Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Si Adag Uga Soo Hor-jeestay Guddi Loo Saaray Muddo-kordhinta Loo Gudbiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Mubaarik Aar ayaa eedaymo u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, xisbiga Waddani, golaha wakiillada iyo Guurtidaba waxaanu sheegay in qodobo sharci ay jabiyeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Boorama)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inaan Cidna loo daba fadhiisanayn ilaalinta Amniga guud ee Gobolka Awdal. Madaxweyne ku-xigeenka oo Maanta hadal ka jeediyey Magaalada Boorama ayaa sheegay inaan la aqbali karin in Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Awdal ay iska soo afjari waayaan Dadka Amnigooda xumaynaya ee Jabhadaha ka dhex samaynaya deegaankooda. Saylici oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Reer Awdaloow Nabadgalyada la idinkama martiyayo oo Xukuumadda ayaa ka masuul ah, laakiin Talo ayaanu idinku leenahay.” Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay oo kale “Idinka yeeli mayno Inan halkaa jooga ayaanu la soo hadli kari waynay ama qaban kari waynay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inaan Cidna Dawladdu lacag ku siinayn inay gudato doorka ay ku leedahay amniga “Lacagna ku siin mayno Ninka hawshiisa qabsan kari waaya, Bari baa Lacag la geeyaa ayay Salaadiintu ku hadlayaan, taasi waa Nasiib-darro, masiibaa loo geeyaa bariga Lacagta ee Masiibo Ilaahay barya, waar Ilaahay ka baqa.” Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu ka hadlay horumarka ka jira Gobolka Awdal iyo sida aan xilligan loogu baahnayn dhibaato amni-xumo in la abuuro “Tuulooyinka Gobolka Awdal meel aan Maanta biyo macaan laga cabbayn ma jirto, waar taa la idinlama qabo.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Qaranka Somaliland awood u leeyahay inu Tallaabo ka qaado Ciddii Amniga waxyeelaysa, sida Jabhadaha oo kale, balse Shacabka loo tudhayo “Qaranka Somaliland Cid iska celin kartaa ma jirto, laakiin waalla idin dhowrayaa oo dhimasho iyo dhiig ayaa laga war-wareegayaa, haddaad maqasheen Illaa Caarre, Doqoniimo nagama ah ee waxay naga tahay Dadkiina yaanu dhibku ku dheeraanin. halkana (Awdal) boqol Qof oo Buur hoos fadhiistay Ilbidhiqsi naguma qaadanayso..” Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa imanaya xilli galbeedka fog ee Gobolka Awdal ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Jabhad la sheegay inay amar qaataan Suldaan Waber, sidoo kalena Toddobaadkii hore uun la soo xereeyay Jabhad lagaga dhawaaqay deegaan ka mid ah Awdal. Source
  4. Gun-toting militants with the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab were reported to have seized control of a small village in Sanaag region, located the relatively calm Sanaag region. Residents in Ga’an-Maroodi said heavily armed Al-Shabaab fighters poured into the area and then began a military movement to secure their full control. Multiple sources told Radio Shabelle station in Mogadishu that there is a brewing tension in the locality and villagers are in panic of possible fighting between Al-Shabaab and troops. Al-Shabaab seems to be expanding its control to areas in northern Somalia after facing increasing military pressure in the south of the country. View the full article
  5. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) oo malamahan socdaal ku jooga deegaanaada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyey gudaha saldhigga Booliska magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Taliyaha ciidanka Booliska magaaladaasi, Cabdullaahi Macalin Xasan ayaa taliye Kaniif ku soo dhoweey halkaasi, ugana mahadceliyey booqashadiisa. Dhankiisa Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska oo madasha ka hadlay ayaa kula dardaarmay ciidamada amniga inay xoojiyaan nabad gelyada deegaanada Galmudug. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/War-Xasan-wali-dhuusamareeb.