Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,962
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Qaar kamid ah dhalinyaradda Muqdisho ayaa bilaabay olale ay uga qeyb-qaadanayaan gurmadka fatahaadaha Webiyadda dalka. Da’yarta oo si iskood ah isku xilqaamey ayaa waxay lacago ka uruurinayaa mehradaha, waratadda iyo gaadiidleyda iyaga oo weydiinaya wuxuu awooda. Mid kamid ah dhalintan oo Shabelle la hadlay ayaa wuxuu ka codsaday dadweynaha in ay ku garab siiyaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen shaqadooda. Roobab xoogan oo qaar kamid ah gobolada dalka ka da’ay ayaa sababay in Webiyada ay butaacaan isla markaana ku fatahaan magaalooyinka. Magaaladda Beledwayne ayaa ah halka ugu daran ee dhibaatadda laga soo sheegayo, iyadda oo ay ku dhinteen tobanaan kuna barakaceen tobanaan kale. Hoos ka dhageyso warbixinta oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Soofeysane.mp3 View the full article
  2. Hargeysa (Caasimadda Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xabsiyada ku gurtay ganacsato ajaanib ah oo ka shaqeysanayey deegaanadeeda. Somaliland ayaa sheegtay in ganacsatadaa ay xabsiga dhigtay ay ka soo kala jeedaan dalalka Jarmalka, Shiinaha, Masar, Burtiqiis, Yeman iyo Suudaan. Mustafe Maxamed Cali ‘Bile’, Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga Somaliland ayaa si rasmiya u xaqiijiyay arrinkaasi, isagoona sheegay in ganacsatadaasi xabsiyada dhigeen ay ka shaqeysanayeen magaalada Wajaale, wuxuuna yiri “Dhawaan Wasaarada ganacsiga waxa ay cabasho uga timi ganacsatada oo ka cabanaayay ajaanib faro badan oo ka ganacsanaayay ganacsigii ay hayeen, waxa ka mid ah ganacsatada soo cabatay kuwa Wajaale iyo Hargeysa”. “Wasaaraduna kormeer ayay samaysay waxaanay tagtay Wajaale halkaas waxaanu ku soo aragnay ganacsato faro badan oo ajaanib ah oo Shiinees iyo kuwo kaleba isugu jirta, ganacsatadaas shiineyska ah oo ka ganacsanayey ganacsigii uu ka ganacsan lahaa qofka muwaadinka ah ee Somaliland waxay iibinayeen tafaariiq iyo jumladba”. Wuxuuna intaas kusii daray Agaasimuhu “Waxayna meherado yar-yar ay ka furteen magaalada Wajaale, ganacsatadaas wasaaradu waa ay soo wada xidh-xidhay oo isugu jiray Shiine, Jarmal, Suudaan, Bortaqiis,Yamaniyiin, Masriyiin iyo Carab kale, markii la waydiiyay ruqsada ay ku shaqaynayaana waxay dhamaantood la soo baxeen liisamo ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah”. Xukuumada Somaliland ayaa si rasmiya ah u shaacin tirada ganacsatadaa ay xabsiyada ku gurtay, balse ku gaabsatay un dalalka ay ka soo kala jeedaan iyo magaaladii ay ka soo qabteen. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya Danjire; James Swan, ayaa sheegay in ay hay’adaha Caalamiga diyaar u yihiin taageerada loogu gurmanayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiyada Jubba iyo Shabeelle. James Swan ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay in ay Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, kala shaqayso gurmadka loo fidinayo Dadka ku dhibaateysan fatahaadaha. Ambassador; Swan, ayaa sheegay in barnaamijka Cuntada Adduunka WFP uu diyaarinayo Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo u gogol xaaraya taageeridda dedaallada wax qabadka Bini’aaddannimo ee Magaalada Baladweyne iyo goobaha kale ee ay dhibaatadu ka jirto. “Waxan aad ugu mahad naqayaa Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya in si ku meel gaar ah loo adeegsado helikobtarrada,si aan Gacan uga geysanno fulinta hawlgallada baadigoobka iyo samata bixinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha”ayuu yiri, Danjire, James Swan. Mr; Swan ayaa sheegay in Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aaddamnimada iyo hay’adaha samafalka ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta in si deg-deg ah ay ku gaarsiiyaan gurmadka lagu badbaadinayo Dadka dhibaataysan. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-31102019.mp3 View the full article
