Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,996
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Israa’iil)-Saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga haya tallada Israa’iil ee Likud ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii daaqada looga saari lahaa Raysal wasaare Benjamin Netanyahu. Arintaan ayaa timid kadib markii lala xidhiidhiyay eedaymo musuq maasuq mudada uu xilka hayo. Kadib saddax sano oo baadhitaan ah, ayaa xeer ilaaliyaha Guud ee Israel Avichai Mandelblit, uu maalintii Khamiistii u Maxkamadeeyay eedo Musuq Maasuq. Mr Mandelblit ayaa intaa ku daray in Netenyahu uu jabiyay sharciga iyo aaminaada lagu qabay maadaama lagu helay saddex fadeexadood oo kala duwan. Warbixin ka koobneyd 63 bog oo baadhayaasha soo saareen ayaa muujinaya in Netenyahu uu aqbalay in laaluush uu ka qaato maalqabeeno ay saaxiibo dhow Yihiin. Source
  2. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah uga horyimid daraasad qaldan oo Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland ku sheegtay in cuduro laga helay Galeyda iyo Masagada Dalkeena. Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya aya lagu cadeeyay in dalagyada dalkeena ay yihiin kuwa dabiici ah (organic) isla markaana warbixinta la soo saaray ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-24112019-ok.mp3 View the full article
  4. (SLT- Namibia)-Wasiirkii hore ee kaluumeysiga iyo Kheyraadka Dabiiciga Namibia Bernhard Esau, ayaa xabsiga la dhigay kadib eedaymo musuq maasuq iyo dhaqashada lacagta Madow. Arintaan ayaa timid markii warbaahinada Al Jaziira iyo RUV oo ay leedahay dowlada Iceland ay baahiyeen xog uu soo dusiyay bogga siraha faafiya ee WikiLeaks. Maxkamada Namibia ayaa dhanka kale amartay in la soo xidho wasiirkii hore ee cadaalada Sacky Shanghala, gudoomiyaha shirkada qaran ee kaluumeysiga dowlada James Hatuikulipi. Fadeexada Musuq Maasuq ee loo jeediyay golaha wasiirada Namibia ayaa dhanka kale waxaa loo soo qabtay wiilka wasiirka kaluumeysiga uu sodogga u yahay ee lagu magacaabo Tamson Hatuikulipi. Xogtaan ayaa markii ay soo shaacbaxday saacado kadib waxaa xilka iska casilay wasiirada kala ah Esau Shanghala. Ku dhowaad 30,000 oo xog ah oo isugu jira qoraalo dhanka Email-ka ah warqado la daabacay iyo qoraalada lagu keydiyo, taleefanada oo loo yaqaam Memo ayaa muujinaya doorka ay wasiiradaan ku lahaayeen in si aan sharci aheyn loo lunsado Kaluunka Namibia. Arintaan ayaa waxaa qeyb ka ah shirkad laga leeyahay wadanka Iceland oo dhaca qaarada Yurub. Source
  5. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Madasha Habeenka Haweenka Puntland, Madashan oo ah mid bille ah waxay haweenka Puntland uga hadli doonaan Ajendayaal loo qorsheeyay oo ku saleysan Doorka ay Haweenku ka qaadan karaan arrimaha Bulshada. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Madasha Habeenka Haweenka Puntland, oo fursad u ah Haweenka Puntland inay isugu yimaadaan oo kaga arinsadaan arrimahooda gaarka ah iyo horumarinta doorka ay Bulshada ku leeyihiin oo ah mid muhim ah. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu sheegay in Haweenka Puntland ay door muhim ah kasoo qaateen dhismihii iyo illaalinta Puntland, Madashana uu ka rajeynayo inay sii dardargeliso doorka haweenku ay leeyihiin dhinacyada Siyaasada iyo arrimaha Bulshada. Kulanka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowladda Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay Masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Haweenka xilalka kala duwan ka haya Dowladda, Ururada kala duwan ee Haweenka iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Daah-furay Madasha Habeenka Haweenka Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Addis Ababa)-Waxaa lagu dhawaaqay natiijada afti laga qaaday Arbacadii dadka laga tirada badanyahay ee Sidama ee dega qeyb ka mid ah koonfurta dalka Ethiopia. Aftidan ayay qowmiyadda Sidamadu ku doonayeen inay ku yeeshaan dowlad-goboleed la mid ah kuwa qowmiyadaha kale ee Ethiopia ay leeyihiin. 