Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A new report by United Nations special investigators says Kenya's military was responsible for five attacks on telecommunications masts in neighbouring Somalia, including strikes that killed two civilians. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Khubrada QM ee Soomaaliya oo soo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay ka been sheegtay kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Nairobi iyo Muqdisho. Guddiga ayaa sheegay in Kenya ay marin habaabisay shirkii ay dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum Geo (oo hadda la baxday TGS) ku qabteen magaalada London, 7-dii February, kaasi oo lagu soo bandhigay xogta daraasad shidaal sahmin oo lagu sameeyey ciidda xeebaha Soomaaliya. Kenya ayaa toddobaad kadib shirkaas u yeertay safiirkeeda Soomaaliya, ayada oo ku dooday in dowladda Soomaaliya ay shirkaas ku xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla aagga gaarka ah ee dhaqaalaha Kenya (Exclusive Economic Zone). Si kastaba, Guddiga Khubrada QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in xogta lagu soo bandhigay shirkaas aysan wax shaqo ah ku lahayn aag badeedka lagu muransan yahay. Guddiga waxa uu sidoo kale sheegay in wax xirmooyin shidaal ah aan lagu xaraashin shirkaas, sida ay Kenya ay sheegtay. Warbixinta Guddiga ayaa meesha ka saareysa mid ka mid ah sababihii ay Kenya u adeegsatay in dagaal diblomaasiyadeed oo xooggan ay ku qaado Soomaaliya tan iyo markaas. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan horey ugu beenisay in xirmooyin shidaal ay xaraashtay, waxayna sidoo kale sheegtay in dhul badeedka sahminta laga sameeyey aanu ku jirin midka muranka ka taagan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Booliska dalka Norway oo la wareegay hantida wiilkii weeraray masjidka al-Noor si uu magdhow ahaan loogu siiyo dadkii uu waxyeelleeyay Booliska deegaanka Asker iyo Bærum ee duleedka caasimadda Oslo ayaa la wareegay hantida maguurtada ah ee wiilkii weerarka u geystay masjidka al-Noor Philip Manshaus, kuwaas oo ka kooban guri iyo garaash. Hantidan oo uu leeyahay boqolkiiba sagaashan ayuu ku leeyahay magaalada Oslo, waxaana qiimeheeda lagu qiyaasay 5.9 milyan oo kroner. Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabadani qaadayaan si ay u xaqiijiyaan bixinta magdhow lasiiyo dadka uu waxyeellada ugu geystay weerarkiisa. Tallaabadan cusub ee uu boolisku kula wareegay hantidiisa ayuu kasoo horjeestay Philip Manshaus oo 22 jir ah, waxaana uu sheegay in uu la tiigsan doono sharciga. Wiilkan oo ku hubeysnaa qori darandoori u dhaca ayaa masjidka deegaanka Bærum ee duleedka Oslo ku furay rasaas, balse waxaa hakiyay oo qoriga kula dhagay labo waayeello ah oo ka mid ah jameecada masaajidka. Baaris boolisku ku sameeyeen gurigiisa ayaa waxa ay ka heleen meydka gabar ay “walaalo” ahaayeen oo ay waalidkiis soo korsadeen taas oo kasoo jeeday asal ahaan dalka Shiinaha. Gabadhan ayaa la sheegay in uu dilay ka hor inta uusan u dhaqaaqin dhanka masjidka. Ujeedka weerarkan ayaa looga shakisan yahay fal cunsurinimo oo neceyb ajaaniibta ah, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah odayaashii qabtay. WARQADDA BOOLISKA KASOO BAXDAY: Qaran News
  4. Istanbul (Caasimada Online) – Wargeyska Arab Weekly ayaa warbixin uu qoray ku sheegay in inkasta oo dalalka Qatar iyo Turkey ay u muuqdaan xulufo, haddana ay kusii kala durqayaan loolan xooggan oo u dhaxeeya oo ka socda gudaha dalka Soomaaliya. Warbixinta ayaa sheegtay in labada dal ay ku loolamayaan qaar ka mid ah maamulka dekedaha Soomaaliya iyo mashruucyada kale ee kaabayasha ah ee laga fulinayo Soomaaliya. Turkey ayaa gacanta ku haysa dekedda ugu weyn Soomaaliya ee Muqdisho, halka Qatar ay hadda isku dayeyso inay maal-gashato dekedda Hobyo ee gobolka Mudug. Wargeyska oo soo xiganaya qaar ka mid ah warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegaya inuu burbur wajahayo is-xulufaysigii u dhaxeeyey