Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka hay’adaha amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo warbaahinta kula hadlayey Kismaayo ayaa faah faah ka bixiyey duqeyn maalin ka hor ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Cabdinuur ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dhaq dhaqaqa Al-Shabaab, kadib markii gantaal lala eegtay gaari uu la socday. Afhayeenku ma shaacin magaca sarkaalkaasi, balse wuxuu tilmaamay inuu dhibaato ka waday deegaanada maamulka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay. Duqeyntaasi ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha Mareykanka, waxaana war ka soo baxay Africom lagu sheegay in lala beegsaday xubno Shabaab ah oo ku suganaa degmada Jilib. Sidoo kale saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay shabakadda Caasimada Online in Jilib duqeyntii ka dhacday lagu baabi’ayey goob Al-Shabaab u aheyd xarun isgaarsiin oo laga hago weerarada ay fuliyaan dagaalamayaasheeda. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa la kordhiyey howlgallada lugta iyo weerarada cirka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada maamulka Jubbaland.
  2. Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Gedo waxay Al-shabaab kaga saareen deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee gobolkaasi. Wararku waxay sheegayaan in howlgalkan oo socday Saddexdii cisho ee lasoo dhaafay ay ciidanku kula wareegeen deegaannada kala ah Raydab iyo Daar Macallin oo Al-shabaab ku sugnaayeen. Maxamed-weli C/laahi Xersi oo ah abaanduulaha ururka 49-aad, guutada 1-aad ee qeybta 43-aad ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in cabasho uga timid shacabka ku dhaqan deegaannadaasi ay keentay iney ku baxaan. Wuxuu tilmaamay in Al-shabaab ay dadka xoog uga qaadanayeen xoolahooda, iyaguna ay ku baxeen, sidaasina kula wareegeen deegaannadan. Abaanduulahan ayaa sheegay in howlgallada sidan oo kale ah sii socon doonaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in khasaare xooggan soo gaarsiiyeen Al-shabaab. Ururka Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal deegaannadan lagala wareegay iyo khasaaraha la sheegay in lasoo gaarsiiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye lagu soo gaba- gabeeyn doono muddo laba bil ah. Ra,iisul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay isku dayday in ay joojiyaan dhismaha ka socda Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, isla markaana Ciidamada Qalabka sida ay fashiliyeen isku day weeraro ay ku soo qaadeen Injineerrada ku howlan dhismaha Waddada. Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan Al-shabaab si looga guuleysto. Wadadaan ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iskaga kala goosha Muqdisho iyo Gobolada dalka, waxeyna kordhinaysaa kobaca dhaqaalaha dalka. Source: goobjoog.com
  4. Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho . Kulanka Maanta ay Golaha Shacabku yeelanayaan ayuu Ajendahiisu yahay Akhrinta Saddaxaad ee ku noqoshada Miisaaniyadda Dalka 2019. Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardar gelinaya howlaha muhiim ah ee horyaala si aanu waqtiga ugu dhammaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Waxaa xalay xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku hoyday Dr. Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka looga yaqaano deegaannada Puntland. Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in ay soo xireen siyaasigan oo xariggiisa loo sababeynayo eedeyn uu Jimcihii lasoo dhaafay u jeediyey madaxweyne Saciid C/laahi Dani. Waa markii Labaad oo siyaasigan la xiro, iyadoo 13-kii October ee sanadkan sidan oo kale loo xiray, balse Saddex cisho kadib lasii daayey., Siyaasigan iyo waxgarad ku sugan magaalada Boosaaso ayaa jimcihii aad ugu dhaliilay in xukuumadda Dani ay dhulal badan oo muhiim ah ku wareejisay shirkado laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta kuwaasi oo ku yaalla magaalada Boosaaso. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixisay duqeyn ay diyaarado dagaal maalin kahor ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland oo warbaahinta ugu warramay Kismaayo ayaa sheegay in duqeyntan lala eegtay gaadiid uu la socday sarkaal sare oo Al-shabaab ah, halkaasina uu ku dhintay. Afhayeenka ayaan sheegin magaca sarkaalkan la diley, iyo wuxuu u qaabilsanaa Al-shabaab balse uu hadalkiisa kusoo koobay in sarkaalkaasi uu laf dhabaru ahaa Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye. Duqeyntan waxaa fuliyey diyaaradaha Maraykanka, iyadoo war kasoo baxay AFRICOM lagu xaqiijiyey oo kaliya duqeyntan dhacday, balse aan la sheegin cidda lagu diley. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhasha weerar xalay saqdii dhexe jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caare ay ku qaaday saldhigga ciidamada Somaliland magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa la sheegay inuu ku bilowday qoryaha waa weyn iyadoona dagaalku uu socday muddo dhowr daqiiqo ah Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay mar qura ku soo tuseen rasaasta la is weydaaranayey. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay, walow aan la xaqiijin karin inta uu la’eg yahay. “Anaga oo iska joogna ayaan waxaan maqalnay rasaas fara badan oo dhaceysa,waxaana naloo sheegay in Ciidamada Korneyl Caare ay weerareen saldhiga Dhexe ee Magalada Ceerigaabo, khasaarana wuu jiraa balse ma ogin xaaladuna waa ay saakay degan tahay ayuu yiri.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka Somaliland ay sameeyeen iska caabin xoogan, welina ma aysan ka hadlin weerarkaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka baxay dhinaca jabhadda hubeysan ee Korneyl Siciid Caare, kaas oo la xariira dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona gudaha magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. Inta badan Korneyl Caare oo si weyn uga soo horjeeda Somaliland ayaa weeraro gaadma ah ku qaada xarumaha ciidamada maamulkaasi ee gobollada Sool iyo Sanaag.
  8. Ciidamada Booliiska ee Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxay kusoo qabteen hub sharci darro ah iyo sidoo kale dadkii watay. Howlgalkan ayaa dhacay habeenkii xalay, waxayna ciidamada ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha Boosaaso, gaar ahaan meello laga war hayey. Taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Bari, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda baaritaan ku hayaan raggii ay qabteen iyo hubka ay wateen. Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in howlgalkii xalay ay sidoo kale ku qabteen gaadiid lagu raad joogay, balse waxa ay ahaayeen gaadiidkaasi ma aanu sii faah faahin. Taliyaha ayaa ugu dambeyn u digey dadka wata gaadiidka Miraayadaha madow leh ee horey looga mamnuucay Boosaaso, wuxuuna sheegay in tallaab adag laga qaadi doono. Ciidamada Puntland ayaa xoojiyey howlgallada ammaanka lagu sugayo ee ay ka sameynayaan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ciidamada Puntland ayaa xalay howlgallo lagu xaqiinayo amniga ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidanku ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadaan lagu soo qab qabtay hub sharci darro ah iyo gaadiid lagu raad joogay. Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Bari, G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-soofeysane-taliyaha-qeybta-boliiska.mp3 View the full article