98.51% dadkii codeeyay oo lagu qiyaasay 2.3 malyuun oo qof ayaa “haa” ku taageeray dhismaha maamul goboleed ay dadkoodu yeeshaan. Dadka ku nool Sidama ayaa muddo dheer halgan ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen maamul u gaar ah. Aftidan laga qaaday Sidama iyo natiijada ka soo baxdayba waxa ay tijaabo u aheyd awoodda dowladda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ay u leedahay xakameynta dareenka wadaniyadda qowmiyadaha ku saleysan ee Ethiopia ku xoogeystay, taasoo halis dhinaca kala qeybsanaanta ah ku heysa dalka. Deegaanka Sidaama ayaa ka mid noqonaya 10-ka ismaamul uu yeelanayo dalka Itoobiya, iyada oo deegaannada horay u jiray ay ahaayeen deegaannada (Soomaalida, Oromada, Amxaarada, Tigreega, Canfarta, Shucuubta Koonfureed, Gaambeella, Benishaangul-gumuz iyo Hararida) deegaanka Tobnaadna uu noqonayo Deegaanka Sidaama oo shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay. Source
  7. Ethiopia's Sidama people have voted in favor of autonomous rule by a huge margin. The result may inspire other groups to push for autonomy in Africa's second-most populous nation. Source: Hiiraan Online
  8. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ku dhowaad 10 askari ku dileen qarax culus oo ay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose kula eegteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay malayshiyaadka Al-shabaab ayey ku sheegteen in ay halkaasi ku dileen ilaa 7 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay qarax culus la beegsadeen inkastoo Taliska ciidamada dowladda ee ku sugan demada Awdheegle aysan weli war ka soo saarin sheegashada Al-shabaab. Haddana wararka laga helayo Awdheegle ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay xalay ilaa saaka halkaasi ka wadaan hawlgallo baaritaan ah oo lagu sameynayo gudaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada. Sidoo kale dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in duleedka Awdheegle mararka qaarkood laga maqlayo rasaas goos-goos ah taasi oo ay ridayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee hawlgalka halkaasi ka wada. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay ku dhowaad 10 askari ka dishay ciidamada dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Almaas Elman Cali Axmed ayaa war-murtiyeed rasmi ah kasoo saaray geerida gabadhooda, oo xabad ay ku dhex dishay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Warmurtiteed ku saabsan Dilkii Almaas Elman kana soo baxay Qoyska Reer Elman Cali Axmed & Reer Xirsi Cabdulkhadir. “Dhab ahaantii waxaannu ku jirraa xilli aannu aad uga qalbi-jabannahay geeridii aan xanuunkeeda ciduna qiyaasi karin oo ku timid walaasheen, xaaskii iyo gabadhii aannu dhallnay ee Almaas Elman. Waxaannu dareemaynaa cidlo aan abid ciduna inoo buuxin karin. Almaas waxay lahayd ruux ifaysa, bilic-san berina ka ahayd musiibada ay la kulantay. Runtii waa ay laqmatay, in ay xaamilo ahaydna waa mid sii kordhinaysa murugadaan naga daaddegi la’. Taageerada, is barbartaagga iyo tacsiyeynta inooga timid daafaha dunida oo dhan aad ayay inoo khushuuc geliyeen. In aannu ogaanno in Almaas aad loo jeclaa aanay si togan uga qayb-qaadatay nolosha dad badan ayaa qoyskayaga qaddar laab-riixasho ah siinaysa waqtigan aadka inoogu adag. Aad baannu uga mahad-celinaynaa baroor-diiqda Almaas iyo xusuus sheegiddeeda dunida oo dhan ka dhacaysa, waxaannuna doonaynaa in aannu ku biirro xuska nolosheedii aadka u qaniga ahayd. Maahan markii ugu horreysay ee qoyskeenna ay haleesho musiibo qalalaase wadata oo tan oo kale ah. Qalalaase la mid ah midkan ay Almaas ku baxday oo isla magaaladan ka dhacay ayaannu sanado ka hor ku weynay aabbeheen Elman Cali Axmed. Taa ayaa sii laballaabaysa murugada iyo qarracanka aannu wajahayno, hase yeeshee marna musiibooyinkani shiiqin maayaan go’aankeenna ah in aannu dhisno nabad qoysaska kale ee Soomaaliyeed ka hor joogsata in ay la