Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan ka qalin jebiyay dugsiyada sare ee dalka ayaa lagu wargeliyay in aysan heli karin Shahaadadii ay xaqa u lahaayeen sida ay noo sheegeen tobaneeyo kamid ah ardaydaasi. Ardaydaan oo laga soo saaray Jaamacadihii ay dhiganayeen ayaa iyagoo cabasho ah u tagay wasaaradda waxaana lagu wargeliyay in shirkadii daabacadda ay xageeda cilad ay ka jirto sidaas darteedna ay dib u dhacday ilaa dhowr bilna ay qaadan karto. “waxaa noola sheegay in aan hadda iyo waqti dhow aan heli karin shahaadada sababtana ma ogin” ayuu yiri arday ka tirsan koox dhalinyaro ah oo shalay wasaaradda u doontay shahaado. Saraakiil ka tirsan Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto arintaan islamarkaana ay dib uga dhacday in badan oo kamid ah ardayda Soomaaliyeed balse ay xalin doonaan sida ugu dhaqsiyada badan.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shalay deegaanka Taleex ee gobolka Sool ku soo dhaweysay ciidamo badan oo ka soo goostay Puntland, kuna soo biiray Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi. Ciidamadan ay soo dhaweysay Somaliland ayaa tiradoodu waxay dhameyd ku dhawaad 150-askari oo ku gaashamnaa gawaadhi iyo agab kale oo dagaal, iyagoona shalay si rasmiya ugu soo biiray Somaliland. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ciidamadaasi si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Taleex, kuwaasi oo uu hogaaminayay Gaashaanle sarre Cali Diiriye Baale. Wasiirka oo la hadlayey ciidamadan ku soo biirey Somaliland, ayaa ugu horeyntii uga mahad-celiyay sida ay u doorteen inay u soo garab istaagaan Somaliland, isla markaana ay arkeen in uu dhacay gabalkii Puntland. Koore ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadan ay ahaayeen kuwii ugu adkaa ee ay muddo dhowr iyo toban sanno ah isku hayeen deeganadaasi, kuwaasi oo goor dambe garwaaqsaday in waxba kama jiraan tahay sheegashada Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye. Somaliland iyo Puntland ayaa iyagu inta badan waxay soo bandhigaan ciidamo kala taabacsan oo ka soo kala goosta labada dhinac, xili ay weli taagan-tahay xiisada dagaal ee labada dhinac ee deegaanada gobolka Sool.
  3. Maxaa aasaas u ah Musuq-maasaq? Musuq-maasaqa waxaa aasaas u ah dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin kuwa hoos ku xusan: Nidaam xumo: waa marka aanu jirin nidaam iyo shuruuc dejisan oo la raaco, ama shuruucdii way jirtaa e waxaan jirin, ganaax iyo ciqaab ay umadaasu ka baqato oo qabanaaya hadii ay ku talaabsadaan musuqmaasaq (when there is a lack of law enforcement). Maamul xumo: waa marka aan madaxa guud ee maamulaha goobtaas, meheradaas, wadankaas aanu ka warhayn waxyaabaha ka socda meheradiisa ama maamulkiisa. Waxaa kale oo maamul xumo soo gelaaya marka maamulku uu og-yahay in musuq-maasaq jiro laakiin aanu dan ka layahayn ama aanu dhib u arag musuq-maasaqa, taana waxaa aasaas u ah inta uu maamulka laftiisu musuq-maasaqa raali ka yahay ayuu isaguna musuqmaasaq ku jiraa. Hadii aynu u baydhno dhinaca diinta islam ka waynu ognahay in musuq-maasaqu (qishku) uu yahay dhaqan xun oo Nebigeenii Suubanaa ka digey oo uu yidhi qofka na qishaa nagama mid aha. Xaguu marayaa musuq-maasaqa Somaliland? Waxaa laga yaabaa in lagu kala duwanaado jawaabta su’aashan, laakiin anigu waxaan ahay Hanti-Dhawr madax banaan (Qualified Auditor) mudo dheer na ka dhex shaqaynaayey Jamhuuriyada Somaliland, waxaan