Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Moscow)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaala xeebeedka Sochi ee dalka Ruushka uu ka furmo, shirweynihi ugu horreeyay ee u dhaxeeya Ruushka iyo dalalka qaaradda Africa. Shirkani oo uu hadafkiisa yahay in Ruushka uu saameyn ballaadhan ku yeesho Africa sida Shiinaha iyo Mareykanka oo kale, ayaa socon doona laba maalmood, waxaana ka qeybgalaya wufuud gaadheysa 3,000 oo qof oo ka kala socda dhamaan 54-da wadan ee ay ka koobantahay Qaaradda Africa. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa furi doona, waxaana la shir gudoomin doona madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, oo hadda ah madaxa ururka Midowga Africa. Ilaa 43 hogaamiye ayaa madasha ku kulmaya, waxaana ku jira hogaamiyaha dalalka Angola iyo Ethiopia oo ka mid ahaa dalalki aadka ugu dhawaa Midowgii Soofiyeetki Ruushka. Waxaa kale oo jooga madaxda dalal aanan Ruushka xidhiidh wanaagsan lasoo yeelan sida Nigeria iyo Ghana. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka Ruushka iyo Africa maanta uga furmaya magaalada Sochi ee dhaxda xeebta Bada Madow ee Ruushka. Source
  2. (SLT- Ukraine)-William Taylor oo ah wakiilka Maraykanka u joogay dalka Ukraine ayaa hortagay saddex guddi oo ka tirsan Baarlamaanka Maraykanka ee hadda wada baadhitaanka horudhaca ah ee mooshinka xil-ka-qaadista Madaxweyne Donald Trump oo loo heysto inuu jabiyey sharciga dalkaasi. Trump ayaa hore ugu amray William Taylor in aanu hortagin guddiyada Golaha Wakiillada ee baadhitaanka wada, balse amarkan ayuu diiday Taylor isagoo illaa xalay muddo 10 saacadood ah warbixin siinayey guddi hoosaadka Baarlamaanka. Wakiilka ayaa ku markhaati-furay Trump inuu ku kacay danbiga lagu heysto oo ah in Mucaawinadii lasiin jiray Ukraine uu ku xidhay in Xukuumada Ukraine ay kala shaqeeyaan baadhitaan uu rabay in lagu sameeyo Joe Biden Madaxweynihii hore ee Maraykanka iyo wiilkiisa oo xidhiidh ganacsi la lahaa shirkad laga leeyahay Ukraine. Donald Trump ayaa horaantii sanadkan joojiyey mucaawinadii Baarlamaanka Maraykanka ansixiyey in la siiyo Ukraine oo gaadheysay $391 milyan oo dollar oo kamid ah caawinaada millatari, Trump ayaa lacagta bixinteeda shardi uga dhigay in Ukraine marka hore ay ka caawiso shaqsiyan wuxuu doonayey oo ah qorshe ka dhan ah xisbiga Dimuquraadiga ah ee loolanka kula jira. Tilaabada Trump ku joojiyey lacagtan iyo codsiga uu hordhigay Ukraine ayaa ah mid jabinaya Dastuurka Maraykanka iyo xeerka awooda Madaxweynaha, waana qodobkan mid ah ku takrifalka awooda oo ay doonayaan xisbi Dimuquraadiga inay xilka kaga xayuubiyaan Donald Trump. Source
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Aboorey oo qiyaastii 30 KM u jira degmada Buulo-burte ee gobolkaasi. Wararka aya sheegaya in dagaalka ah oo mid uu culus uu u dhexeeyey dagaalyahannada Al-Shabaab iyo kooxda la magac baxday Macawiisley oo ka dagaalanta HirShabelle. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalka ayaa yimid, kadib markii kooxda Macawiisley oo ah shacab is abaabulay ay weerar gaadma ah ku qaadeen fariisimo kooxda Al-Shabaab ku leedahay duleedka degmada Buulo-burte ee gobolkaasi. Dagaalka oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gurmad ahaan uga baxay Buulo-burte. Muddooyinkii dambe Hiiraan waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ciidanka dowladdu ay ka wadeen gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  4. Gargaarkan oo ahaa mid bani’aadanimo ayaa la gaarsiiyey boqolaal qoys oo ku dhibaateysan duleedka magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan. Deeqdan gargaar oo ah mid hordhac ah ayaa dadkaasi shacabka ah waxaa gaarsiiyey guddoomiyaha maamulka gobolka, Cali Muxumed Caraale. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay ka war hayaan dhibaatooyinka nololeed iyo barakaca ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle. Ugu dmabeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha Samafalka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan shacabka ku tabaaleysan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  5. Safiirka Soomaaliya ee Kenya , Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka Mareykanka u jooga Nairobi uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaaj kaasoo looga hadlay kiiska Badda. Tarsan ayaa qiray in safiirka uu dhowr bilood ka hor yimid gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. Sidoo kale wuxuu hadalkiisa intaasiku daray in looga baahan yahay wargeyskii baahiyey warbixintaasi inuu iska hubiyo wararka uu ka tabiyo, gaar ahaan kuwa la xariira Soomaaliya. “Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” Ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay soo shaac baxeen warar sheegaya in magaalada Muqdisho uu yimid safiirka Mareykankaa ee Kenya, islamarkaana uu kiiska Badda kala hadlay Madaxweynaha, si loogu dhameeyo meel ka baxsan ICJ. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-23102019-SX.mp3 View the full article
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter ayaa beeniyey inuu la kulmay madaxweyne Farmaajo, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi, balse waxa uu xaqiijiyey inuu la-taliyayaasha madaxweynaha kala hadlay in muranka badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda. Qoraalka Daily Nation ee la sheegay in safiirka laga soo xigtay ayaa u dhignaa sidan “Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka. Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda”. Si kastaba, safiirka ayaa waxaa barta twitter-ka xiriir kula sameeyey Golaha Soomaalida Mareykanka ee Somali American Public Council oo arrintan wax ka weydiiyey, waxaana uu sheegay inuusan Farmaajo la kulmin balse uu la kulmay la-taliyayaashiisa. Kyle McCarter waxa uu sidoo kale xaqiijiyey inuu arrinta badda iyo sidii xal loogu heli lahaa kala hadlay la-taliyayaasha madaxweynaha “Maya, lama aan kulmin, mana dhihin waan la kulmay. Waxaan la kulmay qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa, waxaana weydiiyey sida ay la tahay in arrintan lagu xalin karo. Waxaan isku dayey inaan fududeeyo heshiis, si labada dal ay u guuleystaan, al-Shabaabna looga adkaado. Al-Shabaab waa cadow guud. Waxaa wanaagsan in arrintan lagu xaliyo si saaxiibnimo, oo aan ahayn maxkamad.” Ayuu yiri Kyle McCarter. Sidoo kale, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka uu la kulmay madaxweynaha, waxaana sidoo kale Tarsan uu qiray in safiirka uu yimid magaalada Muqdisho. “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  8. Jowhar (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa dooni ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo saacadihii la soo dhaafay ku qalibantay agagaarka xeebaha degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Doonida oo aheyd nooca dheereeya ayaa ku ciladowday meel 60 KM u jirta xeebaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dhamman la soo badbaadiyey ciidamadii saarnaa doontaasi, kadib qeylo dhaan ay u dirsadeen howlgalka Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya. War ka soo baxay howlgalka Atlanta ee ururkaasi ayaa lagu sheegay inay gurmad deg deg ah u fidiyeen ciidankaasi, islamarkaana ay soo badbaadiyeen. Sidoo kale Midowgr Yurub oo baahiyey Sawirrada askartaasi ayaa tilmaamay in xilli ay halis ku jirtay noloshooda ay caawiyeen, islamarkaana ay ku guuleysteen howlgalkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda, gaar ahaan saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo ku aadan doontaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ay Doon kula degtay nawaxiga xeebaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkaasi, inkastoo la soo badbaadiyey dhowr iyo toban ka mid ah askartaasi, halka kuwo kalena la waayey. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  9. SOCHI, Russia/ANKARA (Reuters) - Syrian and Russian forces will deploy in northeast Syria to remove Kurdish YPG fighters and their weapons from the border with Turkey under a deal agreed on Tuesday which both Moscow and Ankara hailed as a triumph. Source: Hiiraan Online
  10. Dr. Ibrahim moved to the U.S. in 1993. Her family fled unrest from the Somali Civil War. She now leads Harborview Medical Center's Pediatrics Clinic. Source: Hiiraan Online
