-
Content Count
213,939 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warbaahinta PuntlandPost ayaa wareysatay qareenkii difaacayay weriye Axmed Tallman oo shalay dib xoriyadiisii u helay kadib markii uu raali galin ka bixiyay eedayntii loo haystay oo maxkamad lagusoo taagay. Qareen Siciid Axmed Faarax ayaa go’aan geesinimo leh ku tilmaamay raali galinta uu weriyuhu bixiyay, isagoo sheegay inaanu jirin waddo kale oo ufurnayd maadaama uu weriyuhu haysan cadeymo ku filan. 15 sano oo xabsi ah ayuu weriyuhu ku mutaysan karay haddii lagu heli lahaa dambiyada lagusoo eedeeyay, oo ay kamid ahaayeen, Qalqal galin amni, kicin dadweyne, been abuurasho, sumcad dilid dowladdeed iyo laaluush, sida ay Puntland Post kasoo xigatay gal dacwadeedka Tallman. Radio Daljir ayaa dhawaan baahisay warbixin ku saabsanayd in ciidanka taliyaha booliiska Puntland ay jir dil udileen maxbuus ku eedeysnaa inuu katirsanaa Alshabaab. Warbixintaas oo keentay in dowladda sharciga la tiigsato agaasime Tallman oo ahaa agaasimihii Daljir. HALKAAN KA DAAWO WAREYSIGA AAN QAREENKA LA YEELANAY. PUNTLAND POST The post Puntland Post oo wareysatay qareenkii difaacayay weriye Tallman, isagoo bixiyay macluumaad culus appeared first on Puntland Post.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ee ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen saldhigyyo ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaankaasi. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegatay in khasaare isugu jira dhimashi iyo dhaawac ay geysteen madaafiicdaasi, balse aysan cadeyn inta uu la’eg yahay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo la xariira weerarkaasi iyo khasaaraha uu geystay. Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Badhaadhe ayaa sheegaya in agagaarka degmadaasi uu iska hor imaad kooban ku dhexmaray dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamadu ay weerar ku qaadeen fariisin Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Jedacaley ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in dagaal kooban, kadib ciidamada Jubbaland ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi oo muddo ay ka talineysay Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilaabeen halkaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoon a dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dabdamiska Somaliland ayaa ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay Duleedka bari ee magaalada Hargeysa. Saddex Askari oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha ciidamaa Dabdamisku Axmed Sawaaxili. Ciidamada ayaa ku sii jeeday magaalada Berbera marka Gaadhi la dhacay. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-23102019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan ayaa qiray inuu safar ku yimid caasimadda Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarter, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor”. Haddaba, Muxuu Qariyey Safiir Tarsan? Sababta Safarka: Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan shacabka Soomaaliyeed uma sheegin waxa safiir Mareykan u fadhiya dal daris ah uu ka soo doonay Soomaaliya iyada oo uu Mareykanka safiir kale u joogo halkan. Cidda uu la kulmay: Safiirkeenna Kenya, waxaa qoraalkiisa ku qariyey cidda uu la kulmay McCarter, waxa ay ka wada hadleen iyo arrimaha safarka la xiriira. Arrinta Badda: Kyle McCarter waxaa uu Daily Nation u sheegay inuu arrimaha badda kala hadlay, laakin Tarsan waxaa uu muuqato in ka aamusay. Faragelinta Mareykanka: Safiir shaqadiisa waa inuu fuliyaa siyaasadda arriamaha dibadda dalkiisa, Kyle McCarter iskama socon ee waxaa uu u yimid ajendaha Mareykan ah ee muranka badda la xiriira, Tarsan arrintaas sidoo kale waa qariyey, oo kama hadlin. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan si la mid ah madaxda fulinta federaalka ah waxaa isku dayey inuu marin habaabiyo dareenka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intuu islahaa wax deji sii badiyey su’aalaha jawaabta u baahan! Ugu dambeyntii, markii uu Tarsan xaqiiqda qariyey, waxaan la xiriirnay Villa Somalia weydiisay arrimaha la xiriira safarka safiir Kyle McCarter, cidda uu la kulmay iyo waxa ay ka wada hadleen, laakin Villadu ilaa hadda kama soo jawaabin. Xigasho: Goobjoog New
-
