-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynihii hore ee Jubbaland, Axmed Madoobe, balse haatan sheegta inuu yahay hoggaamiyaha maamulkaasi ayaa waxaa lagu eedeeyey tacadiyo iyo dilal ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Maleeshiyaadka ka amar qaata, Axmed Madooeb ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan dhibaatooyinka kala duwan ee ka dhaca magaaladaasi. Kafeeya Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Haweenka ku nool Kismaayo ayaa Shabelle uga warrantay dhibaatooyinka ay ku qabaan ciidanka Jubbaland. Shalay ayey aheyd markii dibadbax looga soo horjeeday dilalka ka dhaca Kismaayo ay shacabku ka dhigeen gudaha magaaladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/444.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) ―Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 86 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo tayeynta Hay’adaha Maamulka. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1-Waxaa Axmed Cabdalle Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha 2-Waxaa Cabdirisaaaq Jaamac Aadan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda. 3-Waxaa Sharmaarke Xasan Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha. 4-Waxaa Maxamed Ciise Cismaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska. 5-Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cali Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Waddooyinka Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Caasimada Online Xaafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Xalay Dhuusaareeb kulan kula qaatay hoggaanka ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay tabashada ay Ahlu Sunna ka qabto guddiga farsamada Galmudug oo ay dhowaan ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya. Ilo ku dhow shirkaasi ayaa sheegay in labada dhinac ay isku fahmeen dhammaan waxyaabihii laga wada hadlay, islamarkaana lagu ballamay kulamo kale. Guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa ka kooban illaa 13 xubnood, kuwaas oo aysan wax hubin ah ku laheyn Ahlu Sunna oo ku xoogan gobollada dhexe ee dalka View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey : Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari Waxaa Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-22102019.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in xalay kulan gaar ah oo u dhexeeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca uu ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobolkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray mad madowga siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan guddiga farsamada Galmudug. Sidoo kale shirka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo qaaday, sidii looga qancin lahaa garabka Ahlu Sunna tabashada ay ka qabto dhismaha guddigaasi. Wararka ayaa sheegaya in aan la gaarin wax xal ah, islamarkaaa uu shirka ku soo dhammaaday is faham waa, sida aan xogta ku helnay. Dhinaca kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in saacadaha soo socdo Dhuusamareeb uu dib ugu laabto Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, si ugu yaraan Ahlu Sunna loo qanciyo, kadibna loo sii guda galo lahaa wajiga labaad ee dhismaha Galmudug. Xaaladda Galmudug oo muddo dheer is jiid ku jirtay ayaa waxaa la qorsheynayaa in isbedal maamul iyo doorasho ay ka dhacdo, si loo dhiso Galmudug oo loo dhan yahay. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
The tournament will bring together players from 14 countries including the Comoros Islands, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Madagascar, Mauritius, Rwanda, Seychelles, Somalia, South Sudan, Sudan, Tanzania, Uganda and Kenya Source: Hiiraan Online
-
Liberal incumbent Ahmed Hussen re-elected in Ontario riding
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Global News is declaring that Liberal candidate and incumbent MP Ahmed Hussen has been re-elected in the Ontario riding of York South—Weston. Source: Hiiraan Online -
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 86 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan. 1. Waxaa Axmed Cabdalle Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha 2. Waxaa Cabdirisaaaq Jaamac Aadan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda. 3. Waxaa Sharmaarke Xasan Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha. 4. Waxaa Maxamed Ciise Cismaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska. 5. Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cali Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Waddooyinka Puntland. PUNTAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan. appeared first on Puntland Post.
