Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. With just a week to go before the election, Safiya Khalid was in tears. She had spent the past six months knocking on hundreds of doors in Lewiston, Maine, Source: Hiiraan Online
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Puntland ayaa si rasmi ah waxa ay la wareegeen gacan ku haynta Xarunta Baarlamaanka Puntland kadib is-rasaaseyntii xalay ka dhacday ee dhex-martay ayaga iyo ilaalada guddoomiyaha baarlamanka. Ciidamada Puntland ayaa xaruntaasi kala wareegay ciidan u daacad ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed, oo gacanta ku hayay dhismahaasi. Labada dhinac ayuu caweysnimadii xalay iska horimaad kulul ku dhex maray afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland, ka dib markii ay weerar soo qaadeen ciidan laga soo diray Aqalka Madaxtooyada Puntland. Ciidamadii horey ugu sugnaa dhismahaasi oo isaga baxay ayaa suurta-gelisay inay la wareegan ciidamadii ka yimid Qasriga looga arrimiyo Puntland. Garoowe ayaa waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Cabdixakiin Maxamed Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Iska horimaadkii xalay ka dhacayna magaalada waxaa ku dhintay illaa saddex qof, laba askari iyo nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdikariin Maxamed Faarax (Dhagaweyne). Wararka ayaa intaa ku daraya in Isimada Puntland ay bilaabeen dadaalo ay ku doonayan in ay ku kala dhex galaan masuuliyiinta, si xaaladda loogu soo celiyo mid caadi ah. Shaqaaqadii xalay ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa aad u hadalhaya bulshada deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  3. Waxaan Magaalada Nairobi ku kulanay Mudane Mohamed Sh Osman Jawaari oo ahaa gudoomiyihii 9aad iyo kan 10aad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed inta u dhexeysay 2012-2018. Waxaan ka korarsaday taariikh aad ugu weyn umadda Soomaaliyeed waxay ii aheyd habeen iga duwan habeenada kale maxaa yeelay waxaan fursad aan u helay in aan dhageysto taariikh iyo dastuur nool oo socda isla markaasna wax badan i bareysa. Isa salaamid iyo is maxabeyn kadib waxaan ugu gudo galanay is wareysigeen guud ee soomaaliya iyo gaar ahaan koofur galbeed sidii sheekaba sheeko ay i noo dhiibeysya waxaan dul istaagnay taariikh kasoo bilaabaneyso 1954 ilaa 2019 iyo doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo hab raacyadii loo maray. Wuxuu ila wadagay in dalka ay doorasho ka qabsoomi jirtay shantii sano mar lana qaban jiray bisha Maarso. Doorashadii dhacday sanadkii 1962 markii ay dhamaatay mudo xileedkii halka sano ee ku meel gaarka ahaa ee Mudane Madaxweyne Adan Cabdulle Cusmaan (Cade), tirada guud ee shacabka soomaaliyeedna lagu qeysay 3 Malyan xiligaas labada magaalo ee aan tuulooyin hoos imaan waxay aheyn laascaanood iyo Berbera oo midiiba waxaa ka jirtay 113 xaruun cod bixin iyo 117 xaruun cod bixin magaalooyinka kale way ka badnaayeen xaruumahood cod bixnta Burhakabo oo kale waxaa ka jirtay ku dhowaad 170 xaruun cod bixin ah. Sanadkii 2016 suuro gal ma aheyn in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod waxaan soo jeediyey in la sameeyo gole ay u dhanyihiin saamileyda siyaasada ee umadda soomaaliyeed si aan uga tashano halka laga yimi oo ah in dalka dibadiisa doorasho lagu qabto iyo halka la joogo sanadkii 2012 dalka doorasho lagu qabatay gaar ahaan magaalada muqdisho iyo xildhibaanada hal oday uu soo xulaayey iyo Halkeen ka adi karnaa halkan? Beesha caalamka oo dhuunta noogu jirtay oo maalin kasta na lahaa waad qaban kartaan ee qabta doorasho hal qof iyo