Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,942
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) ― Siciid Cabdillaahi Deni, Madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa maanta mar uu hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa waxa uu sheegay guulo badan oo uu Somaliland ka gaadhay intii uu hayey xilka maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in markii uu xilka la wareegay uu inta u badan deegaanada bariga gobolka Sanaag iyo Buuhoodle uu kala soo wareegay Somaliland. Deni oo ka jawaabayey su’aalo ay weydiiyen xildhibaaanada golahu, ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa uu qabtay wax la taaban karo mudadii uu hayey xilka ugu sareeya maamulka Puntland. Waxa uu carabkana ku adkeeyay Deni in maamulkiisi uu ka jira deeganadaasi oo uu ka dhaqan galay dhamaan dhulka Sanaag, wuxuuna yiri “Muddadii aan xilka haynay, dhulka Sanaag waxa Gacanta Puntland soo gashay 99% ka mid ah, marka laga reebo Yubbe iyo inyar oo la mid ah”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa Maanta Wasaaradihii Puntland oo dhami joogaan Magaalada Buuhoodle oo markii aanu Xilka nimid uu khalkhal amni ka jiray iyo Gacan ku haynta Dawladda oo maqnayd”. Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan waxay isku dagaalan gacan ku haynta deegaanada hoos yimaada gobolka Sanaag barri, taasi oo labada dhinacba ku andacoodan in lagu soo xad-gudbay xuduuda maamuladooda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Nacnac oo kaalmo raashin iyo Lacag isku jirta gaadhsiiyay laba qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku barakacay dhulka ay isku haystaan qoyska Madaxweyne ee Muuse Biixi barakiciyay, farriin culus u diray Madaxweynaha, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay guddiga gurmadka fatahaadaha ee shalay uu u magacaabay isku dubba ridka dadaallada loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha ka dhashay roobaka. Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre war bixin ka siiyay howlihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay, waxa ayna caddeeyeen in xalay kulan ay yeesheen ay ku sameysteen xeerarkii ay ku shaqeyn lahaayeen, maantana ay Beledweyne gaarsiiyeen laba diyaarad oo gargaar deg-deg ah wada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka iyo in la adkeeyo amniga deegaannada dadku ka bara keceen iyo deegaannada ay ku bara keceen si bulshadu ay u hesho nabad ay ku noolaato. Guddiga oo ka kooban siddeed wasiir iyo wasiir ku xigeen ayaa mas’uuliyaddoodu tahay in ay si hufan isugu dubba ridaan qorshaha samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee saameynta ay ku yeesheen daadadka ka dhashay roobabka iyo wabiyada karkaarrada jabsaday. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay guddiga gurmadka fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Addis Ababa)-Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka digay qalalaase ay horseedaan Rabshado Qoomiyado ku salaysan, waxaanu ku baaqay in sharciga la mariyo kuwa masuulka ka ah Kacdoonadii u dambeeyay oo galaaftay nolosha 67 Qof. Raysal-wasaaraha oo ka hadlayey kacdoono kuwii u dambeeyay Toddobaadkii tagay ka dhaceen Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in haddii Itoobiyaanku aanay midoobin ay kacdoonadan xallintoodu mustaqbalka adkaan doonto. “Kacdoonnada aynu waajahaynaa waxay keenayaan Cabsi iyo Adayg, haddii Itoobiyaanku aanay midoobin..” ayuu Raysal-wasaaraha Itoobiya oo Qoraal soo saaray Sabtidii Shalay, qoraalkaasi oo noqonaya kii koowaad ee uu soo saaray tan iyo intii ay bilaabmeen Kacdoon ay wadaan boqollaal Qoomiyadda Oromada ah oo taageersan Jawaar Maxamed oo ka mid ah Dadkii hoggaaminayey Kacdoonnadii Oromada ee Itoobiya ka dhacay, kuwaasi oo aakhirkii sababay in Xukuumadda Raysal-wasaare Abiy Talada qabato, xukuumaddii Haile Mariam-na is casisho. Kacdoonka ka socda Addis Ababa ayaa lagaga soo horjeedaa Raysal-wasaare Abiy oo Sannadkan ku guulaystay Abaal-marinta Nabadda Adduunka, waxaana Dibed-baxayaasha qaarkood dab qabadsiiyeen buug uu qoray Raysal-wasaaruhu. Kacdoonnada ayaa bilaabmay markii Jawaar Maxamed oo Qoomiyadda Oromada ka mid ahi uu sheegay in Dawladdu ay ilaaladiisii ku amartay inay isaga tagaan, isagoo sheegay in Dawladdu ugu talo-gashay in la dilo. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadal Kasoo Yeedhay Madaxweynaha Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Abu Bakr al-Baghdadi, the leader of the Islamic State last seen alive in a video in April, was targeted in a strike by U.S. Special Operations Forces in Syria on Saturday, according to three U.S. officials. Source: Hiiraan Online
