Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada muqdisho kula kulmay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan. Qoraal laga soo saarey xafiiska Swan ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen doorashada qof iyo cod ah oo la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ka wada hadleen muhiimada ay leedahay siyaasad loo wada dhan yahay iyo in laga wada shaqeeyo oo hoggaamiyeyaasha siyaasadda ay isla wada gorfeeyaan. Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka. “Guddoomiyaha xisbiga UPD mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka QM ayaa waxay ra’yi is weydaarsi ka yeesheen arrimaha doorashooyinka 2020, nidaamka federaalka, ilaalinta dastuurka iyo amniga guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana la isla meel dhigay dhamaan qodobadii ay labada mas’uul kawada hadleen, ayadoona guul uu kusoo dhamaaday kulanka.” Ayaa lagu yiri qoraalka UPD. Maalmihii la soo dhaafay ayaa saamileyda siyaasada Soomaaliya waxa ay kulamo la xiriira doorashada Soomaaliya ay la qaadanayeen wakiilada beesha caalamka u jooga magalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo in doorashada xigta ee dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu talo galay. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo aad looga cabsi qabo in madaxweyne Farmaajo uu ku howlahan yahay isku day uu waqtiga ku kororsanayo.
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagoon ah la qaatay komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ee dhawaan xilka ku wareejiyey Komishanka cusub ee xilka la wareegay. Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba xubnihii komishanka hore, ayaa ujeeddadiisu ahayd sagootin iyo mahadnaq lagu fooladaynayo shaqadii adkayd ee ay xubnahaasi qaranka usoo qabteen muddadii ay xilka hayeen iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay waajibaadka qaranka usoo guteen. Madaxweynaha, ayaa xubnaha hore ee komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay shaqadii cuslayd ee ay qarankooda usoo qabteen iyo sidii ay ugu adkaayeen garsoorka iyo dhexdhexaadnimada, waxana uu dedaalka ay sameeyeen ku tilmaamay mid ay dadkooda iyo dalkooda gashadeen. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xubnaha Komishanka Doorashooyinka guddoonsiiyey shahaado-sharafyo mahadnaq ah oo ka markhaati ah shaqadii ay qaranka usoo qabteen mudadii ay xilkaa culus ummadda u hayeen. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku guuleysan la’ inay fuliyaan shaqadooda la xisaabtanka xukuumadda, xilli baarlamanka Soomaaliya uu noqday qeyb si aan toos ahayn uga tirsan hay’adaha fulinta dowladda. Golaha Shacabka, ayaa tan iyo markii guddoomiye looga dhigay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, looga talinayey Villa Somalia, taasi oo xildhibaanada u diiday xitaa inay helaan fursado ay su’aalo ku weydiiyaan wasiirada. Inkasta oo ay jiraan wasiiro qaar oo horyimaada Golaha Shacabka, haddana kuwa ugu muhiimsan ee qaladaadka iyo xadgudubyada lagu hayo, ayaa ku si toos ah iyo si dadbanba ugu gacan seeray in lala xisaabtamo. Ayada oo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale toddobaadyadii ugu dambeeyey lagu kari la’aa inuu hor-yimaado baarlamanka, ayaa hadda xildhibaanada ay dhibaato taas la mid ah waxay kala kulmayaan wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Abdullaahi Salaat Oomaar. Oomaar ayaa waxaa 17-kii November guddoonku u diray warqad loogu yeeray kadib markii ay dalbadeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, si su’aalo looga weydiiyo xadgudubyadii ay sameysay hay’adda duulista oo xildhibaano iyo madaxweynayaal hore ka hor-istaagtay inay ka duulaan garoonka diyaaradaha Muqdisho. Oomaar oo laga rabay inuu xildhibaanada golaha shacabka hortago 1-da bisha December ayaa warqad uu 24-kii November u diray guddoonka ku dalbaday in dib loogu dhigo ilaa 3-da bishan, taasi oo guddoonku ku uu aqbalay warqad uu soo saaray 25-ka November. Hase