Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xubnaha madasha xisbiyada Qaran oo u warramayey TV-ga Soomaali Cable ayaa ka hadlay qorshe la doonayo inay ku wadahadlaan hoggaanka madashaasi iyo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Cabduqaadir Cosoble ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xiriir toos ah la soo sameeyey, Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, islamarkaana hadda ah guddoomiyaha madasha xisbiyada Qaran, isagoona ka dalbaday in wadahadal lagu dhammeeyo xiisada u dhexeysa labada dhinac. Sidoo kale Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu aqbalay soo jeedintaasi, islamarkaana uu u sheegay inay madashu diyaar u tahay wadahadalkaasi. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in madasha xisbiyadu aysan dooneyn kaliya in Sawir la wada galo, basle ay uga fadhiyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha wax cad oo ay ka yiraadaan diyaaraddii ay la socdeen ee lagu qalgal galiyey hawada Beledweyne. “Marka lala fariisto ma rabno oo kaliya in Sawir la qaato oo la yiraahdo Madaxweynihii ayaa la kulmay kaliya ee la iska tago, ee waxaan rabnaa Madaxweynaha inuu soo saaro dhibka uu noo geystay isaga iyo Ra’iisul Wasaarihiisa diyaaradeenii oo socoto isku dayga dilka ahaa inuu wax ka yiraahdo oo uu dhaho sidaan iyo sidaanee wax u dhaceen ama uu Raali gelin ka bixiyo.” ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali Cable. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin oo Ergo ahaan loo soo diray uu la kulmay, Sheekh Shariif, iyagoo kala hadlay xiisada taagan. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse maalimihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayey xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa labada dhinac, kadib safarkii halista lagu galiyey Madaxweynayaashii hore ee magaalada Beledweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa luuqadii ugu adkayd kula hadlay xukuumadda KULMIYE ee uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Taliska Qeybta Booliiska gobolka Mudug, ayaa saaka degmada Galdogob ku soo bandhigay in ka badan 490 dhalo oo khamriya iyo saddex nin oo doonayey in ay soo galiyaan gudaha Puntland. Khamrigaan oo laga keenay gudaha waddanka Ethiopia ayaa lagu soo qaaday laba gaari oo nooca loo yaqaan Mark 2-ga, waxaana kastamka Tuurdibi ku qabtay ciidanka Booliiska Puntland ee halkaasi ku sugan. Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug, G/sare Jaamac Maxamed Axmed oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in khamriga laga soo raray degmada Gallaaddi ee dowlad degaanka Soomaalida, islamarkaana la rabay in la geeyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland. G/sare Jaamac Maxamed, ayaa tilmaamay in isla maanta ay maxkamad la horgeyn doono saddexda nin iyo khamriga ay wataan, si loo mariyo ciqaabta ay mudan yihiin. Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in Booliisku shalay kantaroolka magaalada Gaalkacyo ka qabteen ilaa 7 kartoon oo khamriya, taasi oo loo waday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo degmada Galdogob ku soo bandhigay in ka badan 490 dhalo oo Khamriya appeared first on Puntland Post.
