-
Content Count
213,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa wada qorshe ay ku baahineyso filim cusub oo laga diyaariyey hogaamiyaha guud ee kooxdaasi, Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydah. Muuqaalkan oo goos gooskiisu ay baahisay Idaacadda Andaluus ayaa waxaa markii ugu horreysay ka soo muuqanaya Amiirka Al-Shabaab Abuu Cubeydah, kaas oo bedalay, Axmed Cabdi Godane oo Mareykanku uu dilay sanadkii 2014-kii. Mu’assasada Al-kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa ballan qaaday in saacadaha soo socda ay baahin doonto filimkan oo lagu soo bandhigayo xasuuq ay sheegtay in Mareykanka uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale muuqaalka ayaa waxaa ku jiri doona macluumaad ku saabsan weerarkii xooganaa ee bishii hore lagu qaaday deegaanka Balidoogle oo uu yaallo saldhigga ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya. Filimkan ayaa waxaa kaloo la sheegay inuu ka soo muuqan doono Abuu Cubeydah, isagoo sagootinaya raggii fuliyey weerarkaasi oo uu ka dhashay khasaare xoogan. Abuu Cubeydah oo aan looga baran inuu soo duubo muuqaallo ayaa sidoo kale ka hadli doono dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee kooxda oo weli dagaal ka wada dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Muuqaalka ay Al-kataa’ib ballan qaaday ayaa waxa ugu muhiimsan ee isha lagu hayo ay tahay Abuu Cubeydah oo aan weli la arkin muuqaalkiisa marka laga reebo sawirro hore looga qaaday oo la helay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Saaxiibbadii Maalintii adkayd Ee Erdogan. “”Raggii Maalintii Adkayd Difaacay Madaxwayne Erdogan” Afgambigii dhicisoobey ee ka dhacay waddanka turkiga wuxu ahaa maalmo adag oo soo maray shacabka Turkiga iyo dunida islaaamka, waxay ahayd maalmo ay xaaladdu qadhaadhayd oo murugo iyo rajo xumo weyn u ahayd ummada turkiga iyo Caalamka Islaamka oo u arkaayay inuu damay shamacii iyo iftiinkii usoo baxay dunida muslimiinta ee Erdogan. Ciidamadii afgambiga waday waxay markiiba la wareegeen Telefishanka dawaladda waxayn gabadhii warka akhriyaysay lagu khasbay in ay si khasab ah ku akhrido warqadii ugu horaysay ee Afgambiga ee ahayd “Tirsiga Kowaad” waxaan warqadan nuxur-keedu ahaa in dalka turkiga uu ka dhacay afgambi iyo in ay dalka xukunkiisa ay la wareegeen ciidamada qalabka sida,warkaasi oo ahaa kii shacab-ka ku abuurey werwerka iyo xaladda qalafsan ee uu cagta saarray turkigu, waxay shacabku is waydiinayeen xaggee loo socdaa. Dadkii Afgambiga hor kacaayay waxa ku jirey rag baddan oo ay Erdogan aad isugu dhawayeen loona arki jirey “Saaxiibbadii” lkn markan waxay ahayeen cadawgiisa runta ah ee khaarajin lahaa, rag loo arkayey saxiibbadii Erdogan ayaa mar kaliya isu baddaley cadawgii Erdogan iyo dalka Turkey. Madaxwayne Erdogan marka uu Afgambigu dhacayey waxa u ku jirey maalin fasax ah isaga iyo qoyskiisu waxay dalxiis ugu baxeen tuulo ku taala xeebta barriga fog ee turkiga, waxayna ku deggen Hotel halkaas ku yaala. • Saaxiibbadii Maalintii Adkayd Ee Madaxwayne Erdogan. Markii Afgambigu biloowday xaaladda dalkuna is baddashay, madaxwayne Erdogan-na aannu waxba ka oggayn wax dhacaya, ayaa waxaa telephone-ka ka soo wacay General Dawndaar oo ay ka muuqato sida uu uga xun-yahay shirqoolka ay ku kacayaan hoggaanka ciidamada turkiga ee bilaabey Afgambiga ay xukunka kaga tuurayaan Madaxwayne Erdogan. Waxa uuna “General Dawndaar” madaxwaynaha u sheegay in uu dalka ka bilaabmey “Afgambi” iyo inuu baddelo halka uu saacadda u la hadlaayo uu ku sugganyahay,waxa kale oo uu sheegay in la rabo in la khaarajiyo, oo uu ku sugan yahay xalad khatar ah oo u dhaxaysa geeri iyo nolol uunna qaato taladdiisa, wuxu u sheegay inuu diyaaraddiisa si dhakhso ah ugu soo kaxaysto dhinaca ‘Istaanbuul’ oo markaa ay ku sugan yihiin ciidamada uu hoggaaminayo General Dawndaar, wuxu ku yidhi: usoo carar xagay-ga aniga ayaa ku difaacaya, amaankagagana sugaya halka aad soo marayso iyo halka aad deggayso ee xagayga usoo carar oo aniga ii kaalay waan kula dhimanaynaa anniga iyo ciidankaygu. Go’aankaas ayuu qaatay Madaxwaynihii dalka turkiga ee Erdogan wuxuna si dhakhso ah ugu duullay dhinac General Dawndaar uu ku sugnaa ee Magaalada Istaanbuul. halkaas ayuu