Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Doorashadii Puntland ee 2019-ka waxaa ku guulaystay ganacsato Shuraako ah oo isbahaysatay, ganacsatadan ayaa tartanka doorashada ku soo galay labo musharax, qorshahooduna wuxuu ahaa in labada musharax mid uun u guulaysto, labada musharax ayaaa kala ahaa Siciid Cabdullaahi deni iyo Faarax Cali Shire. Guushii ka dib, waxaa bilowday halgan ku dhisan damaaciga gacan ku haynta qandaraasyada Puntland, iyadoo khilaafkii u horreeyay uu ka bilowday qandaraaskii ciidamada PMPF ee imaraadku gacanta ku hayo, iyagoo Ganacsatadii guulaystay ay bilaabeen inay ku kala sad bursadaan islamarkaana ku kala adkaadaan nafaca laga helo gacan ku haynta qandaraaska PMPF-ka. Khilaafkaas wuxuu sababay in ganacsatadii iswadatay khilaafkoodii banaanka u soo baxo iyagoo khilaafkooda ku saleeyay hardan beeleed gaar ahaan beelaha dega Nugaal, Karkaar iyo Bari oo ay ka kala soo jeedeen, waxayna bilaabeen hub aruursi iyo kala jabinta ciidamadii Puntland. Madaxweyne Deni oo xubin ka ahaa ganacsatadii dalka qabsatay ayaa wuxuu taageeray dhinac ka mid ah ganacsatadii, wuxuuna ugu hiiliyay awoodiisa madaxweynanimo, taasi sii xoojisay khilaafkii ganacsatadii iswadatay doorashada ka hor. Khilaafku wuxuu sii labo jibaarmay markii la isku adeegsaday Baraha bulshada iyadoo Daraf ka mid ah ganacsatadii lagu tilmaamay inay yihiin Daacish (ISIS) iyo burcad-badeed, islamarkaana ay qas iyo nabadgelyo xumo ay ka wadaan gobolka Bari, Halka kooxda kale lagu tilmaamay qawlaysato aan dalka iyo dadka u naxeen oo madaxweynaha awoodiisana dadka iyo dalka ku handadaya. Wuxuu khilaafku sii socdaba labadii daraf ee doorashada ka hor midaysnaa waxay ciidamada Puntland oo ay magacyo u kala bixiyeen isugu geeyeen magaaladda Bosaso, waxayna cod dheer ku dhawaaqay in dagaal dhici doono, dagaalkaasi oo dhexmari doono mucaaradka Bosaso iyo Dowladda oo ka sifaynaysa Magaaladda. Halkaa marka ay marayso Xaaladu waxaa soo dhexgalay arrintii qaar ka mid ah isimadda Puntland waxayna ku guulaysteen inay dib u celiyeen qayb ka mid ah ciidamadii soo galay magaaladda ee taageersanaa labada daraf mid ka mid ah, iyagoo ku qanciyay in tabashadoodii ay isimadu la wareegeen. Khilaafka waxaa sabab u ahaa waxaa dhamaaday mudadii ay Puntland la gashay heshiiska Shirkada Sarecen ee ay Emaratka wakiilka ka ahayd, mudadaas oo ahayd 10 sano, waxayna kala ahayd 5 sano oo Madaxweyne C/raxmaan Faroole ah iyo 5 sano oo Madaxweyne Cabdiweli Gaas ah, waxaana heshiisku qorayay in 10-kii sano mar la cusboonaysiiyo, halkaas ayaa waxaa ka dhashay hardanka gacan ku haynta qandaraaska cusub. Waxayna qaybtii uu hoggaamiyay Ganacsade Maxamuud Shido go’aansadeen in la balaariyo xubnaha ka mid noqonaya qandaraaska cusub waxaana lagu soo daray Xasan Cabdullaahi Deni oo walaal la ah Madaxweyne Deni, Ganacsade Daahir Ayaanle yo Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal sidoo kale waxay go’aamiyeen in meesha laga saaro darafka kale (qaybta labaad) ay saaxiibada wada ahaayeen. Eedaymahii Deni lagu qanciyay waxaa mid ahaa Bashir Cabdullaahi Saalax uu saami lacageed oo aan xadigeeda la garanayn uu kor ka qaato taaso aan ka mid ahayn lacagta Imaaraadka ka timaada oo iskugu jirta Adeeg, Mushar, lacago Isimo la siiyo iyo lacagaha Qandaraasleydu wada helaan oo ay shirkada ku yihiin. Madaxweyne Dani safar-kii ugu horeeyay ee Emaratka ee Bishii March wuxuu kula kulmay magaalada Abu Dabai Saraakiil derejedoodu hoosayso oo Emarat ah waxayna u sharaxeen qaabka ay lacagaha u bixiyaan iyo Akoomada iyo shakhsiyaadka ay marsiiyaan iyo cadadka lacagta guud ahaan, Ka dib Madaxweynuhu wuxuu u sheegay Saraakiisha Emaratka inuu arintaan wax kabadali doono ayna qalad tahay sida ay wax u Maamulaan hada. Intii u dhaxaysay Bilihii April ilaa August ayaa Xildhibaan Maxamuud Mashruuca