  7. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya,kaas oo Saddexdii biloodba mar la qabto. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Laamaha Hay’addaha socdaalka ee Gobalada, Saraakiisha xarunta dhexe ka howlgala iyo Hay’addaha wada shaqeynta la leh Hay’adda socdaalka oo ay ka mid yihiin Booliska, Gobolka Banaadir iyo Qaar ka mid ah Wasaaradaha. Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlaa wada-shaqeynta Laamaha kala duwan ee Socdaalka dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa is-beddel wanaagsan laga dareemayaa amniga caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo ay si joogto ah uga dhici jireen dilal qorsheysan iyo qaraxyo is-qarxin ah. Inkastoo ay xiran yihiin inta badan jidadka Muqdisho, haddana dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa kuu sheegaya inay arrintaas ku jirto dantooda maadaama uu yaraaday dhiiggii badnaa ee ku daadan jiray magaalada. Is-beddelada amniga ayaa sidoo kale horseeday inay aad u yaraadaan qaraxyadii waa weyn eel ala beegsan jiray xarumaha dowladda iyo hoteellada, kadib markii waddooyinka laga soo gala magaalada oo lasoo marsiin jiray baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyey la dhigay ciidamo Boolis ah oo hoostago Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan. Sidoo kale waxaa yaraaday dilalkii qorsheysnaa ee Magaalada dhexdeeda laga fulin jiray inkastoo ay mararka qaar dhacaan, haddana waxaa Magaalada lagu daadiyey ciidamo boolis dharcad ah kuwaas oo howlgalo qorsoodi ah ka sameeyo jidadka iyo xaafadaha Muqdisho. Prof. Xasan Yacquub oo ah Barre jaamacadeed isla markaasna ku takhasusay arrimaha Amniga ayaa sheegay in jidadka xiran ee Muqdisho ay tahay wadada kaliya ee xilligaan la joogo lagu sugi karo Amniga Muqdisho loogana hortagi karo qaraxyada isqarxinta ah inta laga diyaarinayo qorshooyin kale oo arrintaas looga hortagayo “Marka hore waxaa muhiim aheyd in la joojiyo dhigga maalin kasta daadanayey ee Shacabka Muqdisho, jidadka xiran inkastoo ay dhibaato yihiin haddana duruufta dalka ka jirto ayaa sidaas ah, Dowladana waxaa looga fadhiyaa inay sameyso qorshaha xigo ee looga gudbayo jidadka xiran” ayuu yiri Prof Xasan oo wareysi siiyey Caasimadda Online. Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay in sidoo kale la sameeyey qorsho isku xiray dhammaan taliyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir kuwaas oo Maalin kasta warbixino usoo gudbiyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa socda qorshe uu taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan wado oo lagu doonayo in lagu furo jidadka xiran ee Muqdisho, waxayna illo wareedyo lagu kalsoonaan karo noo xaqiijiyeen inuu qorshahaas marayo meel gabgabo ah. Marka uu qorshahaas fulo, Amniga Muqdisho ayaa waxaa laga sugi doonaa banaanka Magaalada, waxaana dib loo furi doonaa isku socodka gaadiidka ee gudaha Magaalada oo haddana xayiran taasoo dhibaato ku ah Shacabka iyo Ganacsiga Magaalada. Ciidamada Booliska ee la dhigay jidadka Muqdisho ayaa hor istaagay gawaaridii qarxyada laga soo buuxin jiray oo ay Al-Shabaab soo gelin jireen Magaalada, waxayna kooxdaan dhawr jeer weerartay baraha la dhigay ciidamada si ay meesha u baneeyaan taasoo keentay inay khasaaro kala kulmaan kadib markii la laayey dhawr ka tirsan maleeshiyadii weerarka soo qaaday. Al-Shabaab ayaa jidadka xiran ee Muqdisho u aragta inay dhibaato ku tahay qaraxyadii iyo dilalkii ay Magaalada ka fulin jireen, waxayna dhawr jeer ku hanjabeen inay soo weerari doonaan ciidamada joogo Koontaroolda gawaarida lagu baaro si ay arrintan u fashiliyaan balse weli taas uma suurtagelin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Banaanbaxan oo ah mid ballaaran, islamarkaana galay maalintiisii labaad ayaa waxaa dhigaya darawallada ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho. Boqolaal ka mid ah gaadiidleyda ayaa isugu soo baxay qaar ka mid ah jidadka, islamarkaana hakad galiyey dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim u ah shacabka. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya waddooyinka xiran iyo sidoo kale lacago ay sheegeen in lagu soo rogay. Qaar ka mid ah darawallada gaadiidleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda inay u furto waddooyinka, islamarkaana ay wax ka qabato cabashooda. Inta badan jidadka Muqdisho ayaa u xiran sababo ammaan darteed, waxaana hakad galay isku socodka qeybo ka mid ah Caasimada oo uu ka jiro wax loo yaqaano Kala Wareeg. View the full article
