-
Content Count
213,980 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cape Town (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in bisha December ay ku dhowaaqi doonto qorshaheeda iibkii ugu horreeyey ee shatiyada shidaal sahminta Soomaaliya. Wasiirka Shidaalka iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa Reuters u sheegay in December la shaacin doona xilliga ay Soomaaliya billaabeyso xaraashka xirmooyinka shidaalka dalka. “Waxaan soo bandhigeynaa 15 xirmo” ayuu yiri wasiir Cabdirashiid oo ku sugan magaalada Cape Town, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shirka shidaalka iyo saliida Africa. Waxa uu sheegay in xogtii laga soo ururiyey ciidda ee ay dowladda Soomaaliya amartay ay muujisay astaan dhiiri-gelin leh oo ah in 15 xirmo ay ku jirto saliid dhan 30 bilyan oo barmiil. Cabdirashiid ayaa sidoo kale ku adkeystay in 15-ka xirmooyin ay aad uga fog yihiin xuduudda badda ee Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, halkaasi oo iminka muran uu ka taagan yahay. Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada caalamiga ah ee ilaaliya xeebaha Soomaaliya ay gebi ahaan cirib tireen burcad-badeeddii Soomaaliya, taasi oo sahleysa in badda laga soo saaro saliid. “Soomaaliya waxaa horey loogu yaqiin burcad badeednimo, argagixiso, degenaansho la’aan, iyo wax kasta oo xun, balse dowladda federaalka ah ayaa iminka sameeneysa wax kasta oo ay awooddo si ay dalka u xasiliso” ayuu yiri. “Tobankii sano ee tagay ma jirin xitaa hal dhimasho oo ka dhalatay burcad badeednimo, sidaas darteed, xeebaha Soomaaliya waa amni in la maal-gashto.” Waxa uu sheegay in maal-gelinta shidaalka iyo saliidda Soomaaliya ay abuuri karaan shaqooyin cusub, islamarkaana ay ka hor-tagi karaan in dhallinyarada ay u weecdaan rabshadaha. “Soomaaliya waxay haysataa qariirad ay raacdo kadib marka ay soo saarto saliidda, sidaas darteed ma jiri doono dhib ka dhasha kheyraadkeena” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya dhibaatooyinka ay dalalka qaar kala kulmaan marka ay soo saartaan kheyraadkooda. Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in la filayo in madaxweyne Farmaajo uu dhowaan saxiixo sharciga shidaalka, oo hadda horyaalla aqalka sare ee Soomaaliya, taasi oo dhabbaha u xaari doonto inay dalka kusoo laabtaan shirkadaha shidaalka sidan Shell iyo ExxonMobil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ee loo sameynayo dadka Fatahaado saameysay gargaarkii loogu talo galay ku socdo qorshihii loogu talo galay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale ayaa warbaahinta u sheegay in Wasaaraddu xarumo kumeel gaar ah ka furatay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baledweyne halkaas oo ah meesha ugu badan uu saameynta ku yeeshay wabiga Shabeelle. Agaasimaha guud ayaa tilmaamay in dadka qaarkood oo fatahaadu waxyeelo ku yeelatay illaa haatan lagaarsiiyey gargaar bilow ah. Meelaha gargaarka lagaarsiiyey waxaa kamid ah Baledweyne, Baardheere iyo Bardaale degmooyinkaas oo dadku isaga bakaceen guryihii ay daganaayeen. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sidii loogu tala-galay u socdo gurmadka Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Doorashooyinkii golaha deegaanka ee lagu qabtay gobolo ka tirsan dalka Mareykanka ayaa waxaa guullo taariikhi ah ka soo hoyey gabdho Soomaali ah oo ku guuleystay doorashooyinkaasi. Naadiya Cabdirisaaq Maxamed iyo Safiya Khaalid oo ah gabdho Soomaali ah ayaa ka mid noqday dadka guuleystay, kadib tartan adag oo ay u galeen doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolo ku yaalla Mareykanka. Gabadha koowaad oo ah Naadiya ayaa waxa ay ku soo baxday kursiga golaha deegaanka magaalada St Louis Park ee gobolka Minnesota, halka Safiya Khaalid ay ku guuleysatay golaha deegaanka magaalada Lewiston ee gobolka Maine ee dalkaasi. Naadiya ayaa heshay boqolkiiba 63 codadkii la dhiibtay, halka ninkii la tartamayey uu isna helay boqolkiiba 38. sidoo kale Safiya ayaa heshay 69.6% codadkii la dhiibtay. “Aad ayaa ugu faraxsanahay in anigoo gabar Soomaali ah oo xijaaban aan ku guuleysto kursigan, in aan u tartamo xilkan, waxaa igu dhaliyay in dalka uu yahay dalkeyga, oo aan doonayo in halkan aan nolol ka smaeysto oo ma donayo in aan dareemo in aan ahay qof marti ah, “, ayay ku tiri BBC-da, Naadiya Cabdirisaaq Maxamed. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inay dooneyso in ay wax ka qabato kirada guryaha oo ay sheegtay in ay tahay mid qaali ah, oo dadkana aysan awoodin in ay iibsadaan guryo raqiis ah. “In la I doorto waxay tusaale u tahay dhallinyarada Soomaalida ee dalka Mareykanka iyo Muslimiinta, iyo in waxwalba oo ay doonayaan ay ku guuleysan karaan oo dalka Mareykanka uu yahay dalkooda”, ayay raacisay Naada. Dhinaca kale, Cabdisalaam Aadan oo ah nin Soomaali ayaa isna sidoo kale ku guuleystay guddiga waxbarashada ee xaafadda Fridey ee isla gobolkaasi. Natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkan ayaa waxaa soo dhoweeyey Soomaalida Mareykanka oo muddooyinkii dambe taariikha cusub ka sameynayey dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Human rights watch oo soo saartay warbixin ka dhan ah maamulka Maxamed Bin Salmaan ee dalka Sacuudiga Hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch warbixin ay kasoo saartay maamulka Maxamed Bin Salmaan ayay ku sheegtay in 200 ruux in ka badan loo xiray arrimo siyaasadeed tan iyo markii uu qabsaday talada dalka. Inkastoo uu ka sameeyay dalka Sacuudiga isbedello taariikhi ah sida dumarka oo kaligood safri kara, in ay gawaarida ka xeyn karaan iyo in ay garoomada ciyaaraha tegi karaan ayaa hadana dhanka kale waxa uu ka waday ugaarsi dhanka siyaasiyiinta iyo dadka wax-galka ah ee dalkaasi kuwaas oo uu u arkay in ay dhaawici karaan sumcadda iyo siyaasadda uu damacsan yahay. Dilkii wariyaha reer Sacuudi ee Jamal Khashoggi oo isaga lagu eedeynayo in uu ka dambeeyay sannad ka hor ayaa, gadaashiisa waxaa la xir-xiray 32 ruux kuwaas oo isugu jira dad u dhaq-dhaqaaqa arrimha xorriyadda, bini`aadamnimada, qareenno, saxafiyiin iyo waliba ganacsato. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ammaanta isbeddeleed ee uu sameeyay Bin Salmaan oo xukunka qabsaday sannadkii 2017 ay qarisay gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqda bini`aadamnimada ee uu geysanayo. Dhawaan ayay dowladda Sucuudiga lamanayaasha aan is guursan ee ajaanibta ah u ogolaaday inay qolal ka kireysan karaan Huteellada dalkaas kaddib markii boqortooyada dhawaan ay shaaca ka qaaday hab u gaara ah oo dal ku galka loogu ogolaanayo dalxiisayaasha inay tegi karaan dalkaas, waxaana sidoo kale loo debcin doonaa haweenka dalxiiska ah xeerarka lebiska ee adag. Waxaa haweenka loo ogolanayaa inay kireysan karaan Huteelada iyagoo maxram la’aan ah. Horraan, lamanayaasha is qaba waxaa la weyddin jiray inay la yimaadaan caddeyn isla markaasna ay soo bandhigaan warqad muujineyso xilligga ay is guursadeen. Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli dowladda Sucuudiga ay waddo barnaamijyo lagu xoojinayo dalxiiska dalkaas. Qaran News
-
Maxaa hawada magaalooyinka Hindiya ka dhigay tan ugu wasakhowga badan dunida? Caasimadda Hindiya ee Delhi ayaa waxaa ka taagan xaalad caafimaadka bulshada ah oo degdeg ah – iskuullada ayaa la xiray, dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan, isbitaallada ayaa iyaguna qaabilay kumannaan qof oo dhibaatooyin neefsashada ah qaba. Sababtuna waxay tahay hawada wasakheysan oo ah tii ugu darneyd dunida. Balse inkastoo Delhi ay tahay tan ugu daran, haddana maaha tan keliya ee ku taalla waqooyiga Hindiya. Shan ka mid ah lixda magaalo ee ugu hawada wasakheysan – Gurugram, Ghaziabad, Faridabad, Bhiwadi iyo Noida – ayaa ku yaalla meel 80km u jirta Delhi, oo haatan ay hawadeedu tahay tan ugu wasakheysan dunida. Sida ku xusan daraasad ay sanadkii 2018 sameeyeen Greenpeace, 22 ka mid ah 30-ma magaalo ee hawadoodu ay tahay tan ugu wasakhowga badan dunida waxay ku yaallaan Hindiya. Wasakhowga hawada ee Delhi iyo hareeraheeda ayaa geeray heer aad u daran Guud ahaan dunida, hay`adad Caafimaad Adduunka ee WHO ayaa ku qiyaaseysa in ilaa toddoba milyan oo carruur ah ay sanadkii u dhintaan iyagoo xiliiga dhalahada kasoo hormara, sababo la xiriira wasakhowga hawada – sida qiiqa haatan daboolay Delhi uu u horseedo maskaxda oo uu dhiig ku furmo, wadno istaag, cudurka macaanka, kansarka sambabbada iyo cudurrada sambabada oo ragaad ah. Ilaa 30 milyan oo qof oo ku nool gudaha iyo hareeraha caasimadda Hindiya ayaa la daalaa dhacayay qiiq muddo haatan toddobaad ka badan laga joogo, balse dhibaatadu maaha mid gudaha uun ku kooban. Waqooyiga Hindiya, gaar ahaan webiga Ganges river ayay sidoo kale wasakhowga hawada saameyn xun ku yeelatay, xitaa dalalka Hindiya deriska la ah sida Nepal iyo Bangladesh ayaa khatar ku jira, sababo la xiriira dabeylaha xoogga ku socda ee wata habaaska iyo qiiqa ee ka gudbaya buuraha