-
Content Count
213,970 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo mar kale ka hadlay muranka u dhexeeya Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland aysan lacag iyo mashaariic ka raadinayn Villa Soomalia, balse ay doonayso in ay saamigeeda ka hesho hannaanka awood-qeybsiga dalka ee 4.5 (Four Point Five). Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hannaanka awood-qeybsiga Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan nidaamka Qabaliga ah ee beelaha ku salaysan oo reer walba uu saami goonniya ku leeyahay xilalka dowliga ah, sidaasi darteedna Puntland ay mar kasta raadinayso saamiga uga maqan dowladda dhexe. Mudane Deni ayaa xusay in markii Puntland gudaheeda la joogo beel kasta ay ku xisaabtamayso saamiga ay ku leedahay kuraasta Puntland, sidaasi oo kalena la doonayo in loogu xisaabtamo kuraasta heer Federaal. Waxa kale oo uu sheegay in maadaama isaga loo doortay madaxweynaha Puntland, ay ka go’antahay in uu Villa Somalia kula xisaabtamo saamiga Puntland uga maqan dowladda dhexe, isagoo bulshada ka codsaday in lagu taageero go’aankiisa. Madaxweynaha ayaa si sarbeeban u sheegay, in dhawr jeer Villa Somalia u ballan-qaadday lacago, si uu uga tanaasulo go’aankiisa ku aaddan la xisaabtanka xukuumadda Federaalka, balse uu iska diiday ballan-qaadkaasi. Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si sarbeeban u qiray in uu dhawr jeer lacago ka diiday Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Qaramada Midoobay ayaa jimcihii shalay shaacisay, in fatahaadaha roobku ka sameeyay gobollo ka tirsan Koonfuurta Soomaaliya ay bara-kiciyeen in ka badan 270,000 kun oo ruux, islamarkaana ay burburiyeen kaabayaashii nolosha ee dadkaasi. Meelaha dadka ugu badan ka bara-kaceen, waxaa kamid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu fatahaad xooggan ka sameeyay webiga Shabeelle, kadib markii roobab mahiiggaana halkaasi ka da’een todobaadyadii la soo dhaafay. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in magaalada Beledweyne oo keliya ay ku dhinteen 10 ruux, kadib markay la rogmatay doonni ay saarnaayeen, xilli ay doonayeen in ay soo badbaadiyaan shacab ku go’doonsanaa fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay degmadaasi ku taalla bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay hoosta ka xarriiqday in dadka kor u dhaafaya 270,000 kun oo ruux ee ku bara-kacay fatahaadaha webiyada Jubba iyo Shabeelle, ay u baahan yihiin in lala gaaro gargaar deg deg ah. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in Fatahaadda Soomaaliya ay bara-kicisay in ka badan 270,000 kun oo ruux appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay bulshada ku nool magaalada Qardho, ayaa ku baaqay in loo istaago la’dagaallanka xaalufinta degaanka, si looga ilaaliyo nabaad-guurka. “Wax soo-saarka in la ilaaliyo, waxa ugu muhiimsan waxa weeye, degaanka in la ilaaliyo. Gobolka Karkaar, madaxdiisana waan farayaa, dadkiisana waan ka codsanaya in gacan lagu siiyo la’dagaallanka dadka dhuxusha shidaaya” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda waajib ka saaranyahay, in bulshada loo keeno wixii baddiil u noqon lahaa shidista dhuxusha, isagoo ku boorriyay dadweynaha, in la isticmaalo Gaaska cuntada, si looga maarmo dhuxusha iyo xaabada oo sida uu sheegay xaalufin ku haya degaanka. Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa ku amray wasaaradda Maaliyadda Puntland, in dhammaan shirkadaha keena gaaska cuntada canshuur-dhaaf loo sameeyo, si loo dhiirri-geliyo isticmaalka gaaska. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo amray in canshuur-dhaaf loo sameeyo shirkadaha keena gaaska cuntada appeared first on Puntland Post.
