Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Subaxnimadii taariikhdu ahayd 21 Oktoobar 1969, arroornimadii hore abbaarihii 03:00am, shacabka Soomaaliyeed wuxuu hurdada kaga toosay iyadoo dariiqyadii waaweynaa ee bartamaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho ay taagan yihiin askar ku hubeysan dabaabado iyo gawaari gaashaaman. Waxay arrintaasi ka dambeysay, kaddib markii guutada koowaad ee gawaarida gaashaaman iyo guutada labaad ee taangiyada ay xerooyinkooda kaga soo bexeen amar uu bixiyey Taliyihii Ciidammada Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, amarkaas oo uu fulinayey Taliyihii Hoggaanka Howlgelinta Ciidammada Xoogga Dalka Salaad Gabeyre Kediye Dhiblaawe, oo markaas darajadiisu ahayd Gaashaanle Dhexe. Qaaradda Afrika, lixdameeyadii, koox kasta oo wax afgambinaysa – laga soo billaabo Galbeedka Afrika illaa iyo Geeska Afrika – waxay ka billaabi jireen inay gacanta ku dhigaan saddex meelood oo muhiim ah: (1) Raadiyaha, (2) Baarlamaanka, iyo (3) Bankiga Dhexe. Haddaba, ciidammada xerooyinka ka soo baxay waxay ku dhaqaaqeen inay saddexdaas meelood qabsadaan. Waxaa la xiray haykalkii u weynaa dowladnimada, ee lagu billaabay aasaaska dowladeynta Soomaaliyeed, oo ah Golihii Sharci-Dejinta ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, ee loo yiqiin The National Assembly. Waxaa ciidamo la hor-tubay Bankiga, raadiyaha-na waa lala wareegay. Barqadii ayay shacabka Soomaaliyeed waxay raadiyaha si rasmi ah uga maqleen in dalka uu ka dhacay afgambi militari. Dad badan oo ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa aad ugu riyaaqay arrintaas, qaarkoodna caleemo qoyan ayay-ba ku soo dhoweeyeen oo ay la hor-istaageen xaruntii ciidammada ee Aviazione. Dadka isu-soo-baxay waxaa u badnaa dadkii ku andacoon jiray inay lagama maarmaan tahay in la helo is-beddel lagu xaqiijiyo in xorriyaddii loo soo halgamay laga helo horumar bulsho. Waxaa jirtay in labadii sano ee u dambeysay (1967-1969) ay dalka gacanta ku hayeen niman dantooda keliya ka shaqeynayey, oo dulleeyey dimoqraadiyaddii, kuwaas oo isticmaalay ku takri-fal awoodeed (abuse of power), si ay u xaqiijiyaan in dib iyaga keliya loo soo doorto, kuwaas oo ka maagay inay wax ka qabtaan musuqmaasuqii ku sii baahayey hay’adaha haykalka dowladda, sida Baarlamaanka, oo noqday suuq-furan oo siyaasadeed (political marketplace) lagu kala gato codadka, laguna sii kala iibsado xilalka iyo xoolaha. Abwaankii Soomaaliyeed, ee ka murugooday xaaladda dadkiisa iyo dalkiisu ku sugnaayeen xilligaas, waa tuu lahaa ‘Afrika-ba nin lagu diirsadoo, door ah laga waayey / Dibutaati [xubin baarlamaan oo] shalay suuqa Xamar deyn ka guranaayey / miyaa maanta noo dowlad ah?’. Waa tuu abwaan kale lahaa ‘markii ay dullaal iyo, dulli laba-wejiile ah, ay dadkeennii iyo dowladnimadii u heshiiyeen’. Ballan-Qaadkii afka baarkiisa ahaa Hoggaamiyaha afgambiga, Maxamed Siyaad Barre, oo ka hadlay Radio Muqdisho, wuxuu ummadda Soomaaliyeed u sheegay wixii ay dhegahoodu daneynayeen inay maalintaas maqlaan, oo ah wax-u-qabad. Hase yeeshee, khudbaddiisa, wuxuu iskula dhex-daray run iyo been. Run, wuxuu ka sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed ay ku qalbi-jabeen in dowladnimadii la wada sugaayey aan la mahadin, oo ay ka macaasheen qeyb yar oo bulshada ka mid ah, oo aan ahayn xoogagga xoogsatada iyo xamaaliga. Been, wuxuu ka sheegay in madaxda dowladihii rayidka ee dimoqraadiga ahaa ay shacabka Soomaaliyeed cabburinayeen, aqooyahanka Soomaaliyeed-na uu ku dulmanaa dowladahooda. Si kasta ha noqotee, Maxamed Siyaad wuxuu dadka Soomaaliyeed u sheegay in afgambiga ay dhigeen saraakiil isugu jirta militari iyo boolis, oo ujeeddadoodu tahay inay niyad-jabka shacabka wax ka qabtaan, dalkana u jiheeyaan jidkii baraaraha/barwaaqada iyo horumarla/horukaca. Wuxuu ku dhawaaqay, oo uu dadka ka murugeysan in afgambigu uu dhalin doono dhiig daata uu ugu qalbi-qaboojiyey, in ciidammadu ay talada dib ugu celin doonaan shacabka, marka ay xaaladdu ku habboonaato. Dhowr maalmood gudaheed, waxaa lagu dhawaaqay liis ka kooban 25 sarkaal, oo lagu magacaabay ‘Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka’. Mutacallimiinta Soomaaliyeed, wixii aaminsanaa afkaarta bidixda iyo bidixda dhexe, si weyn ayay u soo dhoweeyeen is-beddelka ka dhacay dalka. Waxay ku hanweynaayeen inay dalkooda ku dul-dhisi doonaan niman askar ah, oo aan aqoon u lahayn qaabka nidaamka dowladeed lagula horumariyo dabaqadda hoose ee bulshada. Waxay qorsheynayeen in la qaadan doono afkaar la mid ah tii lagu mideeyey dalka Talyaaniga ee Risorgimento. Waxay oddorsayeen in la billaabi doono afkaaro la fal-geli kara afkaarihii jahliga, faqriga iyo mugdiga lagaga saaray ummadaha reer Yurub ee Enlightenment iyo Renaissance. Si kasta ha noqotee, Maxamed Siyaad, oo talo toos ah ka qaatay dowladda Ruushka, wuxuu 1970-kii ku dhawaaqay in dalku uu qaatay afkaarta hantiwadaagga cilmiga-ku-dhisan (scientific socialism), waxaana meel walba oo Muqdisho ah lagu xardhay sawirada kuwii