Himalaya. Sidaas daraaddeed, maxaa hawada Hindiya ka dhigay mid xun, gaar ahaanna bilaha October iyo November? Gubidda cawska beeraha Gubidda cawska beeraha ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kan ugu daran ee sababa in hawada Delhi iyo waqooyiga Hindiya ay wasakhowdo. Waa xilliga dalag gurashada, beeraleyda ayaana gubaya cawska beerta ka soo haray – taasoo ah habka ugu fudud ee ay beertooda ugu diyaarin karaan tacabka xiga. Gubidda cawska beeraha ayaa caado soo jireen ah ka ah Hindiya Dabeysha ayaana dhanka Delhi u soo qaadda qiiqa ka soo baxa gubidda cawska, taasoo sababta wasakhowga hawada ee aan sanad walba aragno. Dadaallo ay dowladda ugu jirtay joojinta gubidda cawska beeraha ayaa guuldarreystay sababo la xiriira iyadoo aanan shuruucda lagu dhaqmeynin. Hindiya ayaa ah dal ay dadkiisu inta badan ku tiirsan yihiin beeraha, cawska beeraha ayaana si ballaaran loo gubaa, gaar ahaan gobollada Uttar Pradesh iyo Haryana halkaasoo ay ku yaallaan magaalooyinka ay hawadoodu tahay kuwa ugu wasakhowga badan – marka laga soo tago Delhi. Qiiqa gawaarida Ilaa saddex milyan oo agwaari ah ayaa si maalinle ah u isticmaala waddada Delhi Qiiqa ayaa horseeday in dowladda Hindiya ay ku dhawaaqdo xaalad caafimaad bulshada oo degdeg ah, la dagaallanka qiiqa gawaarida ayaana ka mid ah dhowr talaabo oo la doonayo in la qaado. Xukuumadda Delhi ayaa sheegtay in ilaa saddex milyan oo gawaari ah ay maalin walba isticmaalaan waddooyinka magaalada. Amar lagu yareynayo tirada gawaarida waddooyinka isticmaala ayaana la soo saaray. Gawaarida gaarka loo leeyahay, keliya gawaarida ay nambarka taargadoodu tahay kuwo dhaban ah ayaa isticmaali kara waddada hal maalin, halka kuwa kaleyna ay maalinta xigta isticmaali karaan. Gaaska diesel-ka oo shidaal ahaan loo isticmaalo ayaa dhibaato ku ah dalka – qorshe ay dowladda ku dooneysay gawaari badan oo korontada ku shaqeeya ayaanan suurto gelin. Howlaha dhismooyinka Mar walba oo uu qiiq hareeyo Delhi, dowladda iyo maxkamadaha ayaa soo saara amar ah in la joojiyo dhammaan howlaha dhismaha ee ka socda gudaha iyo hareeraha magaalada. Tani ayaa micnaheedu yahay in la hakiyo dhismaha kumannaanka guri, dhismooyinka dowladda, waddooyinka, dukaamada iyo buundooyinka ay dadku isticmaalaan. Goobaha dhismaha ayaa waxaa ka soo baxa habaas saameeya magaalada. Bustan ayaa dabiici ahaan ah mid kiimiko wadata, dabeylaha ayaa soo qaada waxayna sababtaa dhibaatooyinka dhanka neefsashada ah iyo caabuqa sambabbada. Hindiya ayaa aad u dhismeysa Hindiya oo sid egdeg ah u kobcineysa dhaqaalaheeda ayaa isku dayeysa inaysan ka liidan dalka horumaray ee deriskeeda ah – Shiinaha- dhismaha ayaana ka mid ah waxyaabaha koboca ka qeyb qaadanaya. Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online ) – Guddiga xuquuqul insaanka Baarlamanka Puntland ayaa shalay golaha wakiilada Puntland ka hor jeediyay warbixin ay ka soo aruuriyeen deegaanada maamulka, taas oo taabanaysa meelo badan. Guddiga ayaa warbixintiisa ku soo bandhigay heerka xuquuqul insaanka iyo dembiyadii ka dhacay gudaha Puntland lixdii bilood ee la soo dhaafay. Warbixinta oo uu akhriyay Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal, ayaa lagu sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay Puntland ka dhaceen 3387 dembi oo kala duwan, kuwaasi oo ay ku jiraan 56 dembi oo kufsi haween loo geystay ah. Guddiga ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay, in hey’adaha amniga Puntland ay dadka iska xirtaan, kuwaas oo xabsiyada is kaga jira muddo dheer oo gaareysa bilo ama sanado iyaga oo aan Maxkamad la soo taagin. Waxaa kale oo ku jiray warbixinta guddiga in ay xabsiyada Puntland ku soo arkeen dad loo haysto shilal gaadiid, kuwaas oo waqtiyo dheer ku jira xabsiyada, qaarkoodna ay ku indha-beeleen sida lagu sheegay warbixinta. Guddiga ayaa sheegay in ay kormeerro kala duwan ku sameeyeen dhamaan xarumaha maamulka Puntland ee dadka lagu xiro, marka laga reebo hal xarun. Xarun ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee lagu xiro dadka oo ay maamulaan ciidanka PSF Puntland ayaa lagu sheegay warbixinta in si cad loogu diiday guddiga in kormeer ay ku sameeyaan, si wax looga ogaado dadka halkaasi ku xiran, dembiyada loo heysto iyo xaaladooda. Warbixinta guddiga waxaa kale oo lagu sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay Puntland ka dhaceen shilal gaadiid oo gaaraya 1833 shil oo ay ku dhinteen 206 qof, halka ay dhaawacyo culus ka soo