soo deristo murugo la mid ah midda aannu haatan dhex maquuranayno. Waxaannu weli si aan leex-leexad lahayn ugu jeebban nahay gaaridda Soomaaliya ay dadkeedu ku nool yihiin xaalad aysan ka cabsi qabin in ay musiibo tan la mid ahi ku dhacdo gacalka iyo xigaalkooda. War kasta oo haatan laga soo saaro duruufihii ay Almaas ku geeriyootay waa kuwo laga hor-dhacay, mana noqon doonaan kuwo caawiya qoyskeenna. Wararkaa waxaa ka mid noqon kara in laysla dhex meero suuraggalnimada in ay Almaas dishay “xabbad wiifto” ah. Waxaannu jeclaan lahayn in dilkii Almaas si buuxda loo baaro, waxaannuna codsanaynaa in ay dawladaha Soomaaliya iyo Canada si wadajir ah oo qoto dheer arrintan u baaraan, maadaama ay laheyd labada dhalasho ee labada dal. Intii laga gaarayo hannaankaa hufan oo dhamaystiran waxaannu dalbanaynaa in aanay qof iyo maamul toona ka faalloon arrintaan meel gaar ahna aanay ku tirin. Waxaannu ka war haynaa in la faafiyey muuqaallo iyo mu’aamarado aan sal lahayn. Muuqaalladaa iyo mu’aamaradahaasi waa kuwo qoyskeenna sii xanuunjinaya waqtigan adag. Sidaa darteed in la joojiyo iyo dib loo saxo ayaannu codsanaynaa. Kani waa warka keliya ee aannu musiibadan haatan ka soo saarayno, waxaannuna si xushmad leh u dalbanaynaa in ay dadku ixtiraamaan asturnaanta axwaasha qoyskeenna, si aannu si nabdoon ugu murugoonno. Almaas waxaa ay ka tagtay guud ahaan dalkeedda iyo dadkeedda, gaar ahaana Qoyskeeda oo ka kooban, hooyadeed Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aadan, walaaleheed Ilwaad Elman, Iimaan Elman iyo Geesiya Elman, saygeedii Sakariya Xirsi iyo Almaas waxa ay innooga tagtay raad taariikheed aad u sareeya oo ku saabsan is beddel togan oo ka dhaca Soomaaliya, Afrika iyo Dunidaba.”
  10. At least 36 people, including seven children, have been killed by landslides triggered by unusually heavy rains in northwestern Kenya, a local official said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  11. The family of a young Somali-Canadian peace activist shot dead in Mogadishu is calling for an investigation by the two countries and says a statement blaming a stray bullet is “premature.” Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii qaraxii is-miidaaminta ahaa lagu dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, lana shaaciyey in qaraxaas ay ka dambeysay gabar agaasime aheyd, waaxaa dhashay kala shaki badan. Kala shakigaas ayaa intiisa badan soo kala dhex galay shaqaalaha rayidka ah iyo madaxda hey’adaha dowladda federaalka, waxayna arrintaas sababtay haatan in shaqaalaha dowladda lagu billaabayo baaritaano dib loogu xaqiijinayo inaysan Shabaab ka tirsaneyn. Halkan ka aqri warbixintaas. Baaritaanka ayaa waxaa qeyb ka ah in qofka shaqaalaha lagu amro inuu keeno xildhibaanka ku matala baarlamanka federaalka, si looga qoro damaanad, sida ay go’aamisay dowladda. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan golaha shacabka Soomaliya ayaa sheegay in arintaan ay tahay mid culeys siyaasaded lagu saarayo xildhibaanada. “Arintaas damaanada ah waxaan u aragnaa mid lagu xujeynayo xildhibaanada, dowladdu markii ay qoraneysay shaqaalaha anagu uma aanaa geyn iyadaa qoratay, dadka qaarna waxaaba laga yaabaa inaysan laheyn xildhibaan ku matala baarlamaanka, marka qofka aana anigu shaqada geyn ma garanayo waxaa la ii dhahaayo damiino, waxaan u arkaa culeys siyaasadeed oo baarlamaanka la saarayo” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa. Waxa uu intaas ku daray in shaqalaha qaar aysan damiina karin xildhibaanadu, isla markaana ay dowladda ka dalbanayaan inay si kale u maareyso arrinta shaqaaleheeda. “Dowladdu hanaga deyso go’aanka ah in xildhibaanku damiinto qof uusan garanayn waxa ka imaan kara, hadeysan dooneyn in meeshaas ceebu ka timaado, si kale ayey u maarey kartaa nidaamka ay u martay qorista ciidamada ayey u mari kartaa oo diiwaan galin casri ah ayey ku samey kartaa yeysan nagu dhibin anaga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dalxa.