  4. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan goor dhow ka qarxay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Dagaalka oo ah mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ay weerareen hoyga guddoomiyihii xilka laga qaaday ee magaaladaasi, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Shik-Shigow). Wararka ayaa sheegaya inay iska caabin sameynayaan ciidamo daacad u ah guddoomiyaha oo ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyey. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ka socda qeybo ka mid ah degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Xiisadan ayaa sameyn xoogan ku yeelatay dhaq dhaqaaq guud ee magaaladaasi, iyadoo ay xirmeen goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga degmadaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  5. Sanad ayaa iminka la joogaa markii la doortay guddiga fulinta Xaririirka Kubbadda Cagta Soomaaliya 15 Novermber 2018 Cabdiqani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha Xaririirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa Goobjoog u sheegay mudadii sanadka aheyd in ay wax badan ka qabteen arimo badan oo horyaalka wuxuu sheegay in ay wax badan ka qabteen cabshada Maamul Goboleedyada iyo baahinta K.Cagta. Saddex macallin oo kasoo jeeda wadanka Ghana ayaa loo magaacabay geedi socodka iyo horomarka natiijooyinka Xulka Qaranka waxayna kala yihiin Bashir Hayford oo ah tababare Xulka waaweyn,Ignatious Kwame oo isna ah layliyaha Qaranka da’yarta iyo sidoo kale tababare Jerry oo macallinka goolhayaasha Xulka iyo kooxaha Kubbadda cagta guddoomiye Cabdiqani Saciid ayaa sheegay in wax la tabaan karo laga sameeyay dhinaca farsamada xulka qaranka bilooyinkii lasoo dhaafay welin ay radiyaan in lasii horomariyo. “Guddiga fulinta X.K.Cagta mudadii uu joogay xafiiska waxa uu waqti iyo qarash ku bixiyay arimaha horomarinta Maamul Goboleedyada wuxuu ku guulaystay in xafiisyo u furo maamulada kala ah Hirshablee iyo Koonfur Galbeed,sidoo kale Xiriirka wuxuu miisanayada lagu horomarinayo urarada kubbadda cagta gobolada siiyaa dhamaan shanta Maamul Goboleeda,taasina waxay ka mid tahay shaqooyinka adag aan qabanay” ayuu Cabdiqani Saciid Carab u sheegay Goobjoog Sports. 18 July 2019-Guddomiyaha Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday guddiga fulinta Qaarada Afrika ee CAF waxaana kusoo laabashada booskan soo dhaweeyay taageerayaasha kubbadda cagta,iyagoo guul u rajeeyay madaxda xariirka ee da’daalka wanaagsan uga jira qabashada joogaooyinka waaweyn ee kubbadda cagta sida FIFA CAF iyo urarada kale ee caalamka Guddiga fulinta Xariirka Kubbadda cagta ayaa u mahad celiyay saaxiibada markasta kala shaqeeya horomarka,iyagoo dhinaca kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhagestaan aragtida ka imaanaysa qof kasta ee ku nool wadanka gudihiisa iyo dibadda,si loo gaaro guulo waaweyn oo dhinaca kubbadda cagta. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Wixii U Qabsoomay Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Soomaaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in Masuuliyiintii xalay lagu xiray Hargeysa ay iminka ku jiraan Xabsiga weyn ee Mandheera. Xalay ayaa [...] Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Wararka aanu hadda helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay xayiraad ka soo rogtay Telefishanka HCTV. Xukuumadda ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabtay wariye ka tirsan Telefishanka HCTV oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Coday oo a sheegay in uu yahay tafatiraha Telefishanka. Ma jiro warar faahfaahsan oo ka soo baxay xayiraada HCTV iyo xadhiga Wariyaha, balse waxa ay wararka sheegayaan in uu ku xidhan yahay xarunta dambi-baadhista ee CID-da, sidoo kale la xayiray dhammaan xarumaha Telefishanka. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala socda Somalilandtoday Source
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay gudaha degmada Hargeysa ayaa si kulu uga hadlay xiisada siyaasadeed ee maanta ka taagan gudaha magaaladaasi. Cirro ayaa ugu horreyn sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu sii galayey xarunta xisbiga oo la geeyey ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi ay ku ciyaareyso nabadda gelyada, iyadoo adeegsaneyso ciidanka Qaranka. “Xukuumaddu iyada ayaa nabad gelyada ku ciyaaraysa, xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuurin.” ayuu yri guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka walaacsan yahay xarigga xoghayaha xisbiga Wadani, Khadar Cabdi Xuseen iyo afhayeenka guud ee xisbigaasi, Barkhad Jaamac Batuun, kuwaas oo uu sheegay in loo wareejiyey xabsi kale. Guddoomiyaha xisbiga Wadani ayaa sharci darro ku tilmaamay xariga mas’uuliyiintaasi, wuxuuna sheegay inay ka hor imaaneyso dimuqraadiyadda, sida uu hadalka u dhigay. Sida aan xogta ku helnay xubnaha xisbiga ee xiran ayaa waxaa loo wareejiyey xabsiga Mandheera, taas oo uga sii dareyso xiisada ka taagan magaalada Hargeysa. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo jidadka magaaladaasi, si ay uga hortagaan dibadbax laga cabsi qabo inuu ka dhoco halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  9. Ururka Jaamacadda carabta aya soo dhaweeyay heshiiskii ay wadda gaareen madaxweyne mohamed Abdullaahi Farmaajo iyo uhuru Kenyatta kaas oo ku saabsana soo celinta xiriirka labadda dal. Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ee jaamacadda carabta aya lagu yiri “ Xoghaynta Ururka ayaa amaaney doorka hogaamineed ee ay ka ciyaareen Madaxweyne Mohammad Abdullah Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta sidii loo gaari lahaa heshiiskan iyo talaabooyinka labada dhinac ay ka fulinayaan labada dal ee deriska ah.” Dhanka kale, Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany,IGAD, Italy,OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay heshiiskii ay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen caasimada dalka Kenya ee Nairobi. Beesha Caalamka ayaa rajo weyn ka muujisay in la hirgelin doono qodobada ay ku heshiiyeen labada madaxweyne kuwaasoo sii xoojinaya xiriirka labada dal. PUNTLAND POST The post Jaamacadda Carabta oo soo dhowaysay Heshiiskii ay wada-gaareen Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  10. Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka iyadoo wasiirka wasaaraddasi uu sheegay in Khubaro loo dirayo goobahaas. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid Warbaahinta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ayaxa uu dhibaato badan gaarsiiyay degaanno ka mid ah gobollada Mudug, Galgaduud, Sanaag iyo Sool. Wasiirku waxaa uu intaasi ku daray in Ayaxa uu bilowday Bishii Julay ee Sanadkaan, islamarkaana Wasaaradda ay waddo qorshe looga hortagaayo. Wasiir Saciid ayaa tilmaamay in Ayaxa uu nabaadguuriyay degaanno badan oo ay ku noolaayeen dad Xoolo dhaqato. Wasaaradda Beeraha waxay diyaarisay qorshe lagula dagaallamaayo Ayaxa, islamarkaana Koox ka socoto Wasaaradda ayaa loo dirtay degaanada ay dhibaatadu ka dhacday. Source: goobjoog.com
  11. Taliska ciidanka Nabad sugidda ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay taliskan. Ninkan lasoo bandhigay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Rayaan Shiikh Nuuur, wuxuuna Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiil ka tirsan Nabad sugidda Jubbaland ayaa sheegay in shaqsigan uu xiriir lasoo sameeyey dhankooda, sidaasina ay ku qaabileen. Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo nabad sugidda Jubbaland ka bixiyeen sarkaalkan kasoo baxsaday dhanka Al-shabaab. Ururka Al-shabaab weli dhankooda wax war ah oo ku aaddan shaqsigan kasoo goostay lagama hayo, hase ahaatee marar badan Kismaayo waxaa iska dhiibay xuno Al-shabaab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa xukuumadda Biixi iyo sidoo kale xisbiga Wadani. Guddoomiyaha xisbiga Wadani C/raxaan Cirro ayaa shalay ugu yeeray taageerayaashiisa iney maanta isugu soo baxaan dibadbax ka dhan ah xukuumadda iminka talada haysa. Hay’adaha ammaanka ayaa isla shalayba sheegay in aan la isku soo bixi krin, una arkaan arrintaasi iney tahay mid lagu qal-qalgelinayo amniga. Sidoo kale ,waxay ciidamada Booliiska ay xabsiga dhigeen xalay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadani, kuwaasi oo kala ah Khadar Xuseen Cabdi, Barkhad Jaamac iyo kuwo kale. Saakay ayaa lagu waabariistay xaaladda oo ka duwan sidii hore iyo ciidamo badan oo ku sugan xarunta xisbiga Wadani. Guddoomiye Cirro ayaa goor dhow waxa uu gaaray xaruntan oo ay ciidan badan horjoogaan, isaga oo si xoog ah ku galay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Booliiska awood u adeegsadeen dad halkaasi yimid, rasaas ay fureenna uu Hal qof oo shacab ah ku dhaawacmay. Xaaladda Hargeysa ayaa ah maanta mid aad uga duwan maalmihii hore ee aynu kasoo gudubnay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya inay sii xoogeysatay xiisada ka taagan magaaladaasi. Rabashado u dhexeeya taageerayaasha xisbiga Wadani iyo ciidamada ammaanka ayaa ka socda afaafka hore ee xarunta weyn ee xisbigaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dd ku sugan halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani, Cabdiraxmaan Cirro uu gaaray xarunta xisbiga oo la soo dhoobay ciidamo Boolis ah, kadibna uu xoog ku galay xaruntaasi, taas oo sababtay in rasaas ay furaan ciidamada. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay rasaasta, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka aan la hadalnay. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dibadbaxyo ay ka dhacaan Hargeysa, kuwaas oo uu shalay iclaamiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani. Arrinta ayaa ka sii dartay, kadib markii xalay ciidamada Booliska maamulka Somaliland ay xir xireen xubno ka tirsanaa xisbigaasi oo si weyn uga soo horjeeda xukuumadda Madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi.