xog-ogaal u ahay ama indhahayga ku arkayna aad bay u badan yihiin. Marka laga hadlaayo cashuur ururinta waxaan indhayga ku arkay cashuuro la qabtay oo resiidhka iyo cashuurta la soo qaaday ay aad u kala fog yihiin, taasi waxay ku tusaysaa in cashuur bixiyuhu raali ka yahay in cashuurtii laga qaaday in ka yar loogu jaro rasiidhka. Waxaa marag madoonto ah oo laga wada warqabaa goob kasta oo lagu hayo hanti qaran in cidii ka agdhawi kuu sheegi karto in wax is daba marin badani jirto. Qoraalka waxaan ugu talo galay wacyi gelin iyo dareensiin aan bushada dareen siinaayo in uu yahay musuq-maasuqu aafo qaran oo aad u hadhaysay Jamhuuriyadan Barakaysan ee Somaliland, is weydiintuna waxay tahay goormaynu wadaniyiin noqonaynaa oo dareemaynaa xumaanta muqus-maasaqa, waxaan hubaa in qof kas ta oo reer Somaliland ahi hayo xog ku saabsan arimahaas foosha xun ee aan loo aabo yeelayn hantida qaranka iyo umada maatadda ah hantidooda. Sidee looga bixi karaa ama loo xakamayn karaa Musuq-maasaqa? 1. In maamulka ugu sareeyaa ka hufnaado musuq-maasaq, kana dhiidhiya, oo go’aansada inaan loo adkaysan Karin musuq-maasaq lana cidhib tiro (zero tolerant on corruption). 2. In cidii lagu helo musuq-maasaq la mariyo ganaax waafaqsan sharciga oo tusaale u noqon kara cid kasta oo isku dayda in ay marto dariiqaa foosha xun. (Tougher penalties to set an example). Ma u muuqataa Somaliand mid u socota dhinaca la dagaalanka iyo xayiraada musuqmaasaqa? Su’aashan qof waliba dareekiisa ayuu kaga jawaabi doonaa, e su’aasha is weydiinta mudani waxa weeye, hore ma loo arkay cid lagu soo eedeeyey oo lagu helay musuq-maasaq oo mutaysatay ciqaab? Ku wii ugu danbeeyey ee lagu soo eedeeyey musuq-maasaqa ee weliba Hanti Dhawr ka Guud ku helay denbigaa, waxaa weli hortaagan Xeer Illaalinta Somaliland, oo iyaduna weydey sharci ay ku qaado ama ku fuliso cidii denbigaa lagu helay oo manta si xor ah uga dhex shaqaysa gudaha caasimada, waxaan ognahay in kuwii musuq-maasaqa ugu weyn lagu helay ay jaamacadaha wadanka wax ka dhigaan, kama xumi inay xor ahaadaan laakiin waxaan ka xumahay inay jiilka cusub wax baraan, waxay barayaan wixii ay ku wanaagsan yihiin (everyone teaches what they are good at). Waxaa xusid mudan laba tusaale oo ku saabsan musuq-maasaq oo kala ah laba wadan oo kaalinta hore kaga jiri jirey musaq-maasaqa iyo sida ay wax isaga bedeleen oo kudayasho mudan. Pakistan: Xiligii ka horeysey madaxweyne Pervez Musharraf waxay Pakistan kaga jirtey liiska musuq-maasaqa kaalmaha ugu horeeya, laakiin wuxuu ku sameeyey isbedel weyn, inkasta oo aanu dabar jarin, isaga qudhiisanaya eedaymo loo soo jeediyey. Rwanda: Rwanda waxay ahayd intii ka horeysen Paul Kagame wadamada ugu faqiirsan uguna danbeeya wadamada caalamka, waxa uu Paul Kagame manta soo gaadhasiiyey mudo 10 sano gudohood ah wadamada ugu musuq-maasaqa yar aduunka. Waxaan kalsooni badan ku qabaa jiilka cusub ee u soo socda Somaliland oo aan rajaynaayo inay noqon doonaan kuwo ka hufan oo ka fog musuq-maasaqa, Somaliland na waxaa u rajaynayaa guul. Nina uma dhaweynine cidlaan dhidibay warankaas ALLAH MAHAD LEH Musa Yusuf Noor (Musa Idigaa) Qunyar Abees Chartered Certified Accountant & Registered Auditor And Public Financial Management Expert Qaran News
