Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiye ku xigeenka kowaad, ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka Bari, Mudane Axmed Cali Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey awaamiir la xiriirta sugida amniga oo ka soo baxday guddiga nabadgelyada gobolka Bari. Axmed Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in go’aanadaan ay qeyb ka yihiin qorshaha cusub ee lagu sugayo amniga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xittaa xafladaha aroosyada iyo munaasabadaha kale aan la dhigi karin ,iyadoo aan la soo wargelin maamulka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/bbb.mp3 View the full article
  2. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire; Axmed Ciise Cawad , ayaa ka faah-faahin ka bixiyay dib u furista Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay. Mudane; Cawed ayaa aad u bogaadiyay Guriga Safaaradda Soomaaliyeed ee Maraykanka, kaas oo ay madaxda Dowladdu ka iibiyeen bartamaha Magaalada Washington DC, wuxuuna sheegay in wixii haatan ka dambeeya aysan ka baqayn in la weydiiyo kiro ama laga saaro xarunta Dalka laga matalo. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa soo hadal qaaday xiriirka soo wanaagsanaanaya eek ala dhexeeya Soomaaliya, isagoo tusaale usoo qaatay qaraarkii cunaqabataynta ahaa ee ay dhowaan golaha ammaanka u gudbisay Kenya in ay difaacday xukuumadda Washington. Dhinaca kale, wasiir Cawed ayaa muhiimad weyn ku tilmaamay in ay Safaaradda Maraykanka dib uga howl-billowday Muqdisho muddo dheer ka dib, wuxuuna sheegay in ay wixii haatan ka billowda sare u qaadi doonto tallaabadan sumcadda Dowladnimodeenna, iyadoo uu xiriirka Labada Dalna nonon doono mid toos ah oo aan loo dhaxayn. View the full article
  3. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadaan gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan nawaaxiga degmada Awdheegle, deegaanada Bariire, Lambar Konton iyo Lambar Lixdan. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan baaritaanadaasi, balse waxa ay sheegeen inay ka warbixin doonaan saacadaha soo socda. Dhaq dhaqaaqyadan Milatari ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dagaalyahannada Al-Shabaab ay waraaqado digniin ah ku daadiyeen gobolka Shabeekaha Hoose. View the full article
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in todobaadkan gudihiisa la qaban doono munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maalinta Arbacada ah oo ku beegsan sagaalka bisha October la qaban doono xafladdaasi. Sidoo kale munaasabadda oo ah mid ballaaran ayaa la sheegay inay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin sare sare oo ay ku jiraan madax hore xilal uga soo qabtay dalka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale xafaladda caleema saarka, Axmed Madoobe ay ka qeyb gali doonaan wafdi ka socda dhinaca maamulka Somaliland. Ammaanka Kismaayo ayaa loo adkeeyey, iyadoo saaka ciidamada Booliska Jubbaland ay saaka howlgallo ballaaran ka wadaan gudaha magaaladaasi. 26-kii bishii hore ayaa lagu waday in la qabto munaasabadda caleema saarka, balse waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii dowladda federaalka ay xayiraad saarka Kismaayo. Lama oga hadda sida ay wax noqon doonaan iyo tallaabada xigta oo ay qaadi doonto dowladda dhexe oo horay u qaadacday doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-05102019-aa.mp3 View the full article
  6. After years of growing hostility and competition for influence, Saudi Arabia and Iran have taken steps toward indirect talks to try to reduce the tensions that have brought the Middle East to the brink of war, according to officials from several countries involved in the efforts. Source: Hiiraan Online