labada dal ee gudaha Soomaaliya. Qatar iyo Turkey ayaa kula loolamay Soomaaliya, ugana guuleystay xulufadii Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Wargeyska oo soo xigtay sarkaal Soomaali ah ayaa sheegay in Qatar ay gudaha Soomaaliya ka qaadatay go’aanno ay diidaneyd Turkey. Wargeyska ma uusan shaacin waxa ay ahaayeen mowqifyadaas. Xiisadda labada dal ayaa kasoo billaabtay dalka Qubrus, kadib markii Turkiga uu billaabay inuu xeebaha dalkaas ka baaro gaas. Goobahaas ayaa ahaa kuwa horey xuquudooda ay dowladda Qubrus u siisay dowladda Qatar. Warbixinta ayaa sheegtay in wafdi dhowaan ay Qatar u dirtay Soomaaliya ay adeegsadeen siyaasado ka dhan ah dowladda Turkiga, aadna ay uga hor-yimaadeen. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowaan wargeyska Daily Sabah ee Turkiga oo ku xiran madaxweyne Erdogan uu qoray in taleefishinka Aljazeera oo ay Qatar leedahay uu faafinayey dacaayado ka dhan ah howlgalka Turkiga uu ka fuliyey waqooyiga dalka Syria. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddiga Qaramada Midoobay ee UN Monitoring Group, ayaa warbixinteedii sanadlaha aheyd ee sanadkan 2019, waxay ku sheegtay in shirkad ay leedahay dowladda Itoobiya ay hubka ka iibiso Somaliland. UN Monitoring Group ayaa sheegtay in Shirkadaasi oo lagu magacaabo Metals and Engineering Corporation (MetEC), ay sidoo kale hub ka iibiso maamulo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, inkasta oo aysan xusin. Guddigaasi ayaa waxay sheegen inay heshay Dokumentiyo cadeynaya in hub la kala iibsaday sanadihii 2013 ilaa 2015, iyadoona la kala siistay hubkaasi lacag ka badan saddex milyan oo dollar. Warbixintaasi ayaa sidoo kale waxa lagu soo bandhigay Warqad qoraal ah oo uu qorey Taliyihii hore ee Ciidanka Somaliland, Generaal Ismaaciil Shaqale, midaasi oo sheegaysay in Somaliland ay shirkada MetEC ka heshay hub qiimihiisu dhan yahay 698,600 oo dollar, taasi oo ay ku taariikhaysaneed 28 September 2014. Waxa ugu dambeyntiina Warbixintaasi lagu sheegay in shirkada Metals and Engineering Corporation (MetEC), ay maamulada Somaliland iyo Puntland ula dhaqmi jirtay sida dalal madax banaan, sidaasina uga iibin jirtay hubka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag uga hadlay xubnihii ay shalay ansixiyeen Golaha wakiilada Somaliland, isagoona luuqad adag kula hadlay Madaxweyne Biixi. Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay waxay ansixiyeen lix xubnood oo kamid ah xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo ay labo kamid ahi si weyn uga soo horjeeden Xisbiyada mucaaridku. Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku dhaqmayo caragsi, isla markaana ay qaadi doonaan talaabo kasta oo hogaan xumada Biixi looga bad-baadinayo Somaliland. Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale waxa uu taageerayaasha xisbiga Waddani uu faray inay kala qeyb qaataan halgan uu sheegay in Somaliland lagaga bixinayo maamul xumada uu baday Madaxweyne Muuse Biixi. “Waxa aanu Muuse xasuusineynaa in aanu Somaliland xoog iyo xabad midna ku qabsan kuna haysan karaynin” ayuu yiri Guddoomiye Ciro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa. Wuxuuna intaas kusii daray ” Haddii uu ku sii wado carigsiga iyo sharci jiidhka, waxa aanu ku dhaqaaqi doona tallaabo kasta oo Somaliland lagu bad-baadinayo”. “Waxaan faraya taageerayasha Xisbiga iney u diyaar garooban halgan iyo hawl adag oo dalka lagaga bad-baadinayo Maamul Xumada Muuse Biixi baday”. Hadalkan Guddoomiye Ciro ayaa u muuqda mid uu fariin hanjabaad ah ugu dirayo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana uu ku baaqayo in la sameeyo kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Xukuumada talada Somaliland haysa ee uu Biixi hogaamiyo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. UNITED NATIONS — Al-Shabab extremists in Somalia remain “a potent threat” to regional peace and are now manufacturing home-made explosives, expanding their revenue sources and