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/BAr__Qubanaha-01112019-sax.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeetti ayaa sheegtay in dhawaan la qabanayo kulan ciyaareedkii kama dambeysta ahaa ee degmooyinka Waaberri iyo Dharkiinleey ee gobolka Benaadir. Kulankaan oo ahaa Finalka tartankii degmooyinka gobolka Banaadir ayaa horay ugu baaqday kadib markii wasiirka cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ay korontada ka dansatay garoonka xilli ay ku sugnaayeen kumanaan qof. Gudoomiye Basma ayaa hadda sheegtay in cayaarta ay dhaceyso 5-ta bishan December oo ah maalinta khamiista, waxayna ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka in ay ka soo qeyb galaan si loo muujiyo horumarka caasimadda. Caasimada Online ayaa ogaatay in khilaaf u dhaxeeya maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya ay sabab u aheyd in Khadiija ay korantada ka damiso garoonka habeenkii cayaarta ee 24-kii October. Khadiija iyo Cumar Filish ayaa isku qabtay cayaaraha gobolka Banaadir oo wasaaradda ay dooneyso inay kaalin ku yeelato, halka Filish uu ku dooday in wixii heer gobol ah aysan wasaaradda shaqo ku lahayn. Si kastaba Khadiija ayaa rumeysan in haddii banaanka laga dhigo cayaaraha gobolka ay taas macnaheedu tahay inaysan jiri doonin wax ay qabato wasaaradda, maadaama Muqdisho ay tahay magaalada kaliya ee ay ka howl-gasho. Waa taas sababta keenta inay korontada ka dansato garoonka Injineer Yariisow, xilli ay dhici rabtay cayaarta finalka degmooyinka gobolka Banaadir. Khadiija ayaa la sheegay inay ka xun tahay in wasaaradda aan kaalin laga siin qabashada tartankan. Guddoomiyeyaashii ka horeeyey Filish ayaa wasaaradda kaalin ka siin jiray cayaarahan, hase yeeshee Filish ayaa taas meesha ka saaray, taasi oo ka carreysiisay Khadiija. Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa xaqiijinaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ugu dambeyn xaliyey khilaafkii Khadiija iyo Cumar Filish.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta Muqdisho ka furay shir weynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay caqabad uu sheegay inay Al-Shabaab ku hayaan dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye. Kheyre ayaa sheegay in dhismaha wadaas lagu soo gab-gabayn doono muddo labo bil gudahood ah, taas oo fududeyn doonta sida uu sheegay khudaarta iyo adeegyada kale ee iskaga gudba gobolka Shabeellada Hoose iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. “Intii dhismuhu ku socday wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye waxay argagixisadu soo weerartay in ka badan 11 mar, wado loo dhisaayo shacabka Soomaaliyeed qofka raba inuu hor istaago diin nalama wadaago, dal nalama wadaago, calana nalama wadaago waa inaan iska celinaa hadii aan Soomaali nahay” ayuu yiri R/Wasaare Kheyre. Ra’iisul wasaaraha ayaa soo hadal qaaday dib u habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo dhalinyaradii ka soo qeyb gashay kulanka ku dhiira galiyey inay yihiin milkiilayaashii dalkaan, sidaas darteedna looga baahanyahay inay ka qeyb qaataan suulinta musuq maasuqa oo uu sheegay inuu yahay midka la degay dalka. “Intuu musuq maasuq dalka ka jiro cadaalad jiri meyso, kala dambeyn jiri mayso, inta musuq jiro dowlad xoog lihi dhalan mayso, argagixisadana kama adkaa doono, waxaan rajeynaa inaad u soo jeesa doontaan isla xisaabtan iyo suulinta musuqa, si aad uga *****saan lahaan shaha dalkan” ayuu yiri Kheyre. Shirkaan oo ay ka qeyb galeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee xukuumadda Soomaaliya, waxuuna socon doonaa muddo afar maalmood ah.
