Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee taagan ee salka ku haya Komishanka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw, waxaanu ugu baaqay inuu ka dheerado Siyaasada, iyo in aanu kala jeclaysan Beelaha, isla markaana aan la adeegsan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay umaddani sharci bay ku joogta, shuruucda Dastuurka ku qoran haddii la burburiyo dhibaato ayaa ka dhalan karta, ee Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay shuruucda ha noo ilaaliyaan oo Shacbiga danahooda ha noo ilaaliyaan, oo Sharciga ha ku kala baxaan” Mar uu ka hadlaayey sida uu u arko hadalkii Boqor Buurmadaw wuxuu yidhi “Boqor Buurmadaw arin siyaasi ma gali karo, kama hadli karo, qofkuna wuxuu u baahan yahay inuu shuruucda dalka yaala wax ka akhriyo, laakiin nimaan shuruucda waxba ka garanayn, oo dhegtuun wax ka maqla, waa dhibaato inuu wax walba ka hadlo, Boqorkana waxaan leeyahay, Boqoroow umaddaadii weeye dadka meesha lagu rifayaa ee yaan lagu adeegsan, oo qolo kale ku adeegsan, hana kala jeclaysan Beelaha, oo qof kasta oo Somali ah Boqor baad u tahay, Boqortinimaduna wax la ilaaliyo weeye, laakiin haddii aad dadka kala dhaweeysato dhibaatadeeda ayey leedahay” Source
  2. Jugta qarax xoogan oo inta badan laga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa. Wararka ayaa sheegaya in dab ka dhashay qaraxaasi uu qabsaday Kaalin Shidaal oo ka agdhaweyd meesha uu ka dhacay. Ma cadda khasaaraha uu geystay qaraxa, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo xiray waddadaasi. Faah faahinta kala soco: radioshabelle.com View the full article
  3. Muqdishoi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay isgoyska 14-ka Octobee, Ex Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari yar oo lagu soo xiray walxaha qarxa, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in xilliga uu qarxayey gaariga ayna qof saarneyn, islamarkaana uu ku baakinaaa waddada dhinaceeda. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu sababay dab xoogan oo qabsaday Kaalin Shidaal oo ku taalla halkaasi. Khasaare kala duwan ayaa jira, basle weli lama xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay, waxaana hadda socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay. Meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul badan, iyadoona ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray dhaq dhaqaaqa waddadaasi. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe amamaanka Caasimada uu ahaa mid degan, islamarkaana ciidamada dowladdu ay ka wadeen baaritaano joogta ah.
  4. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland syaa Shaqada Ka Hakisay hay’ad Caalami Ah Oo Lagu Magaacabo #IKRAF Oo Doonaysay In Ay Mashruuc Ka Fuliso Kaamka Barakacayaasha Ee Mandheera. Gudoomiyaha Hayada Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif Oo Warbaahinta Kula Hadlay Xafiiskiisa Ayaa Warbaahinta U Xaqiijiyey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. MOGADISHU (HOL) - Close to 60 political parties are today meeting with President Mohamed Farmaajo in Mogadishu following a recent meeting with former presidents. Source: Hiiraan Online
  6. Culimada ku xeelka dheer Cilmi-nafsiga bulshada aadamiga ah, waxay xaqiijiyeen oo farta ku wada fiiqeen ;” Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay ku leedahay dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan”. Waxay Culimmadu caddeeyeen ; Inuu Madaxweynuhu ama Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ; isku-duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo, degganaanshaheeda, gaadhida ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka Aydhiyaloojiyadeeda iyo gudashada hawlaheedaba. Hawlaha hor-yaal ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyuhu, waxay