Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,001
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kulamo is daba joog ah oo looga arrinsanayo dhismaha Galmudug ayaa weli ka socda magaalada Dhuusamarereeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in kulamadaani ay u dhexeeyaan hoggaanka Ahlu Sunna iyo guddi ganacsato reer Galmudug ah oo xal u raadinaya xiisada ka taagan maamulkaasi. Intooda badan kulamada ayaa waxaa diirada lagu saaray tabashada Ahlu Sunna Waljamaaca, gaar ahaan xildhibaanada ay rabto inay ku yeelato baarlamaanka cusub. Shirarka oo weli socda ayaa waxaan ka soo bixin wax natiijo ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Xaaladda Galmudug ayaa haatan u muuqata mid sii cakirmeysa lamana oga sida uu ku suura-geli doono jadwalka doorashada ee maanta la soo saaray. View the full article
  2. Jadwalka la soo saaray ayaa lagu sheegay in 29-ka bishan November ilaa 9 December ay tahay xulista baarlamaanka, halka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la dooran doono inta u dhaxeysa 17-23 December 2019 Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Ilaaliyohii Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir xilkii ka qaaday, wuxuuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacaabistan ku timid soo jeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka ku meel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka JFS Mudane Axmed Cali Daahir shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. PUNTLAND POST The post Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka oo xilkii laga qaaday iyo masuul kale oo loo magacaabay appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda UNDP, oo ay hogaaminayso Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Ku-xigeenka Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya ayaa ka wada hadlay mashaariicda hada socda ee UNDP ka wado Puntland iyo kuwa qorsheysan in la fuliyo. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo uga mahadceliyey UNDP mashaariicda ay ka wado Puntland, ayaa u gudbiyey Madaxda UNDP in waxqabadkooda ay ku saleeyaan hadba baahida ka jira deegaanada. Kulanka uu Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la yeeshay Ku-xigeenka Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wakiilka UNDP ee Puntland Muuse Ducaalle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Ku simaha Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. MOGADISHU (HOL) - Somali Attorney General Ahmed Ali Dahir was Monday relieved of his duties after close to six years as the government’s chief legal adviser. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JFS, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir. Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka JFS Mudane Axmed Cali Daahir shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. View the full article
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JFS, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir. Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka JFS Mudane Axmed Cali Daahir shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa faray xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka. “Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Axmed Cali Daahir ayaa ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaanka u ahaa sharciyaqaanada Soomaaliya ee ku lugta leh kiiska ay Soomaaliya baddeeda uga difaacaneyso Kenya ee horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).
  9. Guddiga doorashada Galmudug ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulkaasi. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 29 November illaa 09 December la soo xuli doono xildhibaanada cusub, 10 illaa 12 December-na la howlgelin doono baarlamaanka, halka 13-16 December la dooran doono guddoomiyaha baarlamaanka. Ugu dambeyntii guddiga ayaa xusay in doorashada madaxweynaha la qaban doono 17 illaa 23 December ee sanadkaan 2019-ka. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  10. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolkaasi. Wabiga ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaanada Jameeco Misro-Yarey iyo Jameeco Mubaarak oo dhaca bariga magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Axmed Sh. Isaaq oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in xaalado daran oo dhinaca nolosha ah ay ka jiraan deegaanadaasi iyo tuulooyinka ku xeeran. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in biyuhu ay jareen dalagyadii ku yiilay beeraha, islamarkaana ay khasaaro kala kulmeen daadadkaasi. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in go’doon ay ku jiraan, welina aysan helin wax gurmad ah, isagoona ugu baaqay dowladda dhexe inay caawimaad la soo gaarto. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/COdf.mp3 View the full article
  11. Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay, Xuseen Cali Sheekh oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeynsan jiray mootada nooca Bajaajta. Marxuumka ayaa waxaa agagaarka isgoyska Soobe ku dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ehelladiisa. Aabaha wiilkaasi ayaa dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday in cadaalada la horkeeno askarigii dambeeyey dilka wiilkiisa. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/wa-2.mp3 View the full article
  12. Xildhibaan Dalays Xasan Aada oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa sheegtay in maanta is hortaag lagu sameeyey, xilli ay dooneyso inay ka dhoofto garoonka Muqdisho. Dalays oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Shabelle ayaa sheegtay inay ku sii jeeday degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ah deegaan doorashadeeda. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in amarka lagu celiyey ay bixiyeen saraakiil ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod.mp3 View the full article
  13. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka xulista Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Guddiga ayaa u asteeyey in 25 – 28 Bishaan inay noqoto waqtiga la xaqiijinayo Odayaasha dhaqanka Maamulka Galmudug. Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in 29 November illaa 09 December lasoo xuli doono Xildhibaanada maamulka Galmudug. 10-12 December ayey sheegeen in la howlgelin doono Baarlamaanka Galmudug, halka 13-16 December la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas. Ugu dambeyntii Guddiga ayaa 17-23 December u iclaameeyey inay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso jadwalka
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-25112019-we.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in saaka laga hor istaagay safar ay ku tagi laheyd Luuq Ganaane, Gedo oo ah deegaan doorashadeeda. Xildhibaanka oo ka hor hadashay golaha shacabka ayaa tiri “ Waxaan fasax geystay guddoonka shalay in aan muddo 10 casho ah ku maqnaado deegaan doorashadeyda degmada Luuq-ganaane, Tikit ayaan goostay, waxaa la iigu yiri hal saac iyo bar subaxnimo soo gal saaka ayaan tagay, hadda oo la marayo shan saac iyo bar ayaa la iigu yiri ma bixi kartid, kama bixi kartid Airportiga waxaa ku heysato hey’adda nabad sugidda ee NISA, dambiga aan galay iyo kiiska aan ku bixi karin waxaa rabaa guddoonka la hor keeno, oo la galo”. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka ayaa sheegay in arrinta lagu sameeyey Daleys lagu daray ajandaha maanta ee kulanka baarlamaanka federaalka, si looga doodo. “Ajandaha fadhiga Golaha Shacabka ayaa lagu daray maanta oo ISNIIN ah si looga doodo.” ayuu hadalkiis sii raaciyey xildhibaanku. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Garoonka Aadan Cadde iyo laamaha amniga oo ku aadan falkaasi. Arrintan ayaase ku soo aadeysa, iyadoo haatan xiisad u dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo haatan laga dareemayo dhaq dhaqaaq milatari iyo mid siyaasadeed intaba.
