-
Content Count
213,939 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxay faah faahin ka soo baxaysaa hawlgal qorsheysan oo Ciidamada Jubbaland ay shalay ka sameeyen qaybo ka mid ah xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada Booliska & Nabad Suggida Jubbaland oo ka jawaabaya dilkii laba habeen ka hor Magaalada Kismaayo loogu gaystay Nabadoon/ganacsade Siciid Ciise Cabdi (Siciid Adoon) ayaa gacanta ku soo dhigay dad dhalinyaro u badan. Ciidamada ayaa waxay gudaha u galeen guryo ku yaala Calanley, waxayna ka soo qab qabteen dhalinyaro, kuwaa oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin falal amni-darro. Labada ciidan ayaa dhalinyaradaasi ula dhaqaaqay xarumaha hay’adaha ammaanka ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay dib xoriyadooda u siiyeen dhalinyaro kale oo laga soo qab qabtay xaafadda Calanley, ka dib markii la xaqiiqsaday inaanay khatar amniga ku ahayn. Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalka dhalinyarada lagu soo qab qabtay uu ahaa mid qorsheysan. Afhayeenka ayaa sheegay in dadkaasi uu soo galay tuhun dhinaca amniga ku aadan, isagoo intaa ku daray in iminka wax laga weydiinayo farmuuqa lagu sameeyay. Afhayeenka ayaa qiray inay jiraan dhalinyaro kale oo xaafadda Calanley laga soo qab qabtay, kuwaa oo dib loo sii daayay, ka gadaal markii lagu waayay wax dembi ah. Cabdinuur Ibraahim ayaa laamaha amniga ka codsaday inay si deg deg ah sharciga ku horkeenaan kuwii ka masuulka ahaa dilkii Siciid Ciise Cabdi, oo ka mid ahaa dadka hodanka ah ee Magaalada Kismaayo ku dhaqan. Dilkan ayaa ka careysiiyay bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo qaybtood, iyadoo ay shalay magaalada ka sameeyen dibadbax ay kaga soo horjeedaan dilka ganacsadaha. Siciid Adoon ayaa lagu dilay agagaarka Sarta Calaaca ee xaafadda Calanley, iyadoo uu u dhintay rasaas ay huwiyeen rag la sheegay inay wejiyada soo xirteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha madaxa banaan ee ka howlgala dalka ayaa si kulul uga jawaabay go’aan uu ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Go’aanka uu ku dhawaaqay Wasiir Maareeye ayaa ahaa in seddax maalmood gudahood ay ku bilaabayaan Barnaamij loogu magacdaray ISKUMAAN, kaas oo sida uu sheegay wasiirku ka bixi doona dhamaan warbaahinta Qaranka. Sababta ay u bilaabayaan Barnaamijkaas ayuu ku macneeyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya in dadka Soomaaliyeed ay isku-maan yihiin, ayna u diyaariyeen Weriyaal, Abwaano iyo Fannaaniin bulshada u tabin doona. Hadaba halkaas ka soo yeeray wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye eek u aadan Barnaamijkaas ISKUMAAN ayaa waxaa baaq ku aadan lahaanshaha fegradaas ISKUMAAN waxa uu caawa ka soo baxay Maamulka (Radio Kulmiye KNN) Agaasimaha KNN Burhaan Diini Faarax oo bartiisa Facebook-ga ku soo qoray baaq uu u dirayo Wasiir Maareeye iyo wasaaradda warfaafinta ee dowladda ayaa sheegay in looga baahanyahay in ay illaaliyaan xaquuqda lahaanshaha (Copy Right). Halkaan ka akhriso qoraalka Agaasimaha Warbaahinta Kulmiye: “KALA-MAAN IYO ISKU-MAAN KULMIYE AYAA LEH”. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Max’ed Cabdi Xayir Maareeye sida aad aragtaan waxaa uu sheegay inay dhawaan warbaahinta dawladda ka bilaabayaan barnaamijka Isku-maan oo ka mid ah barnaamijyadda ka baxa Radio Kulmiye. Isku-maan waa todobaadle waxaana uu KNN ka baxaa maalmaha Jimcaha asagoo ah isla sida uu wasiirku sheegayo fasaxna nama ay weydiisan wasaaraddu Wasiirka iyo wasaaraddaba waxaa looga baahanyahay inay illaaliyaan xaquuqda lahaanshaha (Copy Right) oo ahwasaaradda laakinse waxaa muuqata in ay iyagu ku xadgudbayaan. Isku-maan iyo Kala-maan waa xaquuq uu leeyahay Radio Kulmiye kana mid ah barnaamijyadiisa joogtada ah.Waxaan u baahanahay in dawldaddu dhawrto xaquuqda lahaanshaha (Copy Right). Halkan ka Daawo Wasiir Maareeye: Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter uu Muqdisho kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalana hadlay in Soomaaliya ka laabato kiiska badda ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda. “Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Kyle McCarter. “Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” Ayuu yiri safiirka. Si kastaba, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka uu la kulmay madaxweynaha, inkasta oo Tarsan uu qiray in safiirka uu yimid magaalada Muqdisho. “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. “Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” Ayuu sii raaciyey. Tarsan ma uusan shaacin cidda uu McCarter kula kulmay Muqdisho, haddii aysan is arag madaxweynaha. Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan sababta ay dowladda hadda u qirtay safarka, balse aan horey loogu shaacin. Dad badan ayaa qaba in dhibaatada ugu weyn iyo walaaca shacabka Soomaaliyeed ka haysta kiiska badda ay tahay aamusnaanta iyo hufnaan la’aanta dowladda Soomaaliya. Dowladda ayaa inta badan shacabka war siisa kaliya kadib markii ay wararka ka helaan ilo-wareedyada dibedda ah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
SECWAC Presents Jonathan Starr Speaking in Old Lyme on ‘It Takes a School,’ Thursday Jonathan Starr, founder of the Abaarso School of Science and Technology in Somaliland, who will speak at the SECWAC meeting scheduled for Thursday, Oct. 24. OLD LYME — The Southeast Connecticut World Affairs Council (SECWAC) announced today that Jonathan Starr is to speak on his founding of the Abaarso School of Science and Technology in Somaliland at 6 p.m. on Thursday, Oct. 24, at the First Congregational Church of Old Lyme at 2 Ferry Road, Old Lyme, CT 06371. Members and guests are encouraged to RSVP via online registration, but walk-ins will be accepted. Starr will present on the seemingly impossible success of Abaarso School, whose accomplishments have been featured on CBS’s 60 Minutes and in the New York Times, and show that its “against all odds” triumphs were neither due to great luck nor great talent. In addition to shedding light on the fields of international development and education, the talk has implications for career choice and maximizing one’s own success. A reception will begin at 5:30 p.m., the presentation will follow SECWAC’s Annual General Meeting with announcements from the Board of Directors at 5:45 p.m., with the main event beginning at 6 p.m. The presentation is a part of the SECWAC 2019-2020 Speaker Series. For non-members, tickets ($20) may be purchased at the door; ticket cost can subsequently be applied towards a SECWAC membership. Attendance is free for SECWAC members (and their guests). Membership September 2019 through June 2020 is $85 per person; $25 for young professionals under 35; free for educators and area college and high school students; a corporate rate of $1,000 is also available, with unlimited access for employees. Immediately following the presentation, SECWAC meeting attendees have the option for $40 to attend a dinner with the speaker at the Old Lyme Country Club. Dinner reservations are required at 860-912-5718 or via online registration at https://scwac.wildapricot.org/event-3528936. Starr is Managing Director, Headmaster, and Founder of Abaarso School of Science and Technology in Somaliland, Africa. From 2004 – 2008, he founded and led Flagg Street Capital, a private investment firm that managed $170 million of assets. Prior to Flagg Street, he worked as an Analyst at SAB Capital and at Blavin and Company. His career started as a Research Associate within the Taxable Bond Division at Fidelity Investments. In addition to his full-time responsibilities, Starr sat on the Board of Directors of Pomeroy IT Solutions, a publicly-traded IT company generating $500 million of annual sales. His board responsibilities included acting as a member of the Audit Committee, the Advisory Committee, and the Special Committee (strategic alternatives) of Pomeroy. Starr graduated from Emory University, with a B.A. Summa Cum Laude in Economics and was a member of Phi Beta Kappa. He is the author of “It Takes A School: The Extraordinary Story of an American School in the #1 Failed State“, a story of David and Goliath proportions that describes how Starr created a unique school in Somaliland whose students, against all odds, have come to achieve success beyond anyone’s wildest dreams. SECWAC is a regional, nonprofit, membership organization affiliated with the World Affairs Councils of America (WACA). The organization dates back to 1999, and has continued to arrange 8-10 Speaker Series meetings annually, between September and June. The meetings range in foreign affairs topics, and are hosted at venues along the I-95 corridor, welcoming members and guests from Stonington to Old Saybrook, and beyond. SECWAC’s mission is “to foster an understanding of issues of foreign policy and international affairs through study, debate, and educational programming.” It provides a forum for nonpartisan, non-advocacy dialogue between members and speakers, who can be U.S. policymakers, educators, authors, and other experts on foreign relations. Learn more at http://secwac.org. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar-Qumanha-Wararka-22102019.mp3 View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay dilkii Allah ha u naxariistee ganacsade Saciid Xaaji Abdi oo caan ku ahaa magaca Saciid Adoon, kaas oo laba habeen ka hor lagu dilay Kismaayo. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Madaxweyne Deni ayaa telephone kula hadlay dhiggiisa Jubbaland Axmed Madoobe waxa uuna ka dalbaday in maamulkiisa uu soo cadeeyo dadkii ka dambeeyay dilka Saciid Adoon isagoo cuksaday in intii uu joogay Kismaayo uu mar galay garta Axmed Madoobe iyo Saciid Adoon. “Saciid Adoon intii aan joogay Kismaayo aniga ayaa xaliyay khilaaf idin dhaxeeyay maxaa bixitaankayga ku soo beegay dilkiisa, waxaan u baahanahay cadeymo muujinaya kiiskaan cidda ka dambeysay iyo cadaalada in la waafajiyo” ayuu yiri Saciid Deni sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Marxuum Saciid Xaaji Cabdi “Adoon” waxa uu qaraabo dhow la ahaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uuna intii uu joogay Kismaayo u sameeyay casho sharaf isagoo u sheegay in Axmed Madoobe uu ku leeyahay lacag dhowr boqol oo kun oo dollar ah, taas oo sababtay in Axmed Madoobe uu ka caroodo maadama uusan rabin in eedeyntiisa ay gaarto meel ka baxsan Jubbaland. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday baaritaan rasmi ah, waxaana suurta-gal ah inuu uu joojiyo taageeradiisa Axmed Madoobe isagoo sabab uga dhigaya dad badan oo hayb ahaan ka soo jeeda Puntland, kuwaas oo sababo siyaasadeed loogu dilay Kismaayo. Dadka ka soo jeeda Puntland ee lagu dilay Kismaayo waxaa kamid ah Ganacsade Saciid Adoon iyo Abuukaate Qalyar kuwaas oo la aaminsan yahay in ay sababsadeen muranka siyaasadeed oo ka taagan Jubbaland. Ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya in Axmed Madoobe ku lug leeyahay dilkan. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in dilka ay fuliyeen dad doonaya inay xiisad ka dhex abuuraan Puntland iyo Jubaland. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
-
Kismaayo-(Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa maanta munaasabad lagu maamuusayo Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo u xiran dowladda federaalka, waxa uu ku qabtay magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Jubbaland ayaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Doloow waxa ay ugu magac dartay Cabdirashiid Janan (ABDIRASHID JANAN AIRPORT), waxaana munaasabadda magaca Wasiirka loogu bixinayay Garoonka ka soo qeyb galay guddoomiyaasha degmooyinka Doolow, Beled-Xaawo iyo Luuq oo ka wada tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa deegaan dhalasho ahaan ka soo magaalada Doolow, waana halkii uu ka soo duulay markii lagu qabtay garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiir Janan ayaa xiran muddo ka badan 2 Bilood, waxaana 1-dii Bishii September laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde xilli oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya. Dhawaan ayaa lasoo taagay maxkamad, walina wax faahfaahin ah laga helin marka laga reebo muuqaal kooban oo uu Telefishinka qaranka ka soo muuqday. Buulle Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gado ayaa Wasiir Janan kala soo muuqday Maxkamadda. Illaa hadana lama shaacin waqtiga ay dhici doonto wajiga labaad ee dhageysiga Dacwadda wasiir Janan iyo sarkaalka. Xeer ilaalinta ayaa Wasiir Janan kusoo oogtay dacwad ku saabsan dilal loo geystay dad rayid ah oo ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo oo uu wasiirka deegaan ahaan kasoo jeedo. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Ottawa)-Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa aad u soo dhaweeyay guusha uu gaadhay xisbiga muxaafidka ah ee uu hogaamiyo Ra’isul wasaare Justin Trudeau kaasi oo markii labaad xilka loo doortay. Mid ka mid soomaalida ku dhaqan magaalada Ottowa oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed oo la hadlay Universal tv ayaa sheegay inay filayaan guusha xisbiga haya talada. Mr Cabdullaahi ayaa intaa ku daray inay socoto dacwad la xidhiidha qoyskiisa oo ku sugan qaarada Afrika gaar ahaan Kenya oo uu doonayo in uu u qaado Canada. Mr Trudeau ayaa lagu ammaanay intii uu xilka hayay kor u qaadida kobaca dhaqaalaha iyo sida uu dhabarka ugu ritay marti-galinta qaxooti badan oo ka soo hayaamay wadamada ay colaada ka jirto gaar ahaan Soomaaliya Inkastoo xisbiyada mucaaradka ay ku dhaliileen musuq maasuq hadheeyay dowlada Canada ayaa hadane shacabka dalkaas waxay ku ammaaneen waxyaabo badan oo ay ka mid tahay dhanka shaqada dadweynaha. Isaga oo taageerayaashiisa kula hadlayay xilli hore ee salaasadii maanta ah ayuu yidhi waa mahadsantihiin sida aad iigu codeyseen maxaa yeelay waxaa diideen in la adin kala qeybiyo. Xisbiga Liberals oo uu hogaamiyo ra’isul wasaaraha Canada ayaa helay 158 kursi oo ka mid ah 338 kursi ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Canada. Tani ayaa ka dhigan in uu u baahnaan doono xisbiyada laga tirada badan yahay midkood si uu usoo dhiso dowlada Cusub. Source
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Beesha Mataan Cabdulle oo ka mid beelaha Wacbuudhan Abgaal ayaa magaalada Muqdisho maanta caleema saaratay Dr. Maxamed Daahir Macalin Xasan oo loo doortay in uu noqdo Nabadoonka guud ee beesha. Waxgaradka beesha oo iskugu yimid munaasabadda caleema saarka Nabadoon Maxamed Daahir oo warbaahinta kula hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay Nabadoonkaan cusub ku doorteen karti iyo aqoon, isla markaana ay u arkeen in uu yahay kan mudan in uu hoggaamiyo. Nabadoonka maanta la caleema saaray ee beeshu dooratay oo munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in isaga oo tala saaranaya Alle uu beesha u balan qaadayo 5 qodob oo wax qabadkiisa uu ku bilaabi doono. Shanta qodob ee uu beesha u balan qaaday Nabadoon Maxamed Daahir ayaa kala ah: Hormarinta deegaanka ay degto beesha Raadinta xuquuqda ay beeshu leedahay In beesha loo helo dib u heshiisiin Raadinta in beeshu hesho midnimo In uu si joogto ah u kaasha doono odayaasha dhaqanka beesha. Ugu dambeyn Nabadoon Maxamed Daahir Macalin Xasan ayaa dhamaan munaasabadda uga mahad celiyay beesha u dooratay hoggaaminteeda. Halkaan ka Daawo: Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Sochi)-Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa gaadhay magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa kulano la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan dawlada Ruushka, waxaana la filayaa in Madaxweynuhu maalinta barito ah ka qaybgalo Shirka Madasha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika oo ka furmaya dalkaasi Ruushka. Source