ku xidhan tahay ; hadba nooca bulshada ee uu hoggaankeeda hayo iyo waddada siyaasadeed ee ay ku taagan tahay. Hoggaamiyayaasha kala geddisan ee bulshooyinka dimuqraadiga ah, tan Diqimuraadiyadda….iyo Kali-talis iyo kuwa ku sugan qaababka jaha-wareerka, qaska iyo kala-dambayn la’aanta, way kala duduwan yihiin, maxaa yeelay ; isku nidaam, hab iyo xeer midna ma aha saddexdoodu. Marka la isku soo cel-celiyo, hawlaha uu hoggaamiyuhu qabto, waxaa lagu tilmaamaa inay isugu jiraan ; dejin siyaasad,, qorshayn, maamul, khabiirnimo,iyo abaal-marin, garsoorid, hawlwadeennimo gudaha ah, arrimaha dibadaha, tusaalayn, aabbanimo iwm. Culimmadu waxay tilmaameen, inay cilmi-ahaan adag tahay; inuusan hoggaamiye qaban karin, Qofka leh Sifooyinka soo socda:- (a) Qofka shakiga badan ee aan isku kalsoonayn. (b) Qofka aan bulshaawiga ahayn, goonni-u-socdka ah, dad la dhaqankana lahayn. (c) Qofka garashadiisu kooban tahay. Dadka astaamaha noocaas ah leh, hadday qabtaan xil hoggaamin bulsho, way ku guul-darraysanayaan oo kama midho-dhalin karaan. Waxaa kaloo hoggaaminta bulshada hadduu qabto, isaguna ku fashilmaya; Qofka leh astaamaha wanaagsan ee hoggaaminta bulshada, sida; Geesinnimada, Deeqsinimada, Go’aan-qaadashada, Degganaanshaha, Garsooridda iwm. hase yeeshee, ay ka maqan tahay Hawl-karnimada, Waayo-aragna aan ahayn, waana sida loo yidhaahdo;” Waayo-aragnimo la’aaney ba’..”. Waxaa la arkay ; rag shahaaddooyin sar-sare wata, aqoon iyo akhlaaq aanay ku yarayn, magac iyo muuqaal weyn leh, hase yeeshee, aan labo xadhig isku xidhi kareyn, xafiisyadoodu ay hadhaysay fadhiidnimo hawleed, tallaabo kastoo ay qaadaanna laga sheeganayo wax qabad la\aan oo aanay hawlahooda gudan. Marka aynu hoos u eegno sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Madaxweynaha ama Hoggaamiyaha Wanaagsan, ma fududa xadidaddoodu, maxaa yeelay, waxay badanaa ku xidhan tahay; Mawqifyada hadba soo wajaha hoggaamiyaha, waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal iyo deegaan-bulshadeedka ku xeeran, waana sida ay Murtidu sheegtay ” Haddii uu nin geesi ahi, raggu (geed-adayg yahay), haddaan garabka lala qaban guri oodi maayo..”(H.Gufaaco). Hoggaamiye kasta oo yimaada, astaamihii wanaagsanaa ee hoggaamintana leh, hanuusan taageero ka helin dadka iyo dawladda uu hoggaanka u hayo, waaqaca yaallana aannu u hiillin, hal tallaabo hore uma qaadi karayo, xilkiisana si fiican uma gudan karo, xataa haddii uu dibadaha maciinsado, sida ay taariikhdu sheegayso. Si kastoo ay arrimuhu yihiinba, waa inuu hoggaamiyaha muslimka ahi lahaado astaamaha iyo sifooyinka hoos ku qoran ee ay culimmadu sheegeen:- (1) Waa inuu Allihiisa weyn ka baqayo, niyad u hayo, daacad iyo diyaar u yahay xilka hoggaaminta bulshada, waddanina yahay. (2) Waa inuu jir iyo maskax-ahaanba bad qabo, si uu karti ugu yeesho xil-gudashadiisa. (3) Waa inuu Shakhsiyad, muuqaal iyo akhlaaq wanaagsan leeyahay. (4) Waa inuu dadka qancin karo, ra’yigiisana si fiican u cabbiri karo, si dhiirranna hadalka u karo, go’aan qaadashana leeyahay. (5) Waa inuu doonayo inuu dalka iyo dadkaba wax u qabto, dul-qaad iyo geesinimana muujiyo. (6) Waa inuu ka dhisan yahay dhinacyada; aqoonta guud, in ku filanna ka yaqaan cilmiga bulshada, diinta, siyaasadda, ugu yaraanna hal luqad oo caalami ah si fiican wax ugu cabbiri karo, si uu adduunka kale ula macaamilo. (7) Waa inuu leeyahay hal-abuur ,kana dabbaalan karo caqabadaha, maareyntiisuna mid macquul ah tahay. (8) Waa inuu leeyahay aragti dheer, wax sii saadaalin karo, dibin-daabyadana dareemi karo. (9) Waa in uu dadka kale iskaashi la samaynayo, qaddarinayo ra’yigooda, isla-weynina ayan ku jirin. (10) Waa inuu si caqli iyo miyir ah wax ku xallin karo, caadifadahana iska xakamyn karo. (11) Waa inuu joogto u horumarin karo xiriirka uu dadka kale, gudaha iyo dibadaha la leeyahay. (12) Waa inuu bisayl iyo waayo-aragnimo xambaarsan yahay. Haddii astaamahan badankood laga helo Madaxweynaha ama hoggaamiyaha, waayuhuna saacido, dadweynaha iyo xubnaha dawladduna garab-galaan, waxay u badan tahay, inay arrintu noqon karto;” Rag baa ka taliyay, Rabbina waa aqbalay..” PROF..MOHAMED AHMED FARAH ..ANKARA ,.TURKEY. Qaran News
