Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-New York)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka guurayo gurigii uu degenaa ee magaalada New York una guurayo guri kale uu ku leeyahay gobolka Florida. Trump ayaa ku macneeyay sababaha uu uga guurayo inay tahay in siyaasiyiinta ku sugan New York ay si aan wanaagsanayn ula dhaqmeen. “Nasiib darro, inkasta oo sannad kasta aan maalaayin doollar oo canshuur aan ku bixiyo magaalada, waxaa si xun ii la dhaqmay siyaasiyiinta magaalada iyo gobolka” ayuu yidhi madaxweyne Trump. Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo iyo duqa magaaladaas Bill de Blasio ayaa waxa ay si xoog leh uga soo horjeedaan siyaasada Madaxweyne Trump waxayna ka tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga. Madaxweyne Trump ayaa ku dhashay New York balse wuxuu marar badan waqtigiisa ku qaatay gurigiisa kale ee Mar-a-Lago estate ee ku yaalla Palm Beach ee gobolka Florida. Source
  2. (SLT-Asmara)-Dowladda Eritrea ayaa soo saartay warmurtiyeed aan hore looga baran iyada oo warmurtiyeedkeeda ku eedeysay iney laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ay Eritrea u maleegtay afgambi. Waxayna xukumadda Asmara warmurtiyeedkeeda carrabka ku dhufatay laanta sirdoonka Israa’iilna iney afgambigaasi la damacsanaa gacan ka geysatay. Dowladda Eritrea waxay sheegtay in afgambigi Millatari lala damacsanaa sanadka marka uu ahaa 2011-ka, balse hadda ay heleen macluumaad dhammeystiran oo afgambiga la damacsanaa muujinaya. Afgambigi la damacsanana waxaa qayb ka ahaa ayey tidhi xukumadda Asmara in kacdoonna shacab gudaha Eritrea laga abaabulo si awoodda dowladda loo wiiqo. Warmurtiyeedka ka soo baxay xukumadda Asmara oo ku qornaa afka Tigreega waxaa si toos ah looga magac ***** shaqsiyaadka iyo laamaha afgambiga loo maleegayey ka qayb qaatay ee ay sheegtay iney ku kulmeen magaalada Nairobi. Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR waxay CIA ku amartay inuu gacan ka geysto sidi ay shacabka Eritrea uga qixi lahaayeen dalkooda waa sida warmurtiyeedka Xukumadda Asmara lagu sheegaye. “Kooxaha afgambiga maleegayeyna” kooxda qaranka kubadda cagta Eritrea iney dalkooda ka baxsadaan oo ay waddamo kale magangalyo weydiistaan ayey ku dhiirragelinayeen ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka. Waxaana taa tusaale ugu filan kooxda kubadda cagta Eritrea oo Nairobi ciyaar kaga qayb galayey ee diiday iney dalkooda dib ugu noqdaan. Dhawaanna waxaa dalka Uganda iska dhiibay afar ciyaartooy oo Eritrea u dhashay oo noolal dhuumaaleysi ah oo cabsi badan ku jooga dalka Uganda ayey Asmara ku sheegtay warmurtiyeedkeeda. Laanta Sirdoonka Israa’iilna waxay ka shaqeyneysay ayey tidhi warmurtiyeedka Asmara ka soo baxay iney diyaariso xoga been ah oo ku saabsan iney xukumadda Asmara ay xidhiidha la leedahay kooxaha argagixisada ee Bariga Dhexe ka dhaqdhaqaaqa. Iyada oo ay Moosad marar badan saraakiisha sarsare ee ka tirsan ciidamada Eritrea ay ku eedeysay iney ka shaqeeyaan tahriibinta dadka. Dowladda Eritrea sababata ay warbixintan xasaasiga ee ay muddo qarineysay xilligan ugu soo beegtay ayaan caddeyn. Source
  3. Taliyihii guud ee ciidanka Booliska Soomaaliland, Sarreeye Gaas Cabdulaahi Fadal Iimaan ayaa xalay ku geeriyooday gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Marxuumka oo muddooyinkii dambe xanuunsanaa ayaa xalay ku dhintay isbitaal ku yaalla Hargeysa. Geerida ku timid taliyaha oo saaka lagu wado in la aaso ayaa waxaa ka tacsiiyey wasiirka arrimaha gudaha Somalaland, Maxamed Kaahin Axmed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-Jaamac.mp3 View the full article
  4. In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan Kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad. Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, ay ahayd waxaan u qalmin Dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatey. Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codsi’gaasi, sidaasi ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. View the full article