  13. Haweenay Soomaaliyada oo wiil ay dhashay ku dhiirageliysay inuu qirto denbi+Dhibaato ay wajahayso Deeqo Xuseen waa hooyo Soomaaliyeed oo deggan dalka Mareykanka, waxa ayna ka mid tahay dadka carruurtooda hadda ka hor looga shakiyay in ay qaateen afkaarta kooxaha xag-jirka ahi ee ka dagaallamayay gudaha dalka Suuriya. Balse haatan sida ay sheegtay dhibaato xooggan ayay kala kulmeysa bulshada Soomaaliyeed ee ay ku dhex nooshahay. Deeqo oo dhawaan wareysi siisay warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in talo ay ku garab istaagtay wiilkeeda oo ahayd in uu qirto dambiga loo haysto ay haatan ku muteysatay in Soomaalida kale ay ku eedeeyaan in ay la shaqeyso mukhaabaraadka Mareykanka. ”Ilaa maalintii wiilkeyga la xiray ilaa haatan ma nasto oo xitaa jidka haddii aan maraayo waa la ii dhibaateeya”, ayay tiri Deeqo. ”Haddii uu qof saaxiibo aan nahay ila socdo, intay u tagaan qofka ayay ku dhahayaan maxaa qofkan kula socodsiiyay”,? ”Mararka qaar inay i istaajiyaan ayay igu oranayaan ma FBI baa tahay? marka runtii aan sheegnay darteed baan waxaasoo dhibaato u mareynaa”. ”Laba habeen ayaan sigtay oo nafteyda halis gashay oo la rabay in dhibaato laygeysto”. ayay intaasi ku sii dartay Deeqo. Deeqo Xusseen waa hooyada dhashay Cabdirisaaq Warsame oo Sannadkii 2015-kii lagu soo oogay dacwad dambiyeed ah inuu qorsheynayey inuu taageero qalab siiyo kooxda Daacish. Deeqo ayaa wiilkeeda ku dhiragelisay inuu qirto dambiga loo haysto ka dib markii uu iyada u sheegay in uu dambiga galay oo la marin habaabiyay waxaana markii uu qirtay dambigiisa isaga iyo laba kale ay maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku xukuntay xabsi. Balse hooyo deeqo ayaa arrintaasi waxay ku noqotay tuke cambaar leh oo ilaa haatan way daba socotaa arrintaasi. Cabdirisaaq ayaa haatan waalidiintisa la nool ka dib markii uu soo dhameystay muddo xabsiyeedkiisii oo saddex sannadood ahaa. Qaran News
  14. Wasiirka gaashaandhigga Ciraaq oo dacwad ugu hanjabay warbaahinta Sweden Wasiirka gaashaandhigga dalka Ciraaq Najah al-Shammari (52-jir) ee shalay ay hadalhaysay qaar ka mid ah warbaahinta Sweden iyo kuwo dibedda ah ayaa waxaa uu iminka ugu hanjabay warbaahintaasi dacwad iyo maxkamad. Najah al-Shammari ayaa waxaa soo wajahday fadeexad kadib markii ay warbaahintu soo ogaatay in uu lacag jirro ka qaato isagoo xil sare ka hayo xukuumadda Ciraaq. Wasiirkan ayaa la sheegay in uu dalka Sweden qoxooti ahaan isaga dhiibay sannadkii 2009-kii, isagoona baasaboorka weyn ee dalkaasi qaatay sannadkii 2015. Iminka ayuu lasoo xiriiray wasiirku qareen ku sugan gudaha dalka Sweden kaas oo uu ku wargeliyay bal in uu qiimeeyo in uu dacwad ku furi karo warbaahintii fadeexadda ka baahisay, waxaa uu sidoo kale wasiirku ugu hanjabay dacwad warbaahin carbeed oo warkan sii faafisay. Qoraal ay barta Facebook soo dhigtay wasaaradda gaashaabdhigga Ciraaq ayaa lagu cambaareeyay wararka “been abuurka ah” ee wasiirka laga faafiyay, waxaana lagu sheegay in ujeedkeedu ahaa in lagu qod-qodo, sumcaddana looga dilo wasiirka. Tan iyo markii ay wararkani soo ifbexeen ayaa waxaa wasiirka gudaha dalkiisa kasoo food-saaray culeys siyaasadeed, waxaana lagu haystaa sida xil loogu magacaabay isaga oo baasaboor dal kale haysta, dabcan sharciga Ciraaq ayaa diidaya in xil dowladda looga magacaabo ruux haysta baasaboor dal kale. Warbaahin dhowr ah oo gudaha Sweden ka jira ayaa qoray in wasiirkan oo xilka loo magacaabay isla sannadkan loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin in uu musuq-maasuq ku sameeyay lacagta la siiyo dadka xanuunsan ee ay dowladda Sweden bixiso. Waxa uu xanuunsanaa muddo sanooyin ah, oo waxaa uu lumiyaa xusuusta, sida uga diiwaangashan hay`adaha caafimaadka dalka Sweden. Sidoo kale waxa lagu haystaa wasiirkan in isaga iyo qoyskiisaba ay qaadanayeen lacagaha loogu talo galay dadka carruunta leh iyo kuwa laga caawiyo guryaha xilli ay dalka Swedan ka maqnaayeen in muddo ah, ayna u sheegin dowladda. Wararku waxa ay sheegayaan in sannadkii 2015 mar loogu xiray Sweden arrimo musuq-maasuq. Qaran News