  7. Madaxa Xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargeysa danjire Stuart Brown, ayaa ugu baaqay dawladda Somaliland inay sii dayso siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga Waddani ee xabsiga ku jira. Danjire Stuart Brown, ayaa qoraal uu ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay in Ingiriisku ka walaacsanyahay xadhiga siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxaanu danjire Stuart Brown, yidhi sidan “Ingiriisku wuxuu si wayn uga walaacsan yahay xadhiga sii socda ee loo gaysanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Somaliland. Waxaanu ugu baaqnay dawladda inay ama soo eedayso ama xorriyadooda si dhaqso ah ugu soo celiso. Waxaanu ku dhiirigelinaynaa dhammaan xisbiyada oo dhan inay dib u cusboonaysiiyaan wada-hadalka oo ay ilaaliyaan ballan qaadkoodii ahaa in doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanada loo qabto si aan dib u dhac lahayn.” Geeska Qaran News
  8. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inuu u duulo Dalka Isutaga Emeraatka Carabta halkasoo uu ka helay Martiqaad, [...] Source
  9. Shirka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabo gabeeyo magaalda Kampala ee dalka Uganda. Shirkan horumarinta Maaliyadda dalka oo shalay Kampala uga furamay Wasiirada Maaliyadda dowlad gobaleedyada, maamulka Gobalka Banaadir iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa diiradda lagu saaray mideynta sharuucda hagta dhaqaalaha dalka. “Kampala waxaa nooga furmay shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka wada shaqeyneynaa sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha Dalkeena, Ummadda Soomaaliyeedna dhammaan uga faa’iidaysato.” ayuu yiri Wasiir Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay inay ka go’an tahay sidii Wadajir ay u gudan lahaayeen waajibaadka loo igmaday. Shirka ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabo gabeeyo oo ay ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo ku qotoma horumarinta Maaliyadda dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Xisbiga Wadajir oo ka tirsan axsaabta qaran ee dalka ka jira ayaa qaadhacay kulan uu maanta ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyaga oo hordhigay shuruudo. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xisbigooda aaney qeyb ka aheyn xisbiyada u tagaya Farmaajo, isaga oo dalbaday 3 arrin: 1. Inuu Farmaajo umadda u caddeeyo in aysan macquul aheyn qabashada doorasho qof iyo cod ah, kuna dhawaaqo inuu uu diyaar u yahay in saamilayda siyaasadeed ka wada xaajoodaan model-ka iyo hannaanka ugu haboon ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacda. 2. In uu Farmaajo si cad afkiisa uga ballan qaado shacabka Soomaaliyeed in uu san hal maalin ku darsanaynin muddo xileedkiisa, doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynahana la qabanayo xilliga uu muddo xilleedkoodu ku eg yahay. 3. In uu Farmaajo cudurdaar iyo magdhaw ka bixiyo weerarkii 17 Dec uu ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir/ Sida ay Goobjoog News u sheegeen qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha axsaabta la ballamiyey saaka, waxaa ay Villa Somalia tagayaan iyada oo aan loo sheegin wax ajende ah, oo waa fariin uu soo diray uun agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xibiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa rajo xumo ka muujiyey wadahadalladii uu ku dhex waday xukuumadda Muuse Biixi Cabid iyo xisbiga mucaaradka ee Wadani ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi (Cirro). Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in guddigii is xilqaamay ee hoggaaminayey ay ka quusteen in la soo afjaro khilaafkaasi, wuuuxna eeda dusha ka saaray Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiyaha UCID ayaa tilmaamay in rajo uusan ka qabin in wadahadalladaasi ay ka soo bixi karaan natiijooyin wax tar leh, wuxuuna xusay inuu ka quustay Muuse Biixi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrinta wadahadallada ay hadda ku wareejiyeen guddi ganacsato ah oo sii sii wada dadaallada lagu qaboojinayo xiisada labada dhinac. “Waa ay iiga dhamaatay Muuse, anigu madaxa ayaan ka dhunkaday, aabahay kama dhunkan wali, rajo badan kama qabo in wadahadalkaa wax ka soo bixi doonaan, Muuse Biixi waa madax adag yahay.” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Faysal Cali Waraabe. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in guddiga doorashada iyo Kursiga Muuse Biixi Cabid isku xiranyihiin, islamarkaana haddii doorashada waqtigeeda ku dhici weyso ay ka tashan doono doonaan xukuumadda iyo aayaha guud ee maamulka Somaliland.
  12. MOGADISHU (HOL) - Zakaria Hersi the husband of Almaas Elman who was killed last week in a gruesome bullet shot has paid tribute to his departed wife and expressed his deep loss. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa hadda ka hadlay ergadii dhexdhexaadinta ahayd ee ay ka dhex wadeen Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiga UCID, waxaanu eedaymihii ugu cuslaa u jeediyay Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa Sabtida maanta ah ansixiyay odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka oo Khamiistii ay wasaaradda Maaliyaddu u gudbisay Baarlamanka. Kulanka Baarlamanka ee Sabtida maanta oo ay soo xaadireen 44 mudane, ayaa dhammaantood cod-gacan taag ah ku ansixiyeen Miisaaniyadda, iyadoo aysan jirin cid diidday iyo cid ka aamustay midna. Odoroska Miisaaniyadda dowladda oo dhan $ $346,416,158.99 oo Dollar, ayaa Golaha Wasiirada Puntland ansixiyeen Arbacadii la soo dhaafay, kadib kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen xarunta wasaaradda Maaliyadda ee caasimadda Garoowe. Miisaaniyadan oo tii ugu badneyd ah, waxaa ku jira lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe –Bosaaso. sidoo kale, waxaa kamida horumarinta adeegyada bulsho ee as’aasiga ah sida hirgelinta ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda Amniga. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka appeared first on Puntland Post.
  15. Kampala (Caasimada Online) – Shir u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka dalka ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. Shirkan oo looga hadlayo horumarinta Maaliyadda dalka ayaa waxaa daah-furay wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya xubno ka kala socda dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir. Muddada uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha Maaliyadda dalka iyo dadaallada deymaha looga cafinayo Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan, sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay in si wadajir looga wada shaqeeyo horumarka Maaliyadeed ee dalka “Kampala waxaa nooga furmay shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka wada shaqeyneynaa sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha Dalkeena, Ummadda Soomaaliyeedna dhammaan uga faa’iidaysato.” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Shirkan ayaa daba socda mid bishii September ee sanadkan wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa maamullada dalka ku dhex maray dalka Itoobiya.
