-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa salaadii Maqrib kadib xaafadda 21-ka October ee degmada Afgooye waxaa ay ku dishay Nabadoon caan ah oo ka mid ahaa Ergadii magaalada Baydhaba ku soo dooratay Xildhibaanada golaha shacabka. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim waxa uuna ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee degmada Afgooye. Nabadoon Ibraahim ayaa ka mid ahaa Ergadii magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ku soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ku matala maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Buundo yar oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dilka Nabadoonka ay geysteen labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo bistoolado ku hubeysnaa. Goobta uu dilku ka dhacay ayaa aad ugu dhaweed halka ay ku suganyihiin ciidamada dowladda ee barta koontorool ku leh halka loo yaqaano Boondo yar oo lagu baaro gaadiidka soo galaya magaalada. Dableydii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana dadka reer Afgooye la yaab ku noqotay in ciidamada dowladda lagu hor dilay mid ka mid ah nabadoonnadii magaalada, hadana aysan wax fal celin ah ka sameyn. Caasimada Online Xaafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
-Mudanayaasha golaha guurtida ayaa ka dooday xeerka ismaamulka goballada iyo degmooyinka ee dhawaan uu ansixiyay golaha wakiilada Somaliland. Xildhibaanada golahan ayaa doodan aad ugu dhaliilay xeerkan oo ay ku tilmaameen mid isku dhexdaadsan oo aan la nidaamin, waxaanay badankoodu soo jeediyeen in dib gudi loogu dhiibo si loo soo saxo degmooyinka iyo gobalada isku khalkhalsan. Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudanayaashii doodan ka hadlay waxa uu yidhi “ Xeerkani muugaadhin wakhtigii aan u codayn lahaynba,waxa xeerarka oo dhan inoogu taala gobaladii jiray wakhtgii Ingiriiskii hakii u kala xad ahayd ayaa u kala xad ah kana way ku taalaa, hadana waxa u leeyahay Cadaadlay oo barigii Ingiriiskii Hargeysa laga xukumi jiray Berbera ayaa xukunta, meel kale oo xuduuda ku taalana waxa xukunta Berbera cida xeerkan qortay cid mirqaansan ayay u eegtahay, cid miyir qabta oo odayaal ah oo cadaalad ah oo isku dhaf ah haloo diro.” Xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa dhankiisa waxa uu sheegay “ maadaama oo uu xeerarka shaqeeyaa baabi’inaayo ama uu laalayo hubsiimo badan ayuu u baahan yahay, waxa qaldan waa khal khal farsamaan u malaynayaa waxaan soo jeedinayaa in xeerkan gudi loo saaro.” Xildhibaan Saleebaan Garas Seed ayaa isaguna ku taliyay in dib loogu laabto xeerkan“ Waa xeer badan waanu isku noq-noqonayaa, in loo sameeyo kala xadayn la leeyahay magaalo heblaayo hakaas ayay ku eegtay heblaayana halkaas ayay raacsantahay,in la kala saaro oo ayaan lays dhex dhigin.” ugu danayntii xildhibaan Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud ayaa sheegay in xeerkan gudi loo dhiibo “ Gudi hosaadka ay khusayso haloo dhiibo oo wakhtina ha la siiyo maadaama oo ay doorashooyinkiina inagu soo dhaw yihiin kala xadayntii goballada iyo degmooyinkana u baahanay.” Geeska Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta ka dambaysa in ay albaabada iskugu dhuftaan xafiisyo ku yaallay deegaannnada Dhahar iyo Goldogob, kuwaas oo ay ku la haayeen wasiirro ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa shalay xirtay labada xafiis oo ay wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo wasiir Sadiiq Warfaa, oo sidoo kale ah xildhibaanno, ugu talo-galeen inay kala soo xiriiraan dadka ay ku matalaan golaha shacabka Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadaq ayaa sheegay in Puntland aysan ka soo horjeedin xafiisyo horumarineed in laga furto deegaannada maamulka Puntland, balse kuwa ay xireen ay ahaayeen xafiisyo siyaasadeed laga lahaa dano gaar ah, isla markaasna maamulka Puntland uusan aqbalayn arrintaas. Wasiir ku-xigeenka ma uusan shaacin waxa uu uga jeedo danaha siyaasadeed, ee uu sheegay in loo furay xafiisyadaas. Tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda iyo khilaafka ka dhex oogan dowladda federaalka ah iyo maamulka pUntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland oo Isku Shaadayn Ku Sameeyay Qaar Kamida Taliyeyaasha Ciidamada, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-20102019.mp3 View the full article
-