infiltrating government institutions, U.N. experts say. The panel of experts’ report to the Security Council, circulated Tuesday, said a significant escalation of U.S. airstrikes targeting al-Shabab militants and leaders has kept the al-Qaida-linked group “off-balance” but has had “little effect on its ability to launch regular asymmetric attacks throughout Somalia.” The report said al-Shabab’s assault on Jan. 15 on a commercial business complex in Nairobi, Kenya, containing the DusitD2 Hotel “illustrates the danger the group continues to pose to regional peace and security.” That attack killed 21 people as well as four gunmen. The experts also cited “an unprecedented number” of attacks across the Kenya-Somalia border by al-Shabab in June and July, “possibly in an effort to exploit strained relations between the two countries.” The panel, which monitors sanctions against Somalia, also reported on the arrest last Dec. 17 of a Somali national linked to the Islamic State extremist group in Bari, Italy, in connection with a planned attack on the Vatican and other targets to coincide with Christmas celebrations. The experts said the plot by Omar Moshin Ibrahim, also known as Anas Khalil, to plant a bomb in St. Peter’s Basilica in Rome on Christmas Day “was rudimentary and had little chance of success.” Intercepted communications indicated Ibrahim devised the plan on his own and was not directly tasked by Islamic State operatives outside the country, the panel said. Still, the Vatican plan was the first instance in which Islamic State elements in Somalia “were directly linked to an attempted terrorist attack outside the country,” it said. After three decades of civil war, extremist attacks and famine, Somalia established a functioning transitional government in 2012 and has since been working to rebuild stability. But U.N. Secretary-General Antonio Guterres has said it must still tackle violent extremism, terrorism, armed conflict, political instability and corruption. The panel stressed that while an African Union peacekeeping mission and the Somali army hold the majority of urban centers in Somalia, “al-Shabab maintains direct control or influence over vast swaths of the hinterland and is able to cut off main supply routes” and isolate government pockets. The experts said that for the first time they obtained “definitive evidence that al-Shabab has been manufacturing home-made explosives since at least July 20, 2017,” based on post-blast analyses carried out by the U.S. Federal Bureau of Investigation. The data established that al-Shabab carried out at least 11 attacks with improvised explosive devices in Somalia using home-made explosives, they said. Al-Shabab previously relied on military grade explosives, obtained mainly from remnants of war and munitions captured from the AU peacekeeping mission, the experts said. “The manufacture of home-made explosives means that the group may now have access to far more readily available inputs for the construction of such devices,” they said. During the past year, the panel noted, al-Shabab carried out “an unprecedented number of improvised explosive device attacks.” It said al-Shabab used improvised explosive devices to kill and injure civilians in restaurants, marketplaces, camps for displaced people, shopping centers, government offices and hotels. The experts said al-Shabab’s infiltration of government institutions reached the office of Mogadishu’s mayor on July 24, when a female suicide bomber blew herself up and killed at least 10 people, including Mayor Abdirahman Omar Osman and three district commissioners. Al-Shabab said afterward that its target had been the new U.N. envoy to Somalia, James Swan, who had left the office minutes earlier. The experts said it later emerged that the suicide bomber had been employed at the office since May 2018 under an assumed identity. They said an accomplice, also employed in the office under a false name, was