yeeshee waxaa yaab leh in 1-dii bishan December uu guddoonka soo saaray go’aan uu ilaa 8-da bisha dib ugu dhigay kulankii su’aalaha lagu weydiin lahaa Oomaar, kuna andacooday in maalinta talaadada aysan ahayn maalin shaqo. Waxaa is-weydiin mudan, haddii maalinka talaadada aysan ahayn maalin shaqo, muxuu guddoonka warqaddii uu soo saaray 25-kii November ugu aqbalay codsiga wasiir Oomaar ee ahaa in hor-imaatinka dib loogu dhigo 3-da bisha oo ah maalin Talaado. Muxuusan guddoonka ugu sheegin Oomaar in Talaado aysan ahayn maalin shaqo, sidaas darteedna uu qabsado maalin kale? Guddoonka ma wuxuu xusuusan waayey maalmaha golaha shacabka kulmo, mase waxa uu ballamaha qabtaa isaga oo aan eegin jadwalka shaqada? Xildhibaano ka mid ah kuwa u yeeray Oomaar ayaaa Caasimada Online u sheegay in arrimahan oo dhan aysan ku dhicin si qalad ah, balse ay yihiin wax la isla ogyahay iyo cayaar guddoonka la cayaarayao xildhibaanada. Xildhibaanadan ayaa sheegay in hubaan in guddoonka cudur daar kale la iman doonaan, ayada oo qorshuhu yahay in ilaa bisha December la iska daba meeriyo xildhibaanada, si loo gaaro sanadka cusub, markaasi oo xildhibaanada ay fasax geli doonaan kadibna la rabo in la iska wada hilmaamo arrintan. Qorshahan ayaa ah mid guddoonku kala shaqeynayo Villa Somalia iyo xukuumadda. Guddoomiyaha baarlmanaka, iyo labadiisa ku xigeen ayaa ku kala xiran madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Mursal waxa uu ku xiran yahay Villa Somalia iyo ra’iisul wasaaraha. Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad Cabdiraxiim Muudey, wuxuu ku xiran yahay ra’iisul wasaare Kheyre, halka guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad uu ku xiran yahay Villa Somalia. Wasiir Oomaar ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay madaxweyne Farmaajo, taasi oo ka saacideysa in guddoonka uusan ogolaan in lala xisaabtamo. Guddoonku wuxuu sidoo kale ka caawinaya wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo isna loo yeeray inuusan hor-iman golaha. Arrintan ma ahan mid cusub, Guddoonka wuxuu horey isku hortaagay isku dayo badan oo xukuumadda lagula xisaabtami lahaa iyo mooshinno laga keenay, waxaana muuqata in sanadka u horsan golaha shacabka uu ku dhameysan doono isaga oo hoos taga Villa Somalia. Caasimada Online ayaa heshay dhammaan warqadihii ay is-weydaarsadeen xildhibaanada u yeeray Oomaar, tii guddoonka, oo uu ka saxiixan yahay xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, iyo middii Wasiir Oomaar. Hoos ka wada arag, innaga oo usoo kala hormarinay sida ay u kala horeeyeen.
  4. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Abgaal, oo maanta warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe, ayaa markii u horraysay ka warbixiyay shirar uu kaga qeyb-galay magaalooyinka Kampala iyo Nairobi oo looga hadlayey arrimaha Maaliyadda dalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa faahfaahiyay, shir ay ku kulmeen wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada dowlad goboleedyada dalka oo ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda. “ Shirka ugu horreeya wuxuu ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, shirkaas ujeedadiisa waxay ahayd sidii loo dardar-gelin lahaa Wada-shaqeynta iyo Horumarinta arrimaha la xiriira hagaajinta iyo habsami u-socodka Maaliyadda ee dalka” ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale, wuxuu ka warbixiyay shir kale oo ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, oo isagana looga hadlay arrimaha Deyn-Cafinta dalka Soomaaliya. “ Shirka labaad wuxuu ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Shirk aka dhacay dalka Kenya waxaa u jeedadiisu ahayd sidii ay isula jaan qaadi lahaayeen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah arrimaha Deyn-Cafinta” ayuu mar kale yiri Wasiir Abgaal Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Wasiir Abgaal oo ka warbixiyay shirar uu kaga soo qeyb-galay Nairobi iyo kampala appeared first on Puntland Post.