gaareen 548 ruux. Caasimada Online Xaafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal 50 daqiiqo ah oo ku saabsanaa sagootin loo sameeyey dagaalyahanadii qaaday weerarkii ay dhawaan Kooxdaan ku qaaday Saldhigga Mareykanka ee Balidoogle. Muuqaalka ayaa lagu soo bandhigay ilaa 13 dagaalyahan oo weerarkaas fuliyey iyo dardaaran cod ah oo uu u jeediyey hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmad Cumar Abuu Cubeyda. Abuu Cubeyda ayaa dagaalyahanadaas kula dardaarmay inay weerarkooda si fiican u fuliyaan oo ay laayaan dhammaan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan halkaas. Inkastoo weerarkaas si weyn loo soo qorsheeyey, haddana Al-Shabaab uma suurtagelin inay gudaha u gasho saldhigga Balidoogle, waxaana iska caabiyey ciidamadii Dowladda ee ku sugnaa banaanka hore ee Saldhigga. Haddaba halkaan hoose ka akhriso magacyada kuwii fuliyey weerarkaas oo ay Al-Shabaab soo bandhigtay 1) Maxamed Cabdi Axmed 2) Ibraahim cabdullaahi jabriil 3) Axmed Siyaad Cali 4) Cabdiraxiim xasan Ibnu Xasan 5) Yuusuf Jamaal Shiikh Cabdullaahi 6) Cabdi Cabdullaahi Cabdi Nuur 7) Cali Nahris 8)Shariif Macalin Xasan 9) Isaaq Suubow Macalin Cali 10) Maxamed Cabdullaahi Shiikh 11) Iidow Cali Caddow 12) Xuseen Maxamed Axmed 13) Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Dr Maxamed Cabdi (Gaboose), horena u ahaa Wasiirkii arimaha guddaha Somaliland ayaa maanta waxa uu si adag uga hadlay xaalka gudaha Somaliland iyo hogaaminta Biixi, Maxamed Gaboose ayaa si weyn u dhaliilay hab maamulka Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, isagoona hoosta ka xariiqay in Somaliland ay maamusho koox ka kooban labo beelood oo keliya. Gaboose ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in hadii aan wax laga qaban xaalka Somaliland, in ay dadku halis ugu jiraan inay sii kala fogaadaan. Siyaasi Dr Maxamed Cabdi (Gaboose), oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu carabka ku adkeeyay in Somaliland ay mareyso meeshii ugu xumeyd, loona baahanyahay in wax laga qabto, wuxuuna yiri “Waxaan diiddanahay Maamul-xumida Maanta dalka ka jirta iyo Cidhib-xumadeeda dambe, Sawirka guud ee dalku halka uu Maanta marayo maaha mid qurxoon, waxaanu dib ii xasuusiyey Midhihii ka dhashay Talo-xumadii Lixdankii, sidii bilaa gor-gortanka ahayd ee labadii dhinac ee midoobay dhinicii kale ay dhammaan Mansabyadii iyo Manfacii Dawladnimada, jawaabtii baadi-goobkaasi waxay noqotay inaan Talo iyo Quluub midaysan lala tagin”. “Ifafaalaha imika ii muuqdaa wuxuu i tusayaa Talo xumo iyo kala qaybsanaan ka qoto-dheer tii hore, lagana yaabo in Maxsuulkeedu ka cidhib xumaado tii lixdankii haddaan la dabo-qaban oo aan Eebbe caymin”. “Nasiib-darro, in muddo ahba waxa ka hano-qaaday Geyigayaga siyaasad kooxaysan oo ku qotonta kala qaybinta iyo kala irdhaynta Ummadda Walaalaha ah, Kooxdani waxay ku adeeganayaan Isbahaysiga siyaasadeed ee Jeegaamaysan oo ah Shaadh ay keligood ku macaashaan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan ku nuux-nuuxsanayaa in beelaha ay ka soo jeedaan aan marnaba loo aanayn karin Eraygaas iyo siyaasadda Guracan ee ay Hal-abuurkeeda leeyihiin. Badanaa, inta Hal-door Milgo iyo maamuus leh oo ka soo jeeda Beelahaas oo Karaamo iyo Waxqabad Ummadda u soo kordhin lahaa Xayndaabka siyaasadda looga tuuray in aanay la aragti ahayn”. “Waxaynu ogsoon nahay in Nuxurkii Halgankii adkaa iyo Curashadii Somaliland ujeeddadeedu ahayd inay Dalkeena ka suusho Caddaalad-darradii iyo Dulmigii Midabbada badnaa ee ina soo maray, mid shakhsi iyo mid deegaan, lana dhiso Bulsho-weynta Somaliland ee Bari iyo Galbeed oo nabdoon oo meelna u wada jeeda”. Dr Gaboose ayaa ugu dambeeyntiina waxa uu talooyin dhowr ah u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, waxayna u dhignaayen sidan: 1. Waxaan soo jeedinayaa Inaad meesha ka saarto nidaamka kooxeysan ee loo aanay-nayo kala irdhaynta bulshada umaddana aad dhex u noqotid. 2. Inaad garawshiiyo iyo xaal ka bixisid deelqaafkii umadda ku dhaqan Sanaag-bari ka kacay Jananka Ciidamada Qaranka. 3. In aad mudnaan gaar ah siiso tabashadda goboladda, Awdal, Selel Sool iyo Sanaag-bari kuwaas oo la’aantood aanay jiri karin Somaliland. 4. In aad aan adiga iyo bulshadda laydin kala waramin, ee aad albaabada u furto. 5. In aad hoos u eegtid cabashooyinka beelaha iyo raadadka ay reebtay doorashadii. 6. In aad ka waantowdid xadhiga wariyayaasha iyo cid walba oo fekerkeeda saliimka ah cabirta xoriyadoodina usoo celisid muwaadiniinta u xidhan aragtidooda. 