-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Johannesburg)-Dowlada Koonfur Afrika ayaa xayiraad dhanka iibka hubka ah ku soo rogtay waddamada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dagaal ka dhan ah maleeshiyada xuutiyiinta ah ka wada wadanka Yemen. Afar sarkaal oo ka tirsan saraakiisha dhanka hubka u qaabilsan koonfur Afrika ayaa sheegay wakaalada wararka ee Reuters in wadamadan carbeed ay ku xad-gudbeen xuquuqda aadanaha. Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in labadan waddan ay diideen eeda kaga timid Koonfur Afrika oo ah wadanka saddaxaad oo hubka ugu badan ka Iibiya. Agaasimaha la socodka dhanka hubka koonfur Afrika u qaabilsan wasaarada Amniga Ezra Jele ayaa sheegay in ay ka fiirsanayaan joojinta gabi ahaan macaamil ka kala dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka. Mr Ezra ayaa tilmaamay in arintaan ay uga gol leeyihiin ka hortagida tacadi bani aadanimo oo ka dhaca Sacuudiga. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in muxaadaradii muranka dhalisay ee Sheekh Maxamed Cabdi Umul in gebi ahaanba la baajiyey. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Yarey) oo ka hadashay golaha ammaanka ayaa dowladda federaalka ah ugu baaqday iney u aragto doorasho qof iyo cod ah iney tahay waajib dastuuri ah, ajende qaran isla markaana ay guddiga siiso taageero dhan walbo ah sidii uu u fulin lahaa sida in ansixinta xeerka doorashada December 2019 iyo in doorashada qoondadeeda la fududeeyo. Guddiga doorashada waxaa uu beesha caalamka ka dalbaday in la fududeeyo maalgelinta howlaha doorashada oo lagu qiyaasay 53 Million (oo la saaray qiimaha ku baxaya amniga iyo qoondada sanadlaha ah ee guddiga) . Guddoomiye Xaliimo Yarey waxaa ay sheegtay in ay jireen kulamo ay ka mid ahaayeen kuwii Garowe ee 2011 iyo Baidoa 2016, oo lagu heshiiyey qof iyo cod iyo in laga guuro nidaamka qabaliga ah, taasina ay sidoo kale qeyb ka tahay soo-celinta xaqa muwaadinka ee doorashada sida uu qabo dastuurka Soomaaliya iyo heshiisyada xuquuqul aadanaha ee dalku saxiixay. Qodobka 22aad. Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda (1) Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqa kan waxaa ka mid ah: (a) Inuu samaysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed, kana qayb-qaadan karo hawlihiisa; (b) In xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta. (2) Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto. (3) Xuquuqda ku xusan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharci Baarlamaanku ansixiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ayaa meel mariyay Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ) Kulaka 14aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shirguddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaahi Cabdullahi ayaa looga hadlay Hindise-Sharciyedka Istaatistikada Qaranka iyo Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ). Hindise-Sharciyeedka Istaatistikada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaaal Maxamed Cusman oo Xildhibaanada u sharxay hindise sharciyeedkan.. Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Arrimaha Dibedda, Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan. Intaa kadib, Guddooomiyah Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Beni’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Senator Axmed Macalim Cumar (Nadiir) ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ). Iyadoo uu Golaha Aqalka Sare ansixiyay Hindise-sharciyeedkan. View the full article
-
Wararka naga soo soo gaarayaShabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta kooxo burcad ah ay dhac baahan gobolkaasi ugu geysteen gaari ay la socdeen dad shacab ah. Gaariga oo ahaa Hoomey, islamarkaana ka baxay Muqdisho ayaa la sheegay in lagu dhacay waddada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Mid ka mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in rakaabkii saarnaa gaarigaasi la qaaqatay agabkii ay siteen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/www.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka Beeraleyda ayaa si wada jir ah uga horyimid daraasad ay samaysay Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland, taas oo sheegtay in cuduro laga helay Galeyda iyo Masagada ka soo baxa Beeraha Soomaaliya. Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in dalagyada dalku ay yihiin kuwa dabiici ah (organic) isla markaana warbixinta la soo saaray ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo ku saxiixan war-saxaafadeedka ayaa been abuur ku tilmaamay daraasadda sheegeysa in Galleyda iyo Masagada Soomaaliya laga helay cuduro. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid Daraasad been abuur ah oo laga sameeyay Beeraha dalka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowlada Ingiriiska ayaa markii u horeysay ka hadashay xiisada maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosneyd xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo Xukuumada Muuse Biixi. UK ayaa walaac weyn ka muujisay xarigii lagula kacay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa xisbiga Waddani, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Afhayeenka Guud ee Xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar Xusseen Cabdi, oo ah xoghayaha xisbiga Waddani oo ciidamada boolisku ay u wareejiyeen xabsiga Maandheera. Waxayna sidoo kale ku baaqday dowladda Ingiriisku in dib loo bilaabo wada-hadaladdii xisbiyada iyo Xukuumada ee ku aadana qabsoomida doorashooyinka Baarlamaanka iyo Deegaanka, si ay uga dhabeeyan balan qaadkoodii hore. Mr. Stuart Brown, Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa oo arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in waqtigooda ku qabsooman doorashooyinka Somaliland. “Ingiriisku wuxuu si wayn uga walaacsan yahay xadhiga sii socda ee loo gaysanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Somaliland. Waxaanu ugu baaqnay dawladda inay ama soo eedayso ama xorriyadooda si dhaqso ah ugu soo celiso” ayuu yiri Struat Brown. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu ku dhiirigelinaynaa dhammaan xisbiyada oo dhan inay dib u cusboonaysiiyaan wada-hadalka oo ay ilaaliyaan ballan qaadkoodii ahaa in doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanada loo qabto si aan dib u dhac lahayn”.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, Sheekh Soomow ayaa ka hor yimid dalab uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriira muxaadarada uu Sheekh Umal doonayo inuu ku qabto Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa Xalay saq dhexe u diray Sheekh Soomow mas’uuliyiin ay isku beel yihiin oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Amniga Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish. Xubnaha u tagay Sheekh Soomow ayaa u sheegay inuu soo diray Madaxweyne Farmaajo, isla markaasna laga rabo inuu ogolaado muxaadarada uu Muqdisho Berri ku qabanayo Sheekh Umul oo lagu eedeeyey inuu u gafay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, eedeyntaas oo Umal uu beeniyey. Xubnahaan ayaa u sheegay inuu madaxweynaha usoo dhiibay codsi ah inuu mar kale shir jaraa’id qabto uuna dadka u sheego inay ka qeyb-galaan muxaadarada Umal lana xaliyey khilaafkii taagnaa. Sheekh Soomow ayaa madaxdii loo diray u sheegay inay arrintaan tahay mid ku saabsan caqiido, sidaas darteed ay aqbali karaan kaliya marka uu Umal ka laabto “gafkii uu ka galay Nabiga CSW” sida uu Soomow qabo. Sidoo kale Sheekh Soomow ayaa xubnahaas u sheegay inay arrintaan hadda isaga ka weyn tahay ayna gaartay dhammaan culimada Suufida, sidaasna darteed uusan isaga waxba ka qaban karin. Kulanka ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday guuldaro, waxaana laga cabsi qabaa in Berri ay Culimada Suufida qalalaaso ka sameeyaan garoonka Eng. Yariisow oo uu Umal muxaadarada ku qabanayo. Culimada suufida ayaa wacad u maray inay hor-istaagi doonaan muxaadaradan ayaga oo qorsheeyey dibad-baxyo ballaaraan oo ka dhacaya garoonka Injineer Yariisow. Waxaa sidoo kale xog lagu hayaa inay taageerayaal badan ay ka dhaadhiciyeen inay gudaha u galaan garoonka, kana hortagaan muxaadarada. Xiisadda u dhaxeyso Suufiyada iyo Umal ayaa gaartay meel sare, waxaana jiro baaqyo badan oo lagu dalbanayo in la baajiyo muxaadaradaas si aysan dhibaato uga dhalan. Sheekh Soomow ayaa laba maalin ka hor sheegay inuusan Umal muxaadaro ku qaban karin Muqdisho maadaama uu sheegay in isaga sababtiisa ay qabri ugu jiraan dad badan oo Soomaaliyeed iyo Culumo ka tirsan Suufida.