  5. Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Oo ka jawaabay Hadallo ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas oo ay iskudegaan,Gole & Xisbi yihiin Xildhibaan Cabdiqadir Jaamac Xaamuud, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Xildhibaan ka soo jeeda Sanaag Barri, ayaa ku taliyey in siyaasad cad laga yeesho deegaanka uu ka soo jeedo. Xildhibaan Cabdiqadir Jaamac Xaamuud, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas oo ay isku deegaan iyo isku Gole yihiin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Runtii imika wey iska wanaagsan tahay xaalada Gobolka Sanaag, gaar ahaan Sanaag Barri, in kasta oo wax iska yar jirjiraan, laakiin siyaasad cad in laga yeesho Sanaag Bari oo wixii ka qabyo ah sidii loogu dhamaystiri lahaa inay Xukuumaddu awooda saarto weeye, dhibaatooyinka kale ee ka jira guud ahaan Gobolka Sanaagna, waxaan soo jeedinayaa in xooga la saaro sidii loo hagaajin lahaa”. Mar uu ka hadlaayey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas ayaa wuxuu yidhi “Shirka jaraa’id oo aanu qabanay waxaanu kaga hadalnay arimaha Bariga Gobolka Sanaag, Xildhibaan Bulqaas oo aanu isku Gole nahay, oo aanu in badan wada shaqeeynaynay, oo aanu safaro wada baxnay, safaradaas aanu wada baxnayna aniga wax walba soo dhammeeynayey, haddii ay noqoto xagga Madaxtooyada iyo haddii ay noqoto xagga Madaxweynahaba, labada safarba aniga ayaa soo dhammeeyey, wuxuu ku hadlayo Xildhibaanka maaha inuu ku hadlo, markii aanu Shirka jaraa’iid wada qabanay isaga ayaa ii yeedhay, markaas Xisbi aan ku jiro anigu ma aflagaadeeynayo, ee marka hore waa inaan banaanka uga baxo, laakiin Xisbigiina waan ku jiraya, haddana waan cayaya aniga damiirkaygu I siin maayo, ee waxaan Xildhibaan Bulqaas leeyahay haddii aad doonayso inaad Xisbiga Kulmiye wax ka sheegto marka hore ka bax, waxaad ku hadlaysana inaad ka fiirsato ayaa wanaagsan” Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiriir qadka taleefoonka ah xalay lasoo sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Shalay loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiiyeen xubno ka tirsan Madaxda Xisbiyada Qaran, Madaxweyne Farmaajo ayaa Shiikh Shariif ka codsaday inuu la yeeasho kulan gaar ah balse Shiikh Shariif ayaa diiday inuu aqbalo casuumadaas. Shiikh Shariif ayaa u sheegay Farmaajo in shalay wixii ka horreeyey ay taas macquul aheyd balse uu hadda yahay hoggaamiye madal Xisbiyo ku midoobay, haddii uu la kulmayana ay tahay in madasha dhan la casuumo.. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in markaas kadib uu sheegay inuu arrintaas kasoo tashan doono dibna uu ula soo xiriir doono. Wadahadalka labada Mas’uul ayaa imaanayo xilli maalmo ka hor kulan qarsoodi ah uu Muqdisho ku dhex maray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo xubno ka tirsan Xisbiga UPD. Isbaheysiga Madasha Xisbiyada ee Mucaaradka ah ayaa culeys weyn ku noqday dowladda Federaalka, waxaana muuqata isku-day dowladdu ku dooneyso inay ku dhex gasho Xisbiyada qaar oo ay wada hadalo hoose la furto. Xubnaha mucaaradka ee midoobay ayaa si cad uga digay inay Dowladda Soomaaliya sameysato muddo kororsi taasina ay tahay wax aysan marnaba aqbali doonin. Dowladda ayaa isku dayeyso inay kala furfurto Xisbiyada midoobay si ay culeyska isaga yareyso, waxaana ilaa hadda fashilmay laba isku day oo ay sameysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Somalia has signed a roadmap detailing measures and practical actions to prevent violations against children, release children associated with armed forces, and reintegrate them into communities. The deal which was witnessed by visiting UN Special Representative of the Secretary-General for Children and Armed Conflict, Virginia Gamba, saw Mogadishu recommit to ending the recruitment and use of child soldiers. This comes as the recruitment and use of child soldiers as combatants in armed conflict by terrorist groups such as al-Shabab remains a key concern in Somalia. “The whole United Nations body and the civil society of good faith will support this plan so that across Somalia in all regions, all law enforcement officials, all members of any armed forces will be the first to protect children from violations,” Gamba said in a statement issued by the UN Mission in Somalia (UNSOM) on Wednesday evening. She said the roadmap is in line with action plans signed by Somalia and the UN in 2012 to protect children from recruitment and use by the army. “We will support the possibility of vetting, of screening, of capacity building and of ensuring that children that are captured, or that escape, or children that are