  5. Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan ayaa guddiga gurmadka fatahaadaha ku wareejiyey lacag dhan 600,000 oo Dollerka Mareykanka ah. Danjiraha ayaa sheegay in lacagtan dowladda Jabuuti iyo shacabkeeda ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka loo fidinayo dadka ay sameeyeen fatahaadaha. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Jabuuti ay mar walbo garab taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonto, sidii looga hortagi lahaa fatahaadaha soo laa laabta ee saameeyey dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne. Dhankiisa wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah xubnaha guddiga gurmadka Qaran ee fatahaadaha ayaa Madaxweynaha Jubuuti, xukuumaddiisa iyo shacabka ay uga mahadcelinayaan gargaarka ay soo gaarsiyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Maareeye ayaa sidoo kale xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, aysan ilaabi doonin, sida walaalnimada leh ee ay u garab istaagtay dowladda Jabuuti. Deeqda lacageed ee ka timid Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qeyb ka ah gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee fatahaaduhu sameeyeen. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subaxa-2112019sx.mp3 View the full article
  7. Waxaa socda qorsheyaal lagu geynayo saraakiil boliis ah Soomaaliya si ay uga caawiyaan dhismaha awoodda boliiska Soomaaliyeed. Mr Grace Turyagumanawe, agaasimaha boliiska gaar ahaan kuwa taageera nabadda oo booqasho ku jooga Muqdisho si uu u qiimeeyo hawlaha boliisku ka hayo Soomaaliya iyo badqabka 160 saraakiil boliis ah oo Soomaaliya jooga ayaa sheegay inay socdaan qorsheyaal lagu geynayo saraakiil boliis ah geeska Africa. Warkaan oo laga soosaaray hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM shalay ayaa laga soo xigtay Mr Grace Turyagumanawe in Uganda ay qorsheyneysay iney u hesho qalab qorshaha boliiska lagu geynayo Soomaaliya. “Waxaa socda diyaargarow lagu xaqiijinayo inaan u daad-gureynno qeybtii labaad oo saraakiil boliis ah Soomaaliya sidii lagu heshiiyey dhawaan. Waxaan ka shaqeyneynaa inaan helno agabka loo baahan yahay,” ayuu yiri Mr Grace Turyagumanawe. Askartan boliiska ah ee ka socota dalka Uganda ee la geynayo dhawaan Soomaaliya ayaa ka dhigeysa tirada boliiska AMISOM ee Soomaaliya jooga gaar ahaan saraakiisha boliiska ee Uganda 300 oo askari. Kordhinta saraakiishan boliiska ah ee hoos imaaneysa boliiska AMISOM ayaa lagu xaqiijinayaa in boliiska Soomaaliyeed uu helo awood ku filan oo uu kula wareego awoodda maareynta sharciga iyo kala-dambeynta dalka marka AMISOM baxda sannadka 2021 ayaa lagu yiri war kasoo baxay AMISOM. Source: goobjoog.com
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay geeridii ku timid taliyihii hore ee ciidanka Booliska maamulkaasi, General Cabdullaahi Fadal Iimaan oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Caasimada ee Hargeysa. Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore tacsi u diray ehallada marxuumka, Booliska iyo dhammaan dadweynaha reer Somaliland. Sidoo kale wasiir Kaahin ayaa sheegay in taliye Fadal uu ahaa mas’uul xilkas ah oo wax badan u soo qabtay Somaliland, islamarkaana aysan iloobi doonin dadaalkiisii iyo sida uu uga shaqeeyey horumarka iyo nabadeynta deegaanada maamulkaasi. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu wadaa in saaka aas Qaran loogu sameeyey gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka gooni isu taaga ee Somaliland. Fadal oo xilka taliyaha Booliska Somaliland loo magacaabay 2012-kii ayaa bedalay taliyhii ka horreeyey ee Maxamed Saqadhi Dubad oo isna geeryooday, sidoo kale wuxuu taliyey Fadal soo noqday taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo hogaanka Hawlgelinta ciidanka Booliska oo uu hayey in muddo ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  9. Qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in xilligan ay ka bilowdeen dedaallo loogu gurmanayo shacabka B/weyne, oo dhibaato xooggan kasoo gaartay fatahaaddii uu magaaladaasi ku sameeyey Wabiga Shabelle. Dhallinyaro, culimo iyo waxgarad ayaa magaalooyinka Hargeysa, Ceerigaabo iyo Burco ka bilaabay qorshaha loogu gurmanayo shacabka B/weyne, iyaga oo taga goobaha dadku ku badan yahay, xaafadaha, Masaajidda iyo xarumaha waxbarashada. Waxa ay wataan codbaahiyeyaal ay dadka kaga dalbanayaa iney u gurmadaan walaalahooda B/weyne si wax loogu muujiyo garab istaag walaalnimo. Inta badan gobollada dalka ayaa waxaa si xowli ah uga socda gurmadka loo sameynayo shacabka B/weyne oo u baahan gurmad degdeg ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay geerida Taliyahii ciidanka Booliiska Somaliland oo xalay ku geeriyoodey Hargeysa. Wasiirka wasaaraddan, Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn tacsi ka diray geerida Taliye C/laahi Fadal Iimaan isaga oo sheegay in uu dadkiisa ugu soo shaqeeyey si hagar la’aan ah. Wuxuu sheegay wasiirka, in taliyaha uu maalmihii ugu dambeeyey xanuusanayey, isaga oo horey caafimaad ugu tagay dalka Turkiga. Allaha u naxariistee, C/laahi Fadal xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidanka booliiska Somaliand, isaga oo soo noqday taliyaha saldhigga dhexe ee Hargeysa iyo sidoo kale hoggaanka howlgelinta ciidanka Booliiska oo uu hayey ku dhowaad 20 sano. Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Fadal u magacaabay xilka taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland, wuxuuna geeriyoodey isaga oo xilkaasi hayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Exploring Ethiopia’s relation with state actors in the region, namely Djibouti, Eritrea, Somalia, and Sudan, against the backdrop of great power rivalry in the face of new scramble for Africa, the writer offered a lucid and insightful analysis into Ethiopia’s Foreign Policy Dilemma. Source: Hiiraan Online
  12. Officials and businesspeople from Turkey and Somalia emphasized developing economic ties between the two countries and called for more initiatives to enhance cooperation in every field. Source: Hiiraan Online
  13. Dubai is now home to the world’s largest 3D-printed two-story building. Source: Hiiraan Online
  14. BAGHDAD — Tens of thousands of Iraqis, with support from Shiite religious authorities and the country’s president, gathered in the center of the capital on Friday in the largest of a month’s worth of antigovernment protests. Source: Hiiraan Online
  15. ON MONDAY, the only Jewish candidate in the Democratic presidential race stood in front of an audience of Jews in Washington, D.C., and suggested cutting U.S. aid to Israel. Source: Hiiraan Online
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad u jeedinayey shacabka ku nool Qardho ayaa weerar dhinaca afka ku qaaday dowladda federaalka, gaar ahaan siyaasadda ay ku wajaheyso maamulkaasi. Deni ayaa sheegay in kulamo looga soo horjeedo isaga, lagana soo abaabulay meel ka baxsan Puntland lagu qabtay deegaano ka tirsan maamulkaasi, islamarkaana lagu kala fogeynayey shacabka iyo madaxdooda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ah aysan wadin mashariic horumarineed, balse ay ku jirto geedi socod siyaasadeed oo ay ka leedahay dano gaar ah. ”Dowlada federaalka ah aniga waxaan soo ahaa Wasiirkeeda Qorsheynta Waxa meesha yaalla oo nooga maqnaan kara waan garanaya laakiin xaqiiqda Waxa ay dadweynuhu maleynayaan Mashaariic mahan dowladda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa geedi Socod Siyaasadeed , Dowladda wali ma caga dhigan Soomaaliya.” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Dhanka kale Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa reer Puntland ka dalbaday inay taageeraan qorshihiisa, si buu yiri aan ula xisaabtamo dowladda dhexe, ugana helno saamiga ay leeyihiin shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland. “Anigu xisaabtan baan meel la fadhinayaa adinka ayaan idinku matalayaa, dhowr jeer ayaa wax la ii sheeg sheegay, hadaad rabtaan inaan sidaas iska yeelo, waa la kari karaa ruuxadeeda.” ayuu sii raaciyey Madaxweynuhu. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in Puntland aysan ka soo horjeedin dowladninada, islamarkaana ay tahay halka laga aas aasay midnimada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  17. More than 273,000 people have been displaced due to severe flooding across Somalia in October, according to figures by UN agency on Friday. Source: Hiiraan Online
  18. Hollywood (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya warar ay werinayaan qaar ka ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in xiriir jaceyl oo qarsoodi ah uu ka dhexeeyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salaman iyo aktaradda Mareykanka ee Lindsay Lohan. Wargeyska Daily Beast ayaa weriyey in Bin Salman iyo Lohan ay aad isugu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa, islamarkaana uu caalamka oo idil ugu duulinayey diyaaraddiisa gaarka ah, islamarkaana ugu qubeynayey haddiyado. Haddiyadaha uu Bin Salman siiyey Lindsay ayaa waxaa ka mid ah credit card ay ku jirto lacag badan. Mar dad ku dhow Lindsay la weydiiyey waxa ka jira xiriirka waxay sheegeen in ayada iyo Bin Salman