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaleeceysay go’aankii Golaha Amaanka QM uu 15-kii bishan November kusii kordhiyey xayiraddii hubka ee muddada saarneyd Soomaaliya. La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Cabdi Saciid Maxamed Cali oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka, ayaa cunaqabateynta uu meel-mariyey golaha ammaanka ku qeexay “mid xanibeysa awoodda ay Soomaaliya ku heli karto hub lagama maarmaan u ah in laga adkaado argagixisada.” “Soomaaliya waxay dhisayaa ciidamo awood leh oo naftood u huraya si ay ula dagaalamaan argagixisada islamarkaana u bad-baadiyaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri. Cabdi Saciid ayaa dhinaca kale eedeyn u jeediyey qaar ka mid ah “saaxiibada Soomaaliya”, isaga oo yiri “Saaxiibada qaarkood waxaa cad inaysan xiiseeneyn inay na taageeraan islamarkaana ay qalabeeyaan ciidamadeena, balse ay abuurayaan caqabado iyo xanibaado, ayaga oo islamarkaana noogu baaqaya inaan wax badan qabanno.” Waxa uu ammaanay qaar ka mid ah dalalkii ka aamusay codeyntan ee la saftay Soomaaliya, oo uu ku qeexay kuwa doonayey inay garowsadaan inay caqli ahaan qalad tahay in ciidamada xoogga Soomaaliyeed loo diro dhufeysyada dagaalka ayaga oo aan haysan hub iyo qalab. “Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay sii wadi doontaa inay sameyso wax kasta oo ay ku difaaceyso nafteena iyo ciidankeenna, ha la taageero ama yaan la taageerin.” Ayuu yiri. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa jimcihii waxaa uu sanad hor leh ku daray qaadista qeyb ka mid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyada oo sanadkan lagu kordhiyey xayiraad la saaray waxyaabaha kiimikooyinka ee loo adeegsaday sameynta waxyaabaha qarxa. 15-ka xubnood ee golaha ee codeeyey 12 waxaa ay ogolaadeen in cunaqabateynta la kordhiyo halka Shiinaha, Russia iyo Equatorial Guinea ay ka aamuseen. Cunaqabateynta ayaa socon doonta ilaa Nofembar 15, 2020. caasimada@live.com
  7. Kulankii lagu ansixiyay Miisaaniyadda Golaha wasiirrada Somaliland, ayaa maanta oo Axad si rasmiya u ansixiyay oddoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka. Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in oddoroska Miisaaniyadda cusub uu diiradda saari-doono arrimaha nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka degaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in meelaha la oddorasayo in ay miisaaniyadda cusubi ka imaan doonto, ay kamid tahay cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo halbawle iyo u ah as’aaska dawlad-nimada. Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kulanka ku sugnaa, sida uu sheegay Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Somaliland oo ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka appeared first on Puntland Post.
  8. Wararka naga soo soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta xiisad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa ka dhalatay xilka qaadis lagu saameeyey guddooyihii degmadaasi, Ibraahim Maxamed Nuur |(Shig-Shigow). Guddoomiyaha ayaa ka horyimid xilka qaadistaasi, isagoona diiday inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyahay cusub ee degmadaasi C/naasir Siidow Maxamed. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay maanta isku dhaceen ciidanka dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliye iyo kuwa kale oo daacad u ah guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor, islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo qof oo shacab ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana gabi ahaan xirmay dhaq dhaqaaqii guud ee magaaladaasi. View the full article
  9. Golaha Wasiirrada S/land Oo Ansixiyey Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka Kal-fadhigii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka. Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka. Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada, waxana ay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), islamarkaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamuj-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dood iyo falanqayn dheer kaddiba waxa uu cod geliyey Ansixinta oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kalfadhiga ku sugnaa, iyada oo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diidday midna. Miisaaniyaddan ay maanta oddoroskeeda ansixiyeen golaha wasiirradu, ayaa ah tii 29-aad ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysay, waxana ay u gudbaysaa golaha wakiillada Somaliland oo ka gudan doona waajibaadkooda Dastuuriga ah. Qaran News
