-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadashay roobab duufaanno wata oo laga cabsi qabo inay ka da’aan dalka. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in la saadaalinayo in roobabkaasi da’aan saacadaha soo socda, loona baahan yahay in la muujiyo feejignaan dheeri ah. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in heegan buuxa la geliyey dhamaan laamaha gurmadka iyo ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah. Ugu dambeyn waxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya sheegtay in 24kii saac ee la soo dhaafay tuulooyin gaaraya 25 uu saameeyay Fatahaadda Wabiga Shabelle, kuwaas oo dhammaan hoostaga magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe. Dhowaan ayey aheyd markii meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, islamarkaana ay ugu horreyso Muqdisho ay ka da’een roobab geystay khasaare naf iyo maal intaba.
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka socdaan dibadbaxyo rabshado wata. Dadweyne kasoo horjeeda guddoomiyaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay ayaa isku soo bax sameeyey, waxaana la sheegay iney taayaro gubeen, kuna banaanbaxeen xarumo ay ciidanka AMISOM leeyihiin. Rasaas ay fureen ciidamo halkaasi ku sugan ayaa la xaqiijiyey in Hal qof ku dhintay Labo kalena dhaawac uu kasoo gaaray. Xaaladda Buulo-burde ayaa ah gabi ahaamba mid kacsan, lamana oga sida ay wax ku dambeyn doonaan. Source: goobjoog.com
-
Dibadbaxaan oo ay ka qeyb galeeyn dadweyne fara badan ayaa saaka ka dhacay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday maamul cusub oo uu dhowaan wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle u magacaabay degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dibadbaxa oo watay rabshada uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo kale , kadib ay markii rasaas ku fureen ciidanka amniga magaalada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Dhinaca kale ciidamada ayaa xasbiga u taxaabay illaa saddex oday dhaqameed oo ka mid ah waxgaradka deegaanka, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli hakad ku jira dhaq dhaqaaqa guud ee magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Maamulka gobolka Benaadir ayaa heegan galiyay kooxaha gurmadka deg dega ah iyo nuucyada gaadiidka ay adeegsadaan si ay uga hortagaan hadii ay yimaadaan musiibooyin deg deg ah. Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray xarun lagu diyaariyay kooxaha gurmadka iyo sidoo kale gaadiidka xaaladaha deg dega loo adeegsado. Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan roobab mahiigaan ah oo saacadaha iyo maalmaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka. View the full article
-
I have watched a session at Puntland Parliament in which MPs asked the Finance Minister, Hassan Shire Abdi, questions about the 2019 budget unveiled in November. The Minister has given an excuse for not being able to answer questions about the new budget. He said that he had no a clue as to how the budget had been prepared. I have studied the new budget. Since 2020 is just around the corner. Puntland parliament has passed the budget. My discussion will revolve around three aspects of the budget. For a comparison reason my analysis will partly rest on the temporary budget passed in April 2019. The total of the monthly revenues forecasted was US$ 14.78 million ( US$ 133.03 million for nine months ending December 2019.). US$ 6.06 million of the forecasted revenues were domestically generated. US$ 8.15 million was external revenues, whereas US$ 583, 000 is forecasted revenues from generated local governments. There was no a subsidy from the Federal Government of Somalia. Incremental approach has been used to prepare the budget. Hence there is marked overstatement to offset expenditures – a reason the Finance Ministry of Puntland has adopted expenditures approach in the course of preparing the new budget. 1. Budgetary imbalance: Expenditure allocations within budget items Domestic revenues forecasted for nine months ( April – December ) amounts to US $ 54 million. Forecasted expenditure is based on the forecasted revenues. US$ 48. 9 million had been allocated to cover salaries and fringe benefits, services equipment and sundry expenses. From the above data one can infer that 89.9% of domestic revenues get incurred as expenditure. 11% of the total expenditure will go to public services. Ministries that directly contribute to the economy – Ministry of Livestock, Ministry of Agriculture, Ministry Commerce, Ministry of Tourism, and Ministry of Ports – have not been given a share in the public service budget allocation. Youth organisations, women’s organisations, cultural and sports activities have not received budget allocations in the new budget. Recurrent expenditure estimates of government organisations stands at US$ 6.05 million per month, 41.3% of which has been allocated to the Presidency and the Finance Ministry. Forty organisations of Puntland State share the remainder. Allowances outside salaries and non-monetary benefits granted to the Finance Ministry and Presidency amount to US% 653, 430 ( for nine months). This allocation dwarfs US$ 575, 000 – the total budget of nine months for the Ministry of Justice, Ministry Livestock, the Office of the Auditor General, and the Office of the Attorney General. The monthly domestic and foreign travels of the Finance Ministry is US$ 70,000, that is 50% more than the total domestic and foreign travels of the rest of the government agencies (US$ 35,700) . Forecasted hospitality expenditure at the Presidency stands at US$ 112,625 per month that is 16% more than the general expenditure for the judiciary of Puntland. · Expenditure for publicity and advertisement for the Finance Ministry amount to US$ 40,000 per months compared to US$ 30,200 earmarked as monthly expenses for the Office of the Auditor General. More than forty people are on the payroll of the Auditor General’s office. 