  11. Malawi has made history by being the first African country to ever host the high profile world conference for female pilots, named The Ninety-Nines (The 99s). Source: Hiiraan Online
  12. More than half of population in Somalia live under poverty, says UN migration agency Source: Hiiraan Online
  13. TORONTO — A Toronto man saw a months-long wait draw to a bittersweet end on Tuesday as he returned to Canada with the bodies of two relatives who were killed in the crash of an Ethiopian Airlines plane this year. Source: Hiiraan Online
  14. Dacwadda Badda: Maxay Muna Sharmaan uga baxday Qareennada difaacaya Soomaaliya? Muna Al-Sharmani waxay ahayd gabadhii sida aadka ah u difaacay kiiska badda ee Soomaaliya Mid ka mid ah qareennada hoggaaminya kiiska badda ee soomaaliya ay geysay maxkamadda cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa ka baxday guddiga qareennad ee difaacayay doodad Soomaaliya, sida ay xaqiijisay dowladda. Muna Sharmaan waxay ahayd gabadhii sida weyn loo bartay xilligii ay socotay dhageysigii dacwadda badda ee dowladda Soomaaliya geysay ICJ. Cali Siciid Fiqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliya ee SNTV ayaa xaqiijiyay in Muno Sharmaan ay “ka baxdayday qareennada difaaca kiiska Soomaaliya”. “Waa gabar Soomaaliyeed, kiiska maalintii ugu horreysay illaa iyo goor dhow ayey ku jirtay. Muddo afar bilood laga joogo, ayey madaxweynaha la soo hadashay”, ayuu yiri Safiir Cali Siciid Fiqi. Isagoo sharaxayay sababta ay qareennada uga baxday wuxuu sheegay in “ay u wareegtay shaqo kale oo ay ka heshay meel kale”. “Waxay tiri ‘madaxweyne shaqo ayaan ka helay Bangiga Adduunka. Marka waan ka cudur daaranayaa”, ayuu yiri safiirka. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub, Cali Siciid Fiqi, ayaa yiri: “Muna qof raacdeyn kara ma jiro; waa gabar Soomaaliyeed oo muwaadin ah oo runtii istaahisha in loo abaal gudo”. Muna Sharmaan waxay ka mid ahayd qarreennadda ugu firfircoonaa ee doodaha adag la hor tagay ICJ xilligii ay socotay dhageysigii la xiriirtay in kiiska u dhexeeya Soomaaliya iyo kenya ay maxkamadda dhageysan karto. “In la yiraahdo Muna meeshii waa laga saaray, ceebbey Soomali oo dhan u tahay”, ayuu carabka ku adkeeyay Safiirka oo la hadlay SNTV. Safiirka Soomaaliya ee EU (bidix) iyo Muna Sharmaan (dhexda) Dr. Muna Sharmaan waxay Soomaaliya u mataleysay dacwada xuduudda badda ee kala dhaxeysay Kenya, waxayna si wayn uga hadashay sida Soomaalida u aragto “heshiiskii isfahamka” ee Kenya ay ku doodeysay. Hadda, ma jiro wax war ah oo dhankeeda ka soo baxay oo sharaxaya sababta ay uga baxday qareennada Soomaaliya matalaya. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan EU, wuxuu sidoo kale beeniyay in Soomaaliya ay qoratay qareenno cusub. “Qareennadda waa kuwii maalintii ugu horeysay ee aan kiiska badda geynay ee 2014-kii”, ayuu yiri. Hadlakiisan aya jawaab u ah warar baraha bulshada lagu hadal hayay oo sheegayay in qareennada difaacayay Kiiska Soomaaliya la badalay. Wuxuu ku adkeystay: “Waa kuwii kiiska ku dhex jiray; waa kuwii maxkamadda yimid ee daafacay; waa kuwii dacwaddii soo qoray; waana kuwa hadda u taagan in kiiska ay difaacaan”. Wuxuu dadka Soomaalida u sheegay in “khalkhalka iyo siyaasadeynta maxkamadda aan lagu niyad jebin”. Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa 17-kii bishan sheegtay in markale ay dib u dhigtay dhageysiga dacwadda la xiriirta muranka xuduudda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Maxkamadda ayaa la filayay in ay dacwaddaasi dhageysato laga billaabo afarta ilaa siddeedda bisha Nofembar ee sanadkan, haseyeeshee dowladda Kenya ayaa mar labaad dalbatay in arrintaasi dib loo dhigo. Waa markii labaad oo maxkamadda ay dhageysiga dacwaddani dib u dhigayso, waxaana bishii Sebteembar ay laba bilood dib u dhigtay ka dib markii ay Kenya codsatay in dacwadda dib loo dhigo muddo sanad ah. Warbixin qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in maxkamadda ay go’aansatay in dib loo dhigo dacwadda badda, waxaana maxkamaddu sheegtay in labada dhinac loo garnaqi doono siddeedda ilaa 12-ka bisha Juun ee sanadka dambe. Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in go’aankan ay gaartay ka dib markii ay dhagaysatay labada dhinac, balse waxay caddeysay in mar kale aan dib loo dhigi doonin. Maxkamaddu waxay sidoo kale fartay Kenya iyo Soomaaliya in ay ka soo qeybgalaan dhageysiga dacwaddaasi marka laga gaaro xilliga ay haatan u asteysay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u hoggaansameyso go’aanka maxkamadda, ayna marnaba ka tanaasuleyn taako ka mid ah dhulka Soomaaliya. Qaran News
  15. ST. CLOUD, Minn. — More than 100 people packed a St. Cloud State University ballroom Tuesday, Oct. 22, to join a conversation about hate, racism and inequity in the community as well as efforts to combat those experiences. Source: Hiiraan Online
  16. CAIRO - Egypt said on Tuesday it had accepted a U.S. invitation to a meeting of foreign ministers over a project for a giant hydropower dam on Ethiopia's Blue Nile that is causing an escalating spat between the two African countries Source: Hiiraan Online
  17. Wajir Woman Representative Fatuma Gedi on Tuesday narrated to a court how she was physically assaulted an MP in the precincts of Parliament after they differed on the June 2019 budgetary allocations to constituencies in the county. Source: Hiiraan Online
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay toos u soo waceen madaxweyne Axmed Madoobe kalana hadleen doorasho kale oo lagu qabto Jubaland. Xubnaha aan warkaan ka soo xiganay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe laga dalbaday in uu u hogaansamo doorasho kale oo laga qabto Kismaayo islamarkaana ay goob joog ka noqdaan dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, si loo xaliyo tabashooyinka jira. Sidoo kale xubnahaan ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la hadlay Xidig iyo Seeraar iyo waliba dowladda Soomaaliya waxayna sheegeen in daganaan ay ku dhameyn doonaan arrimaha ka taagan Jubbaland. Dadka Axmed Madoobe la hadlay waxaa kamid ah Safiirka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya James Swan iyo wakiilo kale oo ka tirsan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya Arimaha Soomaaliya. “Waxaa loo sheegay in beesha caalamka ay taageereyso daganaanshiyaha Jubbaland isalmarkaana aysan aqoonsaneen doorashadii ka dhacday Kismaayo ilaa ay xubnaha goob ka noqdaan doorashada iyadoo la kaashanayo DF” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Lama oga sida uu Axmed Madoobe ku ogolaan doono doorasho kale oo ka dhacday degaanada Jubbaland waxaana maalmaha soo socda la filayaa in uu aado dalka Kenya islamarkaana uu kulamo la soo qaato masuuliyiin ka tirsan Kenya, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in safarkii Kenya uu baajiyay balse wafdi Kenyan ah ay u imaan doonaan maalmama soo socda. Go’aanka beesha caalamka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale beesha caalamka ay uga digtay dowladda Soomaaliya inay doorasho ku qabato gobolka Gedo, taasi oo ay sheegtay inay kasii dari karto xiisadda taagan. Halkan ka aqriso warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Ciidamada midowga Yurub ee qaabilsan howlgalka ilaalada xeebaha Soomaaliya ee ATLANTA, ayaa badbaadiyay ciidamo katirsan kuwa badda Soomaaliya oo ku go’doonsanaa badda. EU NAVFOR ayaa helay codsi kaga yimid Doon ay leeyihiin ciidamada badda Soomaaliya oo ku sugnayd meel 60 Km waqooyi ka xigta degmada Cadale ee gobolka Shabellada dhexe. Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay dhibaatooyin farsamo, shaqaalaha la socdayna waxay ka walaacsanaayeen nabadgelyadooda. Saraakiil katirsan EU NAVFOR ayaa sheegay in lagu guulaystay soo badbaadinta iyo samata bixinta ciidankaas, kadib dadaal dheer oo loo galay baadi-goobka goobta ay ku sugnaayeen ciidankaan. Howlgalka ATALANTA, ayaa waajibaadkiisa waxaa ka mid ah kormeerka howlaha kalluumeysiga ee xeebaha Soomaaliya, ilaalinta maraakiibta Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). PUNTLAND POST The post Ciidamo katirsan badda Soomaaliya iyo Doon ay la socdeen oo lasoo badbaadiyay appeared first on Puntland Post.