General Dawndaar kusoo dhaweeyay Erdogan kuna saggayay ammaankiisa isagoo diyaar u ahaa inuu difaaco madaxwaynihiisa Erdogan iyo dalkiisa Turkey wuxuuna cidaamadiisa siiyay amarkii ugu danbeeyay ee ay ku badbaadin lahyeen dalka iyo madaxwaynaha, waxa yar uun kadib markii hotelkii uu ka yimi Erdogan ilaa 40-daqiiqo kadib waxaa Hotelkii uu kasoo baxsadey Erdogan la wareegay ciidamo isaga raadinaayay oo rabey inay kharajiyaan ama qafashaan ,waxay ahayd arrin la yaab leha!oo muujisay sida uu General Dawndaar u badbaadiyay Erdogan maalintaas inakasta oo qaddar ilaahy “swc”ahayd wax kastaana ku dhacayeen. Waxa marka kale lala wareeggay magaalada “Ankara”waxaana si toosa ah diyaaraaddaha dagaalku u duqaynayeen xarunta madaxtooyada oo qiiqa iyo uurrada ka baxaysaa aan la qiyaasi karin geeri iyo nolol madaxwaynihii dalka ee Erdogan.kuwa Afgambiga wadaana isaga ayay baadigoobayeen. Balse amaanka madaxwaynaha ee xiliga waxa la wareegay Generl Dawndaar oo aan oggolayn in ay cidi kasoo ag dhawaato halka uu joogo madaxwayne Erdogan ciidamddisana amar ku siyay inay u dhintaan dalkooda iyo difaaca madaxwaynahoodda. General Dawndaar waxaa uu ahaa, qadarka rabi marka laga yimaado, sababatii badbaadisay madaxwayne Erdogan wuxuuna noqday saaxiibkii naftiisa u hurrayay difaacay Erdogan, halka qaar ay saxiibo dhow ahayeen oo dhinaciisa ka muuqan jiray ay shirqoolkan wax ka maleegayeen, Dawndaar waa nin Muslim ah oo waliba suni ah, waana sarkaal khabiir ku ah arrimaha ciidamada. • General Hakaan Fiidaan” Saaxiibkii Runta ahaa Erdogan. Ee Badbaadiyay Kursigga Madaxwaynaha. Shaqsigii 2aad ee baadbaadiyay Erdogan waxa uu ahaa saaxiibkii ay dadka turkigu u yaqaaneen “Midida Erdogan”waxa uu ahaa nin uu aad ugu kalsoon yahay Erdogan, waxayna ahayeen saaxiib aad isugu dhaw, waa nin la sheego inay saaxiib dhow yihiin Erdogan, waana nin aad u neceb yuhuuda iyo reer galbeedka, aadna u jecel in la difaaco qadiyadda muslimiinta, reer galbeedka iyo yuhuuddu ninkaas aad ayay u necbyihiin, Waa Taliyaha Ciidamada Sirdoonka ee waddanka turkiga ee loogu yeedho “MIT” jagadaasna waxaa u magacaabay saaxiib-kii Erdogan in xilkaas loo dhiibo “General Hakaan” aad ayay uga xumadeen Maraykan-ka iyo yuhuuddu waxayna u arkayeen cadawgooda . Waxa uu ahaa nin sirdoonka waddan-kiisa ka dhigay mid aad u adag oo xirfad sare leh, waana arrinka ay aad ugu sii naceen reer galbeedku. Markii Afgambigu socday General Hakaan waxa uu u istaagay inuu badbaadiyo kursiga saaxib-kiis Erdogan iyo waddanka Turkiga wuxu uu ku ordaayey xawaare sare oo sirdoon, isagoo xirafadiisa sirdoon ku jarrayey xadhkaha ay kooxda Afgambiga waddey ay xidhayeen ,mar uu la hadlaayay Erdogan wax uu wacad ku maray in uu u dhimaanayo dalkiisa Turkey uuna difaaci doono Erdogan, wuxuu si toosa ah u maamulayay waxaadda sirdoon-ka ,waxa kale oo uu qayb ka ahaa arrimaha siyaasiga ahaa ee maraxladan qadhaadh lagu xalinaayay. Erdogan wuxu ku yidhi:- annaga ayaa ku difaacayna oo kula dhimanayana ee dibadda inoo saar aan u tagno shacabkeenna wadooyinka dhexdiisa ka mudaharaadaya, si aaney cadawgu ugu faa’idaysan maqnaanshahaaga iyo aamusnaanteena, wuuna ka aqbalay Erdogan arrinkaa saaxiibkii General Hakaan wuuxna dhex tagey shacab-kiisa oo wadooyin-ka dhexdiisa ka mudaharaddaayey ,waxay ahayd arrin morraal ahaan dajisay shacabka ,waxay kale oo niyad jab ku noqtay kooxdii Afgambiga waddey in ay arkaan Erdogan oo shacabka dhextaagan. Mr-Hakaan waxa uu ahaa ninkii badbaadiyay kursiga Erdogan. General Hakaan iyo Erdogan in badan ayay saaxiibo ahayeen guddaha turkigana aad ayaa loogga darreemi jiray isku dhawaanshahooda. Erdogan aad ayuu ugu kalsonaa General Hakaan Afgambiga ka hor, waxayna ahyeen saaxiibo aad ayuuna u ixtaarami jirey,mar ayaa waxa dhacday in General-Hakaan uu rabey inuu u tartamo Barlamaan-ka Turkiga. Kadibna waxa uu iska casilay agaasimaha haayadda Sirdoonka Turkiga, warqada is casilaadana waxa uu u gudbiyay madaxwaynaha, xiligaa waxa Erdogan laga darreemay sida uu uga xumaaday is casilaada General Hakaan iyo sida uu ugu kalsoonyahay ‘General Hakan’ ee uu doonaayo inuu la shaqeeyo, waxa la sheegay in Erdogan laga darreemay in uu arrintaas aad xummaaday, muujiyayna jacaylka uu u qabo Mr-Hakaan kadib