  5. Garoowe (Caasimadda Online) – Puntland ayaa maanta ka hadashay Ciidamo ka soo goostay Maamulkeeda oo ku biirey Somaliland, kuwaasi oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay degaanka Taleex.. Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay ciidamadaasi ay soo bandhigeen Somaliland, iyadoona si adag u beenisay in ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa Taleex ay ku biireen Somaliland. Cali Axmed Sabarey, Wasiirka warfaafinta Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Garoowe ayaa sheegay in ciidamadaasi ay Somaliland soo bandhigeen ay ahaayeen maleeshiyaad beeleed. Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ahaayeen maleeshiyaad loo galiyay direyska ciidanka, isla markaana laga dhigay ciidamo ka soo goostay maamulkooda, balse aysan waxba ka jirin. Maamulka Somaliland ayuu ku sheegay inuu yahay maamul aan waqtigaan la joogo awood u laheyn inuu ciidamo kala wareego Puntland maadaama uu tilmaamay inay hadda wajaheyso culeysyo siyaasadeed. Ciidamadaasi oo ay shalay soo dhaweysay Somaliland ayaa tiradoodu waxay dhameyd ku dhawaad 150-askari oo ku gaashamnaa gawaadhi iyo agab kale oo dagaal, iyagoona sheegay inay si rasmiya ugu soo biiray Somaliland. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ciidamadaasi si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Taleex, kuwaasi oo uu hogaaminayay Gaashaanle sarre oo lagu magacaabo Cali Diiriye Baale. Taleex ayaa kamid ah deegaanada ay ku muransan yihiin maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana hadda deegaanadaas kormeel ahaan u joogo wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Somaliland, waxayna arrintaan qeyb ka tahay loolanka u dhaxeeyo Somaliland iyo Puntland oo ku saabsan cidda maamuleyso gobolada Sool iyo Sanaag.
  6. Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Imaraadka Carabta ku hambalyeysay maalinta Qarannimada dalkaasi oo ku beegan 2-December 1971, wakhtigaasi ay isu-tageen Imaaaradaha kala duwan ee ku midaysan UAE. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland, ahna ku-simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan uu dowladda Imaaraadka ku hambalyeeyay maalinta Qaran ee waddankaasi. “ Waxaa sharaf ii ah, aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca dowladda iyo Shacabka Puntland guud ahaan, in aan halkaan idiinka soo jeediyo Hambalyo kal iyo laab ah oo ay ku dheehantahay hididiilo ah, in Ilaahay mar kale idinku gaarsiiyo maalintan Qaran, ayaamo farxad leh, amni, xasilooni barwaaqo iyo horumar uu idiin horseedo hoggaankiinna suubban” ayuu yiri ku-simaha madaxweynaha Puntland. Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu yiri “ waxaa nala gudboon xukuumad iyo shacabba, in aan idiinkula dabbaal-degno Xuskan Taariikhiga ah, si aan u muujinno Kalgacaylkiinna, islamarkaana u ilaalinno xiriirkeenna ku salaysan dibloomaasiyadda, dhaqanka, siyaasadda, amniga iyo mashaariicda hormarineed”. Ugu dambeyntii, qoraalka Puntland waxaa lagu soo geba-gabeeyay “ Puntland waxay dowladda Imaaraadka Carabta ku bogaadinaysaa oo uga mahadcelinaysaa kaalinteeda mudan ee dhinacyada horumarinta” PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Puntland oo hambalyo u diray dowladda Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
  7. Families displaced by flooding in Beledweyne, on the river Shabelle, have been returning to their property in Bunda-weyne, Hawo, and Koshin neighbourhoods, despite lacking clean water, latrines, and electricity. Source: Hiiraan Online
  8. A reduced-charcoal cooking stove being promoted by the Puntland government is cutting fuel costs for local families and starting to have a positive environmental impact. Source: Hiiraan Online