Maxkamada sare ee dowladda Puntland, ayaa diiday dib u u eegis ay dalbadeen qareenadii difaacayay saddexdii nin ee dilka loogu xukumay kiiskii kufsigii iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan. Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo shir jira’id saxaaafada u qabtay ayaa sheegay in maxkamada sare ay sheegtay in dib u eegista la dalbaday aysan ahayn mid sharciga waafaqsan oo buuxisay sharuudihii loo baahnaa. Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inuu dhaqan galay xukunkii dilka ahaa ee maxkamaduhu rideen islamarkaana lagu fulindoono dambiilayaasha, waxaana aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aadan uu farta ka saaray go’aankii maxkamada kasoo baxay. Ilyaas Aadan oo saxaafada isagana si kooban ula hadlay ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamada, wuxuuna sheegay inuu qisaasanayo ragga gabadhiisa dilay. HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA. PUNTLAND POST The post Maxkamada sare ee Puntland oo diiday dib u eegis ku saabsan kiiskii Caaisha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb guddiga farsamada ee maamul u sameynta dowlad gobaleedka Galmudug . Arrintan ayaa imaaneysa 24 saac uun markii uu guddi kale oo farsamo ku dhawaaqay madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Jawar Maxamed oo kamid ah dadkii ka dambeeyay isbaddalada ka dhacay Itoobiya ayaa sheegay in xalay lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaalla magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaadheen gurigiisa. Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay iskaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelin. Wuxuu ninka ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa. Jawaar Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in taliyaha booliska uu u sheegay in ciidammada ay wadeen howlgal amni ah. Jawaar Maxamed waa nin saameyn weyn ku leh isbaddalada siyaasadeed ee ka dhacay dalka Itoobiya, waxaa uu hogaaminayay dhalinyarada isbaddal-doonka ee qowmiyadda Oromada ee loo yaqaanno Qeero, waana milkiilaha telefishinka Oromo Media Network. Waxay u muuqata isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inuu khilaaf soo kala dhexgalay maadama ay ahaayeen shakhsiyaad isku dhaw. Dhalinyarta Qeerro ee uu maamulo Jawhar Maxamed ayaa maanta xidhay dhammaan waddooyinka halbawlaha u ah dalka Itoobiya, taas oo keentay in maanta isu socodka magaalooyinku ay xanibmaan. Xaaladdan maanta jirta ayaa waxay u badan tahay degaanka Oromiya, iyo magaalooyinka la wada deggan yahay sida Diridhabe. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Sareeye Guuto Maxamed Faarax Mire Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska uu dhawaan u magacaabay madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadlay xilka loo magacaabay, waxaanu sheegay in uu mudooyinkii ugu dambeeyay u ka shaqaynayay ciidammada millatariga balse uu is waafajin doono xilkan ciidammada booliska oo loo igmaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
South Africa has deported thousands of illegal immigrants in recent months following a new spate of xenophobic attacks, the country’s parliament said on Tuesday. The parliament revealed the information after a meeting was convened by the Portfolio Committees on Home Affairs and Cooperative Governance and Traditional Affairs to look at solutions to challenges around immigration in the country, particularly in the northeastern province of Gauteng. The meeting followed the recent violent criminal attacks directed at foreigners in Ekurhuleni and Johannesburg, both in Gauteng Province, which led to the deaths of 12 people, destruction of property and the displacement and resettlement of foreign nationals. Following the attacks, the Department of Home Affairs, in cooperation with law enforcement agencies, conducted 56 raids on illegal immigrants from July to September, said Bongani Bongo, chairperson of the Portfolio Committee on Home Affairs. The raids, conducted in public places including retail stores, restaurants, and hotels, led to the country deporting 11,455 undocumented foreign nationals between April and September, Bongo said. “All this work will amount to little if the Border Management Authority (BMA) is not implemented to secure our borders,” Bongo said. The BMA, proposed to be established in a BMA bill, is designed to oversee the management of ports of entry in the country. The state entity is going to consolidate all the seven departments operating in the border posts and borderline. It will also simplify the 58 pieces of legislation which are applicable to the management of South Africa’s borders. The BMA bill was approved by the National Assembly, or the lower house, in 2017, and awaits approval of the National Council of Provinces (NCOP), or the upper house. Bingo said that progress is being made to finalize the BMA bill in the parliament, adding “We trust that the NCOP will be able to finalize its processes in relation to the BMA before the end of this year.” “It has become even clearer that we need all spheres of government to cooperate to deal with the impact of undocumented foreign nationals on service delivery and social cohesion,” Bongo said. The plight of illegal immigrants in South Africa has been under the spotlight recently following the xenophobic attacks. Earlier