-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galayey kulan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan madaxdii isaga kaga horreysa talada dalka. Khayre ayaa sheegay in markii isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay la wareegeen xafiiska ay u yimaadeen hab dhaqan siyaasadeed oo aad u xun, islamarkaana ka duwan hab dhaqanka siyasaadeed ee ka jira caalamka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligaasi la aaminsanaa in siyaasadda lagu raado dan gaar, laguna lunsado dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan u nimid dhaqan ah in la aaminsan yahay inay siyaasadu tahay wax dan gar ah lagu raadsado, halkan waxaan ugu nimid dhaqan la yiraahdo aan siyaasi noqdo, si aan wax u helo ” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Waxa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu sheegay inay ceeb aheyd in la’isla xisaabtamo, iyo in la wada shaqeeyo, si loo hormariyo dalka. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in dhammaan ay bedaleen hab dhaqankaasi, islamarkaana laga gudbay dhibaatooyinkii jiray, haatana dowladda Soomaaliya ay la qjaan aadeyso siyaasad ahaan dowladaha asaageeda ee ka jira dalalka caalamka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe madaxda dowladda ay eedeymo xoogan kala kulmayeen Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/Khayre.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiyahii baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo Khamiistii xilka laga qaaday ayaa isaga baxay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Sida wararku ay sheegayaan, guddoomiyaha waxaa la socda ciidamo badan oo isaga taageersan, waxaana ay xalay gaareen degmada Xingalool ee gobolka Sanaag. Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha uu maanta kulamo la qaadan doono waxgaradka gobolka, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo ku aaddan Puntland. Sidoo kale, waxaa la filayaa in gobolka Sanaag uu shir uga furmo waxgaradka gobolkaasi, waxaana ay ka tashan doonaan aayahooda Puntland. Xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa 7-dii bishan waxa ay xilka ka qaadeen guddoomiye Dhoobo Daareed oo ay ku eedeeyeen ku tumashada dastuurka Puntland iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ka geystay barkoontarool oo ku taalla agagaarka xeebta Liido ee Muqdisho. Dilka ayaa la sheegay in loo geystay wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaj, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal. Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil, iyadoona gacanta lagu dhigay askarigii toogtay. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka iyo askariga ay murmeen, kadibna uu rasaas uu ku furay, taas oo ka haleeshay qeyba sare ee jirkiisa. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay inay wax badan ka bedaleen siyaasad xumo uu tilmaamay inay horay uga jirtay Soomaaliya. Khayre ayaa sheegay iyo isaga iyo Madaxweyne Farmaajo marka ay imaanayeen siyaasadda lagu raadin jiray dhaqaale, laguna lunsan jiray xoolaha dadweynaha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda laga gudbay dhibaatooyinkaasi, islamarkaana ay la yimaadeen isbedal cusub. Halkan hoose ka dhageyso Cokda. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-dagane-.mp3 View the full article
-
Xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa 7-dii bishan (Khamiistii) waxa ay xilka ka qaadeen guddoomiyahii baarlamaanka ee maamulkaasi C/xakiin Maxamed Axmed (Dhooba Daareed). Hadaba dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in sababta uu ku baxay Dhoobo Daareed ay tahay farogelin dowladda federaalka ah. Aqoonyahan Maxamed Axmed Caalim oo u waramay Goobjoog wuxuu sheegay in Dhoobo Daareed uu mar hore caddeystay inuu taageersan yahay dowladda federaalka, kana xun yahay xiriirka ay Puntland u jartay DFS. Sidoo kale, Caalim ayaa sheegay in madaxda federaalka ay dhaqaale badan ku bixiyeen burburinta maamul goboleedyada, si ay talada dalka ugu soo noqdaan 2021. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa baraha Bulshada ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli ay Roobab culus ay ka da’ayaan meelo ka mid ah Dalka. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Roobab mahiigaan ah oo ka hooray dhowr qeybood oo ka mid ah Soomaaliya ay barakiciyeen in kabadan 270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii Dadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee Dalka. Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid ah goobaha ay daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo Naf badbaadin ah, balse uu jiro dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka. Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo Qof in ay saameeyeen fatahaada Dalka ka dhacay. View the full article
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeybgalay Shirka 18-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic oo ku qabsoomay Magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, kaas oo socday maalmaha 7-8 November. Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic ayaa ah madal sanadeed si furan ay labada dhinac u doodaan. Kulanka oo loogaga hadlay habka xoojinta nabadda, ammaanka, ganacsiga iyo maalgeshiga ayaa waxaa ka qeybgalay 29 dowladood oo Afrikaan ah iyo wadamada Nordic sida Norway, Sweden, Denmark iyo Finland. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caaamiga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay wadamada Nordic dano wadaag istiraatiijiyadeed oo ku qotanta dalxiiska iyo maalgeshiga, isagoo sheegay in Soomaaliya uu yahay dal dihan oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga, kaluumaysiga, dhul beereed bacrisan iyo xoolo , waxa uuna tilmaamay in ka faa’ideysiga kheyraadkaasi uu soo afjari karo shaqa-la’aanta iyo colaadda. View the full article
-
Askari la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada ammaanka degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa dilay wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeynayey Mootada Saddexda lug leh ee loo yaqaan Bajaaj. Marxuumka ayaa magaciisa naloogi sheegay Ismaaciil Maxamed Saciid, iyadoo rasaasta ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah. Askariga iyo Ismaaciil ayaa la sheegay in uu dhexmaray muran, taasi oo keentay in darawalkan rasaas lagu furo. Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa ku sugan Koontaroolka xeebta Liido ayaa la xaqiijiyey iney gacanta ku dhigeen askarigii wax dilay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xiisad siyaasadeed oo ka dhalataya xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ay weli ka taagan tahay magaaladaasi. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland oo xalay kulan ku yeeshay Garoowe ayaa ka digay sii socoshada xiisadaasi. Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan guddoomiyahoodii hore, islamarkaana ay kala hadli doonaan, sidii loo dajin lahaa xiisadan, una aqbali lahaa xil ka qaadista lagu sameeyey. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in guddoomiyuhu uu saga tagay magaalada Garoowe, islamarkaana uu gaaray qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Arrintan ayaa timid, kadib markii Khamiistii la soo dhaafay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntand ay kalsoonidii kala noqdeen guddoomiye Dhoobo Daareed. View the full article
-
Dibad-baxyo looga horjeedo madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustaf Muxumed Cumar Cagjar ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday degaanno kala duwan oo ka tirsan dowlad degaanka. Bannaan-baxyada ayaa looga cabanayaa cabburin la sheegay in maamulka Mustaf Cagjar uu ku hayo shacabka dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaanna dad kala duwan oo ra’yigooda iyo hadallo ay sheegeen dartood loogu xiray magaalada Jigjiga. Mudaharaadkii u dambeeyay ayaa sida la sheegayo manta ka socda degmada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida kaasi oo looga cabayo mid kamid ah oda-dhaqameedka degaanka Tulli-Guuleed oo shalay lagu xiray magaalada Jigjiga kadib markii uu su’aal kulul weydiiyay madaxweyne Cagjar. Odayga oo magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Xaaji Abiib ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida uu weydiiyay su’aal la xiriirta