  7. Jigjiga (Caasimada Online) – Gobolka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in markii ugu horreysay uu dhistay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Kumaandooska. Ciidamadan ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa illaa 250 askari, kuwaasoo dhowaan tababar loo soo xiray. Sidoo kale ciidamadani ayaa qeyb ka noqonaya illaa 3000 oo askari oo ka mid ah ciidamo cusub oo ku biiraya kuwa loo yaqaano Liyu Boolis ee ismaamulkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada Kumaandooska ahi ayaa loogu talo galay inay ka jawaabaan xaaladaha deg dega ah iyo difaaca xuduudaha gobolka. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gobolka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa ku soo beegay xilligan in ciidamo cusub uu dhisto gobolka Soomaalida Itoobiya. Arrintan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay xasarado xoogan ay ka jireen gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
  8. The Chinese foreign minister turned down Trump's request to investigate Joe Biden. Source: Hiiraan Online
  9. Barlamaanka dowladda Puntland, ayaa gobolada u kala diray guddiyo kala duwan oo warbixino kasoo diyaariya xaaladaha gobolada iyo in ay kormeer ku sameeyaan shaqooyinka hay’addaha xukuumada. Guddiyadaan ayaa warbixinada ay kasoo diyaariyaan waxay horkeenidoonaan kalfadhiga soo socda ee furmidoona 25 bishaan Actober, kaasoo caadiyan lagula xisaabtamo xukuumada. Warbixino horudhac ah oo ay guddiyadu kasoo diyaariyeen ayay walaac kaga muujiyeen xaaladaha xabsiyada Puntland ay ku sugan yihiin iyo xaalufka lagu hayo degaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland. Guddiyadaan waxay sidoo kale warbixino xasaasi ah ka diyaariyeen xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Puntland haatan ku sugan tahay, walow aysan warbaahinta kasii daynin. Madaxweyne Deni oo dhawaan si kulul u canaantay golihiisa wasiiradda ayaa ku amray inay gobolada tagaan oo ay shacabka ay matalaan lasoo hadlaan kanasoo dhegaystaan baahiyaha ay qabaan. Haatan badi inta badan wasiiraddu waxay ku maqan yihiin gobolada waxayna dhinacooda ka diyaariyaan warbixintii xukuumadu la hortagi lahayd golaha glaha barlamaanka. Puntland Post The post Barlamaanka Puntland oo miciyaha u sifaysanaya la xisaabtanka xukuumada appeared first on Puntland Post.
  10. RIYADH (Reuters) - Saudi Arabia is allowing foreign men and women to rent hotel rooms together without proving they are related, after the conservative Muslim kingdom launched a new tourist visa regime to attract holidaymakers. Source: Hiiraan Online
  11. Dareen Gabay: jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?! Dareen gabay: Jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?! Maanso Gabay: Magaca Maansadan waxa la yidhaahdaa: Dareenka Dadweynaha iyo Su’aal: D’Jibouti ma ii maqan tahay. Mise way igu maqan tahay?! By: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf. Magaca Maansadu Waa: Dareenka Dadweynaha DJIBOUTI MA II MAQANTAHAY MISE WAA IGU MAQANTAHAY Dadweynaha reer Jabuutow Walaal Dumar iyo caruur “DAMAAD” baan soo qortee Daroon Somaliland Gabooyaha no da’weyniyo Dir iyo Daarood ka yimi Wixii Doodl-iyo Dacwana Durriyaddaa ku daliilin Walaal derisbaynu nahay Dadbaynnu isugu xignaa Dabkaynnu kala qaadannaa Dunbay-su-gu keen xidhnayd Daruuriyo Daad balaadhan Degaankiyo doogga baxa Duunyadu way wada Cuntaa Dukaanaleey kulay ku tahay Dadkuna waa wada degaa Haasaawaha Diiraniyo Barjaa lagu wada dekayn Adduun weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaacaagaan ahaa Durrabaa ugu dambaysay Haddaad Duc kaleba Diiddo Walaal waa diinta iyo Intaa Dersinimo Wanaag Hayeeshee Daacad li’ Dareen-aba- baa I qalay Distoorkiyo Dawladnimo Markuu Calankii Dulbaxay Markay timi daaha Fura Dunidu ha-ku eegatee Aqoonisga iigu deeq Maxaad ii duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga ku deedafayn Dedaalkii Dawladnimo Xoriyad Doon Doonistii Waxaan daafaha addoon Dinahy-yee-yee-ya- yaan Daluumaha hooseiyo Daruuraha Kuugu koray. (Wada-2) cell (2). Wuxuu Dumar duunyo huray Waxay dahab iibiyeen, Dantoodii uga tageen Dalaaqana ay dhaceen Durbaan iyo daramal dhacay Aduun weligii ma degin Danqaabana lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii duniduba dhisnayd Difaacaagaan ahaa Durraataa ugu dambaysay Haddad Duc kaleba Diiddo Walaal waa diinta iyo Intaa derisnimo wanaag Ha yeeshee daacad li’ Dareen- aba- baa I galay Distoork-iyo Dawladnimo Markuu calankii Dulbaxay Dunidu ha ku eegatee Markay timi Daaha fura Aqoonsiga iigu deeqa Maxaad ii duudusidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga u deedafayn Wixii Cadaw Duulimaad Dul iyo hoos iigu dhigay Dalkaba waydaari iyo Dagaal duurka ha galee Diloo booboo dhac iyo Wixii Dabar gooyn I helay Dawaadda arday lehiyo Wuxuu Dilay Duubcaddii Dulbuuxii la igu dhigay Waxaan kaa doonayiyo Waxaan kaa damacsanaa Dubaaxdii kaama helin Dul-qaad-keedaan-lahaa Dagaal iyo Diri qadhaadh Dab iyo Naar la iskua shiday Ayaan doobi-gow cushoo Ilaahbaan Daawo saartoo Duuf-laal cadawgii ku diray Ano dii-fay-sanoo Bukaan Daran-yay-sanoo Duleedkaagaa Fadhiya Labaatan ku dhow Dednaa Adoo Dawadii hayana II diida Daryeelidiimm (Wada-3). Cell (3). Duunyana Xoolaan lahaa Dux iyo kowl ii ahaa Intii Dabar igu xidhnaa Kuwiina Dareesatoo Dallaa-llimo kuu hadhsade Dabool dekadaydi saartay Dagaal iigama ekee Nabsaan kugu Deynayaa. Aduun Weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaa-caa-gaan ahaa Daraataa ugu dambaysay Haddaad duc kaleba diiday Walaal waa diinta iyo Intaa Dersinimo wanaag Ha yeeshee Daacad li’ Dareen-aba-baa I galay Distoor iyo Dawladnimo Markuu calankii Dulbaxay Markay timi daaha Fura Dunidu Hay-din-eegatee Aqoonsiga iigu deeqa Maxaad igu duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga u deedafayn Dul-waayeel Waa indhoo Wadada Dib-u-uraaci-yiyo Dantii Xamar by jirtaa Waxad Dacar Qooshatay iyo Waxaad dabin ii xidhaba Duqayn hoosaad waddoo Ilaahbaa iga Dulqaday Darxumo waa naga dulhaadday Diyaafadu aan dhigiyo Damaashaad lagu Dikro Dabaal-deggi waay Diyaar Nabsaa kugu dayranoo Xunbuli doo-yay-sanoo Markuu dabarkiisa goosto Intii uu damac-san-yahay Daqiiqad ma daa-ya-oo Dawaar kuu marin-yaqaan Haddaan Dunjigayga sheego Bal daymo-oo Duugga tegay Dir iyo Daroodna weydii Dagaal la iguma DIGTOO Dabaal Cada-daadi mooyee ( Wada-4) cell (4)/ Anaan ku degdegin dad laa Adduun weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaac baan kuu ahaa Darraataa ugu dambaysay Haddaad Doc kaleba Diido Walaal Waa Diinta iyo Intaa Derisnimo wanaag Hayeeshee daacad li’ Dareen-aba-baa I galay. Distoor iyo Dawladnimo Markuu Calankii Dulbaxay Markay Timi daaha Fura Dunidu Hay-din eegatee Aqoonisga iigu deeqa Maxaad ii duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga ku deedafayn Nabsigu waa daabadoo Sidii diinkuu socdaa Dabaylii cad rogiyo Daaraha Mowjada Dulmara Duufaanbuu noqon-karaa Dadkii Xalay doobyayee Nicmada daac-daaca-yee Daf iyo midhiq-daa ahaa Dayaanku haddi u dhaco Digiyo Dambays bay noqdaan Dabeed Daasa-deey gurtaan Ceeyoonbaa loo Dawari Walaalow waa Dignin Walaalow Waa dardaaran Walaalow waa Danteen Walaalow waa Dulxaadis Dubii weynaa ma dhicin Ogoobay waa Durriyad Duudkii saadada ka baxay Dulamaa laga galay D’weyn Ducay Sacabada wadheen Cirkay daalacan hayaan Dareen Qu***** direen Allow Daayimow Allow Walaal ii Daran Dawee Da-wee-yoo Haddana dawee Hadduu diidana Dullee. NIN KUU DIGAY KUU DANEE ADAA DAYN QABEE BAL DAYO OO YAAN DOORKAA KU SEEGIN By: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf. husseiniy@hotmail.com Qaran News