hal cod ayaan waxaan soo jeediyey in la sameeyo doorasho dadban isla markaasna goobaha doorashada lagu qabanaayo la badiyo oo magaalada muqdisho banaanka looga baxo iyo meeshii hal oday wax soo xuli lahaa tiro ka badan la sameeyo kadib waa la ila qaatay sidaas ayaan doorasho ku aadnay waan lagu guuleystay Allah ayaana ku mahadsan. Waxaan ku iri Mudane Gudoomiye Maxay Xukuumada Mudane Madaxweyne Farmaajo kugu maagtay?. Madaxweyne Farmaajo ayaa ii yeeray iguna yiri dalka waxaan rabaa in aan doorasho hal qof iyo hal cod ah ka hirgeliyo marka waxaan kaa rabaa in aad igala shaqeeyso, Ma xumo ayaan ku iri balse waxaan weydiiyey sidee ayaad ugu hirgelin kartaa arintaas bal ii sheeg?, Sidaas ayaan rabaa ayuu ka badin waayey wax jawaab ah wuu iga siin waayey markaas ayaan ugu warbixiyo in aysna suuro gal ku aheyn dhowr arimood ay ka mid tahay in uusan dalka gacanta ku wadi jirin iyo imkaaniyaadka la haysto, waxaan tusaale ugu soo qaatay 1962 oo dadka intaan ay ka yaraayen dalkana uu xor ahaa wixii dhib ah laga maray iskaba daaye doorashadii 1967. Mar kale ayuu hadalka uu ku laabtay madaxweyne Farmaajo wuxuuna igu yiri dhowr goobood oo dadka la isugu keeno in ay ka dhacdo doorasho shacabka ay ku dooranayaan madaxweynaha ayaan rabaa, Taasi hadii ay dhacdo awoodaha madaxweynaha iyo Barlamaanka ay sinaanaayo korjoogteyna majiro doonto, Waxaan ku iri mudane madaxweyne arintaas ma suuro gali karto aniga oo dhowr meelood oo sharci ah ka tusay laakin kuma uusan qancin. Arintaas ayaa ugu weyneed wax ay igu maageen. Waxay ii aheyd habeen aad iigu qurux badan oo aan wax badan ka bartay taariikhda umadda soomaaliyeed iyo siyaasadaha is diidan oo dalka kasoo jiray inta u dhaxeysa 1954–2019. Waan soo kabay maxaa yeelay qormadaan kuma wada dhameystiri karo wixii aan kala soo kulamay arimihii aan Koofur galbeed qormo kale ayaan kasoo sameyn doonaa hadi Rabi idmo. Mahadsanidiin. W/Q: Mohamed Ali Barre
  4. Ilo’ wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed uu qorshaynayo in uu is casilo saacadaha soo socda, kadib markii mooshin xilka qaadis ah ay ka gudbiyeen in ka badan 40 mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland. Xubno ka tirsan golaha Wakiilada oo diiday in magacyadooda la xigto ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in guddoomiyuhu is casili doono saacadaha soo socda, ka hor inta aan mudanayaasha Baarlamanku u fariisan mooshinka xilka qaadista ah ee laga gudbiyay. Balse, dhanka guddoomiye Dhoobo oo aan la xiriirnay ayeysan noo suurta-gelin, in aan ka xaqiijino warka ku saabsan iscasilaaddiisa, inkastoo weli ay wakhti hore tahay. Xildhibaannada mooshinka gudbiyay, ayaa guddoomiyaha ku eedeeyay, in uu xarunta golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada. Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen in uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka oo sida ay sheegeen mamnuuc ka ah, in lala soo galo hub iyo ciidan, taasina ay jebinayso xeer-hoosaadka, gaar ahaanna qodobka 55-aad ee Xeer-hoosaadka fiqraddiisa 3-aad. Qodobada kale ee xildhibaannada mooshinka keenay ay ku soo eedeeyeen guddoomiyaha, waxaa kamid ah; in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan. Xildhibaannada ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn. Mooshinkan oo loo gudbiyay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan loogu codeyn doonaa, fadhiga golaha Wakiilada ee saaka oo Khamiis ah. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Dhoobo oo la sheegay in uu is casilayo kadib markii mooshin laga gudbiyay appeared first on Puntland Post.