7. In shirka laga iclaamiyay Burco looga faa’iidaysto turxaan bixinta beelaha. 8. In aad si dhaqso ah isugu yeedho waxgaradka iyo waayo-araga umadda, kalana tashato xaalada dalku marayo iyo sidii looga bixi lahaa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) ― Human Rights Watch ayaa markale waxay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ku eedeysay in uu sii xoojinayo cadaadiska iyo xariga uu kula kaco dadka siyaasad ahaanta ka soo horjeeda. Ururkan caalamiga ah ee Human Rights Watch ayna xaruntiisuna tahay Washington, ayaa sheegay in Bin Salmaan uu qaaday wado xun oo uu ku aamusiinayo dadka mucaaridka ah ee ka aragtida duwan. Ururkaa ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in muddo ay diiwaan galinayeen marag kacyo iyo muuqaalo ka hadlaya ‘cadaadiska xoogan ee uu Maxamed Bin Salmaan ku kaco, isla markaana loo haysto’. Waxayna xustay Human Rights Watch in intii uu talada la wareegay dhaxal sugaha boqortooyadu ee badh-tamihii 2017 ay luntay isla xisaabtankii Mas’uuliyiinta ugu sareysay dalkaasi. Ururka ayaa sidoo kale waxa uu soo saaray qormo uu cinwaan uga dhigay ‘Qiimaha culus ee isbedelka’, kaasi oo uu uga hadlayey faa’iido darooyinka laga dhaxlay inuu Maxamed Bin Salmaan la wareego talada Sacuudiga. Human Rights Watch ayaa waxa kale oo ay ku dhaliishay Maxamed Bin Salmaan wax ay ugu yeertay ‘dib u habeynta lagu sameynayo haweenka iyo dhalinyarada’ midaasi oo loo arko in ay sarre u kacday inta uu hago talada wadanka. Ururka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu iftiimiyey in dalka Sacuudiga uusan ka jirin sharci adag, balse ay sidii doonan ka yeelaan ayna wiiqi karaan hogaamiyayaasha siyaasada boqortooyada dalkaasi. Maxamed Bin Salmaan, Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga ayaa inta badan waxa lagu eedeya in uu ka taqaluso cidkasta oo ka hor-timaada siyaasadiisa, iyadoona ay ugu dambeysay dilkii arxan darada ahaa ee Wariye Jamaal Khashoggi, oo si weyn loola xiriiriyay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___qubanaha-05112019.mp3 View the full article
-
By Carla Babb The top general for U.S. military operations in Africa visited Somalia Tuesday to meet with leaders and discuss the fight against extremists in the Horn of Africa nation. U.S. Army Gen. Stephen Townsend, head of U.S. Africa Command (AFRICOM), said he would “assess the progress” of the U.S. military campaign to keep pressure on the Islamic State terror group and the local al-Qaida affiliate al-Shabab, calling them a threat to “African partners, to U.S. interests in East Africa, as well as to the U.S. homeland.” “Terrorists need to know we will pursue them relentlessly,” said Townsend. “Our actions make Somalia, the region, and the U.S. safer and more secure.” The general said he believes these groups “possess the desire and intent to attack the U.S.” but lack the capability to do so thanks to military force against them. Townsend discussed security developments with Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed, more commonly known as “Farmajo,” and the chief of staff of the Somali Armed Forces, Gen. Mohamed Ali Barise, on Tuesday. He also met with some of the approximately 700 U.S. service members deployed to Somalia during his visit, according to AFRICOM spokesman Air Force Col. Chris Karns. The trip comes as al-Shabab released a new video of its leader Tuesday calling for fighters to target U.S. interests worldwide. According to the SITE Intelligence Group, the video shows footage of al-Shabab fighters who allegedly participated in the September 30 attack on an airbase used by the U.S. military to support Somali forces. The militants detonated two car bombs at Baledogle airport in Lower Shabelle region, about 90 kilometers (56 miles) west of Mogadishu on September 30. AFRICOM said no American or Somali forces were injured in the attack. In response to the assault, the U.S. military conducted two airstrikes and used small arms fire to target al-Shabab militants, killing 10 of them and destroying one vehicle involved in the attack. Karns told VOA Monday the U.S. has conducted more than 50 airstrikes in Somalia this year. He says airstrikes in Somalia are essential to preventing terror groups from maneuvering. “They set the conditions for development, they set the conditions for governance, and they’re foundational to the progress that’s being