markii madaxwaynahu aqbali kari waayey warqada is casilaadda ah, muddo “bil” ah ayuu madaxwaynahu aqbali waayay oo diidanaa is casilaada General Hakaan taasina waxay muujisay sida aannu madaxwaynahu uga maarmayn ninka Mr.Hakaan la dhaho iyo kalsoonida buuxda ee aan la qiyaasi karin ee ninkaas uu u hayo. General Hakaan markii uu arkay sida uu saaxiibkii Erdogan ugu dhegen-yahay ayuu ka noqday Go’aankiisii iyo hankiisii wuxuuna raacay rabitaanka Erdogan ee ah in uu la shaqeeyo isaga oo aanu ka maarmayn.wuxuuna mar kale shacabka Turkiga u xaqiijiyay inuu ka noqday go’aankisii is casliaadda, sida ayuu Erdogan ula shaqaynayay ilaa uu uga yimi Afgambiga dhicisoobay ee uu daddaalka baddan u galay fashilintiisa iyo badbaadinta saaxiibkii Erdogan iyo dalka turkiga oo uu diyar u ahaa inuu naftiisa u horo. Arragtida Mr.Hakaan waa nin neceb yuhuudda iyo reer galbeedka iyaguna cadawgood ayay u aqoonsanyihiin Hakaan. Sidoo kale waa nin jecel in la garab istaago muslimiinta caalamka ku dhibaataysan, waxa kale oo uu necebyahay dhaqan-ka qadhmuun-ka baddan ee cilmaaniyada ah ee turkiga mar lagu xukumi jirey. “Cilmaaniyaddu” waa dhaqan qadhmuun iminka kusoo batay somaalidda galbeedka wax kusoo baratay oo aad in baddan qoraaladooda ka dhadhan-sanayso iyagoo leh Diintu masaajidadda ha looga yimaado xukunka iyo nidaam-ka maamulkuna ha ku dhisnaado nidaamka iyo dhaqanka reer galbeedka. Qoraalkan waxaan ula jeedaa in uu hal-xidhaale u noqdo arragtida dhahda siyaasaddu ma laha saaxiib iyo inuu ka turjumayo saaxiibtinimaddu wanaag ay leedahay inay gaadhi karto in nafta la isku furto maalmaha adag ee nolosha, qofkii ku caawin kara maalinta adag ayaa ah saaxibkaaga dhabtaa ah, waxaba ha isku halayn kuwa kula qoslaya maalmaha farxada. Ciwaanka qoraalkeenu waa “Saaxiibka dhabta ahi waa ka maalinta adag” Qoraalkan oo aan soo koobay, kuna koobay nuxurka saaxiibtinimadda siyaasadda, waa qaybihii qaar kamid ah intii aan ka maqlay Afgambiga ka dhacay turkiga. Qaybaha ugu mihiimsan ee qoraalkan yar waxan kasoo dheegtay Dhigannaha la dhaho “Afagmbigii Dhiscisoobey” ee u qoray Kamaal A. Cali. FG. Xogta ugu mihiimsan waxaan kasoo xigtay “Buuga afgambigii dhicisoobey” . Ee Kamaal A. Cali W/Q. Mustafe Ahmed Geeddi-xaas WhatsApp.0659555532 Qaran News
-
Somaliland claims to have seceded from Somalia in 1991 but the Federal Government of Somalia counts the Hargeysa-based administration as one of the Federal Member States. The Somali Minister for Petroleum and Mineral Resources, Abdirashid Mohamed Ahmed. Minister Abdirashid M. Ahmed Attended 2019 India Energy Forum held between 13-15 October 2019 in New Delhi. In an article for the the Economic Times, Mr Ahmed argues the new petroleum law to be passed by the Federal Parliament ” sets out the financial and regulatory framework that enables our Government to finally explore whether reserves of oil and gas exist, as so long suspected, off …Somalia’s coastline. The revenue sharing agreement embedded in the Law mandates how future revenues will be shared between the federal government, Somalia’s six constituent member states and their local communities.” There are five Federal Member States in Somalia ( Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Southwest and Jubaland.” Mogadishu retains the status of a Federal Capital. Somaliland is the sixth Federal Member State that the Federal Government views as being a party to the revenue-sharing Agreement. Mohamud Abdikadir Hilaal, the Deputy Minister for Petroleum Ministry, tweeted that Exxon Mobil paid the “first of $ 1.7 Million Rental Service Fee for their and gas blocks in Somalia. The Management of this Money will be guided by the newly Resource-Sharing Model signed by FGS & FMS In Baidoa.” Earlier this year the Financial Times reported the “the [ Petroleum ] Ministry is also expected to honour legacy contracts including the one signed in 2014 by Soma Oil and Gas, which was chaired by former Conservative party leader Michael Howard up until June of last year.” © Puntland Post Monthly, 2019 Click here to download a full webzine The post Somaliland to be a party to the Revenue-sharing Agreement for Federal Member States appeared first on Puntland Post.
