritaano caafimaad. Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa warar sheegaya in Cali Khaliif Galayr uu u yimid Muqdisho marti-qaad uu ka helay madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana loo adeegsan doono kicin dadweyne oo ka bilaawda gobaladii Khaatuma State ee ku biiray Somaliland kadib markii ay la heshiiyeen hogaaankii Madaxweyne Siilaanyo, balse taas ma muuqato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa ka soo hor muuqday maxkamadda ciidammada Qalabka Sida. Xubnahan ayaa waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira qarax uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, marxuum Cabdirashiid Cusmaan Carab. Carab oo uu la dhintay sarkaal kale oo gaariga la saarnaa ayaa waxaa la qarxiyey bishii April ee sanadkan 2019. Weerarkaas waxaa dusha saaratay xarakada Al-Shabaab oo baraheeda Internet-ka ku baahisay. Qaraxaas ayaa dhaliyey tuhuno kala duwan, waxaana ay sababtay in lasoo xiro labaddan ruux kadib baaritaano qoto dheer. Dhageysiga kiiskooda ayaa socon doona maalmaha soo aadan, waxaana lagu wadaa in kadib xukun laga soo saaro. Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay warbixino iyo caddeymaha, kuwaas oo kiiska horey u sii wadaya loona baahan yahay fadhiyo kale oo lagu dhageysto dhinacyadda ay ka dhaxeysa dooda galkan. View the full article
  4. Beled-xaawo (SMN) – Saraakiil ka tirsan sirdoonka maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu waramayaa in ay magaaladda Beled-xaawo ku afduubteen laba shaqsi. Laba qof oo ganacsato ah ayna kala baxeen hoygooda ayaa waxaa la sheegayaa in qaraabo dhow yihiin madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xubnaha afduubka geystay ayaa waxaa la sheegayaa in ay kasoo jeeda Beesha Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubbaland. Janan oo Muqdisho ku xiran ayaa waxaa loo haystaa in uu geystay dilal, waxaana si rasmi ah u bilaabatay maxkamadeyntiisa. Illo wareedyo ayaaa sheegaya in saraakiisha afduubka geystay ay shuruud kaga dhigeen sii deynta ganacsatadda in xorriyadiisa uu helo Janan. “Janan wuxuu xiran yahay Farmaajo,” ayaa laga soo xigtay saraakiisha oo ku dhaqaaqay fal ku cusub guud ahaan dalka Soomaaliya. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Afduub.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-17102019.mp3 View the full article
  6. Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa meesha qashinka ku riday waraaq uga timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Warqadaan uu Erdogan qashinka ku riday ayaa waxaa la qoray markii Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Suuriya oo ku beegneyd 9-ka Bishaan October. Madaxweyne Trump ayaa Erdogan u sheegay inuusan is adkeyn oo uusan noqon doqon “Ha is adkeynin. Doqon Ha noqon “. Illo wareedyo u dhow madaxtooyada Ankara ayaa BBC u sheegay inuu Erdogan iska diiday waraaqdii uga timid Trump. Waxaa xusid mudan in Maalintii uu Trump waraaqda usoo diray Erdogan inay Ciidamada Turkiga bilaabeen howlgalkooda ka socdo gudaha dalka Siiriya. Waraaqda uu Trump usoo diray Madaxweynaha Turkiga ayaa u qorneyd sidaan: “Heshiis fiican Aan ka wada shaqeyno! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga , Waana sameyn doonaa”. “Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin.” “ Waana kusoo wici doonaa” ayuu kuso gabagabeeyey Trump waraaqda uu u qoray dhigiisa Turkiga. Madaxweyne Trump ayaa la kulmay dhaleeceyn ballaaran oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Siiriya taasoo la sheegay inay Turkiga fursad u siisay howlgalkooda ka socdo Siiriya. Dhaleeceynta ugu badan ayaa wuxuu Trump kala kulmaya Xisbigiisa. Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Xuska Maalinta Shuhadada SNM Oo Si Weyn Looga Xusay Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Madaxweynihii hore ee maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in uu iskusoo sharaxo madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro doorashada soo socota ee 2021. Shariif Sheikh Aadan, oo haatan ah siyaasi madax bananan tan iyo markuu xilka ka dagay, ayaa wareysi uu siiyay Jubbaland Tv, wuxuu ku sheegay in dalka aysan xilligaan ka dhici karin doorasho dadweyne. Wuxuu sheegay madaxda dowladda federalka in aysan waxba ka qaban amniga iyo dastuurka oo ahaa tilaabooyinkii loo baahnaa ee lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah. Shariifku wuxuu soo jeediyay in hadda heshiis la isku raacsan yahay laga gaaro sida ay noqonayso doorashada soo socota. Wuxuu isagu xal u arkaa doorashooyinkii dadbanaa in dib loogu laabto. Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka u dhaliisan xukuumada Villa Soomaaliya. HALKAAN KA DAAWO PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee koonfur galbeed oo ka hadlay damaciisa doorashada 2021 appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT- Ras al-Ain)-Ciidamada Turkiga iyo xulufadooda Suuriya ayaa qabsaday dhul badan oo ka mid ah magaalada muhiimka ah ee Ras al-Ain, halkaasi oo dagaal-yahannada Kurdiyiinta ay iska cabin xoogan ka sameynayeen, waxaa sidaas sheegtay hay’ad la socota dagaallada Suuriya. “Duqeyn xooggan ayaa ku socotay Ras al-Ain saddexdii maalmood ee tagay,” waxaa sidaas yidhi Rami Abdel Rahman oo ah madaxa hay’adda fadhigeedu yahay Britain ee la socoshada xuquuqda aadanaha Suuriya. Ciidammada Turkiga iyo dagaal-yahannada ay taageerayaan ee Carabta iyo Turkmen-ka Suuriya ayaa “la wareegay kala bar magaalada Ras al-Ain, sida uu sheegay Rami. Ciidamada Kuridiyiinta ay hogaamiyaan ee koxoda SDF, oo ay ka awood badiyeen ciidammada Turkiga ee dhulka iyo cirka ayaa lumiyey dhul ballaadhan oo ku teedsan xuduudda Turkiga, tan iyo markii hawl-galka uu billowday 9-kii October. Hase yeeshee, waxay daafac xooggan ka galeen magaalada Ras al-Ain, ayaga oo dhistay aagag dhulka hoostiisa ah oo adag, taasi oo awood u siisay in muddo toddobaad ah ay iska caabiyaan ciidamada Turkiga hoggaaminayo. Si kastaba, iska caabintaas ayaa qarka u saaran inay soo geba gebowdo, ayada oo maanta ay ciidamada Turkiga gacanta ku hayaan bar ka mid ah magaalada. Source
  10. Jowhar (Caasimada Online) – Howlgalloa ballaaran oo socday muddo laba maalmood ah ayaa si wanaagsan ugu qabsoomay ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada booliiska dowladda HirShabelle State. Ciidamada ayaa ka billaabay howlgalka labada maalmood socday tuulooyinka hoos yimaada caasimadda HirShabelle State ee Jowhar illaa tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad. “Sida aad ka war qabtaan dhawaanahaan kooxaha Kawaarijta ayaa kasoo hayaamay gulufkii dagaalka oo ay ku qaadeen ciidamada xoogga dalka qaybahooda kala duwan, taasoo sababtay in ay soo aadaan goblka Shabellaha Dhexe” waxaa sidaas yiri Xasan Cabdulqaadir Muudey oo la-taliyaha dhinaca warbaahinta madaxweynaha HirShabelle. Muudeey ayaa sheegay in dowladda federaaalka aysan la iman qorshe dhameystiran oo loogu talo-galay labada Shabelle oo cadaaladeysneeyn, taasoo sababtay in Shabaabkii ka cararay Shabeellaha Hoose ay fursad u helaan in ay gaaraan gobalka Shabellaha Dhexe, taasina ay tahay ayaan darrada keentay in Shabellaha Dhexe oo daris la ah Shabellaha Hoose ay ku bataan weerarada Al-Shabaab. Taliyaha guud ee ciidamada booliiska dowladda HirShabelle State Colonel Xasan Dhicisoow iyo gudoomiyaha gobalka Shabellaha Dhexe Ahmed Meyre Makaraan ayaa hoggaaminayey howlgallada qaadtay labada maalmood ee ka socda dhammaan tuulooyinka u dhaxeeya caasimadda HirShabelle State ee Jowhar iyo