  16. Ururka kubbadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa maanta soo saaray isku aadka koobka qaramada ee dalalka ku jira ururka CECAFA, iyadoo dalka DR Congo uu marti ahaan yahay sanadkan . Tartankan ayaa waxaa ka qeyb geli doona 12 dal oo 11 ka mida ay ku yaalliin gobalka bariga iyo bartamaha Afrika, halka dalka Jamhuuriyadda dimoqoraaddiga ah ee Congo uu amrti ahaan ugasoo qeyb geli doono. Cayaarahan ayaa ka dhici doona magaalada Kampala inta u dhexeysa 7-18-ka bisha December. Xulka qaranka dalka Soomaaliya ayaa ku jira group-ka B waxaana kula jira dalalka Sudan, South Sudan iyo DR Congo. Xulka martida loo yahay ee Uganda ayaa ku jira groupka A waxaana kula jira dalalka Burundi, Ethiopia iyo Eritrea halka group-ka C ay ku wada jiraan dalalka Djibouti, Kenya, Tanzania iyo Zanzibar. “Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya waxa uu tartankan u diyaariyay xirfadlayaal aad u wanaagsan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u keent kara guulo waaweyn oo horomar ah Qarankeena” ayuu Goobjoog Sports u sheegay xoghayaha guud ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Yuusuf Muxidiin . Source: goobjoog.com
  17. Uber has lost its licence to operate private hire vehicles in London after authorities found that more than 14,000 trips were taken with uninsured drivers. Source: Hiiraan Online
  18. Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in saaka laga hor istaagay safar ay ku tagi laheyd Luuq Ganaane, Gedo oo ah deegaan doorashadeeda. Xildhibaanka oo ka hor hadashay golaha shacabka ayaa tiri “ Waxaan fasax geystay guddoonka shalay in aan muddo 10 casho ah ku maqnaado deegaan doorashadeyda degmada Luuq-ganaane, Tikit ayaan goostay, waxaa la iigu yiri hal saac iyo bar subaxnimo soo gal saaka ayaan tagay, hadda oo la marayo shan saac iyo bar ayaa la iigu yiri ma bixi kartid, kama bixi kartid Airportiga waxaa ku heysato hey’adda nabad sugidda ee NISA, dambiga aan galay iyo kiiska aan ku bixi karin waxaa rabaa guddoonka la hor keeno, oo la galo”. Ilaa hadda ma jirto cid NISA ka tirsan oo arrinkan ka hadashay, mana caddo sababta looga hor istaagay in xildhibaanki aado goboleedka. Gedo waxaa ka jira qalalaaso siyaasadeed, waxaa jooga ciidamo Itoobiyaan oo ka baxsan AMISOM oo taageersan dowladda federaalka ah iyo Kenyan aan ku jirin AMISOM oo garab taagan maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT- Accra)-Waxaa shalay magaalada Accra ee Caasimada Dalka Ghana lagu soo gabagebeeyay shirkii dhalinyarada Siyaasiyiinta ah iyo Hogaamiyayaasha mustaqbalka ee Qaaradda Afrika. Kaasoo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyaradda Siyaasiyiinta ah ee mustaqbalka Africa iyo xidhiidhka Hogaamiyayaasha dhalinyarrada ah ee Africa “YALPN”. Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan dalalka ka tirsan qaarada Afrika waxaa xusud mudan in Somaliland ka mid ahayd wadamada calankooda laga taagay wadanka Ghana oo marti galinayey shirkan. Iyadoo wafti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ay ka qayb galeen shirkaas. Kuwaasoo qadiyadda iyo Taariikhda wadanku leeyahay ku soo bandhigay madashii shirka taas oo sabab u ahayd in buugaagtii shirka lagu soo daabaco calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku dhex jira calamada wadamada Africa. Waftiga ka socday Somaliland oo ka koobnaa saddex xubnood oo kala ahaa Fahmi Qaasim Maxamed, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda, Liiban Yuusuf Cali Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha iyo Cabdifataax Maxamed Cabdiraxmaan Agaasime ku xigeenka Waaxda Isgaadhsiinta. Shirkan oo socday muddo labo cisho ah waxaa si rasrmai ah u furtay Wasiirka Horomarinta arrimaha bulshada iyo ilaalinta xuquuqda caruunta Marwo Nana Owi Lithyur. Mudadii uu shirku socday waxaa diirada lagu saarayey arrimo fara badan oo khuseeya horumarinta dhalinyarada afrika iyo sidii loogu diyaar gareyn lahaa hogaanka wadamadooda ee mustaqbalka. John Dramani Mahama, oo ahaa Madaxwaynihii hore ee Dalka Ghana ahna Murashax Madaxwayne ee Doorashada soo socota ayaa ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay shirka. Isagoo halkaa ka jeediyey qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa dulucdeeduna tahay doorka dhalinyaradda Afrika ay ku yeelanayaan horumarinta Qaaradda Afrika. Source