-
Gaari shilka galay Hal ruux ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay, afar kalena waa ku dhaawacantay, kadib markii gaari yar oo ay wateen kula dhacay togga loo yaqaanno WAQA-DERI oo dhanka koonfurta ka xiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Gaariga oo ay saarnaayeen shan ruux ayaa ka yimid degaanka DOCMO ee koofurta gobolka Sool, waxaana uu ku sii jeeday magaalada Laascaanood, ka hor inta uusan ku dhicin bocol ku taalla togga WAQA-DERI oo ku dhow Laascaanood. Marka laga yimaado hal qof ee dhintay dhaawacyada afarta kale oo mid kood aad xaaladdiisu u liidato, ayaa lagu dabiibaya isbitaalka Laascaanood, waxaana la qorshaynaya in saacadaha soo socda midka liita loo qaado dhanka magaalada Hargeysa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa. PUNTLAND POST The post Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil gaari oo ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), Cabdi Shakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar ayaa dhammaantood loo heystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab gaar ahaan qeybta loo yaqaamo Amniyaadka oo dadka sida gaadmada ah ku dila ee sida gaarka ah kaga howlgala magaalada Muqdisho. Dhammaan eedeysanayaasha ayaa soo galay gacanta ciidamada amniga 14/03/2019. 08/07/2019 ayaa loo diray xabsiga dhexe kadib markey codsaden xafiiska xeer ilaalinta in xabsiga dhexe lagu haaayo garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista Shabakadan u qaabilsaneyd Al-Shabaab deegnnada cirifka jire ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada weydiisteen dhageysiga dacwadda 06/10/2019 xilligaas oo ay garsoorayaasha go’aamiyeen in uu dhaco fadhigii ugu horreeyay. Guddoonka fadhiga dacwadan ayaa ugu horreynba u jeediyay eedeysanayaasha eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana mid kasta fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiya jiritaanka eedda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka sheekeeyay dhammaan eedeysanayaasha xilliyadii kala duwanaa oo ay Al-Shabaab kusoo qaateen iyo howlaha ay hayeen oo u badnaa tuuridda bambooyinka, Handadaada shacabka degan Bariga Muqdisho iyo daba galka dhaqdhaqaaqyada xarumaha iyo baraha ciidamada ee magaalada dhexdeeda. Eedeysanaha koowaad Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira) ayaa Al-Shabaab ku biiray 2017, meela kamid ah Shabeellada Hoose ayuu tababarkiisii ugu horreeyay soo qaatay. Farxaan Faarax Maxamuud oo ah eedeysanaha labaad ayaa ahaa shaqsi Al-Shabaab u iibin jiray gawaarida ay u adeegsadaan howlahooda. Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ayaa ahaa madaxa wardoonka , waxa uu ku biiray Shabaab 2018, dhowr goobo ayuu sahan u ahaa oo siyaaba kala duwan bambooyin loogu tuuray, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in kal hore Bariire u aaday tababar iyo is diiwaan gelinta kooxda, eedeysanaha labaad ayuu sheegay in uu ku tashkiiliyay kamid noqoshada Al-Shabaab. Saafi Ciise Arwaax 2018 Al-Shabaab ayay ku biirtay waxa ay aheyd kala gudbiyaha hubka fudud oo ay Al-Shabaab ku howl-galaan, waxa ay sheegtay in ay ugu yeertay ku biirista Shabaab haweeney ay daris la ahayd oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay, duruufa kala duwan oo ay kamid ahaayeen in laba nin kala tageen ayay ku sheegtay in ay ugu biirtay, xaafada badan oo cirifyada magaalada jira ayay u kala gudbin jirtay Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, waxa ay sheegtay Saafi in xiriiriyaha shabakaddan uu ka hagayay banaanka magaalada gaar ahaan Mubaarak. Yaasiin Maxamed Axmed waxa uu Alshabaab ku biiray 2013, waxa uu katirsanaa jabhadaha dadka ku dhibaateeyo Ceelbuur, waxa uu sheegay in uu isaga tago Al-Shabaab laakiin Cabdi Shakuur ayaa uu sheegay in uu u hanjabi jiray. Cabdi Shakuur Cali Maxamuud ayaa ku biiray Alshabaab 2016, waxa uu sheegtay in uu qeyb weyn ka qaatay tuurista Bambooyinka, waxa uu sidoo kale sheegay kaalinta eedeysanayaasha kale qaarkood ay ku lahaayeen kooxda ay kawada tirsanyihiin. Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye ayaa isna Al-Shabaab ku biiray 2016, lix billood ayuu tabbar ku qaatay Jilib, tababarka ayaa ku saabsanaa Qaraxyada, waxa uu sidoo kale ahaa wardoon kasoo warrama dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Ex, Control Balcad. Xasan Seekh Cabdullaahi ayaa iska diiday kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in in badan oo kamid ah kuwa la xiran ay is yaqaaneen, halka iyaga laftooda ay ku marag fureen. Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa is dul taagay sharraxaad Eeedeysanaha koowaad ee Axmed Cabduqaadir Axmed oo magiciisa Afgarashadu yahay Khadiira, waxa uu maxkamadda u sheegay in uu ahaa Khadiira isku duwaha iyo Taliyaha dadkaas, waxa uu abaabulay weerraro dhowr ah oo isugu jiro bambooyinka gacanta lagu tuuro iyo dilal Fashilmay, halka Saafi Ciise Arwaax ay aheyd xubin firfircoon oo kaga faa’ideysatay ixtiraamka ay haweenka u hayaan hey’adaha Amniga, Maxkamadda ayuu way weydiistay in dhamaan eedaysanayaasha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada lagu soo eedeeyay. Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa iyagana Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanayaasha ay Al-Shabaab ku biireen hasa ahaate ay isaga soo tageen, qaarkooda ayay Alshabaab handadaad ku shaqa geliyeen, waxa ay Maxkamadda weydiisteen in loo naxariisto kuwa kale ee mar hore isaga soo tegay Alshabaabna la cafiyo oo xurriyadooda la siiyo. Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:- Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar. Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku siman 30-cisho ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
By Puntland Post Monthly political editor The political transformation Ethiopia is undergoing since Dr Abit Ahmed became the prime of Ethiopia one year ago does not sit well with the Centre for Dialogue, Research and Cooperation ( CDRC). The mission of CDRC is “to provide a forum for dialogue and action based on objective, relevant policy analysis which takes into account all the new developments taking place regionally and internationally and has a bearing on political and social conditions, thus enabling exploration of novel ideas leading to comprehension and their successful implementation. “ As mouthful as the mission statement sound one can test if CRDC lives up to the expectation of its founders. Its latest Digest has taken a tack different from the one it the CDRC took in its January 2017 Digest in which it called for continuity at Villa Somalia instead of a change of administration. The sole justification for the uncalled for prescription was that the incumbent President belonged to Mogadishu clan-wise. When CDRC published the controversial 2017 report Ethiopia was under emergency law introduced following demonstration in Oromia and Amhara region. Demonstrations culminated in the ascendency of Dr Abiy Ahmed. CDRC Digest published in October 2019 subtly criticises the Horn of Africa economic integration agenda unveiled by the Ethiopian Prime Minister. CDRC posits that the Somali government that does not have monopoly on coercion, a reason that disqualifies it from the economic integration agenda. “As indicated earlier, the changes in Ethiopia and the rapprochement that followed with Eritrea created an opportunity to bring the Somalia Federal Government onboard for regional integration. But this goodwill might have complicated the situation in Somalia as the SFG misused the effort to undermine the… Federal Member States” CDRC Digest writes. CDRC argues that the Federal Government of Somalia is undermining federalism. ” It appears that the … [Federal Government of Somalia ] has been advised to reverse federalism in Somalia. But this is not an easy feat. In actual fact, rather than contributing to regional integration by mobilizing the regional administrations to consolidate peace and security, the SFG is using the tripartite framework as a source of power and external legitimacy to intimidate the FMS. Eritrea’s leaders consider federal structures as balkanization of Somalia and do not support federal arrangements” writes CDRC Digest. Although CDRC seems to be reluctant to disclose who advises the Somali government to dismantle federalism adopted in 2004, it lets on whom it thinks is advising the Mogadishu-based Federal Government: “The Eritrean leaders have encouraged the SFG leadership to destroy the federal structures in Somalia. Since the leaders of Eritrea have a very hostile attitude towards federalism in general, including in their own country, it would not be too surprising if these suspicions were found to be well-grounded based on Somalia’s experience and … [ the Federal Government’s ] actions.” A visit to CDRC websites reveals a lot. Three sections of the website menu – Goals, Our people and Partners – are not accessible. Clicking each of these three sections leads to a page with no content. The Centre for Dialogue, Research and Cooperation remains a in the side of Dr Abiy Ahmed. © Puntland Post Monthly, 2019 Click here to download a full webzine The post CDRC: A thorn in the side of Dr Abiy Ahmed appeared first on Puntland Post.