2. Lack of clarity in the budget. The budget allocation for Puntland Dervish Forces amounts to US$ 1.39 million, making the Force second organisation to have received generous appropriations next to the Finance Ministry. However, repeated mutinies of the Dervish forces raise questions about how Puntland government pays salaries of soldiers. Included in the general government expenditure is US$ 8.155 million classified as external revenues. This income consists of donations from international organisations and the World Bank. The forecasted government expenditure noted it as general expenditure, unlike recurrent expenditure. It does not get channeled through the bank of the government. In addition, there is no an official report on donations Puntland receives. It is the remit of the Auditor General to publish a report on donations that Puntland receives. 3. How Puntland Public Finance Authorities Work The management of Public Finance Agencies consist of agencies independent of each other but that collaborate. Puntland public finance agencies are the Ministry of Finance, the Government Bank, the Accountant General and the Office of the Auditor General. · Puntland Public Finance Authorities are fully formed organisationally but their work is not balanced. This has caused collective poor performance, with the Accountant General and the Office of the Auditor General bearing the brunt of underperformance. The World Bank funds Capacity Injection Project and Somalia PPF Capacity Building. Those projects help Puntland modernise its public finances processes. The World Bank commits US$ 11 million per annum. However, public finance system of Puntland predominantly uses paperwork. Puntland has not fully transitioned its public finances system into an electronic system. With those projects nearing completion, how Puntland has benefited from the timely financial and technical assistance of the World Bank is a question worth asking. In conclusion, transparency, monitoring and accountability are necessary conditions for good governance. The time is ripe for a conversation about the state of public finances in Puntland. Farah Bashir Osman is co-founder of Haldoor Forum. His commentaries have appeared in major Somalia news websites. The post Is the time ripe to review Puntland Public finances? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii Himilo Qaran ee looga joojiyey xubninadii xisbigaasi. Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo tallaabadaasi, wuxuuna tilmaamay in ay isku ku aragti ka noqon waayeen arrima masiiri ah xubnaha qaar ee xisbiga iyo isaga, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda Soomaaliya ay isku aragti ka noqdeen arrimaha Galmudug, taas oo horay u shaacisay Caasimada Online, kadib markii ay xog gaar ah ku heshay inuu xildhibaan Cabdixakiin taageesansan yahay musharrax dowladda federaalka ee maamulkaasi, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Ugu dambeyn wuxuu markale ku celiyey in ciidamo Itoobiyaan ah aa la geyn guda magaalada Dhuusamareeb, isagoo sheegay in loo baahan yahay cadeyn. Halkan hoose ka aqriso: Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin. Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaan isku aragti ka noqonay arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka shaqeynteedu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ku matalo dadka iyo deegaanka Galmudug taas ayaana keentay in xubnaha qaar ay u cuntamiwaysay Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin, in Ciidan Itoobiyaan ah iyo mid kale toona ay farageliyaan nidaamka doorashada ee Galmudug, sidoo kalana lama aqbali karo in buunbuunis iyo been abuur lagu dhaawaco hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho ee galmudug Qofka awoodi waayay in uu ka tarjumo baahida deegaanada kala duwan ee dalka ma filaayo in uu awoodi karo hugaaminta guud ee dalka iyo dadka soomaaliyeed.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa markale xabsiga dhigay odayaal dhaqameedyo, kadib howlgal ay ka sameeyeeen gudaha magaalada ganacsiga Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay labo Nadoobn oo lagu kala magacaabo, Maxamuud Axmed Rooble iyo Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo). Nabadoonadaan ayaa ka mid ah waxgarad Jimcihii kulan looga soo horjeeday Xukuumadda Siciid Deni uga qeyb galay magaaladaasi. Xariga odayaashaan ayaa waxa uu daba socdaa tiro waxgarad ah iyo siyaasiyiin uu ugu dambeeyey, Muuse Cali Jaamac oo la xiray kadib markii ay dhaliileen Puntland. Xubnahaan ayaa sidoo kale si aad ah uga soo horjeeda heshiiska ay dekedda Boosaaso kula wareegtay shirkadda DP Worl ee laga leeyahay dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Arrintan ayaa waxa ay uga sii dareysaa xiisada ka taagan maamulka Puntland, gaar ahaan gudaha magaalada Boosaaso, taas oo ka sii dareysa marba marka ka dambeysa.