  12. Somali refugee Ramlo Ali Noor will never be reunited with her 16-year-old son in her new home in Columbus, Ohio. Source: Hiiraan Online
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in cadaadiska xooggan ee kaga imanaya dowladda federaalka ah uusan ku qasbi doonin inay ku dhowaaqaan gooni-u-goosad. “Waxa nagala raadinayo waa ‘dowlada federaal xal baan ka waynay si kalaa u tashaneynaa’ maya; midnimada Soomaaliya annagaa u taagan, annagaa keenayno, annagaa ka shaqeynayna, cidna ugama gambaneyno”. Shacabka ayuu soo jeediyay in laga badbaadiyo “dhur-waayadda”, amni daradda sii kordheysa iyo qaraxyadda. “Aan u soo jeesanayo in aan amniga kawada shaqeyno, aan iska dayno waxa maanta laga hadlayo”. Iyadda oo xukuumadda hadda jirta lagu eedeynayo in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka, Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo nidaamka ay dadka ku heshiiyeen. Deeqaha lacagta iyo qaybaha kale ayuu ku nuux-nuux saday in lagu koobay Villa Soomaaliya. “Markan Jubbaland ka hadlo, labadii sano ee u dambeysay waxaas ayaan idinka soo gaarey ma jiraan, haba yaraatee”. Maamulka hawadda oo dalka dib loogu soo celiyay sanado kadib ayuu tibaaxay in dowladda Farmaajo ay muujisay “in aan lagu haleyn karin xitaa wax kasii weyn oo ay Soomaali leedahay”. “Waan ka tashan doonaa”. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay “tusaale u tahay Soomaaliya”, maadaama ay degto Soomaali oo idil, ayna kamid tahay meelaha khilaafka dalka ragaadiyey ay ka bilowdeen. Dib-u-heshiisiino qoto dheer oo la sameeyay ayaa natiijadda kasoo baxday waxay noqotay in bulshadda ay ku heshiiyaan dhismaha maamul ka shaqeeya midnimada dalka, danahooda iyo horumarkooda. Axmed Maxamed Islaam, oo ka hadlay xaflad ka qabsoontay Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka dowlad goboleedkaas, ayaa soo qaadey xaaladda guud ee dalka oo ay ku jirto siyaasadda iyo amniga. “Ma noqon kareyso dowladnimada Soomaaliya feker qol ku uruursan oo qof uu leeyahay ‘anigaa iri’, waa wax dadka ka dhaxeeya. Shaqsi ma oran karo, shaqsina ma keeni karo,” ayuu Axmed ka tiraabay munaasabadda. Wada hadal fool ka fool ah oo ay la galaan dowladda federaalka ah ayuu albaabada u furay, si loo soo afjaro kala taag-taaga. “Waxaan u baahan nahay in aan kuwada hadalno, kuwada socono ama ku heshiino waa Dastuurka dalka u yaala. Ku federaal ha noqdo ama kan maamulka ha noqdo, isagaa wuxuu yahay waxa dadka hagi karaya. Hogaanka Villa Soomaaliya ayuu ku eedeeyay isku koobida taladda dalka. “tacbiir ama feker qof uu leeyahay waxba laguma sameyn karayo”. Sidda laga soo xigtay Axmed Maxamed Islaam, kaliya cidda ka dhex-faa’ideysaneysa khilaafka siyaasadeed waa Al-Shabaab. “Awooda Al-Shabaab sida ay markii hore ahayd maanta way kasii saddex laba jibaarantay, waxa keenayana waa in lala dagaalamo waxaa laga doorbiday in dhaqaalihii dib loogu celiyey dalka oo lagu burburiyo”. Mas’uuliyiinta dowladda Farmaajo “ee marin-habaabsan” ayuu ku tartarsiiyey in ay “xisaabtan” ayna ka fekeraan dhaxalka ay dalka uga tegayaan. Kaliya sanad iyo bilooyin ayaa uga haray mudada xileedkooda rasmiga ah. “Wada-tashi, is-faham, walaalow, intaasaa wax lagu qaban karaayee, qofna feker gaar ah oo uu leeyahay waxba kuma sameyn