Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Matabaan (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ciidamada dowladdu kula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan oo muddo sanado ah ay maamulayeen Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada, islamarkaana Ciidanka Ahlusunna ay ka baxeen. Ciidanka Ahlusunna ayaa hadda ku sugan duleedka degmada Matabaan, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Ahlusunna ay waddo Aruursi Ciidan. Dhinaca kale, duleedka magaalada Matabaan ayaa koox hubaysan waxa ay weerar jid gal ah ugu gaysatay wafdi uu la socday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye. Waxaa la sheegay in weerarkaas ay iska caabiyeen ilaalada wasiir Sebriye, kadib is rasaasayn socotay muddo kooban oo dhex martay waxaana loo maleynayaa in dableyda geysatay weerarkaas jid galka ah ay taabacsanyihiin Ahli-Sunna oo si buuxda u maamulaysay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan. Wafdiga wasiir Sebriye ayaa gaaray magaalada Matabaan oo sida la sheegay gacanta u gashay ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21aad, kuwaas oo hada si buuxda u maamulaya gacan ku haynta Matabaan. Wasiirka ayaa sida la sheegay goor dhaw goob fagaare ah kula hadli doona dadka ku nool magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  2. Baarlamanka ayaa cod gacan-taag ah ku diiday codsiga xeer ilaalinta Mudanayaasha Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa Maanta oo Sabtiya cod aqlabiyad ah ku diiday, warqad uga timid Xeer Ilaalinta Puntland oo looga codsaday Baarlamanka in ay xasaanadda ka qaadan xildhibaan Cawil Xassan Daad, si loogu oogo dacwad la xiriirta su’aal uu madaxweynaha ku weydiiyay furitaankii Kalfadhiga Baarlamanka. Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa ka hor inta aysan cod u qaadin codsiga Xeer Ilaalinta, waxay warbixin ka dhegaysteen Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamanka Puntland oo loo diray in ay ka soo tala-bixiyaan warqadda xeer Ilaalinta. Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda Baarlamanka, Xil. Saadiq Abshir Garaad oo warbixinta u akhriyay mudanayaasha, ayaa sheegay in su’aashii xildhibaan Cawil Xassan Daad uu furitaankii Baarlamanka ku weydiiyay madaxweyne Deni ay si cad u waafaqsantahay Dastuurka Puntland iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada. Mudane Saadiq ayaa sidoo kale sheegay in warqadda codsiga ah ee Xeer Ilaalinta Puntland ay Baarlamanka u soo jeedisay in xasaanadda laga qaado xil. Cawil Daad, si dacwad ciqaabeed loogu oogo, ay tahay mid gebi ahaanba baal-marsan Dastuurka Puntland. Warbixinta Guddiga kadib, ayaa 41 mudane oo fadhiga soo xaadiray, waxay cod gacan-taag ah u qaadeen codsiga Xeer Ilaalinta, waxaana ay si wadar-ogol ah ku diideen codsigaasi, kadib markii 39 xildhibaan ay “maya” u codeeyeen. Sidoo kale, Xildhibaan Cawil Xassan Daad ayaa u mahadceliyay mudanayaasha Baarlamanka, waxaana uuu mar kale ku celiyay in su’aashii uu madaxweynaha weydiiyay ay ahayd, mid sax ah oo waafaqsan Shuruucda iyo Dastuurka Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo cod aqlabiyad leh ku diiday codsigii xasaanad ka qaadida Xil. Cawil Xassan Daad appeared first on Puntland Post.