(SLT-Jabuuti)-Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa halkaas ka wada xalinta khilaaf soo kala dhex-galay qaar ka mid ah waddamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cidda qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo fadhi u ah Ururka. Kulan Abiy iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex maray dalka Jabuuti ayaa lagaga wada hadlay khilaafka ka taagan madaxtinimada IGAD kaasoo taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey. Waxaa kulankii ugu dambeeyey ee dhex maray Dowladaha IGAD la isla afgartay in Dowladda Kenya ay hoggaanka u qabato IGAD, isla markaasna xilka lagu wareejiyo Madaxweyne Kenyatta. Haddii Uhuru uu noqday hoggaamiyaha IGAD, waxaa meesha ka bixi doono xilka ay hadda Kenya ka heyso IGAD ee ah Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan. Xilka xoghayaha IGAD ayaa waxaa lagu wareeji doonaa nin u dhashay dalka Itoobiya maadaama ay Itoobiya waayayso xilka Guddoomiyanimo. Soomaaliya ayaa hore u dalbatay inay hesho xilka xoghayaha IGAD, sidoo kalana dowladda Jabuuti ayaa ku qanacsaneyn inay Itoobiya iyo Kenya isku wareejiyaan xilka guddoomiyaha IGAD. Waxaa socdo loolan adag oo ka dhex bilaamay qaar ka tirsan Dowladaha ku midoobay IGAD, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa isku dhinac ah halka Itoobiya iyo Kenya ay isla safan yihiin, waxaana la isku heystaa Dowladaha kala qaadan doono Guddoomiyaha iyo Xoghayaha IGAD. Sidoo kale, Kenya iyo Itoobiya ayaa doonaya in xilka doorasho lagu helo, halka Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan inuu noqdo wareegto. Soomaaliya ayaan weligeed taariikhda qaban xilka guddoomiyaha IGAD ama xoghayaha guud. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay taliyaha booliiska Saldhigga degmada Xamar-wayne ayaa maanta oo Axad ah looga mamnuucay in aysan wax qalab ah la soo geli karin dhismaha Guriga Hooyooyinka Weriyaasha madaxa-banaan ee ka shaqeeya warbaahinta magaalada Muqdisho. Tobaneeyo kamid ah Weriyaasha gobalka Banaadir ayaa Saakay laga celiyay dhismaha Guriga Hooyooyinka waxayna sababsadeen amar hore u yiilay oo ahaa in aan halkaas waxba lagu duubi karin, balse ay shalay ku duubeen cabasho ay ka qabaan tabintii fadhiyada Golaha Shacabka oo laga istaagay. Weriyaasha ayaa loo ogol-yahay in ay yimaadaan Dhismaha Hooyooyinka balse marka ay soo galayaan waxay soo marayaan baaritaan hadii qalabka wax duuba maqal ama muuqaal lagu arko looma ogola in ay gudaha u galaan dhismaha waxayna arintaasi sababtay in Weriyaal badan ay maanta geli waayeen Guriga Hooyooyinka. “Waan geli waayay dhismaha Hooyooyinka waxaana la ii sheegay in aan laabto oo aan iska soo dhigo Kaamirooyinka, xaruntayda ma dhawo soomana bixi karo qalab la’aan waayo halkaan ayaa ka aadaa shaqada” ayuu yiri Kaamira-maan ka tirsan mid kamid ah TV-yada dalka. Dhismaha Guriga Hooyooyinka maqaayad ku dhax-taalo oo lagu magacaabo The Village waa rugta ugu wayn oo ay Subaxdii isugu yimaadaan Weriyaasha magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku kala warqaataan waxayna halkaan ku waayeen Weriyaal badan oo Al-shabaab ku dileen qaraxyo kadib weeraro ka dhacay waqtiyo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wafdi ay hoggaaminayaan Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Safiirka dowladda Sweden Amb. staffan Tillander ayaa maanta gaaray Maagaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay kulan la qaateen Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland. Labada Safiir iyo wafdiga la socday ayaa Madaxweyne Biixi kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo Midowga iyo Somaliland iyo dardar gelinta wada shaqeynta laba dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Somailand ay qeybqadan laheyd xasilinta mandiqadda geeska Afrika. Sidoo kale Saafirada ayaa Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Somaliland si Dimuquraadiyad ah Midowga Yurubna uu ka geysan doono taageero sidii loo qaban lahaa doorashka Somaliland oo waqtigooda ku dhaca. Dhanka kale wafdiga ayaa uga mahada celiyay Somaliland sida ay u taageerto hanaanka doorashooyinka Dimuquraadiyadda ah, waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin taageero ballaaran ay ka geystaan doorashooyinka. Wafdigaan gaaray Somaliland ee ka socda Midowga Yurub ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo dhowaan la filaayo in Somaliland ay ka qabsoomaan doorashooyionka ayadoo dhawwaan xisbiyada ka jirana ay gaareen heshiis ku aadan guddiga doorashooyinka madaxbannaan iyo in si siman loo qeybsado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay dhiggiisa Kenya Ukur Yatani. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya ayaa ka wada hadlay arrimaha Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudbaya labada dal iyo arrimo kale. Wasiir Beyle iyo Ukur Yatani oo kulmay inta uu socday Shir sannadeedka IMF iyo Bandhiga Aduunka, kaasi oo ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiisyay inay si caadi ah u socdaan howlaha Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudba Soomaaliya iyo Kenya iyo in la xoojiyo xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada dal. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Midowga Yurub iyo Sweden ee u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. Staffan Tillander. Kulankaasi ayaa waxa lagaga wada-hadlay dar-dar gelinta iyo adkeynta xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya labadaasi dal iyo Somaliland, gaar ahaan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha manqadda Geeska. Waxa sidoo kale kulankaasi lagu lafo guray sidii loogu diyaar garoowi lahaa qabsoomida doorashooyinka Somaliland ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka oo mudooyinkii dambe uu muran badan hadheeyay. Labadan dal ayaa waxay ka mid yihiin dalalka beesha caalamka ee sida aadka ah u daneeya doorashooyinka Somaliland, isla markaana ka qeyb qaata doorkooga taageero ee ku wajahan hanaan socodka dimuquraadiyada. Midowga Yurub iyo Sweden ayaa u muuqda kuwa culeys badan ku saaraya xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi xalinta khilaafka baahsan ee hadheeyay qabsoomida doorashooyinka Somaliland, si ay waqtigii loo asteeyay ugu qabsooman doorashooyinkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Qof Mayd Ah Oo Laga Helay Duleedka Magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Somaliland: President Muse Bihi Receives EU Delegation The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, today received a delegation from the European Union led by Ambassador Nicolas Belanger Martinez. The EU envoy was also accompanied by the Swedish Ambassador accredited to the region, Ambassador Steffan Tillander. The delegation arrived to discuss areas of mutual interest, including the on-going preparations for the oft-delayed parliamentary and local council elections. The two parties also discussed the progress of the many EU funded projects currently underway in Somaliland, including the new water system in the capital, Hargeisa, as well as, the health, education, agricultural, environmental and social programmes supported by the EU in all of Somaliland’s cities, towns and villages. The delegation are also expected to meet with local parliamentarians, politicians, business leaders and social activist during their visits to Somaliland. Qarannews Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibado ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadaha Beder International University (BIU) iyo Frantz Fanon University (FFU) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Madaxweyne ku xigeenka oo khudbado kala duwan ka jeediyey munaasibadahaasi ayaa ugu horayntii Hambalyo u diray Ardayda ka qalin-jabisay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadahaasi, waxaana uu sheegay inuu la qeybsanaayo dareenka farxada iyo Hambalyada ah ee ay maanta ku jiraan waalidiinta iyo ardaydii ay mudada ku soo tabcayeen, sidoo kalena waxa uu u mahadceliyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha oo uu ku bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin aqoonta iyo soo saarista arday ka dhisan dhanka aqoonta. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Ardayda kula dardaarmay in Cilmiga ay barteen ay wax ugu qabtaan Dalkooda iyo dadkooda islamarkaana ku horumariyaan waddankooda si loo anba qaado geediga aqoonta iyo ilbaxnimada ee hoolka horumarka, ugu danbayntiina wuxuu ugu duceeyey ardaydaasi inuu ilaahay ku anfaco cilmigaa ay barteen. Allaa Mahad Leh Source
-