  10. Wasiirka gaashaandhiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ,ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ay hoggaaminayso Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta iyo isku dhacyada hubaysan Virginia Gamba. Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweynta wafdigaasi ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixyay ujeedka imaatinka wafdigan iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen. Inta uu joogo wafdigan waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala hadli doonaan howlaha ay u yimaadeen Soomaaliya. View the full article
  11. Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyn ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta gaartay diyaarad sidday gargaar banii’aadnimo. Diyaaradda oo ay saarnaayeen inta badan bustooyin iyo baco ayaa goor sii horeysay ka degtay magaalada Baladweyn, ee caasimadda Hiiraan. Dhinaca kale, guddigii uu magacaabay ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa la sheegayaa iney tageen magaalada Baladweyn, laakin ilaa hadda wax hadal ah kama soo bixin. Waxaa jira meelo go’doonsan oo ka inta badan xaafadda Hawl-wadaag, Buundaweyn, Xaawo Taako iyo Kooshin, qoysas boqolaal ayaa la’a meel ay ka baxaanb. Waxaa joogsaday dhammaan isu socodka gaadiidka, ma jiro wax ganacsi ah, ganacsi yaryar iyo mid weyn, waxaa xiran dhammaan dukaamadii iyo suuqyada sida khudaarta iyo xoolaha. Isu Socodka Gaadiidka: Waxaa istaagay dhammaan isu socodkii gaadiidka, gaariga keliya ee ka dhaq-dhaqaaqa gudaha magaalada waa Cagaf-cagaf. Odeyaal qaar oo ka hadlay arrinta gurmad ee ay dowladda federaalka ah guddi u saartay waxaa ayaa Goobjoog News in sanadkii hore ay dhacday dhibaato middan la mid ah iyada oo taasi laga jawaabayo dowladda federaalka ah waxaa ay bixisay $1 milyan, Shiinaha $1 mliyan, gobolka Banaadir oo $100,000 ahaa iyo baarlamaanka 2-badiisa aqal oo mid $50, 000 bixiyey. “Lacagtii loogu talo-galay dadka waxaa jeebka ku shubtay maamulka Hirshabelle, mana arkin” ayey raaciyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-In ka badan 100 Askari oo ahaa malleeshiyo Beeleed ku sugnaa magaalada Buuhoode ayaa ku biiray ciidamada Millateriga Somaliland. Ciidamaan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa munaasabad soo dhawayn ah loogu sameeyay gudaha magaalada Buuhoodle. Ciidamadan reer Buuhoodle ee ku biiray Millateriga Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland dhawaan gole deegaan u samaysay magaalada Buuhoodle. Magaalada Buuhoodle waxa hore u joogay Ciidamo Millateri ah oo ka mid ah Kuwa Somaliland. Source
  13. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay qarax kula eegteen deegaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miino ayey Al-Shabaab sheegtay inay ku dishay illaa 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Milatariga Soomaaliya, kuna dhaawacday mid kale. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar madaafiic loo adeegsaday Al-Shabaab ay ku qaadeay deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay la beegsatay saldhigyo ciidamada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Ma shaacin Al-Shabaab khasaaraha weerarkaasi, balse waxa ay sheegtay in madaafiicda qaarkood ay ku hoobteen saldhigyada ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaankaasi. Inta badan Al-Shabaab oo ku xoogan Jubbada Hoose ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa deegaanada gobolkaasi. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta ansixiyay Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Ciidamada Qaranka. Xeerkan oo Xukuumadda u soo gudbiyay Golaha Wakiilada Somaliland ayaa wax ka tari doona Ciidamada qalabka sida ee kala duwan ee Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-27102019-sx.