  10. Haweeney u hanjabtay Ilhaan Cumar oo la ciqaabay Dhowr jeer ayaa loo hanjabay Ilhan Shirkadda baraha bulshada ee Twiter ayaa xirtay akoonka ay barta twiter-ka ku laheyd haweeney lagu magacaabo Danielle Stella, oo katirsan xisbiga madaxweyne Donald Trump. Haweeneydan oo doorashada soo socota dooneysa in kursiga aqalka Kongreska ee Minnesota kula tartanto Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twiter-ka kusoo qortay in Ilhaan Cumar la daldalo iyadoo sabab uga dhigtay eedeymo ay u jeedisay. Wargeyska The Washington post ee dalka Mareykanka oo soo wariyay xanibaada lagu sameeyay akoonka haweeneydan u hanjabtay Ilhaan ayaa sheegay in Stella oo ciwaankeeda ololaha doorashada uu ahaa @2020MNCongress ay eedeyn u jeedisay Ilhaan, waxaana twiter-ka ay ku qortay: ” Haddii la xaqiijiyo in Ilhaan ay macluumaad ah xasaasi ah u gudbisay dalalka Iran iyo Qatar, waa in la maxkamadeeyaa, laguna soo ogaa khiyaan qaran oo la daldalaa”. Waxaa kale oo ay Stela sheegtay in Ihaan ay dalal shisheeye u gudbisay maclumaad sir ah oo ku saabsan dalka Mareykanka, waxaana ay intaa ku dartay oo baraha bulshada ay soo dhigtay sawir muujinaya Ilhaan Cumar oo la daldalayo. Waxaa maalmaihii lasoo dhaafay Ilhaan Cumar loo jeedinayay eedeymo ah in dalalka Qatar iyo Iran ay u gudbisay xog sir ah oo ku saabsan Mareykanka, inkastoo aan lasoo bandhigin wax cadeymo ah oo arrintaas la xiriira, Ilhaan ay beenisay eedeymahaas. Wargeyska ayaa kusoo warramay in shirkadda Twiter-ka ay maalma kahor si toos ah u bannaday akoonkaas, iyadoona ku eedeysay Stela in ay ku xadgudubtay shuruucda u degsan. The Washington post ayaa sidoo kale kusoo warramay in Facebook ay tirtirtay isla qoraalkaas ay Stela ku sheegtay in Ilhaan Cumar la daldalo. Ilhaan Cumar Hasayeeshee go’aamadaas ay qaateen shirkadaha Facebook iyo Twiter ayaa waxaa kasoo horjeestay Stella. “Xanibaada la saaray dedaaladeydii waxay muujineysaa in shirkadda Twiter ay marwalba dhinac istaagto oo ay u dagaalanto argagixisada iyo dadka wax basaasa,” ayay Stella u sheegtay wargeyska the Washington Post. Qoraal kale oo ay Stela soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku sheegtay in marnaba aysan hanjabaad u jeedinin qofkale, waxaana ay sheegtay: ” hadalkeyga ayay ka dhigtay wax uusan ahayn, waxaadna u rogtay arrimo diin iyo midab”. Ma ahan markii ugu horeesay oo ay haweeneydan ay weerarto Ilhaan Cumar, oo waxay ahayd horaantii sanadkan, xilligaas oo ay sheegtay in sharci darro ay tahay in xildhibaan Ilhaan ay ka talabixiso arrimaha muhaajiriinta. Ilhaan Cumar oo culeyso siyaasadeed kala kulmeysay dadka taageera siyaasadaha Madaxaweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa maalma kahor waxaa ay naxariis u muujisay nin horay ugu hanjabay in uu dili doona. Ninkan oo lasoo taagay maxkamad ku taala Magaalada New York ee dalka Mareykanka, laguna magacaabo Patrick Carlenio ayaa horay baraha bulshada usoo dhigay hanjabaad uu u jeediyay Ilhaan, wuxuuna ku dhaartay in uu dili doono Ilhaan Cumar. Hasayeeshee Ilhan Cumar ayaa garsooraha maxkamadda ka codsatay in loo naxariisto ninkan oo aan xukun dheer lagu xukumin Qaran News
  11. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidanku ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi, iyadoo uu sameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaq dadka. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari, Gaasnaale Sare Xuseen Cali Maxamuud oo hoggaaminayey baaritaanadaasi ayaa ka warbixiyey, wuxuuna sheegay inay gacanta ku soo dhigay hub sharci darro ah iyo dadkii watay, kuwaas oo loo taxaabay xabsiga. Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo gaadiid ay in mudo ah ku raad joogeen ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari in howlgalladu ujeedkooda uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, isagoo ciidanka Booliska uga digay ay hub ka dhex qaataan gudaha magaalada, iyagoo aan ku jirin shaqo. Dhowaanahaan ciidamada Puntland ayaa xoojiyey baaritaanada ay ka wadaan Boosaaso, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada ee ka dhaca magaaladaasi.