  3. Wasiir ka socda Dowlada Federaalka oo wata Ciidan ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Matabaan oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyada Ahlu Suna. Isku [...] Source
  4. MOGADISHU (HOL) - Cyclone KYAAR which was expected to make land fall on Somalia this weekend has rapidly weakened, the UN Food and Agriculture organisation (FAO) has said. Source: Hiiraan Online
  5. Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo gaar ah magaalada Dooxa ee caasimadda waddanka Qatar kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti iyo madax kale oo ka tirsan dalkaasi, Kulanka ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha Isgaarsiinta. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa sheegtay in kulanka labada dhinac uu ku soo dhammaadey is-afgarad, islamarkaana uu qeyb ka yahay qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka. Dhinaca kale, labada wasaaradood ayaa wada saxiixday heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali. PUNTLAND POST The post Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiiday heshiis appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u codeeyay xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay Cod u qaadaan xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017 , waxaana ay u dhacday Codeynta siddaan. 128-Xildhibaan ayaa Ogolaatay 8-Xildhibaan ayaa diiday 5-Xildhibaanna waa ay ka Aamustay sidaas ayuu ansax ku noqday Waxaa kulanka ka dhex muuqday Wasiirada Xildhibaanada ah ee ku jira Golaha Wasiirada, waxaana ujeedka ahaa inay wax ansixiyaan Miisaaniyadda sanadkii 2017. Miisaaniyaddaan ayaa noqoneysa miisaaniyaddii u horeeysay ee la ansixiyo tan iyo intii uu talada qabtay Madaxweyne Farmaajo. Miisaaniyadda sanadkii 2017 oo gaareyso 245, 566,045 ayaa doodo badan ka dhalatay, kaddib markii Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Hey’addaha dowladda inay si qaldan loo isticmaalay miisaaniyada qaar, ayna caddeyn xisaab xirka iyo qarashaad maqan halka loo isticmaalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Alle ha u naxariistee waxa goordhawayd aas qaran loo sameeyay Sareeye Gaas Cabdilaahi Faddal iimaan oo mudo dheer ahaa taliyahii ciidanka Booliska ee Somaliland, marxuumka ayaa xalay fiidkii ku geeriyooday cisbatal ku yaala magaalada Hargeysa, kadib markii uu in mudo ahaba u jiifay xanuun haleelay Marxuumka Alle ha u naxariistee waxa goordhawayd lagu aasay xabaalaha Masallaha ee Koonfurta magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland Qaran News
  8. HARGEISA (HOL) - Somaliland police boss Gen. Abdullahi Fadal Iman has passed on in Hargeisa after illness. Source: Hiiraan Online
  9. Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo fariisin ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa kaalmo soo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee magaalada Baladweyne. Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in kaalmo ay iska jareen ciidamada soo gaarsiiyeen Beladweyne, “Waxaan ahayn saraakiil booqasho ku timid Beladweyne, una soo gurmaday shacabkooda Beladweyne ku nool, waxaana ka nimid magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana walaalaheen ugu deeqday kaalmo yar oo ciidanka Qalabka sida ay iska gooyeen oo ay dadkooda ugu tabaruceen, waxaan rabnay inaan qalbigeena tusno, oo aan dareensiino inaan nahay hal xubin, oo aan la damqaneyno dhibta soo gaartay, ciidankana waan uga mahadelinayaa sida ay u garteen inay dhibka la qeybsadaan walaalahood, iyadoo la dareemi karo nolosha uu ku noolyahay Askariga, lana ogyahay mushaarka ay qaataan, ayna u diyaarsanyihiin inay Walaalahood wax u qabtaan” ayuu yiri Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale. Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa sheegay in shacabka reer Galmudug ay iminka wadaan dadaallo kaalmo loogu arruurinayo Walaalahood ay fatahaaduhu saameeyeen, ayna dhankooda diyaar u yihiin inay soo galbiyaan marka ay kaalmada iska soo aruuriyaan shacabka Galmudug, si loo soo gaarsiiyo Beladweyne. Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa ugu baaqay bulshada inteeda kale inay dhankooda kaalmada la soo gaaraan shacabka ku dhibaateysan duleedka Beladweyne ee ka soo barakacay fatahaadaha. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda gargaarka caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Norway ee NRC ayaa warbixin cusub ka soo saartay fatahaadaha ka jira dalka iyo barakaca xoogan ee ay sababeen. Warbixinta NRC ayaa lagu sheegay in fahaadaha wabiyada Shabelle iyo Jubba ay saameeyeen tiro aad u bada oo ay hadda soo wajahday nolol aad u adag, kadib markii ay daadad xoogan qaadeen deegaanadii ay ku noolaayeen. NRC ayaa sheegtay in fatahaada ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya ay ku barakaceen illaa 273,000 oo ruux, kuwaas oo hadda xaalad adag ay soo wajahday, una baahsan gurmad iyo caawimaad deg deg ah. Hay’adda qaxootiga ee NRC ayaa sheegtay in meelaha ugu daran ay ka mid tahay Beledweyne, islamarkaana weli ay go’doon ku jiraan xaafado ka tirsan magaaladaasi oo ay ku sugan yihiin dad danyar ah. Sidoo kale waxa ay hay’addu walaac ka muujisay nolosha dad badan oo ku dhaqan degmada Bardaale ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka barakaceen ku dhowaad 30,000 oo qof, kadib markii ay ku rogmadeen daadad xoog leh. Ugu dambeyn waxay NRC sheegtay in dadka barakacay oo ah kuwa nugul ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, iyadoona ku baaqday in si wadajir ah la’isaga kaashado samata bixinta dadkaasi dhibaateysan. Tan iyo markii fatahaaduhu ku dhufteen Beledweyne iyo Bardaale ayaa waxaa isa soo tarayey qaylo dhaanta ka soo yeereysay degmooyinkaasi, welina dadku ma helin gargaar ku filan, inkastoo dowladda dhexe ay wado dadaall lagu caawinayo dadkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Ankara (Caasimadda Online)– Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha DFS, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga Qaybgalay Shirka Iskaashiga Xiiriirka Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoona halkaasi kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Turkiga Ruhsar Pekcan iyo wasiirka warshadaha iyo Teknoolijiyada dalkaasi. Wasiirka ayaa kala hadlay wasiirada uu la kulmay Xiriirka Labada dal iyo sidii loo hormarin lahaa Iskaashiga Ganacsi iyo Maalgashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, Waxaana si gaar ah kulanka diirada loogu saaray Heshiiska Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga , Sidii Turkigu u taageeri lahaa Hay’adda Tayyo Dhowrka Badeecada Somaaliya iyo Warshadayn Dalka Soomaaliya lagu sameeyo, taasi oo kor u qaadi doonta Koboca dhaqaalle ee Dalkeena Soomaaliya. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Ganacisga iyo Warshadaha DFS Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank , oo ah Nin Xog-Ogaal u ah Xaalada Soomaaliya, kamid ahaa wafdigii Turkiga ee Sanadii 2011 Tagay Somalia isagoo Xiligaasi la taliye u ahaa Raysalwasirihii Turkiga, Hadana Ah madaxwaynaha Turkiga Rajeb dayib Erdogan. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Xusay in Soomaaliya ay leedahay Khayraad badan, , Haday noqoto Xaga Beeraha, Xagga Kalluumaysiga iyo Xoolaha ,Waxaana laga hadlay Sidii Ganacsatada dalka Turkigu u maal gashan lahaayeen Soomaaliya. Dhankiisa Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank ayaa Xusay inay Soomaaliya garab taagan yihiin, Islamarkaana ay gacan siindoonaan Tababarada Warshadaha iyo Waayo-aragnimada Tiknoolajiyadda. Wasiirka waxaa kulamada ku Weheliyey Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga . Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
  12. Markaad eegto Xisbiyada Ilaa hada Dalka ka hana qaadey waxaa ka dambeeyey Aasaasidooda Siyaasiyiin Reer Muqdisho iyo Nawaaxigeeda kasoo jeeda, iyagaana hogaamiyayaal ka ah, waxaa [...] Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kulamo gaar ah magaalada Doxa kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti iyo madax kale oo ka tirsan dalkaasi, Kulamadaasi ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta. Labada dhinac kulamadooda oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka. Dhinaca kale waxa ay labada wasaaradood wada saxiixdeen heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali. “Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku. Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddadii ay joogeen dalka Qadar waxa ay ka qeybgaleen bandhigyo, shirar iyo fadhiyo danayn gaar ah u leh dalalka soo koroya. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa uu kulamo sharafeed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qadar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani iyo Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaalinta ee dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay inuu dib uga laabatay dacwaddii ka dhanka aheyd, xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta, loona diray guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in xeer ilaalintu ay ka laabatay dawaddii lagu soo oogay xildhibaankaasi oo dhowaan su’aal adag weydiiyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaaray kiiskan, kadib wadahadallo dhexmaray xukuumada iyo golaha wakiilada, kuwaas oo lagu dhameeyey arrintaasi. “Mudane guddoomiye xafiiskani wuxuu ka noqday codsigii xasaanad ka qaadista, xildhibaan Cawil Xasan Daad, maadaama uu heshiis dhex maray golaha xukuumadda iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo xaliyey kiiskii taagnaa.”ayaa lagu yiri warqada. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii in ka badan labaatan xildhibaan ay Madaxweyne Deni oo ku sugan Qardho ay ka raalligeliyeen kiiskii dhowaan ka dhacay furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee golaha wakiilada, kadib su’aashii xildhibaan Cawil Daad. Halkan hoose ka Aqriso:
  15. (SLT-Jabuuti)-Hogaamiyeyaasha mucaaridka dalka Djibouti ayaa cambaareeyey xoog loo adeegsaday dadweyne maalintii labaad dibadbax isugu soo baxay magaalada Arxiba iyo magaalooyin kale oo ku yaala dalka Jabuuti. Aadan Maxamed Abdou, oo ah Gudoomiyaha Isbahaysiga USN oo ay ku midaysan yihiin afar xisbi oo mucaarid ah, ayaa sheegay in dibadbaxan ka dhacay Arxiba uu daba socday xadhiga xubin ka tirsan xisbiga ARD (Republican Alliance for Development) oo la xidhay maalintii khamiistii. Waxaanu dhaliilay siyaasada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku maamulo dalka Djibouti, “Kadib markii Cismaan Yoonis Boqorreh oo ahaa xisbiga MRD, oo u digo-rogtay ARD’s ayaa maalin cad ay xidheen ciidamada bileysku,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga ARDM. Dibadbaxan ka dhacay dalka Djibouti ayaa ciidamada bileysku ay u adeegsadeen rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmaysiisa, waxaanu intaasi ku daray hogaamiyaha xisbiga ARD in sidoo kale ay dibadbaxyo ka dhaceen oo shacab aad u tiro badan ay isugu soo baxeen magaalooyinka Tajoura iyo Randa. Hase yeeshee wararka laga helayo dalka Djibouti ayaa sheegaya in dibadbaxaasi la soo afjaray, balse xisbiga ARD ayaa sheegay in galabnimadii Jimcaha maanta uu dibadbuxu sii socday, kaas oo dad tiro badan oo gaadhaya ilaa 50 qof ay ku dhaawacmeen, dhaawacoodana la dhigay cusbitaalka Arxiba. Dibadbaxayada ka dhaca dalka Djibouti ayaa ah kuwo dhif iyo nadir ah, waxaana loo adeegsadaa ciidamo gacan bir ah ku qabta, sida ay sheegtay kooxda la socota dibadbaxayada dalkaasi ee Civicus. Bishii December 2015, ayaa ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen markii ciidamada amaanku ay toogteen dadweyne isugu soo baxay jidadka dalkaasi. Source
  16. Asmara (Caasimada Online) – War murtiyeed ka soo baxay dowladda Eritrea, islamarkaana ku qornaa afka Tigreega ayaa lagu faah faahiyey xog cusub oo la xariirta afgambi ay Madaxweynaha dalkaasi la damacsanaayeen Mareykanka iyo Israel. Warka ka soo baxay Eritrea ayaa lagu sheegay in hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ay maleegtay afgambi tallada dalka looga tuurayo Madaxweyne Isaias Afwerki, kaas oo ay gacan ka geysatay Israel, gaar ahaan sirdoonkeeda loo yaqaaano Mossad. Xukuumadda Eritrea waxay carabka ku dhufatay in afgambigaasi la damacsanaa inuu dhaco sanadkii 2011-kii, laakiin ay hadda uun heshay xogta ku saabsan qorshahaasi la damacsanaa, balse uusan hirgelin. Qoraalkan ayaa waxaa si toos ah looga magac ***** shaqsiyaadka iyo laamaha afgambiga loo maleegayey in ay ka qayb qaataan oo Eritrea ay sheegtay in ku kulmeen gudaha magaalada Nairobi ee Caasimada dalka kenya Sidoo kale Eritrea ayaa sheegtay in qorshuhu ahaa in gudaha dalka laga abaabulo kacdoon dadweyne, si talada dalka Eritrea lagula wareego. “Kooxaha afgambiga maleegayeyna” kooxda qaranka kubadda cagta Eritrea iney dalkooda ka baxsadaan oo ay waddamo kale magangalyo weydiistaan ayey ku dhiirragelinayeen.” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo sanadkii hore Eritrea laga qaaday cunaqabateyntii saarneyd in muddo ah, kadib heshiiskii ay la gashay Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Asmara caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliiska Somaliland Faarax Maxamed Mire ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweyne Biixi ayaa Shalay galinkii dambe waxa ku soo booday Xannuun kedis ah waxaana loola cararay oo illaa xalay lagula tacaalayay Cisbitaal Gaar ah. Illaahay Caafimaad hasiiyee Waxa taliye ku xigeenka lagu dabiibayaa oo Caafimaadin uu u yaalaa Cisbitaalka Haldoor ee Magaaladda Hargeysa, kaasi oo xaalad caafimaad loo dhigay. Arintan ayaa ku soo beegantay wakhti uu koome culus ku jiray, islamarkaana uu daqiiqado kadib uu geeriyooday Alle ha unaxariisteeTaliyihii Guud ee Ciidanka Booliiska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan. Xannuunka ku soo booday Taliye xigeenka ayaa lagu sheegay Xannuunka Faaliga “Stroke”, kaasi oo dhinaca ka haleelay. Waxaan Alle ka baryaynaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo. Source
  18. Professor Mohamed Said Samantar teaches economics at the Puntland State University. Before the collapse of the state in Somalia in 1991 he taught economics at the Department of Economics of the Somali National University in addition to being a mathematician who was a member of the committee tasked with writing mathematics books in Somali language for schools. He holds DPhil in economics from the University of Sussex. He has written and co-written research papers published in peer reviewed journals. Puntland Post Monthly interviewed him by email. Professor Mohamed Said Samantar Puntland Post Monthly: Somalia is seeking debt relief. Given the current political situation in Somalia, is debtrelief an agenda worthy of the Federal Government of Somalia’s attention? Professor M.S. Samantar: Yes, it is worth seeking debt relief. Total debt service refers to all costs related to servicing a country’s debt. This often includes interest payments, principal payments, and other obligations. Somalia’s government lacks the ability to collect domestic revenue. External debt – mostly in arrears – was estimated at about 77% of GDP in 2017. Puntland Post Monthly: If successful what impact will debt relief have on the economy of Somalia? Professor M.S. Samantar: If successful it could propel the country into a new era of prosperity. “Debt relief is also more or less a prerequisite for Foreign Direct Investment (FDI).” Somalia may bank on its oil stock. Puntland Post Monthly: How likely is that, in the absence of debt to service, the Federal Government of Somalia may borrow money from multilateral organisations? Professor M.S. Samantar: It is highly unlikely to receive Multilateral Money from public or private financial institutions to foster development projects. Cancelling the debt would give Somalia access to long-term development finance, create the conditions for private investment, and open the door to a vital stream of humanitarian funding. Puntland Post Monthly: In 1987 you had your paper on debt servicing published in nowdefunct Industrial Management Review. Roughly what percentage of the debt Somalia was servicing then had been borrowed before and after the military coup of 1969? Professor M.S. Samantar: Somalia’s external debt is about 5.3 billion U.S. dollars, but the Federal Government has not made a service or amortization payment since the onset of the civil war two decades ago, making it impossible to access loans from the IMF. Puntland Post Monthly: The Somali Federal Government has developed a National Development Plan although Somaliland Administration has its own Development Plan through which it accesses development assistance. The former military regime abandoned centrally planned economy in 1986, when it had signed up to Structural Adjustment Program under IMF. What are pitfalls into which planners can fall in a country recovering from state collapse? Professor M.S. Samantar: The Somali Federal Government has developed a three-year Development Plan 2017-2019 and preparing a five-year Development plan 2020-2024 for Somalia as a whole. These are not different from the 1986 development plan of a central unitary government. Somaliland and Puntland have developed their own Development Plans. However, no harmonisation has ever taken place among the different plans. Click here to download a full webzine © Puntland Post Monthly, 2019 The post Professor Mohamed S. Samantar: Debt Relief Could propel Somalia into a New Era of Prosperity appeared first on Puntland Post.