dhibaatada baahsan iyo bara-kicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada ku dhaqan degaanka Tulli-guuleed. Degaanka Tulli-Guuleed ayaa waxaa marar kala duwan weerarro culus iyo xasuuq ka gaystay malayshiyaad ka tirsan Qowmiyadda Oromada oo in badan ka laayay bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi deggan iyadoo aysan arrintaasi waxba ka qaban xukuumadda Cagjar. PUNTLAND POST The post Mudaharaad ballaaran oo looga horjeedo Mustaf Cagjar oo ka dhacay gobolka Doollo appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in taliyihii ciiidanka Ahlu Sunna Waljamaaca u joogay degmada Guriceel, Cabdul Daahir Rooble iyo ciidamo uu wato ay ku biireen kuwa dowladda Soomaaliya. Taliyahan ayaa lagu soo warramayaa in xalay uu gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, iyadoona ay halkaasi ku soo dhoweeyeen saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gudaha magaaladaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online arrintan ayaa ku timid, kadib markii uu sarkaalkan wadahadal hoose la galay taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad Generaal Mascuud Maxamed Warsame iyo sidoo kale xubno uu ka mid yahay, Mudane Maxamed Axmed Cantoobo guddoomiyihii hore maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Cabdul Daahir Rooble iyo ciidamada kale ee la socda ayaa tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay Guriceel ku sugnaa duleedka waqooyi ee magaalaadaasi, gaaraan ahaan deegaan 30 KM u jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in askarta uu wata sarkaalkan ay qeyb ka yihiin ciidamadii Ahlu Sunna ee dhowaan isaga baxay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha maamuka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna oo ku aadan taliyahaasi ka soo goostay. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka oo dhowaan isku ballaarisay degmooyin ka tirsan Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Sawir hore: Abiy Axmed oo Muqdisho yimid Wefdi ka kooban wasiiro ka socda dowladda Ethiopia ayaa lagu wadaa in ay maalinta berriya soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula yeelan doonaan mas’uuliyiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in ilaa 8 wasiir oo ka socda dowladda Ethiopia islamarkaana xubno ka ah guddiga isku-dhafka ah dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia ay maalinya berriya imaan doonaan magaalada Muqdisho si ay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ugala shaqeeyaan fulinta iyo dardar gelinta arrimihii ay labada dal ku heshiiyeen sannadkii hore. Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo bishii June ee sanadkii 2018 booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu la saxiixday heshiis ka kooban dhawr qodob oo ay kamid tahay in dowladda ay maalgashato 4 dekedood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda dowladda Ethiopia oo ku wajahan magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa shaqaaladaha dowladda u fasaxday xuska 12-ka bisha Mowliid oo ah dhalasha Nabigeena Muxamed, NNKH. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-09112019-ok.mp3 View the full article
-
A Chinese contractor, CGC Overseas Construction (CGC-OC) Group Ltd, has blamed electric power shortages for impeding the operations of the USD 339 million worth trans-boundary water project to pump potable water to neighboring Djibouti. Source: Hiiraan Online
-
Askar ka tirsanaa malayshiyaadka Ahlu Sunna oo isaga baxay magaalada Dhuusamareeb ayaa sida la sheegayo ku biiray ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan gobolka Galgaduud. Sarkaal ka tirsanaa Ahlusunna oo lagu magacaabo Cabdullaahi Daahir Rooble iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa la sheegaya in ay isu dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan degmada Guriceel ee gobolkaasi. Ciidanka ka goostay Ahlusunna ayaa hub iyo saanad badan ula galay dhinac dowladda Federaalka Soomaaliya taasi oo lagu tilmaamay mid dhabar-jab ku ah sii jiritaanka kooxda Ahlusunna. Horay ayaa ciidamada Federaalku Ahlusunna ugala wareegeen degmooyinka Matabaan iyo Guriceel iyadoo magaalada Dhuusamareebna