in any way released, will also receive the rehabilitation and reintegration needs that they deserve,” Gamba added. According to the UN Report on Children and Armed Conflict, released in June, armed groups forcefully recruited and used in conflict 2,228 boys and 72 girls in 2018 in Somalia. Hassan Ali Mohamed, minister of defense emphasized the government’s commitment to ending children’s rights violations, including forceful recruitment. “The government does not accept the recruitment of under 18 years old. Although there are other elements like al-Shabab and Daesh that are using children under 18 years old. We thank the United Nations Security Council, as well as the UN Secretary-General who has assisted us through the Peace Building Fund,” said Mohamed. Gamba also visited Baidoa where she announced the launch of a 2 million U.S. dollar Peace Building Fund project supporting the prevention of child recruitment and reintegration of children formerly associated with armed forces and groups. View the full article
  8. Boosaaso(SL-T)Deg Deg Puntland Oo Ka Digtay Duufaano Ku Soo Waajahan Xeebaha Iyo Digniin Loo Diray Shacabka Source
  9. Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in la dhammaystiray isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa. Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray. “Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas hore 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.” Afhayeenka oo ka hadlaya saamaynta siyaasadan cusub ee Itoobiya ee Geeska Afrika, wuxuu sheegay in isbedelo badan oo imika soo kordhay ay sababeen isbedelkan cusub, waxaanu yidhi, “Dhalashadii Koonfurta Suudaan, dhammaynta xaaladii colaadna aan ahayn, nabadna ahayn ee Itoobiya iyo Ereteriya, isbedelka xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa sababay in isbedel lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.” Isbedel cusub ee lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxa la filayaa inuu saamayn ku yeesho Somaliland, iyadoo siyaasadaas hore ee Itoobiya ee khaarajigu ay ahayd halka uu ka dhismay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Lama oga in xukuumadda Madaxweyne Biixi la socoto isbedelkan cusub ee ay Itoobiya ku samaysay siyaasadeeda arrimaha dibadda oo muddo 7 bilood ah jidka ku soo jiray. Geeska Qaran News
  10. MOGADISHU (HOL) - Hormuud Telecom has announced a $200,000 donation to the humanitarian relief efforts in Beletweyne where thousands have been displaced within the last one week. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Shalay loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee looga dhawaaqay Muqdisho ayaa shaaciyey qorsho ay Dowladda Soomaaliya la damacsaneyd Madaweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Shiikh Shariif ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya damacsantahay isla markaasna ay tijaabisay in Axmed Madoobe lasoo qabto xarigiisana loo adeegsado ciidamo Ajnabi ah sida uu hadalka u dhigay. Shiikh Shariif ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya isku daygaas sameysay ka hor inta aysan dhicin doorashadii ka dhacday Kismaayo ee mar kale xilka madaxweynimo ee Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe. Wuxuu sheegay in tallaabadaas ay fashilmatay isla markaasna ay suurtageli weysay inkastoo uusan faahfaahin ka bixin qorshahaas iyo Ciidamada Ajnabiga ah la adeegsan rabay iyadoo la rumeysan yahay inuu ula jeeday Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM. “Howsha intaas way kasii dheer tahay, aniga waxaan rabaa in aan aad u cadaado, mala socotiin in ciidamo ajnabi ah la rabo in lagu soo qabto Axmed Madoobe? mala socotiin hadda k ahor markii ay doorashada dhaceysay”. Sidoo kale wuxuu sheegay in haddii ay arrintaas dhici laheyd ay keeni laheyd dagaal qabiil oo dib kaga bilowdo Soomaaliya taasoo socon laheyd muddo 100 sano ah sida uu hadalka u dhigay. ” Arrintaas hadii ay dhici lahayd maxaa dhici lahaa? dagaal qabiil oo aan waligiis dhamaan oo boqol jirsada ayaa dhici lahaa,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in xisbiyada mucaaradka aysan ka aamusi karin waxyaabaha iyo qaladaad kale oo ay sameysay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Ma idin la tahay in aan ka aamusi karno, kama aamusi karno,” ayuu sii raaciyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray xafiiska naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club kaas oo ku yaala degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir. Furitaanka xafiiskan waxaa ka qeyb galay guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti,guddoomiyaha xariirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo mas’uuliyeen kala duwan oo ka kala socda Gobolka Banaadir,Xariirka Kubbadda Cagta iyo sidoo kale macallimiinta iyo taageerayaasha naadiga caasimada ee Muqdisho City Club. Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in ka maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin talaabada hortabinta leh ay qaadeen maamulka,tababarayaasha iyo taageerayaasha naadiga Dowladda Hoose tan iyo markii dib loo soo celiyay. “Xafiiskan waxuu qabanayaa shaqooyinka caadiga ee naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo ah kooxda caasimada,Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an xoojinta iyo fududeenta shaqooyinka horyaala Maamulka iyo macalliminta Muqdisho City Club” ayay Goobjoog u sheegtay Basmo Caamir Shakeeti oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Xariirka Kubbadda Cagta Dalka Cabadiqani Saciid Carab oo isna madasha ka hadlay ayaa bogaaday da’daalada wanaagsan ay wadaan madaxda kooxda oo kaashanay maamulka Gobolka Banaadir “Waxaa inoo muuqanaysa horomar kala gedisan oo ay sameeyeen madaxda naadiga Dowladda Hoose tan iyo markii dib loo soo celiyay sanadkii lasoo dhaafay,furitaanka xafiiska ee goobjoogka ka nahay wuxuu cadeenayaa in horay loo qaaday talaabooyinka waaweyn waxana lee nahay guulaystay maamulka Muqdisho City Club“ayaa saxaafada u sheegay guddoomiyaha X.K.Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid. 30 Sano ka dib naadiga Muqdisho City Club ayaa bishii August 2019 dalka Zanzibar kaga qeyb gashay tartanka kooxaha qaarada Africa ee Caf Confederation waxaana xidigaha Muqdisho City Club ay sameeyeen rajo wanaagsan,iyagoo mudo dheer ka dib muujiyay da’aal wanaagsan. “Maamulka Kooxda wuxuu iminka ka shaqaynayaa in uu dib u soo cleiyo sharafkii iyo wada shaqeyntii naadigeena lahaa kooxaha caalama waxaana inoo muuqanaysaa horomar fog mustaqbalka soo socda” ayuu Goobjoog ugu waramay Cabdiqaadir Muxidiin Dacar oo ah guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee kooxda Muqdisho City Club ahna la taliyaha maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir. Si kastaba 25 November 2018 ayay aheyd markii dib loo soo celiyay naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club waxaana dib u soo nooleenta kooxdan ku farxiyay halyayadii hore ee soo maray. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  13. Qaahira (Caasimadda Online) – Magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ayaa waxaa ka furmay shirka Baarlamaanada Carabta, kaas oo looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Soomaaliya iyo wadamada Carbeed qaarkood. Shirka Baarlamaanka oo ay ku mideysan yihiin 22-ka dowladood ee Carabta ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xubno ka socda baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo Baarlamaanka Carbeed hor-dhigay xaaladaha ka aloosan dalka Soomaaliya. Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlay ayaa waxaa kamid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, faragelinta ay dowladaha Shisheeye ku haayaan iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka sanadka 2021. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka oo shirkaasi ka qeyb-galaya ayaa sheegay in Xubnaha Baarlamaanka Carbeed ay amaaneyn dadaalka ay dowladda ugu jirto la-dagaalanka Al-Shabaab,guulaha ay kasoo hoysay arrimaha dhaqaalaha, la-dagaalanka musuq maasuqa iyo sare u qaaadida mashaariicda lagu hormarinayo Caafimaadka iyo Waxbarashada. Sidoo kale waxaa uu sheegay in siweyn looga hadlay faragelinta dowladaha Shisheeye ay Soomaaliya kala kulmeyso,sidoo kalena Baarlamaanka Carbeed ay QM ka codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran si ay tayeynta Ciidamadeeda kor ugu qaado si ay u hesho ciidan ku filan ilaalinta Badeeda, Barigeeda iyo hawadeeda. Ugu dambeynw axaa uu sheegay in Baarlamaanka Carbeed uu ugu baaqay Madaxda Dowladda federaalka iyo xoogaga siyaasada in doorashada xiligii loogu talo galay ay ku dhacdo, iyada oo la ilaalinayo Cadaaladda. Ugu dambeyn Kulanka ay yeesheen Baarlamaanka Carabta ayaa waxa ay uga hadleen xiisada ka dhex-aloosan qaar kamid ah dalalka Carbeed,sida Suuriya iyo Ciraaq taas oo siweyn ay ugu kala qeyb-sameen Baarlamaanka Carbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aal ka keenay sababta loo doortay xildhibaannada golaha shacabka isaga oo yiri “Ma shaqo ayaa naloo doortay mise in aan shirno”? Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa yiri “3-da shaqo ee ay xildhibaannada leeyihiin waa sharci-dejin, isla xisaabtan iyo matalaad, su’aal ayaa idiin weydiiyee, qofka deegaan doorashadii laga soo doortay inta ku laabtay shaqo ka soo qabtay oo baarlamaanka fadhiya yuu yahay? Aad ayey u yar yihiin sida aan aaminsanahay. Dhanka Sharci-dejinta waxaa uu xildhibaan Mahad ka yiri “ Baarlamaankan miyaan aheyn midka la hor keenay sharcigii badalitaanka sharciga bangiga dhexe ee gaalka shaqada loogu raadinayey anisiyey ee gacanta u taagay, baarlamaankan miyaa aheyn midka loo keenay sharciga doorashooyinka oo qodobo dastuuriga ah oo 11 gaaraa lagu buriyey, oo la leeyahay doorasho ayaa lagu qabanaa, markii aan wareysanay nala yiri sharciga ansixiya kadib ayaa dastuurka loo badalaahe, sharciga aan ka shaqeyneyno ama aan ilaalineyno xaguu yaalaa xildhibaanow? Isla xisaabtanka, mudane Mahad salaad waxaa kale oo is weydiiyey “ Baarlamaankan miyaan aheyn kii guddiga naga maaliyadda report inta aan u keenay, niri wax hala doodo meeshan dhibkan ayaa ka dhex muuqda miisaaniyaddii 2018, nagu cambaareeyey, nagula kala diray oo nagula orinaayey? Hadda markii uu soo saray hanti dhowraha wixii wixii innaga aan ka digeynay dhowr bilood ka hor xagee ku dambeyday, hal qof oo xildhibaannada ka mid ah oo yiri miyaa jira haddii guddigii hore loo diiday hadda hanti dhowrka sheegee inta loo waco hala weydiiyo hal qof oo yiri miyaa jiro? Baarlamaanka in la yimaado in la shaqeeya ka horeysa……eedda ma aha waxaa ay u iman waayeenne, meesha wax shaqo ah kama socoto. Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu ku jiraa xildhibaannada fara ku tiriska ah ee marar badan soo jeediyey isla xisaabtan dhab ah, ka sokow in uu qeyb ka ahaa guddiga maaliyadda golaha shacabka ee soo saaray wax isdaba marin miisaaniyadda 2018, sidoo kale waxaa uu golaha geeyey mooshinno aan waxbo laga soo qaadin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan kamid aheyn Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee Shalay looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho. Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa sheegay inaysan ka qeyb aheyn madashaad iyagoo arrintaas sabab uga dhigay inuu jiro wadahadal u socdo iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xisbiga ayaa sheegay inaysan fikrad ahaan iyo qorsho ahaan qeyb ka aheyn shirkaas looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran ayna ka cudur daarteen inay ka qeybgaleen. Sidoo kale Xisbiga ayaa sheegay in Xafladdii caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe lagu casuumay balse aysan ka qeybgelin iyagoo tixgelinayo wadahadal u socdo iyaga iyo Dowladda kaasoo la doonayo in lagu sii daayo hoggaamiyahooda xiran muddo dhawr bil ah. xisbiga ayaa sheegay in wadahadalkii u socday Dowladda iyo Xisbiga uu hakad ku jiro maadaama uu khilaaf ka dhex jiro Ururka IGAD oo garwadeyn ka ahaa wadahadalkaas sida ay Caasimadda Online u sheegeen xubo ka tirsan Xisbiga. Xisbiga ayaa dhanka kale xusay inay ka bixi doonaan wadahadalka u socdo iyaga iyo Dowladda haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan dib loo bilaabin. Xisbiga ayaa sheegay inay rajo fiican ka qabaan in lasoo daayo hoggaamiyahooda Shiikh Mukhtaar oo lasoo xiray xilligii ay dhaceysay doorashadii Koonfur Galbeed markaas oo ay Dowladda Soomaaliya u aragtay inuu dhibaato ku yahay musharaxa ay wadatay ee Lafta Gareen. Hadalka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa kusoo aadayo xilli Shalay Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran kaasoo hoggaamiye looga dhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Xarrakada Alshabaab ee saldhiggeedu yahay dalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay weerar ku qaadday saldhigga