this month, some refugees and asylum seekers, including women and children, protested in front of offices of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) in Cape Town and Pretoria. The protesters accused the South African government of ignoring their plight, not only in Johannesburg where recent attacks occurred but also in Cape Town. Many refugees, mostly from the Democratic Republic of Congo (DRC), Burundi, Nigeria, Somalia, and Pakistan, have asked the UNHCR to help them leave South Africa for fear of xenophobic attacks. The UNHCR has promised to work closely with the South African authorities to continue providing protection through the issuance of appropriate identity documentation, and facilitate access to health care, education and employment opportunities for all refugees and asylum seekers. According to official statistics, South Africa is home to about 268,000 refugees and asylum seekers, mainly from Somalia, Ethiopia, Zimbabwe, and DR Congo. View the full article
-
A senior UN official will visit Somalia next week to discuss the situation of children affected by armed conflict in the Horn of Africa nation, the UN mission said on Tuesday. Virginia Gamba, special representative of the UN Secretary-General for Children and Armed Conflict will be in Mogadishu on Oct. 29 to sign a roadmap to accelerate the implementation of commitments made in the Children and Armed Conflict action plans with the United Nations in 2012. “She will also launch the Peace Building Fund project supporting the community-based reintegration of children formerly associated with armed forces and groups,” the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) said in a statement issued in Mogadishu. During the visit, Gamba will meet representatives of the Somali government, the United Nations, civil society and the international community. The meetings, according to the UN mission, will assess progress in the implementation of the action plans to end and prevent the recruitment and use, and killing and maiming of children, and to help identify measures to better protect children from grave violations. The recruitment and use of child soldiers as combatants in armed conflict by militant groups such as al-Shabab remains a key concern in Somalia. According to the UN Security Council Report on Children and Armed Conflict in Somalia, which was published in 2017, a total of 5,933 boys and 230 girls were recruited as child soldiers between April 1, 2010 and July 1, 2016. Statistics showed an improvement between 2012 and 2014, but the figures sharply rise in 2016, where 1,092 children were used as child soldiers, in the first half of 2016. View the full article
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) welcomes the release of detained journalist Ahmed Sheikh Mohamed (Tallman), former managing director of Radio Daljir from prison, but condemns in the strongest terms possible the coercive methods used by Puntland authorities to obtain videotaped false confession. A day after charging Ahmed Sheikh Mohamed with trumped-up accusations of serious criminal offense such as violating Somali penal code, particularly article 263 (force of threats to a public officer), article 268 (insult to public officer), article 269 (insult to a political, administrative or judicial body), article 298 (assistance relating to the object of a crime), article 321 (instigation to disobey the laws) and article 249 (instigation of corruption), Puntland prosecutors pressured Ahmed Sheikh Mohamed in the afternoon of 21 October and the morning of 22 October to extract confession to implicate himself and Radio Daljir in unsubstantiated criminal activities. According to reliable sources in Garowe, prosecutors warned Ahmed Sheikh Mohamed that they have evidence to convict him and incarcerate him for life, and so he should cooperate with them and confess rather than suffer more. Prosecutors reportedly promised that they will release him if he confesses that he defamed Puntland Police Commissioner and publicly apologizes to the police chief, and to testify against Radio Daljir in an implicating manner. Ahmed Sheikh initially resisted the confession but faced verbal threats which forced him to finally comply with prosecutors’ demands where the stage-managed video was recorded and then instantly disseminated by government agents. The main reason that Puntland authorities decided to pursue obtaining coerced confession is to reduce the growing national and international outcry over its heightened repression of media freedom, to coerce Ahmed Sheikh Mohamed to support the administration once released and to use the confession as evidence to persecute Radio Daljir, the largest private media network in Puntland. “The Puntland authorities are