is-garanayaan, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas ka baxsan. Dad arrintan xog-ogaal u ah, kuna dhow Lindsay oo 33 jir ayaa sheegay inay si joogto ah isku weydaarsadaan farriin qoraaleedyo, balse waxay beeniyeen inuu siiyey haddiyad lacageed iyo inuu xiriir jaceyl ka dhaxeeyo midkoodna. Linday Lohan ayaa fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana dadka ku dhow ay sheegeen in la kulankeeda badan ee madaxda carabta ay mar kasta abuuri karto warar xan ah oo ku saabsan xiriiro jaceyl. Qof kale oo ayada ku dhow ayaa yiri “madaxa carabta marka ay arkaan way waashaan.” Xiriir lala sameeyey Maxamed Bin Salmaan iyo dad ku dhow waa ay diideen inay ka jawaabaan xiriirkan la tuhmayo, hase yeeshee waxay qireen in Lindsay ay marar badan Sacuudiga u timid sare u qaadiidda magaca boqortooyada iyo arrimo kale. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  19. 273,000 now displaced due to flooding in Somalia as more extreme weather looms More than 273,000 people have been left displaced due to severe flooding across Somalia. Several thousand people in the worst-affected area of Baladweeyne are sheltering under trees or in emergency tents after their makeshift homes were washed away by floods caused by torrential rain. The Norwegian Refugee Council (NRC) is calling for an urgent humanitarian response to ensure aid can be provided safely to people in desperate need. “Floods have destroyed more than three quarters of Baladweeyne and submerged many surrounding villages. These are extremely poor parts of Somalia, where there is now no electricity and no safe drinking water. Livestock has been lost and agricultural production has been decimated. Our team is extremely worried about at least 30,000 vulnerable families displaced by flash flooding in Bardaale, further south. These communities will need immediate response to survive and long-term support to recover,” said Victor Moses, Country Director for NRC in Somalia. According to figures by the UNHCR and NRC-led Protection Returns and Monitoring Network (PRMN), 273,000 people have been displaced by flooding in October alone, the vast majority in the Baladweeyne area due to the flooding of the Shabelle river. This brings the total number of people displaced by a combination of drought, floods and conflict so far this year in Somalia to 575,000*. “The country is already ravaged by drought, which has contributed to the displacement of around thousands of people so far this year. Vulnerable communities become more dependent on humanitarian aid and find it harder to recover,” Moses said. Displaced people, particularly children, mothers and the elderly are now facing serious hunger, health and protection risks in an area already receiving little to no humanitarian assistance due to insecurity and conflict. According to NRC staff on the ground, they are in desperate need of food, water, emergency shelter, health, and sanitation/latrines and mosquito nets. “Food reserves have been destroyed, food markets are under threat and displaced people, particularly children, mothers and the elderly are at a high risk of hunger and illness. Water-borne diseases such as cholera could erupt and spread quickly. Stagnant waters are a breeding ground for mosquitoes and could result in a malaria outbreak,” added Moses. “Baladweeyne and the entire Hiraan region have not received sufficient humanitarian support due to ongoing security risks and the prevalence of armed actors in the area. This is already an extremely vulnerable community and we could see huge suffering and potential loss of life, if rain continues to fall and aid isn’t received in time. A coordinated, multi-sectoral humanitarian response is urgently needed to support thousands of people.” Furthermore, heavy rain is forecast across parts of Somalia while more flooding along the Shabelle and Juba rivers is expected over the coming weeks. The Puntland, Somaliland and Central regions are bracing themselves for a tropical storm, which is set to make landfall within the next 72 hours. Qaran News