  20. Sawirka Mas’uuliyiinta kulmay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda, maamulka gobolka Guardafui, waxgarad, Nabaddoono, Ganacsato iyo saraakiil ka socotay hay’adaha ka hawlgala Puntland, ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay, xaaladda gobolka Guardafui oo go’doon ku jirta, kadib markii roobab mahiiggaana oo halkaasi ka da’ay ay gebi ahaanba gooyeen waddooyinkii gobolkaasi. Kulanka oo ka dhacay magaalada Boosaso, ayaa looga arrinsaday sidii looga jawaabi-lahaa go’doonka haysta gobolka Guardafui oo dhammaan waddooyinkii geli jiray ay gooyeen roobab xooggan oo maalmihii u dambeeyay halkaasi ka da’ay iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ku nool degmooyinka Guardafui ee go’doonsan. Haddaba, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, Maxamed Axmed Kulan oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay qodobada ay uga hadleen kulankaasi iyo tallaabooyinka ay qaadi doonto Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Wasiirka ayaa sheegay, in kulankooda ay uga arrinsadeen, sidii wax looga qaban-lahaa waddooyinkii geli jiray degmooyinka gobolka Guardafui ee ku xirmay roobabka iyo sidii loo caawin lahaa shacabka ku dhaqan gobolkaasi ee go’doonsan. Halkaan ka daawo wareysiga Wasiirka oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo kulan deg deg ah ka yeelatay xaalada go’doonka gobolka Guardafui appeared first on Puntland Post.
  21. Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug ayaa maanta soo saaray jadwalka hannaanka doorashada Galmudug. 25 ilaa 28 bishan November waxaa la xaqiijin doonaa odoyaasha dhaqanka maamulka Galmudug. 29 November ilaa 9 December waxaa la xuli doonaa xildhibaanada cusub ee Galmudug. 10 December ilaa 12 December waxaa la howlgalin doonaa Baarlamaanka cusub ee Galmudug 13 December ilaa 16 December waxaa la dooran doonaa Guddoon Golaha Baarlamaanka Galmudug. 17 December ilaa 23 December waxaa la dooran doonaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug. PUNTLAND POST The post Hannaanka doorashada Galmudug oo la shaaciyey appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu fidiyey Guddigii qabanqaabada Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho, martidii ka qeyb gashay iyo maalgeliyeyaasha waddaniga ah ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Shirweynahan. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee sida is-xilqaannimada ah u maalgeliyey qabsoomidda Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhiirri geliyo dhallinyarada maskax-shiilka ah ee ku hamminaya in ay la tartamaan dunida casriga ah. “Maalgelinta aad u sameyseen barnaamijkan macno weyn ayey leedahay, sababtoo ah waxaad ku dhiirri geliseen dhallinyaradeenna hal abuurka iyo curinta, kuwaas oo fure u ah horumarka dalkeenna iyo sidii aan ula tartami lahayn dalalka kale ee caalamka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey dhallinyarada qaban qaabisay iyo hal abuureyaasha Soomaaliyeed ee ka qeyb galay Madashan qorshaha Dowladda ee ku qotoma joogteynta bandhigyada hal-abuurka dhallinyarada, diyaarinta qorsheyaal Qaran oo ku wajahan horumarinta tiknaloojiyadda iyo xarummo cilmi bariseed. Dhankooda, daneeyeyaasha tiknoloojiyadda, guddiga qaban qaabada, maalgeliyeyaasha iyo hal abuureyaasha Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa la wadaagay miro-dhalka Madasha tiknaloojiyadda ee sanadkan, farriintooda ku aaddan horumarinta dhanka cilmiga iyo dib u kabashada dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey xubnaha Komishanka cusub doorashooyinka oo muran xooggani ka taagan yahay, Halkan hoose ka DAAWO Source