  5. Garoowe:Khasaare Dhimasho iyo Dhaawaca oo ka dhashay Is-rasaaseyn ka Qaraxday Xarunta Barlamaanka Puntland Ciidamo kawada tirsan Puntland ayaa caawa fiidkii isku rasaaseeyey afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Ciidamo horey ugu sugnaa xarunta Baarlamaanka Puntland iyo ciidamo kale oo la sheegay in ay doonayeen in ay kala wareegaan ayaa muddo labaatan daqiiqo ku dhow rasaas xoogani ku dhexmartay afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka. Isku dhacan inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo xarun ganacsi halkaas ku lahaa, iyo labo askari, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale. Inkastoo rasaastii istaagtay, hadana waxaa wali agagaarka xarunta Baarlamaanka Puntland ku sugan ciidamadii ku dagaalamay. Arintan ayaa la aaminsan yahay in ay ka dhalatay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Maanta ayey ahayd markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu fasax saddex beri ah galiyey mudanayaasha Golaha Wakiiladda oo ku jiray kalfadhigoodii 45-aad. Dadweynaha ku nool caasimada Garowe oo ay dhif iyo naadir ku ahayd dhawaqa rasaasta, ayaa caawa ku sasey rasaas xoogan oo ka dhaceysa xarunta Baarlamaanka. Wali ma jirto cid ka tirsan Puntland oo ka hadashay arrintan ka dhacday xarunta Baarlamaanka. Qaran News
  6. Labo gabdhood oo Soomaali ah oo ku guuleysatay doorashooyin ka dhacay dalka Mareykanka Naadiya Cabdirisaaq Maxamed iyo Safiya Khaalid oo ah gabdho Soomaali ah ayaa ku guuleyatay doorashooyinka golaha deegaanka ee goboolo ky yaalla mareykanka. Naadiya Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga golaha deegaanka ee Magaalada St Louis Park, ee gobolka Minnesota. Halka Safiye Khaalid ay ku guuleysatay golaha deegaanka ee Magaalada Lewiston ee gobolka Maine oo waxaa ay heshay 69.6% codadkii la dhiibtay. Naadiya oo uu la tartamayay nin kale oo Mareykan ah ayaa heshay boqolkiiba 63 codadkii la dhiibtay, halka ninkii la tartamayay na uu isna helay boqolkiiba 38. “Aad ayaa ugu faraxsanahay in anigoo gabar Soomaali ah oo xijaaban aan ku guuleysto kursigan, in aan u tartamo xilkan, waxaa igu dhaliyay in dalka uu yahay dalkeyga, oo aan doonayo in halkan aan nolol ka smaeysto oo ma donayo in aan dareemo in aan ahay qof marti ah, “, ayay u sheegtay BBC-da. Naadiya ayaa sidoo kale sheegtay in ay dooneyso in ay wax ka qabato kirada guryaha oo ay sheegtay in ay tahay mid qaali ah, oo dadkana aysan awoodin in ay iibsadaan guryo raqiis ah. Sidoo kale dhallinyarada ayay sheegtay in ay dooneyso in ay wax la qabato, oo wax walba oo ay doonayaan ay ka caawiso sidii dowladda ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka heysta. “In la I doorto waxay tusaale u tahay dhallinyarada Soomaalida ee dalka Mareykanka iyo Muslimiinta, iyo in waxwalba oo ay doonayaan ay ku guuleysan karaan oo dalka Mareykanka uu yahay dalkooda”, ayay raacisay Naida. Naadiya oo xilkan heyn doonta afarta sano ee soo socota ayaa sidoo kale sheegtay in ujeedkeeda ugu weyn uu yahay sidii ay ugu adeegi lahaya bulshada, maadaama ay horay ugu guuleysatay abaalmarin dhanka xuquuqda aadanaha ee dalka Mareykanka, waxbadanna ay ka ogtahay dhibaatada heysata bulshada ay matesho. Sidoo kale Cabdisalaam Aadan oo ah nin Somali ayaa sidoo kale ku guuleystay guddiga waxbarashada ee xaafadda Fridey ee isla gobolkaas. Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali, oo ku dhalatay dalka Mareykanka ayaa horay ugu guuleysatay kursi noocan oo kale ah ayaa markii dambe ku guuleysatay kursiga wakiilka Aqalka Kongreska ee gobolka Mineesota Qaran News
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa waxa si weyn loogu eedeyay inay ka gaabisay baarista kiiska qaraxii dalka Jabuuti ka dhacay sanadkii 2014, sida lagu sheegay Warbixin ay dowladda Mareykanku soo saartay. Warbixintaasi ayaa waxa laga dheehan karayey in dowladda Jabuuti ay Somaliland ka helin wax iskaashi ah oo ku aadan baarista kiiskaasi, taasi oo ay ku eedeynaysay in Somaliland ay sabab u noqotay gaabiska ku yimid baarista kiiskaasi. Dowladda Jabuuti ayaa si cad ugu eedeysay in aanu garsoorka Somaliland la samaynin iskaashi buuxa, iskaashi la’aantaasina ay sababtay dib u dhaca ku yimid baadhista kiiskaasi oo dhacay sanadkii 2014-ka. “Waxa la soo gebo-gabeeyey sanadkii 2018 iskaashi caalami ah oo hordhac ah oo ku saabsan kiiska qaraxii 2014 ka dhacay [maqaaxida] “La Chaumiere” ayaa lagu yiri Warbixintaasi oo ay soo saartay dowladda Mareykanku, isla markaana lagaga hadlayey la dagaalanka argagixisada. Waxa sidoo kalena lagu yiri warbixintaasi “Dowladda Jibuuti waxa u qorshaysnayd inay bilawdo dacwadda ciqaabta ah 2019. Sida ay sheegeen saraakiil dawladda [Jabuuti] ka tirsan, iskaashi la’aanta garsoorka deriskeeda Somaliland ayaa ka qayb qaatay dib u dhaca baadhista”. Warbixinta oo ay soo