-
Sawirka xukmanayaasha Maxkamadda Derejada kowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka xukunno kala duwan ku ridday sagaal qof oo ku eedaysnaan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, halka qaar kalena ay sii daysay, kadib markii wax denbiya lagu waayay Magacyada eedaysanayaasha ayaa kala ahaa; Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), CabdiShakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar, waxaana dhammaantood lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, gaar ahaanna kooxda madax-jebiska ee (Amniyaadka). Warbixin lagu daabacay bogga Maxkamadda ciidamada, ayaa faahfaahin looga bixiyay xukunnada ku dhacay eedaysanayaasha kala duwan iyo qaar kale oo lagu waayay eedaymaha ay xeer Ilaalinta ciidamadu ku soo oogtay ee la xiriira in ay Al-shabaab ka tirsanaayeen, islamarkaana u qaabilsanaayeen dilalka qorshaysan ee madax-jebinta (Amniyaadka). Halkaan riix si aad u akhrisatid warbixinta oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuno kala duwan ku ridday dad ku eedaysnaa Al-shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Garoowe)-Wasiirka Warfaafinta maamul gobolleedka Puntland, Cali Xassan Axmed Sabareey oo ka hadlay barnaamij ka baxay telefishinka Universal oo lagu dhaliilay xukuumadda Madaxwayne Deni. Barnaamijkan oo uu tabinayay wariye Cagta Xaaji ayaa si adag Xukuumadda Puntland ugu dhaliilay cabudhin dad-wayne iyo arrimo kale. “Universal TV xaruntiisa London, Program-ka ay xalay sii daysay oo la yidhaado Ra’yiga Todobaadka, waannu dhegaysanay, waxaanuna ku aragnay in aanu ku saxnayn TV-gaasi arrimaha uu sheegay” ayuu yidhi wasiirku. Wasiir Sabareey ayaa sheegay inay maamulka sare ee telefishinka Universal wax ka waydiin doonaan dhaliilaha ku xusan barnaamijka ka baxay telefishinkaasi. “ TV-ga dad baa iska leh, agaasimayaal buu leeyahay iyagana waanu la xidhiidhi doona insha Allaah”ayuu sii raaciyay wasiirku. Wasiirka waxaa uu Universal TV ku eedeeyay in uu kicin dadweyne sameeyay, balse ayna waxba ka jirin arrimaha uu ka hadlay, isagoo ku hanjabay in maamulka Puntland ay tallaabo ka qaadi doonto haddii loo baahdo. Source
-
(SLT-London)-Hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee boqortooyada UK Jeremy Corbyn ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu faragalin qaawan u samaynayo doorashadda Britian, isagoo si toos ah ula safety Ra’isul Wasaare Boris Johons Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in Madaxweyne Trump uu doonayo in la doorto saaxiibkii Boris Johnson. Carbyno ayaa ka cadhooday markii warbaahinta LBC ay baahisay Barnaaminka Nigel Farage , taasi oo madaxweynaha Maraykanka uu ku sheegay in Britain ayna u wanaagsanay inuu Ra’isul Wasaare ka noqoday Hoggaamiyaha Mucaraadka Jeremy Carbyn. Wuxuu ku tilmaamay Ra’isul wasaaraha Britian Boris Johnson qof ku baboon shaqada , islamarkaan ah Saaxiib muhiim ah oo uu leeyahay. Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu aad xumaaday inuu Britian ay ku guuldaraystay inay ka baxdo Midowga Yurub. Sharci dajiyaasha Barlamaanka Uk ayaa isku raacay in 12 bisha December la qabto doorashada guud ee wadankaasi markii u horraysay muddo 90 sanno ah. xildhibaanada ayaa ilaa 31 bisha January 2020 ka dhigay xiliga Britian ka baxay Midowga Yurub. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow la shaaciyey inuu baaqday safar ay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ku tagi lahaayeen magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale. Ujeedada dib dhaca ku yimid safarka labada Madaxweyne ee hore ayaa lagu sheegay inuu la xariiro xirnaanasha garoonka diyaaradaha magaaladaasi oo saacadihii la soo dhaafay uu saameeyey roob xoogan oo ka da’ay halkaasi. Sanoter Ilyaas Cali Xasan oo xubin ka ah xisbiga Himilo Qaran ayaa xaqiijiyay baaqashada socdaalkan, ma shaacin xilliga uu wafdiga madasha xisbiyada Qaran uu tagi doono Beledweyne iyo Bardaale, si ay u qiimeeyaan xaaladaha ka jira degmooyinkaasi. “Waan ka xunahay safarkeenii maanta lagu tagi lahaa Beledweyne iyo Berdaale oo dib u dhac ku yimid kadib markii xalay illaa saaka ay roobab xoogan ka da’een taas oo sababtay in Airport-ka Beledweyne diyaaraduhu ay ku tagi karin ayuu yiri.” Sanoter Ilyaas. Xaaladda degmooyinka Beledweyne iyo Bardaale oo daadad xoogan ay ku dhufteen ayaa laga deyrinayaa, iyadoona inta badan ay ka barakaceen qoysaskii daganaa halkaasi. Dadkan ayaa waxaa soo wajahan xaalado adag oo dhinac nolosha ah, welina ma helin gargaar ku fulan, inkastoo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan dadaallo lagu caawinayo dadkaasi dhibaateysan, si loo badbaadiyo noloshooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa ku dhawaaqay in dagaalyahanada Daacish ee gacanta ugu jira uu dib ugu celin doono wadamada ay asal ahaan ka soo jeedaan ama ay ka haystaan aqoonsiga Muwaadinimo. Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu oo ka hadlay arintaan ayaa ku eedeyay wadamada reer galbeedka inay doonayaan sameynta sharci cusub oo lagula macaamilayo kooxda Daacish. Mr Soylu ayaa carabka ku adkeeyay in Turkiga aanu aqbali doonin siyaasada ah in dagaalyahanada Daacish lagu hayo wadamada lagu qabtay. Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in xabsiyada Turkiga ay ku xidhan yihiin ku dhowaad 1,200 oo maxaabiis ah oo ka tirsan dagaalamayaasha daacish kuwaasi oo 287 ka mid ah lagu qabtay howlgalka uu turkiga ku qaaday waqooyiga Suuriya. Mar uu soo hadal qaaday in maxaabiista qaarkood oo muwaadinimada laga laabtay ayaa waxuu tilmaamay in Turkiga ayna wax ka galin balse diyaarado ay dalalkooda ugu safrin doonaan. Maxaabiista kale ee Daacish ee ka soo jeeda Suuriya ayaa iyagana waxaa la geyn doonaa deegaanada uu Turkiga qabsaday ee ku yaalla dalka Suuriya. Source