  7. The US is an active participant in the war against Al-Shabaab in Somalia, efforts that have increased in the last few years under the Trump Administration. Source: Hiiraan Online
  8. Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa degmada Taleex ee gobolka Sool ku soo dhaweeyay, ciidamo uu wasiirku sheegay in ay ka soo goosteen dhinaca Puntland. Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay halkaasi, ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ku dhowaad 150 askari oo ka soo goostay ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Sool, gaar ahaanna degaanka God-qaboobe oo ka tirsan Tukaraq. Mudane Koore, ayaa sidoo kale sheegay in ciidankaasi oo sida uu xusay ku hubaysan gaadiidka dagaalka ay ku biireen ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, isago ballan-qaaday in ay heli doonaan xuquuqdooda oo dhammaystiran. Sidoo kale, Gaashaanle sare Cali Diiriye Baalle oo hoggaaminayay ciidankaasi, ayaa sheegay in ay ka soo goosteen ciidamada Puntland, wixii hadda ka dambeeyana ay daacad u noqon doonaan maamulka Somaliland. Dhankeeda, Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin ciidanka lagu soo dhaweeyay degmada Taleex oo Somaliland sheegtay in ay ka soo goosteen Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Somaliland oo soo dhoweysay ciidamo la sheegay in ay ka goosteen dhinaca Puntland appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Kheyr, ayaa Maanta daah furay shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mudnaan siinta Dhallinyarada oo Laf-Dhabar u ah horumarka Bulshadda iyo ilaalinta Qaranimada. Shir weynaha Saddaxaad ee Dhallinyarada ee uu Ra’iiusl Wasaaruhu daah-furay ayaa soconaya Deseembar 01-04, 2019. Wuxuuna shirkani halkudhiggiisu yahay “Milkiilayaasha Dalku ma oggola musuq-maasuq iyo xagjirnimo”, Waxaana sidoo kale looga hadlayaa la dagaallanka musuq maasuqa, xagjirnimada iyo Ka qeyb galka dhallinyarada ee arrimaha Siyaasadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay dagaalka Argagaxisada lagula jira iyo fikirka xagjirnimada maadaama aysan ogolayn horumarka Dalka, ilaalinta Qarannimada. Wuxuuna tusaale u soo qaatay in dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay Argagaxisadu soo weerartay in ka badan 10 jeer si ay uga hor tagto horumarka la hiigsanayo. Mudane ; Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira Ciidamada qalabka sida iyo Saraakiisha hoggaamisa ee u taagan ilaalinta nafta iyo maalka Ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inta uu Dalka musuq ka jiro aan caddaaladi jiri karin, kala dambeyn iyo Dowlad xoog leh aan la helayn, Argagaxisana laga adkaado, ayaa dhallinyarada ku dhiirri geliyay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo dowladnimada, qaybtoodana ay ka qaataan dagaalka lagula jiro musuqa. Wuxuuna ugu dambeyn ugu baaqay Dhallinyarada in ay is-weydiin meesha hadda la jooga, jihada loo socdo iyo Waddada loo marayo si loo gaaro horumarka la hiigsanayo,dhaxal wanaagsanna loo helo. View the full article
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markale ka hadashay xidhiidhkeeda kala dhaxeeya Itoobiya iyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Eratariya, Itoobiya iyo Soomaaliya. Somaliland ayaa markale ku celisay in xidhiidhka Itoobiya uusan waxba iska badalin, iyadoona ka dhawaajisay in wax muhiim ah oo sameyn ku yeelan kara xidhiidhkooda aysan ilaa hadda u muuqan. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland oo la hadlayey wargeyska The Reporter oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoona meesha ka saaray walaac ay hore u muujiyen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkoodu. Yaasiin Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay ku soo wargelisay in dhaqso u soo magacaabi doonto qunsulkii Itoobiya ee Hargeysa, kaasi oo jagadiisu ay banaantahay muddo dhowr bilood ah. “Waxaanu wadaagnaa xuduud, laakiin weli ma aragno wax sidaa muhiim u ah oo saamaynaya xidhiidhkayaga qotada dheer. Somaliland ma aaminsana in Itoobiya dhinac martay” ayuu yirI Wasiir Yaasiin Faratoon. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxba kama qabno heshiiska saddex geesoodka ah ee Itoobiya ay la saxeexatay Soomaaliya iyo Eratariya, umana yeedhinayno in Itoobiya ay Soomaaliya la yeelato Xidhiidh wanaagsan ama in aanay la yeelan. Waxaanu xidhiidh wanaagsan oo dhinac walba ah la leenahay Itoobiya, kamana cabanayno heshiiska saddex geesoodka ah”. “Warbaahintu waxay bidhaaminaysaa in banaanshiyaha Jagada Qunsulka guud ee Itoobiya u fadhiyey Somaliland ay sababtiisu arrintaa la xidhiidho, waxaan doonayaa inaan hoosta ka xariiqo in xidhiidhkayaga diblumaasiyadeed mid adag, waxaana la noo sheegay in diblumaasigan dhaqso loo soo magacaabi doono, arrintan waxaanu kaga wada xidhiidhnay diblumaasi ahaan iyo dariiqyo kale”.