saartay dowladda Mareykanku ayaan lagu xusin wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedaha Jabuuti iyo sababaha ay uga gaabisay gacan ka siinta baarista qaraxaasi. Warbixintaasi uu Mareykanku uga hadlayey la dagaalanka Argagixisada, isla markaana eedaha ay dowladda Jabuuti ku sheegtay gacmo ka laabashada Somaliland, ayaa waxa lagu daabacay 1-dii bishan November bogga Wasaarada arrimaha dibedda Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Haweeneydii lagu eedeeyay in ay “aflagaadeysay” Trump oo xil loo doortay Ms Briskman waxay sheegtay in aysan ka shalayneyn in calaamaddaas ay u muujiso madaxweynaha oo shaqada ay ku wayday Haweeney farta dhexe u taagtay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo sidaa shaqada ku wayday, ayaa loo doortay xilka xafiis deegaan oo ka tirsan Virginia. Juli Briskman sawir laga qaaday markii ay arrintaas sameynaysay ayaa si weyn u baahay sannadkii 2017-kii, taas oo sabab u ahayd in qandaraas ay dowladda kula jirtay uu burburo. Haweeneydan oo aan la qabin waxay heshay boqolkiiba 52% codadkii la dhiibtay, si ay u noqotay wakiilka degmo ka tirsan Loudoun. Xisbiga Dimuquradiga ayaa si buuxda ugu guuleystay dhammaan kuraasta deegaanka ee gobolkaa Virginia. Sawirka oo laga arko Ms Briskman oo baaskiil wadata “oo farta dhexe u taageysa Trump” oo gaari saaran, wuxuu qabsaday baraha Internet-ka oo dhan bishii October ee 2017-kii. Xoogaa ka dib, Ms Briskman sawirka ayey saaratay bareheeda Bulshada. Shirkaddii ay u shaqeyneysay oo lagu magacaabo Akima LLC, waxay sheegtay in sawirka uu yahay “xumaato” iyo “fisqi”, waxayna shaqada ka ceyriyeen haweeneyda oo ay ku eedeeyeen in shuruucda baraha bulshada ee shirkadda ay jebisay, waa sida ay iyadu u sheegtay Barta Huffington Post. Xilligaas, shirkadda kama aysan jawaabin dalabkii BBC ee ahaa in ay ka hadlaan arrinta. Ms Briskman waxaa la sheegay in ay ahayd falanqeeye arrimaha suuqa oo ay u qaabilsanayd Shirkad dowladda ay leedahay. Waxay haystay qandaraas lix bilood ah, laakiin waxay sheegtay in aysan ka shallaayin in astaantaas ay u muujiso madaxweynaha. Talaadadii, Ms Briskman waxay guusha doorashadeeda ugu dabaaldegtay in sawirkii ay dib ugu soo celiso baraha Bulshada. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @julibriskman Waxay intaa ku dartay in ololeheeda uu muujiyay in ay dhaafsiisan tahay “qofkii baaskiilka waday ee madaxweynaha ‘farta dhexe u taagay’. Natiijada ka soo baxday doorashada Gobolka waxay u dhigantaa in Dimuquraadiga ay si buuxda u qabsadeen golaha deegaanka Virginia, markii ugu horreysay muddo 20 sano ah. Qaran News
  9. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo In ka badan 40 mudane oo ka tirsan xildhibaannada golaha Wakiilada Puntland, ayaa mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), kadib markii ay ku eedeeyeen in uu ku kacay falal jebinaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka. Xildhibaannada mooshinka gudbiyay, ayaa guddoomiyaha ku eedeeyay, in uu xarunta golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada. Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen in uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka oo sida ay sheegeen mamnuuc ka ah, in lala soo galo hub iyo ciidan, taasina ay jebinayso xeer-hoosaadka, gaar ahaanna qodobka 55-aad ee Xeer-hoosaadka fiqraddiisa 3-aad. Qodobada kale ee xildhibaannada mooshinka keenay ay ku soo eedeeyeen guddoomiyaha, waxaa kamid ah; in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan. Xildhibaannada ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn. Mooshinkan oo loo gudbiyay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan loogu codeyn doonaa, fadhiga golaha Wakiilada ee saaka oo Khamiis ah. PUNTLAND POST The post In ka badan 40 mudane oo mooshin ka gudbiyay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii bil ee la soo dhaafay waxaa isa soo taraya walaaca ay qabaan saxafiyiinta ku nool magaalada Muqdisho. Weriyaasha ayaa hadda qaba in ay xaaladda ka sii dareyso oo ay gaartay meel aysan markii hore fileyn. Magaalada waxaa ka bilaawday kulamo dhowr ah oo ay yeesheen saxafiyiin badan oo qaarkood dhowr jeer loogu hanjabay in la dili doono halka qaar kalane ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan. Bahda saxaafadda ayaa ka cabanaya jirdil, xarig joogta ah iyo in la soo waco oo loogu hanjabo dil iyo xarig waxayna dhibaatooyinkaan kala kulmayaan hay’adaha amaanka Soomaaliya. “Waxaa si joogto ah kuu soo wacayo saraakiil ka tirsan booliiska iyo askar, mararka qaar waxaa ku soo wacayo masuuliyiin xilal haayo waxayna kugu hanjbayaan xarig qaarkoodna dil ayey kugu hanjabayaan” ayuu yiri mid kamid ah weriyaasha magaalada Muqdisho oo aan qarinay magaciisa. “Todobaad gudihiis waxaa 2 jeer la weeraray weriyaal waxaana loo geestay Jirdil iyo