-
Xuseen Cali Mxamuud taliyaha Booliska qeybta gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa ka warbixiyey mar uu warbaahinta la hadlayey shil gaari oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo. Taliyaha ayaa sheegay in gaari ku dhacay meel bohol ah uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca afar kale. Sidoo kale Xuseen Cali ayaa uga digay dadka shacabka ah in ay ku safraan waddadaasi oo uu ka jiro burbur xoogan illaa iyo amar dambe Shilalka gaari ee ka dhaca halkaasi ayaa loo sababeeyaa burburka waddadan oo muddo aan helin dayactir, kadib markii ay dhowana jareen roobab ka da’ay View the full article
-
(SLT-Washington)-Safiir hore oo Mareykan ah, qeybna ka ahayd qorshaha xil ka qaadista Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegtay inay dareentay in uu u hanjabay Madaxweynaha, xilli uu taleefonka kula hadlayay dhiggiisa dalka Ukraine. Haweeneydan oo hore usoo nooqtay safiirkii Mareykanka ee dalka Ukraine, laguna magacaabo Marie Yovanovitch ayaa kulan ay albaaba u xidhan yihiin oo ay la yeesheen xubnaha aqalka Kongreska, waxay ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay hadalka Madaxweyne Trump. Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhiggiisa dalka Ukraine u yidhi: “Hagaag, [Ms Yovanovitch] waxay mari doontaa wadadii oo kale.”. Arrintaas ayaa warbaahinta qaar ee Mareykanka ay u fasireen in uu doonayay in uu shaqada ka ceydhiyo. Xisbiga dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa baahiyay qeybtii ugu horeysay ee codka Trump oo qoraal laga dhigay. Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu cadaadis saaro dalka Ukraine, si ay baadhitaan ugu sameeyaan eedeymo musuqmaasuq oo la sheegay in uu ku kacay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden iyo wiil uu dhalay, kuwaas oo usoo shaqeeyay shirkadda Gaaska ee Ukraine. Source
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in maanta uu mar kale hakad ku yimid duulimaadyadii diyaaradaha ee magaaladaasi. Saraakiil ku sugan garoonka B/weyne ayaa inoo sheegay in biyo badan ay buux dhaafiyeen dhabihii ay diyaaraduhu ku degi lahaayeen amaba ka haadi lahaayeen. Ku dhowaade 10 saacadood ayaa roob xooggan wuxuu ka da’ay magaalada B/weyne, taasi ayaana keentay in mar kale uu xirmo garoonka. Waxaa socda dedaallo badan oo lagu doonayo in biyaha looga saaro garoonka B/weyne, maadaama maanta la filayey in halkaasi ka degaan diyaarado gar-gaar sida. Shacabka ku dhaqan B/weyne ayaa u baahan gurmad xooggan, iyaga oo dhibaato badan kala kulmay fatahaadda Wabiga Shabelle. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaramada Midoobe ayaa ku biirtay dadaalada sida deg degga ah taakulada loogu fidinayo dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha Beledweyne. Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), waaxda gargaarka ee Qaramada Midoobay, iyo la-hawlgalayaal kale oo ay fududeeyeen Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa waxaa ay bilaabeen inay gurmad kala duwan gaarsiiyaan qoysaska ay saameeyeen daadadku, iyo fatahaadaha Wabiya sigaar ah Magaalada Baladweyne. Agaasimaha Hay’adda WFP ee Soomaaliya, Kaaba Arroyo, ayaa sheegay in hay’addu ay si dhow ula shaqeyneyso mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya si ay u gaarsiiso agabyada gargaarka qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha. Ugu dambeyn wuxuu intaas ku daray in WFP ay sii wadi doonto bixinta cuntada si ay u taageerto ilaa 4,000 oo qoys, ama qiyaastii 24,000 ka-si ay uga faa’iideestaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey agagaarka degmada Balcad ee gobolkaasi. Wabiga ayaa ku fatahay dhul beereed aad u ballaaran uu ku yaalla halkaasi, iyadoona dadka deegaanku ay bilaabeen inay barakacaan, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaartayfatahaada cusub ee wabiga Shabelle uu ka sameeyey magaalada Balcad. Deegaanada uu saameeyey wabiga Shabelle, kuna fatahay ayaa waxaa ka mid ah Xawadleey, Jameeco Misro, Farbarako, Muku Dhere, Raqayle iyo Daymosame. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi oo aan la hadalnay ayaa sheegay in xaalad adag ay ka taagan tahay halkaasi, islamarkaana ay dalbanayaan in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaasi oo u badan kuwa Beeraley ah. Wabiga Shabelle ayaa horay fatahaad xoog leh uga geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku barakaceen illaa 270,000 oo qof oo ku noolaa Beledweyne iyo degaannada hoostaga. Sidoo kale wabigan ayaa fahaad ka sameeyey dhinaca degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo iyana laga soo sheegayo xaalado daran oo dhinaca nolosha ah. Dadka ay saameeyeen fatahaadaha oo aad u badan ayaa weli u baahan gurmad deg deg ah, waxaana dowladdu ay sheegtay in maanta diyaarado sida gargaar ay u direyso magaalooyinka Beledweyne, Bardaale iyo Baardheere oo ka mid ah meelaha ugu daran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hal ruux ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacantay shil gaari oo xalay ka dhacay duleedka koonfureed ee magaaalada Boosaaso sida uu shaaciyay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud. “Wadada dheer ee isku xirta Gaalkacyo iyo Boosaaso waxaa caawa ka dhacay shil gaari hal qof baa ku dhintay Ilahay ha u naxariistaan leenahay afar qofna waa dhaawac iyagana waxaan leenahay Alle ha u booga-dhayo” ayuu yiri Taliyaha. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ay go’antahay wadada kadib markii roobab mahiigaana oo halkaasi ka da’een maalmihii la soo dhaafay ay sababeen burbur iyo godad ka samaysmay laamiga dheer ee isku xira Boosaaso iyo Gaalkacyo. Hoos ka daawo hadalka Taliyaha PUNTLAND POST The post Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan iyo Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Siyaasiyiintan oo dhowaan yeeshay madal ay ku mideysan yihiin inta badan xisbiyada mucaaradka ayaa u kuur gali doona xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi. Sidoo kale waxaa socdaalkan qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Beledweyne ayaa waxaa si xoogan u saameeyey fatahaada wabiga Shabelle, iyadoona inta badan ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa magaaladaasi. View the full article