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-01122019-1.mp3 View the full article
  12. London (Caasimadda Online) – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Usman Khan, oo ahaa shakhsigii weeraray Buundada London, horay xukun xabsi ah garka loo galiyay kadib markii lagu helay dambi ah inuu ka qeyb ahaa qorshe walxaha qarxa lagu geyn lahaa Suuqa Saamiyada ee magaalada London. Booliis hubeysan ayaa toogasho ku dilay Mr. Khan oo da’diisa lagu sheegay 28-jir, sidoo kalana xabsigii uu ku jiray fasax uga soo baxay. Xogaha la helay waxey xaqiijiyeen inuu laba qof middi ku dilay, sidoo kalana uu dhaawac u geystay saddex kale intii uu ku jiray weerarkii ka dhacay Buundada. Sideed sano xabsi ah oo aan wakhti go’an laheyn ayaa lagu xukumay sanadkii 2012, waxaana kaliya la doonayay in halistiisa laga badbaadiyo bulshada, waxaa la fahamsan yahay in xukunada nuucaas ah ay qaadato muddo sideed sano ah, balse xukunka wuxuu booliiska u ogolaanayay iney xabsiga kusii heyn karaan muddo intaas ka badan. Mr. Khan waxaa la sheegay inuu ku dhashay kuna barbaaray Stoke-on-Trent. Sanadkii 2013 maxkamadda racfaanka ayaa meesha ka saartay xukunkii lagu xukumay, waxeyna ku riday 16-sano xarig ah taasoo qasab ka dhigeysay inuu ugu yaraan laba meelood meel qaato. Warbixino la helay waxey sheegayaan in koox ka kooban 9 qof oo uu ku jiro Khan loo xilsaaray iney fuliyaan qorsheyaal uu ka mid ahaa weerar la fashiliyay oo lagu qaadi lahaa suuqa Saamiyada London, waxaana la sheegay in ragaan ku fikirka ah ururka Al-Qaacida ay xaaladooda la socdeen MI5 oo ah sirdoonka gudaha ee Britain. Sidoo kale xogaha la helay waxey sheegeen in kooxdaan ay qorsheynayeen iney goobaha ugu mashquulka badan magaalada ay ku dhasheen badankood ee Stoke ku xiraan waxyaabaha qarxa sida Musqulaha iyo meelo u dhaw goobaha lagu caweeyo. Sidoo kale waxaa qorsheysnaa in Khan uu aadi lahaa madarasooyin dibadda laga dhisayo oo oo lagu tababaro dadka kooxdooda taageersan, wuxuuna u aruuriyey dhaqaale. “Waxyaabo kala duwan ayey ka fakareen kooxda, Pakistan ayeyna ka fureen madaraso ciidan, waxeyna doonayeen iney kusoo tababartaan, sidoo kalana ay dad kale ku tababari lahaayeen, sidoo kale iney weeraraan xaafadaha shacabka, warqado bam ku saabsanna ay ku diraan boostada, sidoo kalana ay adeegsadaan kooxda cunsuriga ee UK, weerar u qaab ahaa midkii Mumbai iyo xarumo can ah oo ay weeraraan” ayaa lagu yiri Xukunkii maxkamadda racfaanka Sidoo kale Maxkamadda waxey sheegtay iney kooxdaan sameysteen qorshe dheer oo ku saabsan inuu Khan khibrad kasoo helo tababar uu lasoo sameeyo kooxaha argagixisada, sidoo kalana ay kusoo noqdaan UK. Waxaa jiray Mohibur Rahman oo lala xiray Mr. Khan, waxaana lagu helay qorsheynta qarax kadib markii xabsiga laga sii daayay, iyadoo la sheegay in dib laga soo xiray hadana. Ugu dambeyntii waxaa la ogaaday iney abaabuleen oo ay dhiirigaliyeen kooxo kale oo si dhaw u qorsheynayay weeraro laga geysan lahaa UK, kuwaas oo isku arkayay jihaad doonayaal.