  9. Somali fisherman have received a boost after the United Nations handed over 12 fishing vessels to fishing cooperatives in Puntland State. Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Hargeysa)-Xoghaye Ramaax Oo Si Kulul U Hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Addis Ababa)-Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya, oo xulufo dhow la ahaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa ka hor-yimid qorshaha isbahaysiga haya talada dalka loogu beddalayo hal xisbi. Lemma Megersa ayaa cambaareeyey qorshahan mideynaya xisbiyada qowmiyadaha kala duwan ee dalka. “Bilowgii wada-hadallada aniga waxaan qabay aragti ka duwan in isbahaysiga EPRDF laga dhigo hal xisbi. Xitaa haddii ay tahay in laga dhigayo ma ahan in lagu deg dego.” Ayuu yidhi Lemma oo la hadlay laanta afka Oromada ee VOA. Qorshaha Abiy Ahmed ee isbahaysiga EPRDF looga dhigay hal xisbi ayaa waxaa hore u diiday jabhadda TPLF ee Tigrayga, oo mar ahayd tan ugu awodda badan isbahaysiga, xilligii Meles Zenawi. Xisbiga cusub ee Abiy Ahmed dhisayo ee Prosperity Part (PP) ayaa waxaa toddobaadkii tagay ku biiray saddex xisbi, oo uu ka mid yahay kan Soomaalida. Wasiirka gaashnaadhigga Lemma Megersa, oo hore u ahaa madaxweynaha gobolka Is-maamulka Oromia, iminka waa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Oromada ee ODP. Taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in khilaafka labada nine ee ugu awoodda badan Oromada ee Abiy Ahmed iyo Lemma Megersa uu sare usii qaadayo hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka, ka hor doorashada dhaceysa bisha May ee 2020, islamarkaana wiiqayo qorshaha is-beddelada ee uu wado Abiy. Dhinaca kale, Rashid Abdi oo fallanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in Abiy uu ku sugan yahay “dhibaato qoto dheer” kadib markii uu iska tuuray “tiirka ugu muhiimsan taageerada Oromada.” Abiy ayaa waxaa sidoo kale hore uga soo horjeestay Jawaar Mohammed, oo isna ka mid ah ragga ugu saameynta badan qowmiyadda Oromada ee ugu tirada badan Itoobiya. Haddii Abiy aanu ku guulleysan taageerada buuxda ee Oromada ka hor doorashada May, xilli markii hore ay diideen Tigrayga, waxaa suurta-gal ah in doorashada looga adkaado. Source
  12. (SLT-Qaahira)-Wareegii labaad ee wada-hadallada u dhexee dalalka Masar, Sudan iyo Ethiopia, ayaa maanta ka furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Dalalkan ayaa ka wada hadlay mustaqbalka Biyo-Xidheenka ugu wayn Afrika oo laga dhisayo dalka Ethiopia, kaasi oo saamaynaya webiga Nile. Wada-hadlkan ayaa daba socda kulamo ay dowladda Maraykanku ku dhexdhexaadinaysay dalalkaasi oo bishii hore lagu qabtay magaalada Washington. Source
  13. The Saudi Fund for Development (SFD) signed a $9 million agreement to fund the design and construction of a water distribution network, a judicial courthouse and infrastructure projects in Djibouti. Source: Hiiraan Online
  14. Ra’iisul wasaare isu casilaya xanaaq ka dhashay weriye la dilay Joseph Muscat has been in office six years Ra’iisul wasaaraha Malta, Joseph Muscat, wuxuu telefishinka qaranka ee dalkaas ka sheegay in sannadka cusub uu xilka ka degayo, iyadoo ay jiraan khilaafaad ka dhashay dilka gabar weriye ahayd. Wuxuu sheegay in uu xisbigiisa weydiisanayo in ay la yimaadaan qofkii isaga bedeli lahaa 12-ka January ee sannadka soo socda. Dadka isu soo baxay waxay dalbadeen in ra’iisul wasaaraha uu si degdeg ah isu casilo, taas oo la xiriirtay sida loo baaray dilka Daphne Caruana Galizia. Waxaa lagu dilay qarax gaari lagu xiray 2017-kii, xilli ay baareysay musuqmaasuq ka dhex jira ganacsatada iyo siyaasiyiinta dowladda Malta. Nin ganacsade ah oo lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay saraakiisha dowladda, ayaa sabtidii lagu oogay dacwad ah in uu lug ku lahaa dilka. Ra’iisul wasaaraha oo sharaxayay sababta uu xilka uga degayo wuxuu sheegay in ay tahay arrin la xiriirto sida loo maamulay baaritaanka dilka: “Go’aannada qaar waa kuwo fiican, halka kuwa kalena wanaagga dartii loo gaaro.” “Dhamman masuuliyadaha aniga i saaran culeyskooda lama barbardhigi