  14. Miraa and muguka sold in most parts of Nairobi County are contaminated with disease-causing germs, a survey released last Friday shows. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera sida uu sheegay guddoomiye Cirro waxaanu yidhi “Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga waxaa loo dhaadhiciyey Maandheera, falkaasi waa fal argagixiso ah oo aan sinnaba loo aqbali karayn. Mar labaad baan ku baaqayaa in xorriyadoodii si degdeg ah dib loogu soo celiyo. Muuse iyo gacan-yarayaashiisu nabadda ha ilaaliyaan”, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Miraa and muguka sold in most parts of Nairobi County are contaminated with disease-causing germs, a survey released last Friday shows. Source: Hiiraan Online
  17. Maxamed Siciid Cabdullaahi wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay wado qorshe adeegyo bulusho oo ay ugu horreeyaan kuwa caafimaad ay uga fulineyso degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wasiir ku xigeenka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhibaatooyin xoogan ay wajahayaan shacabka degmadaasi oo u baahaan adeegyada aas aasiga ah ee nolosha. Awdheegle ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee lagala wareegay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/wa.mp3 View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xadhiga Madaxda Xisbiga Waddani Iyo Nuxurka Uu Xalay La Yeeshay Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Kooxda Jaaliya Soomaaliyeed ee Melboune ayaa sanadkii afaraad dalka u imaanaya ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho,iyagoo sanadkii lasoo dhaafay 2018 booqashooyin ku maray Gobolka Banaadir,Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaana socdaalka kooxdan sanad walib suga dhallinyarada. Guddoomiyaha Xariirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa bogaadiyay maamulka kooxda Melbourne sida ay sanad waliba u joogtinteenayaan imaatinkooda Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray in Xariirka Kubbadda Cagta uu u baahanyahay qibradooda xaga ciyaaraha. Kaliya sanadihii lasoo dhaafay u imaanin ciyaaro saaxiibtinimo oo qura waxaa la socday koox taqaatiir ah oo in dhafiiqis u sameeyay kumaan bukaano ah oo ku kala noolaa magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo dadkii la sameeyay howlaha caafimaadka sanadii 2018 ayaa u mahad celiyay kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne,balse maamulka iyo dhallinyarada fuliyay howlahii caafimaadka ayaa sheegaya in ay sii wadi doonaan howlahan oo muhiim u ah dadka da’yarta ee ku nool Soomaaliya. Dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa ku jira qaban qaabada iyo soo dhaweynta kooxda Melbourne,iyagoo kaga mahad celiyay hal buurkooda wanaagsan ee is dhaxgalka bulshada iyo caawinta dadka danyarta waxayna qurbajoogta kale ka dalbadeen in ay yimaadaan dalkooda. Guddoomiyaha kooxda Melbourne DR.Xuseen Xarakow ayaa sheegaya in ay diyaar u yihiin in sanad walib ay yimaadeena Soomaaliya wuxuuna Goobjoog Sports u sheegay hadii ay iska kaashaan bulshada gudaha iyo kuwa qurbajoogta dalka uu gaari doono meel aad wanaagsan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinka Iyo Socdaalka Kooxda Melbourne Ee Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Boorama)-Maxaabiis ayaa la sheegay inay ka baxsadeen maxkamad ku taalla magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, xilli uu halkaasi ka dhaceyey dhagaysigooda oo la xidhiidhay in rabshado ka dhacay magaalada Boorama saddex bilood ka hor ay ka dambeeyeen. Ciidammada booliska ee ilaalinayay ammaanka ayaana bilaabay inay ridaan rasaas in kastoo la sheegayo inaan cidna wax ku noqonin rasaasta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somalilland, ayaa sheegaya in saaka xarunta xisbiga Waddani ay ku wada- sugan yihiin dibad-baxayaal tiro yar iyo ciidanka Booliiska. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro, ayaa shalay taageerayaasha Xisbiga ugu baaqay in ay isugu soo baxaan xarunta xisbiga uu ku leeyahay caasimadda Hargeysa, si loogu gudbiyo farriin muhiima oo Somaliland lagu badbaadinayo Balse, taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax bannaanbax oo lagu qaban karo Magaalada Hargeysa “Mudaharaadku sharci buu leeyahay, sharci wax aan waafaqsaneynna yeeli meyno” ayuu yiri taliyaha. Sidoo kale, Booliiska Somaliland ayaa xalay xabsiga dhigay af-hayeenka xisbiga Wadani, Barkhad Jaamac Batuun iyo xoghayaha xisbigaasi Khadar Xusseen Cabdi, taasi oo sii kululaysay xiisadda siyaasadeed ee u dhexaysa xukuumadda iyo mucaaradka. Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo mucaaradka ayaa maalmihii u dambeeyay is-dhaafsanayey hadalo kul-kulul oo ku saabsan muranka ka taagan guddiga doorashooyinka. Xisbiga Wadan ayaa sheegaya in laba xubnood oo uu soo xulay Madaxweynaha ay yihiin sharci darro. PUNTLAND POST The post Dibad-baxayaal kooban oo isugu soo baxay xarunta Xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  22. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee dowladda. Filish ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wadajir la’isaga kaashado sugida amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamulka uu horkacayo ee gobolka Banaadir uu ka shaqeyn doono, sidii loo heli lahaa amni iyo nabadgelyo buuxda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/55.mp3 View the full article
  23. (SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Doxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than. Kulanka dhex maray Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xidhiidh soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo lagaga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka. Source
  24. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa lacag ku dhow 150,000 oo dollar oo kale siisay shirkadda uu leeyahay Tim Mynett oo ah ninka caddaanka ah ee la tuhunsan yahay inuu xidhiidhka ka dhaxeeyo, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Post. Ololaha Ilhaan ayaa shirkadda Mynett uu leeyahay ee E Street Group u dusisay $146,712.63, sida ku cad diiwaankeeda lacagta ololaha. Lacagtan ayaa lagu sheegay in shirkadda Mynett loo siiyey xayeysiin online ah, la-talin lacag ururin iyo soo saaris muuqaallo, oo ay samaysay Ilhaan. Markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan in Ilhaan iyo Mynett ay xidhiidh jaceyl leeyihiin, ayaa waxaa ka hor ay Ilhaan siisay shirkadda Mynett lacag dhan 223,000 oo dollar, taasi oo tirada lacagta guud ee ay siisay ka dhigeysa 370,000 oo dollar. Dadka kasoo horjeeda Ilhaan ayaa ku dooday in lacaghaan ay sharci darro yihiin islamarkaana Ilhaan u siineyso Tim Mynett xidhiidhka ka dhaxeeya dartiis. Si kastaba hay’adda federaalka ee qaabilsan inay arrintan baadho ayaa sheegtay in ayna sidaas sameyn karin illaa guddiga qaabilsan uu amro in la baadho. Ilhaan iyo Mynett ayaa hore u beeniyey inay xidhiidh leeyihiin inkasta oo sawirro qarsoodi ah oo laga qaaday ay sidaas muujinayaan. Ilhaan ayaa bishii October waxay maxkamadda Hennepin County ee Minnesota ka codsatay in laga furo ninkeeda Axmed Xirsi, iyada oo sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin. Furiinkaas ayaa si rasmi ah loo dhameystiray 5-tii November. Source
  25. Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in xalay xubno ka tirsan xusbiga Wadani lagu xiray gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Guddoomiyaha xisbiga mucaaraadka ee Wadani, Cabdiraxmaan oo ka hadlay xariggaasi ayaa cambaareeyey, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Biixi inay sii deyso xubnahaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cadaadiska lagu hayo shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland uu gaaray meeshii ugu sarreysay, taasina ka hor imaaneyso Dastuurka maamulkaasi. Dhinaca kale taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadi ayaa ka digay in maanta taageerayaasha xisbiga Wadani ay dibadbax ka dhigaan magaalada Hargeysa. Taliyaha ayaa sheegay in wixii mas’uuliyad darro ah ee ka yimaada banaanbaxaasi ay qaadi doonaan hoggaanka xisbiga Waddani ee Somaliland. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay isku dhacaan Booliska iyo dibadbaxayaasha. View the full article