-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qadar iyo Soomaaliya oo kala saxiixday dib u hawl gelinta heshiis dhacay 1983dii. Guddiga dib u hawl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay dalka Qadar ka helaan fursado Shaqo ayaa la kulmay guddiga dhiggooda ah ee dalka Qadar. Heshiiska labada dal, waxaa la saxiixay sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo hawl geliyey dabayaaqadii bishii September ee sannadkan,kaddib markii Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey dalka Qadar halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka midyahay Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalka Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu. Wasaaradaha Shaqada ee labada dal waxay soo magacaabeen guddi ka kooban lix xubnood oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. Waxaa maalmahaan caasimadda Dooxa shir ku lahaa guddiga isku xirka iyo dib u hawl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee labada dal, waxaana xalay guddigu uu saxiixay qorshe haw-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; 1. In labada dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha dalka dibadiisa loo qaadayo. 2. Waxaa la isla gartay in dawladda Soomaaliya qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono dalka Qadar sannadka 2022-ka. 3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyed uu u furanyahay suuqa shaqada ee dalka Qadar. 4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran. 5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan xafiisyo ka masuul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha. a. Soomaaliya waxaa u qaabilsan xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada. b. Sidoo kale dowladda Qadar waxaa u qaabilsan xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha. Labada guddi ayaa kullankooda hoosta ka xariiqay in sida u degdeg badan ay hawshu loo billaabo si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira labada wasaaradood. Qaran News
-
Kadib booqashadii ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee uu shalay ku tagay safaaradda Soomaalida ee Paris, markii uu indhihiisa ku soo arkay dayactir la’aan sanado badan ah iyo iney safaaraddu meel kasta ka duntay iyo weliba qorshe la’aanta maamulka Villa Somalia ee ku aadan bad-baadinta dhismayaasha iyo hantida qaranka ee dibadda. Goobjoog News waxaa ay baaris ballaaran ku sameysay dhismeyaasha uu qaranku leeyahay safaarado ama guryo ee u baahan dayactir laakin Villa Somalia aaney arkin, una heyn qorshe xilligan wax looga qabanayo. Baarista Goobjoog ee ku aadan dayacaadda dowladda federaalka ah ee dhulkii qaranku lahaa ee dibadaha ayaa waxaa ay ku aadeysaa xilli khubaro ka tirsan UN-ka ay todobaadkan soo saareen qoraal lagu sheegay in Villa Somalia ay ku dhowaad hal miyan oo dollar ku bixisay laaluush si ay u soo saarto murashaxeeda doorasho ka dhacday Koonfur galbeed Soomaaliya December 18, 2018. Baaristan waxaynu sameynay 2 bil kadib markii uu maamulka Farmaajo safaarad cusub ka gaday Wyoming Aven ee Washington taas oo horay u aheyd saafaaradda Columbia, lacagta ku baxday waa $4.3 million, lacagtaas inta badan waa dalaalnimo iyo wax isdaba marin. Arrimahan musuqa, hufnaan la’aanta iyo isla xisaabtanka oo meesha ka baxay darteed Transparency International waxaa ay Soomaaliya gelisay dalka ugu musuqa badan adduunka ee 10-kii sano ugu dambeeyey. Haddaba, Halkan Ka Akhriso: Qeybta 1-aad ee Dhismayaasha Dayactirka u Baahan: 1. Safaaradda Paris: Dhismaha oo qadiimi ah waxaa uu u baahanyahay ilaa $200,000 2. Guriga Danjiraha Soomaaliya ee Paris: Gurigan waxaa uu u baahanyahay $70,000 3. Safaaradda Rome: Dhismahan oo qadiimi ah waxaa uu u baahan yahay $250,000 4. Guriga Danjiraha ee Rome: Waa guri meel fiican ku yaalo waxaa uu u baahan yahay $40,000 5. Safaaradda Brussels: Waa dhisme kale oo u baahan ilaa $200,000-300,000 6. Guriga Danjiraha ee Brussels: Guriga waxaa lagu dayactiri karaa $55,000-65,000 7. Qunsuliyadda Cadan: Waa dhisme u baahan ilaa $150,000 8. Safaaraddii iyo guriyaga qaran ee Lagos: Kulli waxaa lagu qiyaasay iney ku bixi karaa $350,000 Waxaa jiro guryo, xarumo iyo hanti kale oo uu qaranku lahaa oo aaney ka war heyn dowladda federaalka ah ama iska dayacday iney raadiso, ka warqabto ama ay dayactirto. Lacagahan ay khubarada Soomaaliyeed noo sheegeen in ay dartood khatar ugu jiraan guryo uu qaranku lahaa, waxaa aad uga badan lacagta ay hey’adaha caalamiga ah sheegayaan iney laaluush ku bixiso dowladda federaalka ah, haddaba, maxaa hortaagan in guryahan la dayactiro. La soco Qeybta dambe iyo guryo iyo hanti qarka u saaran in lala wareego! W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Ciidamo isku horfadhiya kaantaraoolka Magaalada Boosaaso Saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Bari, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in nawaaxiga kantaroolka Boosaaso ay isku hor-fadhiyaan ciidanka dowladda iyo ciidamo kale oo ka yimid dhinaca degmada Carmo. Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux ayaa doonayey in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aysan is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa Puntland. Xiisaddaasi ayaa sida la sheegayo ka dhalatay muran iyo khilaaf ka taagan maamulka shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Goob-joogayaal ayaa sheegaya in mararka qaarkood rasaas laga maqlayo nawaaxiga labada ciidan isku hor-fadhiyaan, inkastoo aan wax faahfaahina laga hayn, in khasaare halkaasi ka dhashay. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu ka socdo gargaar loo fidinayo qoysaska ku barakacay fatahaadaha ayaa waxaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid lagu leexsaday raashiinka gar-gaarka oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka barakacay. Sidoo kale waxaa la sheegay in la arkay bakhaarro si musuq maasuqa loogu xareeyay raashinkii loogu tala galay in lagu caawiyo dadka ay fatahaadu ku ceyrteeyeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee qeybteeda 27aad Dhame Maxamed Cabdulqaadir Maxmed ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen dadkii loo soo qabtay falkaas sharcigana la hor geyn doono. Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sheegay in lagu soo war galiyay in la leexsanayo gargaarkii loogu tala galay dadka reer Beledweyne, kadibna howlgal ay fuliyeen ay ku soo qabteen ruuxii lahaa Bakhaarka lagu xareeyay raashinka iyo dadkii watay gaadiidka la qabtay ee uu ku rarnaa raashinka la leexsaday, isagoo intaas ku sii daray in ay ku raad joogaan dad kale oo lala xiriirinayo musuqa lagu kacay. Waxaa jiro shakhsiyaad hey’ado ka faa’ideysto fursadaha noocaan oo kale kuwaas oo musuq maasuq ku sameyso caawinaadda loogu talagalay dadka dhiban ee loo gargaarayo. Tallaabadaan ayaa la filayaa inay yareyso ugu yaraan musuq maasuq baahsan ee ka socdo gargaarka loogu talagalay dadka Reer Beledweyne oo ay saameynta xoogga leh ku yeelatay fatahaadaha uu sameeyey Wabiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Bari, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in nawaaxiga kantaroonka Boosaaso ay isku hor-fadhiyaan ciidanka dowladda iyo ciidamo kale oo ka yimid dhinaca degmada Carmo. Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux ayaa doonayey in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aysan is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda. Xiisaddaasi ayaa sida la sheegayo ka dhalatay muran iyo khilaaf ka taagan maamulka shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Goob-joogayaal ayaa sheegaya in mararka qaarkood rasaas laga maqlayo nawaaxiga labada ciidan isku hor-fadhiyaan, inkastoo aan wax faahfaahina laga hayn, in khasaare halkaasi ka dhashay. Faahfaahinta kala soco: Puntland Post The post Ciidamo isku hor-fadhiya kantaroolka magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Review SDGs to reflect context of poor countries- Somali PM
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
PARIS (HOL) - Somali Prime Minister Hassan Khaire has called for a review of the Sustainable Development Goals to take into consideration the challenges facing poor and emerging countries such as Somalia. Source: Hiiraan Online -
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Puntland, Mudane Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa maanta gaaray degmada Badhan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Shacabka degmada Badhan oo taageero u muujiyey ayaa u soo banaanbaxay soo dhoweynata guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Cabdixakiin Dhoobo Daareed. Boqolaal dadweyne ah oo ay qeyb ka yihiin odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland ku soo dhaweeyey halkaasi. Dhoobo Daareed oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyey shacabka Badhan soo dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna sheegay inay is xog wareysan doonaan, islamarkaana inta uu joogo uu la qaadan kulamo kala duwan. Wixii ka dambeeyey Khamiistii la soo dhaafay oo kalsoonida ay kala laabteen guddoomiye Dhoobo Daareed xildhibaano gaaraya 49 Mudane ayaa wuxuu ku laabtay gobolka Sanaag, isagoona ka horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey. Waxa kale uu sheegay in yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Puntland, islamarkaana loo awood sheegtay, sida uu hadalka u dhigay. Lama oga halka ay saldhigan doonto xiisadan, iyadoona guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ay taageero u muujiyeen beelaha degangobolka Sanaag, gaar ahaan Beesha uu ka soo jeedp oo sheegay inay ka tashan doono aayaheeda Puntland.