made,” he said in an interview with VOA last month. U.S. drone strikes have also killed numerous al-Shabab operatives and leaders in recent years, most notably al-Shabab chief Ahmed Abdi Godane in 2014. Source: VOA News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Taliska Afrika Jeneraal Stephen Townsend ayaa maanta booqasho ku tagay Soomaaliya. Taliyaha oo uu weheliyo arrima-fuliyaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Brian Néubert, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika. Booqashada Jeneraal Townsend ee Soomaaliya ayaa ah tiisii labaad tan iyo intii uu xilka qabtay bishii Julaay. Waxaana intii uu Soomaaliya joogay uu la kulmay madaxda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka, isagoo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ISIS ay halis ku yihiin Soomaaliya iyo dawladaha kale ee Afirka ee ay iskaashiga leeyihiin iyo weliba dalkan Maraykanka. Waxa uu sheegay inuu qasadkoodu yahay inay weeraraan Maraykanka inkastoo ayuu yiri aysan lahayn kartidii ay ku fulin lahaayeen weerar noocaas ah oo ka dhan ah Maraykanka, haddana ‘waxaa loo baahan yahay feejignaan’ sida lagu sheegay war saxaafadeedka. Waxa uu sheegay in Maraykanku ay Soomaalida ka caawinayaan sidii ay u dhisan lahaayeen tasiilaadka asaasiga ah ee ay kaga hortagi lahaayeen qorshayaasha argagixisada. VOA
-
Beledwayne (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maagalada baledweyne kulan kula qaatay bahda waxbarashada oo ay ugu Horeeyaan gudiga waxbarashada Gobalka Hiiraan. Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa iskuuladii ku bur buray Fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeelle iyo siddii ardaydii ka barakacay ay dib ugu bilaabi lahaayeen waxbarashada. Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in waajib gaar ah uu ka saaran yahay horumarka waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed. “Waxaan kulan kula qaatay magaalada Beledweyne bahda waxbarashada gobolka Hiiraan. Waxaan ka wada hadalnay sidii aan dayactir ugu sameyn lahayn xarumaha waxbarashada gobolka oo burbur xoogan uu kasoo gaaray fatahaada wabiga shabeelle oo 86 dugsi oo ka mid ah dugsiyada ku yaalla magaalada iyo tuulooyinka ku hareereysan ay xirmeen, isla markaana ay ka tageen ardaydii dhiganeysay oo ay tiradoodu dhan tahay 27,500” ayuu yiri Wasiir Goodax. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay Muuqaal soconaya in ka badan 50 daqiiqo oo laga soo duubay hoggaamiyahooda Axmad Cumar Abuu Cubeyda. Muuqaalkan ayaa intiisa badan uu Abu Cubeyday uga hadlay weerarkii dabayaaqadii September ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada ugu weyn ee ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya ee Ballidoogle iyo arrimo kale. Waxaa sidoo kale muuqaalka ku jira kooxdii fulisay weerarka saldhigga Balli-doogle. Muuqaalkaan oo ah kii ugu horeeyay oo uu ka soo muuqday hoggaamiya Al-Shabaab ayaa waxuu sidoo kale ku dheeraaday ka hadalka gabood fallo uu sheegay in ciidanka Mareykanku uu ka geysto Soomaaliya iyo guud ahaan dunida, iyagoo soo bandhigay dad ay sheegeen in ay eheladooda ku waayeen duqeymaha Mareykanku uu ka geystay Soomaaliya. “Hadaba waxaan rabaa inaan halkan fariin uga diro shacabka Mareykanka ee canshuurta ku bixiya gumaadka Ummadeena la dagaalanka diinteena, boobka kheyraadkeena iyo taageeridda kuwa loogu yeero dowladda Federalka, Shacabka Mareykanka waxaan leeyahay: ma is weydiiseen howlgallada uu ciidankiinu ka wado Soomaaliya, marna mala xisaabtanteen xukuumadiina oo ma weydiiseen waxa lagu qabto canshuurta leydinka aruuriyo iyo halka ay ku baxdo, ma isweydiiseen waxa ay AFRICOM ku heyso caruurteena” ayuu yiri Abuu Cubeyda. Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri “Dowladiina waa tan garab iyo gaashaan u ah taageero, taakuleyn iyo tababar joogta ahna la daba taagan maamulka Muqdisho, Ciidankiina waa kuwa burburiya macaahida u badkeena tacliinta lagu siiyo, arday Qur’aan akhrisaneysana ku laayay degmada Saakoow Ciidankiinu waa kuwa carruurteena ka afduubtay dugsiyada iyo macaahidda, waa kuwa xasuuqay dad aamin ku ah deegaankooda oo isugu jira beeraley, ganacsato, nabadoono, culimo, arday, waayeello, dumar, carruur iyo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan”. Axmed Abuu Cubeyda hoggaamiyaha Ururka Al-Shabaab mar uu soo hadal qaaday taageerada dhaqaale ee dowladda Mareykanku ay siiso dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in