Balcad. Waxaa howlgallada lagu soo qab qabtay qaar ka mid maleeshiyada Al-Shabaab oo gaaraya tobaneeyo, sida uu sheegay Muudey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Sucuudiga ayaa hakisay Xoolihii uga iman jiray dalaka Suudaan iyo Jabuuti. A freighter transports cattle to Saudi Arabia. It has come from northern Somalia, for Djibouti has suffered a long drought and its animals are too undernourished. The geostrategical and geopolitical importance of the Republic of Djibouti, located on the Horn of Africa, by the Red Sea and the Gulf of Aden, and bordered by Eritrea, Ethiopia and Somalia. Wasaaradda biyaha iyo beeraha ee dalka Sucuudiga ayaa soo saartay amar xayiraad lagu saarayo xoolahaasi hore looga soo dhoofin jiray dalalkaasi, ka dib markii laga helay cudurka Rift Valley. Hay’adda Aduunka u qaabilsan caafimaadka xoolaha ee World Organization for Animal Health (OIE) ayaa baadhitaano ay ku samaysay xoolahaasi waxaay ku sheegtay in ay qabaan cudurkaasi. Wasiirka ayaa sheegay in markab xoolo ka soo qaaday dalka Jabuuti la hakiyay in uu dejiyo xoolahaasi, ka dib markii la ogaaday in ay qabaan cudurkaasi. Source
  12. Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire has flown to United State for World Bank and IMF summit. The prime Minister’s high-level delegation including some of his cabinet was seen off at the Adan Adde International Airport by senior Government officials. Confirming the departure of Mr. Kheire, the PM office said PM Kheire will hold discussions with officials from both International Monetary Fund and World Bank. “Off to the USA to attend the World Bank & IMF News annual meetings; pertinent topics under discussion include securing debt relief & arrears clearance for Somalia,” reads a Twitter post by the office of PM Kheire. PM vowed that his office will work assiduously to attain and sustain ultimate development objectives. World Bank Group and International Monetary Fund 2019 Annual Meetings are expected to open this week as dozens of world leaders poor into Washington. World Bank Group President David Malpass will address the press during the meetings. The Annual Meetings are attended by approximately 2,800 delegates from our member countries, 350 observer organization representatives and 800 members of the press. Approximately 550 accredited civil society members also participate in the Meetings. The meetings are comprised of events open to all attendees, ministerial-level invitation-only sessions closed bilateral meetings, and events open only to the Press. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya, ayaa maanta waxaa ka soo hor muuqday masuuliyiintii hore ee Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) iyo Shaqsiga kale oo lagu Magacaabo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa loo heystaa qarax lagu diley Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab,qaraxaas oo dhacay 19-kii Bishii april ee Sanadkaan 2019. Qaraxii lagu dilay kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay xilligaas Ururka Al-Shabaab,hayeeshee Mas’uuliyiintaan loo xiray arrimo la xiriira tuhun. Qaraxa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka dhacay gudaha Degmada Maxaas,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo ka mid ahaa ilaaladiisa. Raggaan oo maalmahan ku xirnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah kiiskooda la guda galay, inkastoo ay jiri doonaan dhageysiga fadhiyo kale oo maxkamadda ku aadan. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa waayahan dambe kordhisay shaqooyinka ay qabatay, waxaana maxkamadda la soo taagaa masuuliyiin kala duwan oo tuhunkooda yahay inay gacan saar la leeyihiin Shabaab ama ay ay ka qayb qaateen fal dambiyeedyo dhacay.