-
Ten years ago on December 3, a suicide bomber attacked a graduation ceremony at Shamo Hotel, one of Mogadishu’s main hotels. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shirkad fadhigeedu yahay Nairobi ay dhismo cusub ku bilowday garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Kornel Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in garoonkaasi ay dhisaneyso dowladda Kenya, islamarkaana ay ka leedahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Rufle ayaa tilmaamay in Kenya ay dooneyso in jabhado laga soo aruuriyey Puntland, Soomaali Galbeed iyo NFD ay ka soo dajisyo garoonka cusub ee haatan laga dhisayo gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, gaar ahaan dhinaca dhulka NFD. Jabhadahaasi ayuu sheegay in lagu burburinayo dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana looga soo horjeeda Qaranimada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qandaraaska dhismahaasi ay soo qaateen muwaadiniin Soomaaliyeed, taasina ay tahay ayaan darro aad u weyn. Ugu Dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan dhagar iyo hagardaamo uu sheegay inay wado Kenya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ay qeyb ka tahay Kenya laga dareemayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Cod-Kenya.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo kale (3-da December) waa maalin Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho iyo umadda Soomaaliyeedba u ah maalin xusuus murugo leh xambaarsan. 3-dii December ee 2009, ayaa munaasabad qalinjibin ah oo ay ku sugnaayeen arday ka qalin jebinaysay jaamacadda Banaadir, macallimiinta jaamacadda, waalidiin iyo xubno ka socdey dowladii markaas jirtey, oo ka dhaceysay hotelka Shaamow ee Muqdisho, waxaa lala beegsaday qarax. Intii ay socotay Munaasabadda, gaar ahaan xilligii uu khudbada jeedinayay Prof. Cusmaan Dufle oo ka mid ahaa Maamulka Jaamacadda ayaa mar kaliya waxaa dhacay qarax ismiidaamin ah. Goobta ayaa hal mar isku bedeshay dhiig, burbur iyo qeylo, waxaana qofka xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay halka ay fadhiyeen Wasiirada oo uu bartilmaameedkiisa ahaa. Dadka maalintaasi dhintay waxaa ka mid ahaa, suxufiyiin, arday, waalidiin, wasiirkii caafimaadka Khamar Aadan Cali , Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Xasan Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah sida Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid. Dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiin ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray. Waxaa uu ahaa qarax ay ku hoobteen Wasiiradii ugu muhiimsanaa ee qaabilsanaa arrimaha bulshada dowladdii KMG ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed Senator Pro Osman Mohammud Dufle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacada banaadir, islamarkaana ka mid ahaa dadkii ka badbaaday ayaa waxaa uu ka sheekeynayaa maalintaasi wixii ka dhacay Hotel shaamow. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Dr-Senator-Dufle-.mp3
-
Maanta waxaa 10 sano laga joogaa markii uu qarax ka dhacay Hotel Shaamo, waa markii ugu horeysay ee qarax noocaas ah uu ka dhaco dalka, laguna dilo mas’uuliyiin intaasi la eg. Haddaba, Maxaa Dhacay? Waxaa weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Hotelka Shaamo ee magaalada Muqdisho, waxaa Hotel-ka xilligga la isku qarxiyay ka socotay xaflad qalin jabin ah Arday cilmiga caafimaadka ka soo bartay Jaamacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho, Qaraxaas waxaa ka dhashay Khasaare culus, waxaa isla goobtii ku dhintay in ka badan 20 qof oo isugu jiray Arday, Mas’uuliyiin iyo dad kale oo halkaasi ku sugnaa. Mas’uuliyiintii weerarkaasi ku dhintay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Caafimaadka Qamar Adam Cali, Wasiirii Taclinta Sare Prof. Ibrahim Xassan Caddow , Axmed Cabdullaahi Waayeel Wasiirkii Waxbarashada, Dr. Shahiid, waxaana markaasi ku dhaawacmay Wasiirkii Cayaaraha Saleebaan Colaad Roooble. Wariyayaasha dhintay waxaa ay ahaayeen: Xasan Zubeyr Xaaji Fantastic oo ahaa Cameraman u shaqeynayay TV-ga Al-Carabiya iyo Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo ka mid ahaa Wariyayaasha Idaacadda Shabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dublamaasi ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Emaraatka ayaa sheegey in Mandaqada Puntland iyo Dalka Emaraatka uu xiriirkoodu yahay mid aan cidna carqaladeyn karin ama aysan [...] Source