still being sought. In a briefing to reporters last week, Somali intelligence chief Fahad Yasin said the country’s intelligence agency has rolled out new background screening of all government workers to find al-Shabab infiltrators. Mogadishu is experiencing a period of calm because of a number of efforts including the deployment of hundreds of undercover officers and surveillance cameras across the city, Yasin said. Further checkpoints have been set up in Mogadishu to help stop al-Shabab from smuggling in explosives and attackers. The U.N. panel’s report said money is not a limiting factor for al-Shabab, saying its “taxation” of all aspects of Somalia’s economy “is undiminished, and has likely expanded.” The experts cited preliminary evidence indicating al-Shabab has started taxing imports into the port of Mogadishu. “The group also continues to take advantage of virtually unregulated mobile money and domestic banking services to collect and transfer revenues throughout the country,” the report said. Source: AP
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Kulan uu madaxweyne Farmaajo galabta magaalada Nairobi kula yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa waxaa ka hor-yimid laba caqabad oo yareysay saameyntii madaxweynaha filayey inuu yeesho. Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, kulanka oo ka dhacay gudaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, ayaa markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto mid ka mid ah hoolalka magaalada. Si kastaba waxaa diiday dowladda Kenya, maadaama ay qasab ahayd in looga fasax qaato sababo la xiriira maqaamka madaxweynaha iyo inay lagama maarmaan tahay in amnigiisa la sugo. Dhinaca kale, inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ee ugu weyn ugana saameynta badan magaalada Nairobi ayaa diiday inay la kulmaan kana qeyb galaan kulanka madaxweynaha. Ganacsatada kasoo jeeda beelaha Abgaal iyo Ogaadeen ayaa Farmaajo ku eedeynaya inuu dagaal iyo beegsi ku hayo madax ku hayb ah oo uu ku beegsanayo gudaha Soomaaliya. Farmaajo ayaa horey dagaal ula galay madaxweynaha Jubaland oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, sidoo kalena xayiraado saaray madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo kasoo jeeda beesha Abgaal. Beelaha Abgaal iyo Ogaadeen waa beelaha ugu waa weyn ee gacanta ku haya ganacsiga Soomaalida Nairobi uguna taajirsan, waxaana awooddooda iyo saameyntooda ay u adeegsadeen inay ka hor-tagaan la kulanka madaxweynaha ee ganacsatada. Sida aan xogta ku helnay, kadib labadan caqabad ayaa madaxweynaha go’aansaday inuu ganacsato yar oo fikir ahaan taageersan kula kulmo xarunta safaaradda Soomaaliya ee Nairobi. Sawirro kulanka laga soo qaaday ayaa muujinayey inay aad u yaraayeen ganacsatadii u tagtay madaxweynaha, kamana muuqan dhammaan kuwa la yaqaan ee ugu saameynta badan Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  9. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa ka hadlay Siyaasiyiinta horjeedda ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in siyaasiyiintaasi oo dhan ay yihiin shaqo doon, sidaasna ay ku mucaaradayaan dowladiisa. “Siyaasiyiinta bannaanka taagan ee hor-taagan idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinaya kuligood waa shaqo doon, oo waxay yaqaaneen wixii ay soo dhadhamiyeen maalin walba waxbaa la bedelaa in la abuuro siyaasiyiin cusub oo aan laga faa’iideysan, qaar waa aamusan yihiin, qaarna dagaal ayey ku jiraan, oo in lugaha la haayo, hebel waa qeylinayaa ee bal haloo yeero, waa caqabad dad badan ku baraarugsaneyn” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Farmaajo ayaa siyaasiyiintii maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka hadlayay oo ay ka mid yihiin madaxweynaayashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ku tilmaamay kuwa xanaaqsan oo maamulkiisa kasoo horjeedda. Waxaa uu sidoo kale sheegay in cabaqado weyn ay dowladda Soomaaliya kasoo wajaheen dalalka dariska la ah Soomaaliya, maamul goboleedyadda, Khaliijka Carabta iyo meelo kale. Maamul Goboleedyada ayuu ku eedeeyey inay isku dayayaan la wareegitaanka awoodda Dowladda Dhexe iyagoo adeegsanayo Dowladaha dariska sida uu hadalka u dhigay. Dowladda ayuu sheegay in ay dadaal badan ku bixisay in ay ka hortagto Khilaafaadka soo gala dhex gala Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo baarlaamanka. Halkaan hoose ka daawo khudbadda madaxweyne Farmaajo