  13. (SLT-Garoowe)-Digreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha ayaa Gaashaanle loogu dalacsiiyey Bashiir Cismaan Cawad oo hore u ahaa Kabtan. Bashiir oo ah Taliyaha kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe ayaa dhiirigaliya dadka la nool cudurka HIV/AIDS oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor. Wareegtada ayaa u qroneyd. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Markuu arkay:- Dastuurka D Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle Dhamme Bashiir Cismaan Cawed ayaa sidoo kale ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe, waxaana cudurka HIV/AIDS ku riday xaaskiisa. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku. Dalacsiinta sarkaalkan ayaa ku soo beegantay maanta oo dunida looga aqoonsaday maalinta cudurka dilaaga ah ee AIDSka. Gaashaanle Bashiir Cawad ayaa ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Badda Somaliland Iyo Jabhadda Kornayl Caarre Oo Lagu Eedeeyay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa sheegay in Xukuumaddu gurmadkii looga baahna inay ka samayso khasaarihii ka dhashay roobabkii ka da’ay Gobolka Salel, aanay ka qaban,waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay mar walba ka warhayso dalka iyo dadkaba. Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qabyaalada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Roobabka ka da’ay Gobolka Salel, gaar ahaan Saylac iyo deeganada ku dhaw, khasaara ayey keeneen, roobabka ILLAAHAY ayaa qadaray inay da’aan, khasaare kasta oo ka dhashana ILLAAHAY ayaa qadaray, oo cid wax ka qaban kartaa ma jirto, laakiin go’doonka ay Saylac ku jirto Xukuumad u gurmatay oo dan ka leh ma aragno, waxaa se leeyahay Xukuumaddu ha ka war hayso oo mar walba ha ogaato dalka iyo dadkaba, waxaanada mooda in Xukuumaddu xaalada dalka ka war haynin ee xogogaal ha u noqoto, oo xaalada kasta oo soo korodha oo dalka iyo dadkaba ku soo korodha sida ugu dhakshaha badan wax uga qabato”. Mar uu ka hadlaayey qabyaalada ayaa wuxuu yidhi “Waxaad mooda oo muuqata in qabyaaladii xadhkaha gooysatay,qabyaaladuna waa aafo, haddii dariiqa saxda ah laga leexiyo, ee qabyaaladan aafada inagu noqotay ee cid walba ka hadlayso aynu ka dheerano, oo yeynaan dib ugu noqon” Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Ciidammo Ka Soo Goostay Maamulka Puntland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Duleedka Magaalada Taleex, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Wasiirrada Cusub ee Somaliland!! Waxaan Jeclahay dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan nolol wanaagsan, nabad gelyo iyo xasilooni, ay aduunka kula tartamaan iney gaadhaan. Somalilandina waa kuwa ugu horreeya soomaalida oo mudan iney noloshaas helaan. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Khayrka Allaha waafajiyee, ayaa magacaabay wasiirra cusub sida wararku sheegeen. Waa munaasabad aan mar kale ku xusuusin karro dadka ummadda xilalka u qabata, meel kastaba ha joogaane, xilka iney si fiican u gutaan ama naftooda ciqaabta adduun iyo aakhiro uga tudhaan. Xadiisku wuxuu sheegayaa xilku: (Adduunka waa ammaano, aakhirana waa ceeb iyo shallaytin). (Qofkii 10 madax u noqda yawmul qiyaama wuxuu imanayaa isagoo gacmuhu qoorta ugu xidhan yihiin, caddaaladda keliya ayaa ka fureysa, ama dulmiga ayaa halaagaya) xadiis. Waxaan si gaar ah ula talinayaa: Wasiirka loo magacaabay biyaha iyo wasiirka loo magacaabay xoolaha iyo kalluunka! Wasiirka biyaha waxaan leeyahay: saaxiib, Allaha kuu gargaaro, ma ogtahay masuuliyadda aad maanta qaadday oon xalay ku saarnayn? Dadka reer somaliland iney biyo macaan oo nadiifa cabbaan ayaad qaadday! Roobku markuu da’o, oo daadku togaga buuxiyo sida: Maroodi jeex, Arabsiiyo, Aw barkhadle iyo dacar buluq, in biyahaas la kaydiyo ayaad qaadday! Inaan daadku dadka iyo duunyada maalin walba la tegin ayaad qaadday! Adeegga biyuhu guryaha wada gaadho ayaad qaadday!! Waa adeega adduunku 100 sano ama 50 sano ka hor ka faraxashay oo aan lagaba hadlin, dhalinteennuna badaha ugu daadanayaan!! Waa la samayn karaa saaxiib, hadii go’aan lagu gaadho, qorshana la dejiyo, Rabbina loo tala saarto. Wasiirka xoolaha iyo Kalluunkana waxaan leeyahay: Somaliland saaxiib wexey hodon ku tahay oo Eebbe ku manaystay xoolo berri iyo bad leh! ma ogtahay masuuliyadda aad qaaday maanta, ee inta Muuse Biixi aanu ku weydiin Ilaahay ku weydiinayo? Hadaad kasoo baxdana taariikhda aad geleyso, haddaad ka bixi weydana sida dadkii kaa horreeyey hoog ay halaag ay tahay? Waxaad qaadday: Xoolaha Ilaahay na siiyey, inaad kobciso, beero u samayso, xanaana u yeesho, sida New Zealand wananka ugu nooshahay, idiheenna iyo riyeheenna aad u qorshayso, hilibka adduunka isagoo nool iyo isagoo bisil aad u dhoofiso, dadku ay shaqo iyo lacag ka dhergaan, wershedo u samayso, hantida Ilaahay na siiyey inaad ogaato oo nooga faa’iidayso, adduunka dad aan xoola haysan iyo hilib haysan lacagna haysta ayaa diyaar la ah iney qaataan! Haddaad dooneyso afkaartana meel walba ayey taallaa, go’aan iyo shaqo iyo aragti ayaa loo baahanyahay, lacagta iyo wershedaha iyo diyaaradaha iyagaa la imanaya, badda guudkeeda ama buurta sheekh korkeeda iyagaa keensanaya, adigu ma ku kalsoontahay? Ma iib geyn kartaa? Ma ka shaqayn kartaa? Miiskaaga subax walba ma saari kartaa? Dadka soomaalida ah ee bartay xoolaha iyo badda ma ka faa’iidaysan kartaa? Adna magac iyo sharaf ku gaadho, dadka reer soomaalilandina ha dhergaan, soomaalida kalena halla wadaagto, illeen gobanimada reer sheekh waa la ogyahay in wax lala cuni karo? Wassalaam. Source
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya Donald Yamamoto. Sida lagu sheegay qoraal ay twitter soo dhigtay safaaradda Mareykanka, Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana ay isku raaceen in Dowladda Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo mucaaradka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wanaagga Soomaaliya. Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay dhiiragelineyso sii wadida wada shaqeynta iyo Iskaashiga u dhaxeeyo dhammaan qeybaha kala duwan oo ay khuseyso siyaasadda Soomaaliya si loo abuuro jawi dagan oo suura gelin kara qabashada doorasho xor ah, xalaal ah kuna dhacdo waqtigeeda. Dhinaca kale Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho kula kulannay Danjire Donald Yamamoto oo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga 2020/2021.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda” Sheekh Shariif ayaa dhinaca kale safiirka u gudbiyey mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran ee ku aadan doorashada Soomaaliya ee 2021. “Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado.” ayuu Shariika ku yiri qoraalkiisa. Safiirka Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu siyaasad ahaan taageersan yahay madaxweyne Farmaajo, taasi oo sahashay in inta badan beesha caalamka ay ka aamusto xadgudubyada joogtada ah ee dowladda Farmaajo ku hayso shacabka iyo maamul goboleedyada dalka.