karo xanuunka ay marayaan qoyska gabadha la dilay,” ayuu hadalka ku daray. Mr Muscat wuxuu xilka hayay lix sano, wuxuuna ku guuleystay laba doorasho oo guulo waaweyn uu ka gaaray. Wuxuu wax ka badalay dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Malta waa dalka ugu yar ee ka mid ah Midowga Yurub. “Malta waxay u baahan tahay bog cusub in ay bilowdo”, ayuu yiri. Maxay dibadbaxayasha u dalbanayaan in Muscat uu hadda iscasilo? Dad badan ayaa ku dibadbaxay caasimadda malta ee Valletta, iyagoo dalbanaya in Mr Muscat uu si degdeg ah xilka uga dego. Sawirrada madixii shaqaalaha ee xafiiska Muscat oo lagu magacaabo Keith Schembri, oo la sawiran Melvin Theuma, ninka lagu eedeeyay in uu xuddun u yahay dilka Caruana Galizia, ayaa lagu dhejiyay gidaarada iyo albaabada dhismaha. Dadka waxay sii xanaaqeen markii ganacsade Yorgen Fenech lagu oogay dacwad ah in uu ku lug lahaa dilka, taas oo uu beeniyay. Mr Fenech waxaa sannadkii la soo dhaafay la ogaaday inuu yahay milkiilaha shirkad qarsoon oo Dubai ka diiwaan gashan oo ka mid ah 17-ka shirkadood ee diiwaanka madow lagu daray xilligii cadeyntii Panama – taas oo ahayd sir weyn oo la fashiliyay 2016-kii oo ku saabsanayd shirkadaha qarsoon ee dhaqaalaha badan haysta. Waxaa jiro warar sheegaya in lacago qarsoon ay shirkadaas ka helayeen Mr Schembri iyo wasiirka dalxiiska ee Malta, Konrad Mizzi. Caruana Galizia (sawirkeeda 1989) iyo saeygeeda iyo carruurteeda Labada ninba waxay xilka iska casileen isbuucii la soo dhaafay, waxayna beeniyeen in dembi ay galeen. Sidoo kale Mr Mizzi wuxuu beeniyay in xiriir ganacsi uu la lahaa Mr Fenech. Seddax nin oo kale ayaa u xiran eedo ah in ay ku lug lahaayeen dilkii Caruana Galizia, oo gaariga bam loogu xiray. Weriyaha la dilay qoyskeeda waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha wax badan loo tanaasulay, ayna tahay in uu xilka ka dego maadaama uu “ku fashilmay” in uu tallabo qaado si uu siyaasadda Malta u nadiifiyo, labadii sano ee la soo dhaafay. Waxay ku doodayan in inta uu xilka hayo uusan jiri doonin baaritaan buuxa oo lagu sameeyo dilkii Caruana Galizia. Sidoo kale, wasiirka ganacsiga dalkaas, Chris Cardona, ayaa shaqada dib loogu soo celiyay ka dib markii uu isu casilay su’aalo ay booliska weydiiyeen. Wuuna beeniyay in uu wax dembi ah sameeyay. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota dadka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Taliska Booliska ayaa sheegay in la filayo wixii Maanta ka bilowda inay da’aan roobab mahiigaan ah, sidaas darteedna dadka Muqdisho looga baahan yahay inay muujiyaan dadaal iyo feejignaan ku aadan sidii mar kale uusan roobka u geysan musiibooyin. Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Sakiya Xuseen ayaa qoraal ay baraha Bulshada soo dhigtay ku sheegtay in Ciidamada Booliska ay u diyaar garoobeen sidii looga hortagi lahaa musiibo ka dhalato roobabka la filayo inay da’aan. ” Waxaa diyaarinay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska” ayey tiri Taliye Zakiya. Taliyaha ayaa dadka Muqdisho ugu baaqday inay lasoo xiriiraan hey’adaha ay khuseyso arrintaan haddii ay dhacdo inuu dhibaato geysto roobka. Todobaadkii hore roobab ka da’ay Magaalada Muqdisho ayaa keenay dhimashada laba qof oo dad waaweyn ah. Goobjoogeyaal ayaa laga soo xigtay in laba ruux ay geeriyoodeen ka gedaal markii ay qaadeen daad ka dhashay roobka oo aad u weynaa. Sidoo kale waxaa roobabkii Muqdisho ka da’ay asbuucii hore ka dhashay burbur soo gaarey waddooyinka iyo hoy ay deganaayeen dad shacab ah. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Taliyaha oo dhameystiran Wargelin Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska. Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka dag dag iyagoo wacaaya number 991. Dhinaca kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu dhaliilayaa in uusan jirin qorshe cad oo uga degan dib u dayactirka waddooyinka burburay.