  15. Isnatbul (Caasimada Online) – Dowladaha Qadar iyo Turkiga ayaa balaadhin ku sameeyay isbaaheysigoodii wada shaqeyneed ee dhanka Dhaqaalaha, Millateriga iyo farsamada Technologyada casriga ah. Isbaheysiga labada dal kuma hakan keligood, balse waxay kusoo dareen dalalka Malaysia, Pakistan iyo Indonesia, kuwaasi oo si wada jira uga shaqeyn doona sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalalka Islaamka. Isbaheysigan cusub ee ka kooban shanta dal ee islaamiga ah, ayaa waxay isku af-garteen in shirweyne Islaamiya la qabto bisha soo socota ee December ee sanadkan 2019-ka. Waxaana isbaheysigan iyo shirweynahaasiba ka horeeyay, qorshe cusub oo ay hore u qaaday Dowlada Qadar, iyadoo la kaashanaysay Turkiga iyo Malaysia, kaasi oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dhisi lahaa 3-xarumood oo caalami ah oo dhanka dhaqaalaha ah. Saddexdaasi xarumood ee ay qaybta ka yihiin Doha, Istanbul iyo Kuala Lumpur, ayaa waxa loo hirgelinayey sidii ay u dabooli lahaayeen dhamaan lacagaha maaliyadeed ee Islaamka ee wadamada adduunka. Mahathir Mohamad, Raysul wasaaraha Malaysia ayaa isagu shaaciyay in waddankiisu marti-gelin doono shirweynahaasi islaamiga ah ee shanta dal, isla markaana ay yeelan doonaan kulankooda ugu horreeyay 19-ka bisha December. Wuxuuna ka dhawaajiyey in shirkaasi diirada lagu saari doono todobo arrimood oo muhiim ah, oo kala ah: horumarinta dhaqaalaha, difaaca iyo dhowrista madax-bannaanida, qiyamka dhaqanka, xorriyadda iyo caddaaladda, iyo weliba la socodka tiknoolajiyadda casriga ah. Shirkan ayaa qabsoomi doona isagoo uu ka maqanyahay Sacuudigu, kaasi oo uu hore u dhaleeceyay Mahathir Mohamad, isagoona sheegay xiligaasi ‘in waddankiisu uu ka niyad jabay dowladda Sacuudi Carabiya’. Dunida Islaamka ayaa inta badan waxa la sheega inay leeyihiin awood iyo ilo badan oo dhaqaale, oo dhanka kheyraadka ah, gaar ahaan dalka Turkiga oo isagu dhanka farsamada, difaaca iyo warshadaha militariga aad ugu sareeya.
  16. Turkey, Qatar iyo Malaysia oo dhisaya isbahaysi Islami ah oo aan Sacuudigu ku jirin Dowladaha Qadar iyo Turkiga ayaa balaadhin ku sameeyay isbaaheysigoodii wada shaqeyneed ee dhanka Dhaqaalaha, Millateriga iyo farsamada Technologyada casriga ah. Isbaheysiga labada dal kuma hakan keligood, balse waxay kusoo dareen dalalka Malaysia, Pakistan iyo Indonesia, kuwaasi oo si wada jira uga shaqeyn doona sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalalka Islaamka. Isbaheysigan cusub ee ka kooban shanta dal ee islaamiga ah, ayaa waxay isku af-garteen in shirweyne Islaamiya la qabto bisha soo socota ee December ee sanadkan 2019-ka. Waxaana isbaheysigan iyo shirweynahaasiba ka horeeyay, qorshe cusub oo ay hore u qaaday Dowlada Qadar, iyadoo la kaashanaysay Turkiga iyo Malaysia, kaasi oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dhisi lahaa 3-xarumood oo caalami ah oo dhanka dhaqaalaha ah. Saddexdaasi xarumood ee ay qaybta ka yihiin Doha, Istanbul iyo Kuala Lumpur, ayaa waxa loo hirgelinayey sidii ay u dabooli lahaayeen