karayo”. Dhinaca kale, Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay madal ay ku midoobeen qaar kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayaa si lamid ah bogaadiyey “Shirwayne Badbaado Qaran ah” oo ay axsaabta iclaamiyeen. Shirkii Muqdisho lagu soo xiray Arbacadii ayuu ku sifeeyay mid “marin-habaabsan”. Beesha Caalamka ayuu tilmaamay in aysan wajahayn “waxa dhabta ah”. “Wax lagu sii kala [fogaanayo] macno malahan”. “Deynta Cafin, dagaalka AlShabaab iyo Horumarin dalka la gaarsiinayo waa waxa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo oo aan kala hadalnay dowladda iyo Beesha Caalamka,” ayuu hoosta ka xariiqay. Hogaamiyeyaasha dalka ayuu ku booriyay in ay “kusoo laabtaan xaqiiqadda” ayna fahmaan “meesha uu dalku ka yimid, halka uu u socdo”. “Meeshii waxaas laga hadli lahaa, waxaa laga hadlayaa diyaaradaha hala xiro; dadka hala go’doomiyo, hooyadda umusha ah dawadeeda haloo diido, waxay raadinayaa waa wax aanan marnaba qaadaneyn”. Hoos ka daawo Axmed Madoobe Isha: Garowe Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cabdullaahi Farmaajo oo loo yaqaan Xasan Nuur, lana dhashay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iibsaday idaacadda SKY FM ee magaalada Muqdisho, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Xasan Nuur ayaa markii uu iibsaday idaacadda SKY FM ka beddelay magacii, wuxuuna u bixiyey Sareeye FM, ayada oo sidoo kalena is-beddel lagu sameeyey hab howleedkii iyo siyaasaddii idaacadda. Idaacadan cusub ee lagu magacaabo Sareeye FM ayaa weli ku soo gasha mowjadda 87.5 FM oo ah isla mowjadii ay ku soo geli jirtay Idaacaddii SKY FM, oo horay bahwadaag ula aheyd Idaacadda Shabelle. Ilo-wareedyada warkan la wadaagay Caasimada Online ayaa sheegay in ujeedka idaacaddan ay tahay ololaha doorashada 2020/21 ee madaxweyne Farmaajo. Iibsashada idaacaddan ayaa muujineysa is-beddel dhanka xeeladda warbaahinta ah oo ay qaadeen kooxda madaxweynaha. Kooxda madaxweynaha ayaa markii hore lacag ku bixin jiray oo laaluushi jiray idaacadaha iyo shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada si ay u amaanaan madaxweynaha, una aflagaadeeyaan, waxaana hadda muuqata in diiradda la saarayo warbaahin ay ayaga leeyihiin, sida ay doonaanna u adeegsan karaan. Dhinaca kale, Xasan Nuur ayaa dowaan kireeyey laba guri oo mid uu ku ag yaalla hotel Jazeera halka midka kalena uu yahay gurigii horey looga wada jiray ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo. Guryahan ayaa waxaa laga shaqo geliyey dhallinyaro qaarkood dibedda ka yimid oo maamula tobaneeyo facebook islamarkaana sameeya muuqaallo iyo qoraallo siyaasadeed oo lagu beegsanayo madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed. Shaqsiyaadkan ka howl-gala labadaas guri ayaa maalmihii dhowaa aad uga waday baraha bulshada ku qeybinayey qoraallo aflagaado iyo weeraro siyaasadeed oo ka dhan ah Xasan iyo Shariif iyo beesha ay ka dhasheen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo su’aalo lagu weydiinayay madal loogu magac daray Falanqeynta Siyaasadda Soomaaliya maanta & Mustaqbalka, taas oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen idaacadaha Muqtaqbal iyo Risaala ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah. Ugu horeyntii Daahir Geelle ayaa sheegay in sababtii uu xilkii wasaaradda warfaafinta uu iskaga casilay ay salka ku heysay kala aragti duwanaasho ah qaabka ay madaxda dalku ula dhaqmayaan siyaasiyiinta mucaaradkaa iyo maamul goboleedyada dalka oo uu sheegay in ay dagaal toos ah kula jiraan taasna ay u cuntami weysay isaga. Mar uu dul istaagay caburinta siyaasiyiinta ayuu sheegay in uu aad uga xunyahay weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu qaaday oo uu ku tilmaamay xasuuq aan sabab laheyn, “Haddii uu jiro qalad la galay oo dhabar jab ah laga soo billaabo Carta illaa maanta waa Weerarkii lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale is hor taagii lagu sameeyay madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayuu ku tilmaamay nasiib daro kale oo meel uga dhaceysa maamuuskii uu lahaa jiray qofkii mar soo hoggaamiya dalkaan. Danjire Daahir Geelle ayaa sheegay in uu shakhsiyan u tagay Madaxweyne Farmaajo oo uu siiyay taladaan “Madaxweyne waxa hartay muddadii aad dhaxalka reebi lahayd, dadka kugu hareeraysan ee doonaya in aad meesha ku sii joogto sifo aan suurta gal ahayn, iyaga nacfiga ay kugu qabaan ayay qaadanayaan, adiguna ceebta ayaa kuu hareysaa”. Farmaajo ayuu kula taliyay hadii uu rabo in la maamuuso oo hadhow loo sharfo sidii madaxweyne dalkaan soo maamulay in uu hadda sharfo madaxdii ka horeysay. Mar uu ka hadlay khilaafka maamul goboleddyada iyo dowladda dhexe ayuu yiri, “Xukuumadda Dowlad-goboleedyada waxay ka aaminsan tahay in ay yihiin hannaan lagu kaladaadinayo dowladnimada oo ay tahay in laga taqaluso.” Mar wax laga weydiiyay Daahir Maxamuud Geelle intii uu xukuumadda ku dhex jiray waxa uu kala socday qorsheheeda doorashooyinka ku soo wajahan dalka, ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddu ay ku howlantahay sidii ay talada ugu soo laaban laheyd oo ay toleyso shaati aan u galayn qolo kale sida uu hadalka u dhigay. “Inta aan ogahay Doorashooyin aan waxqabad ku iman balse lagu sii joogi karo ayay xukuumaddu maanka ku haysaa, shaati cusub oo doorashooyin ah oo xukuumadda hadda jooga mooyee aan qolo kale u gali karin hala tolaa layiri” ayuu yiri Danjire Daahir Maxamuud Geelle. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Koox Kenyan ah ayaa doonaya in dowladda aysan wakiilo u dirin dhageysiga kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee bisha November ka dhacaya xarunta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee magaalada Hague. Kooxdan ayaa doonaya in maxkamadda sare ee Kenya ay ka joojiso xeer-ilaaliyaha guud Kihara Kariuki, wasiirka arrimaha dibedda Monica Juma, iyo Xafiiska Xuduudaha Caalamiga ah ee Kenya ka qeyb-galka kiiska, sababtuna ay tahay “inuu xadgudub ku yahay dastuurka.” Kiis ay ka diiwaan geliyeen maxkamadda sare ayaa kooxdan waxay ku doodeen in go’aanka maxkamadda uu hoggaamin karo is-beddel ku yimaada xuduudaha Kenya, ayada oo aan afti la qaadin, sida uu qabo dastuurka. “Waxaan ka walaacsannahay in inkasta oo Kenya ay isku dayeyso in kiiska kala dhaxeeyo Soomaaliya lagu xaliyo si saaxiibtinimo ah, haddana lama sameyn wax dadaallo ah oo lagu caddeynayo in maxkamadda ICJ aysan sharciyad u lahayn inay kiiskan qaado” ayaa lagu yiri warqad ay qoreen 20 qareen. Kenya ayaa horey ugu guul-darreysatay doodii ay ka hor-jeedisay maxkamadda ICJ ee ahayd inaysan sharciyad u lahayn in kiiska ay guda gasho. Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay shaaciso go’aan ku saabsan in kiiska mar kale dib loo dhigayo sida ay codsatay Kenya iyo in kale. Soomaaliya ayaa dooneysa in kiisk la dhageysto waqtigii loo qabtay oo ah 4-ta November 2019. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  17. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa qarka u saaran inuu aqbalo xabad joojin ay soo jeediyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, taasi oo haddii ay dhaqan gasho xoojin karta dadaallada ay waddo QM ee lagu soo geba-gebeynayo dagaalka Yemen ee burburiyey sumcaddii Riyadh. Xuutiyiinta ayaa laba toddobaad ka hor ballan-qaaday inay joojinayaan gantaallada ay ku ridaan Sacuudiga, haddii isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen ay sidaas oo kale sameeyaan. Ma jirin wax aqbalaad ama diidmo ah oo Sacuudiga kaso yeeray. Hase yeeshee, Riyadh ayaa toddobaadkan soo dhoweysay yabooha, waxaana saddex diblomaasi iyo laba il-wareed oo kale ay sheegeen in Sacuudiga ay ka fakarayaan inay aqbalaan xabad-joojinta. Ilo-wareedyadan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqeymihii Sacuudiga ay la beegsan jireen dhulka Xuutiyiinta ay aad hoos ugu dhaceen, islamarkaana ay jiraan sababo rajo wanaagsan looga qabo in dhowaan heshiis la gaari doono. Wasiir ku-xigeenka difaaca Sacuudiga Amir Khalid Bin Salman ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in boqortooyada ay yabooha xabad-joojinta Sacuudiga u aragto arrin wanaagsan, isaga oo xoojiyey hadal noocaas oo kale ah oo kasoo yeeray Maxamed Bin Salmaan, oo ah ninka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga. “Yabooha Xuutiyiinta waa tallaabo wanaagsan oo horey u riixeysa wada-hadallo siyaasadeed oo dhab ah…Maanta diyaar ayaan u nahay dhammaan hindisooyinka xal siyaasadeed loogu helayo Yemen. Waxaan rajeeneynaa inay sidaas dhacdo” ayuu Maxamed Bin Salman u sheegay taleefishinka CBS ee Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  18. The International Court of Justice will next week once again review Kenya’s request for a 12-month delay of public hearing in a maritime boundary case filed by Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland mudane Cabdirixiin Cismaan Cabdi(Shibiin) ayaa Todobaadkani socdaal kooban ku imanaaya magaalada London ee dalka Ingriiska, waxana dalka Ingriiska ka socota qaban qaabada xaflado lagu soo dhawaynaayo. Wasiirka oo hawlo caafimaad u joogay dalka Denmark, ayaa ku sii jeeda dalkii kadib markii uu dhamaystay hawlihii caafimaad ee uu xagaasi ugu sugnaa taasi oo uu wasiirku ku laaban doono shaqadii uu qaranka u hayay, wasiirka ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale socdaal shaqo u tago dalka Jarmalka halkaasi oo ay wararku sheegayaa in uu ka helay martiqaad, halkaasi oo uu uga sii gudbi doono Somaliland Qaran News
  20. Sheikh Axmed Daahir Xasan Xuseen Sheikh Axmed Daahir Xasan Xuseen oo kamid ah culimaa’uddiinka waaweyn ee Puntland ayaa galabta ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga tuulada Yaka-yaka ee gobolka Karkaar. Gaariga Sheikhu saarnaa oo ka yimid dhanka magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar kuna sii jeeday caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa ku dhacay meel wax yar u jirtay tuulada yaka-yaka oo ka tirsan degmada Qardho. Sheikha ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Garoowe halkaasi oo hadda lagu dabiibayo waxaana dhaqaatiirtu xaqiijiyeen in uu feer ka jaban-yahay sida uu warbaahinta Puntland post u sheegay Sheikh Mukhtaar Axmed Faarax oo kamid ah dadka ku booqday isbitaalka. “Sheikha caafimaadkiisu aad ayuu u fiicanyahay Garoowe ayaa la keenay feer keliyaana jabtay laakiiin sida kale aad buu u fiicanyahay dadkii la saarnaana waxba ma gaarin” ayuu yiri Sheikh Mukhtaar. Hoos ka daawo hadalka Sheikh Mukhtaar PUNTLAND POST The post Mid kamid ah culimaa’udiinka Puntland oo shil gaari ku dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
  21. FALANQAYN: Meeqaam Noocee Ah Bay Somaliland Kaga Qayb Galaysa Caleema Saarka Axmed Madoobe? Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Ibraahim Jaacama Samatar Oo Kadigay In Magaca Somaliland Cid Lagu Caayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Go’aamo laga soo saaray colaadii ka taagnayd gobolka Salal, Halkan hoose ka DAAWO Source