-
Gen Cabdullaahi Fadal Iimaan Taliyhii Ciidanka Booliiska Somaliland Gen Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, sida uu xaqiijiyay xafiiska madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Gen. Fadal oo sida la sheegay maalmahan dambe ku xanuunsanaa magaaalada Hargeysa, ayaa xalay ku geeriyooday halkaasi oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. “Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi. Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland, waxa uu taliye Fadal ku tilmaamay, halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu Somaliland u hayey, har iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, kuna suntanaa ka qayb-qaadashadii as’aaska ciidanka Booliska Somaliland, isagoo shaqada ka soo bilaabay meel hoose, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka Booliska” sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada Somaliland. “Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Taliyihii Ciidanka Booliiska Somaliland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa Goor Dhaweyd ku geeryooday Magaalada Hargeisa, sida uu xaqiijiyey wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac. Taliyaha ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Hargeysa International oo uu xaalad Caafimaad u yaalay. Maamulka iyo Bahda warbaahinta Somalilandtoday waxay tacsi u diraysa ehelka, qoyska, qaraabada, ciidamada iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdillaahi Fadal. Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Go’aankii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ugu magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya Workneh Gebeyehu inuu noqdo xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD ayaan dhaqan gelin, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada online. Go’aankan ayaa dood badan iyo diidmo ka dhex-abuuray IGAD, ayada oo ay ka hor-yimaadeen Jabuuti iyo Soomaaliya oo doonayey in qof kasoo jeeda dalalkooda midkood xilkan loo magacaabo. Workneh Gebeyehu ayaa waxaa lagu magacaabay warqad kasoo baxay xafiiska Abiy, 22-kii October, hase yeeshee waxaa hadda la sheegay in wasiirkii hore lagu war-geliyey inuu sugo islamarkaana aanu go’aankaas dhaqan gelin. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Gebeyehu loo sheegay inuu sugo magacaabis rasmi ah oo loogu dhowaaqi doono shir madaxeedka IGAD oo dhacaya labada toddobaad ee soo socda. Ma cadda sababta Abiy arrintan dib uga laabtay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu shirka IGAD ku magacaabo, si aan loogu arag go’aan uu kaligiis qaatay, kadib cadaadi uu la kulmay. Madaxda IGAD ayaa marka ku kulmaan Addis Ababa go’aan ka gaari doona xilalka guddoomiyenimada IGAD iyo kan xoghayaha fulinta. Guddoomiyaha IGAD waxaa hadda ah Abiy, halka xoghayaha uu ka yahay Maxbuub Macallin oo Kenyan. Kenya ayaa dooneysa in Uhuru la wareego guddoomiyaha, halka Itoobiya rabto xoghayaha fulinta. Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa taas u arkay mid awoodda IGAD ay ayaga oo heshiis ah kula wareegayaan Kenya iyo Itoobiya. Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonaya in xilalka ururka noqdaan kuwa wareegto ah, oo aan hadda kadib lagu loolamin. Soomaaliya weligeed ma qaban labadan xil midkoodna. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland, General Cabdillaahi Fadal Iimaan. Taliyaha oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaayay Magaalada Hargeysa ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka International ee Magaalada Hargeysa. Madaxda Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Genaral Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland. Jananka ayaa waxaa maalinta berrito lagu wadaa in lagu aaso Deegaanada Somaliland, waxaana aaskiisa la fillayaa in ay ka qaybgalaan Madaxda Somaliland ugu sareysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxa caawa fiidkii geeriyooday Alle ha u naxariisto taliyihii ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Iimaan Fadal. Marxuumka ayaa mudooyinkii danbaba shaqada uga maqnaa xanuun. Waxana dhamaan maamulka Iyo hawlwadeenada shabakada Qarannews ay tacsi u dirayaa shicibka Somaliland Iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku Qaran News