boliiska ee Dadajabula oo ku yaalla Koofurta magaalada Wajir ee dalka Kenya. Qof ka tirsan maamulka Wajir ayaa u sheegay The Nation in dableydu ay kusoo weerareen saldhigga hub culus oo ay ka mid yihiin kuwa garbaha laga rido. Sarkaal ka tirsan dowladda Kenya oo magaciisa qariyey sababo la xiriira inaan loo oggoleyn la hadalka saxaafadda ayaa sheegay in weeraryahannadu ay xoog ku galeen saldhigga kaddib markii laba xubnood oo Xarrakada ka tirsan lagu soo xiray saldhigga. War kasoo baxay boliiska Kenya ayaa lagu sheegay in saldhigga ay ku xirnaayeen laba ka tirsan dagaalyahannada waxayna doonayeen inay badbaadiyaan. “Weerarka ujeedkiisu wuxuu ahaa in Alshabaab ay badbaadiyaan laba qof oo argagixisannimo lagu tuhunsan yahay oo ku xirnaa xabsiga” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan boliiska dalka Kenya ee magaciisa qariyey. Boliiska dalka Kenya ee saldhiggaas ku sugnaa ayaa uga jawaabay weerarka hub culus waxayna dadka deegaanku sheegeen in dhawaqa rasaasta uu socday mudda 20 daqiiqo ah. “Israsaaseyn culus ayaa laga soo warinayaa Dadajabula, Koofurta Wajir, hub culus ayaa la adeegsanayaa iyadoo ciidamada ammaanku oo ay ka mid yihiin militeriga” ayaa lagu yiri war kasoo baxay boliiska Kenya. Markii rasaastu istaagtay, weeraryahannadu waxay dileen labadii qof ee xabsiga ku jiray ee la tuhunsanaa iyo laba sarkaal oo Kenyan ah iyadoo askari kale la dhaawacay. “Waxaan tuhunsannahay in weeraryahannadu ay xabsiga ku dhex dileen dadkii la tuhunsanaa si aysan uga fakan xog ku saabsan Alshabaab,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay boliiska Kenya. The Citizen. Source: goobjoog.com
  17. Armenian advocacy groups expressed dismay that Omar did not back the measure, which overwhelmingly passed the House by a 405-to-11 margin. Source: Hiiraan Online
  18. New York (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay muuqaal muujinayo qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abuukar Al-Baqdaadi. Militariga Mareykanka ayaa soo bandhigay sawiro iyo Muuqaal muujinayo duqeyntii lagu qaaday gurigii uu daganaa Abukar Al-Baqdaadi oo uu Mareykanka madaxiisa dul dhigay adduun lacageed oo gaarayo ilaa 25 Malyan oo lacagta Marekanka ah. Muuqaalka ayaa muujinayo Ciidamada Mareykanka oo rasaas la dhacayo guriga uu daganaa Al-Baqdaadi kadibna waxaa la arkayaa duqeyn culus oo lala beegsaday taasoo keentay inuu burburo dhammaan gurigii uu daganaa Al-Baqdaadi. Al Baqdaadi ayaa kadib ku cararaya god dhulka hoostiisa ku yaala, halkaas oo kolkii dambe uu isku qarxiyey isaga oo wehliyaan saddex caruur. Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka, General Kenneth McKenzie, ayaa sheegay in duqeynta ay dhacday ka dib markii la soo daad gureeyay dhammaan Ciidamadii la qeyb qaadanayey weerarkii lagu beegsaday Hoggaamiyihii Kooxda Daacish. McKenzie wuu awoodi waayey inuu xaqiijiyo sheegashada Trump ee ah in hogaamiyaha Isis uu qaylinayey daqiiqado ka hor dhimashadiisa. Wuxuu sheegay in la aruuriyey haraadigii meydka Baqdaadi kadib markii uu isku qarxiyay god dhexdiisa, halkaas oo uu ku dilay laba caruur ah oo uu watay isla markaasna lagu aasay badda dhexdeeda. McKenzie wuxuu sheegay in warbixinnada bilowga ah ay sheegeen saddex carruur ah, laakiin baaritaanadii dambe waxay muujisay laba. Labaduba waxay da’doodu ka yartahay 12 sano, ayuu yiri. Kooxda Daacish ayaa illaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin sheegashada Mareykanka ee dilka Amiirkeeda, wallow warbaahino kala duwan oo kooxdu leedahay ku kala qeybsameen xaqiijinta warka geerida. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka  Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah ay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaarsiin doonaan gurmad ballaaran oo loogu talogalay dadka uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka oo xubin ka ah guddigan ayaa sheegay in maanta gurmadkan uu tagayo B/weyne. Wasiirka oo ka warbixiyey sidoo kale xaaladda B/weyne ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay aysan jirin xaalad ka daran 24-kii saac ee lasoo dhaafay middii jirtay. Shacabka B/weyne ayaa u baahan gurmad xooggan, cid walbo oo Soomaaliyeedna waxaa waajib ka saaran u gurmashada walaalahooda ku dhibaateysan B/weyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Nairobi)-Wasiirro ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay kaga qaybgalayaan Shirka caalamiga ah ee “Korodhka dadka iyo horumarka ee ICPD)”, kaasi oo la qabanayo 13ka ilaa 15ka Bisha November. Wasiirradan shirka ka qaybgalaya ayaa kala ah Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Eng. Xuseen Ibraahim Buuni. Dawladda Somaliland ayaa doonaysa inay shirkan uga faa’iideysato sidii ay wax uga qaban laheyd dhallinyarada JSL ee sii kordhaysa iyo sidii taabogelin lahaa tayada waxarashada iyo shaqooyinka, Sida uu baahiyey Wargeyska East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay shirkan caalamiga ah doonayaan inay wax ka korodhsadaan sida dalalka caalamku ay u maareeyeen arrimaha waxbarashadda dhallinyarada, gaar ahaan hablaha iyo shaqo abuurka. “Haddii aanu nahay Somaliland waxaanu leenahay dhallinyaro aad u badan, kuwaasi oo doonaya inay galaan suuqa shaqada,”ayuu yidhi Wasiir Sacad. Kulan gogol xaadh u ah shirkan caalamiga ah oo Salaasadii lagu qabtay Nairobi waxa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno Baarlamaan iyo ururro kala duwan, kuwaasi oo ka mid noqon doona ergada ka qaybgali doonta Shirka caalamiga ah ee ‘korodhka dadka iyo horumarka ee ICPD).’ Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Wakiilka Dawladda Hindiya u qaabilsan Kenya ,Asish Sinha ayaa daboolka ka qaaday in dalkiisu uu Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqeyn doono ardayda wax ka barata dhinaca caafimaadka oo ay u sameyn doonaan sidii ay u heli lahaayeen xirfadaha lagama maarmaanka ah. waxa kaloo Wakiilku caddeeyey inay dhinaca qalabeynta ka taageeri doonaan cisbitaalada Jamhuuriyadda Somaliland. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin Wargeyska East African Business Week, oo daabacay kulan ay Nairobi ku yeesheen Ku-xigeenka Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Sharmaarke Geelle iyo Wakiilka Dawladda Hindiya u qaabilsan Kenya Asish Sinha. Mr. Asish Sinha wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan ardayda reer Somaliland ee danaynaya inay caafimaadka ka soo bartaan Jaamacadaha Hindiya. Labada diblomaasi waxay wadajir u falanqeeyeen sida Somaliland iyo Hindiya u yeelan lahaayeen iskaashi Ganacsi iyo mid ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah. Ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee Kenya Sharmaarke Geelle ayaa sheegay in Hindiya wax badan kaga horeyso Somaliland horumarka noocyadiisa kala duwan. “Hindiya aad ayey dalkayaga uga horreysaa dhinac kasta oo laga eego horumarka. Waxaannu doonaynaa inaanu wax ka baranno oo qalabeyno dadkayaga,”ayuu yidhi danjire Sharmaarke Geelle. Waxa kaloo uu xusay in aanay doonaynin in shacabka Somaliland ay hawlo caafimaad uun u tagaan Hindiya, waxase uu tilmaamay in ay jiraan dhallinyaro caafimaadka ku soo baratay Hindya oo ay tahay inay ku soo laabtaan dalkooda oo ay ugu shaqeeyaan aqoontooda. Wargeyska East African Business Week wuxuu iftiimiyey in aanay Beesha caalamku wali aqoonsan Jamhuuriyadda Somaliland, hase yeeshee ay baasaboorka Somaliland aqbaleen dalalka Itoobiya, Jabuuti, Biljam, Koonfurta Suudaan, Kenya iyo Imaaraadka carabta. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Guddidii Wasiirrada ahaa ee uu dhawaan madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi u xilsaaray xalinta shaqaaqadii deegaanka Wada jir ee gobolka Salel ku dhexmartay labada Beelood ee wada dega ayay guddidu go’aamo ka soo saartay shalay. Sida uu ku soo waramay Wariye Khadar Maxamed Maxamuud (Khadar Quule) oo weftigaas wasiirrada ah noola socda, kulamo goono-gooni ah oo ay guddida Wasiirradu la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka labada Beelood ka dib waxa laysugu yimid shirkii labaad ee lagu xoojinayey adkaynta nabada iyo wada jirka bulshada deegaankaasi ku dhaqan. waxana laga soo saaray qodobo la xidhiidha arrintaasi waxana warbaahinta ka hor sheegay wasiirka wasaaradda horumarinta BeerahaAxmed Muumin Seed waxayna u dhignaayeen sidan:- )in Beesha reer Odawaa ee uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu ay muddo 30 cisho gudahood ah ku keenaan gacan ku dhiiglihii. in Beesha Baha-barceli ee uu ka soo jeedo marxuumkii la dilay oo ay weheliyaan xidhahoodii inay intaas nabada ilaaliyaan oo aanay wax