  16. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani oo kulan wadajir ah la yeeshay goleyaasha kala duwan ee maamulkaasi ayaa ku dhowaaqay in lasoo afjaray khilaafkii ka dhexjiray Puntland, islamarkaana la xalliyey wax walbo oo jiray. Wuxuu sheegay in ku dhowaad Sanad uu khilaaf ka dhexjiray maamulka Puntland, balse ugu dambeyn lasoo gabagabeeyey wax walbo oo la isku hayey. Dani ayaa tilmaamay in Odoyaasha dhaqanka ay aad uga shaqeeyeen sidii meel looga soo wadajeedsan lahaa, loona gaaro horumar iyo isfaham. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay wixii hadda ka dambeeya isla-xisaabtan dowladeed, loona gudbo faham dowladnimo iyo kala dambeyn. Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Puntland, khilaafaadkana looga gudbo wadahadal iyo is qancin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Qorshaha Bin Salman iyo Bin Zayed ee Israel oo ku qasbi kara inay la heshiiyaan Qatar Dalalka Khaliijka ayaa in muddo ah wada qorshe ay ku qabanayaan shir weyne caalami ah, oo ay si rasmi ah ugu dhowaaqayaan inay xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelanayaan Israel, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Middle East Eye iyo Alkhaleej. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dhammaan dalalka doonaya inay sidan sameeyaan, haddana waxaa la ogyahay yahay inay hormuud ka yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Bahrain. Saddexdan dal ayaa hadda si hoose oo aan shaacsaneyn ula xiriira Yahuudda. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa bilihii ugu dambeeyey ogolaanayey in fallanqeeyayaasha siyaasadeed ee dalkiisa ay si shaacsan u difaacaan Israel. Xitaa waxay difaacayeen weerarkii ugu dambeeyey ee Israel ay ku qaadday Gaza oo lagu xasuuqa 32 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8 isku qoys ah. Hadafka ugu dambeeya ee Bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi ayaa ah in la beddelo ra’yul caamka shacabka Carabta, ka hor ku dhowaaqista go’aanka ay xiriirka ula yeelanayaan Israel. Tani waxay sidoo kale ku qasbi kartaa inay la heshiiyaan Qatar oo muddo laba sano ah ay ku hayaan xanibaad. Mohamed bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa garowsan awoodda warbaahineed ee Qatar iyo taleefishinkeeda Aljazeera oo qorshahooda ka bixin kara argti taban. Si kastaba, ma cadda haddii Qatar ay sidaas ogolaan doonto, xitaa haddii ay la heshiiyaan. Qatar, Turkey iyo Iran waa saddex ka mid ah dalalka Islaamka ee qadiyadda Falastiiniyiinta ay ka go’an tahay. Qaran News
  18. Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay burburin iyo kala qeybin xoog leh ka waddo gobolka Gedo. Wuxuu sheegay in ay isku dayeeso sidii ay ula wareegi lahayd ciidanka Jubbaland ee halkaasi ku sugan, sidoo kalena ay u kicin lahayd shacabka ku dhaqan degmooyinka qaar ee gobolkaasi. Sayid Aadan ayaa tilmaamay in aanay u joojin doonin shaqooyinkooda shaqsiyaad uu sheegay in DFS ku biireen, islamarkaana cid walbo oo dhankooda ka tagta ay bedelkeeda magacaabayaan. Qaar kamid ah degmooyinka dhaca galbeedka Gedo ayaa dhowaan sheegay iney dhanka DFS ku biireen, islamarkaana aanay aqoonsaneen Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa guddi u saaray xaaladda ka taagan Gedo oo uu sheegay in aan indhaha laga laaban karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Maxa sababey innu kacdoonka shacabka