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay muranka xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka, xubin la sheegay in uu Madaxweynuhu ku soo celiyay safarka uu hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ku tagay magaalada Muqdisho iyo arrinta kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Idlib (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas werinaya warbaahinta Mareykanka. Militariga Mareykanka weli si rasmi ah uguma dhowaaqin geerida Al-Baghdadi, hase yeeshee madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xalay ku yiri “Wax aad u weyn ayaa dhacay goor dhow.” Waxyar kadib qoraalkaas, ayaa Aqalka Cad waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in madaxweyne Trump uu war weyn shaaca ka qaadi doono 9-ka subaxnimo ee axadda, xilliga saacadda bari ee Mareykanka. Militariga Mareykanka ayaa habeenkii sabtida ee xalay gobolka Idlib ee dalka Syria ka fuliyey howl-gal qorsheysan oo lagu beegsaday Al-Baghdadi. Howl-galka ayaa waxaa toddobaad ka hor ansixiyey madaxweyne Donald Trump. Waa kuma? Magaciisa dhabta ah ayaa lagu sheegay Ibraahim Awad Al-Badri, kaasoo sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad. Wararka waxay sheegayaan in uu sheekh ka ahaa masaajid ku yaalla Samarra xilligii Mareykanka uu ku duulayay Ciraaq ee 2003-dii. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir ahaa xilligii maamulkii Saddam Xuseen. Qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir noqtay muddo afar sano ah oo uu ku xirnaa saldhigga Bucca, oo ah xero ciidamada Mareykanka ay leeyihiin oo ku taalla Woqooyiga Ciraaq. Xeradaas waxaa lagu xiri jiray hogaamiyayaasha ururka Al-Qacidda ee dalka Ciraaq. Markaasi ka dib, wuxuu soo baxay asagoo ah hogaamiye ka tirsan Al-Qaciddada Ciraaq, ka dibna kooxdiisii ayaa la aaminsan yahay inay noqotay ururka la baxay Dowladda Islaamka, sanadkii 2010-kii. Bishii October ee 2011-kii, Mareykanka wuxuu Baqdaadi ku daray diiwaanka argagixisada. Markii ugu dambeysay oo uu shaashadaha kasoo muuqdo waxay ahayd horaantii sanadkan 2019-kii. Kahor, markaan waxaa ugu dambeysay 2014-kii. Sanadkii 2014-kii ayaa waxa uu magaaladda Mosul kaga dhawaaqay aas-aasitaanka Dowladda Islaamka oo ka howlgaleysa qaybo kamida Suuriya iyo Ciraaq. Meelo kale oo dunida Carabta ah ayey kusii baaheen. Wuxuu Mareykanka balanqaaday $25 milyan oo dollar oo abaalmarin ah ooo uu siiyo qofkii nolol ama geeri ku keena Baqdaadi. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Waxa aanu halkan idinku soo gudbin doonaa hordhaca waraysi kulul oo lala yeeshay xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Ilo-wareedyo ku sugan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan ayaa maanta oo Axad ah sheegay in la aaminsan yahay in hoggaamiyaha ururka Dowladda Islaamka ee Daacish Abuubakar Albaghdaadi lagu dilay howlgal Milatari oo uu Mareykanku fuliyay oo ka dhacay Suuriya. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan jeedinay hadal uu arrintan ugu talo-galay. Sarkaal Mareykanka ah oo magaciisa in la qariyo dalbaday ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Baghdaadi lagu bartilmaameedsaday howlgal xilli habeen ah dhacay, hase yeeshee ma aanu xaqiijin in weerarkaasi uu guuleystay iyo in kale. Hoggaamiyaha mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee fadhigoodu yahay Idlib oo ku taalla waqooyi galbeed Suuriya ayaa sheegay, in la rumeysan yahay in hoggaamiyaha Daacish lagu qaarajiyay weerar la qaaday habeen barkii, weerarkaasi waxaa ka qeyb qaatay diyuuradaha Helicobterka iyo kuwa dagaalka, waxaana lagu qaaday tuulada la yiraahdo Barisha oo ku dhow soohdinta Suriya uu Turkiga la wadaago. Duulaanka cirka ah waxaa barbar socday iska hor imaad dhulka ah. TV-ga dowladda Ciraaq ayaa maanta sheegay in uu baahin doono muuqaallo laga duubay weerarka la aaminsan yahay in Albaghdaadi lagu dilay ee Suuriya ka dhacay Tv-ga Ciraaq oo soo xiganaya khabiir arrimaha kooxaha argagixisada ayaa sheegay in sirdoonka Ciraaq uu kaalin ka geystay jaan-goynta goobta uu Albaghdaadi ku sugnaa. Labo ilo-wareed oo Ciraaq ah iyo laba sarkaal oo Iiraan u dhashay ayaa sheegay in dilka hogaamiyaha ururka Dowladda islaamka looga xaqiijiyay gudaha Suuriya. Sarkaalka Iiraan u dhashay ayaa sheegay in Masuuliyiin Suuriyaan ah oo xog sugan haya ay Iiraan soo gaarsiiyeen warka la xiriira dilka Albaghdaadi. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Daacish oo la sheegay in lagu dilay dalka Suuriya appeared first on Puntland Post.