dhamaan lacagaha maaliyadeed ee Islaamka ee wadamada adduunka. Mahathir Mohamad, Raysul wasaaraha Malaysia ayaa isagu shaaciyay in waddankiisu marti-gelin doono shirweynahaasi islaamiga ah ee shanta dal, isla markaana ay yeelan doonaan kulankooda ugu horreeyay 19-ka bisha December. Wuxuuna ka dhawaajiyey in shirkaasi diirada lagu saari doono todobo arrimood oo muhiim ah, oo kala ah: horumarinta dhaqaalaha, difaaca iyo dhowrista madax-bannaanida, qiyamka dhaqanka, xorriyadda iyo caddaaladda, iyo weliba la socodka tiknoolajiyadda casriga ah. Shirkan ayaa qabsoomi doona isagoo uu ka maqanyahay Sacuudigu, kaasi oo uu hore u dhaleeceyay Mahathir Mohamad, isagoona sheegay xiligaasi ‘in waddankiisu uu ka niyad jabay dowladda Sacuudi Carabiya’. Dunida Islaamka ayaa inta badan waxa la sheega inay leeyihiin awood iyo ilo badan oo dhaqaale, oo dhanka kheyraadka ah, gaar ahaan dalka Turkiga oo isagu dhanka farsamada, difaaca iyo warshadaha militariga aad ugu sareeya. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay daraasad ay dhawaan soo saartay Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland oo ay ku sheegtay in sun laga helay qaar ka mid ah dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaaliya. Daraasaddaas oo lagu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa sheegtay in “suntan laga helay” dalagyada beeraha Soomaaliya qaarkood ay hoggaamin karto cudurka kansarka. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dalagyada Soomaaliya kuwo caafimaad qaba, oo aan soo saaristooda loo adeegsan kiimiko sun ah. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysay ka hadashay culimo la sheegay in maalmihii u dambeeyay arrimo diineed uga dhex murmayey baraha bulshada, gaar ahaan barta Facebook. Culimadaasi ayaa la soo warinayaa inay iskugu baaqayeen in ay wada-gaalaan doodo ku aadana mad-habyada ay kala haystaan, taasi oo dhalisay muran diineed xoogan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa arrinkaasi ka soo saartay digniin, iyadoona culimadaasi uga digtay hadalada muranka diineed ah ee ay isku marinayaan baraha bulshada inay joojiyaan. Digniinta wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in haddii ay hirgalaan doodaha noocaasi ah ay waxyeelo weyn u geysan karaan wada-jirka umada iyo nabada balaadhan ee ku naalooto Somaliland. “Digniin! Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay digniin adag u diraysaa Culima-Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan Ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) kaas oo ku saabsan in Culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO)” ayaa lagu yiri Digniinta ka soo baxday xafiiska wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland. Waxaana sidoo kale lagu yiri “Doodahani waxa ay wax yeello weyn u geysan karaan wada-jirka iyo nabadda aynu ku noolayn muddada badan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waa Wasaarad u dhaxaysa guud ahaan Culimada dalka cid si gaar ah u sheegan kartaana ma jirto”. “Haddaba, laga billaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-November-2019 (Shalay), waxa la farayaa cid kasta oo ka hadasha arrintan qaabka ay doontaba ha ahaatee in ay Wasaaraddu la xisaabtamayso, waajibkiisana marinayso. Allaa Mahad Leh” ayaa lagu soo gunaanaday warqada digniinta ah ee Wasaarada. Waxaana xusid mudan in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland aysan magac dhabin culimada ay sheegtay in muddooyinkii u dambeeyay uu ka dhex qarxay muran diineedku, isla markaana ay digniinta ka soo saartay.