-
Muxuu yahay nidaamka federaalka? Si kooban, Federaalku waa nidaam dowladeed kaasoo dastuurka dalku uu qeexayo hab qaybsiga awoodda, maaraynta iyo wadaagga dhaqaalaha; maamulka siyaasadda, ciidamada, xuduudaha, iwm. Awoodaha dowladda dhexe ee fedaraalka gaarka u ah waxaa ka mid ah: Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Maaraynta Dhaqaalaha, Lacag Samaynta, Baasaboorada, Maamulidda Xuddudaha Dhulka, Hawada, Badda, Uruurinta Canshuuraha, Sugidda Amniga, iyo Horumarinta Kaabashaaya Dhaqaalaha (Infrastructure), iwm. Maamul goboleedyadu waxay iyaguna leeyihiin nidaam maamul hoosaad ah, oo dastuuurka waddanka u yaal uu si cad u qeexayo si ay si gaar ah ugu maamushaan danaha gaarka u ah gobolladooda. Puntland ma hooyadii fitnadaa mise wa hooyadii federaalka? Waxaan la yaabaa sida madaxda Puntland ay mar walba uga soo horjeedaan tallaabo kasta oo ay qaaddo dawladda dhexe laakiin ay u rabaan in degmooyinka iyo gobollada Puntland hoos yimaada ay ugu hoggaan samaan amarada ka soo baxa maamulka. Runta marka laga hadlo bur-burka, musiibada, iyo fitnada ku dhacday Soomaaliya ilaa intii ay xorriyadda ka qaadatay waxaa badankiisa sabab u ahaa dad ka soo jeeda Puntland. Sidee u dhici kartaa in Puntland diiddo in xildhibaanada ku jira dawladda dhexe ee ka soo jeeda Puntland ay xafiis ka furtaan degaanadii laga soo doortay si ay ugu adeegaan bulshadii soo dooratay? Sidee midnimadii Somalia loo helayaa haddii Puntland aqoonsato natiijada doorasho wasaaradda arrimaha gudaha ee Somalia iyo beesha caalamkuba aysan aqoonsan? Sidee Puntland ugu wareejin kartaa waddamo shisheeye garoomada iyo dekadaha ku yaal Puntland, kuwaaso masuuliyadeeda ay leedahay dawladda dhexe. Marka aan is waydiino ee Puntland ma Hooyadii Federaalkaa Mise Hooyadii Fitnada oo Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay oo ka midoobi la’dahay. Waxaad kaloo is waydiin leh maxaa madaxda Puntland midba midkuu ka dambeeyo uga waddaniyad liitaa oo ugu adeegaa shisheeyaha, oo Puntland iyo Soomaaliyaba u hagardaameeyaa? Ugu dambayn, oday reer Puntland ah baa waxa la waydiiyay inu isu bar-bar dhigo Cabdiwali Gaas iyo Siciid Deni. Wuxu yiri. “Kana Macal Wayn, Kana Macna Daran” Xalka Soomaaliya waa in labo mid la sameeyo: In madaxda waddanka oo dhan heer Federaal iyo heer maamul goboleedba ay doorasho ku yimaadaan, doorashana ku tagaan. In madaxda oo dhan ay noqdaan kuwo ay mgacaabaan madaxwaynaha iyo madaxda maamul goboleedyadu. Taasina waxay keenaysaa in laga bed-baado is qab-qabsiga, iyo fashilka siyaasadeed ee ka dhalan kara iska hor imaadyada iyo khilaafka had iyo jeer dhaca, iyo in la helo dawlad waqtigeeda iyo juhdigeeda galisa ka shaqaynta horumarka degaanda dalka oo dhan. Waxaan is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in madaxda maamul goboleedyadu ay yeeshaan awood ay ku magacaabi karaan xilkana uga qaadi karaan guddoomiyayaasha gobollada iyo duqyaasha magaaloyinka maamul goboleedkooda laakiin madaxwaynaha Soomaaliya uusan lahayn awood taas la mid ah oo uu ku magacaabi karo madaxda maamul goboleedyada heer ay yihiinba. Macne ma samaynaso in awood loo diiday madaxwaynaha waddanka la siiyo ama ay xoog ku maroorsadaan madaxda maamul goboleedyadu. Sidaa awgeed waa in guddoomiyayaasha iyo duqyaasha magaaloyinku ay ku yimaadaan doorasho, xilkooda aan cidina ka qaadi karin ilaa ay waqtigooda ka dhammaystaan. Sidoo kale, tuulooyinka, degmooyinka, iyo gobollada hoos yimaada maamul goboleedyada waa inay helaan xuquuq u dhiganta tan maamul goboleedyadu ku leeyihiin dawaldda Federaalka ah. Dawaladda dhexena xuquuq taas u dhiganta waa inay ku yeelato maamul goboleedyada iyo degaanada hoos yimaada. Waana in isla sida maamul goboleedyadu ugu hanjabaan inay xiriirka wada shaqaynta u jarayaan dawladda dhexe, ay gobollada iyo degaanda hoos yimaada maamul goboleedyada iyaguna u qaadi karaan tallaabo taas la mid ah oo ay xiriirka wada shaqaynta ugu jari karaan maamul goboleedka. Haddii si buuxda loo fahmo in xiriirka iyo wada shaqaynta dawladda dhexe, maamul goboleedyada, degmooyinka, iyo tuulooyinku uu yahay mid kor-iyo-hoosba isu dheelli-tiran oo ay caddahay xuquuqda iyo waajibaadka midba kan kale ku leeyahay, waxaa la helayaa is faham buuxa oo keenaya in laga wada shaqeeyo horumarka waddanka. Laakiin haddii maamul goboleedyada keliya ay leeyihiin awoodda ah in wax la curyaamiyo, wax la qaso, wax la joojiyo, la hanjabo, ama xilka qof laga qaado, waxaa meesha ka baxaya isu dheelli tirnaanta awood qaybsiga, helidda xuquuqaha iyo waajibaadka la isku leeyahay, iyo jirtaanka sharci ay ku kala