  20. Nairobi (Caasimadda Online) – Hey’adda Sirdoonka dalka Kenya ayaa shaacisay inay fashilisay weeraro qorsheysan oo kooxda Al-Shabaab ka fulin rabtay gudaha dalka Kenya. Hey’adda Sirdoonka ayaa sheegtay inay weerareen kowdii October guri ay Kooxda Al-Shabaab ku diyaarineysay weeraro qorsheysan oo Kenya laga fulin rabay maalinta dabaaldagga geesiyaasha Kenya oo ku beegneyd 20-kii October. Kenya ayaa sheegtay in gurigaas uu ku yaalay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ah meel loo dalxiis tago halkaas oo lagu diyaarinayey shabakad isku xiran oo weeraro ku qaadi rabtay meel uu ka khudbeen lahaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Sidoo kale meelaha la weerari rabay ayey sheegtay Hey’adda Sirdoonka Kenya inay kamid ahaayeen xarumaha waaweyn ee Dowladda Kenya ee ku kala yaalo Nairobi iyo Mombasa. Weerarkaas ay sirdoonka Kenya qaadeen ayaa lagu dilay xubin kamid ah kuwii fulin rabay weerarkaas halka laba kalana gacanta lagu dhigay sida ay sheegtay Hey’adda. Guriga labada Nin ee xiran laga soo qabtay ayey hey’adda Sirdoonka Kenya sheegtay in laga helay Hub aad u farabadan oo ay doonayeen in ay ku fuliyaan weerarka islamarkaana dhibaato weyn ku geystaan. 11-ka November ayaa la dhageysan doonaa dacwadda labada nin ee gacanta lagu hayo markaas oo ay kasoo muuqan doonaan maxkamad sida uu sheegay Dickson Indaru oo ah baare ka tirsan Hay’adda ka hortagga Argagixisada Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro waaweyn horey uga fulisay gudaha Kenya waxaana weeraradaas ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyadeed, waxayna weeraradaas keeneyn inay yaraadaan dadkii usoo dalxiis tagi jiray Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay sii wadi doonaan weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya inta Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga saarayo. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni shalay galab ka qeyb-galay munaasabad ciyaar saaxiibtinimo oo u dhexaysay labo naadi oo ka tirsan kuwa gobolka bari ayaa shaaciyay in dowladda Puntland ay lacag dhan $ ($200,000 (laba boqol oo kun oo Dollar) ku bixinayso dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso. Sidoo kale wuxuu sheegay in hay’adda UNHCR ay lacag dhan $300,000 (saddex boqol oo kun oo Dollar) ku bixinayso dhismaha garoonka kubadda cagta Boosaaso “waxaan kaloo rajaynayaa in hay’adda UNHCR ayaduna ay bixindoonto lacag ku dhow ($300,000) saddex boqol oo kun oo doolar” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha dowladda Puntland oo dhammaadka ciyaarta la hadlay Dhallinyarada ayaa ku booriyey ka shaqaynta nabadda iyo guud ahaan horumarka Puntland sidoo kale madaxweynaha ayaa dhallinyarada ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen Booliska. Dhinaca kale mudane Deni oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa la filayaa in uu manta dib ugu soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo 200,000 kun oo Dollar ku bixinaysa dhismaha garoonka kubadda cagta Boosaaso appeared first on Puntland Post.