-
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni uu cafiyey Xildhibaan Cawil Daad oo madaxweynaha su’aal weydiiyey dhawaan. War qoraal ah oo caawa ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegtay in xildhibaano ka tirsan Puntland ay Madaxweyne Deni maanta kulan kula qaateen Qardho, kuwaas oo u waday sida ay Madaxtooyadu sheegtay dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad. “In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad” ayaa ugu horreyn lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland. Sidoo Madaxtooyada Puntland ayaa qoraalka ku sheegtay in xildhibaanadu Madaxweyne Deni ka codsadeen in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka. “Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland. Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni uu ka aqbalay codsigii xildhibaanada. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codigaasi” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Baarlamaanka Puntland oo lagu ayidayo ama lagu diidayo warka Madaxtooyada. Sidoo Baarlamaanka ayaa wali wax jawaab ah siin Xeer ilaalinta Puntland oo maalin ka hor ugudbisay qoraal ay ku codsanayno in xasaadda laga qaado Xildhibaan Cawil Daad. PUNTLAND POST The post Maxaa lagu helay Xildhibaan Cawil oo laga cafiyey? appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si lama filaan ah u ogolaaday in Xeer ilaalinta Puntland la noqoto Xasaanad ka qaadkii iyo dacwad Xildhibaan Cawil Xasan Daad, kaddib kulan uu magaalada Qardho kula yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Xildhibaanada oo tiradoodu gaaraysay 20 mudane Madaxweynaha ay ka raali galinayeen hadalkii Xildhibaanka Madaxwaynuhuna aqbalay. Qoraal lagu baahiyay barta facebooga ee Madaxtooyada ayaa u qornaa sidatan: In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan Kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad. Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, ay ahayd waxaan u qalmin Dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatey. Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codsi’gaasi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa caawa fiidkii cisbitalka International ee magaalada Hargeysa ku bookhday taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye gaas Cabdillaahi Fadal Iiman oo xaalad caafimaad u jiifa. Gudoomiye Cirro ayaa taliye Fadal alle uga baryey inuu caafimaad sareecan ah siiyo. Xalaada caafimaad ee taliyaha ayaa ah mid ka soo reynaysa sidii hore. Source
-
(SLT-Washington)-Aqalka Hoose ee Koongareeska Maraykanka ayaa shalay si rasmi ah u furay baadhitaanka lagu samaynayo haddii uu Madaxweyne Donald Trump ku kacay falal ka baxsan awoodihiisa dastuuriga ah. Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyey in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ku cadaadiyey inuu baadhitaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden. Biden ayaa hogaaminaya musharraxiinta xisbiga Dimuqraadiga ah ee u baratamaya ku guuleysiga musharraxa xisbiga ee doorashada madaxtinimo ee sanadka danbe. Madaxweyne Trump ayaa ku adkaysanaya in aanu cadaadin madaxweynaha Ukraine. Source
-