-
Taliska qeybta Booliiska ee gobolka Bari ayaa ka warbixiyey shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso. Gaariga shilka galay ayaa ka ambabaxay magaalada Boosaaso, wuxuuna kusii jeeday magaalada Gaalkacyo, isaga oo ku dhacay god weyn oo roobku qoday. Gaashaanle Sare, Xuseen Cali Maxamuud oo ah taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey dhimashada Hal qof iyo sidoo kale dhaawaca 4 kale. Waxa uu Taliyaha sheegay in hakad la geliyey isku socodkii gaadiidka ee wadadan, illaa ammar dambena aan halkaasi la mari karin. “Wixii dhacay waan ka xunnahay, gaariga wuxuu ku dhacay bohol weyn, wadadu waa ay burbursan tahay, sidaasi darteed waxaan leenahay gaadiidka haka joogaan inta ay wax iska bedalayaan, annaga iyo maamulka gobolkana waan iska aragnay, qorshe ayaana socda” ayuu yiri Taliyaha. Roobkii ka da’ay deegaannada Puntland ayaa sababay burburka waddooyin badan oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka wasaaradda warfaafinya xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in maanta dowladda Soomaaliya diyaarado sida gargaar ay u direyso deegaanada ay saameeyeen fatahaadaha ka jira qeybo badan oo ka mid ah dalka. Maareeye ayaa xusay in diyaaradahaasi ay gurmad deg deg ah gaarsiin doonaan magaalooyinka Beledweyne, Bardaale iyo Baydhabo. Sidoo kale wuxuu sheegay in gargaarkan qeybta ugu badan ay ka timid dowladda Qatar, islamarkaana ay uga mahadcelinayaan taageeraadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-mahad-maareye-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/WAR-SUBAX-SHABELLE-TALAADO-05-11-2019-ok-sax.mp3 View the full article
-
Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaraan madaxweynayaashii hore ee dalka. Kulan degdeg ah oo xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda madasha xisbiyada qaran ayaa lagu magacaabay guddiga gurmadka Fatahaadaha, waxaana wafdiga maanta tagaya B/weyne hoggaaminaya Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran. Sidoo kale, waxaa wafdigan qeyb ka ah madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo madasha ka tirsan. B/weyne ayeey geyn doonaan gurmadka ay ugu talogaleen shacabka dhibaatada ay kasoo gaartay fatahaadda Wabiga Shabelle. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madasha la baxday Xisbiyada Qaran oo xalay kulan ay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa magacaabay Guddi ay u bixiyeen Gurmadka Fatahaadaha islamarkaana waxay diyaariyeen gurmad ay ugu tala-galeen fatahaadaha ka dhacay magaalada Beledweyne iyo degaanno kale. Guddoomiyaha Madasha ay ku midaysan yihiin Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho ee la baxday Madasha Xisbiyada Qaranka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada ayaa sida la sheegayo maanta ku wajahan magaalada Beledweyne. Wefdiga Sheikh Shariif ayaa halkaasi geyn doona gurmad loogu tala-galay dadka ay saamaysay fatahaadda Webiga Shabeelle ka sameeyay gudaha iyo nawaaxiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana sidoo kale ay kormeer qiimeyn ah ku sameyn doonaan xaaladda dadkaasi. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada ka dhisan Muqdisho oo u gurmanaya Fatahaadda Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan gudaha magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya. Wafdigan oo ka socda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa hoggaaminaya, Sheekh Shariif oo ah guddoomiyaha Madashaasi, iyadoona xalay ay ku dhawaaqeen guddi ka shaqeeya u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka. Ujeedka socdaalka labada Madaxweyne ee hore ayaa ah sidii ay u kuur gali lahaayeen xaaladaha nololeed ay ka jira Beledweyne iyo siduu u saameeyey wabiga Shabelle. Sidoo kale waxaa ay dadka dhibaateysan gaarsiin doonaan kaalmo bani’aadanimo oo Madasha Xisbiyada Qaran uga qeyb qaadaneyso caawinaada loo fidinayo dadkaasi oo weli u baahan garab istaag iyo gurmad deg deg ah. Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada xoogan ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee ku dhaqan magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Baay ee maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xaaladda labaasi degmo oo daadad xoogan ay ku dhufteen ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, iyadoona inta badan ay ka barakaceen qoysaskii daganaa halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs H E Sheikh Mohamed bin Abdulrahman Al Thani has said that the State of Qatar will continue to be a key supporter of Somalia and will spare no effort in providing the necessary assistance for development plans and programmes of government of Somalia in partnership with the United Nations and the World Bank. “The State of Qatar has recently provided a $25m aid to the Somali government as contribution to the debt reduction of Somalia at the World Bank and that it supports the development of security capabilities, economic empowerment programmes, creation of job for young people, the Trust Fund for Peace and Reconciliation and the implementation of development projects,” H E the Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs said. H E the Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs said this in his opening speech while chairing the Ministerial Meeting of the OIC Contact Group on Somalia which was held yesterday for mobilising more international support to establish security and promote development in Somalia. The meeting was attended by a number of foreign ministers and other top officials of the OIC countries including the Foreign Minister of the Republic of Turkey, Mevlut Cavusoglu; the Minister of Foreign Affairs of the Republic of Azerbaijan, Elmar Mammadyarov; the Minister of Foreign Affairs of the Federal Republic of Somalia, Ahmed Isse Awad, among others. H E the Deputy Prime Minister said that the meeting was being held in the context of the keen attention that Qatar attached to Somalia as part of its role as Chair of the OIC Contact Group and to provide various forms of support to Somalia. H E the Deputy Prime Minister also extended thanks to the General Secretariat of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) for preparing a report on the situation in Somalia, which was presented to the meeting. H E the Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs urged continued efforts to complete the pillars of democracy in Somalia to realize the 2016 vision and holding the general elections scheduled for 2020-2021 and establishing and consolidating the principles of transparency, social justice and respect for human rights and the rule of law. “There are many serious challenges still facing Somalia, and we should provide all aspects of support for facing these challenges. Perhaps, the most prominent of these challenges is terrorism and violent extremism. Despite the gradual progress in facing the control of the militant groups, terrorist attacks still continue,” he said. In this context, His Excellency reiterated Qatar’s condemnation of these criminal attacks, which aimed to undermine stability and national unity, stressing the importance of intensifying efforts to eradicate them and implement the national strategy and action plan to prevent and combat violent extremism. He said that the meeting reflected the consensus of the OIC Member States on the importance of securing the future of Somalia. He also stressed the importance of working to create jobs and employment for young people, who are the largest demographic sector in Somalia, not only by stimulating economic growth but also by contributing to countering violent extremism. He also praised Kuwait’s hosting of the donors’ conference to support the education sector next year, and commended the Republic of Turkey’s proposal of sending a fact-finding mission to drought-affected countries, including the Republic of Somalia, to assess needs. In his speech, H E the Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs also talked about Qatar’s support for Somalia’s Hobyo port development. “Based on the principle of integration between security and development and the importance of protecting achievements, joint investment between the Qatari and Somali governments has been announced for the port of Hobyo, as well as support for the modernization of the military and security sector of Somalia in coordination with the United Nations, especially UNAMSIL, considering the importance of aligning with the efforts led by the African Union through the African peacekeeping mission in Somalia”. For his part, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, Ahmed Isse Awad hailed Qatar’s hosting of this meeting and its efforts to support the Somali people. He said that the process of building the Somali state is witnessing a tangible development where political stability, security improvement and economic achievements have been realized. On the security situation in Somalia, the Minister said that the security sector is a priority for the Somali government, terrorism, represented in ISIS and Al Shabab in the forefront of the challenges facing the Republic of Somalia, and to face this and achieve stability on all the territory of Somalia, the government gave priority to restructuring and modernization of the security sector, which enabled the retaking of large areas and important cities of terrorists. The Minister added that his country viewed Somalia Support Fund as an important opportunity and a practical translation of the values and principles of the OIC. He also called on OIC to follow the example of the World Bank and the African Bank to move the economy in Somalia forward. Ahmed Isse Awad also praised Kuwait’s efforts in support of Somalia, particularly in the field of education and called for supporting the success of the upcoming general conference in Kuwait to support education in Somalia. OIC Undersecretary for Political Affairs Yousef Al Dobeay praised the efforts of the State of Qatar and its initiative to call for a meeting of the Organization’s Contact Group on Somalia with the aim of mobilizing more coordinated international support to build the structure and institutions of Somalia and establish security and stability on its territory. Al Dobeay affirmed the organization’s commitment to supporting Somalia, reviewing its efforts and activities in it, which is one of the founding members of the organization and has played a prominent role in its efforts over the past 50 years and praised the organization’s efforts in Somalia. View the full article