  19. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 01/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu qaranka u hayey, hadh iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, wuxuuna ku suntanaa ka qayb-qaadashadii aas-aaska ciidanka booliska Somaliland, isagoo shaqada qaranka ka soo bilaabay meel hoose isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka booliska kana gaadhay derejada sareeye gaas. Waxaanu geeriyooday isagoo ah taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo uu muddo dheer soo ahaa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Source
  20. Golaha Shacabka Baarlamaanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulanka ay ku yeelanayaan xarunta Golaha kaga hadli doono sharciyada Qareenada iyo Nootooyinka dadwaynaha. Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux Habdhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in ajandayaasha looga hadlayo kulanka maanta ay yihiin ilaa iyo afar ajande., kuwaasi oo kala ah Hindise sharciyeedka Qaraneenada Soomaaliyed, codeynta xiritaanka xisaab xirka miisaan sanadeedkii 2017-ka, sii waddida dooddii la xiriirtay xaadirintaanka Xildhibaannada ee kalfadhiyada Golaha Shacabka iyo ajanda kale oo muhiim ah. Habdhowraha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxdo ay ka dhexeyso labada Gole ee Shacabka iyo Aqalka sare, isla markaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay horyaalaan ajandayaal muhiim ah, kuwaasi oo u baahan in la sii dar dargeliyo golaha Golaha, si loo meel mariyo sharciyada muhiimka u ah dalka. View the full article
  21. (SLT-Riyadh)-Waxaa sii xoogeysanaya warar ay werinayaan qaar ka ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in xidhiidh jaceyl oo qarsoodi ah uu ka dhexeeyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salaman iyo aktaradda Mareykanka ee Lindsay Lohan. Wargeyska Daily Beast ayaa weriyey in Bin Salman iyo Lohan ay aad isugu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa, islamarkaana uu caalamka oo idil ugu duulinayey diyaaraddiisa gaarka ah, islamarkaana ugu qubeynayey haddiyado. Haddiyadaha uu Bin Salman siiyey Lindsay ayaa waxaa ka mid ah credit card ay ku jirto lacag badan. Mar dad ku dhow Lindsay la weydiiyey waxa ka jira xidhiidhka waxay sheegeen in ayada iyo Bin Salman is-garanayaan, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas ka baxsan. Dad arrintan xog-ogaal u ah, kuna dhow Lindsay oo 33 jir ayaa sheegay inay si joogto ah isku weydaarsadaan farriin qoraaleedyo, balse waxay beeniyeen inuu siiyey haddiyad lacageed iyo inuu xidhiidh jaceyl ka dhaxeeyo midkoodna. Linday Lohan ayaa fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana dadka ku dhow ay sheegeen in la kulankeeda badan ee madaxda carabta ay mar kasta abuuri karto warar xan ah oo ku saabsan xidhiidho jaceyl. Qof kale oo ayada ku dhow ayaa yidhi “madaxa carabta marka ay arkaan way waashaan.” Xidhiidh lala sameeyey Maxamed Bin Salmaan iyo dad ku dhow waa ay diideen inay ka jawaabaan xidhiidhkan la tuhmayo, hase yeeshee waxay qireen in Lindsay ay marar badan Sacuudiga u timid sare u qaadiidda magaca boqortooyada iyo arrimo kale. Source
  22. Dowladda Eritrea ayaa sheegtay iney heyso caddeymo ku filan oo muujinaya in hey’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ay qorsheysay dibad-baxyo la mid ah kuwii ka dhacay dunida carabta. Arrintan ayaa waxaa la leeyahay waxaa lagu go’aamiyey kulan qarsoodi ah oo CIA ku yeelatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Eritrea waxaa ay sheegtay in ujeedka CIA ahaa in xukuumadda dalkaasi loo tuuro si la mid ah tii lagu riday madaxweynihii Libya Mucamar Al-qadaafi. Waxaa la filayaa in Eritrea ay soo saaray warqado kashifaya sida Mareykanka iyo Israel ugu lug lahaayeen afgambi la doonayey in laga rido Asmara. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online ) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo wareysi siiyey Idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ay geysteen wabiyada Shabelle iyo Jubba ee dalka. Ugu horreyn wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada iyo xaaladda daran ee ka taagan magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xilligii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha ay dhacday fahaada xoogan, balse aysan la mid ah tan maanta taagan oo saameyn daran ku yeelatay dad badan oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Baay. Ra’iisul wasaarihii ee dalka ayaa kula taliyey dowladda Soomaaliya in ay lacag Deyn ah qaadato, si loogu gurmado, deg degna loogu caawiyo dadka ay saameeyeen fataahadaha hadda ka jira deegaano hoostaga maamullada HirShabelle iyo K/ Galbeed. Cumar Cabdirashiid ayaa xusay inay muhiim tahay in dhaqso looga jawaabo saameynta ka dhalatay fatahaadaha, islamarkaana aan la sugin lacagta qaaraanka ah ee soo uruuraya, si loo bad baadiyo nolosha dad badan oo halis ku jirta. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dowladda iyo shacanka Soomaaliyeed ay wadaan dadaallo xoogan oo loogu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan, gaar ahaa kuwa ka barakacay xaafadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com