afkaartaas hindisay ama fasiray, sida Engels, Lenin iyo Marx. Soomaaliya waxay isku beddeshay waddan shuuci ah, oo xorriyadda hadalka iyo fekerka ay mamnuuc yihiin, oo aan waxba laga sheegi karin hoggaamiyaha xukunka militariga (sida North Korea iyo meelo kale). Iyadoo laga duulayo mabda’ii hantiwadaagga cilmiga-ku-dhisan, waxaa la billaabay mashaariicdii iskaa-wax-u-qabso, oo saaxiibkii weynaa ee Soomaalida ee Ruushka uu ka geystay kaalin lama-ilaawaan ah. Waxaa la billaabay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha (economic infrastructure), waxaana la dhisay warshado yar yar iyo kuwo waaweyn, waxaana la jeexay jidad cusub. Mashaariicda la fuliyey waxaa ugu xoog badnaa mashruucii bacaad-celinta Shalaambood, wax-qorista iyo wax-akhriska iyo wax-ka-qabashadii abaartii daba-dheer, oo Ruushku uu Soomaaliya ku caawiyey diyaarado lagaga soo daad-gureeyo dadka abaaruhu saameeyeen gobollada dalka, la isuguna keeno Sablaale iyo meelaha u dhow dhow. Xaalku markuu meeshaas marayo, billowgii toddobataanaadkii, waxaa la aaminay in loo jiheystay jidkii looga bixi lahaa faqriga iyo gaajada. Maxamed Siyaad oo taliska militariga ku magacaabay ‘Kacaan Barakeysan’, wuxuu billaabay inuu soo dhex-istaago jidadkii dhismayaashu ka socdeen, iskuna sawirro isagoo cunno la cunaya fuundiyeyaasha dhismayaasha, isagoo ku lebisan dharkiisii ciidammada (ka hor inta uusan u beddelan dharka rayidka bartamihii toddobaatamaadkii). Abwaannada Soomaaliyeed, oo taariikhiyan weligood ahaa kuwa codeeya dareenka dadweynaha, ayaa hal mar suugaan ku soo dhoweeyey is-beddelka cusub, waxaana raadiyaha laga sii daayey ‘waad na deeqdee, Siyaadoow na daadihi’, ‘noolow, Siyaad, noolow’ iyo ‘ummaddaad daryeeshaa, dibadda iyo gudahaba, hambalyo kuugu deeqnee, noolow ma daale’. Cabdi Muxumad Amiin, oo 1968-kii qoray buug yar oo uu ku dalbanayo in dalku qaato mabda’a hantiwadaagga, ayaa ka bara-dheereeyey abwaannadii kale ee la dhacsanaa howlaha taliska cusub ee militariga, kaddib markii uu allifay kuna luuqeeyey heestii caanka noqotay ‘waddadii caddeyd cagta saartaye, ku carraabiyow, cimrigii jiryow caynaanka haay, weligaa haay’. Maxaa ka dambeeyey? Wixii oo dhan waxaa isku fuuqsaday, kaddib markii baahida uu u qabo xukunka iyo kursiga uu Maxamed Siyaad kaga hormariyey in horumar dhab ah, oo aan indha-sarcaad ahayn la gaarsiiyo dadweynihii Soomaaliyeed, ee shalay u hanweynaa is-beddelka ku yimid afgambiga. Sannadkii 1970-kii, wax ka yar hal sano gudahood markii afgambigu dhacay, waxaa billaabatay in la soo xir-xiro saraakiil uu ugu magac-weynaa Jeneraal Jaamac Cali Qoorsheel. 1971-kii waxaa, sidoo kale, la xiray magacyo kale oo waaweyn, sida Jeneral Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Jeneral Salaad Gabeyre Kediye (iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Cabdulle Dheel oo mar dambe loogu qoor-xiiray). 1972-kii, maalin cad ayaa saraakiishaan dambe la toogtay. Waxaa xigtay 1975-kii oo aayadihii Ilaahey uu Maxamed Siyaad si toos ah u nasaqay, isagoo ku adkeystay in Qur’aanka Kariimka uusan kaamil ahayn, isagoo u ololeynayey sharci cusub oo lagu soo dabaqay meelo badan oo Afrika ka mid ah, sharcigaas oo lagu magacaabay Xeerka Qoyska (markaas ka hor waxaa laga soo fuliyey Senegal). Culumadii diinta iyo damiirka lahayd ee ka dhiidhisay gefka uu Maxamed Siyaad kula kacay diinta, ee ka dhex-dhawaaqday masaajidyada, ayaa laga soo xiray goobahooda, waxaana la toogtay 10 ka mid ah, 20 kalena waxaa lagu xukumay xabsi daa’in iyo xukunno kale oo dhaadheer. Maalintaas wixii ka dambeeyey, Soomaaliya hoos ayay u sii hoobanaysay, illaa ay ka burburto. Waxaa xigay dagaalkii lagu soo jabay ee 1977, aasaaskii jabhadaha hubeysan iyo jawaabtii taliska miltiarigu uu ka bixiyey oo ahayd in la gumaado qabaa’ilkii ay u dhasheen hoggaamiyeyaashii jabhadaha u kacay inay dalka dib ugu soo celiyaan dimoqraadiyaddii lixdankii. Waxaa ugu darnaa, oo illaa iyo maanta la xallin la’ yahay gumaadkii ka dhacay gobollada waqooyi ee haatan loo yaqaan Somaliland. Natiijo ahaan, 21 Oktoobar waxay ku dambeysay in abwaankii ugu horreeyey, ee afgambiga ku soo dhoweeyey suugaan, oo ahaa Cabdi Muxumad Amiin, uu ku biiro jabhadihii hubeysnaa, ee fadhiga ka sameystay Itoobiya aakhirkii toddobaatanaadkii, kaddibna uu dib uga soo laabto Muqdisho aakhirkii sideetameeyadii, kuna allifo heesihii lagu sagootinayey Maxamed Siyaad ‘war ninkow, ninkow, ninkow’ iyo ‘Laan Guruusan gado, soo bari Galleey’. Haddaba, markala daraaseynayo taariikhda Afrika, hoggaamiyeyaashii militari ee soo maray qaaradda, laguma qiimeeyo inay dalkooda qatar ka badbaadiyeen, ee waxaa lagu qiimeeyaa qatarta ay iyagu geliyeen, ee ay ku baa bi’iyeen dadkooda iyo dalkooda. Maxsuulka uu Soomaaliya kaga tagay Maxamed Siyaad Barre waxay ahayd xaalad aan soo noqon lahayn, oo isu beddeshay macaluul iyo dhimasho weli sii socota. Waxaan weli taaganahay meel sagxad ah, hadda oo aan maanta mareyno gaba-gabada 2019. W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford. Wuxuu kaloo fellow ka yahay Jaamacadaha London School of Economics and Political Science (LSE) iyo King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. JUBA, South Sudan (AP) — South Sudan’s opposition leader Riek Machar warned Sunday that the country could return to civil war if a coalition government is formed by a Nov. 12 deadline and he asked for another months-long delay for the crucial step in a fragile peace deal. Source: Hiiraan Online
  3. VANCOUVER (Reuters) - Canadian Prime Minister Justin Trudeau, hit by scandals and locked in a near dead-heat ahead of Monday’s election, has put away his teleprompter and taken his campaign on the offensive Source: Hiiraan Online
  4. Boeing Co. said on Sunday that it regrets and understands concerns raised by the release of a former Boeing test pilot’s internal instant messages noting erratic software behaviour two years before deadly crashes of its 737 Max jet. Source: Hiiraan Online
  5. The Chinese-built Ethiopia-Djibouti railway has been hailed as an important factor in the countries’ import-export operations, nearly two years since it began operations. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa go’aan ka gaaray buuxinta boosaskii ay ka geeriyoodeen agaasimayaal, guddoomiyaal degmo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda Hoose, kuwaas oo ku dhintay qaraxii 24-kii bishii 7-aad ka dhacay Aqalka dowladda Hoose. Madaxweynaha ayaa Odayaal, Xildhibaano, Siyaasiin iyo masuuliyiinta gobalka Banaadir u sheegay in aan qof aysan ogeyn madaxtooyada Soomaaliya loo qaadan karin boosaska marxuumiinta halka uu sidoo kale amar ku bixiyay in aan xilka laga qaadi karin dadka qaba dhaawacyada ee dibadda ku maqan iyo kuwa gudaha dalka ku sugan. Amarka Madaxweynaha oo aan aheyn mid lala wadaagay warbaahinta ayaa xogta aan helnay waxay sheegaysaa in uu u dhignaa sidaan. “Boosaska marxuumiinta geeriyooday kaliya waxaa lagu buuxin karaa qof kamid ah qoysaskooda waa dhaxaltooyo ma jirto qof dibadda looga keeni karo waxaana loo bandhigayaa qoysaska ay ka geeriyoodeen shihiidiinta, xuquuqdii ay lahaayeen ayeyna xaq u yeelanayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Ma jirto wax xil ka qaadis ah ama isku shaadheyn ah oo lagu sameyn karo boosaska masuuliyiinta dhaawacyada ah iyo kuwa kalaba ilaa ay ka soo bogsadaan shaqadoodana dib ugu laabtaan, xaquuqdooda lama taaban karo waxaana shaqadooda sii wadaya ku xigeenada” ayuu sidoo kale yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa hadalkaan amar ahaan u siiyay duqa gobalka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish iyo Xildhibaano u tagay oo doonayay in boosaskaas dad ay wataan loogu magacaabo. Waa mid kamid ah go’aanada taariikhda geli doono ee ka soo baxa Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkastoo uusan aheyn mid dibadda yaalo oo ay u soo bandhigeen shacabka Soomaaliyeed. Waalidiinta dadkii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay gobalka Banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay qabay walaac ku saabsan in hadii dadkoodii waayeen hadane ay baqdin ka qabaan in ay waayi doonaan boosaskii ay ka baxeen oo dhaqan ahaan gudaha Soomaaliya looga yeero KURSI DHIIG LEH. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Iskubedel,Shaandheyn & Xilka-qaadis uu M/weyne Muuse Biixi ku sameeyay Qaar ka mida Taliyayaasha ciidamada Somaliland Madaxweyne Muuse Biixi oo isku-shaandheyn kooban ku sameeyay Taliyayaasha ciidamada Somaliland ayaa taliye-xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland u magacaabay Gen. Faarax Maxamed Mire “Shiiniile” oo ahaa Hogaankii Hawl-gelinta Ciidamada Milateriga Somaliland. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu taliye-xigeenka Ciidanka Asluubta u magacaabay Gen.Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ahaa Taliye-xigeenkii hore ee Booliiska Somaliland. Geesta kalena Gen.Xasan Cali Dheere oo ahaa Taliye-xigeenkii Ciidanka Asluubta ayaa loo bedelay Taliye-xigeenka Ciidanka Badda ka dib markii xilka laga qaaday Col.Yuusuf Ibraahin yare oo ahaa Taliye-xigeenkii Ciidanka Badda Somaliland. Qaran News
  8. Annaga oo ah ciyaal dhigta Dugsiga Hoose ayaan galab isugu soo baxnay in aan kubbad cayaarno. Galbo fara badan oo aan banooni cayaarnay ayay ka mid ahayd. Laakiin waa Galab aan weli xusuusteyda ka go’in. Waa Buulo Burte. Waa Xaafadda Oktoobar. Waa barxad gawaan ah oo ku ag taalla kawaanka. Annaga oo cayaartu dhexda noo mareyso ayaan aragnay laba baabuur oo yaryar oo FIAT ah oo tartiib isu daba socda meel dhinac nooga beegan laakiin isla barxadda ah. Waa baabuur aynaan magaalada ku aqoon. Baabuurta magaalada ugu badan waxaa leh militeriga umana eka kuwan. Qaar kale waxaa leh booliiska oo LG iyo kuwo sidiisa u waaweyn. Dowladda Hoose iyo Wasaaradaha qaar sida caafimaadka ayaa iyaguna baabuur leh. Baabuur rayid ah oo aan badneyn ayaa jira iyo kuwo Buulo Burte ku xira Xamar iyo Beled Weyne iyo weliba kuwa isaga goosha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ee woqooyi ka xiga