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanaha-Warraka-13112019.mp3 View the full article
  11. Boosaaso (Caasimadda Online) – Ciidama beeleedka maanta magaalada Boosaaso soo galay waxay ahayd mid la saadaalinayay maalmaahaan oo dhan sababo la xiriira tallaabada ay qaaday xukuumadda Deni oo ay kula wareegeyso shirkadda PDG. PDG waa shirkad illaa muddo dheer soo shaqeenaysay, waxaa leh ganacsato reer Bari ah uu ugu tun weynyahay ninka Maanta ka danbeeyay abaabulka ciidamada soo galay Boosaaso oo loogu yeero Bashiir C/llaahi Saalax Deer. Shirkadda ayaa ciidamada PMPF-ta ee Imaaraadka taageerto u qaabilsanyihiin wixii loogistika ah, halkaas oo ay macaash fiican ganacsatadaasi ugu jirtay ka hor inta aysan isku dhicin saaxiibbadii markii hore ku shirkoobay. Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Deni, galaanlgalka fiicanna ay ku leeyihiin kooxda loo yaqaan “Aaraan jaan” oo ah koox abaabulan oo ganacsato reer Garoowe ah ay u badan yihiin ayaa isku dayayey inay la wareegaan saamilaydii ugu waawayneyd shirkadaas loo yaqaan PDG, ayagoo ka faa’iideesanaya awoodda Dowladnimo. Waxaa xusid mudan ganacsatada haatan gadoodsan ee reer Boosaasada u badan inay ahaayeen kuwii sababta u ahaa in Deni ku guuleeysto dooorashada ka dib markay ku wareejiyeen 7 cod wareeggii u dambeeyay ee tartankii doorashada madaxtinimada Puntland 8-dii Jenuary 2019. Si kasta oo la isugu dayey xallinta khilaafka “PDG” iyo in wada hadal lagu dhameeyo waxay ka suura gali weyday dhinaca Deni iyo xulafadiisa Aaran Jaan, waxayna soo jiitamaysay lixdii bilood ee u dambaysay. Ganacsata ayaa lixdaas bilood si iskood iyo lacagtooda waxay ugu dabarayeen qarashaadka ku baxaya ciidamada PMPF, waxaana xusid mudan ka dib markii cadaadis badan ay odayaal saareen madaxweynaha in bishii hore dhamaadkeeda la bixiyay lacagtii oo aan wax faa’iida aysan ku jirin , wixii faa’iidada ahaana loo wareejiyay shirkadda ay samaysteen Aaran Jaan. Markuu Bashiir C/llaahi Saalax deer uu ka quustay waxa uu isku dayay inuu bal cadaadis dhinaca ciidanka saaro, waxaana uu ciidamo Beeleedyo ku aruuray Magaalada gudaheeda oo dhowr xarumood kala fadhiya, ciidanka xoogiisana waxaa fadhi u ahaa Carmo. Saaka waxaa soo ruqaansaday ciidankii deganaa Carmo waxayna iska hor imaad kooban u dhexmaray ciidamadii joogay barta controlka ee Boosaaso, waxay gacan ka heleen ciidamadii magaalada hore usii joogay sidaasayna ku soo galeen. Iskudayo ay sameeyeen ciidamada dowlada inay kaga horjoogsadaan inay soo galaan magaalada waa ay suura gali waayay ka dib markii awood loo sheegtay. Dhinaca kale Ciidamada kacdoonka gobolka Bari ayaa ka hadlay sida ay u arkaan xilka qaadistii gudoomiye Dhoobadaareed, iyagga oo sheegay in ay u arkaan xaq daro. Sarkaal ka tirsan hoggaanka ciidamada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland u aqoonsan yihiin Cabdixakiin Dhoobadaareed. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ujeedkoodu yahay in la helo Puntland la wada leeyahay, isagga oo ku baaqay shirweyne wada tashi oo ay isugu yimaadana Beelaha ku midoobay dhismaha Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Career U.S. diplomat William Taylor advanced fresh testimony tying U.S. President Donald Trump to efforts pressing Ukraine to investigate Trump's political rivals as House investigators launched historic public impeachment hearings Wednesday. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Barre Yuusuf oo ah Xildhibaan hore oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay lacag badan ku bixineyso daganaansho la’aanta degaanada Somaliland iyo Puntland. Xildhibaanka ayaa sheegay in ay hayaan xog ku aadan dadka daga Galbeedka Somaliland ay dowladda Soomaaliya ka shaqeysay in ay sameestaan jabhado islamarkaana ay dooneyso daganaansho la’aan ka bilaabata Soomaaliland. “Odayaasha degaanka ayey dowladda lacag siiyay ee Saraakiisha Galbeedka Somaliland si loo abuuro xoogag hubeysan oo dowladda ka soo horjeeda waana bilaawday dhaq dhaqaaqaasi” ayuu yiri Cabdi Barre Yuuusf oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay hada daganaansho la’aan xoog leh ay ka abuurtay degaanada Puntland oo qaar ka mid ah shacabka gobolka Bari ay ku dhaqaaqeen dagaal ka dhan ah xukuumadda Deni. “Waxay iska horkeentay hogaanka Puntland waxaana ka dhashay beelaha gobalka Sanaag iyo Bari in ay dowlada ku kacan mana ahan wax loo dulqaadan karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi Barre Yuusuf oo ah Xildhibaan hore ee Baarlamaanka. Dhowr qof ayaa sidoo kale horey ugu eedeeyey dowladda Soomaaliya in ay wado abaabulka qalalaaso ka bilaawda dhulka dagan ee Soomaaliya sida Puntland iyo Somaliland mana jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Xiriir ay Caasimada Online la sameysay xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha way diideen inay jawaab ka bixiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. In the past days, the Qatari capital city of Doha was hosting a meeting of the Joint Commission from Somalia and Qatar, who agreed: 1. To exchange the list of companies dealing with recruitment issues overseas. 2. It is agreed that the Somali Government should have a part in the World Cup staff in Qatar by 2022. 3. The government of Qatar emphasizes the importance of Somali workers being open to the labor market in Qatar. 4. It was agreed to create a complete database of Somali staff. 5. The two Ministers agreed to establish offices responsible for labor relations. a. Somalia is responsible for ministry’s office for Arab Affairs. b. Qatar is also responsible for the International Labor Relations Office. The two committees underlined that the work should be started as soon as possible so that Somali workers would have the opportunity to work and promote co-operation. The Somali-Qatar joint committee on providing opportunities for Somali nationals to work in the country met with its counterpart in Qatar. The agreement between the two countries, signed in 1983 and re-enacted in late September of this year, was signed by the Minister of Labor and Social Affairs of the Federal Government of Somalia, Sadik Hirsi Warfa in Qatar, where he met with various officials including the Minister of State for Development, Labor and Social Affairs, Mr. Mohamed Bin Yusuf Al-Uthman Fakhruu. The Ministries of Labor of the two countries have appointed a six-member committee tasked with coordinating and implementing the agreement. View the full article
  15. Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre met with Russian Foreign Minister, Sergey Lavrov at the sidelines of the Paris Peace Forum on Tuesday. Kheyre and Lavrov discussed the State of Peace and Security in Somalia and the efforts of the international community in Somalia’s recovery process. Mogadishu and Moscow had strong diplomatic ties backed by defense cooperation before 1977. Former Somali President, Mohamed Siyad Barre ordered the Soviets out of a base in the port city of Berbera after providing military support to Addis Ababa on the 1977 war between the neighboring states over a land dispute. Meanwhile, while in French capital, Somali PM met with several other global leaders and briefed them about the achievements and challenges of his government. The premier held bilateral talks with the host President, Emmanuel Macron and discussed potential areas of mutual cooperation and quest for debt relief efforts. While addressing the Paris Peace Forum, Prime Minister, Hassan Kheyre appealed to the member states that no country should be left behind in the quest to achieve sustainable development goals View the full article