-
Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in deegaanka Cadayga oo hoostaga degmadaasi xalay lagu diley guddoomiyahii deegaankaasi iyo sidoo kale ku xigeenkiisa. Koox hubeysan ayaa la sheegay in xalay saq dhexe ay hoygooda kala baxeen mas’uuliyiintan, kadibna ay dileen sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmada Balcad. Guddoomiyaha la diley ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulle Xasan Xaaji halka ku xigeenkiisa lagu magacaabayey Cilmi Qooje Xasan. Illaa iyo hadda ragga wax diley lama oga waxa ay ahaayeen, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka Shabellaha dhexe ay sheegeen in baaritaan ku wadaan. Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidanka xoogga dalka, waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi baaritaanno ay ka wadaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maalmahan Caasimadda Dalka Qadar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; 1. In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo. 2. Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka. 3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar. 4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran. 5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha. a. Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada. b. Sidoo kale Dowladda Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha. Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood. Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar. Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka Qadar ,Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu. Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen Guddi ka kooban Lix xubnood oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre , ayaa Shalay kulamo gaar gaar ah kula qaatay Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka France, Wasiirrada arrimaha dibedda Dalalka Russia, Sergey Lavrov iyo dhiggiisa Finland, Pekka Haavisto. Kulanka RW Kheyre iyo Wasiirrada arrimaha dibedda Ruushka iyo Findland ayaa qeyb ka ahaa shirka madasha nabadda Paris, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira nabadda iyo xoojinta iskaashiga Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Dalalkaas. Dowladaha Ruushka iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir qoto dheer oo dhinacyo badan ah, iyadoo ay haatanna Dowladda federaalku waddo qorshayaal lagu sii horumarinayo cilaaqaadka ka dhexeeya Labada Dowladood. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre , ayaa kulamo gaar gaar ah kula qaatay Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka France, Wasiirrada arrimaha dibedda Dalalka Russia, Sergey Lavrov iyo dhiggiisa Finland, Pekka Haavisto. Kulanka RW Kheyre iyo Wasiirrada arrimaha dibedda Ruushka iyo Findland ayaa qeyb ka ahaa shirka madasha nabadda Paris, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira nabadda iyo xoojinta iskaashiga Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Dalalkaas. Dowladaha Ruushka iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir qoto dheer oo dhinacyo badan ah, iyadoo ay haatanna Dowladda federaalku waddo qorshayaal lagu sii horumarinayo cilaaqaadka ka dhexeeya Labada Dowladood. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran Suleymaan Maxamuud Xaashi oo wareysi bixiyey ayaa markale ka hadlay dhacdadii sii hurisay xiisada dowladda iyo Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Suleymaan ayaa sheegay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay damacsaneyd in diyaaraddii siday wafdiga madasha xisbiyada Qaran inay goosato shidaalka, kadibna la waayo, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in diyaaradda loogu talagalay inay ku degto 45 daqiiqo, balse ay hawada ku jireen wax ku dhow laba saacadood, islamarkaana qatar la galiyey noloshooda. “Xukuumadda waxay damacsaneyd in diyaaradda shidaalka goosato oo madaxdii hore iyo xildhibaanada la socotay halkaa lagu waayo qatar baa nala geliyay, waa la ogyahay 2 saacadood wax ku dhaw ayaan hawada ku jirnay waxaana diyaaradda loogu talagalay iney 45 daqiiqo ku caga dhigato Beledweyne.” ayuu yiru gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran, Suleymaan Maxamuud Xaashi. Dhinaca kale wuxuu guddoomiyaha tafaasiil ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Madaxweunhihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif ee ahaa in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo uu ka saari doono gudaha magaalada Muqdisho. Suleymaan ayaa tilmaamay in hadallada uu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada Qaran kaliya laga soo qaatay erayo gaar ag, si loogu qariyo xayiraadii lagu sameeyey. “Sheekh Shariif waxaa uu hadalkiisa ku soo qaatay, Itoobiyaan, hoggaamiye kooxeedyo oo dadka Soomaaliyeed ay iska saareen,marka hadii dowladda ay sharciga ku dhaqmi weyso in la iska saaro ceeb mahana, sida Cumar Al-Bashiir Madaxweynihii Suudaan ayuu yiri.” ayuu markale yiri, Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in dadka Soomaaliyeed aan la marin habaabin, islamarkaana ay dowladdu ilaaliso Dastuurka iyo shuruucda u taalla dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddiga dib u hawl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay dalka Qadar ka helaan fursado Shaqo ayaa la kulmay guddiga dhiggooda ah ee dalka Qadar. Heshiiska labada dal, waxaa la saxiixay sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo hawl geliyey dabayaaqadii bishii September ee sannadkan, kaddib markii Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey dalka Qadar halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka midyahay Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalka Qadar Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu. Wasaaradaha Shaqada ee labada dal waxay soo magacaabeen guddi ka kooban lix xubnood oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. Waxaa maalmahaan caasimadda Dooxa shir ku lahaa guddiga isku xirka iyo dib u hawl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee labada dal, waxaana xalay guddigu uu saxiixay qorshe haw-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; 1. In labada dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha dalka dibadiisa loo qaadayo. 2. Waxaa la isla gartay in dawladda Soomaaliya qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono dalka Qadar sannadka 2022-ka. 3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyed uu u furanyahay suuqa shaqada ee dalka Qadar. 4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran. 5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan xafiisyo ka masuul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha. a. Soomaaliya waxaa u qaabilsan xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada. b. Sidoo kale dowladda Qadar waxaa u qaabilsan xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha. Labada guddi ayaa kullankooda hoosta ka xariiqay in sida u degdeg badan ay hawshu loo billaabo si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira labada wasaaradood. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qadar oo dib u hawl-geliyey heshiis ay kala saxiixdeen 1983 appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho xalay saqdii dhexe guddoomiye & ku xigeenkiisa loogu geystay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Toogashada oo ay fuliyeen rag hubeysan oo aan la garan heybtooda ayaa waxaa loo geystay guddoomiyaha deegaanka Cadayga, Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii, Cilmi Qooje Xasan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in ragg dilka fuliyey ay xalay mas’uuliyiintaasi kaxeysteen, kuna toogteen meel banaanka ah deegaanka Cadayga ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dhacdadaasi oo dadka deegaanka ku abuurtay cabsi iyo wal wal xoogan. Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad iyo kan gobolka oo ku aadan dilkaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen halkaasi, islamarkaana ay ka bilaabeen baaritaano lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey toogashadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa duleedka Balcad dhaq dhaqaaq xoogan ka waday Al-Shabaab oo inta badan weeraro jid gal ah ka fulisa waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, lamana xaqiijin karo in weerarkaasi ay iyadu fulisay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