(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa weji cusub u yeeshay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, una rogtay dagaal ay kula jirto maamulka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Kamau Macharia ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Citizen ku sheegay in Kenya “ayna wax dhibaato ah kala dhaxeyn shacabka Soomaaliya, balse ay dhib isku qabaan maamulka Villa Somalia.” Waxa uu sheegay in maamulka madaxweyne Farmaajo “uu ku guul-darreystay inuu qiimeeyo hadafyada ka dhaxeeya labada dal”, waxaana siyaasadda madaxweyne Farmaajo wax ku wajahayo uu ku qeexay “mid aan cudur daar lahayn”. “Murankan badda waxaa soo agaasimay hoggaanka Soomaaliya oo ku guul-darreystay inuu qiimeeyo wax aka dhaxeeya labada dal. Kenya maal-gashi badan ayay ku sameysatay Soomaaliya. Dadka Soomaaliya nagama soo horjeedaan,” ayuu yidhi Kamau. Sida uu sheegay Kamau, Kenya waxay door-bideysay wada-hadal, hase yeeshee Soomaaliya ayaa sannadii 2014 go’aansatay inay kiiska geyso maxkamadda caalamiga ah ee cadaalaadda ee ICJ. Kamau ayaa sheegay in Kenya ay sii wadi doonto inay u ololeyso wada-hadal ay la gasho Muqdisho. Waxa uu sheegay in “is-faham waaga” aanu saameyn doonin wada-jirka nabadeed ee shacabka Soomaaliya iyo Kenya. “Waxaan weydiisanayaa maamulka Farmaajo inuu joojiyo madax adeegga” ayuu yidhi Kamau oo sheegay in socdaal uu dhowaan Muqdisho ku tagay xoghayaha maamulka arrimaha dibedda Kenya Ababu Namwamba uu astaan u yahay sida ay Kenya uga go’an tahay inay la shaqeyso Soomaaliya. Waxa uu sheegay in waqti dheer ay qaadan doonto in kiiskan go’aan laga gaadho balse marka ay dhacdo ay Kenya taxliilin doonto kadibna go’aankeeda shqacin doonto. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Inkabadan 400 oo qof ayaa lagu xidhay dalka Itoobiya kuwaasi oo lagu hayo baadhitaano la xidhiidha kicinta rabshado ku saleysan dhanka diimaha iyo qowmiyadaha kaasi oo ay ku dhinteen 78 qof todobaadkii la soo dhaafay. Afrintaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay khamiista shalay ah afhayeenka ra’isul wasaaraha Itoobiya mr Abiye Axmed. Dibadbaxyadan ayaa ka dhacay 23-dii bishan November magaalada caasimada ah ee Adiss Ababa iyo gobolka Oromia. Siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda gobolka Oromia ayaa ku eedeeyay in ciidanka amniga ay abaabulayaan weeraro ka dhan ah isaga, taasi oo keentay kacdoon ka dhan ah Dowlada. Ra’isul wasaare Abiye Axmed ayaa wacad ku maray in cadaalada ay la tiigsan doonaan kuwii ka danbeeyay rabshadaha ay todobaadkii hore dadka ku dhinteen. Afhayeenka xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Mr Billene Seyoum ayaa dhanka kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan xadhiga shaqsiyaadka lagu tuhmayo rabshadihii todobaadkii hore. Source
-
New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka guurayo gurigii uu degenaa ee magaalada New York una guurayo guri kale uu ku leeyahay gobolka Florida. Trump ayaa ku macneeyay sababaha uu ugaga guurayo inay tahay in siyaasiyiinta ku sugan New York ay si aan wanaagsanayn ula dhaqmeen. “Nasiib darro, inkasta oo sannad kasta aan maalaayin doolar oo canshuur aan ku bixiyo magaalada, waxaa si xun ii la dhaqmay siyaasiyiinta magaalada iyo gobolka” ayuu yiri madaxweyne Trump. Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo iyo duqa magaaladaas Bill de Blasio ayaa waxa ay si xoog leh ugaga soo horjeedaan siyaasada Trump waxayna ka tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga. Madaxweyne Trump ayaa ku dhashay New York balse wuxuu marar badan waqtigiisa ku qaatay gurigiisa kale ee Mar-a-Lago estate ee ku yaal Palm Beach ee gobolka Florida. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa caasimada@live.com
-
(SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa sii daayay 19 kaluumeysato oo u dhashay Iiraan kadib markii wadatashi diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya labada wadan ay xaqiijiyeen sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Iiraan. Madaxa wasaarada arimaha dibada Iiraan u qaabilsan gobolka koonfureed ee Bushehr, mr Cali Askar Carablou ayaa sheegay in 11 ka mid ah badmaaxiintan la qabtay 31-dii bishii December ee sanadkii 2018-ka kadib markii dooni ay wateen ay kaluumeysi ka sameysay biyaha Sacuudiga. Wakaalada wararka Iiraan ee Tasnam ayaa dhanka kale xaqiijisay in sideed kale oo ka mid ah badmaaxiintan loo xidhay sababo la mid ah Arintaan 31-dii bishii Janaayo. Mr Cali ayaa dhanka kale xaqiijiyay in xaalada caafimaad ee raggaan ay wanaagsan tahay ayna ka soo dageen xeebta Rostami ee ku taal magaalada Tangestan ee gobolka Bushehr. Sii deynta badmaaxiinta reer Iiraan ayaa imaaneysa iyadoo khilaafka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiraan oo uu marayo meel xasaasi ah inkastoo labada dhinac ay todobaadyadii la soo dhaafay ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay Xaliyaan. Source
-
(SLT-Washington)-Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa diiday inay u codeyso oo ay taageerto qaraar la doonayay in dil ka dhacay Armenia oo ay ka dambeeyeen embaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta, loogu aqoonsado in uu ahaa xasuuq. Ilhaan ayaa sheegtay in haddii tallaabadaas la qaadayana lagu soo daro xasuuqyadii taariikhiga ahaa ee hore u dhacay. Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Minnesota, ayaa ka mid ahayd saddex xildhibaan oo diiday in ay arrintaas taageeraan. Qaraarkan ayaa meel maray, waxaana taageeray 405 xildhibaan, halka 12 kalena ay ka aamuseen. Ilhaan oo markii ay codbixinta qaraarkaas dhamaatay hadashay ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay isla xisaabtanka ku aadan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanah, balse isla xisaabtanka iyo in dhacdo loo aqoonsado xasuuqa in aysan nooqnin ul siyaasadeed lagu dagaalamo. “Waa in qiimeynta lagu saleeyaa qaab cilmiyadeysan, kana baxsan hardanka siyaasadeed ee gobolka”, ayay tidhi Ilhaan. Ilhaan ayaa u muuqatay in arrintan ay la xidhiidhineyso xiisadda isa soo tareysa ee duullaanka Turkiga uu ka wado wadanka Suuriya, ka dib markii ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen waqooyiga dalkaas. “In si dhab ah loo aqoonsado dembiyadii taariikhiga ahaa ee ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid yihiin xasuuqii dhacay qarnigii 20-aad ee loo geystay dadkii madowga ahaa iyo kuwii asal ahaan ka soo jeeday Ameerika ee la xasuuqay, kuwaas oo gaarayay boqolaal malyan oo qof”, ayay Ilhaan u sheegtay telefishenka CNN. Dhamaan 11 xildhibaan ee ka soo horjeestay qaraarkan ayaa ah kuwa ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mdaxaweyne Donald Trump, waxaana ku wehliya xildhibaan Ilhaan oo ka mid ah xisbiga Dimuquraadiga. “Ma waxaa jira sax iyo khalad, u istaag cadaaladda aad sheegeyso in aad u ololeyso”, waxaa sidaa sheegay Tadeos Barseghyan oo ah baadari ka tirsan kaniisadda St. Sahag Armenian ee dalka Mareykanka. Dad badan oo adeegsadaa baraha bulshada ee dalka Mareykanka ayaa aad u dhaliilay Ilhaan Cumar, iyagoona sheegay in ay taageertay wax ay ugu yereen “cadaladd darro indhaha laga qabsaday” Hogaanka xisbiga Dimuqraadiga ayaa markii la meel mariyay qaraarka u dabaaldegay, waxaana dadkii guushaas ku farxay ka mid ahaa gudoomiyaha guddiga sirdoonka Mareykanka, Adam Schiff, oo bartiisa Twitter ku qoray: “Aqalka Kongreska wuxuu u codeeyay in uu aqoonsado xasuuqii Armenia, si guushaas ay u hirgashan waxaan usoo halgamayay 19 sano, arrintaas oo tobannaan sano ay sugayeen shacabka Armenia.” Waxaa kale oo uu sheegay in aysna qeyb ka noqon doonin in la dafiro xasuuqa, oo uu ula jeeday in aysan ka aamusi doonin, hilmaami dooninna. Afhayeenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in qaraarkaas lagag dhiidhiyay mid ka mid ah xasuuqii ugu ba’naa ee qarnigii 20aad. Hasayeeshee dowladda Turkiga ayaa ku gacan seyrtay qaraarkaas, waxaana dadkii ka hadlay ka mid ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo sheegay in aysan aqoonsaneyn arrinkaas, oo aysan jirin wax micno ah oo uu qaraarkaas ku fadhiyo. Waxaa kale oo uu Madxaweynaha sheegay in barlamaanka dalkiisa uu ka jawaabi doona qaraarkaas ay taagereen xildhibanaada aqalka Kongreska. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-1112019.mp3 View the full article