  10. Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash ayaa maanta wuxuu Xafiiskiisa kuvqaabilay Wafdi kasocdey Laanqayrta Cas ee Aduunka oo uu hogaaminayay Madaxa Hay’adaan Juerg Eglin. LabadavMasuul [...] Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka jawaabay eedaymo uga yimid Madaxweynaha Somaliland, waxaanu sheegay in marka Madaxweynuhu uu Xisbiga WADDANI ku sheegayo inuu aamisan yahay Soomaali-weyn uu ula jeedo beel ka mid ah kuwa Somaliland, doonayana inuu Bulshada kala fogeeyo. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Taageerayaasha Xisbigiisa ee Gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay Isniinta Berri isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga ee Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Gaashaanle Dhexe Sahal Faarax Raage oo ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliland waxaad Cadaalada ayaa maanta wuxuu Garowe ka shaaciyey inuu kasoo goostay Hargaysa sababo Cadaado daro [...] Source
  13. Garbahaarey (Caasimada Online) – Al-Shabaab oo weli dagaal xoogan ka wada gudaha Soomaaliya ayaa baahisay magacyada xubno ka tirsanaa maamulka gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland oo ay sheegtay inay isku soo dhiibeen kooxdaasi. Mas’uuliyiinta isku dhiibay Al-Shabaab ayaa dhammaantood waxa ay ka mid ahaayeen maamulka degmada Beledxaawo ee gobolkaasi. Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab raggaasi ayaa gaaraya illaa afar xubnood oo guddoomiye waaxeedyo iyo ku xigeenno ka ahaa maamulka maamulkaasi. Magacyada ka aqriso hoose: Xuseen Jibriil Ibraahim wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xafaadda 8-aad ee Beledxaawo Xuseen Sahal Aadan wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xaafadda 7-aad ee Beledxaawo Cabdiweli Iftiin Barroow wuxuu ahaa guddoomiyaha Xaafadda 7-aad ee magaalada Beledxaawo Maxamed khaliif xasan guddoomiyaha xaafadda 8-aad ee magaalada Beled Xaawo. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan xubnahaasi la sheegay inay isku dhibeen Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliso gobolka Gedo oo ay weli ku xoogan tahay, mana muuqdo qorshe looga saarayo guud ahaan gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey caasimada@live.com
  14. (SLT-Yubbe)-Warar ka imanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Dagaalyahanno ka mid ah Kooxda Al-shabaab inay qabsadeen deegaan Hoos taga Degmada Yubbe ee Bariga Gobolka Sanaag. Deegaanka la sheegay inay Al-shabaab qabsatay ayaa Magaciisa lagu sheegay Gacan-maroodi. Warbaahinta Puntland qaarkeed ayaa baahiyey in Dagaalyahannada Al-shabaab oo ka soo kicitimay Buuralayda Caalmadow ay isku fidiyeen deegaanka Gacan-maroodi oo hoos taga degmada Yubbe, isla-markaana bilaabeen inay Dhufaysyo ka samaystaan deegaankaasi. Warka ayaa intaa ku daraya in laga cabsi qabo in Kooxdan Tiradoodu ku dhowdahay 100 Dagaalyahan ay weerar ku qaadaan Degmada Yubbe e bariga Gobolka Sanaag. Laamaha amaanka ee Somaliland ayaan weli ka hadlin Wararka sheegaya in Dagaalyahanno Al-shabaab ka mid ahi qabsadeen deegaanka Gacan-maroodi. Al-shabaab ayaa ka dhaqdhaqaaqyada Buuraylada Galgala ee Gobolka Sanaag, waxayna Weerarro joogto ah ku haysaa Maamulka Puntland. Source
  15. Kal-fadhigii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka. Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka. Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada, waxana ay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), islamarkaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dood iyo falanqayn dheer kaddiba waxa uu cod geliyey Ansixinta oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kalfadhiga ku sugnaa, iyada oo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diidday midna. Miisaaniyaddan ay maanta oddoroskeeda ansixiyeen golaha wasiirradu, ayaa ah tii 29-aad ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysay, waxana ay u gudbaysaa golaha wakiillada Somaliland oo ka gudan doona waajibaadkooda Dastuuriga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha waddo muhiim u ah dadweynaha dadweynaha M/ Muqdisho. Guddoomiye Cumar Filish ayaa si rasmi ah u daah-firay dhisamaha waddadan oo isku xirta isgoysyada Siinaay iyo Baar ee degmooyinka Warta Nabadda iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka inay qaataan doorkooda ku aadan ilaalinta nadaafadda waddooyinka Caasimada. “Waxaan maanta xariga ka jaray dhismaha waddada isku xirta Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta Nabada iyo Yaaqshiid, waxaan ugu baaqaya bulshada Caasimadda in ay muujiyaan doorkooda ku aadan ilaalinta nadaafada iyo bilicda ayuu yiri.” Cumar Filish. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  17. Wararka aynu ka helayno Gedo ayaa sheegaya in maanta Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan uu kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolkaaasi. Kulankan ayaa waxaa intiisa badan looga arrinsaday sida ay ciidamada huwanta u xaqiijin la haayeen amniga, islamarkaana ay gacanta ugu soo celi lahaayeen deegaanada ka maqan Jubbaland ee ku yaalla gobolka Gedo Madaxwyne ku xigeenka Jubbaland ayaa si wadajir ah saraakiisha labada dhinac kula dar-daarmay inay iska kaashaadaan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobolkaasi. Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ciidamada dowladda ay is hortaag ku sameeyeen Sayid Aadan oo doonayey inuu u gudbo qeybta ay ka maamulaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay weli ka taagan tahay xiisad xoogan. Arrintan ayaa sii hurineysa xiisada DF iyo Jubbaland, taasoo ka dhalatay doorashadii dib loogu doortay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)- Kal-fadhigii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka. Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka. Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada, waxana ay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), islamarkaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamuj-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dood iyo falanqayn dheer kaddiba waxa uu cod geliyey Ansixinta oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kalfadhiga ku sugnaa, iyada oo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diidday midna. Miisaaniyaddan ay maanta oddoroskeeda ansixiyeen golaha wasiirradu, ayaa ah tii 29-aad ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysay, waxana ay u gudbaysaa golaha wakiillada Somaliland oo ka gudan doona waajibaadkooda Dastuuriga ah. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  19. Somalia’s largest telco is fighting back claims it aided militant groups to attack communication structures in Kenya in exchange for protection. Source: Hiiraan Online
  20. Dowladda Kuwait ayaa mar kale ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib kulan ay qayb ka ahayd oo golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladda Soomaaliya kaasi oo ka dhacay magaalada New-York. La taliye Nawaf Al-Ahmed oo ka mid ah ergada joogtada ah ee dowladda Kuwait u fadhida Qaramada midoobay mar uu ka hadlayay shalay kulanka ayaa ku baaqay in la dardargaliyo taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee dowladda Soomaaliya, si dib loogu dhiso hay’adaha dowladda loona xaqiijiyo Amniga iyo xasiloonida dalka . Ergayga dowladda Kuwait ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaallada wax ku oolka ah ee ay wado dowladda, si dalka loogu diyaariyo Qabsoomidda doorashooyin sanadka 2020-2021. View the full article
  21. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay gaareen deegaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga gobolka Sanaag. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanadan oo hubeysan ay gudah u galeen deegaankaasi, islamarkaana ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub. Ilo deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in xaaladda ay kacsantahay, islamarkaana laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Deegaanka Gacan-Maroodi ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyaad deegaanka ah, iyagoona isaga baxay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahannada Al-Shabaab ee la wareegay deegaanka ay ka yimaadeen dhanka buuraleyda ee gobolka Sanaag. Al-Shabaab ayaa u muuqda hadda inay isku fidinayaan deegaano hor leh oo ka tirsan gobollada waqooyiga ee dalka, kadib markii muddooyinkii la soo dhaafay si aad loo xoojiyey howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article