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta meel mariyey labada Madaxweyne ku xigeen ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Golaha wakiilada Jubbaland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad, Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne ku-xigeenka labaad, Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) oo markale xilalkaasi loo magacaabay. Guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ansax yihiin Madaxweyne ku xigeenada, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya ay gudan karaan shaqooyinkooda. Sayid Aadan iyo Lugadheere ayaa ah garbaha, Axmed Madoobe oo dib loogu doortay hoggaanka Jubbaland, walow dowladda dhexe ay ka hortimid doorashadiisa. Arrintan ayaa ka dhigan inuu wax isbedal ah ka dhicin Jubbaland, marka loo fiiriyo saddexda qof ee ugu sarreysa maamulkaasi oo markale ku soo laabtay kuraasta. Caqabadaha ugu weyn ee hortaagan Axmed Madoobe ayaa ah khilaafka kala dhexeeya dowladda iyo sidii loo aqoonsan lahaa maamulkiisa. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  21. Furitaankii Kalfadhigii 45-aad ee Baarlamaanka Puntland Golaha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta dood adag ka yeeshay ansixinta Ajandaha kalfadhigooda 45-aad ee furmay Sabtidii shalay. Xildhibaannada Baarlamanka, ayaa doodii maanta si weyn ugu kala qeybsamay ansixinta Ajandaha, kadib markii qaarkood soo jeediyeen in qodoba ku jira laga saaro ka hor inta aan la ansixin, halk xubno kalena ay ku doodeen in sidiisa lagu ansixiyo. Sidoo kale, mudanayaal ka tirsan golaha ayaa dhankooda soo jeediyay in qodoba cusub lagu daro Ajandaha ka hor inta aan la ansixin, waxaana taasi keentay in maanta la isku mari waayo ansixinta Ajandaha. Ugu dambeyntii, Golaha ayaa go’aamiyay in maalinta berri dib la isugu soo laabto, si loo ansixiyo Ajandaha muranka dhaliyay ee maanta la isku fahmi-waayay. Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa shalay ku furmay waji kulul, iyadoo Madaxweyne Deni si caro leh uga jawaabay su’aal la weydiyey, isla markaana uu ka baxay hoolka Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Ansixinta Ajandaha Kalfadhiga Baarlamanka Puntland oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka hadlay dibadbaxyo uu sheegay in maanta ay ka socdaan wadama badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in cabashooyinka dibadbaxayaashaasi u jeedka ay kala duwan yihiin, balse ay isaga mid yihiin in shacabku xaqiisa dhacsado. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliya in ay jabiyaan wax uu ugu yeeray darbiga cabsida, islamarkaana ay isugu soo baxaan abaabul nabadeed. Halkan hoose ka akhriso: Caasimado badan oo dunida ah waxaa maanta ka oogan dibad baxyo ay shacabka xaqooda ku dhacsanayaan. Dalalka Lebanon, Iraq, Chile, Ecuador, Indonesia, Haiti, Hong Kong, Spain, iyo Bolivia ayaa waxaa bilihii ina dhaafay gilgilay dibad baxyo cabashooyin kala duwan, laakiin ujeedo isku mid ah leh. Dibad baxyo looga gadoodsan yahay kordhinta sicirka tikidhada tareennada dhulka hoostiisa mara ee dalka Chile ayaa xukuumadda ku qasbay in ay go’aakaas