-
Mudaneyaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan uga socda xaruntooda ayaa akhrinta koowaad marsiiyay xisaab xirka miisaaniyadda 2018-ka. Kulanka oo uu shir Guddoominayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayna soo xaadireen 143 Xildhibaan ayaa looga hadlayay ajendayaasha kala ah 1.Akhrinta 1-aad Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2018 2.Dhamaystirka Axdiga Midowga Afrika ee dhowrista iyo u gargaarka Barakacayaasha ee Africa iyo 3.Warbixinta safarkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Ethiopia. Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka oo weli ah mid socda ayaa waxa ay akhrinta koowaad marsiiyeen mudaneyaasha Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2018. View the full article
-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya xarunta madaxtooyada Qaranka Villa Soomaaliya qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah kuwaa oo ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka mudane C/nuur Maxamed Axmed. Kulamadaan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee dalka, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka. View the full article
-
Xildhibaanada golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku anisixiyey miisaaniyada maamulkaasi ee sanadka 2020-ka, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Kulankan ayaa waxaa soo xaadiray 44 mudane, kuwaas oo cod gacan taag ah ku meel mariyey miisaaniyada Puntland ee 2020-ka, mana jirin cid diiday ama ka aamustay. Miisaaniyadan oo ah tii ugu badneyd ayaa waxaa ku jira lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta, sida dhismaha jidadka bur bursan ee maamulkaasi, hirgelinta ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda amniga. Arbacadii la soo dhaafay ayey aheyd markii golaha wasiirada Puntland ay meel mariyeen miisaaniyadani oo dhan 346,416,158.99 oo Dollar-ka Mareykanka. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Security forces in Mogadishu Saturday arrested a man identified by members of the public for detonating a car bomb that injured a passerby. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa maanta shahaadooyinka KMG ah magaalada Muqdisho ku guddoonsiiyay 6 xisbi siyaasadeed oo doonaya in ay ka qeyb-galka doorashooyinka soo socda. Xisbiyada KMG ah ee shahaadooyinka la siiyay maanta ayaa kala ahaa. 1-Xisbiga qaran, 2-Xisbiga hor-u socodka shaqaalaha, 3-Xisbiga dhaq dhaqaaqa, 4-Xisbiga Saanuu, 5-Xisbiga midnimada, 6-Hoggaan qaran. Tirada guud ee xisbiyada siyaasadeed ee sida KMG ah uga diiwaan gashan guddiga doorashooyinka qaranka ayaa xilligaan gaaraya 63 xisbi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-23112019-sx.mp3 View the full article
-
A Car bomb injured two in Mogadishu, Somalia’s capital on Saturday noon, police said, the latest in a string of attacks in the seaside city by Al-Shabab, Al-Qaeda’s ally in East Africa. Somali police apprehended a man suspected of detonating the vehicle-borne improvised explosive device near Safari Restaurant in Zoobe junction area. There was no immediate claim of responsibility for the attack, but, such car bombs are often attributed to Al-Shabab, which is battling to oust the UN-backed Somali government. Developing a story, more to follow soon. View the full article
-
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo is scheduled to meet more than 25 opposition political parties’ leaders on Saturday. The main agenda of the discussion is about the upcoming Presidential and parliamentary election in 2021, Villa Somalia Communications Director, Abdinur Mohamed Ahmed has confirmed. ” President Farmajo is meeting some members of the opposition political parties in his office that are temporarily registered by the National Independent Election Commission.” Abdinur posted in his Facebook. The head of state is expected to iron out the key concerns of the opposition parties in the country on the significant democratic exercise. ” The meeting with political stakeholders will focus on the realisation of one man one vote in the country.” The President held talks with the party leaders of Himilo Qaran, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and the leader of United Peace and Development, Hassan Sheikh Mohamud on Wednesday last week. President Farmajo assured that the polls will be conducted on its stipulated time amid fears by the opposition for an extension. The government has also pledged to put all necessary arrangements for the free and fair ballot. Somali parliament is expected to approve the election bill before the end of the year. The National Independent and Electoral Commission (NIEC) it is ready to manage the exercise but reiterated the role of the parliament to finalize the regulations required View the full article
-
The first direct flight from the Somali capital, Mogadishu to Kenyan city of Nairobi commenced on Friday after six months’ halt. Kenyan airways flight from Mogadishu landed at Jomo Kenyatta International airport, aviation officials confirmed. The move follows last week’s agreement between President, Mohamed Abdullahi Farmajo and his counterpart, Uhuru Kenyatta to end Wajir airport stopover and restore direct flights between the two neighboring cities. Somali Civil Aviation Authority (SCAMA) informed local operators that they can fly direct to Nairobi effective November 22. The direct flight was suspended by the Kenyan government for security reasons in May just after it was resumed in 2016. The bilateral ties between the two countries went all-time low over the dispute on the maritime case that is already at the international court of justice. President Farmajo and President Kenyatta said the relations between two states will not be affected by the ongoing case at the International Court of Justice. The international community has welcomed the new diplomatic engagement between Mogadishu and Nairobi that cooperate on key areas including security that is a fight on armed group al-Shabab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay shir u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo hoggaanka xisbiyada siyaasadda, gaar ahaan kuwa sida KMG ah u diiwaan-gashan. Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Qaranka, Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xaqiijiyey inuu furmay shirkaasi. “Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya Villa Soomaaliya qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah ee ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.” ayuu yiri Cabdinuur. Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in shirkan oo ah mid wadatashi ah looga arrinsanayo doorasho qof iyo cod ah oo 2020-21-ka ka dhacda magaalada Muqdisho. “Kulamadan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka.” ayuu markale yiri agaasimuhu. Cabdinuur ma shaacin magacyada iyo tirada xisbiyada madasha fadhiya ee ka qeyb galaya shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Villa Soomaaliya. Shirkan ayaa daba socda midkii dhowaan Madaxweyne Farmaajo ay la qaateen Madaxweynayaashii hore, Sheekh Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
-
Daawo:Masuul xil sare ka hayey Xisbiga Waddani oo iscasilay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News