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo mar kale ka hadlay muranka u dhexeeya Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland aysan lacag iyo mashaariic ka raadinayn Villa Soomalia, balse ay doonayso in ay saamigeeda ka hesho hannaanka awood-qeybsiga dalka ee 4.5 (Four Point Five). Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hannaanka awood-qeybsiga Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan nidaamka Qabaliga ah ee beelaha ku salaysan oo reer walba uu saami goonniya ku leeyahay xilalka dowliga ah, sidaasi darteedna Puntland ay mar kasta raadinayso saamiga uga maqan dowladda dhexe. Mudane Deni ayaa xusay in markii Puntland gudaheeda la joogo beel kasta ay ku xisaabtamayso saamiga ay ku leedahay kuraasta Puntland, sidaasi oo kalena la doonayo in loogu xisaabtamo kuraasta heer Federaal. Waxa kale oo uu sheegay in maadaama isaga loo doortay madaxweynaha Puntland, ay ka go’antahay in uu Villa Somalia kula xisaabtamo saamiga Puntland uga maqan dowladda dhexe, isagoo bulshada ka codsaday in lagu taageero go’aankiisa. Madaxweynaha ayaa si sarbeeban u sheegay, in dhawr jeer Villa Somalia u ballan-qaadday lacago, si uu uga tanaasulo go’aankiisa ku aaddan la xisaabtanka xukuumadda Federaalka, balse uu iska diiday ballan-qaadkaasi. Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si sarbeeban u qiray in uu dhawr jeer lacago ka diiday Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  21. Qaramada Midoobay ayaa jimcihii shalay shaacisay, in fatahaadaha roobku ka sameeyay gobollo ka tirsan Koonfuurta Soomaaliya ay bara-kiciyeen in ka badan 270,000 kun oo ruux, islamarkaana ay burburiyeen kaabayaashii nolosha ee dadkaasi. Meelaha dadka ugu badan ka bara-kaceen, waxaa kamid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu fatahaad xooggan ka sameeyay webiga Shabeelle, kadib markii roobab mahiiggaana halkaasi ka da’een todobaadyadii la soo dhaafay. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in magaalada Beledweyne oo keliya ay ku dhinteen 10 ruux, kadib markay la rogmatay doonni ay saarnaayeen, xilli ay doonayeen in ay soo badbaadiyaan shacab ku go’doonsanaa fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay degmadaasi ku taalla bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay hoosta ka xarriiqday in dadka kor u dhaafaya 270,000 kun oo ruux ee ku bara-kacay fatahaadaha webiyada Jubba iyo Shabeelle, ay u baahan yihiin in lala gaaro gargaar deg deg ah. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in Fatahaadda Soomaaliya ay bara-kicisay in ka badan 270,000 kun oo ruux appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay bulshada ku nool magaalada Qardho, ayaa ku baaqay in loo istaago la’dagaallanka xaalufinta degaanka, si looga ilaaliyo nabaad-guurka. “Wax soo-saarka in la ilaaliyo, waxa ugu muhiimsan waxa weeye, degaanka in la ilaaliyo. Gobolka Karkaar, madaxdiisana waan farayaa, dadkiisana waan ka codsanaya in gacan lagu siiyo la’dagaallanka dadka dhuxusha shidaaya” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda waajib ka saaranyahay, in bulshada loo keeno wixii baddiil u noqon lahaa shidista dhuxusha, isagoo ku boorriyay dadweynaha, in la isticmaalo Gaaska cuntada, si looga maarmo dhuxusha iyo xaabada oo sida uu sheegay xaalufin ku haya degaanka. Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa ku amray wasaaradda Maaliyadda Puntland, in dhammaan shirkadaha keena gaaska cuntada canshuur-dhaaf loo sameeyo, si loo dhiirri-geliyo isticmaalka gaaska. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo amray in canshuur-dhaaf loo sameeyo shirkadaha keena gaaska cuntada appeared first on Puntland Post.
  23. Gen Cabdullaahi Fadal Iimaan Taliyhii Ciidanka Booliiska Somaliland Gen Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, sida uu xaqiijiyay xafiiska madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Gen. Fadal oo sida la sheegay maalmahan dambe ku xanuunsanaa magaaalada Hargeysa, ayaa xalay ku geeriyooday halkaasi oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. “Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi. Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland, waxa uu taliye Fadal ku tilmaamay, halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu Somaliland u hayey, har iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, kuna suntanaa ka qayb-qaadashadii as’aaska ciidanka Booliska Somaliland, isagoo shaqada ka soo bilaabay meel hoose, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka Booliska” sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada Somaliland. “Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Taliyihii Ciidanka Booliiska Somaliland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.