iyo Ganacsade Cismaan Shiraquud oo ka mid ah guddiga dhexe ee shirkadda PDG, islamarkaana matalayay Ganacsade Bashiir waxa ay kulamo kula yeesheen Madaxweyne Dani iyo Maxamuud shido Magaalooyinka Boosaso iyo Garoowe, dhammaan kulamadaasi natiijo la’aan ayay ku dhamaaday ka dib markii u ay cadeeyeen Madaxweyne Deni iyo Ganacasade Shido in laga qaadayo Qandaraaska PDG ayna qaataan Agabka ka yaala xarunta PMPF. 24 Bishii September, Madaxweyne Deni oo ay weheliyeen Xasan Cabdullaahi Deni oo Madaxweynaha Walaakiis ah iyo Cabdirabi Cismaan Maxamed oo Madaxweynuhu u magacaabay xiriiriyaha Ciidamada PMPF-ta ee Madaxtooyada ayaa xarunta PMPF waxay kula kulmeen Saraakiil dowladda Imaraadka ah waxaana shirkaas ka maqnaa dhamaan qandaraasleydii mashruuca gacanta ku haysay. 28 September 2019, afar Maalmood ka dib shirkii Madaxweyne Deni iyo Saraakiisha Imaradka waxaa markii u horraysay waji- ka -waji isku arkacay Asaasihii mashruuca PMPF-ta ahna guddoomiyaha Shirkadda PDG Bashiir Abdullahi Saalax Deer iyo Madaxweyni Deni wuxuuna ahaa kulankii u danbeeyay uguna horeeyay wuxuuna isna ku dhamaaday isfahan la’aan ka dib markuu Madaxweynuhu u sheegay ganacsade Bashiir in qandaraaskii PDG-da uu ku egyahay 1-da November, lagana wareejiyay Mashruuca isaga, ka dib wuxuu Bashiir Salax Meesha ka sheegay inuu isagu keenay Mashruuca isla markaana wakiil ka yahay sidoo kalena isagu uu leeyahay dhulka ay dagan yihiin PMPF. DIB U MILICSIGA TAARIIKHDA MASHRUUCAN Taariikh ahaan qandaraskan waxaa fikradiisa iyo bilowgiisaba lahaa ganacsade u dhashay gobolka Sool oo la yiraahdo Cali Geele, xiligii Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi (Alle ha u naxariistee ) ayuu isku dayay inuu dalka keeno hase yeeshee uma suurtoobin waqtigii xukuumadii Mweyne Cadde oo dhamaad loona diyaar garoobayay doorashooyin . Ka dib doorashadii Madaxweyne Faroole 2009-kii ayaa mar labaad waxaa la keenay Qandaraaskii oo uu markan hoggaaminayo Bashiir Cabdullaahi Salax oo heshiis la soo galay Ganacsade Cali Geele, waxaana heshiiska qanadaraaska garab ku siinayay Bashiir Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo Madaxweyne Faroole ka dhaadhiciyay faa’idada mashruucan ugu jirta Puntland dhaqaale ahaan iyo amni ahaan madaama xiliigaas ay Puntland dhibaato ka haysatay la dagaalanka Burcad-badeeda. Qandaraaska waxaa si buuxda qalinka loogu duugay 2009-2010, waxaana wada saxiixay Ganacsato wakiil ka ah Dawladda Puntland iyo shirkada Sarecan oo wakiil ka ah dowladda Imaraadka, islamarkaana fulinaysay qandaraaska mashruuca saxiixa ka dib qandaraaska waxaa kusoo biiray Xildhibaan Maxamuud Mashruuc, Suldaan Ciise Xasan Cumar (alle Ha u naxariisto) oo noqday Agaasime ku-xigeenkii PDG, Suldaan Bashiir Muuse Koonte (Alle ha u naxariisto) oo isna Ku-xigeenka PDG akdib egeridii Suldaan ciise, Ganacsade Cismaan Shirequud iyo Ganacsade Maxamuud Shido oo dhinac Madaxweyne Faroole ka socday, awood badana la siiyay. Waqtigii Madaxweyne Gaas 2014-2019kii waxaa si gaar u xoroobay kooxda Bashiir Salaxdeyr maadaama waqtigii Faroole kooxda Maxamuud shido ay ku cabsi galin jireen darafka ganacsade Bashiir inay kala noqon doonaan Qandaraaska isla markaana waxaa hoos loo dhigay awoodii iyo dhaqaalihii Maxamuud shido maadaama ay meesha ka baxday Awoodii faroole oo uu matalayay Maxamuud shido wuxuuna marar badan sheegay inuu aargoosan doono. Sidoo kale waxaa jiray cabashooyin bilowgii 2017- 2018 waqtigii xukuumadii Gaas waxayna Madaxda Imaraadku ay ka cowdeen shaqo xumo ay qolada Qandaraasleyda uga cabanayeen laakiiin Madaxweyne Gaas wuxuu u sheegay inay ilaaliyaan hashiiska, wuxuuna u sheegay PDG inay xaliyaan wax yaalaha laga cabanayo. Haddaba taariikhiyan inta la xasuusto ma dhamaado dagaalka macdaarlaydu (Ganacsatadu), waxaana suurtagal ah in dhowrkii biloodba mar uu soo labo kacleeyo markasta oo la helo qandaraas cusub. W/Q: Cumar Siciid Maxamed www.facebook.com/OmarAkhiyar
  2. Riyadh (Caasimada Online) – Dalalka Khaliijka ayaa in muddo ah wada qorshe ay ku qabanayaan shir weyne caalami ah, oo ay si rasmi ah ugu dhowaaqayaan inay xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelanayaan Israel, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Middle East Eye iyo Alkhaleej. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dhammaan dalalka doonaya inay sidan sameeyaan, haddana waxaa la ogyahay yahay inay hormuud ka yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Bahrain. Saddexdan dal ayaa hadda si hoose oo aan shaacsaneyn ula xiriira Yahuudda. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa bilihii ugu dambeeyey ogolaanayey in fallanqeeyayaasha siyaasadeed ee dalkiisa ay si shaacsan u difaacaan Israel. Xitaa waxay difaacayeen weerarkii ugu dambeeyey ee Israel ay ku qaadday Gaza oo lagu xasuuqa 32 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8 isku qoys ah. Hadafka ugu dambeeya ee Bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi ayaa ah in la beddelo ra’yul caamka shacabka Carabta, ka hor ku dhowaaqista go’aanka ay xiriirka ula yeelanayaan Israel. Tani waxay sidoo kale ku qasbi kartaa inay la heshiiyaan Qatar oo muddo laba sano ah ay ku hayaan xanibaad. Mohamed bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa garowsan awoodda warbaahineed ee Qatar iyo taleefishinkeeda Aljazeera oo qorshahooda ka bixin kara argti taban. Si kastaba, ma cadda haddii Qatar ay sidaas ogolaan doonto, xitaa haddii ay la heshiiyaan. Qatar, Turkey iyo Iran waa saddex ka mid ah dalalka Islaamka ee qadiyadda Falastiiniyiinta ay ka go’an tahay.
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Jubbaland, Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa waxaa uu ka hadlay dhaqaale uu sheegay inay ganacsatada Jubbaland qaarkood siiyaan maleeshiyada Ururka Al Shabaab. Taliyaha ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan ganacsato xiriir dhow la leh Ururka Al-Shabaab, kuwaa oo sida uu sheegay dhaqaale ugu yabooha, una gudbiya xoggo. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inaanan ganacsatada looga baahnayn baqdin ay ka qabaan maleeshiyada Shabaab inay lacagahooda u siiyaan, isla-markaana aanay dheg jalaq u siinin in la dili doono, haddii aanay lacagahaasi bixin. Sidoo kale wuxuu sheegay haddii ganacsatada baqdin ay maanta Shabaab ka qabaan u siiyaan lacago, berrina lagu amri doono inay shaqooyin u qabtaan amaba u fududeeyaan Shabaab, iyadoo markaasi loogu hanjabi doono haddii aanay qaban in la dilaayo. Taliyaha ayaa ganacsatada reer Jubbaland uga digay inay furaan wado aan horey ugu furnaan jirin, oo sidii doono ay suurtagal tahay in looga fusho. Taliyaha ayaa wuxuu ganacsatada ku amray inaysan jideenin wado kale oo dadweynaha ugu cadaalad doontaan Shabaabka hubeysan ee dagaalka dalka ka wada, haddii ay Shabaabku yihiin cadow gumaadaya shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri. Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay inay hayaan cadaymo muujinaya xiriirka ay ganacsatada qaarkood la leeyihiin Shabaab, waxaase uu ku goodiyay inay goobahooda ugu taggi doonaan, haddii aanay joojin la shaqaynta Al Shabaab. Korneylka ayaa wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo gelinkii dambe ee Khamiistii uu ku qabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
  4. Shirkada DP World oo shaacisey inay 50% Kordhiyeen shixnadaha Koontiinarrada dekedda Berbera Shirkadda DP World ee Imaraadka Carabta ayaa sheegtay inay Boqolkiiba Konton Kordhiyeen shixnadaha Koontiinarrada dekedda Berbera, halka ay Boqolkiiba Toddobaatan isbeddel weyn lagu sameeyey adeegyada marsaddaas. warbixin uu daabacay East African Business Week ayaa Guddoomiye Ku-xigeenka Xiriirka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder wuxuu sheegay inay shirkadoodu 442ka Milyan ee doolar ugu maalgelinayso marsadda Berbera, si ay u noqoto dekedda ugu weyn, isla markaana ugu muhiimsan ee dalalka Geeska Afrika. Mr.Federico Banos-Linder wuxuu caddeeyey in ay dhammaytireen wejigii koowaad ee casriyeynta dekedda Berbera, isla maraana ay hadheen laba qaybood oo kale. “Waxaanu dhammaystirnay wejigii koowaad ee dib u habeynta marsadda Berbera, oo ka mid ah saddexda qaybood ee casriyeynta dekedda Berbera. Waxaanu kordhinay Boqolkiiba Konton shixnada Kontiinarrada. Waxa kaloo aanu boqolkiiba Toddobaatan hirgelinay horumar weyn oo laga fuliyey dekedda Berbera,”ayuu yidhi Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dekedda Berbera ay sannadkii dhoofi doonaan 4 Milyan oo xoolo ah,waxaanu tilmaamay in muddo sannad ka yar ay dhoofiyeen 1.5 Milyan oo xoolo ah,waxaanu masuulkaasi sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey shirweynihii lagaga hadlayey maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay Magaalada Nairobi. Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tafaasiil ka bixiyey khayraadka dihin ee Somaliland oo ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta,noocyada macdanta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland Qaran News
  5. Ex-Wasiir Yuusuf Garaad oo soo bandhigay hab baadhitaan cajiib ah oo lagu ogaan karo cidda dishay Almas Elman Wasiirkii hore ee arrimaha Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay uga hadlay hab baaritaan oo lagu ogaan karo cidda soo ridday xabaddii lagu dilay Almaas Elman cali Axmed. Qoraalka ayaa u dhignaa sidan: Lama fududeysan karo geerida Almas iyo goobta ay xabbaddu ku dishay. Almas Elman, Allah ha u naxariisto. Rabbi ha u hooyo Jannatu Fardowsa. Waa ubax noloshiisii la dhaafiyay isaga oo curdun ah. Waalid, walaal, qoyska iyo saaxiibbadeeda faraha badan Samir Allah ha ka siiyo. Goobtu waa gudaha xeyndaabka lagu tilmaamo in aad loo ilaaliyo. Kama foga dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan marka ay kacayaan iyo marka ay soo caga dhigtaan iyo waliba hool lagu doortay laba Madaxweyne iyo laba Guddoomiye Baarlamaan. Waa lama huraan in la sameeyo baaritaan sax ah, cilmi ku qotoma oo su’aalaha macquulka ah ee taagan u hela jawaabo aan la burin karin. Haddii qalliinka xaqiiqa doonka ah ee geerida dabadeed lagu hayo xagasha ay xabbaddu ka gashay jirka Almas, lana helo joogga ay dhulka ka sarreysay meesha ay xabbaddu uga dhacday. Waxaa fududaaneysa in la helo barta ay xabbaddu dhulka uga dhici lahayd, haddii aanay Almas ku dhici lahayn iyo xagasha ay dhulka la sameyn lahayd. Marka intaa la helo, ma dhib badna in qiyaas xisaab ku qotonta lagu soo saaro jihada ay xabbaddu ka timid iyo marinka ay hawada ka soo jeexday halka uu ahaa. Xabbadda maaddaama la hayo, haddii loo abtiriyo oo la ogaado nooca qoriga ay ka dhacdo, masaafada ay gaari karto iyo xawaaraha ay ku safarto, lana og yahay barta ay dhulka uga dhici lahayd iyo xagasha ay kula dhici lahayd, waxaa fududaaneysa in la garto halka xabbaddaas laga soo riday. Joogga in la soo saaraa ma dhib badna. Waa cabbirka oogada kursiga gaariga ay fuushaneyd uu ka sarreeyo dhulka oo lagu daray jooggeeda fadhiga ah oo ku eg barta ay xabbaddu uga dhacday. Cabbirkaas waxaa lagu soo saari karaa in qof Almas la dherer ah lana miisaan ah lagu fariisyo kursigii ay fadhiday. Ma ahan wax aan iska mala awaalayo ee waa baaritaan noociisa oo kale caalamka hore loo adeegsaday. Marka intaas jawaab loo helo ayaa laga shaqeyn karaa sidii caddaalad loogu heli lahaa marxuumadda, loona xaqiijin lahaa in uu sugan yahay amniga garoonka, kan hoolka doorashada iyo shirarka waaweyn oo la isku halleyn karo. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta dowladda ay isku khilaafeen sidii laga yeeli lahaa muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi Umal ee la qorsheeyey in Axadda lagu qabto garoonka Injineer Yariisow. Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo jeediyay in la baajiyo muxaadarada, halka la sheegay in uu diiday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Soomaaliya iyo guddi arrimaha diinta qaabilsan oo ka tirsan Villa Somalia ayaa soo jeediyay in aan la qaban Muxaadaradaan, ayaga oo ku dooday inay sababi karto isku dhacyo diimeed, balse waxaa diiday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Culimada suufida ayaa wacad u maray inay hor-istaagi doonaan muxaadaradan ayaga oo qorsheeyey dibad-baxyo ballaaraan oo ka dhacaya garoonka Injineer Yariisow. Waxaa sidoo kale xog lagu hayaa inay taageerayaal badan ay ka dhaadhiciyeen inay gudaha u galaan garoonka, kana hortagaan muxaadarada. R’aiisul Kheyre ayaa qalad ku tilmaamay isku dayga culimada qaar isku hortagayaan Muxaadarada Sheekh Umal islamarkaana la qaban doono Muxaadarada waxaana taagan khilaaf arintaan ku saabsan. Sidoo kale saraakiisha madaxtooyada ayaan isku wada raacsaneen in la joojiyo Muxaadarada balse waxaa muuqata in ay sababi doonto isku dhacyo dhanka diinta iyo fowdo ka bilaabata magaalada Muqdisho. Culimada suufida ayaa ku eedeeyey Sheekh Umal inuu “aflagaadeeyey nebigga NNKH” ayaga oo soo xiganaya hadal uu hadda ka hor jeediyey oo uu ku sheegay “in tinta nebiga NNKH laga helay injir”. Qaar kale ayaa sidoo kale ku eedeeyey inuu horey u taageeray kooxaha xagjiriinta ah ee dagaalka ka wada Soomaaliya. Sheekh Umal waa uu iska fogeeyey dhammaan eedaha loo jeediyey. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Sheekh Umal inuu “murtadiin ku tilmaamay” mas’uuliyiintii dowladda Sheekh Shariif. Waxaa dadkaas ka mid ah xildhibaan Fiqi iyo xildhibaan Mahad Salaad. Cabsida ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah in garoonka Injineer Yariisow ay ka dhacaan rabashado u dhaxeeya taageerayaasha Suufida iyo kuwa Umal, taasi oo sababi karta dhimasho iyo dhaawac. Muxaadarada oo la qorsheeyey inay maanta dhacdo ayaa dib loo dhigay ilaa axadda. Caasimada Online ayaa ogaatay in sababta ay ahayd cabsida amni ee la qabo, inkasta oo dowladda ay sheegtay sabab kale.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dowladda ku dhaliilay qaabka ay u wajaheyso muxaadarada uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal qorsheynayo inuu ku qabto magaalada Muqdisho. “Muxaadarada Sheekh Umal ku qabanayo garoonka ciyaaraha Eng Yariisow iyo kacdoonka Ahlu Sunna natiijada ka dhalan karta Nabad iyo Nolol ma iswaydiiyeen?” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. Mahad Salaad ayaa yiri “Sida indho la’aanta ah ee hay’adaha amniga iyo warbaahinta dowlada loogu isticmaalayo buunbuuninta Sheekh Umal waxay daliil cad u tahay sida fikirka xagjirka ah ugu sii dhex xoogaysanayo hay’adaha dowlada Soomaaliya.” Ma jiraan wax caddeymo madax banaan ah oo taageeri kara hadalka Mahad Salaad ee ah “fikirka xagjirka ah ugu sii dhex xoogaysanayo hay’adaha dowlada Soomaaliya.” Sidoo kale isna soo ma bandhigin caddeymo. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale Sheekh Umal ugu baaqay inuu jeediyo muxaadaro uu ku waaninayo “kooxaha xagjiriinta ah ee is-qarxiya.” “Sheekh Umal haduu dadka Soomaaliyeed wax anfacaya u wado anigu waxaan qabaa in uu waaniyo waxna u sheego kuwa ummadda Soomaaliyeed maalin walba qarxinaya ee daliishanaya fikirka xagjirka ah ee isaga iyo saaxiibadiis horay u abuureen!” ayuu yiri. “Kuwa culimada sheeganaya ee hoteelada Mogadishu dowlada u jiifana waxaan leeyahay Sheekh Soomow wax uu aaminsanyahay ayuu difaacayaa ee adinku hadii aadnan Allaah ka baqayn walba ummadda ka xishooda!” ayuu sii raaciyey.
  8. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu yidhi “Inuu dalku meel xun marayo waxaad ka garataa siday u hadlayaan Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedku, labada Xisbi Mucaarad haddii ay yidhaahdeen ha nalaga bedelo Ina Riyo-raac, kuma kalsoonina, xaq bay u leeyhiin, waayo ma aaminayaan oo Xisbi ayuu ka tirsan yahay, Boqorku wuxuu yidhi ma habar-jeclo ayaa la diidayaa, ee Boqor Buurmadaw waxaan leeyahay cid diidan Habar-jeclo ma jirto, Ina Riyo-raac oo qudhana Beeshu maaha ee aqoonyahano iyo mutacalimiin wey leedahay ee cid lagu bedelo Madaxweynuhu ha keeno,Ina Riyo Raacna kama wanaagsana xubnihii awalba Xisbinimada lagu diidayey, waliba kuwaas reernimo laguma diidin, haddii aan yidhaahdo reernimo ayaa lagu diidayna waa khalad, waxaynu la soconaa in Xasan Siciid hore loo diiday, Beesha Arab may odhan anaga ayaa naloo jeeda ee waa la soo bedelay, Maxamed Cismaan Fadal waa la diiday, Beesha Habar-yoonis may odhan anaga ayaa naloo jeeda, ee waa la soo bedelay, imika oo ugu dambeeysay ayuu Muuse Biixi diiday mid ka mid ah labadii xubnood ee Guurtidu gudbisay, Beesha Warsan-gali may odhan anaga ayaa naloo jeeda, ee Boqor Buurmadaw waxaan leeyahay Ina Riyo-raac reernimo laguma diidana ee waa Xisbi yahan Kulmiye ah oo fog, oo aan dhex u noqon karin Xisbiyada Qaranka, ta kale Xisbiyadu ma diidana oo qudha Ina Riyo-raac ee xitaa waxay diidan yihiin inanta, maxaa yeelay inantu waxay ka mid tahay xubnihii hore ee Komishanka, ee Xisbiyada iyo Madaxweynuhu ka heshiiyeen, reernimana laguma diidana, ee Boqor Buurmadaw inuu qaabkan u hadlo aad baan ugu xumahay”. Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey xaalada dalka ayaa yidhi “Ninkii yidhi ila meerayso, layaab muu lahayn, waa la xidhay, in dadka masaakiinta ah la xidhana waa wixii aynu ka dhiidhinay, ee aynu Siyaad Barre kula dagaalanay, dalkiina ila meerayso ayuu galay, Madaxweynuhu ila meerayso iyo caragsi uu wado inuu ka tago weeye, ee maxaa buuqa iyo rabashka ina galinaya, waxay ahayd inuu si nadiif u bedelo xubnahan la yidhi soo bedel.” Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Taabit Cabdi Maxameda ayaa ka hadlay hadal heynta ka jirta Magaalada Muqdisho ee ku saabsan khilaafka Culumada Soomaaliyeed iyo sida looga aamusay dilkii loo geystay Almaas Elman oo lagu dhex dilay Magaalada Muqdisho. Hoggaamiye Thaabit ayaa sheegay inay aheyd Maanta in laga doodo diiradana la saaro sidii caddaalad loogu heli lahaa dilka Almaas Elman oo uu sheegay in iyada iyo Aabaheedba ay dileen gacan ka xaqdaran. “Hadal-heynta saxda ah waxay ku habooneyd maanta in diiradda la saaro sidii caddaalad loogu helilahaa dilka Almaas Elman oo sida aan wada ognahay aabaheed Elman Ali Ahmed Allaha u wada naxariistee labaduba ay gacan ka xaqdaran dishay sanadihii 1996 iyo 2019. Ugu yaraan qoyska reer Elman waxay naga mudan yihiin maanta in aan ku wada mashquulno sidii ay caddaalad u heli lahaayeen” ayuu yiri Thaabit oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook. Hoggaamiye Thaabit ayaa sheegay inay muhiim tahay in jawaabo waafi ah loo helo 3 su’aal oo ku saabsan dilka Elmas Elman, wuxuuna ku kala sheegay: Yaa dilay Almaas Elman? Halkee ayay mareysaa baaristu? Xerada Xalane oo amnigeeda ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada AMISOM, warbixin hordhac ah ma kasoo saareen, iyaguse baaritaan madaxbanaan ma wadaan? Ugu dambeyntii Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa kusoo xiray “Jawaabaha su’aallaha kore ayay tahay inaan diiradda saarno ka hadalkeeda oo aanan marnaba xaaladda taagan nagala weecin. Ogow shacab iyo mas’uulba hadii aad ogolaatid in ka hadalka waxa xaqqa ah lagaa weeciyo, noloshu waa silsilad marbay murugadu deris kula noqoneysaa ee ha sugan maalinta ay ku hoos taal. Maanta ayaad kartaa inaad xaqqa ama runta sheegtid” Hadalka Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadayo xilli Maanta dadka Soomaaliyeed ay hadal hayeen khilaafka ka dhashay muxaadaro uu Muqdisho ku qaban rabo Shiikh Umul taasoo ay ka hor imaadeen culimada Suufida ee Muqdisho ku nool.
  10. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-habeen-22112019.mp3 View the full article
  11. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid CabdullaahibDeni iyo Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash ayaa Casumaad Qado jamce ah u Sameeyey Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Puntland. [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay uga hadlay hab baaritaan oo lagu ogaan karo cidda soo ridday xabaddii lagu dilay Almaas Elman cali Axmed. Qoraalka ayaa u dhignaa sidan: Lama fududeysan karo geerida Almas iyo goobta ay xabbaddu ku dishay. Almas Elman, Allah ha u naxariisto. Rabbi ha u hooyo Jannatu Fardowsa. Waa ubax noloshiisii la dhaafiyay isaga oo curdun ah. Waalid, walaal, qoyska iyo saaxiibbadeeda faraha badan Samir Allah ha ka siiyo. Goobtu waa gudaha xeyndaabka lagu tilmaamo in aad loo ilaaliyo. Kama foga dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan marka ay kacayaan iyo marka ay soo caga dhigtaan iyo waliba hool lagu doortay laba Madaxweyne iyo laba Guddoomiye Baarlamaan. Waa lama huraan in la sameeyo baaritaan sax ah, cilmi ku qotoma oo su’aalaha macquulka ah ee taagan u hela jawaabo aan la burin karin. Haddii qalliinka xaqiiqa doonka ah ee geerida dabadeed lagu hayo xagasha ay xabbaddu ka gashay jirka Almas, lana helo joogga ay dhulka ka sarreysay meesha ay xabbaddu uga dhacday. Waxaa fududaaneysa in la helo barta ay xabbaddu dhulka uga dhici lahayd, haddii aanay Almas ku dhici lahayn iyo xagasha ay dhulka la sameyn lahayd. Marka intaa la helo, ma dhib badna in qiyaas xisaab ku qotonta lagu soo saaro jihada ay xabbaddu ka timid iyo marinka ay hawada ka soo jeexday halka uu ahaa. Xabbadda maaddaama la hayo, haddii loo abtiriyo oo la ogaado nooca qoriga ay ka dhacdo, masaafada ay gaari karto iyo xawaaraha ay ku safarto, lana og yahay barta ay dhulka uga dhici lahayd iyo xagasha ay kula dhici lahayd, waxaa fududaaneysa in la garto halka xabbaddaas laga soo riday. Joogga in la soo saaraa ma dhib badna. Waa cabbirka oogada kursiga gaariga ay fuushaneyd uu ka sarreeyo dhulka oo lagu daray jooggeeda fadhiga ah oo ku eg barta ay xabbaddu uga dhacday. Cabbirkaas waxaa lagu soo saari karaa in qof Almas la dherer ah lana miisaan ah lagu fariisyo kursigii ay fadhiday. Ma ahan wax aan iska mala awaalayo ee waa baaritaan noociisa oo kale caalamka hore loo adeegsaday. Marka intaas jawaab loo helo ayaa laga shaqeyn karaa sidii caddaalad loogu heli lahaa marxuumadda, loona xaqiijin lahaa in uu sugan yahay amniga garoonka, kan hoolka doorashada iyo shirarka waaweyn oo la isku halleyn karo.
  13. Diyaarad ay leedahay Kenyan Airway oo sida ku dhowaad 55 Rakaab ah ayaa bilowday hirgalinta Heshiiskii laba isbuuc ka hor ay wada gaareen Farmaajo iyo [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay hadal uu jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal sanadii 2009, markii uu madaxweyne noqday Sheekh Shariif, kaasi oo uu sheegay inuu ahaa “halis ka daran hubka”. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. Waxaan qirayaa in iftihii Sheekh Umul ee sanadihii 2008-2009 markii Sheekh Shariif xukunka qabsaday inuu ka khatarsanaa noocyadii hubka ee ay isticmaalayeen kooxaha Alshabaab iyo Xusbul Islaam oo dawladda Soomaaliya awoodeeda lagu wiiqayey. Waxaan qirayaa In iftahaas uu shidaal u ahaa moralka wiilashii marin habaabsanaa ee umadda xasuuqayey, dhanka kalena dawladda ciidamadeeda layanyey. Waxaan qirayaa In wadaadkaas iftihiisii uu Nairobi ka soo dirayey In tobanaan kun oo dad muslim ah ay godka hoostiisa ugu jiraan, caruur badan ay u agoontoomeen, burbur hantiyeed iyo dib u dhac umadeed oo weynna uu sababey. Waxaan ugu danbayn ognahay In iftiha Sheekh Umul iyo kuwa kale oo Nairobi kula sugan in ay ka mid yihiin casharada alshabaabka cusub tababarada maskax dhiqidda iyo marin habaabinta ah ee la siiyo. Inkasta oo ay isbedeli karaan wadaadadii afkaarta gaalaynta ka faafinayey ciddii la macaamisha ciidamada AMISOM ayagoo wadamada ay ku nool yihiin la og yahey haddana In dadkii dhibbanaha u noqdey iftahooda ay tabasho kaliya soo gudbiyaan oo aysan dacwad kale ku furin, haddana la isku dayo In la afqabto waxaan u arkaa in ay qaldan tahay, wadaadada waxaas samaynaya ay muuqato In dhibka umadda ka soo gaarey iftihiisa ay kala weyn tahay kooxnimadu. Sheekh Umul iftihiisii dhibka uu noo geystay dawlad iyo shacab Soomaaliyeed ahaan waa inuu umadda horteeda uga cudurdaartaa, weliba asagoo taageero u ah Madaxda Villa Somalia oo ciidamada AMISOM oo gaalo ah ay ilaalinayaan, lagana yaabo meesha uu muxaadarada ku qabanayo In ay ayana ilaalinayaan kuwii uu murtidiinta ku tilmaamayey.
  15. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan Qado sharaf ah u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Sii-hayaha Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo, Aqoonyahano, Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulankaasi wuxuu sheegay ujeedka kulanku inuu yahay xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqon doona, si loo gaaro horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah. Wuxuu Madaxweynuhu dadka xasuusiyey dhismihii Puntland, dadaalkii iyo wakhtgii lagu bixiyey in ay noqoto meel ka duwan Soomaaliya inteeda kale oo hormuud u noqotay dalka dhinac walba, wuxuuna ku baaqay ku adkeynta midnimada iyo ka shaqeynta amniga iyo horumarka Puntland. Ugu danbeyn Madaxweyne Deni wuxuu u tacsiyadeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii dhowaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoo eebe uga baryey inuu janadii geeyo eheladoodiina samar iyo iimaan ka siiyo, si gaar ah Madaxweynuhu wuxuu u xusay Alla Haúnaxariistee Marxuum Cabdikariim Dhegaweyne oo ahaa mulkiilihii xarunta Hida-raac oo kulanka qadada ah lagu qabtay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo markii u horraysay ka hadlay weerarkii xukuumaddiisu ku qaaday xarunta Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  16. The head of Somalia´s electoral commission told the U.N. Security Council on Thursday that 2020 is "a pivotal year" for the country whose citizens have been denied the right to political participation for 50 years and are hoping for an election with universal voting. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa mar kale maanta si rasmi ah dib ugu billowday, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. Duulimaadyada oo markii hore ku hakan jiray magaalada Wajeer ayaan wixii hadda ka dambeeysa sidaas sameyn doonin, waxayna toos uga degi doonaan garoonka Jomo Kenyatta International, marka ay ka baxaan Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, u dirtay shirkadaha diyaaradaha ayaa u dhignaa sidan “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay jeceshahay inay ku dhowaaqdo in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka November, ay dhammaan duulimaadyada ka tagaya Muqdisho ay si toos ah ugu duuli karaan Jomo Kenyatta, ayaga oo aan marin Wajeer.” Duulimaad ka mid ah shirkadda Kenya Airways oo sida ilaa 50 rakaab ah ayaa galabta ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeda Nairobi, waana duulimaadkii ugu horreeyey ee ka baxa Muqdisho, islamarkaana si toos ah uga degaya Nairobi muddo ka badan lix bilood. Arrintan ayaa qeyb ka ahayd heshiis ay 14-kii bishan magaalada Nairobi ku gaareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta. Heshiiska oo dib loogu soo celiyey xiriirka labada dal ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in dadka sita baasaboorka dowladda ee Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaadan karaan garoonka Jomo Kenyatta, halka markii hore ay sii dalban jireen inta aysan bixin. Dowladda Kenya ayaa soo rogtay in diyaaradaha aadaya Nairobi ay sii maraan Wajeer, sidoo kalena aanay Soomaalida Visa ka qaadan karin gudaha garoonka, si ay taas ugu cadaadiso dowladda Soomaaliya kuna qasabto inay ka laabato kiiska dacwadda badda ee horyaalla maxkamadda ICJ. Hase yeeshee, ayada oo dowladda Soomaaliya ay taas u muujisay dhabar-adeeg ayaa waxaa hadda muuqata in Kenya soo dabceyso, inkasta oo aysan caddeyn waxa mar kale kasoo socda.
  18. Beledwayne (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerareen fariisin ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degaanka Halgan. Dadka degaanka ee ku sugan tuuladan hoos tagta gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Shabelle in ay maqleen daryenka rasaas culus. Warar lagu baahiyey baraha taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu shaaciyey in ay khasaaro u geysteen ciidanka Itoobiya balse lagu fahfaahin. Dhanka kale, ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM oo weerarka kadib bilaabay howlgalo ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro kale. Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kuwada sugan askar Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan isugu jira kuwaasoo weeraro saf-balaaran si joogta ah kala kulmay Al-Shabaab. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa telefoonka kula hadlay saraakiil Itoobiyaan ah. Mr Aadan ayaa la sheegayaa in la waydiistay in uu isku soo dhiibay si ay ugu gudbiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Maxamuud Sayid Aadan uu si cad ugu gacan-seyray codsigaas uga yimid ciidanka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM. Mas’uulkan ayaa wuxuu haatan ku xayiran yahay xadka Soomaaliya iyo Kenya markii laga hor istaagay in uu gudaha u galo magaalada Beledxaawo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/LA.mp3 View the full article
  20. James Swan, the United Nations envoy in Somalia, said Thursday that the nation is looking ahead toward 2020 elections and the adoption of a federal constitution by June, but significant barriers to success remain. “After more than a year without effective cooperation between the Central Government and key Federal Member States, this situation has become an obstacle to improving and achieving important national priorities,” sad Swan, speaking to the United Nations Security Council as he delivered a three-month progress report. “Somalia’s leaders must act urgently to break this stalemate between the Center and the Federal Member States in the interest of the nation.” To that end, President Mohamed Farmaajo met this week with his predecessors to work toward political consensus and discuss challenges. Apart from the country’s ongoing security concerns over terrorism, those challenges include tensions in Jubaland, where disputes over August elections “continue to pose risks of violence, clan divisions, and even external intervention, if not carefully managed,” Swan said. He also asked for Somali leaders to work closely with officials in Somaliland. “With parliamentary elections also expected in Somaliland in 2020, it is important that political freedoms and human rights be respected there too,” Swan said. Among the more welcome developments on Somalia was last week’s meeting between Farmaajo and President Uhuru Kenyatta of Kenya. The two met after months of frosty relations because of a maritime border dispute involving Indian Ocean waters off the coast of Africa. View the full article