Sudaan uga hor najaxo kacdoonka shacabka Aljeeriya ? Madaxweynihi hore Omar Xasan Albashir wuxu afgambi military wadanka Sudaan ku qabsadey 1989. Soddonka sanadoodna gacan bir ah ayu Sudaan ku hayey, ciddi ka hor timaadana dhegta ayu dhiiga u daray, kuwa uu naxaristana xabsiga ayey liinta ku cabbayeen. Kacdoonno badan aya ka hor yimid muddada u talada wadanka Sudaan hayey, waxaana ugu caansana kacdoonka jabhaddaha xoreynta Darfuur ( Galbeedka Sudaan ) oo ay hoggaminayaan ‘’Sudan Liberation Army’’ iyo ‘’Justice and Equality movement’’ kuwaaso weli xoriyadoodi u halgamaya. jabhadaha xoreynta South Sudaan ( Konfurta Sudan ) oo hormood u tahey Sudan People Liberation Army ( SPLA ) oo aakhirki ku guuleystey iney xoriyadoodi helaan 9 July, 2011. Kaasoo noqdey wadan madax bannaan oo la yidhaahdo jamhuuriyadda South Sudan. Waxa kalo jirey kacdoono kaga yimid dadka Carabta ee Albashiir kaso jeedo, waxaana ugu caansana kacdoonki 1999 uu hoggaaminaayey Siyaasiga uga caansana Sudaan ee la yidhaah Dr. Xasan Al-Turaabi ( AHUN ) oo aha hoggaamiyaha ruuxiga ee Xasan Albashiir inta aanu xabsiga u taxaabin 1999. Shacbka Sudaan waxa lagu yaqaana shacab xoriyadooda jecel oo marar badan ku kacey kacdoono shacbi oo ay hoggaaminaayaan wax garadkooda iyo aqoon yahankooda, horena u ridey laba kali taliye ( General Cabuud 1958-1964 iyo Jacfar Al Numeri 1969- 1985 ). Haddaba su’ashu waxey tahey muxu kali taliye Cumar Xasan Albashiir doorkan ugu raagey xukuunka Sudaan isago intaaso kacdoon ka hor yimaadeen. Waxaan anigu u nisbeynaya dhawr qodob. wuxu gashadey shaadh diimeed isago adeegsanaya diinta Islaamka oo ah diinta aqlabiyad shacabka Sudaan sidu uu helo taageeradooda dagaalka u kula jirey Konfurta Sudaan oo uu badan dad krishtan ah ( Christians ) iyo Cawaan. Wuxu adeegsadey Qoomiyadda Carabta oo ah aqlabiyadda shacabka Sudan marku la dagaalamayo shacabka muslimka ah ee tirada yar ee reer Darfur ( tiradoodu wa wax u dhow Hal Million ). Weynu wada maqalney qabiilka Carbeed ee Jan jawiid ee dawladdu hubeyso ee xasuuqa uu geystey qabaa’ilka reer Darfur. Si’uu dagaalada iyo jabhadaha iska caabiyo wuxu uu heley dhaqaale xog leh oo uu ka heley lacagta kasoo xaroota shidaal badankisu laga soo saaro konfurta Sudaan oo la bilaabey sosaaristisa 1999. Dawladdaha khaliijka ee hodan ku ah shidaalka oo maalgelin iyo deeqo dhaqaale ka geystey Sudaan iyago ka cabsi qaba in dabeeysha kacdoonka shacbi ee Gu’ga Carabta ‘’ Al Rabiic Al Carabi’’ innu u soo gudbo. kacdoonka shacabka Sudaan ee ugu dambeeyey ee aakhirki galaaftey Cumar Xasan Albashiir wuxu bilaabmey 19 December, 2018. Waxaanu ka kacey marki dawladda Xasan Albashiir joojisey kabisti ay kabi jirtey quuta daruuriga sida daqiiqda, sonkorta iyo alaabaha daruuriga sida shidaalka iwm iyo qiimihi lacagta ( Guine ) Sudaan oo hoos dawladdu uu dhigtey. Arrintaaso dhalisey sicir barar baahsan oo shacabku badankisu wax ba iibsan kari waayeen La soco qeybaha dambe Alla Mahad leh. Eng. Bashe C Gaboobe Email: gaboobe _3@ hotmail.com Qaran News
  20. (SLT-Hargeysa)-Xoghayihii duulista iyo hawada Xisbiga WADDANI Nuradiin Diini ayaa maanta shaaciyay in uu si rasmi ah iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayay Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Xoghayihii duulista iyo hawada Xisbiga WADDANI Nuradiin Diini goor dhawayd warbaahinta la hadlay ayaa is casilaadiisa ku sababeeyay in aanay jirin jiho uu u socdo xisbiga uu ka tirsanaa ee WADDANI. Source