Hiiraan. Kuwaas oo dhan noocyadooda ay yihiin ama laga fili karo ayaan naqaan. Mana soo dhaafaan laamiga weyn ee magaalada dhex mara ee Bari iyo Galbeed u kala qeybiya. Labadan baabuur waa kuwo waxaas oo dhan ka duwan. Banooniga waan joojinnay. Dareenkeenna oo aan qeybsaneyn ayaan siinnay baabuurtan doolka ah. Waxay ku wajahan yihiin gurigayaga oo barxadda dhinac ka saaran. Markii ay derbigiisa ku tageen ayay soo leexdeen oo ay damceen in ay ku laabtaan jihadii ay ka yimaadeen. Aabbe ma Aha Qacda hore waxaan mooday Aabbahay. Laakiin aabbahay xilligan ma soo rawaxo. Nooca baabuurtuna waa ay ka duwan yihiin kuwa uu aabbahay ku yimaado ama lagu keeno, haddii aanuu lug ku imaan. Badiyaa baabuur militeri oo Ruushku sameeyay ayuu ku imaan jiray aabbe. Waxaa baabuurtaas ka mid ahaa Jeeb uaz ah iyo kuwo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Gaz, Maz, Triaz iyo baabuur dheereeya oo ay Soomaalidu ula baxday daf iyo miriq. Labada baabuur ee meesha maraya ee tartiibta u socda ee marba dhinac noo dhaafaya waan ku soo yaacnay. Markii ay na arkeen in aan ku soo ordeyno ayay labadii baabur joogsadeen. Annaga oo aan hakan ayaan foodda la galnay baabuurka hore. Aniga oo dhinaca baabuurta xigay ayaa ugu soo orod horreeyay ciyaalka. Tallaabo ama laba meel u jirta ayaan soo istaagay ciyaalkiina wey ila soo safteen. Fool-ka-Fool Madaxweynaha Ninka baabuurka wada ayaa isaga oo dhoollacaddeynaya noo yeeray oo nala hadlay. Anna waan u jawaabay aniga oo markaan labada gacmood ku haysta baabuurka albaabkiisa meesha miraayadaha haddii la dallaco ay ka soo bixi lahaayeen. Su’aalo fudud ayuu na weydiiyay. Waan uga jawaabnay. Markii uu in yar nala waday sheeko ciyaal ayuu yiri waan baxayaa ee nabadgelyo. Iskuulka ku dadaala ayuu yiri isaga oo gacanta noogu tilmaamaya in aan nabadgalno. Waxaan ku iri maad nala joogtid. Wuxuu igu yiri shaqo ayaa la iga sugayaa oo Xamar ayaan aadayaa. Qaarkeen nabadgelyo ayay ku dheheen qaar kalena waa ay iska aammuseen. Xoogaa markii aan sii daba cararnay ka dibna uu naga dheereeyay, ayaan annaguna halkii ka sii wadannay kubbaddayadii. TV ma jirin. Internet ha sheegin. Wargeysna markaas ma aynaan arki jirin inta badan. Ilaa iyo hadda ma aqaan sida aan wejigiisa ku gartay. Laakiin waan ogaa ninka baabuurka wadaa in uu yahay Madaxweynaha dalka. Hadda markii aan dib u fekeray waxaan is iri malaa waa wakhtigii uu u ekaa sawirka tukaammada iyo xafiisyada suran. Dhar ciidan muu gashaneyn ragga la socdayna dhar ciidan ma wadan. Ma xusuusto in aan qori arkay. Waan hubaa baabuurka uu isagu isteerinka u hayay qofna kama soo degin. Ma hubo in kan labaad oo daba taagnaa laga soo degey. Ilaa iyo hadda ma ogi sababta uu Goddoomiyaha Goboolka ama kan Degmadu aanuu ula socon Madaxweynaha. Sidoo kale militerigii xoogga lahaa ee magaalada degganaa Taliyahoodu lama socon. Xuseen Kulmiye Afrax Ma hubo labada booqasho midda horreeysay. Laakiin Kawaanka Oktoobar dhismihiisu markii uu dhammaaday waxaan isagana maalin ku arkay Xuseen Kulmiye Afrax. Madaxda Degmada ayaa u warbixineysay. Dharka booliiska ayuu ku lebbisnaa. Isaga ma aanan garan, laakiin shaki iigama jirin in uu yahay Madax Sare. Waxaan u fiirsaday garaaddihiisu waxa uu ka kooban yahay iyo sida uu u eg yahay. Garaadduhu wuxuu soo jiitay indhahayga maaddaama aanan mid la nooc ah ku arag ciidanka faraha badan ee magaalada jooga. Aabbahay markii uu shaqada ka soo rawaxay ayaan u sheegay ninka yimid xaafaddeenna markaasna waxaan u sawiray garaaddaha uu lebbisnaa sida uu u ekaa. Aabbahay ayaa ii sheegay ninka uu ahaa. Berigaas ma aanan ogeyn in nimankaasi iyaga oo weli dalka Madax ka ah aan dhammaysan doono waxbarasho ilaa heer Jaamacdeed. Ma ogeyn in aan labadaba wareysan doono. Ma ogeyn in aan safar u raaci doono. Ma ogeyn in aniga oo weriye ah aan soo dhex istaagi doono Golaha Wasiirrada dalka oo ay labaduba fadhiyaan. Mana ogeyn in aan amni darro darteed dalka uga tegi doono iyaga oo weli Madax ka ah. Dhammaantood Allah ha u naxariisto. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
  9. Marka-(Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya xeebta bad weynta Hindiya ee Magaalada Marka ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay ay ku dagtay doon ay wateen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya. Badda ayaa waxaa wali ku maqan hub iyo ciidan iyadoo qaarna laga badbaadiyay, ugu yaraan laba askari oo ka tirsan Guutada 14-ka October ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri, kuwaas oo ku maqan xeebta magaalada Marka. Taliyaha Guutada 14-ka October Cabdi Muuse iyo 12 askari oo kale ayaa laga soo badbaadiyey badda, kadib markii dooni ay ku safrayeen ay xalay ku degtay xeebta magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose. Saraakiisha gobalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in laba askari, ku dhawaad 20 qori oo AK 47 ah, 2 PKM(Dabajeex) iyo doontiiba lagu la’yahay gudagha badda. Ciidan kale ayaa isla xalay ka soo baxay Muqdisho, kuwaas gurmad ahaan ugu yimid ciidanka iyo hubka ay doontu kula dagtay xeebaha Marka si loo badbaadiyo. Ciidanka ay doontu la dagtay ayaa sida la sheegay ka soo baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxayna doonayeen in safar dhanka Badda ah ay ku soo galaan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose. Waayihii dambe inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya ee iskaga kala gudbaya magalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose ayaa safaradooda u weeciyay dhanka Badda, maadaama uu adkaaday marinka dhulka oo ay Al-Shabaab miinooyin galiyeen meel kasta. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada.net Caasimada Online Xaafiiska Marka Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac xooggan ka muujiyey halka uu ku socda kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay, ayuu Xasan Sheekh walaac uga muujiyey in laga yaabo in sida wax u socdaan ay hoggaamin karto in kiiska badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda cadaaladda ah ee ICJ. “Maxaa ku dhacay kiiskeenii badda ee maxkamadda ICJ? Dadkeena waxay xaq u leeyihiin sababta iyo sida kiiska dib loogu dhigay? Mise tani waxay billow u tahay heshiis ka baxsan maxkamadda?” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Dowladdeena waa inay banaanka timaadaa oo ay jawaabo ku habboon siisaa shacabka Soomaaliyeed ee jawaabaha u qeylinaya” ayuu yiri Xasan. Hadalkiisa ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan su’aalaha ku saabsan sababta kiiska dib loogu dhigay, ayada oo Soomaaliya aysan raali ka ahayn, maadaama xeerarka maxkamadda ICJ ay dhigayaan in kiis aysan labada dhinac isku raacin aan dib loo dhigi karin. Sidoo kale aamusnaanta xukuumadda hadda jirta, oo ku caan baxday inaysan dadka la hadlin, ayaa sii kordhisay walaaca ay dadka qabaan, waxaana hadda jirta tuhun la xiriira in dowladda laga yaabo inay ogolaatay in kiiska dib loo dhigo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Dad Soomaaliyeed, oo aad u qalbi wannaagsan, balse fahamka dowladnimo uu ku yar yahay, ee mucaaradnimada u arka dhib dowladnimada lagu hayo, ayaa waxay madaxweyne Cabdiqaasim u isticmaalaan qof mucaaradnimada neceb. Dadkaas xitaa taariikhda dhoweyd ayaa faham ahaan ku yar. May 23, 2008, ciidamo Itoobiyaan ah iyo qaar ka amar qaata madaxweynihii talada hayay ayaa waxay gurigiisa ku weerareen madaxweynihii ka horeeyay Cabdiqaasim Salaad Xasan. In kastoo oo sii nabad ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha doorashada kaga guuleystay October 10, 2004 shirkii Embaghati, hadda madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu Cabdulaahi Yuusuf ku noqday mucaarad aad uga soo horjeeda siyaasaddiisa. Cabdiqaasim iska daa keliya in uu afka uun wax ka mucaarado, ama sameysto xisbi nabadeed, wuxuu kow la shaqeeyay wasiiradii hubeysnaa Muuse Suudi, Qanyare, Caato oo garab u ahaa Shariif Xasan ee diiday go’aanka Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa in Baydhabo ay caasimad noqoto. Tusaale ahaan, Jan 1, 2006, wasiiradaas, Shariif Xasan iyo Cabdiqaasim waxay ka shaqeeyeen sidii magaalada Muqdisho loogu samayn lahaa maamul bar bar socda kii uu Cabdullaahi Yuusuf magacaabay, waxayna guddoomiye ka dhigteen Maxamed Cumar Tootow. Muuse Suudi oo kow taageeray Tootow doorashadiisa, ayaa haddana markii dambe diiday sheegayna in ninkaas ay qaraabo yihiin Cabdiqaasim, asagana uu daba ka riixayay. Cabdiqaasim wuxuu u hambalyeeyay Guddoomiye Tootow. Isla sannadkaas oo ay wasiiradii hubeysnaa iyo maxaakiimtii isku dhaceen, Cabdiqaasim wuxuu si furan u taageersnaa maxaakiimta iyo dagaaladii ay maamulkii Cabdullaahi Yuusuf la galeen. Madaxweyne Cabdiqaasim oo degannaa Muqdisho, wuxuu Qaahira u guuray kaddib markii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu mucaaradnimo darteed u beegsaday. Maalinta gurigiisa la weeraray, wuxuu la hadlay warbaahinta, eedda dusha uga tuuray Cabdullaahi Yuusuf. Ayaantaan waxaan arkaa ayadoo aad loo isticmaalayo hadal madaxweyne Cabdiqaasim uu ku dhaliilayo mucaaradka asagoo yiri: “Kuwa mucaaradaya dowladda waa kuwii i mucaaraday anigoo ina adeerkood ah, mucaaradnimo ma wadaan ee waa dowlad diidnimo”. Sidoo kale waxaan arkaa dad dhahaya madaxweynayaashii hore ee maamulka hadda jira mucaaradaya waxaa wannaagsaneyn in ay madaxweyne waddani Cabdiqaasim ku deydaan, oo weligiisa dowladnimo ma mucaaradin. Cabdiqaasim wuxuu ahaa mucaarad daran, waana wax caadi ah, dhaliilna kuma leh maxaad mucaarad ugu noqotay dowlad, asagna yuusan dadka ku eedeyn. Dowladnimadeena sida ay ugu baahan tahay hoggaamiyayaal ku ad adag danaha qaranka, sharciga iyo hufnaanta, ayay ugu baahan tahay mucaarad intaas uga sii adag. Weliba madaxweyne Cabdiqaasim sanadihii uu mucaaradka ahaa ayuu ka abaabul iyo shaqo badnaa intii uu madaxweyne ahaa! Cabdullaahi Yuusuf asagoo ah madaxweynaha Puntland ayuu mucaarad daran ku ahaa madaxweyne Cabdiqaasim. Hadal uu jeediyay markii uu madaxweyne Cabdiqaasim xilka ku guuleystay ayaa wuxuu sheegay hadal gaariisan heer shaqsi oo ah inuu