  19. Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Soomaaliya Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) waxay kusoo celcelisay oo ay wali aaminsantahay in Dalka ay ka dhici karto Doorasho xor ah [...] Source
  20. PRESS RELEASE U.S. Ambassador Congratulates 125 Young African Leader Participants of the YALI Regional Leadership Center The completion of this training brings the number of young African graduates from the West Africa Regional Leadership Center (RLC) to more than 5,300 since the U.S. Government launched the program in 2015 ACCRA, Ghana, November 22, 2019/ — On Friday, November 22, 2019, U.S. Ambassador Stephanie S. Sullivan addressed and presented plaques to outstanding participants in the Young African Leaders Initiative (YALI) West Africa Regional Leadership Center (RLC) training program. One hundred twenty-five (125) participants representing nine countries in the sub-region completed the three-week on-site training in Business and Entrepreneurship, Civic Leadership, and Public Policy Management at the Ghana Institute of Management and Public Administration (GIMPA) in Accra. The completion of this training brings the number of young African graduates from the West Africa RLC to more than 5,300 since the U.S. Government launched the program in 2015. At the closing ceremony, which served as both the graduation ceremony for Cohort 14 and a celebration of the completion of in-person training for Cohort 15, Ambassador Sullivan reaffirmed the commitment of the United States Government to support future African leaders and encouraged participants as they continue to put service above self. “Each of you will play a key role in shaping the future of West Africa. You are here today because you decided to make a difference in the lives of others. Our hopes are placed in you to unite people across all levels of society to be positive builders of peace and development. It takes a special kind of leader to motivate others to identify and reach common solutions to extraordinary challenges,” said Ambassador Sullivan. The Rector of GIMPA, Professor Philip Ebow Bondzi-Simpson, praised participants of Cohort 15 for their perseverance throughout the intensive three-week in-person training program. In July 2014, the U. S. Government announced the creation of four YALI Regional Leadership Centers – one each in Ghana, Kenya, Senegal, and South Africa. These Centers serve as regional hubs across the continent to encourage transformational learning and enhanced leadership skills. The RLCs are a collaborative effort among the United States Agency for International Development (USAID), the MasterCard Foundation, and other private sector partners. Each RLC is managed under a public-private partnership. To learn more about YALI, including how to apply for YALI programs, visit https://YALI.State.gov/. To learn more about how to become a partner, e-mail africanleaders@usaid.gov. Distributed by APO Group on behalf of Embassy of the United States – Accra – Ghana. SOURCE Embassy of the United States – Accra – Ghana Qaran News
  21. Hogaamiyaha Dhabta ah iyo Hogaaminta Najaxda! Sannadkii 1260kii Taariikhda Milaadiga , waxaa dalka Masar ka taagnaa dhibaatooyin aad u daran oo ay kamid ahaayeen; mid siyaasadeed oo kursiga lagu loolamo, mid dhaqaale oo Masar waxaa ka taagnaa xaalad aad u adag oo dhaqaale, iyo Xaalado colaadeed oo wakhtigaa Masar waxaa la col ahaa dhamaan Maamulada la jaarka ahaa oo dhan sida; Ayuubiyiintii, Salabiyiintii iyo Quwad aad u xoog badan oo kusoo wajahnayd. Iyada oo Xaalada Dalka Masar sidaa ahaa , ayaa waxaa xukunka qabsaday nin Geesi ahaa oo la odhan jiray (AHN) Maxamud Ibn Manduud ( Qudus) . Hogaamiyaha dhabta ahi waa ka marka ummadiisa xaaladi lasoo daristo bulshadiisa ururin kara! Runtii Hogaamiyahaa QUDUS ahi waxa uu qaatay tallaabooyin isbedel oo Maxsuulkeedii dambe noqday in Dalkiisii , Dadkiisi iyo ISLAAMKU ba guuleysto.. Talaabadii kowaad ee uu qaaday waxay ahayd in dhamaan qaybihii kala duwanaa ee bulshada dalkiisaa Masar u isugu wada yeedho oo uu kala tashado Xaaladahaa sare ku xusan….. Marka laga yimaad ; Colaadihii kaga socday …..Salabiyiintii Gaalada iyo Ayuubiyiintii weerarka ku hayey Maamulkii Masar , waxaa jiray duulaan aad culus oo kaga soo jahaysnaa Ciidamadii Mangooliyaanka ahaa ee Tataar……..intaa waxaa u dheereyd Xafiltan Siyaasadeed oo salkeedu ahaa hogaaminta dalka iyo kursi kala jiidasho u dhaxeeyey labadii Xisbi ama Garab ee lagu kala magacaabi jiray MUCASIYIIN iyo MAMALIKUL BAXRIYA. Waxaa labada dhinac soo kala gaadhay ficiltan sababay dhimasho iyo xadhig … wakhtigaa waxaa dalkaa ka yaacay qaybihii ugu badnaa Garabkii Mamalikul Baxriya oo u fakaday dalkii SHAAM…. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Saraakiil sar sare oo Ciidan . halka Qudus uu ka mid ahaa garabkii Mucasiyiinta… Haddaba, aan usoo gudo noqdo ujeedada aan ka lahaa Qoraalkan ……Qudus waxaa uu qaaday talaabooyin iyo go;aamo geesinimo ay ku jirtay…. Waxaa kamid ahaa; in markii kowaad uu dhamaan qaybaha bulshada kala duwan intoodii magaca lahayd sida Ganacsato , Culimaaudiin , Siyaasiin iyo Aqoon yahan ba uu isugu yeedhay….Sidii Dalkaa Masar uu uga badbaadin lahaa arimahaa kala duwan ee aan dusha kusoo xusay. Tii dhaqaalaha waa uu xaliyey markii kowaad….. tii siyaasada oo ahayd ta ugu adag waxa uu ka qaatay tanaasul taariikhda galay….oo inagana la inooga baahan yahay in aynu ku dayano. Waxa uu ka tanaasulay dhamaan wixii ay isku hayeen dhinaciii kasoo jorjeeday oo badhkood dalka ka fakaday…waxa uu cafiyey dhamantood …. Waxana uu ka codsaday in kuwii fakadayna ay dalka dib ugu soo noqdaan ……waxaana uu kula heshiiyey in ay dalkooda wadajir ay dhinac ugu soo wada jeedaan………Ragaa uu la heshiiyey waxa kamid ahaa Masuuliyiin Magac iyo maamus ba ku lahaa dalkaa Masar dhinac siyaasadeed iyo mid dagaalba oo waxaa ku jiray Generalo dhinac dagaalka khabiiro ku ahaa…..waxa uu kala doortay in Dalkiisa iyo Dadkiisu badbaado iyo in raga wuu ka adkaadee sidaa ay ku maqnaadaan……haddii ay sidaa ku maqnaadaan iskama celin karo quwadahaa kusoo jahaysan.. dalkiisana kama saari karo xaaladihii uu ku jiray……aakhirkii markuu cafiskaa iyo wadatashigaa sameeyey waxa ay u horseeday in Dalkii iyo Dadkii Masar iyo Guud ahaan ISLAAMkuba Guuleysto…… Markaad usoo banbaxdo in aad ummad hogaamiso oo ay hogaamintaaduna najaxdo laba arimood maanka ku hay….1)Wadatashi…..iyo… 2)Tanaasul…. Wabillahi tawfiiq Cabdirasaaq Askar Hargeisa Somaliland Qaran News
  22. Turkey on Saturday donated humanitarian aid to thousands of Somali people displaced by floods in recent months. The life-saving assistance was delivered by the state-run Turkish Cooperation and Coordination Agency. In a statement, the Turkish Embassy in Somalia said: “Turkey has delivered humanitarian relief supplies to the flood-affected people of Beledweyne.” The statement noted that the embassy was closely working with Turkey’s Disaster and Emergency Management Presidency (AFAD), the Turkish Red Crescent and Turkiye Diyanet Foundation. “During the operation, approximately 250 tons of supplies have been delivered to the 35,000 displaced people. Turkey is always and will be at the forefront to assist Somalia,” it said. According to the UN, moderate to heavy rains that started in October has caused flooding in Somalia, displacing an estimated 370,000 people and destroying infrastructure, farmlands, and roads disrupted livelihoods and inundated houses in many locations. Malnutrition and disease outbreak such as malaria and acute watery diarrhea remain rampant in many flood-affected settlements. The United Nations has distributed $18.7 million from the UN Central Emergency Response Fund (CERF) and the Somalia Humanitarian Fund (SHF) to scale up life-saving assistance to just over half a million people affected by floods in Somalia. View the full article
  23. Somalia’s National Independent Electoral Commission (NIEC) has temporarily registered six new political parties on Saturday. The registered parties include the Somali labor forward party, the national party, the Somali economic party, the SANU party, the United people party and the Somali national party. The National Independent Electoral Commission commissioner, Abdirahman Osman Dirir called upon the parties to work towards the realization of becoming fully registered parties for operation before elections. The agency reminded the new parties about its continuous monitoring process of the political parties’ offices as a requirement for full registration. The registration puts the total number temporally record to 63 so far. President, Mohamed Abdullahi Farmajo is holding talks with representatives of more than 25 opposition political parties today. The discussion is focused on the realization of one man one vote in upcoming presidential and parliamentary elections in 2021 polls. View the full article
  24. Turkey on Saturday donated humanitarian aid to thousands of Somali people displaced by floods in recent months. The life-saving assistance was delivered by the state-run Turkish Cooperation and Coordination Agency. In a statement, the Turkish Embassy in Somalia said: “Turkey has delivered humanitarian relief supplies to the flood-affected people of Beledweyne.” The statement noted that the embassy was closely working with Turkey’s Disaster and Emergency Management Presidency (AFAD), the Turkish Red Crescent and Turkiye Diyanet Foundation. “During the operation, approximately 250 tons of supplies have been delivered to the 35,000 displaced people. Turkey is always and will be at the forefront to assist Somalia,” it said. According to the UN, moderate to heavy rains that started in October have caused flooding in Somalia, displacing an estimated 370,000 people and destroying infrastructure, farmlands, and roads, disrupted livelihoods, and inundated houses in many locations. Malnutrition and diseases outbreak such as malaria and acute watery diarrhea remains rampant in many flood-affected settlements. The United Nations has distributed $18.7 million from the UN Central Emergency Response Fund (CERF) and the Somalia Humanitarian Fund (SHF) to scale up the life-saving assistance to just over half a million people affected by floods in Somalia. Source: Anadolu