ay wada-joogaan labada dhinac. PUNTLAND POST The post Ciidamo ka goostay Ahlusunna oo ku biiray dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in weli xiisad siyaasadeed oo salka ku heyso xil ka qaadistii guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ay ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Xiisada ayaa timid, kadib markiii Dhoobo Daareed uu ka horyimid,kalsooni kala noqoshadii ay ku sameeyeen 49 Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka uu isaga tagay arrimo amni darteed Garoowe, wuxuuna gaaray magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay su weyn ugu soo dhoweeyeen odayaashada dhaqanka, waxgarad iyo dadweynaha ku nool degmadaasi. Sidoo kale waxaa xalay Garoowe kulan gaar ah ku yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo ka arrinsaday, sidii wax looga qaban lahaa xiisada siyaasadeed ee haatan ka soo cusboonaatay deegaanada maamulkaasi. Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan guddoomiyahoodii hore, islamarkaana ay kala hadli doonaan, sidii loo dajin lahaa xiisadan, una aqbali lahaa xil ka qaadista lagu sameeyey. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay arrintan ayaa laga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa qiil u samaystay sababta “ay u mudan yihiin” in ay inta badan hayaan labada xil ee ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, xilli dalalka kale ee IGAD aysan ku qanacsaneyn. Dr. Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa xilka xoghayaha fulinta IGAD waxa uu 7-dii bishan kala wareegay Maxbuub Macallin oo u dhashay Kenya, halka madaxweyne Uhuru Kenyatta la filayo inuu guddoomiyenimada kala wareego ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Arrintan ayaa imaneysa in kasta oo ay jirtay diidmo xooggan oo ka imaneysay Soomaaliya iyo Jabuuti, oo doonayey mid ka mid ah labada xil ee ugu sarreeya ururka. Hase yeeshee, sida uu qoray wargeyska Daily Nation, Nairobi iyo Addis Ababa ayaa ku dooday in maadaama ay yihiin labada dal ee lacagta ugu badan ku bixiya miisaaniyadda ururka, inay mudan yihiin labada xil ee ugu sarreeya. Labada dal ayaa midkiiba waxa uu sanadkii miisaaniyadda ururka ku tabarucaa 2.7 milyan oo dollar, sida lagu sheegay warbixinta Daily Nation. Lacagtaas ayaa lagu kabaa kaalmo dhan 16 milyan oo dollar oo sanad kasta ururka uu ka helo deeq bixiyayaasha caalamka, ayada 2.33 milyan oo ka mid ah ay ka timaado Midowga Yurub. Soomaliya iyo Jabuuti ayaa doonaya in xilalka ururka noqdaan kuwa wareegto ah, si dal kasta oo u sugto kolkiisa, hase yeeshee Kenya iyo Itoobiya ayaa taas kasoo horjeeda. Ma cadda waxa ay Soomaaliya iyo Jabuuti sameyn karaan si ay taas u dhacdo. Caasimada Online Xafiiska Naiorbi caasimada@live.com
-
US President Donald Trump has told ministers from Ethiopia, Egypt and Sudan that he will "cut the ribbon" at the inauguration of the controversial Grand Renaissance Dam when it is completed, an Ethiopian minister says. Source: Hiiraan Online
-
Geneva (Caasimada Online) – Guddi madax-banaan oo ah khuburada QM ayaa ku dhowaaqay in dhimashii madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi ee bishii June, ay u eg tahay “dil aan sabab lahayn” oo ay ka dambeysay dowladda dalkaas. “Morsi waxaa lagu hayey xaalad lagu qeexi karo arxan-darro kaliya, gaar ahaan intii lagu guda jiray shantii sano ee lagu hayey xabsiga Tora” waxaa sidaas lagu yiri bayaan laga soo saaray xafiiska madaxa guddiga sare ee QM ee xuquuqda aadanaha. Dhimashii Morsi “kadib markii uu maray xaaladahan, waxaa lagu qeexi karaa dil ay dowladda dooneysay oo aan sabab lahayn” ayaa lagu yiri bayaanka. Morsi, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey Masar ee loo doorto si dimoqraadi ah, ayaa geeriyooday 17-kii June isaga oo hortoogan maxkamadda magaalada Qaahira kadib makrii uu joogga ka dhacay. Guddiga khuburada QM oo uu hoggaaminayey Agnes Callamard ayaa warbixintooda ku sheegay in dowladda madaxweyne Sisi ay xabsiyada dakaas ku gaysanayso xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo si “ku talo-gal ah” loo fulinayo. Morsi ayaa waxa uu xabsiga ku jiray muddo lix sano ah, waxaana guddiga QM ay sheegeen “in loo diiday daryeel caafimaad oo noloshiisa bad-baadin karo, isaga oo qabay cudurrada sonkorta iyo dhiig-karka.” Khuburada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda Masar “marar badan looga digay” xaaladda caafimaad ee sii xumaaneysay ee Morsi, ilaa ay ka gaartay “heer ay dishay.” “Ma jiro wax caddeymo ah oo muujinaya in mas’uuliyiinta ay isku dayeen inay wax ka qabtaan walaacyada laga arki karo cawaaqibka ka dhalan kara.” Ayaa lagu yiri bayaanka. Khuburada ayaa sheegay in dhibaatadii Morsi ku maray xabsiga ay ahayd qorshe dil oo sanado socday ugu dambeynna Morsi uu ku geeriyooday. Mas’uuliyiinta dowladda Masar weli kama aysan jawaabin natiijada baaritaanka guddiga QM. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhowaaqday in biyo-xireenka Genale Dawa III ee ay ka sameysay koonfurta-bari ee dalkaas uu dhowaan si rasmi ah u howl-gali doono. Biyo-xireenka oo dhismihiisa ay ku kacday 451 milyan oo dollar ayaa iminka la dhameystiray 99%, waxaana uu ku howl-billaabi doonaa muddo laba bilood gudahood ah, sida uu sheegay madaxa howl fulinta shikradda korontada Itoobiya ee EPP, Dr. Abraham Belay. Mashruucan ayaa waxaa dhallin doono awood koronto oo ah 254 Megawatt. Biyo-xireenkan ayaa waxaa laga sameeyey webiga Jubba, oo ah mid ka mid ah webiyada ugu muhiimsan Afrika, islamarkaana ka mid ah labada webi ee mara Soomaaliya kuna darsama badweynta India. Howl-gelinta biyo-xireenkan ayaa saameyn ku yeelan doona biyaha webiga Jubba ee soo gaara Soomaaliya, oo la filayo inay yaraadaan. Soomaaliya oo markii horeba dhibaato ku qabtay webiyada oo gura xilliyada kuleylaha darran, taasi oo horseedda abaaro, ayaa tani waxa ay sii kordhin doontaa culeyska arrintaas ka ka dhasha. Itoobiya iyo Masar ayaa waxaa hadda ka dhex-oogan xiisad ka dhalatay biyo-xireen kale oo Addis Ababa ay ka sameyneyso biyaha webiga Nile, taasi oo Masar ay aad u diidan tahay, ayada oo rumeysan inuu yareyn doona biyaha Nile oo Masar ay aad ugu tiirsan tahay. Mashruuca dhismaha biyo-xireenka Genale Dawa III ayaa waxaa la billaabay sanaddii 2010, waxaana fulisay shirkadda Gezhouba Group ee dalka Shiinaha. Biyo-xireenka ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda korontada dalka Itoobiya, oo aad dhibaato ugu qabo koronto la’aanta. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
Nooca Xidhiidhka ka dhexeeya Basaasiinta FBI-du raadineyso & Maxamed Bin Salman Sacuudiga ayaa mar labaad wajahaya eedeymo ah inay basaasiin ku abuurtay barta ay bulshadu ku kulanto ee Twitter, si ay u hesho xogo iyo macluumaad ku aadan muhaajiriin badan oo dhalasho ahaan dalkeeda ka soo jeeda. Basaasiinta lagu eedeynayo Sacuudiga ayaa waxay si toos ah u beegsanayeen dadka sida gaarka ugu soo horjeeda dowladda Boqortooyada Sacuudiga iyo dhaxal sugaha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan. Eedeymahan ka dhanka ah Sacuudiga, ayaa waxa si toos ah ugu soo jeediyay Waaxda cadaalada Mareykanka, taasi oo si cad ugu eedeysay qaar kamid shaqaalihii hore uga tirsanaan jiray Twitter inay dadka u basaasan boqortooyada Sacuudiga. Basaasiintaasi ayaa mid kamid ah waxa soo shaac baxday in uu hore ula kulmay boqorka Sacuudiga iyo dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, midaasi oo sii xoojisay tuhunka wada-shaqeyneed ee kooxdaasi iyo boqortooyada. Dhinaca kale, Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI ayaa iyaduna daabacday sawirada tuhmanayaashan Sacuudiyaanka ah ee lagu eedeynayo inay u basaasayeen boqortooyada Sacuudiga. Shabakada FBI-da ayaa shalay oo Khamiis aheyd waxay si rasmiya u soo bandhigtay sawirada iyo faah-faahinta qaar kamid ah Ragaasi lagu eedeynayo Basaasnimada, waxaan si gaar ah uga dhex muuqday muwaadiniin u dhashay Sucuudiga oo lagu magacaabo Axmed al-Mutairi iyo Ali al-Zubara. Xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ayaa isaguna waxa uu sidoo kale sheegay in Xogaha Basaasiintaasi xadeen ay kamid ahaayeen Cinwaano email, Lambaro telefoon iyo cinwaano IP, kuwaasi oo ay lahaayen dad si aad ah uga soo horjeeda, isla markaana dhaleeceeya dowladda Sacuudiga. “Xogta la xaday waxaa ku jiray cinwaanno email, lambarro taleefanno ah iyo cinwaanno IP-ga ah, kuwaasi oo ay lahaayeen kuwa dhaleeceeya dowladda Sacuudiga,” ayuu yiri Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanku Qaran News