canshuurta laga qaado shacab weynaha Mareykanka lagu taban taabiyo dowladda federaalka Soomaaliya “Madaxdiinu waa kuwa dhidibada u taagay dowlad ku sheega Muqdisho oo fagaarayaasha uga faana in aysan marnaba shareecada Islaamka dalka ku dhaqeyn, iyagoo kuu dhaqanka diinta islaamka ka doorbidaya dawarsiga shisheeyaha” ayuu yiri. Abuu Cubeyda ayaa sheegay in uu fariin u dirayo dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, isla markaana uu ku boorinayo in ay garab istaagaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay ka hor taaganyihiin duulaan lagu soo qaaday dalkooda. “Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay, waa kuwan wiilashiina naf iyo maalba u huraya difaaca diintiina, dalkiina iyo dadnimadiina, waa kuwan cadowga idiin duleysanayey dacarta leefsiiyey, xeradoodiina dabka qabadsiiyey, waa kuwaa diiday gumeystaha in ay adeecaan, waa kuwaa ku horgudban qorshaha gumeystaha inuu hirgalo, dimuquraadiyadana diiday in dalka lagu maamulo” ayuu yiri ninka hoggaamiya Al-Shabaab. Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri: “dhamaan qabaa’ilada Soomaaliyeed ee sharafta iyo gobanimada leh waxaan leeyahay, garab iyo gaashaanba u noqda wiilashiina, waa wiilashiinii, idinkey idinka dhasheen, idinkey idiin halgamayaan ee nala difaaca diinta. Axmad Cumar Abuu Cubeyda ayaa qeybaha dambe ee warbixintiisa lagu soo bandhigay sagootin la sheegay in uu ejeedinayo dagaalyahanadii fuliyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Ballidoogle oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose. “Allaah tabaaraka watacaala wuxuu maanta idiin doortay inaad dhiigiina ugu nusreysaan diinta Allaah, goobta aad ku socotaan oo aad maanta u qalab qaadaneysaan oo aad u diyaarsan tihiin, oo Muslimiinta wixii taban taabo ah ay idiin awoodeen idiinku bixiyeen, goobtaas waa xerada ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya” ayuu ku yiri Abuu Cubeyda hadalkaas oo horay looga duubay, balse lagu soo bandhigay warbixintaan. Wuxuu tilmaamay in xeradaas ay tahay meesha ay kasoo duullaan diyaaradaha drones-ka ee sida uu sheegay laayey dad maakiin ah oo aan waxba galabsan, sidoo kale waxa uu ku tilmaamay Ballidoogle oo ay ka soo foofaan maleeshiyaad xilliyada habeenkii ah argagax iyo gumaad ka geysta gobolka Shabeellada Hoose, isagoo sheegay in weerarkaas ay uga abaal marinayeen gabood faladdii horay u dhacay. “Hadafka ugu weyn ee aan beegsaneyno waa Mareykan, waxa aan beegsaneyno oo intaan oo dadaal ah loo sameeyey waa Mareykan, waxaana leydinka rabaa inaad howshaas iyada ah sugtaan oo aad Allaah u talo saarataan” ayuu ku yiri dar-daarankii uu u jeedinayey raggii weeraray Ballidoogle. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu xiray Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, kuwaasi si xun ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda. War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Cabdinuur Maxamed Axmed ayuu ku sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda uu ka balan qaaday in Askartaas sharciga la horgeyn doono. Sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay fal xadgudub ah oo 27-kii bishii hore Muqdisho loogu geystay Wariyeyaal ka howlgala Warbaahino ku yaalla Muqdisho. Si kastaba gelinkii dambe ee shalay ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda waxaa ay Wariyeyaal ka tirsan Telefishnka Aljazeera ay ku jirdileen Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, waxaana la sheegay in Ciidamada ay dhibaato u geysteen qalabkii ay ku shaqeynayeen. Hoos ka Akhriso Warka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Waxaa goor dhaw xabsiga la dhigay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska kuwaas oo si aan sharci waafaqsanayn ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda, waxaana Talisku Boolisku ballan qaaday in ay sharciga lala tiigsanayo askarta xiran. Waxaa jiray fal noocan oo kale ah oo wariyeyaal lagula kacay 27kii bishii hore keddib markii xarig iyo handadaad la isugu daray. Ciidamada Qalabka sida waxay mudanyihiin in lagu bogaadiyo, laguna garab istaago hawlaha sugidda amniga, balse waxaa loo baahanyahay in ay ka fogaadaan falalka lidka ku ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla. Wariyuhu waa muwaadin la xuquuq ah shacabka kale. Waa la dacweyn karaa, isaguna waa dacwoon karaa, balse waan in xarig kasta loo maraa sifo sharci ah, Booliiskuna waa inuu haystaa warqad ogolaansho. Waxaan ka raalli galinaynaa guud ahaan bahda saxaafadda, gaar ahaan wariyeyaashii dhibaatooyinka la gaarsiiyay, waxaana qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo badqabka wariyeyaasha iyo ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-05112019.mp3 View the full article