bixi karaan maamullada kala duwan ee dalka ka dhisan markii aragti kala duwanaan imaato. Jaridda xiriirka wada shaqayntu waa inuu noqdo mid labo jihoole ah oo aan hal jiho oo qura uun loogu hanjabin oo loo adeegsan. Waa gobollada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay maamul goboleedku ay xiriika wada shaqaynta u jari karaan maamul goboleedka sida uu isaguba uga hanjabo inuu xiriirka ugu jaro dawladda dhexe. Sidoo kale, waana in fikraddaan qodob ahaan lagu daro dastuurka dalka, haddii kale waligeed laga dhamaan mayo is qab-qabsi, fashil siyaadeed, horumar la’aan, iyo u adeegidda shisheeye dano gaar ah ka leh Soomaaliya. Dastuurka ha isu dheelli tiro hana labo-jiheeyo awoodaha iyo xuquuqaha Hadda ka hor mar aan xiriir la sameeyay wasiirkii hore ee dastuurka (Cabdirxman Xoosh Jibriil) wuxuuna ii sheegay inuu daraasadeeyay dastuurka waddamo badan (sida South Africa, Nigeria, U.S., Switzerland, etc) oo ku dhaqma nidaamka Federaalka ay kulligood leeyihiin xquuqo iyo awoodo isu dheelli tiran oo si siman u sugaya xuquuqaha degmooyinka, gobollada, maamul goboleedyada, iyo dawladda dhexe uu midba midka kale ku leeyahay. Wuxuuna ii sheegay in dastuurka Soomaaliyana uu sidaas oo kale u qeexi doono xuquuqaha degmooyinka iyo goballada maamul goboleedku ku yeelan doonan maamul goboleedka iyo dawaldda dhexe labadaba. Taa macnaheedu waxa weeye in tallaabooyinka u banaan in maamul goboleedku ka qaado dawladda dhexe, ay u banaan yihiin degmooyinka iyo gobollada maamul goboleedku ay ka qaadi karaan maamul goboleedkooda. Taa oo qura baa maamullada dalka ka jira oo dhan ku kala bed-baadi karaan, waayo mid waliba wuxuu iska ilaalin doonaa inuu ku xadgudbo xuquuqda midka kale si aan isagan loogu xad gudbin una ilaashan karo xuquuqdiisa. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Staurt Brown, Wakiilka Xafiiska Dowladda UK ee Somaliland ayaa markii u horeysay ka deyriyay xaaladaha ay deegaanada Somaliland kaga howl-galaan suxufiyiinta madaxa banaani. Brown ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay caadeysatay xadhiga suxufiyiinta madaxa banaan ee ka howl-gala deegaanadeed, taasi oo wiiqeysa awoodii xoriyatul qowlka ee warbaahinta. Wakiilka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inay wax adag tahay ama halis ah in gudaha Somaliland uu ka howl-galo, isla markaana ka shaqeeyo suxufigu. Wakiilka xafiiska Dowladda UK ee Somaliland, Staurt Brown ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku yiri “In aad suxufi halkan (Somaliland) ka ahaataa waa arrin adag”. “Xadhigguna wuxuu ka noqday wax la caadaystay gudaha Somaliland” ayuu sii raaciyay Staurt Brown, Wakiilka Xafiiska Dowladda UK ee Somaliland. Wuxuuna ku soo gaba-gabeeyay hadalkiisa “Hay’addo badan oo warbaahineed ayaan lahayn tayo tifaftirnimo, hab-dhaqanka suxufi ee liita ayaana wiiqaya xirfadda (warbaahinnimo)”. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa inta badan waxa lagu eedeyaa mid si ula kac ah u beegsata suxufiyiinta madaxa banaan ee ka howl-gala deegaanadeeda, kuwaasi oo si sharciga baal marasan xabsiyada ugu gurta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
The European Union (EU) and its partners have not refunded Kenya a coin for its troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia in the three months to September, latest Treasury statistics show. The Treasury estimates show that Kenya will, in the year starting July, be demanding Sh5 billion -the least reimbursement from the EU compared to the past five years. The budget for the African Union Mission in Somalia (Amisom) is set to fall further in subsequent years with the gradual withdrawal from the Horn of Africa country. The 28-nation EU, the largest contributor of funds to the Amisom through the African Peace Facility, in April pledged to continue supporting the mission’s programmes and activities in financial year 2019/20. The funds cater for allowances for the Amisom troops and police, international and local civilian staff salaries, operational costs of their offices, among others. Over 4,000 Kenyan soldiers are part of the Amisom presently headed by Ethiopia’s Lt Gen Tigabu Yilma Wondimhunegn. The international community pays $1,028 (Sh103,728) for each soldier per month. Their respective governments then deduct about $200 (Sh20,180) for administrative costs, meaning the soldiers take home about $800 (Sh80,722). The soldiers receive the funds through the Kenyan government. In the past, delay in reimbursement of the money has been linked to the UN’s insistence on proper verification of Kenya’s claims. In October 2011, the country formally sent 4,660 soldiers to Somalia after incessant attacks and kidnapping by Al-Shabaab militants within its territory. A year later, the UN Security Council gave Kenya the green light to join African Union Mission to Somalia (Amisom), a decision that meant the Treasury would not bear the full costs of the incursion. Source: Business Daily Africa