  21. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay Al-Shabaab ay ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Weerarka oo ahaa mid labo jiho ah ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda deegaanka Muuri ee gobolkaasi. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo uu xigay dagaal toos ah, mana jiro wax hadal oo ka soo baxay dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada dowladda ay howlgallo cusub ka bilaabeen halkaasi. View the full article
  22. Shir looga hadlaayo horumarinta Maaliyadda Dalka ,isla markaana ay ka qeybgaleen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda FS iyo kan dowlad goboleedyada ayaa manta ka furmay magaalada Kambaala ee dalka Yugaandha. Shirkaan oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan maamulka Gobolka Banaadir,waxaaa mudada uu socdo loga hadlayaa sidii loo mideyn lahaa shuruucda lagu hagayo dhaqaalaha Dalka. Dhinaca kale madaxda Somaalliya ayaa u mahadceliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Kampala oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay wafdigaasi uu hoggaaminaayo Wasiirka Maaliyadda DFS, C/raxmaan Ducaale Bayle. Source: goobjoog.com
  23. Dibadbax ay dhigayaan darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha (PL) ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dibadbaxyada ayaa xoogooda ka socda degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgoysyada Towfiiq, Fagax iyo sidoo kale Afarta Jardiin. Qaar ka mid ah darawalladan ayaa sheegaya iney cabasho ka yihiin lacago dheeraad ah oo maamulka gobolka Banaadir kusoo rogay gaadiidkooda, islamarkaana waddooyinka ay weli yihiin kuwo xiran. Waxay sheegeen in markii la xiray waddooyinka laga joojiyey lacagahan, balse hadda dib loogu soo rogaalceliyey, iyadoo aanay jirin meel ay ka shaqeystaan waa sida ay hadalka u dhigeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. The Italian Government has donated to victims of floods in several regions of Somalia. Yesterday an aircraft carrying the donation touched down in Aden Adde International Airport in Mogadishu. At hand to hand over the donation to the Federal Government of Somalia was the Italian Ambassador, Dr Alberto Vecchi. Ambassador Alberto Vechi handing over the donation from Italy The donation consists of medicine, blankets, detergents and other equipment, making Italy the first EU country to contribute to efforts to alleviate the hardship flood victims are undergoing. “I am pleased to hand over a donation from the government and people of Italy to Somalia” Ambassador Vechi said. Italy is taking a lead role in helping Somalia to cope with natural disasters such as floods in addition to boosting the capacity of Federal Health Ministry through collaboration with the United Nations Population Fund (UNFPA). With the appointment of Ambassador Vechi, the friendly relations between Somalia has entered a new phase. Italian assistance to Somalia is making a difference in the health sector. Floods have affected more than 200, 000 people, mostly in Beledweyn district, where heavy rains conspired with river floods to displace thousands of families. © PUNTLAND POST 2019 The post Italy Leads Relief Efforts for Flood Victims in Somalia appeared first on Puntland Post.