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaalida Minnesota gaar ahaan Jaaliyadda ka soo jeeda maamul goboleedka Hirshabelle ayaa qabatay xaflada aad u balaaran kuna saabsanayd sanadguuradii 3aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Maamul goboleedka Hirshabeele. Xafladaan, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadwayne aad fara badan oo isugu jiray Culumodiin ,Aqoonyahano ,Siyaasiin,Odayaasha Waxgaradka ah ee reer Minnesota, Salaadiin, Dhalinyaro, iyo Haweenka. Sidoo kale waxaa xaflada kasoo qaybgalay mas’uuliyiin badan islamarkaana ka hadlay xaflada. Waxaa ka mid ahaa Raisal Wasaarihii Hore ahaana Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr Abdiwali Mohamed Ali Gaas iyo Madaxa Hay’ada Somali Rebuilding Dr Omar Yusuf Nuur iyo Kasim Busuri oo ka tirsan City Council ka Caasimadda Minnesota ee St. Paul iyo mas’uuliyiin kale oo badan. Runtii mas’uuliyiintaas oo aad u dhiiri galiyay maamul goboleedka Hirshabelle islamarkaana bogaadiyay Gudoonka Jaaliyada Waqooyiga Ameerica sida ay markasto ugu howlan yihiin horomarinta iyo isku xirka Dibada iyo Gudaha. Waxaa sidoo kale xafladaan qadka taleefoonka kasoo qayb galay Madaxweyne Mohamed Abdi aaare Waare iyo Wasiir Eng. Abdikarim Cali Nur, ayagoo aad ugu mahad celiyay Dadwaynihii kasoo qayb galay xaflada, isla markaana Madaxweyne Waare u sheegay reer Minnesota “In ay imaan doonaan America inta uusan dhamaan Sanadka”. Waxaa Xafladan laga bixiyay Shahaado Sharafyo ay soo diyaariyeen Jaaliyada Waqooyiga Ameerica. Waxaa mas’uuliyiintii la siiyay ka mid ahaa Dr Abdiwali Mohamed Ali Gaas sidii uu uga soo saaray ku meelgaarka Xukuumadii uu ka ahaa Raisal Wasaaraha. Sidoo kale Abdulkadir Caraaye Abdulahi oo asna gudoomay shahaado uu ku mutaystay shaqo wanaaga uu markasto ka hayo jaaliyadda Waqooyiga Ameerica iyo Abti Liban oo la siiyay shahaado sharaf wacyo galin. Waxaa casuumaad booqosho la gudoonsiiyay Fannaanada wayn Hodon Cabdiraxmaan Dheere oo dhawaan gaari doonta maamul goboleedka Hirshabelle State. Intii ay xafladdu Socotay ayaa lagu soo bandhigay Heeso iyo gabayo kala duwan oo looga hadlaayey Maamulka Hirshabale iyadoo ay ka dhexmuuqdeen Xidigaha Fanka ee Waqooyiga Ameerica Hodan Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdulahi Bagio iyo Rooda Beerlula. Ugu danbayntii xafladaas lagu maamuusayay Sanadguurada 3aad ee Maamulka Goboleedka Hirshabelle ayaa ku soo dhamaatay jawi farxad leh iyadoo ay aad uga maqsuudeen dadwaynahii ka soo qaybgalay.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Amb. Aden Xasan Aden. Khayre iyo Danjire Aden Xasan Aadan ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood ee walaalaha ah. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen Soomaaliya oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka. Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag. View the full article
-
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaal lala galo Masar aanu xal noqoneyn oo loo baahan yahay in wax walba wadahadal lagu dhammeeyo, balse haddii ay suurageli weydo dalkiisu uu hayo malaayiin dhalinyara ah oo dagaal geli karta. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa maanta hortagay baarlamaanka dalkiisa iyada oo ay mudanayaasha baarlamaanka ay su’aalo ka weydiiyeen arrima badan oo ku saabsan xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay. Arrimaha wax laga weydiiyay waxaa ka mid ah xiisadda Masar iyo Itoobiya ka dhex taagan, xorriyadda saxaafadda, dorashooyinka, nidaamka federaalka, arrima la xidhiidha siyaasadda iyo bulshada Itoobiya. Masar iyo Itoobiya Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xaaladda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee la xidhiidha muranka ka dhashay biya xidheenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile wuxuu ku jawaabay in “shacabka Itoobiya aysan dooneyn in waxyeello ay u geystaan shacabka Masar, in ay wax taraan mooyee”. Wuxuu intaa ku daray: “Dowladda Itoobiyana waa la mid. Annaga iyo Masar arrimo siyaasadeed oo aan ka wada hadleyno haba yaraatee ma jiraan. Madaxweyne Sisi dhawaan ayaan wada hadalnay maalmaha so socda barri ama saad dambe inaan kulanno ayaan rajeeynayaa inaan ka wadahadalno wixii ay dhibsadeen.” “Arrinta kale ee sheegesyo in tallaabba aan qaadeyno, sida aad la socotaan shacabka Itoobiya, dal dibadba, waxaan si xushmad leh ugu sheegayaa in afatrii qofba uu mid sabool yahay, waana dhalinyaro, marka xataa haddii Afrika inaan la dagaallanno u baahanno malaayiin ayaan dagaal gelin karnaa.” Isagoo ka fogaanayay inuu ereyada dagaalka xoojiyo wuxuu yidhi “dagaalku xal ma aha, dagaalka Masar-na ma anfacayo, Suudaan-na ma anfacayo, innagana nama anfacayo.” “Balse haddii ay arrintu tagto jiritaanka dalka iyo calanka, xataa aniga ayaa galayo dagaalka. Wax faa’iida ah lagama helayo, fikirka noocaasi ma aha mid wanaagsan, waxaa wanaagsan in la wada fariisto oo la wada hadlo.” “Si kastaba ha ahaatee waxaan idiin sheegayaa ineysan jirin cid Itoobiya ka hor istaagi karto iney biya xireen dhisato,” ayuu yidhi Ra’isul wasaare Abiy Axmed. Source
-
Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Khilaaf xoog leh ayaa hareeyay Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Kuala Lumpur oo ah xarunta dalka Malaysia, waxaana shaqo joojin sameeyay dhamaan xubnihii ku xigay Safiirka ee Safaaradda Malaysia. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shaqada ay joojiyeen Qunsul Cabdifitaax, xoghayaha koowaad ee Safaaradda Marwo Qamar, uqeybsanaha dhanka ganacsiga ee Safaaradda Maxamed Amiin, u qeybsanayaasha waaxda socdaalka Mubarak iyo Zakariye iyo uqeybsanaha dhanka waxbarashada kadib markii ay sheegeyn in ay la shaqeyn waayeen Safiirka Soomaaliya ee Safaaradda Amabssador Mardaadi. Shaqaalaha Safaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in lacago xad-dhaaf ah Ardayda iyo muwaadiininta kale ee ku sugan dalkaasi laga qaado, taas oo aysan awoodin bixinteeda waxaana isa soo taraya walaaca ay qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Malaysia. Todobaadyo ka hor Booliiska dalka Malaysia ayaa gudaha ugalay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia kadib markii qof u dhashay dalkaasi uu sheegay in gudaha safaaradda loogu gacan qaaday kadibna uu ku wargeliyay Booliiska Malaysia. taas oo sababtay Booliiska ay gudaha u galeen Safaaradda Soomaaliya. In Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia la galo waxay dhaawac ku tahay Madaxbanaanida dalka walina ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya. Xeerka Vienna ee 1961, ayaa qaba in cidna aysan geli karin safaarad haddii uusan raali ka ahayn safiirka. Si kale haddii loo dhigo, safaaradaha waa sida dalal yar oo ku dhex-yaalla dal, waxaana safiirka iyo diblomaasiyiinta ay haystaan xasaanad buuxda oo xitaa ana dambi lagu soo oogi karin. Safiirka Soomaaliya ee dalka Malaysia Ambassador Mardaadi waxa uu kamid yahay dhowr safiir oo Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya maalmo ka hor ugu yeertay in ay si deg deg ah u yimaadaan magaalada Muqdisho si wax looga waydiiyo shaqooyinka ay haayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.’ kulanka intii uu socday ayaa looga wada hadlay arrimo badan oo ka mid ah shuruucda hortaala baarlamaanka gaar ahaan taageeridda meelmarinta sharciyada la xariira doorashooyinka. Waxyaabaha sida qotada dheer looga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha dib u eegista dastuurka, dhameystirkiisa iyo sidoo kale sharciyada muhiimka ay tahay in golaha shacabka ay meel mariyaan. Ku-simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wakiilka xoghayaha guud ayaa inta kulanka uu socday isla soo hadal qaaday xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada midoobay Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka dhawaajiyay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wakiilka xoghayaha Qaramada midoobay ay isku afgarteen dhamaan waxyabahii laga wada hadlay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Wafdiga ayaa maalinta barri ah ka qeybgeli doona Madasha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika oo halkaas ka furmi doona. Madaxweynayaal ka kala socda wadamadda aduunka ayaa kasoo muuqan shirka oo maalmo socon doono. Farmaajo ayaa la filayaa in mudada uu shirkaas socdo uu kulamo gaargaar ah la qaato hogaamiyeyaasha ka qeybgaleysa kulankaas. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-22102019.mp3 View the full article
-
Galka Baadhista: 50 Sanno Kadib Afgambigii October 21, 1969
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Muqdisho)-Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaan Barnaamijka Galka Baadhista ee idaacadda VOA-da oo toddobaadkan ku saabsan 50 guuradii kasoo wareegtay afgambigii Soomaaliya ka dhacay October 21, 1969-kii ee dowladdii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ay xukunka kula wareegtay. Barnaamijka waxa uu dib loogu eegayaa sida uu ku yimid afgambigaas, iyo dowladihii ka horreeyey dowladdii militari. Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Haaruun Macruuf, Halkan hoose ka DAAWO Source -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay Soomaaliya ka jiri jirtay “Shaqo cunto ku bedelasho” haddana ay Villa Soomaaliya wado “ Kiiska badda Jubaland ku bedelasho” xilli uu bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal ku saabsan kiiska Badda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ujeedka ka dambeyso arrintaas ay tahay sidii u Madaxweyne Farmaajo mar kale dib ugu soo laaban lahaa kursiga sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Fiqi. ” Waxaa dalkan ka jiri jirey barnaamij la yiraahdo “Shaqo cunto ku bedelasho” hadda waxaa kooxda Villa Somalia ay wadaan barnaamij la yiraahdo “ Kiiska badda Jubaland ku bedelasho” oo ayaduna salka ku haysa sidii kursiga uu ku sii joogi lahaa Madaxwyne Farmaajo” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi. Fiqi ayaa maangaabnimo weyn ku sheegay inay VIlla Soomaaliya badda dalka ku badatalo sidii meesha looga saari lahaa Maamulka Axmed Madoobe iyagana ay mar kale dib ugu soo noqon lahaayeen. ” Jubaland oo dawlad Goboleed Soomaaliyeed ah oo siyaasad xumada kooxda Villa Somalia lagu go’doomiyey In lagu gorgoriyo ka noqoshada kiiska dacwada badda Soomaaliya waa maangaabnimo weyn, waana damac waalan oo aan socon doonin”. ayuu raaciyey Fiqi Ugu dambeyntii Xildhibaan Fiqi ayaa dadka Dowladda ku taageero baraha Bulshada ee mucaaradka ku dhaleeceenayey tagitaanka Kismaayo ugu baaqay inay ka hadlaan waxa uu ugu yeeray fadeexad ka taagan Kiiska Badda Soomaaliya. ” Kooxihii qaaqlayaasha ah ee arrinta In la tago Kismaayo danbiga ka dhigayey maxey uga hadli la’yihiin foolxumada ka taagan kiiska dacwada badda, waxaan sugaynaa waa ayaga oo difaacaya In kiiska badda laga soo celiyo Maxkamadda ICJ” ayuu yiri fiqi Hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Fiqi ayaa kusoo aadayo xilli uu Safiirka Mareykanka Kyle McCarter sheegay inuu Farmaajo ku cadaadinayo sidii uu Kiiska Badda u geyn lahaa meel ka baxsan Maxkamadda sida uu Maanta qoray Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ayaa sheegaya in dhacdo naxdin leh ka dhacday gudaha magaaladaasi, taasi oo dil loogu geysan gaaray Haweenay Hooyo ah iyo wiil yar oo 7-bilood jir ah. Saddex Nin oo tuugo ah ayaa dhaawac culus u geystay wiil yar oo 7-bilood jiray oo ay Hooyadii dhabarka ku xanbaarsaneed, sida ay dad deegaanka ah inoo xaqiijiyeen. Saddexdan Nin ayaa la sheegay in ay boorso u maleynayeen wiilka yar ee Haweenaydu ay dhabarka dambe ku xambaarsaneed, balse markii dambe ee ay tooryeeyen ay xaqiiqsadeen. Sida Caasimada Online ogaatay wiilka yar ayaa waxa uu dhaawac culus ka soo gaaray inta u dhaxeysa miskaha iyo dhabarka, halkaasi oo ay si weyn u haleeshay Tooreydii ay ku dhufteen nimanka tuugadii, iyadoona hadda xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. Dhacdadan naxdinta badan ayaa Haweenayda iyo wiilka yar haleeshay, xili ay ka sii talaabayeen dhisme lagu magacaabo jab-jabka oo dhinaca bari ka xiga magaalada Hargeysa. Ciidamada Booliska iyo Dadweynihii ku sugnaa goobtaasi ayaa ugu dambeyntiina ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Saddexda tuug ee falkaasi argagax leh geystay. Dhacdadan oo aheyd mid argagax badan ku riday dadweynaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay muujineysa heerka ay gaarsiisantahay khatarka ay sababi karaan tuugta ka dilaacday caasimada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