Ankara (Caasimadda Online) – Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa baahisay in Turkiga iyo Ruushku ay ka shirayaan in Kurdiyiinta Siiriya laga saaro magaalooyinka ku yaala Waqooyiga Siiirya ee Manjib iyo Kobani marka ay madaxdu ku kulmaa magaaladda Sochi todobaadka dambe. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa warbaahinta ku xaqiijiyay in Putin iyo Erdogan ay ka wada hadli doonaan in magaalooyinka muhiimka ah laga bixiyo gacanta Kurdiyiinta. Xukuumadda Ankara ayaa Khamiistii waxaa ay heshiis la gaartay Maraykanka waxayna ogolaatay in ay gulufka waqooyiga Siiriya hakiso taas badelkeedana ay Kurdiyiintu dib u gurtaan. Talaadada Todobaadkaan ayuu Madaxweynaha Turkigu u safri doonaan magaaladda ku taala xeebta badda madow. Waxaa la filayaa in ay madaxdu go’aamiyaan cidda gulufka qaadi doonta, haddii ay tahay Ciidanka Turkiga ama kuwa Siiriya oo gacan ka helaya Ruusha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
sawir hore Shil gaari oo geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay wadada udhexeya magaalada Garowe iyo duleedka tuulada Sunujiif ee gobolka Nugaal. Puntland Post oo qadka taleefonka kula hadashay taliyaha taraafikada gobolka Nugaal, Ismaaciil Xirsi Shirwac, ayaa u sheegay in shilkaan uu geytay dhimashada hal qof oo rag ah iyo dhaawaca qof dumara. Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nuuca soomaalida u taqaano lugo badan, kaasoo ka yimid magaalada Bosaso kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo kahor inta aanu shilku dhicin. Qofka dumarka ah ee dhaawacmay, oo xaaladeedu ay cuslayd ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee Garowe. Shilka waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed, oo soo gaaray badeecaddi lagasoo raray dekeda Bosaso. PUNTLAND POST The post Shil gaari oo geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay nawaaxiga Sunijiif appeared first on Puntland Post.
-
Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeyn Guddigga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka waxaa ka faa’iideysanaya xubno ka socda Maamulka Hirshabelle, waxaana lagu baranayaa Soohdin u Sameynta Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Daahfurka tababrkan kooxo hooleedka Soohdin Sameynta Hirshabelle waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiirka arimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in u jeedka tababarkan loo qabtay ay tahay in la casriyeeyo Soohdimaha Goboladda dalka, isla markaana kulankan uu gogol xaar u yahay wadatashi guud oo dhanka Soohdinta ku saabsan oo ay yeelan doonaa Dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Wasiirka Arimaha Gudaha ee Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo tababarka furay ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan tababarkan, isla markaana ay la shaqeyn doonaan Guddiga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo xarunta Gobolka Bari. Kormeerka waxaa Madaxweyne Deni ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweyn Deni ayaa ugu horeyn booqday Cisbitaalka magaalada Boosaaso, wuxuuna kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay, intaas kadibna wuxuu kulan laqaatay maamulka oo u soo bandhigay xaaladdda Cisbitaalka, madaxweynaha ayaana sheegay in siyaasaddiisa meel sare uga jirto arrimaha bulshada oo ay qaybta koowaad tahay Caafimaadka. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeer ku tegey xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu kula kulmay maamulka gobolka. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Madaxweynaha Puntland oo booqday Cisbitaalka Guud iyo xarunta gobolka appeared first on Puntland Post.
-
Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil Muuse (Balbalaare), oo ka amid ah isimada soojireenka ah ee Puntland, ayaa manta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasi oo soo dhaweeyay diirran loogu sameeyay. Suldaanka waxaa duleedka koonfureed ee magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay isimo, waxgarad, aqoonyahanno, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi Boosaaso. Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil ayaa mudada uu ku suganyahay Boosaaso waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona bulshada magaalada sida hoggaanka dhaqanka waxgaradka iyo dhammaan qeybaha bulshada. Hoos ka daawo muuqaalka soo dhaweynta oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Cabuud Cabdi Ismaaciil Balbalaare oo soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