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka ee Dalka Itoobiya ayaa in ka badan 409 Qof xabsiga dhigtay, markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen rabshadihii dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka tirsan Gobolka Oromiya. Belene Seyoum Woldeyes, oo u hadashay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegtay in Maalmaha soo socda ay sii kordhi karto tirada haatan loo hayo rabshada Dalkaasi ka dhacay welina ay socdaan howl-gallada looga hor tagayo qaswadayaasha. Billene Seyoum ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku dhinteen ficil aan macno laheyn oo ka dhacay gobollada Oromada iyo Harari, iyo magaalada bariga ku taal ee Dire Dawa. Waxay intaas ku dartay inay socdaan baaritaanno la xiriira dhimasha iyo tirada dadka la qabtay oo ay sare u kici karto. Rabshada uu Dhiig ku daatay ayaa dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Dalka Itoobiya oo ay ku jirto Caasimadda Addis ababa, markii Ninka u ololeeya qaddiyadda Oromada ee lagu Magacaabo, Jawar Mohammed uu ku dhawaaqay kacdoon ka dhan ah Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa caasimada@live.com
-
Dowladda UGaandha oo ciidamo cusub u soo diraysa Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowladda Yugaandha ayaa qorshaynaysa in ay Soomaaliya usoo dirto Ciidamo Boliis ah,kuwaasi oo ka qeyb noqon doona howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Agaasimaha howl-gallada Nabadda Boliiska Yugaandha, Grace Turyagumanawe, oo dhowaan booqasho ku yimid Muqdisha ayaa sheegay in uu Ciidankani ka qeyb qaadan doono sugidda ammaanka Dalka Soomaaliya. Taliye ,Turyagumanawe ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu Muqdisho kula qaatay Saraakiisha howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya, si uu ugu kuur galo heerka shaqadooda nabad ilaalineed iyo tababarrada ay bixiyaan. Sidoo kale, Simon Mulongo, ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa kulanka ka sheegay in uu ku qanacsan yahay doorka ay Boliiska Yugaandha kaga jiraan nabad dhisidda iyo sare u qaadidda awoodda Boliiska Soomaaliya. Ciidanka Boliiska midowga Afrika ayaa qorsheynaya in xilliga kala guurka ka hor ay Booliska Soomaaliyeed u diyaariyaan qalabkii ay ku howl-geli lahaayeen iyo tababarro dhammays tiran, si ay ammaanka Dalka iyo kala dambayntuba ula wareegaan marka ay Dalka ka baxdo AMISOM 2021-ka. Ciidankan cusub oo aan tiradiisa la shaacin ayaa qeyb ka noqonaya Ciidamo Boliis Afrikaan ah oo horay dalka Soomaaliya u joogay Soomaaliya, kuwaas oo ka kala socda Waddamada Uganda, Kenya, Nigeria, Sierra Leone , Zambia iyo Ghana, kuwaas oo ilaaliya xarumaha muhiimka ah tababarna siiya Booliska Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda UGaandha oo ciidamo cusub u soo diraysa Soomaaliya appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dawladda Jabuuti ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Lacag gargaar ah oo ay kaga qayb qadanayso gurmadka dadka ay saameeyeen Fatahaadaha webiga Shabeelle Lacagta ay soo dirtay dawladda jabuuti ayaa waxa lagu wareejiyay guddiga ay dawladdu u xilsaartay u gurmadka Fatahaadaha , waxa ayna lacagtaasi cadadeedu ahayd 100 million oo ah lacagta laga isticmaalo Jabuuti una dhiganta 600.000 doollar . Lacagtan ayaa waxaa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dawooyin, agab, iyo raashin loogu samayn doonaa dadka ku dhibaataysan duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Kumanaan ruux oo ka barakacay guryahooda iyo kuwo kale oo ku go’odoonsan xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa u baahan in la saacido kadib markii muddo toddobaad ah ay biyo ka fatahay wabiga Shabelle saameyn ku yeesheen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