  14. (SLT-Hargeysa)-Dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa wefti u soo diraya caasimadda Hargeysa. Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay warar xogogaala. Weftigan oo la filayo inuu hoggaamiyo wakiilka Midowga Yurub, ayaa waxa ay ujeedada socdaalkoodu tahay khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka ee salka ku haya xubnaha uu Madaxweyne Biixi u soo xulay guddiga doorashada oo ay laba ka mid ah ka horyimaadeen. Labadaas xubnood ayaa kala ah Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanyahay golaha dhexe ee KULMIYE iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo iyadana uu mucaaradku ku haysto inay ka tirsantahay guddigii hore ee doorashooyinka. Weftigan uu hoggaaminayo danjire Nicolas Berlanga, ayaa waxa la filayaa inay kulamo la yeesheen Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradka si xal looga gaadho caqabada soo waajahday dhismaha guddiga cusub ee doorashooyinka oo ay sugayso hawsha baaxadda leh ee qabashada doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka. Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waxay u gudbiyeen cabasho ka dhan ah xubnaha uu Madaxweynuhu dhinaciisa u soo xulay guddiga doorashada, isagoo Waddani xubintii uu u soo xulay guddiga doorashada hakiyay dibna ula noqday. Madaxweyne Biixi oo shalay hadal jeediyay ayaa ku canaantay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani dalabka ay u direen beesha caalamka, “tolow beesha caalamka xafiiskoodu waa xagee! waa wax inagu cusub beesha caalamka Farmaajona waa uu ku jiraa oo Somaliya waa la ictiraafsan yahay oo beesha caalamka waa ay ka tirsan tahay, armuu codsigu halkaasba ku dhacaa, beeshaas caalamka ee loo gacan haadinaayo aniga ilama hagaagsana laakiin waa ay la noqotay.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Danjirahan Midowga Yurub ayaa hore Madaxweynaha iyo mucaaradka ugu dhexdhexaadiyay dhismaha guddiga cusub ee doorashada oo markii hore ay labada dhinac isku hayeen tiradooda. Mucaaradka ayaa doonayay in tirada guddiga laga dhigo 9 xubnood, halka uu Madaxweynuhuna qabay in lagu daayo 7 xubnood oo ay horeba u ahaayeen, balse dhexdhexaadin uu ergaygu galay ayaa aakhirkii ku dhammaatay in la dhiso guddi cusub oo ka kooban 7 xubood, ka dib markii uu shirguddoonka golaha wakiiladu laalay dalab uu xisbiga Waddani u gudbiyay oo ahaa in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka doorashada oo tirada guddiga doorashada laga dhigo 9 xubnood, sida ay ku heshiiyeen Madaxweynaha iyo mucaaradku. Si kastaba ha ahaate, waxay noqonaysaa markii labaad ee uu ergayga Midowga Yurub laba bilood gudahood dhexdhexaadiyo Madaxweynaha iyo madaxda mucaaradka. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Xisbiga Waddani uu xaq u leeyahay inuu diido cid kasta oo uu arko inay dhinaca tahay, waxaanu tusaale u soo qaatay Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo uu hore Xisbiga Waddani ugu soo xulay Komishanka, balse laga diiday. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Xukuumadda, Xisbiyada iyo Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xisbiga Waddani hore waxaa hore looga diiday Maxamed Cismaan Fadal, oo uu soo xulay Komishanka, sidaas darteed Xisbiga Waddani mar haddii hore looga diiday Fadal, maantana wuxuu diidan yahay xisbigu cidna ma ogolaysiin karto, markaas cid kasta oo siyaasad ku milanta, ama Xisbi gaar ah u ololeeysa, ma xil soo qabatay, Xeerbaa dabraya,kolay inantan dib loo soo celiyey iyadu Komishanka ayey hore uga tirsanayd, oo xeer dabraya ama u diidaya ma jiro, halka uu Cabdirashiid Riyo raac uu hore ugu jiri jiray Xisbiga Waddani, markii dambena uu ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, Xukuumaddii horena xil wasiirnimo ka soo qabtay, sidaas darteed qodobka 12aad farqadiisa D ee Dastuurka waxay tilmaamaysa in aan Komishanka loo magaacabi karin Shaqaale