  19. Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Sweden, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo JSL/XM/WM/222-388/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada. Waxaanay u dhignaayeen wareegtooyinka madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda; Ku: Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Cismaan Aadan Jaamac Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid [Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga. 4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. 5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada. 7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo golaha isbedel-doonka Jubbaland ayaa Maanta sheegay in aysan jirin wax iska bedelay mowqifkooda ku aadanin Jubbaland aysan ka dhicin wax doorasho ah, isla markaana ay doonayaan in la qabto doorasho xalaal ah. Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayaan in Xubnaha isbedel-doonka Jubbaland ay heshiis la galeen Axmed Madoobe, kadib markii Cabdinaasir seer oo kamid ah xubnahaas uu gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu ula kulmo Axmed Madoobe oo halkaasi ku sugan. Xildhibaan Xidig waxaa uu sheegay in marnaba aysan wax wada-hadal ah kala galeyn in dadka reer Jubbaland iyaga ay doortaan ciddii ay doonaan taas mowqifkoodana uu yahay mid acad. “isbedel-doon ma ahan madax doon, cid kastana waxaa laga rabaa inay micnaha ogaadaan,waxaana rabaa in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,waxaana iga go’an in dadka Reer Jubbaland ay doortaan qofkii ay rabaan” ayuu yiri Xildhibaan Xidig. Xidig iyo Seeraar ayaa la aaminsan yahay inay wadto dowladda Soomaaliya oo xoogeeda isugu geysay sidii Axmed Madoobe meesha looga saari lahaa. Axmed Madoobe ayaa kulamo xal loogu raadinayo Khilaafka Jubbaland ka wado Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, wuxuuna halkaas kula kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo kuwa kale oo Soomaali ah.
  23. Puntland ayaa Gaashaanle u dalacsiisey Bashiir Cismaan Cawad oo ah sarkaal Booliis ah oo la nool caabuqa HIV/AIDS . Digreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha ayaa Gaashaanle loogu hadacsiiyey Bashiir Cismaan Cawad oo horey u ahaa Kabtan. Bashiir oo ah Taliyaha kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe ayaa dhiirigaliya dadka la nool cudurka HIV/AIDS oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor. Dalacsiinta Bashiir ayaa lagu beegay maanta oo ku beegan maalinta dunida laga xuso caabuqa HIV/AIDS ee 1-da December. Korneyl Bashiir ayaa sanado ka hor cudurkan ka qaaday haweeney uu qabay oo u qarisay caabuqan oo ay horey u qabtay. Hoos ka akhriso digreetada lagu dalacsiiyey Bashiir. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr-19, December 01,2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku. PUNTLAND POST The post Puntland oo dalacsiisey sarkaal la nool HIV/AIDS appeared first on Puntland Post.
  24. Garoowe (Caasimadda Online) – Digreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha ayaa Gaashaanle loogu dalacsiiyey Bashiir Cismaan Cawad oo horey u ahaa Kabtan. Bashiir oo ah Taliyaha kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe ayaa dhiirigaliya dadka la nool cudurka HIV/AIDS oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor. “Waxaan maqli jirey berigii hore dadka oo faquuqa qofka qaba Qaaxada, beryo kadib waxaa cadaatay inaanu waxba ahayn, HIV-guna waa sidaas. Waxaan idiin sheegaynaa in qofka faquuqsameeya inaan u aqoonsandoono inuu yahay Dambiile go’aanna waan kasoo saaraynaa ka dowlad ahaan. Waxaan farayaa Hay’adda PAC inay caawiyaan qofkasta oo aan awoodin daawada inuu qaato, waxaan dhowaan soo saaraynaa xeerka lagu dhiqidoona xanuunkan. Waxaan faraya cid kasta oo shaqo kuleh inay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka qaba xanuunka.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Wareegtada ayaa u qroneyd. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Markuu arkay:- Dastuurka D Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle Dhamme Bashiir Cismaan Cawed ayaa sidoo kale ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe, waxaana cudurka HIV/AIDS ku riday xaaskiisa. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku. Dalacsiinta sarkaalkan ayaa ku soo beegantay maanta oo dunida looga aqoonsaday maalinta cudurka dilaaga ah ee AIDSka. Gaashaanle Bashiir Cawad ayaa ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe.