Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka naga soo gaaraya Hargeysa ayaa sheegay in sheegaya in maanta ay xaaladdu kacsan tahay, kadib markii ay isku dhaceen taageerayaasha Wadani iyo laamaha amniga. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo la geeyey xarunta weyn ee xisbigaasi ayaa la sheegay in ay isku dayeen inay is hortaag ku sameeyaan dadkaasi iyo hoggaanka xisbiga, taas oo sababtay isku dhac sababay khasaare u badan dhaawac. Taliyaha Boolsika Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhe oo ka hadlay shaqaaqadaasi ayaa sheegay in dhibaatada ka dhacday halkaasi ay qaadayaan mas’uuliyiinta xisbiga Wadani. Dhankiisa C/raxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha xisbigaasi ayaa eedeyn u jeediyey xukuumadda Muuse Biixi, wuxuna sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu doonayey inuu gudaha galo xafiiskiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Arrintan ayaa waxa ay sii xoogeysatay, kadib markii xalay ciidanka Boolisku ay xireen xoghayihii iyo afhayeenka xisniga mucaaradka ee Wadani. View the full article
  2. Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa ku warramaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaa u dhexeeyey Ciidamadamaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo ciidamo uu watay gudoomiyihii hore ee degmadaasi, Cabdullaahi Ibraahim nuur Shik-Shigow. Dagaalka oo ahaa mid Culus ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Illo dadka deegaanka ayaa shabelle u xaqiijiyay in dagaalkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Sidoo kale waxa iska hor imaadka oo muddo socday ku dhaawacmay dad gaaray illaa afar qof. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana degmada gacanta ku haya ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Itoobiya View the full article
  3. Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo qaar kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, kulanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxay aqoonyahanadu aragtidooda ka dhiiban doonaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay ee dastuurka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalaaysha waxa uuna sharaxay ujeeddada iyo hannaanka shirku u socon doono. Sidoo kale, Maxamed Gaagaab oo kamid ah xubin ka tirsan Gudigga La-socodka ee dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhaweeyay shirka isaga oo ka warbixiyay howlihii badnaa ee la soo qabtay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay. Wasiir Ku-Xigeenka Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in aqoonyahanada shirka lagu casumay ay hortaallo howlo adag oo ah inay aragtiyadooda ka dhiibtaan arrimaha dalka ee masiiriga ah. Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan shirkan idin kala soo qaybgalo oo ka doodno aayaha dambe ee Soomaaliya, sida aad ogtihiin dastuurka inta ugu badan dib-u-eegis ayaa lagu sameeyay waxaana dooneynaa inaad taladiina ka dhiibataan; aqoonyahanada waxay kamid yihiin dadka ugu muhiimsan bulshada sidaa awgeed waxaan idinkaga fadhinaa inaad aqoontiina ku kordhisaan howlaha aan wadno”. Ugu dambayn, aqoonyahanada ka qaybgalaysa shirka ayaa waxaa lala waadagay nuqul kamid ah qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay iyagoo bilaabay inay ka talo bixiyaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-18112019.mp3 View the full article
  5. Muqdiso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadka oo muddo socday ayaa waxa uu dhexmaray ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliska iyo Milatariga Soomaaliya, kuwaas oo ku dagaalamay xaafadda Bunbacoole ee degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu sababay muran iyo is qab qabsi ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa israsaaseyntan ku dhintay illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya, iyadoona uu ku dhaawacmay taliyaha saldhigga Booliska degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, Cali Culusow. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkan, balse waxaa goobta gaaray saraakiil Boolis ah oo kala dhex galay labada ciidan. Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq dhaqaaqa Bunbacoole degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Inta badan askarta Booliska iyo kuwa Milatariga ayaa ku dagaalama Caasimada, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa rayid aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI Ee Gobollada Togdheer Iyo Saaxil Oo Taageerayaashooda Ugu Baaqay Inay Maalinta Bari Ah Isku Yimaadaan Xarumaha Xisbigooda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Farshaxan Amin Arts Oo Sawir Cajiib Ah Ku Muujiyay Xaaladda Ay Somaliland Ku Sugan Tahay Source
  8. Taliyaha Nabad sugidu Fahad ayaasiin oo todobaadkii hore la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa Fahad wuxuu Sheikh Shariif u gudbiyey Fariin [...] Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Daba-gale) ayaa sheegay in ilaalada Guddoomiye Cirro ay toogasho ku dhaawaceen taliye qaybeed ka tirsan ciidanka booliska, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwaddii uu 6-dii bishii October ee sanadkan 2019-ka gudbiyay xisbiga uu hoggamniyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran. Dooda ugu horreysa ee maanta ayaa aheyd nooca dacwadda iyo sida loo qaadayo, taasi oo la xariirta arrimo dhinaca maamulka ah. Hoolka maxkamadda waxaa ku sugan guddoomiyaha maxkamadda sare, garsoorayaal kale, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo xubno ka socda xisbiga Himilo Qaran. Dacwaddan ayaa daba socoto is hortaagii kol hore lagu sameeyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Tan iyo wixii ka dambeeyey markaasi ayaa waxaa sii xoogeysanayey khilaafka madaxda dowladda iyo madaxweynihii dowladdii KMG aheyd, kaas oo hadda gaaraya meel xun. Lama saadaalin karo natiijada ka soo bixi karta dacwaddan iyo sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa muuqata inay si aad ah maxkamaddu uga daahday dhageysiga kiiskan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa oo ay qatabo maxkamadda sare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Wasiir Cabdisamad Gallan Wararka ka imaanaya degmada Carmo ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay goor dhoweyd raasaas xooggan isku weydaarsadeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo dhowaan gadood sameeyay iyo ilaalada wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan. Goob-joogayaal ku sugan degmada Carmo, ayaa Puntland Post u sheegay in ilaalada wasiirka Amniga iyo ciidanka kale oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux, ay tacshiirad culus ku dhexmartay gudaha Carmo, inkastoo aan la ogayn haddii khasaare kala gaaray labada dhinac. Xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayo Beel-daaje Maxamed Beel-daaje Ismaaciil ayaa sida la sheegayo markii dambe ku guulaystay in ay kala dhex galaan wasiirka iyo ciidanka Daraawiishta ee halkaasi ku sugan. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, waxa uu la xiriiray muranka wasiir Cabdisamad Gallan iyo ciidanka uu hoggaamiyo sarkaalka la yiraahdo Ciise Yulux oo maalin ka hor waan-waan lagaga soo saaray magaalada Boosaaso kadib gadood ay sameeyeen. PUNTLAND POST The post Wasiir Amniga Puntland oo lagu rasaayeeyay magaalada Carmo appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Warar aynu hadda ka helayno magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in mudaharaadyo hor leh ka bilaabmeen magaaladaasi, kuwaas oo ay dhigayaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Taageerayaasha Wadani ee Burco ayaa la sheegayaa in ay iskugu soo baxeen gudaha magaalada, iyagoo raacaya hadalkii guddoomiye Cirro ee uu shanta gobol ee Somaliland ugu baaqay in taageerayaasha xisbigiisu ay ka dhigaan banaanbaxyo. Dibadbaxyadaasi uu ku baaqay Cirro ayaa waxa looga soo horjeedaa hanaanka maamul ee xukuumadda, iyadoona ay daba socdaan xiisadii muran ee ka taagneyd xubnaha guddiga cusub ee komishanka, ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland. Ciidamada Booliska ee maamulkaasi ayaa markiiba bilaabay howlgallo ay ku kala dareerinayaan taageerayaasha xisbiga ee gudaha magaalada Burco ka dhigayay banaanbaxa ka dhanka ah xukuumadda Biixi. Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa sidoo kale waxa lagu arkayey isagoo gaaf wareegaya goobaha ay iskugu soo baxeen taageerayasha xisbiga Wadani, kaasi oo qeyb ka ah kala dareerinta dadkaasi. Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si weyn uga soo horjeeda banaanbaxyada uu ku baaqay guddoomiyaha xisbiga Wadani, taasi oo xiisad xoogan ka dhex abuurtay taageerayaasha xisbiga iyo Xukuumada Somaliland. Xiisadan ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii saaka ay ciidamada Booliska ee lagu hareereyay xarunta xisbiga Wadani ee magaalada Hargeysa ay rasaas ku rideen guddoomiye Cirro iyo taageerayaal la socday, midaasi oo ay kaga hor istaagayeen galida xaruntooda. Cirro ayaa isaguna sii xoojiyay banaanbixii uu shalay ku baaqay, wuxuuna dhamaan xafiisyada gobolada Somaliland ee Wadani ugu baaqay in ay iskugu yimaadaan taageerayaasha xisbiga, si ay u muujiyaan dareenkooda ka dhanka ah xukuumadda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Xili ay Xukuumadu ka digtay in Mudaharaad la qabto maanta oo isniin ah hada Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani waxay saaka bilaabeen Mudaharaad ka dhan [...] Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Kooxo Argagixiso Ahi Ay Qabsadeen Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Qatari Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani on Sunday received a message from Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo on bilateral relations and means to develop them, the Qatari royal court said in a statement. The message was conveyed by Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre during a meeting with the Qatari emir at the royal palace. Sheikh Tamim and Khayre reviewed cooperation between the two countries and ways of promoting them. Earlier this month, Qatar organized an airlift for the relief of flood victims in Somalia as water submerged villages and towns and made thousands of families homeless. Earlier, Doha hosted a ministerial meeting of the Organisation of Islamic Cooperation Contact Group on Somalia, attended by 15 member states, to drum up international support for security, stability, and development for the Somali people and alleviate the effects of natural disasters in the African country. View the full article
  16. Waxa Xarunta Danbi Baadhista ee CID-da Hargeisa lagu xidhay, Tifatiraha Guud ee Horn Cable TV Cabdiqaadir Saleebaan Casayr ( coday). Xafiiska Danbi baadhista ee CID du waxa uu codsaday in Xayiraad la saaro Horn Cable TV, bales Xayiradaasi ma soo gadhin Xafiiska talabadasina ma fulin ilaa imika, waxanay kamid ahayd qoraalka loo akhriyay tifatiraha. Maalmihii ugu danbeeyay waxa dacwado kala duwan looga yeedhay Tifatiraha Guud iyo Xafiiska Wararkaba Coday iyo Galaydh Maxkamada Gobolka. Balse waxa loo akhriyaya Tifatiraha Guud intaan la xidhin xafiiska Danbi baadhista, in Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalintu codstay in Xayiraad la saaro Horn Cable TV, iyadoo cabsi ka qabtay in gudbinta wararka iyo xaqiiqoyinka xoriyada Saxaafada ee dhacdooyinka malin laha ah. Maamul ahaan waxanu kasoo horjeedna noockasta oo cabudhin ah, xadhig, handidaad , Xayiraad iyo wixii lamid ah, Xeerarka Saxaafada iyo Dastuurka JSl waxay damaanad qadayaan ilaalinta Xoriyatul Qawlka Warfidiyeenada iyo Xarumaha warbaahinta. Waxaanu sii wadi doona gudbinta baahiyaha bulshada, helida warar sugan, ilaalinta dhexdhexaadnimada, adkaysiga iyo u dhabar adayga gaadhista xoriyad taam ah oo lagu ilaaliyo Xoriyatul qawlka dalka Somaliland. Iyada oo aanan ku raadinayn cunfi iyo caadifad balse aanu u marayno dariiqa xeerarka saxaafadu noo jideeyay. Mohamed Abdi Ilig Agaasimaha Guud ee HCTV. Source
  17. Wasiir u Dowlada Bada iyo Dekadaha Puntland Yusuf Maxamed wacays dhedo ayaa maanta xilkiisa loo dhaariyey. Munaasabada Xildhaarita oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa [...] Source