Dawladeed, xubin Barlamaan, Xubnaha Golaha Wasiirada, Ciidan iyo xubin xil u haysa Urur ama Xisbi kama mid noqon karo Komishanka, markaas cid ku sifoowday Xisbi kama mid noqon karto Komishanka”. Mar uu baaq u dirayey Xukuumadda, Xisbiyada iyo Shacabka ayaa yidhi “Xukuumadda taladda dalka haysa iyada ayaa dalka ka masuul ah, xaaladii dalkuna siday tahay weynu aragnaa, Doorashooyina wey inagu soo fool leeyihiin, waxaanada mooda in kolba xiisad la abuurayo,oo kolba meel la abaarayo, kolay garan maayo Doorasho bilaa saami qaybsiyi siday u dhacayso, ee dadka waxaan leeyahay nabadiina ilaashada, Xisbiyadana waxaan leeyahay khilaaf kasta oo la rabo in la abuuro ka taxadira, oo ka digtoonada” Source
  16. Taxanayaasha filimmada ah ee ay sameeyaan Telefishanka Universal, waa halabuur wanaagsan oo in la bogaadiyo mudan fikir ahaan. Waxa intaa dheer, jilayaasha dhammaantood oo aan ixtiraam u hayo, gaar ahaanna kuwo badan oo magac ku lahaa fanka Soomaalida ee wakhtiyadii hore. Hase ahaatee, qaladaad soo noqnoqday baa jira oo u baahan sixid, beddelid iyo in qaarkood Telefishanku raalligelin ka bixiyo. Hore waxa u dhacday in taxane Telefishankaas ka baxa ay uga soo baxday waxyaabo aan u arkay inaanay ku qumanayn gudbinteedu oo meel-ka-dhac iila muuqday, gaar ahaan taxane Hargeysa lagu metelayay. Hase ahaatee, uma socdo taas oo wakhtigeedii la soo dhaaf, waxaanse jeclahay in aan tilmaamo khaladka taxanaha imika ku jira. Cilmiyan marka laga hadlayo jilidda filimada, riwaayadaha iyo waxsoosaarka la hal maala, waxa qoraaga, hagaha iyo soosaaraha ka reebban in magaalo jirta, deegaan la yaqaan iyo kuwo la mid ah lagu metelo amma loo bixiyo goobaha lagu metelayo, iyadoo loo eegayo marxaladda iyo fikirka bulsheedba. Sababtaas ayaa afeef looga dhigaa haddiiba magaalooyin la magacaabo in jilaha, goobaha iyo magacyadu yihiin kuwo male-awaal ah, haddiiba ay dhacdo inay qaarkood u ekaadanna ay ku timi si kama’ ah ee aan kas ahayn. Waa sababta sannado badan oo aan doorar kala duwan, sida Jile, hage iyo qore riwaayadeed ku shaqaynayay aan ula baxay waxsoosaarka magacyo kala duwan oo aan rasmi ahayn. Dhammaan meelahaasi ma ahayn magacyo magaalo jirta, waliba kuwo Soomaalidu ku noolyihiin waan ka ilaaliyaa, sababtoo ah ficillada qaar ku jiri kara jilista ayaa deegaannada qaarkood meel-ka-dhac ku noqonaya. Haddaba, taxanaha lagu metelo dalka Ingiriiska ee ka baxa Universal TV ee Kaaf iyo Kala-dheeri, marka laga yimaaddo in taxanayaal hore oo siyaasadi hagayso ay jireen sidaan u arko, sababtoo ah jilista iyo hal-abuurku waa meelaha ugu badan ee dawladuhu siyaasaddooda mariyaan, haddana waxa Hargeysa iyo Somaliland ba meel-ka-dhac ku ah muuqaallo taxanahaas la socda. Tusaale ahaan, waxa jira muuqaal lagu sheegayo in qoys ka mid ah kuwa metelaya oo uu daba joogo nin doonaya inuu dilo uu ogaanayo in Hargeysa loo soo diray, waliba xaafadda Masalaha. Markaas ayuu odhanayaa, “Hargeysa’aa, imikaabad meel wanaagsan ii geysay”. Hargeysa ma meel la isku dilaa? Waxa kale oo taxanahaa ku jira Jile tegaya Muqdisho, dabadeed sheegaya in ay amni tahay, qof waliba tegi karo. Waxaan isweydiiyay ujeeddada Hargeysa ka dhigaysa meel lagu dili karo qofka yimaadda ee Muqdisho na loogu metelay meel amni noqotay (Ilaahay amni buuxa ha siiyo oo kama horjeedo in Muqdisho amni noqoto iyo in lagu sheego toona). Filim kasta oo aan qorayo iyo riwaayad walba oo aan curinayo, marnaba suurtogal ma aha inaan ku daro muuqaal odhanaya, “Muqdisho ayuu tegay, imikaan ku soo qarxinayaa oo way ii fududahay ba”, hadii aanan ujeeddo ka lahayn. Xitaa iyadoo ay run tahay, haddana marnaba ma samayn karo, mana rabo inaan gefkaa umadda ku dhaqan Muqdisho iyo Soomaaliya toona u dhigo kaydka filimada, sababtoo ah dhibta lamay dhalan ee mar ayuun bay qaraxa iyo dagaalladu ka dhammaanayaan. Haddaa, sidee baa Telefishankaa looga aqbali karaa markaa inuu Somaliland iyo Hargeysa u dhigo sawir odhanaya, si fudud baa laguugu dili karaa? Telefishanka UNIVERSAL dedaallada iyo halabuurka filimada ee ay sameeyeen, waxa wanaagsan inay ka reebaan wixii gef ah. Waxa la gudboon in uu saxo, raalligelin ka bixiyo, iskana hubsado goobaha metelaadda iyo sifooyinka la siinayo. Eedda na lama wada laha ee masuuliyaddu waxay saaran tahay qoraha, hagaha iyo cid kasta oo xilku gaar u saaran yahay. Yasmin M. Kaahin. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Maayirka magaalada Burco oo mar kale ku baaqay in xeer 23 laga fiirsado, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Washington)-Warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warrantay in saraakiil katirsan dowladda dalkaas ay ka digeen in 50 madax oo gantaalada Niyukleyrka ee Mareykanka u yaalla gudaha dalka Turkiga ay xayirtay dowladda dalkaas. Xukuumadda Washington ayaa isku dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya. Bixitaanka ciidammada Mareykanka ay ka baxeen waqooyiga dalka Suuriya ayaa dhalisay in ciidamada Turkiga iyo kuwa Ruushka ay ku siqaan goobihii ay heysteen askarta Mareykanka, sidoo kalena halkaas ay isaga baxaan isbaheysigii Mareykanka uu ku lahaa gobolka – Kurdiyiinta Suuriya. Arrintan ayaa waxaa aad u dhaliilay siyaasiyiin badan oo Mareykan ah, iyagoona xukuumadda Donald Trump ku eedeeyay inay dhabarka ka toogatay xulafadii ay ku lahaayeen gobolka. Dowladda Mareykanka ayaa Turkiga ku boorisay inay joojiso duulaanka ka dhanka ah Kurdiyiinta, oo haddii ay ka dhaga adeegtana ay burburin doonta dhaqaalaha Turkiga. Warar ayaa sheegaya in markii uu mugdi soo kala dhexgalay xiriirka labada dal ay keentay in Mareykanka uu ka fikiro waxa laga yeelayo hubka Niyukleyrka ee u yaalla saldhig milateri oo ku yaalla koonfurta bari ee dalka Turkiga. Wargeyska The New York Times ee dalka Mareykanka ayaa kusoo warramay in saraakiil ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tamarta ay maalma kahor ka Shireen waxa laga yeelayo 50-ka madax ee hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ka yaalla Turkiga iyo qaabka ay ula soo bixi karaan. Mid kamid ah saraakiishaas ayaa wargeyska u sheegay in hubkaas uu xayiray Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan, waxaana laga cabsi qabaa in hadii Mareykanka uu hubkaas meesha ka saaro ay ifafaalo u noqon karto gabagabada xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan gaashaan buurta NATO. Arrintan ayaa timid muddo bil ah kadib markii dowladda Turkiga ay sheegtay in aanan la aqbali karin in loo diido inay hub soo iibsato, taas oo ay sheegtay inay ka soo horjeedo heshiiskii hubka Niyukleyrka ee uu dalkaas galay sanadkii 1980. Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqday mid xaqiijiyay hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ugu keydsan dalka Turkiga, taas oo ahayd sir aanan mudo la shaacinin, waxbadanna aanan laga ogeyn. Khubara badan waxay aaminsan yihiin in Mareykanka uu dalka Turkiga ku keydsaday bambooyinka B-61. Hubkan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay istaraatijiyadda gaashaan buurta NATO, in go’aan laga gaarana waxaa la rumeesan yahay inay u baahan tahay in inta badan 28 dal ee xubnaha ka ah ay isku raacaan. Madaxweyne Trump ayaa mar wax laga weydiiyay bal in uu ka walaacsan yahay hubkan Mareykanka kaga xayiran Turkiga ayaa waxaa uu sheegay in uusan wax walwal ah qabin. “Aad ban isugu kalsoonahay, oo waxaan halkaas ku leenahay saldhig milateri oo ciidamada cirka ah, saldhigaas oo keliya ayaa meel badan qabsan kara, waa saldhig ciidmaada cirka oo aad u weyn,” sidaas waxaa yiri Trump oo u muuqday in uu xaqiijiyay hubka Mareykanka uu yaalla Turkiga. Xubna katirsan Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa ku taliyay in hubkaas laga saaro Turkiga oo la geeyo goob kale. Mareykanka ayaa sheegay in Turkiga ay ka wada tirsan yihiin NATO, ayna adag tahay inay dagalamaan, wuxuu intaa raaciyay in marwalba ay doorbidayaan in waxa taagan xal diblomaasiyadeed lagu dhameeyo. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pompeo iyo xoghayaha arrimaha dibadda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay gaaraan Turkiga, si ay wadahadal ula furan xukuumadda Ankara. Source