ka laabato, sidoo kale ayaa shacabka dalka Ecuador ku qasbeen dowladdu in ay ka laabato kordhinta sicirka shidaalka. Dalka Lebanon ayaa mudaaharaadyo shacabku isugu soo baxay lagu dalbaday in ay xukuumaddu joojiso canshuur lagu soo rogay ku hadalka WhatsApp-ka, laakiin dalabka shacabka ayaa isku beddaly in ku takrifalka hantida shacabka iyo awood qaybsiga firqo diineedka ku dhosan ee dalka la haray wax laga guuro. Dalka Iraq ayaa dalabyo kuwaa la mid ah shacabku dibad baxyo waa weyn isugu soo baxeen, iyagoo dareenkooda ku cabbiray in ay ka daaleen hanti boobka, musuqa siyaasiyiinta iyo weliba awood qaybsida firqo diineedka ku dhisan. Hong Kong ayaa iyadu shacabkeedu ku qasbeen maamulka dalkaas in ay ka laabtaan sharci muwaadiniinta Hong Kong ee danbiga gala loogu gacan gelinayo dalka Shiinaha, iyagoo ku doodaya in dalka Shiinaha ay danbi ka tahay ra’yiga siyaasada iyo xoriyadda fikirka. Barcelona ayey shacabku fariimo baraha bulshada isku dhaafsanayeen, iyagoo leh maxaa naga hortaagan sida ay shacabka Hong Kong faleen, waxayna isugu soo baxeen dibad baxyo ay kaga falcelinayaan hoggaamiyaasha Gobolka hodanka ah ee Catalonia oo xabsiga la dhigay. Dalka Bolivia ayaa shacabku isugu soo baxay mudaaharaadyo looga soo horjeedo doorasho lagu shubtay oo uu ku guulastay Evo Morales oo haatan soo rogay xukun degdeg ah, laakiin weli dibad baxyadii way socdaan. Dalka Haiti ayaa waxaa weli ka socda dibadbaxyo looga soo horjeedo shidaal la’aan ba’an oo dalkaas ka taagan, kuwaas markii danbe u xuubsiibtay dalabyo xuquuq siyaasadeed iyo dib u habeyn dhaqaale lagu doonayo. Indooniisiya iyo Kashmiir ayaa waxaa iyaguna ka socda dibadbaxyo. Cabashooyinka dibad baxyaasha ayaa kala duwan, laakiin waxay isaga mid yihiin in shacabku xaqiisa dhacsado, iyagoo ka faa’iidaya xiriirka baraha bulshada. Dibad baxayada qaarkood boqolaal ruux ayaa ku dhintay, kuwaasoo geerida ka doorbiday silica iyo si xun u noolaasho darxumo ah. Muwaadinka waajib ayaa dalkaasi ka saaran, xuquuqna waa ku leeyahay. Isku dheellitirka xaqa iyo waajibka waa masuuliyadda saaran Dowladda. Haddiise ay gabto ama ku gabood fasho waa in wakiillada shacabka ay kula xisaabtamaan. Haddii ay wakiilladu ku guul darreystaan masuuliyaddooda, shacabku waa in uu xaqiisa dhacsadaa. Ma jiro xal debadda ka imaanaya ama samada ka soo degaya. Dadka iyagaa laga rabaa in ay dareenkooda muujiyaan, xaqoodana abaabul iyo dibax bax nabadeed ku dhacsadaan. Nolosha Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan caasimadda ma aha mid la qaadan karo, sida keli ah ee ay shacabku uga xoroobi karaan cabsida argagexisada iyo cadaadiska dowladda waa in ay jebiyaan derbiga cabsida oo abaabul nabadeed la isugu soo baxaa si noloshan dayaca iyo darxumida ah loo beddelo. Dhallinyaradu way karaan arrinkaas ee dadaal iyo waqti geliya, doodo iyo aragti is dhaafsada. Gabyaa reer Tuunis ah ayaa laga sheegay in uu yiri “Haddii shacabku uu goosto in uu nolaado, qaddarka ayaa ku qasban in uu ajiibo” oo macnaheedu yahay awoodda iyo rabitaanka shacabka ayaa isbeddelka samayn kara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com