talaabo ah qaadin. in haddii Beesha reer Odawaa ee uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu ay ku keeni waayaan muddadaas loo qabtay ay arrintaas masuuliyadeeda la wareegi doonaan gudduuiyaha gobolka Salel iyo taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada qaranka JSL. Sidaas ay xukuumaddu ku heshiisiisay labada Beelood ee walaalaha ah ee ay shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Wada jir ee gobolka Salel way ku qanceen labada dhinacba sida ay ku soo dhamaatay arrintaasi. Geesta kale, guddidan wasiirrada ah ee nabadaynta u joogay gobollada Awdal iyo Salel ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanka Gargaara oo ka tirsan gobolka Awdal waxa soo dhaweyntooda ka qayb qaatay maayarka degmada Lughaya, Cuqaal, Haween Dhallinyaro iyo bulshada deegaankaasi ku dhaqan qaybaheeda kala duwan. ugu horayna waxa bulshada degmadaas halkaas kala hadlay wasiirka horumarinta caafimaadka Cali Cumar C/laahi oo dadka deegaankaas ku soo dhaweeyey uga mahnaqay sida qiimaha sarasa ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo ku booriyey inay nabada adkeeyaan meela uga soo wada jeestaan. Sidoo kale, waxa isna halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (koore) oo hogaaminaya gudidaas wasiirrrada ah, wuxuuna bulshada ku soo dhaweysay deegaanka gargaara iyo Lughaya kula dardaarmay inay xoojiyaan nabadgalyada deegaankooda, isla markaana ay muhiim tahay nabada iyo wada noolaanshaha bulshadu. Odayaashii iyo waxa garadkii deegaankaas ee weftiga wasiirradaha ah soo dhaweeyey ayaa balaan qaaday inay dhinacooda ka shaqaynayaan ilaallinta nabadgalyada, waxay xukuumadda ku amaaneen dedaalka ay ka gashay dejinta arrintaas iyo nabadeynteedaba. Source
  23. (SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in la dhammaystiray isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa. Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray. “Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas hore 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.” Afhayeenka oo ka hadlaya saamaynta siyaasadan cusub ee Itoobiya ee Geeska Afrika, wuxuu sheegay in isbedelo badan oo imika soo kordhay ay sababeen isbedelkan cusub, waxaanu yidhi, “Dhalashadii Koonfurta Suudaan, dhammaynta xaaladii colaadna aan ahayn, nabadna ahayn ee Itoobiya iyo Ereteriya, isbedelka xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa sababay in isbedel lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.” Isbedel cusub ee lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxa la filayaa inuu saamayn ku yeesho Somaliland, iyadoo siyaasadaas hore ee Itoobiya ee khaarajigu ay ahayd halka uu ka dhismay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Lama oga in xukuumadda Madaxweyne Biixi la socoto isbedelkan cusub ee ay Itoobiya ku samaysay siyaasadeeda arrimaha dibadda oo muddo 7 bilood ah jidka ku soo jiray. Source
  24. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo. Dagaalkan yaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo howlgal amniga lagu sugayey ka waday deegaankaasi. Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, dagaalkan ayaa ahaa mid aad u xooggan oo la isku adeegsaday hub culus, lamana oga khasaaraha halkaasi ka dhashay. Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, iyadoo xaaladda ay tahay mid yara deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku baaqay in dadka Somaliland ka qayb galaan gurmadka loo fidinayo bulshada ku tabaalaysan fatahaadaha ee Beledweyne. Qoraal uu arrintan ka soo saaray Guddoomiye Cirro ayaa u dhigan sidan:- Walaalayaal; waxa aan sinnaba looga aamusi karin masiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed ee ku teedsan Wabiga Shabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne. Sawirada iyo muuqaalada argagaxa leh ee laga soo tebinayaa waxa ay inoo muujinayaan waxyeelada weyn ee soo gaadhay dadkaa Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay isla markaana dhiig iyo dhaqanba wadaagno. Waxa aan dhammaan shacabka reer Soomaalilaan ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay u fidiyaan gargaar isla markaana gacan ka geystaan gurmadka loogu jiro samata-bixinta maatada waxyeeladu soo gaadhay ee reer Baladweyn. Baladweyn Allahayow, balayaada hareer mari. Source