  19. (SLT-Iran)-Nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha dalka Iran, Hassan Rouhani ayaa lagu soo warramayaa in uu u bilaamay shan sanno oo xadhig ah, kadib markii lagu helay dembi musuqmaasuq. Qareenka Hossein Fereydoun, oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha dalkaas, la taliyena u ahaa ayaa sheegay in Hosseni uu maalin kahor galay xabsiga Evin ee Magaalada Tehran. Ninkan ayaa lagu helay dembi ah in uu qaatay “laalush” bishii May ee sannadkan, markii lagu helay dembigaas na lagu xukumay toddobo sanno oo xadhig ah. Hossein Fereydoun, ayaa dib ugu laabtay maxkamadda, si uu racfaan uga qaato kiiska, waxaana laga yareeyay xukunka oo lagu soo koobay shan sanno. Hossein ayaa sidoo kale lagu amray in uu dowladda ku wareejiyo hantidii uu ku iibsaday lacagtii laalushka ahayd ee la sheegay in uu qaatay, waxaana sidoo kale loo raaciyay ganaax lacageed oo dhan 310 bilyan oo riyaal, taas oo u dhiganta 2.1 milyan oo doollar. Fereydoun aya beeniyay in uu wax dembi ah galay, waxaana dadka taageersan siyaasadaha Madaxweynaha dalkaas oo ninkan ay walaalo yihiin ay shegeen in arrintan ay ka dambeeyaan dad mayal adag oo katirsan garsoorka dalka Iran, doonayana inay bahdilaan Madaxweyne Hassan Rouhani. Hasayeeshee garsoorka dalkaas oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in aysan jirin arrimo siyaasadeed oo la xidhiidha arrinkan. Source
  20. (SLT-Makka)-Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee Sacuudiga ayaa sheegaya in tobaneeyo qof ay dhinteen kuwa kalane ay dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaadhigii ay la socdeen. Ugu yaraan 35 qof muslimiin Muctamiriin ah ayaa ku dhintay shil naxdin leh oo ka dhacay wadada xidhiidhisa magaalooyinka Barakaysan ee Madiina Al Munawarah iyo Makka Al Mukarrama. Afhayeen u hadlay booliska dowladda Aala Sacuud ayaa warbaahinta u sheegay in gaadhi bas ah oo ay la socdeen dad cimraysanaye uu ku dhacay gaadhi kale waxaana ka dhashay musiibo lama filaan ah. Dadka ku dhintayn shilkan ayaa badanaa kasoo jeeda qaaradda Asia kuwaas oo doonayay in ay ucumaraystaan dhulalka barakaysan. Dadka ku dhaawacmay shilka oo gaadhaya illaa 4 qof ayaa ladhigay cisbitaalka guud ee magaalada Madiina. Ilaa hadda lama helin magacyada iyo wadamada ay kasoo kala jeedaan dadkii ku dhintay shilka Gaadhi oo ahaa mid si weyn looga hadal hayo guud ahaan dalka Sacuudiga. Maahan markii ugu horreysay oo shilal noocaan oo kale ah ay ka dhacaan dalka Sacuudiga, waxaana ugu dambeeyey midkii ay ku dhinteen muwaadiniin badan oo u dhashay dalka Ingiriiska. Source
  21. (SLT-Muqdisho)-Faah-faahin ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay saddex qof ku dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo kooxda dilka geystay ay baxsadeen. Wararka ayaa sheegaya in saddexda qof ee la dilay ay ahaayeen dhalinyaro, waxayna saarnaayeen mootada labada lug leh ee loo yaqaano Feko. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in saddexda qof isku mar ay toogteen kooxo hubeysan, waxaana dilka uu ka dhacay agagaarka Baar ha i dhaafin. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhalinyaradan cidda ay ahaayeen, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana ay ku tilmaamtay ragga ay dileen inay ahaayeen ciidanka dharcada loo yaqaan ee ka tirsan Nabadsugida. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha ammaanka oo ku aadan dilkan xalay ka dhacay degmada Waaberi, waxaana dilkan noqonayaa kii u horreeyay muddooyinkan ka dhaca Muqdisho oo hal meel lagu dilay saddex qof. Source