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Iyadoo mudooyinkii dambe Warbaahinta qaar iyo mucaaradka dowladda ay baahinayeen warar ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay cayrisay qareenadii difaacayay Soomaaliya ee gacanta ku hayay kiiska badda, ayaa waxaa dowladda ka soo baxday jawaab ku aadan hadal heyntaas. Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi oo ka hadlay arinkaas ayaa sheegay in aysan jirin loo yarro la eryay, isla markaana looyarrada hadda gacanta ku haya kiiska badda ay yihiin kuwii lagu bilaabay. Inta badan dadkii ka hadlayay arinta looyarrada la ceyriyay ayaa ku hal qabsanaayay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Muna Sharmaan, taas oo ka mid aheyd qareenada Soomaaliya ee lagu bilaabay difaaca kiiska badda Soomaaliya, taas oo ay sheegayeen in ay ceyrisay dowladda federaalka. Danjire Cali Saciid Fiqi oo ka jawaabayay arinta gabadhaas iyo looyarada kale ayaa yiri, “Muna Sharmaan waa gabar Soomaaliyeed kiiska maalintii uu soo bilaawday ilaa goor dhaw ayey ku jirtay, muddo laga joogo 4 bilood ayey lasoo xariirtay Madaxweynaha, waxayna ku tiri waan ka cudur daaranayaa sii wadidda kiiskaan, waxaan shaqo ka helay Bank Aduunka sidaas ayaana lagu fasaxay, marka Muna waxay naga istaahishaa in loo abaal gudo in laga faafiyo waala ceyriyana ceebay nagu tahay”. Mar uu ka hadalayay looyarrada kale ayuu yiri Danjire Fiqi, “Tan la leeyahay looyarro cusub ayey dowladdu qoratay waa been, waa kuwii maalintii ugu horeysay ee 2014-kii aan kiiskaan u qoranay, waana kuwii soo qoray dacwadda, waxa dhimana waa dhageysi oo kaliya wax dambe oo la qoraayo ma jiraan, fadhigii ugu dambeeyay ee Maxkadda ayaa looga dhawaaqay, marka umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay arinta Maxkamadda ee la siyaasadeynaayo yeysan idin niyad jabin go’aanka oo kaliya ayaa noo dhiman kaas oo lagu dhawaaqi doono 8 ilaa 12-ka June ee sanadka soo socda ee 2020-ka”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdiaho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa albaabada isugu dhiftay xarun la sheegay in lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah, taas oo ku taalay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho. Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga ay u taxaabeen dadkii ka shaqeysanayay xaruntaas in kasta aan la shaacin tirada dadka lagu qabtay falkaas. Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-alle oo goobta tagay ayaa sheegay in xaruntaas lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah, sida warqadda dhalashada iyo sugnaanta ee laga bixiyo xarunta dowladda hoose ee Xamar. Isaga oo goobta kula hadalay warbaahinta ayuu sheegay in ay jiraan xarumo kale oo suuqaasd madow ku shaqeeya, balse uu maamulka gobolku daba gal ku sameyn doono cidii lagu qabtana sharciga la hor keeni doono. Halkaan ka dhageyso Codka: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/Maamulka-gobolka-Banaadir-oo-xiray-xarun-lagu-sameynayay-ducomentiyo-been-abu.mp3 Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-21102019.mp3 View the full article
-
Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii, waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka, Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke. Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21- sano. Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikhyo badan ayaa noo sheegay in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen. Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay inay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidlo ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo markii dambee gacantooda ku sababsaday….Siyaad Barre waa i xiray, xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, Kacaan-diid ayaan ahaa Adeer…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”. Waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL( Sheekh Mukhtaar oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Madaxweynihii hore Aden Cadde) iyo rag kale, Golihii Wasiirada, Xildhibaano iyo qaar Xukunkii SYL waxaa lagu xiray Beerta Sheekh Za’id ee Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose. Waxaa La Mamnuucay Axsaabta, isu soo baxyada iyo xitaa shirarka gaar ah, waxaana dalka lagu soo rogay Nidaam adag oo dadka xakameeyo. Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ah ayey uga faa’ideysteen saraakiishii dalka inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijkan u sheegay Fanaanka Caanka ah ee Axmed Naaji Sacad. Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Naji Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah. Marka hore Kacaanka waxaa uu la wareegay Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka qaranka iyo Xildhibaanada oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal. Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac habeenka Kacaanka ayaa lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka idaacadda, inta uu waddada sii socday, Saraakiishii wadday iyo kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax iyo erayo kale oo la mid ah. Markii la geeyay idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in uu Kacaan dalka dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan. Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii” Heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa la soo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas. Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”. Waxyaabaha lagu amray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo u soo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin waddada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan. Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda. Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda. Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka. Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale. Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay. Hadaba Maxaa Lagu Xasuustaa Jaalle Siyaad: September 1970: Maxamed Siyaad Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta. October 20, 1970: Jaalle Siyaad Barre ayaa sheegay in Soomaaliya noqotay Socialist State. May 5, 1971: Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu sareeyay Kacaanka sida General Salad Gabeyre oo ahaa ku xigeenka Maxamed Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee Kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu toogtay Scoula Polisaia”. January 21, 1971: Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga. Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 qof oo ah xeeldheerayaal Afafka ah iyo labo lataliye, Muddo 22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey Buugaagta Dugsiga dhexe xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal iyo 21 Shibbane. Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh, Barnaamijkan oo guuleystay waxaa uu dadka baray in ay wax qori karaan, waxaa uu sidoo kale hoos u dhigay Umminimada. 1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika, Shirka Madaxeedka Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu. January 11, 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid go’aankiisa 23 January 1975. Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii ayaa isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga. July 1977: Waxaa uu dagaal dhex maray dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay. April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. May 1988, Dad badan ayaa lagu dilay magaalada Hargeisa, reer Hargeisa waxaa ay ugu yeeraan Xasuuq, dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhibkaas, ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. May 15, 1990: Rag lagu qiyaasay 114 qof oo isgu jira Culimaa’udiin, Ganacsato iyo Siyaasiyiin oo loo yaqaanay (Manifesto Group) ayaa Maxamed Siyaad u soo jeediyay in xilka isaga dago taas oo ku gacan seyray. Maxamed Siyaad Waxaa la dhihi jiray Guulwade, Jaalle Siyaad iyo ereyo kale oo ku tusinaya in uu dadka sareeyo, dadka waxaa looga dhigay in uu yahay aabaha guusha, Waxaa uu jeclaa in aabo u noqdo hor-umar kasta oo dalka ka dhacaya, dhismo kasta oo maanta dalka waxtar u leh dhismayaal dowladeed, Dekado iyo Airportiyo, Jidad, isbitaalo, Jaamacado, Warshado, afka la qoro, wax walba isagaa ayaa bilaabay isla markaana dhameeyay. Ugu Dambeyntii Jaalle Maxamed Siyaad Waxaa uu dalka isaga baxay January 27, 1991-kiikadib markii Caasimadda Muqdisho kala wareegeen Jabhaddii USC, Barre waxaa uu Magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nageiria halkaas uu ku sugnaa ilaa uu ka geeriyooday January 2, 1995 magaalada Lagos ee dalka Nigeria. Xigasho: Goobjoog News
-
Popular Contributors