  12. Ha’yadda badbaadada caruurta ee Save The Children ayaa warbixin ka soo saartay fataahado ka dhacay dalalka Soomaaliya, Kenya, Muzambique, Malawi iyo South Sudan. Isbedal lama filaan ah oo ku yimid cimilada ayey ha’yaddu sheegtay in ay saameeyeen in 33 milyan oo ruux oo ku nool 10 dal oo dhaca Qaaradda Africa,dadkaasina ay caruur u badnaayeen. Ha’yadda ayaa sidoo kale sheegtay in malaayiin caruur ah ay ku jiraan qoysaska ay barakiciyeen fataahadaha ka dhacay dalalkaasi ay Soomaaliya ku jirto ,islamarkaana xilligan caruurtaasi ay u baahan yihiin cuno iyo gargaar bin aadanimo. Sidoo kale warbixinta ha’yadda Save The Children ayaa lagu xusay in qiyaastii 2,000 kun oo ruux ay ku geeriyoodeen duufaano iyo fataahado ka dhacay dalalka Soomaaliya, Kenya.Muzambique, Malawi iyo South Sudan. Fataahadaha sanadkan ka dhacay Soomaaliya ayaa waxaa khasaarihii ugu badnaa sababay fataahaad uu wabiga Shabelle ku sameeyay magaalada Beledweyne, halkaas oo qiyaastii ay ku barakaceen malaayiin qoysas oo deegaan ugu ahaa degmadaasi. View the full article
  13. Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka horumarinta reer miyiga iyo kheyraadka dabiiciga ee Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo la hadlayey warbaahinta ayaa uga digay ajaabiibta ku sugan deegaanada maamulka inay ku xadgubaan sharciga. Cabdirisaaq ayaa sheegay in cidkasta oo jabisa shuruucda Somaliland la ganaaxi doono, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga. Dhowaan ayey aheyd markii Somaliland ay xabsiga dhigtay 9 nin oo dhalasho ahaa ka soo jeeda dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo howlo ugaarsi ka waday maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-jaamac-.mp3 View the full article
  14. R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey furitaanka shirka dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay da’yarta inay qeyb qaataan dib u dhiska dalka. Khayre ayaa ka dalbatay guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed inay u sitaagaan sidii wax looga qaban lahaa amniga iyo ciribtirka musuq-maasuqa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhalinyaradu tiir dhexaad u yihiin dalka, islamarkaana loo baahan yahay inay qaataan doorkooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-2-cabdiqani.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-02112019.mp3 View the full article
  16. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in markale la xiray siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga u taxaabay siyaasigaasi oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Xariga siyaasiga Muuse Cali Jaamac ayaa waxa uu ka mid yahay tiro iyaasiyiin ah iyo odayaal habeenadii la soo dhaafay lagu xiray gudaha magaaladaasi. Xubnahan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ka soo horjeedaan maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo heshiiskii Puntland ay la gashay shirkadda DP World ee hadda maamusha dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Sidoo kale xariga waxgaradkaan ayaa daba socda, kadib markii shirar ka dhan ah Puntland ay ku qabteen Boosaaso, kuwaas oo lagu dhaliilayey hoggaanka maamulkaasi. Muuse Cali Jaamac oo si weyn mucaarad ugu ah xukuumadda Deni ayaa ah markii labaad ee la xiro, iyadoo dhawaan xabsiga laga sii daayey,markii lagu waayey dambi. Arrintan ayaa waxa ay uga sii dareysaa xiisada ka taagan maamulka Puntland, gaar ahaan gudaha magaalada Boosaaso, taas oo ka sii dareysa marba marka ka dambeysa.