  16. American forces killed a militant affiliated with the al-Shabaab group in a Nov. 12 airstrike, US Africa Command announced. The strike was part of an ongoing partnership with the Somali government to “maintain pressure on al-Shabaab’s network and levels of leadership while countering violent extremist intentions and actions. … Strikes near Jilib disrupt al-Shabaab’s freedom of maneuver,” AFRICOM Operations Director Army Maj. Gen. William Gayler said in a release. AFRICOM said no civilians were injured or killed in the airstrike, though non-governmental organizations such as Amnesty International argue the Pentagon underreports civilian casualties in Somalia. The command did not say which aircraft conducted the strike. The US has reported dozens of airstrikes against al-Shabaab and Islamic State group members in Somalia this year. AFRICOM Commander Army Gen. Stephen Townsend and Brian Neubert, the American charge de affairs to the Embassy of Mogadishu, also met with Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed and Somali National Army Chief of Staff Gen. Mohamed Ali Barise Nov. 5 to discuss joint security developments. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 24-kii ee ugu dambeysay waxaa xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho laga dareemayaa abaabulka Banaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya, kaas oo ku aadan go’aankii muddo saacado ah lagu xanibay Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ku wajahnaa Beladweyne. Sidoo kale abaabulka ayaa si weyn waxaa looga dareemayaa baraha bulshada ku kulmaan ee Internet-ka oo dad lala wadaagay. Caasimada Online waxay isku dayday in ay hesho dadka ka dambeeya abaabulka Banaanbaxaan balse waxaa heli weynay shaqsiyaadka abaabualaya dibadbaxa. Qaar kamid ah dhalinyarada loo xil saaray qaban qaabada ayaa noo sheegay in aysan jirin qof isku xir oo banaanbaxa wada balse uu ku bilaawday hadal heyn iyo dareen dadka qaar ay ka qaadeen qal qalkii amni ee dowladda ay gelisay Shariif iyo Xasan Sheekh. Dhalinyaradaan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dareenkooda si nabad galyo ah ku muujiyaan oo ay isugu yimaadaan laga soo bilaabo Liido ilaa KM 4 ee magaalada Muqdisho. Bilooyin ka hor ayaa mar sidaan oo kale la isugu dayay in magaalada lagu qabto dibax balse waxaa la sheegay in markii dambe xayiraad dheeraad ah oo magaalada lagu soo rogay loo baajiyay iyadoo wararka qaarna ay markaas sheegeen in uu aad u yaraa abaabulka banaanbixii la filyay. Waxaan sidoo kale la ogeyn in sidaas oo kale mar kale loo baajin doono banaanbaxaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Brussels kula kulmay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah, Neven Mimica. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Neven Mimica ayaa looga hadlay xaalada dalka, gaar ahaan arrimaha dib-u-qaabeynta ee dowladdu wado. Neven Mimica oo caddeeyay in midawga Yurub ay sii wadayo taageeradiisa arrimaha dib-u-habeynta ee guulaha wanaagsan laga gaaray, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay maal gelin xooggan oo wax ku ool ah, si loo gaaro horumarka la hiigsanayo. Ra’iisul Wasaaraha oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, u yimid inuu kulamo la qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoomay doomo, Cagafyo iyo gaadiid kale oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Munaasabad lagu qabtay gudaha dekadda Muqdisho, ayuu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad celiyay dowladda Qatar deeqdaan ay maanta soo gaarsiiyay iyo taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda ay la garab taaganyihiin. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in doomaha iyo gaadiidka kale ee maanta dowladdu ka heshay Qatar ay uga faa’iideysaneyso beereaha, adkeynta amniga iyo howlaha kale ee muhiimka ah. Dowladda Qatar oo xilliya badan oo dhibaato adag jirtay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si buuxda u taageeray, ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, uuna ka dhexeeyo iskaashiga dhaqaale iyo amni, waxayna mashaariic badan oo horumarineed ka wadaa gudaha dalka. View the full article
  20. Dooxa (SMN) – Maalmahan Caasimadda Qadar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; 1. In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo. 2. Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka. 3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar. 4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran. 5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha. a. Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada. b. Sidoo kale Dowladda Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha. Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood. Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar. Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane; Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu. Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen Guddi ka kooban Lix xubnood oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-13112019.mp3 View the full article
  22. Maalmahan Caasimadda Dalka Qadar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; 1. In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo. 2. Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka. 3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar. 4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran. 5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha. a. Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada. b. Sidoo kale Dowladda Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha. Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood. Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar. Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka Qadar ,Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu. Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen Guddi ka kooban Lix xubnood oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. Isha: Goobjoog
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada kala ah guddiga gurmadka fatahaada iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maalmo ka hor warqad cabasho ah u qoray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxayna warqadaasi aheyd mid ka dhan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Guddiyadaan ayaa cabashadooda salka ku heysay in lacago kumanaan dollar ah oo loo yaqaan “sharuur” lagu xujeeyay in ay bixiyaan si loogu qabto barnaamijyo toos ah oo shaqadooda ku saabsan islamarkaana laga sii deen lahaa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in warqad ay ku qorneed cadad lacageed oo laga soo dhiibay xafiiska wasaaradda warfaafinta, taas oo lagu badalanayay barnaamij loo qaban lahaa guddiga gurmada fatahaadaha loo geeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isagoo heesta cabasho ka horeysay oo ay gudbiyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo laba jeer war looga joojiyay lacag ay bixin waayeen. 23-kii August, Caasimada Online ayaa sidoo kale qortay in Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ay warbaahinta qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo ka ganacsiga hantida qaranka. Kheyre ayaa wasiirka warfaafinta ku amray in uu soo saaro warsaxaafadeed lagu joojinayo in wararka laga sii daayo warbaahinta dowladda lacag yihiin wixii xiligaas ka dambeeyo maadaama ay weriyaasheedu mushaar qaataan baahinta shaqada dowladana aanan lacag lagu xirin. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa todobaadkaan soo saaray warqadaas waxaana hadda lacag la’aan laga dhigay guud ahaan wararka ka baxa hay’adaha warfaafinta ee dowladda sida radio muqdisho iyo sntv oo markii hore lacag ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com