-
Somalia is planning to launch its first-ever oil and gas licensing round in December, its oil minister said on Tuesday, as the frontier market looks to attract new investment after decades of civil strife. At least three mortar bombs were fired last month at Mogadishu’s international airport, the latest attack in a wave of violence that has afflicted the Horn of Africa nation since clan warlords overthrew a dictator in 1991. Today much of the fighting is between rival clans and an Islamist insurgency, with Al Qaeda-aligned Al Shabaab, which is seeking to topple the U.N.-backed government, launching attacks in Mogadishu and across the country. “We will announce the first bid round in December,” Minister of Petroleum and Mineral Resources Abdirashid Mohamed Ahmed told Reuters on the sidelines of an African oil and gas conference in Cape Town. “We are presenting up to 15 blocks.” He said seismic data commissioned for the government was encouraging and indicated that the 15 blocks could contain around 30 billion barrels of oil. Ahmed emphasized the new blocks were far from the maritime boundary with Kenya that is currently the subject of a dispute at the International Court of Justice. He added that international naval blockades had almost totally eradicated offshore piracy at the former hotspot for maritime hijackings. “Somalia was known before for piracy, terrorists, unrest and all that, but the federal government of Somalia is doing its best to stabilize the country,” Ahmed said. “For the past decade or so there has not been one casualty of piracy, so offshore is safe to invest.” He said new oil and gas investments should create more jobs, help prevent young people turning to crime and spread peace in the country. “Somalia has a roadmap we can follow after we produce oil, so there will be no (resource) curse here in Somalia,” he said, referring to a tendency among some resource-rich countries to suffer from economic stagnation. Ahmed said the president was expected to sign into law new petroleum legislation, currently before parliament’s upper house, before year-end. This would help pave the way for ExxonMobil and Shell to return to the country where they held legacy blocks from the 1990s. Last month the two companies paid $1.7 million owed to Somalia for leasing these offshore blocks, although operations there remain suspended. “Once all the legislation is done we hope they will come back soon,” Ahmed said. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ku dhawaaqday $200,000 (Laba boqol iyo konton kun Dollar) oo ah kaalmo gargaar oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen. Madasha Xisbiyada Qaran oo madaxdeedu ay shir jaraa’id ku qabteen galabtey Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In ay maalmihii la soo dhaafay ay Xisbiyada madasha ku midaysan iyo dad samafalayaal Soomaaliyeed ah laga soo aruuriyey lacag gaaraysa &200,000 ( laba Boqol kun oo dollar) taasoo qeyb ka noqon doonta gurmadka fatahaadaha iyo daadadka ka dhacey Magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale. Sidoo kale Madasha ayaa waxay shaaciyeen liiska laba guddi oo howlaha gurmadka ka fulin doona magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A Somalia military court announced Tuesday it has handed down jail terms to 8 Al-Shabaab members found guilty of coordinating bombings in Mogadishu. The tribunal based in Mogadishu that the defendants, including a female, launched attacks targeted military bases and installations in Mogadishu with bomb explosions. The state attorney of the court said Saafi Ise Arwaah, was an active member of Al-Shabaab, the Al Qaeda-linked militant group fighting to topple the Somali government. Ahmed Abdulkadir Ahmed was sentenced to life while the Farhaan Faarah Mohamud, Abdirahman Nuur Mohamed, Saafi Iise Arwaah, Yasiin Mohamed Ahmed, Abdishakuur Ali Mohamud each received 15 years jail term. The court also sentenced Farhan Yusuf Wehliye and Hasan Sheikh Abdullahi to eight years. The ninth suspect, Abdi Khadar Mire was acquitted for lack of evidence. The defendants have 30 days to appeal their sentencing. View the full article