-
Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka oo ka dhacday agagaarka Jilib ee jubada dhexe lagu dilay sarkaal ka tirsan xarakada Al-shabaab. Sida ay sheegeyso Africom, duqeynta waxaa ay dhacday 12/11/2019 , iyaga oo intaasi raaciyey in aaney dilin ama waxyeello soo gaarin wax rayid ah. Duqeynta Mareykanka ay fuliyaan ayaa noqotay habka keliya ee Al-shabaab lagula dagaalo gudaha Soomaaliya kadib markii xukuumadda federaalka ah ay ku guuldareysatay qorshihii ahaa “Al-shabaab ayaa ku saareynaa 2 sano”! Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – War ka soo baxay taliska Afrika ee Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka dalkaasi ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Duqeynta oo ka dhacday magaalada Jilib ayaa waxa ay AFRICOM shaacisay inay ku dishay xubin sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Warbixinta AFRICOM ayaa lagu sheegay in sarkaalka la dilay uu muhiim u ahaa isku xirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda, islamarkaana uu xiriir toos ah la lahaa kooxda Al-Qaacida oo dagaal xoogan ka wada dalal badan oo ku yaalla caalamka. Mareykanku ma shaacin magaca sarkaalka la dilay, balse wuxuu tilmaamay in duqeyntaasi aysan wax khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah. Sidoo kale wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada Soomaaliya oo uu ku aamanay doorka ay ka qaadanayaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka weerarada xagga cirka ah ee ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xusen (Guudlaawe) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay shirweyne deg deg ah. Guudlaawe ayaa sheegay in shirkan oo dhowaan dhici doono diirada lagu saari doono dhibaatooyinka ka dhashay fataahadaha ku dhuftay deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka faa’ideysan doonaan dowladda dhexe, gaar ahaan wasaaradda qorsheynta, si xal loogu helo fatahaadaha soo laa laabtay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/guu.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo dalka Faransiiska uga qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay habboon tahay in bah-wadaagta Caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta dib u dhiska dalka. Mudane Khayre ayaa saaxiibada Soomaaliya ugu baaqay, in ay mudnaanta kowaad siiyaan maalgelinta dib u dhiska hay’adaha dowliga ah ee dalka, si loo gaaro himilooyinka horumarka ay hiigsanayso Soomaaliya “Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb-galay dood halkaasi lagu qabtay, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ku hawllantahay dib u-dhiska hay’adaheed dowliga ah, islamarkaana ay hiigsaneyso in ay dib u soo celiso kaalintii ay dunida kaga jirtay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo Caalamka ugu baaqay in ay maal-geliyaan dib u-dhiska hay’adaha dowliga ah ee dalka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee maamulkaasi. Carabey ayaa sheegay in haatan uu meel wanaagsan marayo dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay, islamarkaana ay ku bixiyeen waqti iyo judi badan. Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan dar-dar gelinta dib u soo celinta adeegyada aas aasiga u ah shacabka ku dhaqan gobollada Galgaduud iyo Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/CARA.mp3 cARABEY View the full article
-
Diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan la soo geba-gabaynayaa maanta oo Arbaco ah. Guddiga doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland, ayaa maalmihii la soo dhaafay diiwaan-gelinayay musharrixiinta u tartamaysa qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamanka. Saddex musharrax oo kala ah; Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ilaa iyo hadda si rasmiya isu diiwaan-geliyay tartanka doorashada guddoomiyaha Baarlamanka oo la qorsheeyay in ay dhacdo Khamiista berriya. Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa Khamiistii hore xilka laga qaaday, kadib markii ay mooshin ka gudbiyeen 44 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka. Mooshinka oo sida la sheegay ay dabada ka riixaysay xukuumadda Puntland, ayaa soo bilowday kadib markii la xallin-waayay khifaal ba’an oo in mudda ah u dhexeeyay madaxweyne Deni iyo guddoomiye Dhoobo. PUNTLAND POST The post Diiwaan-gelinta musharixiinta u tartamaya guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo maanta la soo geba-gabaynayo appeared first on Puntland Post.