  16. Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraal ka baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in James Swan iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya iyo doorashooyinka hal qof iyo hal cod “Xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya, doorashooyinka hal qof iyo hal cod iyo muhiimadda hab siyaasadeed oo loo dhanyahay ayaa ka mid ahaa qodobadii looga hadlay maanta kulan Muqdisho ku dhexmaray Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska James Swan. Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii u dambeeyey wada hadal ka dhexwaday dowlada Federaalka, dowlada goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo khilaaf siyaasadeed u dhaxeeyo. Beesha Caalamka ayaa daneynaysa in dhinacyadaasi ay isku afgartaan qaabka ay noqonayso doorashada soo socota ee 2020-2021. PUNTLAND POST The post Maxay kawada hadleen James Swan iyo Xasan Sheekh? appeared first on Puntland Post.
  17. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa ku saxiixay Muqdisho xalay fiidkii oo Axad ahayd ( 1 December) heshiis is-afgarad Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden. Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa saxiixay heshiiska oo sare loogu qaadayo wax wadaag istiraatiijiyadeed dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Wax wadaaggan ayaa waxa uu ka qeyb-qaadanayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee muhiimadda u leh labada dal, kaasi oo ka tarjumaya rabitaanka guud ee hore loogu dhaqaajinayo xiriirka laba-geesoodka oo lagu gaarsiinayo heerkiisii ugu sarreeyay. Heshiiska waxa uu qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada siyaasadeed, diblomaasiyadeed, nabad-dhisid iyo xalinta khilaafaatka loo qoon-deeyay in la siiyo kaadiriinta ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey’adaha kale ee dowladda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay laba ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad doorashada madaxweynaha Galmudug, oo kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale. Qoraal ay safaaradda Mareykanka soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in danjire Yamamoto iyo xubnaha safaaradda ay Odawaa iyo Kamaal kala hadlaeen baahida loo qabo hanaan doorasho oo cad, loona dhan yahay oo ka dhaca Galmudug. Qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Hay’ado dowladeed oo xooggan waxay ka dhigan yihiin awood loola tacaali karo xasaradaha bani’aadannimo, ka guuleysashada argagixisada iyo abuurista Soomaaliya xasilooni, nabad ah, oo baraare leh.” Odawaa iyo Kamaal ayaan dhankooda weli wax war ah kasoo saarin kulanka maanta ee ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Safiirka Mareykanka ayaa sidoo kale shalay la kulmay xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Safiirka Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu siyaasad ahaan taageersan yahay madaxweyne Farmaajo, taasi oo sahashay in inta badan beesha caalamka ay ka aamusto xadgudubyada joogtada ah ee dowladda Farmaajo ku hayso shacabka iyo maamul goboleedyada dalka.
  19. Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa markale xabsiga dhigay siyaasiga caan ka ah Muuse Cali Jaamac, kaas oo si weyn uga soo horjeeda xukuumadda Deni. Siyaasiyagaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ka qeyb galal shir ka dhan ah Puntland oo Jimcihii lagu qabtay gudaha magaaladaasi. Xariga Muuse Cali Jaamac ayaa sidoo kale daba socda tiro siyaasiyiin iyo odayaal habeenadii la soo dhaafay lagu xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Waa markii labaad ee la xirayo siyaasigan oo si weyn u dhaliila xukuumadda Puntland, isagoona dhowaan xabsiga laga sii daayey, kaddib markii lagu waayey wax dambi ah. View the full article
  20. Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Xubanahaan ayaa ka qeyb qaadan doono dhismaha Galmudug oo hadda maraya meel wanaagsan. Sidoo kale waxa ay dhex dhexaadin doonaan Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka oo weli isku haya maamul u sameynta Galmudug. Dhowaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee dowlad goboleedka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay geerida Monica Wambui Githaiga oo aheyd sarkaalkii ugu sarreeyey baaritaanka weerar Al-Shabaab horraantii sanadkaan ka fulisay Nairobi. Monica Wambui Githaiga oo aheyd xubin sare oo ka tirsan sirdoonka Kenya ayaa u geeriyootay xanuun degdeg ah oo ku yimid daqiiqado ka hor markii ay ka soo degtay garoonka Jommo Kenyatta, iyadoo ka timd dhankaa iyo dalka Japan. Haweeneydaan ayaa hogaamineysay saraakiil ka tirsan sirdoonka Kenya, kuwaas oo baaritaan iyo dabagal ku hayey weerarkii hotelka Dusit ee ay geysatay Al-Shabaab. Weerarkaasi oo ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ay ka fuliso gudaha Kenya ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad 21 ruux oo ay ku jireen dad ajaaniib ah. Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay baaritaan dheeri ah ku sameyn doonaan geerida Monica Wambui Githaiga, islamarkaana ay faah faahin dhameystiran ka bixin doonaan. View the full article
  22. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya, oo xulufo dhow la ahaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa ka hor-yimid qorshaha isbahaysiga haya talada dalka loogu beddalayo hal xisbi. Lemma Megersa ayaa cambaareeyey qorshahan mideynaya xisbiyada qowmiyadaha kala duwan ee dalka. “Bilowgii wada-hadallada aniga waxaan qabay aragti ka duwan in isbahaysiga EPRDF laga dhigo hal xisbi. Xitaa haddii ay tahay in laga dhigayo ma ahan in lagu deg dego.” Ayuu yiri Lemma oo la hadlay laanta afka Oromada ee VOA. Qorshaha Abiy Ahmed ee isbahaysiga EPRDF looga dhigay hal xisbi ayaa waxaa horey u diiday jabhadda TPLF ee Tigrayga, oo mar ahayd tan ugu awodda badan isbahaysiga, xilligii Meles Zenawi. Xisbiga cusub ee Abiy Ahmed dhisayo ee Prosperity Part (PP) ayaa waxaa toddobaadkii tagay ku biiray saddex xisbi, oo uu ka mid yahay kan Soomaalida. Wasiirka gaashnaadhigga Lemma Megersa, oo horey u ahaa madaxweynaha gobolka Is-maamulka Oromia, iminka waa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Oromada ee ODP. Taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in khilaafka labada nine ee ugu awoodda badan Oromada ee Abiy Ahmed iyo Lemma Megersa uu sare usii qaadayo hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka, ka hor doorashada dhaceysa bisha May ee 2020, islamarkaana wiiqayo qorshaha is-beddelada ee uu wado Abiy. Dhinaca kale, Rashid Abdi oo fallanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in Abiy uu ku sugan yahay “dhibaato qoto dheer” kadib markii uu iska tuuray “tiirka ugu muhiimsan taageerada Oromada.” Abiy ayaa waxaa sidoo kale horey uga soo horjeestay Jawaar Mohammed, oo isna ka mid ah ragga ugu saameynta badan qowmiyadda Oromada ee ugu tirada badan Itoobiya. Haddii Abiy aanu ku guuleysan taageerada buuxda ee Oromada ka hor doorashada May, xilli markii hore ay diideen Tigrayga, waxaa suurta-gal ah in doorashada looga adkaado.
  23. Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho, waxaana shir-guddoominaayey gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Ajendaha ahaa marinta Akhrinta 3-aad sedexaad iyo ansixinta misaaniyad sanadeedka 2019-ka oo sanadkii hore ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka ah, saluugitaanka, BFS ayaa keentay in mar kale dib ugu noqdaan misaamiyadda. Marinta Akhrinta 1-aad iyo 2-aad oo horay Baarlamaanka ugu soo mariyey fadhiyo kala duwan ayuu maanta mar kale u fariistay Akhrinta sedexaad iyo waliba meel marinteeda. Kulanka lagu ansixinaayey miisaaniyad sanadeedka 2019-ka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka ah Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Codeyntii xarunta ka dhacday waxaa ogolaaday 118 mudane, waxaa diiday 15 xildhibaan halka 8 kale ay ka aamuseen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa ka warbixiyey duqeyn maalin ka hor ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Cabdinuur oo wariyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii gantaal lala eegtay gaari uu saarnaa. Ma shaacin afhayeenku magaca sarkaalkaasi, balse wuxuu tilmaamay inuu ka mid ahaa xubnaha sar sare ee Al-Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Africom sheegtay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fulisay gobolka Jubbada Dhexe, walow aysan shaacin khasaaraha. View the full article
  25. Labo nin oo hubeysnaa, kuna labisnaa dareeska ciidamada dowladda ayaa maanta dhac baahsan ka geystay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in raggaasi ay dhac ugu geysteen dad shacab ah duhurnimadii maanta waddada Misaajidka Xareed ee Suuqaasi. Sidoo kale wuxuu inoo sheegay qofka aan la hadalnay in burcadda ay xirnaayeen dharka tuutaha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/cod-mahad-.mp3 View the full article