xarig, qaarkood rasaas ayaa lagu furay waxaana ka sii horeeyay kuwa kale oo la xiray lana jirdilay oo aan cidna wax iska weydiinin” ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiinta Idaacadaha magaalada Muqdisho oo la hadlay Caasimada Online. Weriyaasha dhibaatada amni darro ee heysato waxay kala kulmayaan ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya halka markii ay halista ugu weyn kala kulmi jireen Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu fal weyn dhaco sheegto in ay la soo qabtay ciidankii ka dambeeyay laakiin ma jirto cid dib u raacda iyadoo mararka qaarna la shaaciyo warar been ah oo sheegaya in la soo qabtay dadkii ka dambeeyay iyadoo aan la soo qaban. “Laba weriye ayaa Isgoyska Banaadir waxaa ku jirdilay oo xabadka dhulka u dhigay ciidanka ilaalada Madaxtooyada kadibna waxaa la sheegay in la soo qabtay balse maalmo kadib waa la sii daayay mana jirin cid uga garaawday weriyaashii dhibka gaaray hadana waa sidaas oo kale” ayuu yiri mid kamid ah weriyaashii lagu risaaseeyay todobaadkaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Xoghayaha Baarlamanka Cabdirisaaq Xiddig Xog-hayaha guud ee golaha Wakiilada dowladda Puntland Cabdirisaaq Xiddig Warsame oo gelinkii dambe ee xalay farriimo u diray mudanayaasha Baarlamanka, ayaa ku wargeliyay in saaka oo Khamiis ah ay soo xaadiraan fadhiga golaha. “ ASC mudanayaal, waxaa lala socod-siinayaa mudanayaasha in uu jiro fadhigii golaha beri oo Khamiis ah kuna beegan 7 November 2019. Allaa mahadleh xoghayaha guud ee GW” ayaa lagu yiri qoraalka wargelinta ah ee uu xildhibaannada u diray xoghayaha Baarlamanka. Wargelintan ayaa burinaysa fasax saddex maalmood ah oo guddoomiye Dhoobo u diray mudanayaasha golaha wakiilada, kaasi oo ka bilaaban lahaa Khamiista saaka, islamarkaana dib la isugu soo laaban lahaa maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda. Sidoo kale, waxay ku soo beegmatay, xilli habeennimadii xalay iska hor-imaad kooban ka dhacay xarunta Baarlamanka, kaasi oo u dhexeeya ciidamo ku sugnaa xarunta iyo ciidamo kale oo halkaasi tegay. Iska hor- imaadkii xalay, ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay saddex ruux oo midkood shacabyahay, halka ay ku dhaawacmeen, afar kale. Xarunta Baarlamanka, waxa haatan amnigeeda la wareegay ciidamo isku dhafa oo dowladda ka socda, waxaana halkaasi saqdii dhexe ee xalay laga saaray ciidan horay u joogay, kadib waan-waan ay sameeyeen odayaasha dhaqanka. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada golaha Wakiilada Puntland oo lagu wargeliyay in ay saaka soo xaadiraan xarunta Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  12. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICIIN GEERIDU WAA XAQ. Allaah ha u naxariistee waxaa galabta oo aheyd Arbaco 6.11.2019 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee cariga [...] Source
  13. Kindly publish this article. Thanks. Mr. Farmajo on behalf of Somaliland four million population, I addressed this letter o you since you are the by-product for the regime that committed the most brutal acts in modern history in which over 50, 000 Somaliland were massacred according African watch report issues on January 1990. Over 22years, Somaliland civilians were subject of torture, detention, rape, absences of justices, absences of any rights, totalitarian rule, endless harassment, mass killing, baseless accusations, absolute rule, oppressive rule, baseless charges, daily curfews, fascist style rule, absences of trade freedom, war-like policy, harsh rule, systematic media control, surveillance against political opponents, using state power to punish opponents, ruling through violence, consider anyone opposes the dictatorship rule as the enemy of the country, employment policy based on kinship, retaining power through gunpoint, wide network of spies, police state system, personal opinion treated as enemy of the country, systematic looting, courts without defense lawyers, punishment without offensive, widespread arbitrary arrests, ill treatment, summary executions, forced disappearances, military junta rule, brutal security apparatus, death and destruction, compulsory ransom payments, Systematic human rights violations and cells formed terrorizing civilians. These are the hallmarks and the checklists behavior of the authoritarian system that ruled Somaliland over 22 years. The early years of the union between Somaliland experienced steady political and economic isolation of former Somaliland and its main towns, with political and military positions being awarded disproportionately to “southern” Somalis. The 1961 an attempted coup by a group of highly qualified Somaliland military officers was an indication of the disenchantment with the union that Somaliland had entered into. After assuming power in