-
Ninka maalintiina wariyaha ah habeenkiina kabatolaha ah Suresh Nandmehar Nin u dhashay Waddanka Hindiya oo kabatole ah ayaa sidoo kale noqday wariye, wuxuuna faahfaahinayaa sababta ku kalliftay inuu labadaas shaqo isku wado. Muuqaal ay ka diyaarisay BBC-da ayuu ku sheegay in ujeeddada ugu weyn ee uu wariyenimada ugu shaqeeyo ay tahay sidii uu u faafin lahaa wararka aan la sheegin ee ku saabsan magaaladiisa. “Shaqadeyda kabo sameynta ah waxaan qabtaa laga billaabo 7pm fiidnimo ilaa saqda dhexe ee habeenkii. Maalintiina waxaan u shaqeeyaa wariye ahaan”, ayuu yidhi ninkan oo lagu magacaabo Suresh Nandmehar. Haddaba maxaa ku kallifay wariyenimada? “Sababta aan wariyaha u noqday waxay ahayd maadaama ay lagama maarmaan ahayd. Mas’uuliyiinta dowladda waxay sanadkii 2002-dii nagu amreen inaan ka guurno meheradaheennii ganacsiga ee magaalada Bhopal. Waxaan ka codsannay inaysan naga rarin halkaas laakiin way na dhageysan waayeen wayna naga burburiyeen. Waxay nagu ahayd xaalad adag oo culeyskeeda leh. Qaar ka mid ah dadkii ay arrintaas saameynta ku yeelaneysay waxay i weydiiyeen sababta aysan warbaahintu u tabineynin wararka ku saabsan arrintaas nagu dhaceysay. Xilligaas ayey ahayd markii aan fahmay awoodda ay leedahay warbaahinta”, ayuu yidhi. Suresh wuxuu isku dhex wadaa wariyenimada iyo kabo sameynta Xilligaas wixii ka dambeeyay, Suresh Nandmehar Suresh wuxuu go’aan ku gaaray inuu wariye noqdo. “Waxaan daabacaa Wargeys lagu magacagaabo Baal ki Khaal. Waxaan wargeyskeyga ku qoraa wararka ku saabsan dadka aniga ila midka ah, anigoo ka sheekeynaya xaaladaha ay wajahaan. Wali waxaan xasuustaa maalintii murugada badneyd ee nalaga kiciyay dhulkii aan ganacsiyada ku lahayn. Xilligaas warbaahinta gobolku nama aysan garab istaagin, hal sheeko oo nagu saabsanna ma aysan baahinin. Ma jirin cid maqashay dhibaatadeenna. Waxaan mudaharaadeynay 27 maalmood si aan u horjoogsanno go’aanka ay nagu rareysay dowladdu, xitaa anigu marna gurigeyga ma tagin intii uu mudaharaadkjaas socday, laakiin cid naga war heshay ma jirin”, ayuu yidhi Suresh. Isagoo ka sheekeynaya sidii uu go’aanka ku qaatay ayuu yidhi: “Waxaan dhaar ku maray inaan arrintaas wax ka baddalo, waayo waxaan aaminsanaa haddii hal warbaahin oo kaliya xitaa ay warkeenna tabin lahayd in aannaan nalaga burburin lahayn meheradaheenna, shaqo la’aanna aysan nagu dhici lahayn. Xitaa ugu yaraan dowladdu waxay ku khasbanaan lahayd inay noo abuurto shaqooyin kale”. Inkastoo uu shaqada ku guda jiro, haddana wali wuxuu sii wadaa barashada saxaafadda, “Laga soo billaabo sanadkii 2003-dii, si joogto ah ayaan u baranayay saxaafadda, maalin kastana wax cusub ayaan sii bartaa. Qoyskeyga ayaa taageerada ugu ballaaran isiinayay, wiilkeyga iyo gabadha aan sodogga u ahayba waxay iga caawiyaan sixitaanka qoraallada iyo xaqiijinta erayada ku haboon qormooyinka. Ganacsatada khudaarta, kuwa shaaha iibiya – dhammaantood waxay ii keenaan wararka xaqiiqda ah ee ka jira deegaanka, laakiin kabatoleyaasha ayaa ah wariyeyaasheyda joogtada ah, waxayna maalin kasta ii keenaan waxa cusub ee ka jira magaalada”, ayuu yidhi. Lacag yar ayuu ku iibiyaa nuqullada wargeyskiisa. Ninkan wargeyskiisa waxaa wararka usoo tabiya ganacsatada kale ee danyarta ah Wuxuu xitaa lacag la’aan ku siiyaa dadka aan awoodda u lahayn inay iska bixiyaan kharashka lagu iibinayo. “Wargeyskan waxaan akhrisanayay muddo 5 sano ah, wuxuu qoraa sheekooyinka ku saabsan dadka aan la daneynin, sababtoo ah dadka maalqabeennada ah mar walba wey heystaan cid wararkooda tabisa. Xitaa isagoo dhaqaale aad u yar ka hela kabaha uu sameeyo haddana wali wuu wadaa soo saarista wargeyskiisa, waa nin ay ka go’antahay inuu codkeenna kor u qaado, sidaas awgeedna aad baan u qaddariyaa aniga”, waxaa sidaas yidhi kabatole kale oo lagu magacaabo Ram Das Tiwari. Suresh wuxuu noo sheegay in sanadkii 2010-kii uu ku guuleystay abaalmarinta la siiyo wariyeyaasha muwaadiniinta ah, taasoo uu bixiyo jilaaga caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka ee lagu magacaabo Amitabh Bachchan. Qaran News