  17. Dr Muuse Cali Jaamac Ciidamada Amniga gobolka Bari, ayaa mar kale xabsiga dhigay siyaasiga Caanka ah ee Dr. Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale ay Jimcihii la soo dhaafay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Puntland. Siyaasi Muuse Cali Jaamac, ayaa duhurnimadii Shalay ciidamada Amnigu ka qabteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ay markiiba u dhaadhiciyeen xabsiga weyn ee Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga oo diiday in la xigto magacyadooda. 13 October ee sannadkan ayaa sidaan oo kale Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib 16 October ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed. Dhinaca kale, ciidamada ayaa Sabtidii sabsiga u taxaabay, laba Nabaddoon oo kamid ahaa odayaashii xukuumadda ku dhaliilay, in ay shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE iyo Maxjarka Xoolaha. Odayaashu waxa kale oo ay xukuumadda u soo jeediyeen, in ay ka baxdo Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, kaasi oo ay sheegeen in aan waxba ka fulin mudadi shirkaddu gacanta ku haysay dekeddaasi. PUNTLAND POST The post Puntland oo mar kale xabsiga dhigtay Siyaasiga Caanka ah ee Dr Muuse Cali Jaamac appeared first on Puntland Post.
  18. G20 presidency will see it host world leaders for global summit next year in Riyadh. Source: Hiiraan Online
  19. Turkish President Recep Tayyip Erdogan has announced the day that TurkStream, the 917 km pipeline across the bottom of the Black Sea, will officially be commissioned in Istanbul, Source: Hiiraan Online
  20. The relative stability Somaliland has seen for years is now at risk of coming undone. What ought to have been the first parliamentary elections in this autonomous region of Somalia since 2005 have been put off once more. Source: Hiiraan Online
  21. Jamal Osman, a Somali journalist, has watched his country be torn apart by civil war for three decades. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya qayla dhaan xoog leh oo ka soo baxeysa qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha daga Galmudug kuwaas oo sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay ka saartay liiska odayaal sax ah. Beelaha ay ka soo jeedaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga badalay odayaasha dhaqanka waxaana ka shaqeeyay 3 qof oo ka kala tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen odayaasha qaarkood ee la badalay. Odayaal cusub oo aan ka tirsaneyn 135-ka qof ee dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, sidoo kalane aan qayb ka aheyn odayashii hore usoo dhisay Galmudug ayaa lagu soo daray liiska waxaana laga saaray kuwii hore uga tirsanaa. “Aniga oo qayb ka ah 135-ka oday dhaqameed ayaa layga saaray oo matala beesha Direed, waxaa sidoo kale laga saaray odayaal badan oo aan aqaano dadka oo dhana ay yaqaanaan” ayuu yiri Ugaas Cali Cagaweyne oo la hadlay warbaahinta Muqdisho. Odayaasha dhaqanka ee liiskaan laga saaray ayaa qaarkood diiday in ay hadlaan waxayna sheegeen in ay ku jiraan wadahadalo islamarkaana ay rajo ka qabaan in boosaskooda loo soo celiyo, waxaana sidaas oo noo sheegay qaarkood oo aan la hadalnay. Hore ayaa looga digay in la farageliyo odayaasha dhaqanka iyo guud ahaanba doorashada Galmudug waxaase muuqata in ay dowladda Soomaaliya wado faragelin toos ah.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku nool degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Madiina iyo xaafado kale ayaa ka cabanaya dhac xoog leh oo habeen iyo maalin ah ka dhaca xaafadahaas. Kooxaha dadka dhaca oo wata hubka fudud ayaa gala wadooyinka waxayna kadib moobeelada iyo agabyada kale ka qaataan dadweynaha. Dadka ugu badan ee cabashada qaba ayaa ah ardayda Iskuulada iyo Jaamacadaha oo loo galo wadooyinka xiliyada maalintii iyo markii ay subaxdii baxayaan. Sidoo kale dadka ganacsatada iyo kuwa shaqada aada ayaa subaxdii wadooyinka loo galaa islamarkaana laga qaataa wixii ay wataan. Dhaca iyo baarashada dadweynaha Muqdisho oo markii hore kaliya ahaa habeen, ayaa hadda xiliyada maalintii ah si wayn looga dareemayaa xaafadaha Muqdisho. Hay’adaha amaanka Soomaaliya wali kama aysan hadlin dhaca iyo qayla dhaanta shacabka lamana oga sida ay dowladda Soomaaliya uga jawaabi doonto qayla dhaanta shacabka.