a military coup in October 1969, Mohamed Siad Barre led a brutal military dictatorship, marked by widespread human right abuses. Somaliland people have experienced one of Africa’s most notorious dictatorships. The brutal regime that ruled Somalia almost 22 years behaved like the rule of the jungle whereby the strong eats the weak and the muscle determined the bright. Even women, children and disabled elders were not spared from the brutality of the regime. Mr. Farmajo, Somaliland has people invoked the failed union with Somalia in May, 1991 based on collective public support as the word Somalia considered trauma for Somaliland people being costing the death of over 50, 000 innocent civilians and destruction for the properties accumulated over 150 years. This is why the word Somalia considered as a trauma for Somaliland people. The former Somali brutal regime that fall down in 1991 has reduced to rubble Somaliland major cities and towns in particular Hargeisa. The airstrikes and the artillery shelling have destroyed every building in the capital even the worship places like mosques as the regime leadership has issued instruction to destroy the entire city. 28 years ago, there was no single building in Somaliland capital saved from the regime bombardment as the dictatorship system instructed destroying every building in the capital including schools. Even the mosques were not spared from the regime air and artillery bombardment. Mr Farmajo, the regime that you were a member used human suffering as a political tool. Local residents have sad memory about the agony of the city those days. Eyewitness has told fighter planes lunched airstrikes from Hargeisa airport to bomb the highly populated centres to kill maximum number of civilians. Hargeisa was literally carpet-bombed. Almost half million of the local population were forced to flee from their homes in an effort to save their lives from the regime heavy bombardment. The terrified civilians run away from their homes and become refugees in neighboring countries mostly in Ethiopia causing humanity crisis. . The relentless violence against civilians in 1988 resulted in the world’s largest refugee crisis. The regime has denied journalist and human rights representatives to enter Somalia to eyewitness the suffering, the misery and the agony of Somaliland people imposed by brutal regime. Many countries have inserted pressure the former oppressive to stop killings, violence and human misery against the innocent citizens, but no vain. Mr. Farmajo, the suffering of Somaliland citizens under dictatorship rule cannot be expressed in words. The whole civilian population and their homes discriminately targeted by regime forces. Nowadays, memories of bloodshed and destruction are common stories in Somaliland.The destruction of Hargeisa was so total that it earned the nickname “the Dresden of Africa. The regime has bombed towns and strafed fleeing residents and used artillery indiscriminately. Many reports and book were written about the agony of Somaliland people during dictatorship regime like the government at war with its own people, the forgotten genocide and the Death Valley. Virally Hargeisa was razed to the level and as a result, became a ghost city to the extent two German journalists described it in relative similarity to Hiroshima and Nagasaki of Japan during second world II in terms of destruction ensued. Mr. Farmajo, the crimes committed by the most ruthless regime was well-documented by the United Nations and other International Human Rights bodies who have witnessed the extent of the destruction the entire country had suffered and also how its schools and health services were razed to the ground. Even Somaliland citizens living in the seat of the regime were not saved from the ruthlessness killings as 47 middle-class Somaliland citizens living in the capital city of Mogadishu were taken from their homes in the middle of the night and then transported to Jasiira, a communal beach west of Mogadishu and summarily executed. These men included professionals, businessmen and teachers. The memories of those loved Somaliland citizens will remain our hearts and minds everlasting. War criminal Yuosuf Tuke was filmed while burning Somaliland citizens burning alive and laughing. This photo is the most horrifying photo ever we have experienced. This is the worst crime against humanity. He has committed this crime deliberately. This is most the horrifying campaign against humanity but justice that was silent almost 30 years has spoken finally this war criminal. The war criminal has failed to escape from just justices as injustice anywhere is a threat to justice everywhere. Mr. Farmjo, the war criminal Tuke that you have taken photo with him has done the most merciless inhuman act in recent history. The war criminal was charged by US court of law to pay the cost of the ruthless crime he was committed against Somaliland innocent civilian. But unfortunately, the mass genocide committed against Somaliland citizens during Sayid Bare era were horrible and was largely overlooked by the rest of the world as those that committed system killing against unarmed civilians like, the butcher of Hargeisa Saed Hersi are still are large. This year marks the 31th anniversary of Hargeisa Holocaust. Mr. Farmajo, the trauma of brutal regime mass killing will everlasting memories for Somaliland people. The Somali air force pilot Ahmed Mohamed Hassan and Yousef Tuke have committed two different acts. The war criminal Tuke behaved the most savage manner in history while the Somali former Ahmed Hassan proved the most honorable act, in words the mother of all humanity as he refused bombing population centers but instead dropped the bombs he was supposed to kill civilians at outskirts of Hargeisa. Mr. Farmajo, at present, Somaliland has living memory for its citizens massacred by brutal regime, in other words the most savage of state-sponsored atrocities. In view of above, the world will not remain in peace unless these that committed horror mass killing will pay the cost of their savageness. Taken above into account, Villa Somalia leadership leading by Farmajo who was elected through vote buying and corruption must recognize the crimes committed by former dictatorship system that, he is the by-product of that merciless regime. Human rights groups have described the level of massacre committed against unarmed civilians by dictatorship system as genocide. The Syrian city Aleppo and Hargeisa have identical history being labelled as death cities. Until at present, the whereabouts of thousands are still unaccountable or remain missing, but presumably killed by the regime. At present, war memorial in the form of MiG fighter jet was erected in Hargeisa to mark the regime by airstrikes in 1988. This memorial was built as an indication for the death and destruction committed by the most inhuman regime in Africa. This was built to be remembered by future generations. Follow part 2 of the article shortly. Ismail Lugweyne lugawayne123456@gmail.com . Qaran News
  14. Warbaahinta Puntlandi.com oo xiriir la sameysay qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa ogaadey in Qaar kamid ah Xildhibaanadu ay dalbadeen in Kulan deg deg ah uu [...] Source
  15. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay falkii israsaasaynta ahaa ee caawa ka dhacay Magaalada Garowe. Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka lasoo weeraray ayna Xukuumadu [...] Source
  16. Labo Askari iyo Nin Ganacsiga ku lahaa nawaaxiga ayaa geeriyoodey Sadex Askarina Way ku dhawacantay kadib markii Ciidamada Amaanka iyo Ilaalada Baarlamaanka Puntland ay isku [...] Source
  17. Xukuumada uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Farmaajo waxay Malaayiin Doolar jeebka ugu shubeen kooxo Reer Puntland ah si loogu adeegsado in la wiiqo Hanaanka Dowlad [...] Source
  18. Garowe-(Caasimada Online)-Allaha u naxariistee ku xigeenkii agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya laanteeda Puntland ayaa goor dhaw u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal magaalada Garowe ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan Puntland. Cabdikariim Maxamed Faarax “Dhagaweyne” ayay rasaasta ay isku ridayeen ciidamadu waxa ay kula dhacday goob ganacsi oo uu kulahaa meel aan ka dheereyn Aqalka Baarlamaanka Puntland oo ay caawa weerareen ciidamada gaar ka ah ee Madaxtooyada Puntland. Is-saasayn mudo socotay ayaa afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka ku dhex martay ilaalada Aqalka baarlamaanka iyo ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada Puntland ee Garowe. Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid ka mida yahay askatii uu dagaalku dhex maray iyo agaasime ku xigeenkii hey’adda socdaalka Soomaaliya faraceeda Garowe, sidoo kalana haa ganacsade caan ah ayaa ku geeriyooday shaqaaqada, waxaana jira dhaawacyo kale. Warar kala duwan ayaa ka soo baxay cidda heysata xaruntii la weeraray ee baarlamaanka Puntland, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inay wali ku suganyihiin ilaaladii lagu soo weeraray ee horay u joogtay. Weerarka caawa lagu qaaday xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu maanta fasax seddax maalmood ah uu xildhibaanada u diray guddoomiyaha baarlamaanka Puntalnd, oo sida la sheegay mooshin laga keenay. Mudooyinkii dambe madaxda ugu sareysa Puntland ayaa waxaa ka dhex jiray khilaaf waxa uu ka dhashay aysan cadeyn, kaas oo haatan isisoo taraya gacan ka hadalna isku badalay caawa. Caasimada Online kala soco waxii ka soo kordha: Caasimada Online Xaafiiska Garowe Caasimada@live.com
  19. Garoowe (Caasimada Online) – In ka badan 40 mudane oo ka tirsan xildhibaannada golaha Wakiilada Puntland, ayaa mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), kadib markii ay ku eedeeyeen in uu “ku kacay falal jebinaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka.” Xildhibaannada mooshinka gudbiyay, ayaa guddoomiyaha ku eedeeyay, in uu xarunta golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada, sida ay qoraalka u dhigeen. Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen “in uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka oo sida ay sheegeen mamnuuc ka ah, in lala soo galo hub iyo ciidan, taasina ay jebinayso xeer-hoosaadka, gaar ahaanna qodobka 55-aad ee Xeer-hoosaadka fiqraddiisa 3-aad.” Qodobada kale ee xildhibaannada mooshinka keenay ay ku soo eedeeyeen guddoomiyaha, waxaa kamid ah; “in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.” Xildhibaannada ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn. Mooshinkan oo loo gudbiyay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan loogu codeyn doonaa, fadhiga golaha Wakiilada ee saaka oo Khamiis ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanaha-Wararka-06112019.mp3 View the full article
  21. Ciidamo kawada tirsan Puntland ayaa caawa fiidkii isku rasaaseeyey afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Ciidamo horey ugu sugnaa xarunta Baarlamaanka Puntland iyo ciidamo kale oo la sheegay in ay doonayeen in ay kala wareegaan ayaa muddo labaatan daqiiqo ku dhow rasaas xoogani ku dhexmartay afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka. Isku dhacan inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo xarun ganacsi halkaas ku lahaa, iyo labo askari, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale. Inkastoo rasaastii istaagtay, hadana waxaa wali agagaarka xarunta Baarlamaanka Puntland ku sugan ciidamadii ku dagaalamay. Arintan ayaa la aaminsan yahay in ay ka dhalatay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Maanta ayey ahayd markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu fasax saddex beri ah galiyey mudanayaasha Golaha Wakiiladda oo ku jiray kalfadhigoodii 45-aad. Dadweynaha ku nool caasimada Garowe oo ay dhif iyo naadir ku ahayd dhawaqa rasaasta, ayaa caawa ku sasey rasaas xoogan oo ka dhaceysa xarunta Baarlamaanka. Wali ma jirto cid ka tirsan Puntland oo ka hadashay arrintan ka dhacday xarunta Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Garowe: Khasaare ka dhashay is-rasaaseyn ka dhacday xarunta Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  22. Afgooye (SMN) – Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Shabeellada Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi, ayaa lagu dilay weerar bambaano ah oo lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla magaaladda Afgooye. Guriga uu ka degganaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose ee Arrimaha Bulshada ayaa la sheegay in bambo lagu tuuray. Guddoomiye ku xigeenka ayaa la sheegay in dhaawiciisa loo soo qaaday magaalada Muqdishu, balse uu ku dhintay cisbitaalka Digfeer, sida saraakiil dhinaca amniga ah ay u sheegeen idaacadda Shabelle. Weerarka ayaa dhacay gelinkii dambe ee Arbacada. Ilaa haatanna ma jirto cid weli shegatay mas’uuliyadda weerarka. View the full article
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in is rasaasayn xoogan ay caawa ka dhacday magaaladaasi, iyadoona ay baqdin ku dhalisay bulshada deegaanka. Is rasaasayntan oo ka dhacday afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxay u dhaxeysay ilaalada Baarlamaanka iyo ciidan kale, oo sida la sheegay ka socday dhinaca Madaxtooyada Puntland. Ciidamo isugu jira boolis, PIS iyo Daraawiishta Puntland ayaa la soo sheegaya in ay weerar ku qaadeen ilaalada Xarunta Baarlamaanka, kuwaa oo taabacsan Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda iminka gacanta ku haysa Xarunta Baarlamaanka Puntland, balse wararka ugu buuran ayaa sheegaya in ay ku sugan yihiin askartii horey u joogtay. Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Magaalada Garoowe uu ka socdo olole la sheegay in mooshin looga keenayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, oo khilaaf uu kala dhaxeeya Madaxtooyada Puntland. Inkastoo Isgaarsiinta Magaalada Garoowe ay caawa ciriiri tahay ayaa hadana wararka ka imaanaya magaaladaasi ay sheegayan in is rasaasayntan ay baqdin ku abuurtay dadka deegaanka. Reer Garoowe oo xasilooni u bartay ayaa ku argagaxay rasaasta xoogan ee caweysnimadii caawa laga maqlay Xarunta Gobolka Nugaal. Masuuliyiinta Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin is rasaasaynta caawa ka dhacday Magaalada Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com