da’ ahaan Cabdiqaasim is yareeyo, Cabdiqaasim xaaskiisa in ay isku fiicnaayeen, balse uusan aqoon shaqsi ah u lahayn…. kaddibna ninkaas sidaas mucaaradka u ahaa ayaa noqday madaxweyne! Farmaajo ha guuleysto, mucaaradka nabad wax ku mucaaradayana ha guuleystaan, dowladnimadana intaas ayaa guul u ah! W/Q: Xasan Aadam Hoosow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. WASHINGTON (Reuters) – Somalia will press ahead with poverty reduction efforts and a major regional ports and corridors initiative if international creditors forgive the country’s $5 billion debt this February, as expected, the country’s finance minister said on Sunday. Finance Minister Abdirahman Duale Beileh said he was heartened by progress made during discussions with officials from the United States, Somalia’s biggest creditor, Britain, and others during the IMF/World Bank annual meetings this past week. “Things are looking up … Everybody was positive,” Beileh told Reuters in an interview. He said U.S. and other officials were pleased with Somalia’s strong performance in hitting key benchmarks in a program to work toward debt forgiveness. International Monetary Fund Managing Director Kristalina Georgieva on Saturday pledged the IMF’s full support for Somalia’s push for debt relief in the “near future.” The African nation has about $4.7 billion in external debt, which the IMF has declared to be unsustainable. The Fund is analyzing the exact grants needed from members to address Somalia’s debt arrears ahead of a board meeting in mid-November, Beileh said. Britain, the European Union and Qatar had offered to cover about $150 million of the roughly $330 million that Somalia owes the IMF, he said. The U.S. Treasury, which is owed $1 billion by Somalia, had played a role in encouraging support from other IMF members, and was in talks with Congress about steps needed to erase the big bilateral debt pile. “They were very skeptical when our government started, but now they are saying Somalia has traveled enough,” he said. Once it obtains debt relief, Somalia is negotiating to receive grants worth about $300 million per year for the next three years, Beileh said. That will allow it to start spending on projects to reduce poverty by improving education and healthcare, shoring up water and electricity supply and investing in other critical infrastructure projects, he said. After 30 years with little international support, Somalia has needs “on every corner,” he said. “The country is in bad shape, and that is an understatement. You name it, we need it.” Beileh said Somalia was also working with neighbors Kenya, Eritrea, Ethiopia and Djibouti on a five-year, $15 billion project to establish ports and transportation corridors. Backed by the EU, the African Development Bank and the World Bank, the project will help boost trade in the region, he said. “Somalia is very committed to doing its part. I think we really have turned the corner. And when people are committed, they will do miracles,” he said. Source: Reuters Reporting by Andrea Shalal; Editing by Steve Orlofsky
  13. Ururka Vosomwo Oo Kulan Balaadhan Hablaha Hargeysa Kaga Wacyi-Geliyey Aafada Tahriibta Ururka hablaha ee VOSOMWO ayaa kulan hablaha lagaga wacyigalinayo aafada ay Tahriibtu leedahay waxay ugu qabatay magaalada Hargeysa. Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen hablo iskaga kala yimid xaafadaha magaalada Hargeysa, gaar ahaana Daami, Maxamed Mooge, Istaad House-ka iyo meelo kale oo Caasimada ka mid ah ayaa kulankaasi looga soo jeediyey hadalo dardaaran iyo hoga sutaalayn ah oo ku saabsan aafada iyo dhibaatada Tahriibku leeyahay. Ugu horayn waxa kulankaasi ka hadashay Hibaaq Axmed oo ah gudoomiyaha ururka haweenka ee VOSOMWO, waxaanay hadalkeeda ku bilawday “Kulankan aynu maanta isugu nimid waxa uu daaran yahay sidii looga wacyigalin lahaa hablaha dhalinyarada ah dhibaatada ay tahriibtu leedahay, kuwii ay ku dhacday sidii talo loo siin lahaa ee maskaxdooda looga maydhi lahaa dhibaatooyinkii ay kala kulmeen tahriibta, gaar ahaan hablaha tacadiyada ka dhanka ah ee marka ay tahriib isku dayaan ama ay tahriibaan hablaha soo gaadha. Ujeedada labaad ee aynu iskugu nimid waxa weeyi sidii hablan aynu ugu samayn lahayn urur (association) iyaga isku xidha oo xogtooda ay ku kala qaataan, anagana ay nagula soo xidhiidhaan, taas oo iyagii u sahlaysa inay iyaguna wacyigalin sameeyaan oo ay ka wacyigaliyaan xaafadihii ay ka kala yimaadeen, haday tahay Daami B iyo haday tahay Daami A, Istaad House-ka iyo Maxamed Mooge, ay ka wacyigalinayaan dhibaatada ay tahriibtu leedahay hablaha da’da yare e iyaga oo kale ah oo ay u sheegayaan dhibaatada Tahriibtu ay leedahay, iyo inay tahay wax xun oo qofka aan u fiicnayn oo aanu waxba ka faa’iidayn, Markaa ujeedada aynu maanta isugu nimid intaasay tahay. Waxaan rajaynayaa in habluhuna wax badan ka faa’iidi doonaan oo ay fariintan sii gaadhsiin doonaan Hablo kale oo farabadan, Insha Allaahu,” ayay tidhi Marwo Hibaaq Axmed oo ah gudoomiyaha ururka haweenka ee VOSOMWO. Sidoo kale waxa isaguna kulankaasi ka hadlay Yuusuf Timacade oo ka socday dalada SIHA Network, waxaanu ugu horayn faahfaahin ka bixiyey daladan SIHA Network iyo waxyaaalaha ay qabato waxaanu yidhi “SIHA Network waa collision ama isbahaysi ka shaqeeya wadamada Geeska Afrika gaar ahaana sideed wadan oo Geeska Afrika ku yaala. Hawshan aanu la wadno VOSOMWO-na Hargeysa oo kaliya kama socoto ama Somaliland oo kaliya balse waxaad qayb ka tihiin dedaal loogu jiro in lagu caawiyo ama wax loogu qabto hablaha ay waxyeeladu ka soo gaadhay intay tahriibeen oo ay socdaaleen kadibna wadamadii ay tageen waxyeeladu ka soo gaadhay ama jidka intii ay ku sii jireen ay waxyeeladu ka soo gaadhay in lagu waaciyo, waxaanu ka socdaa Somaliland, Ethiopia, Sudan iyo South Sudan, intaas oo wadan ayuu ka socdaa, waana jidka ugu badan ee la maro marka Yurub la tagayo,” ayuu yidhi Yuusuf Timacade oo ka socday dalada SIHA Network. Waxa isaguna madasha kulankaasi lagaga wacyigalinayey Hablaha dhibaatada tahriibka ka hadlay Siyaasi Galaal, waxaanu yidhi “Aafada Tahriibta waynu wada aragnaa, balse su’aasho waxay tahay, Maxaa hablahan kaxaynaya? Sidaynu ognahay habluhu waxbay barteen, waxay u baahan yihiin in la jiheeyo oo wixii ay barteen inay ku shaqeeyaan ah. Hadii laakiin aanay cidi usoo jeedsanayn, oo aanay cidi daba gaayn, hablo may tahriibeen, awal hadii la arki jiray dhalinyaro wiil ah oo baxa, hada hablaha ayaa tahriiba, anigu waan garanayaa oo dad badan oo tahriibay ayaan ka war hayaa. Muhiimada koowaad ee aan doonayo inaan halkan ka sheegayaa waxa weeyaan in Dumarka cid kasta laga horaysiiyo oo ahmiyad gaar ah la siiyo sidii loo jihayn lahaa oo laga horaysiiyo ragga,” ayuu yidhi Siyaasi Galaal. Dhinaca kale waxa isaguna kulankaasi ka hadlay Axmed Xuquuq oo ka socday ururka la yidhaa Isbahaysiga Ururka Madaxabanaan (ISCO), waxaanu yidhi “Anigu runtii hadal badan odhan maayo, waxaan ka socdaa urur ama Isbahaysi la yidhaa ISCO oo bulshada rayidka ah oo madaxbanaan, arintaasi Tahriibkana hablo iyo inamoba waxaan leeyahay ha laga feejignaado,” ayuu yidhi. Gabogabadii kulankaasi ayaa waxa ka hadlay Axmed Cige Tiigsi oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Barakacayaasha waxaanu yidhi “Tahriibka waxa keena arin la yidhaahdo (Pull and Push) oo macnaheedu yahay maxaa Kiciyey ama Jiitay, markaa in wax laga qabto waxyaalaha kicinaya ee shaqo la’aantu ay ka midka tahay aadbaan ugu faraxsanahay, waxa kale oo aan ku faraxsanahay shaqada aan qabto oo ah ka hortaga aafada Tahriibta,” ayuu yidhi Axmed Cige Tiigsi oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Barakacayaasha. https://m.youtube.com/watch?v=_b0Pci9ZMm0 Qaran News
  14. WASHINGTON (Reuters) - Somalia will press ahead with poverty reduction efforts and a major regional ports and corridors initiative if international creditors forgive the country’s $5 billion debt this February, as expected, the country’s finance minister said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-20-102019.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir Seynab Xaabsey ayaa dalka dib ugu soo laabatay, kaddib dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Seynab oo markii ay ka soo dagtay garoonka Aadan-Cadde la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa wacad ku martay in aysan dalkaan uga cabsa doonin waxa ay ugu yeertay Argagixiso inta ay Naftu ku jirto. Guddoomiye Seynab oo jir ahaan uu raadad badan ku reebay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin uu ku jiray guddoomiyihii gobolka Banaadir Marxuum Yariisow ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahad celisay garab istaagooda intii ay dhaawaca aheyd. Guddoomiyaha ayaa ka mid aheyd mas’uuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ee dhaawacooda loo qaaday magaalada Dooxa ee dalka Qatar, si halkaas loogu soo dabiibo, waxaana xusid mudan in Seynab ay ka mid aheyd dadkii dhaawacyada ugu daran ay ka soo gaareen qaraxaas. “Waxaa laga yaabaa in muuqaalkeyga uu is badalay, balse isma badalin qalbigeyga wax yarna Allaha ka dhigee, Wlh waxaan ku caafimaaday ducadiina, waxaan dalka u halgami doonaa inta aan noolahay” ayey tiri guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda. Intii ay ku jirtay qaban qaabada safarka ay ugu soo laabanaysay dalka ayaa waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah eheladeeda ay ka naxeen, isla markaana ay uga yimaadeen su’aalo ah “Ma-dalkii aad sidaan ku soo noqotay baad ku laabaneysaa, iska joog halkaan ayaan shaqo kaaga raadinaynaaye”. Balse guddoomiye Seynab ayaa sheegtay in ay aaminsantahay qof walba haduu ka tago dalka in Jiilka mustaqbalka ka leh dalkaan ay sidaan ku sii jiri doonaan. Caga jugleyn iyo isku day kasta oo ay ku carqaladeynayso argagixisadu ayaa waxa ay sheegtay in aysan ka reebi doonin halgankeeda u adeegidda dalka, inta ay Naftu ku jirto. Halkaan ka Daawo: Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Kismaayo (SMN) – Dabley aan wali la aqoonsan ayaa magaaladda Kismaayo ku toogtay Oday dhaqameed aad looga yaqiinay halkaas. Xaaji Saciid Ciise Adoon oo dilkiisa uu ka dhacay xaafadda Calanley ayaa waxaa sidoo kale uu kamid ahaa ganacsatada Jubbaland. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan. Laamaha ammaanka dowlad goboleedka ayaa nan wali ka hadlin. Waa nabadoonkii labaad oo dalka lagu dilay saacadihii lasoo dhaafay, waxaana ka horeeyay Oday lagu toogtay magaaladda Afgooye. View the full article