desperate to justify their vicious attacks on media freedom,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. “The confession video of Ahmed Sheikh Mohamed illustrates how far Puntland authorities have violated Ahmed’s right to the presumption of innocence as well as the right not to be forced into incriminating himself, his colleagues and Radio Daljir.” NUSOJ reiterates its call to Puntland administration to end its repressive campaign of police raids & interrogations and judicial harassments against Radio Daljir and its journalists, as well as the use of informal connections to pressurize the radio station. “We warn them not to use this coerced confession against Radio Daljir,” stressed Osman. The union is pointing out that anybody or institution involved in the production of the false confession video or is giving credence to this dreadful act share responsibility for the ongoing human rights violations committed by Puntland administration. By extracting a false confession, NUSOJ confirms that Puntland clearly impedes basic national and international legal safeguards protecting persons in custody such as those regulating arrest and detention and protection from the use of forced confessions. Under international human rights law, no one shall be compelled to testify against themselves, to confess guilt, or be compelled to testify against others. Article 14 of the International Covenant on Civil and Political Rights, to which Somalia is a party, states that every person charged with a criminal offense has the right “to communicate with counsel of his own choosing,” and “not to be compelled to testify against himself or to confess guilt.” Principle 21 of the UN Body of Principles for the Protection of All Persons under Any Form of Detention or Imprisonment states that “No detained person while being interrogated shall be subject to violence, threats or methods of interrogation which impair his capacity of decision or judgment.” A fundamental rule of international human rights law is that all evidence, including confessions, obtained by torture or other ill-treatment must be excluded. View the full article
-
Tan iyo Markii mar labaad la doortay Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa taagnaa Buuq Siyaasadeed oo u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Kismasyo, Waxaa jiray walina taagan [...] Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubbada Hoose ee koofurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa yimid, kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen deegaanka Jedacaley oo hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka kadib Jubbaland ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi oo muddo ay ka talineysay kooxda Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi. Sidoo kale Al-Shabaab oo ku sugan duleedka deegaanka Jedacaley ayaa iyana wada dhaq dhaqaaq xoogan iyo is uruursi ciidan. Jubbada Hoose ayaa waxa ay ka mid tahay deegaanada Jubbaland ee ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan ayaa qiray inuu safar ku yimid caasimadda Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarter, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor”. Haddaba, Muxuu Qariyey Safiir Tarsan? Sababta Safarka: Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan shacabka Soomaaliyeed uma sheegin waxa safiir Mareykan u fadhiya dal daris ah uu ka soo doonay Soomaaliya iyada oo uu Mareykanka safiir kale u joogo halkan. Cidda uu la kulmay: Safiirkeenna Kenya, waxaa qoraalkiisa ku qariyey cidda uu la kulmay McCarter, waxa ay ka wada hadleen iyo arrimaha safarka la xiriira. Arrinta Badda: Kyle McCarter waxaa uu Daily Nation u sheegay inuu arrimaha badda kala hadlay, laakin Tarsan waxaa uu muuqato in ka aamusay. Faragelinta Mareykanka: Safiir shaqadiisa waa inuu fuliyaa siyaasadda arriamaha dibadda dalkiisa, Kyle McCarter iskama socon ee waxaa uu u yimid ajendaha Mareykan ah ee muranka badda la xiriira, Tarsan arrintaas sidoo kale waa qariyey, oo kama hadlin. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan si la mid ah madaxda fulinta federaalka ah waxaa isku dayey inuu marin habaabiyo dareenka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intuu islahaa wax deji sii badiyey su’aalaha jawaabta u baahan! Ugu dambeyntii, markii uu Tarsan xaqiiqda qariyey Goobjoog News waxaa ay Villa Somalia weydiisay arrimaha la xiriira safarka safiir Kyle McCarter, cidda uu la kulmay iyo waxa ay ka wada hadleen, laakin Villadu ilaa hadda kama soo jawaabin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed warns non-Ethiopian media owners engaged in inciting conflicts among different communities by spreading hate speeches. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay go’aanka Madaxweynuhu ka qaatay xubnaha uu u magacaabay Komishanka, waxaanu sheegay inuu Madaxweynuhu u badheedhay ku xad gudubka sharciga dalka. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Madaxweynuhu inuu badheedhayo oo uu iska adkaynayo, sharcigana jabinayo waxaa caddayn u ah go’aanka uu qaatay iyo sida uu u Beesha Caalamka uga diiday ergada loo soo diray, balse cidna waxba ku yeeli maayo, wuxuu wadana cid ka yeeli mayso”. Jaamac Shabeel mar uu ka hadlaayey Barlamaanka ayaa wuxuu yidhi “Xilku wuxuu u yaala Barlamaanka, xilku wuxuu saaran yahay Barlamaanka, waa inay xaliyaan Barlamaanku khilaafkan, iyaga ayuu waajib ka saaran yahay, Madaxweynuhu haddii uu sharcigii uu jabiyey oo uu ku xad gudbay , Barlamaankuna ku xad gudbaan waa dihbaato kale oo culayskeeda leh, ee Barlamaanka ayey u taala inay dalka, dadka iyo doorashooyinkaba badbaadiyaan, oo diidana sharciga lagu xad gudbayo” Source
-
Maanta waxaa kulan caadi yeelan doona xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Akhriso Agendaha: Akhrinta 1aad Axdiga ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada 2. Akhrinta 1aaad ee ka mid noqoshada Hay’ada Damaanad qaadka Maalgashiga Darafyada badan 3. Akhrinta 2aad H/S Istaatistikada Qaranka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Minnesota)-Hay’adda dalka Maraykanka u qaabilsan cunta iyo dawooyinka ee FDA loo soo gaabiyo ayaa amar ku bixisay in daawo loo qaato gaaska caloosha suuqa si degdeg ah looga saaro. Haddaba daawadan iyo sababta keentay in la jooiyo ayaa ka warramay Dr. Maxmuud Dahir Af-qarshe, maamulaha xarunta caafimaadka Gargaar ee gobolka Minnesota, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT- Sochi)-Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayeb Erdowan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa Salaasadii shalay ku dhawaaqay heshiis ay ku tilmaameen mid taariikhi ah, kaasoo uu Ruushka ku ayiday qorshaha Turkiga uu zoon dagaalka ka caagan ka dhigayo Waqooyiga Suuriya illaa xadka Turkiga. Heshiiskan ayaa kasoo baxay kaddib kulan muddo shan saacadood qaatay oo ay madaxweyne Erdowan iyo madaxweyne Putin shalay ku qaateen magaalada Sochi ee dalka Russia. Qodobada heshiiska ku jiro ayaa waxaa ka mida ah inuu sii socdo howlgalka uu Turkiga ka wado waqooyiga Suuriya. In malleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ay 30 kilo mitir ka fogaadaan xadka Turkiga uu la wadaago Suuriya, haddii kalana la burburin doono hubkooda iyo dhufeysyadooda. Waxaa kale oo ay Turkiga iyo Ruushka ku heshiiyeen, in ciidammada labada dhinac ay roondo ka billaabaan jihoonka bari iyo galbeed ee aagga uu Turkigu doonayo inuu goob dagaalka ka caagan ka dhiso ee waqooyiga Suuriya, iyagoo ciidamada ku gaaf-wareegi doono dhul gaadhaya 10 km oo ka shisheen doona halka la rabo in la dejiyo qaxootiga Suuriya ee hadda jooga Turkiga. Dowladda Turkiga waxay sheegtay in tan iyo intii uu bilaamay duulaanka ay ku qaaday Waqooyiga Suuriya ay ku dishay 775 ka mid ah xoogaga Kurdiyiinta, dhankoodana laga dilay 7 askari iyo 79 ka mid ah maleeshiyaadka jabhadda mucaaradka Suuriya ee ka barbar dagaallamaya hadda ciidanka Suuriya.Waxay kaloo sheegeen in rayidka ku dhintay ay gaadhayaan 20. Laakin hey’adda xuquuqda aadanaha ee kor kala socota colaada sokeeye ee Suuriya, fadhigeeduna yahay Britain ayaa sheegtay in dagaalka ka socda waqooyiga Suuriya ay ku dhinteen 120 qof oo rayid ah, 259 ka mida ah xoogaga kurdiyiinta, 196 ka tirsan jabhadaha Suuriyaanka ah ee la safan dowladda Turkiga iyo 7 askari oo Turkish ah. Source
-
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabta ayaa maanta ka furmi doono magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya oo goor sii horreysay gaaray7 gudaha dalkaasi. Sidoo kale waxaa shirkan ka qeyb galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Qaaradda Afrika, iyadoo diirada la saari doono iskaashiga ka dhexeeya Afrika iyo dalka Ruushka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda isugu imaan doonto shirkaasi. Ka qeyb galka shirkan ee Soomaaliya ayaa ah mid muhiim ah, iyadoona ka faa’iideysan doonto ganacsatada iyo martida kale ee lagu casuumay madasha Afrika iyo Ruushka. View the full article
-
(SLT-Dimishiq)-Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa weerar afka ah ku qaaday dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin Budhcad ah oo ku soo duulay Suuriya. Mr Asad ayaa wacad ku maray in ay dib u qabsan doonaan deegaanada ka maqan ee ku yaalla waqooyiga Suuriya oo ka baxay gacanta dowlada intii lagu guda jiray dagaalkii Sokeeye. Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib booqasho uu ku tagay Jiida hore ee dagaalka ee waqooyiga Suuriya. “Erdogan waa burdhcad wuxuu xaday warshadaheena Saliideena iyo qeyraadka yaga, hadana waxa uu doonayaa in uu qaato dhulkeena mana u dulqaadanayo” ayuu Yidhi Bashar Al-Asad. Source