  18. Ganacasade isla markaasna kamid ahaa Odoyaadha Dhaqanka ee Jubbaland , Saciid Ciise oo ku magac dheeraa Saciid Adoon ayaa caawa lagu dilay Kismaayo. Ilaa hada [...] Source
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa goor dhaw ku dishay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose mid ka mid ahaa Salaadiinta reer Jubbaland. Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqaanay gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo kana mid ahaa Salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa caawa waxaa dishay koox hubaysan oo afka soo duubatay. Xaaji Adoon ayaa sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxeyna dadka xaafadaas Caasimada Online u sheegeen in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo boolis ah, kuwaas oo halka uu dilku ka dhacay baaritaano ka bilaabay. Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka ganacsade Adoon oo ragga dilay ay ku sugayeen iridda hore ee gurigiisa. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa marka laga yimaado in ay magaalooyinka kale ee dalka ula simantahay weerarrada Argagixiso, waxaa iyada u dheer siyaasado cakiran oo ay cagaha la gashay waxii ka dambeeyay markii uu dhamaaday waqtigii hore ee xil heynta Madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Banaadir ayaa shaqada ka joojiyay in ka badan 300 oo qof, kuwaas oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda Hoose ee gobalka Banaadir, kadib markii la sheegay in dib u eegis lagu sameeyay liiska shaqaalaha. Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka shaqada laga eryay ay isugu jiraan laba nuuc ama shaqo ka joojintooda loo maray laba qaab, taas oo laga yaabo in shaqaale kale ay saameyso. Shaqaalaha shaqada laga joojiyay ayaa lagu sababeeyay labadaan qodob oo kale ah In shaqaalaha shaqada laga joojiyay in badan oo kamid ah aysan hadda dalka ku sugneen oo u baxeen dalka dibadiisa. Dadka maqan waxay isugu jiraan kuwa tahriibay, kuwa kale oo helay fursado dibadda ah oo dhib la’aan ku tagay iyo qaar ku maqan fasax laakiin laga saaray liiska Shaqaalaha. Iyo qaar kale oo laga dalbaday in dib u habeen kadib la yimaadaan saxiixa ama wakiil ka noqdo Xildhibaan kuwaas oo heli waayay Xildhibaankooda halka markii hore ay ku joogeen saxiixa ama ay wakiilo ka ahaayeen odayaashooda dhaqanka iyo siyaasiin aan xil heynin Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha lagu sameeyay shaqa joojinta islamarkaana ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in ay heli la’yihiin Xildhibaankooda dowladda, maamulka gobalkana uu diiday damiinka qof aan aheyn Xildhibaan. “Xildhibaankeyga igama qabanayo Mobile-ka muddo dheer ayaa wacayaa fariin waan u diray xataa odayga dhaqanka waa ka qaban waayay, guddiga waan tusiyay in uusan qabaneyn fariina ka jawaabeyn” ayuu yiri qof kamid ah dadka shaqada laga joojiyay. Xog kale oo aan helnay ayaa sheegaysa in ay jiraan dad ka badan 100 qof oo kale oo laga yaabo in ay saameyso arintaan. Boqolaal kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ayaa qaba walaac xoog leh oo ku saabsan mustaqbalka shaqadooda maadaama Xildhibaanada ay u badan yihiin kuwa aan ka jawaabin Mobile-kooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Jubbaland waxaa caawa fiidkii lagu dilay ganacsade caan ah. Marxuum Siciid Ciise Allaha u naxariisee ganacsade Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo ku magac dheeraa Siciid Addoon ayaa koox hubeysan ku toogteen gudaha magaalada Kismaayo, waxaana dhaawac lagu geeyey Cisbitaalka magaalada, halkaas oo markii dambe ku geeriyooday. Dilka Marxuum Siciid Addoon ayaa aad looga dareemay magaalada Kismaayo, iyadoo dad kacsana lagu dhex arkayo magaalada Kismaayo. Ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay dilka Marxuum Siciid Addoon oo ka mid ahaa ganacsatada ugu waaweyn deegaanada Jubbaland. Bishan October 3-deedii ayay ahayd markii Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar uu u geeriyooday dhaawac bishii hore ee September loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Ganacsade caan ah oo lagu dilay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in degmadaas lagu dilay nabadoon caan oo si wayn looga yaqaanay gudaha degmada Afgooye. Waxaa lagu magacaabi jiray nabadoonka ladilay Ibrahim Maxamed Ibrahim. Lama oga sababta loo dilay waxayna goobjoogayaal xaqiijinayaan in lagu dilay bartama magaalada Afgooye. Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dilka nabadoonka si weyn ugu xumaaday shacabka degmada Afgooye. View the full article