-
Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Rufle) oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda sheegay in Kenya garoon diyaaradeed ay ka dhisaneyso degmada Ceelwaaq ee G/Gedo. Rufle oo u warramayey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Kenya dano ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya ay ka leedahay garoonkaasi. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan dhagar uu sheegay inay maleegeyso Kenya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-Kenya.mp3 View the full article
-
Kulan ay isniintii isugu yimaadeen guddiga fulinta ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in xubinimadii iyo jagadii laga qaaday Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Axmed oo ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbiga Himilo Qaran. Xildhibaanka ayaa horay u sheegay in Dhuusamareeb aaney joogin ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxsan AMISOM arrintaas oo ka hor imaaneysa qoraal isla xisbiga ah oo dhaleeceeyey joogitaan ciidamo Itoobiyaan ah. Dhankiisa, Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Axmed oo ka hadlay waxaa uu yiri “Waxaan soo dhaweynayaa aqblaadda uu Xisbiga Himilo Qaran ee aan ka tirsanaa ku oggolaaday inaan isaga tago xubinnimada xisbiga, maadaama aan isku ku aragti ka noqon waynay arrima masiiri ah oo aan xallin weynay. Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin. Xildhibaanka Macalin oo sii hadlaya “Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaan isku aragti ka noqonay arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka shaqeynteedu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ku matalo dadka iyo deegaanka Galmudug taas ayaana keentay in xubnaha qaar ay u cuntamiwaysay. Mar uu ka hadlayey Ciidamada Itoobiya waxaa uu yiri “Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin, in Ciidan Itoobiyaan ah iyo mid kale toona ay farageliyaan nidaamka doorashada ee Galmudug, sidoo kalana lama aqbali karo in buunbuunis iyo been abuur lagu dhaawaco hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho ee galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka warbixiyay shir caalami ah oo uu kaga qeyb galay magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga. Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Cadaaladda iyo Garsoorka dalalka caalamka ayaa waxaa diirada lagu saaray Arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka gaar ahaan ka hortaga faldanbiyeedka ka abuurma naceybka kaas oo keeni karo xasuuq iyo dilalka wadarta ah. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa shirka ka jeediyay khudbad taabaneysa horumarka Soomaaliya iyo dib u soo kabashada sida dhinacyada Amniga, Cadaaladda, Garsoorka, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha. Wuxuuna u sheegay dhiggiisa Wasiirada Cadaaladda ee ka soo qeyb galay shirka iney xoogga saari doonaan ilaalinta xuquuqda adaanaha iyo ka hortaga fal dambiyeedyada culus. Ugu dambeyntii, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku booriyay dalalka qeybta ka ahaa shirka iney shuruucdooda maxaliga ah oo ku dhisan dastuurka iyo heshiisyada caalamiga ay ogolaadaan iney haboon tahay in lagu dhaqmo si loo helo cadaalad waarto. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Munaasabad lagu daah furayo masraxa hal abuurka oo loogu talagalay in abwaanada iyo aqoonyahanada ay ku soo bandhigaan sugaan iyo doodo cilmiyeysan ayaa xalay laga hirgeliyay gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si wada jir ah xariga uga jaray masraxa furan, kaasi oo wixii hadda ka dambeeya lagu qaban doono doodo iyo in bulshada loogu soo bandhigo xogta dowladda iyo horumarka ay ku talaabsatay. Wasiir Maareeya oo hadalkooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in masraxa furan lagu soo bandhigi doono wax badan oo bulshada Soomaaliyeed wax u tara. “Caawa waxaa halkan sharaf noo ah aniga iyo Wasiirka Maaliyada inaan furno masraxa furan oo ay dhistay Wasaaradda, halkan waxaa lagu qaban doonaan wax badan oo bulshada wax u tarta, madaxda sare ee dalka ayaa halkan imaanaya oo bulshada la hadlaya, oo sida caawa Warbaahinta u joogto ay awood u heli doonaan inay su’aalo ku weydiin karaan madaxdooda, Wasiirada waxa ay u imaan doonaan koox koox” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa hoosta ka xariiqay in Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ay masraxa furan si wadajir ah ugu qaban doonaan doodo. “Dood cilmiyeedyo ayaa halkan lagu qaban doonaa, gaar ahaan arrinta badda oo aan keeni doono qabiiro dhanka badda ah, waxaan kaloo keeni doonaa arrimaha bulshada dad kala hadla, oo dood ku geli doono, si wada jir ah waxaa dood ugu qaban doono Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ayay halkan u furan tahay habeen iyo Maalin”.ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta. Wasiir Maareeye ayaa daboolka ka qaaday in Golaha Murtida iyo Maddadaalada ee Tiyaatarta Qaranka xariga laga jari doono bisha Janaayo ee sanadka cusub, isagoo xusay in dhismaha masraxa hal abuurka ay gacan ka geysatay dhismaheeda Maareeyaha Wakaaladda dhismaha Qaranka. “Masraxa furan qofkasta waa u furanyahay oo wax u sheegaya bulshadiisa, masraxa furan maamul gaar ah ayuu leeyahay waad imaan kartaan oo waad ku soo bandhigi kartaan xirfadiina iyo aqoontiina, Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed ayaa gacan nagu siisay dhismaha masraxa furan, iskaa wax u qabso ayaana ku dhisnay runtii waan u mahadcelinayaa Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac” ayuu Wasiirka hadalkiisa ku soo xiray. Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wax badan la qabsan karo, masraxa ay Wasaaradda Warfaafinta hirgelisayna ay qeyb ka tahay horumarka iyo bilicda ka jirta magaalada. “Wasiirka oo ah nin aftahana ayaa wax waliba sheegay oo soo koobay, masraxa aadka u quruxda badan waxa uu ka midyahay waxyaabaha qurxoon ee maalin kasta la furo, runtii halkan waa meesha wax la isugu sheegi karo., waxa ay fududeyneysa in aragtiyo la isku weeydaarsado, dhismaha waan kaala qeyb galeynaa runtii sida aan ugala qeyb qaadano dhismaha xarumaha Wasaaradaha kale.” Ayuu yiri Wasiir Beyle. Munaasadda lagu daah furayay masraxa hal abuurka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, Maareeyaha Guud Wakaaladda Dhismaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo qaar kale oo ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, marti sharaf iyo fanaaniinta Hobollada Qaranka, kuwaasi oo madasha ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeyso horumarka ay dowladda ku talaabsatay iyo baraarujin ku saabsan inay ka qeyb qaataan horumarinta dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-03122019-ww.mp3 View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka banaanbax uu ka dhacay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi. Dibadbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cali Caadle oo la sheegay in saacadaha soo socda uu safar ku tagi doono magaaladaasi. Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, kuwaas oo gubayey taayaro, kuna qeylinayey erayo ka dhan ah maamulka HirShabelle. Sidoo kale dibadbaxaan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa guud degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in shacabku ay ka soo horjeedaan maamul cusub oo dhowaan loo magacaabay degmadaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana Buulo-Burte ku sugan wafdi isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan HirShabelle oo ku howlan xalinta xiisadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad salka ku heysay maamulka ay ka taagneyd degmada Buulo-Burte, taas oo u dhexeysa waxgaradka degmadaasi iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle.
-
Houston (Caasimada Online) – Wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faallo uu ku qoray wargeyska Houston Chronicle ee kasoo baxa magaalada Houston ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay noqon karto Texas-ta cusub marka loo eego kheyraadka ku jira. “Sheekada Soomaaliya dib ayaa loo qorayaa, waxaana mustaqbalka dalka astaan wanaagsan u ah shidaalkii laga helay Texas horraantii qarnigii 20-aad.” Ayuu wasiirka ku billaabaya faalladiisa. “Shidaalka Texas waxa uu horumariyey dhaqaalihii, waxa uu keenay waxbarasho wanaagsan iyo maal-gelin lagu sameeyey kaabayaasha iyo isku xirayaasha gaadiidka. Tani waxay muujineysaa sida dalkeena u noqon karo mustaqbalka, haddii aan u maareyno si taxaddar leh.” Ayuu qoray wasiir Cabdirashiid. Wasiirka ayaa sheegay in horumar laga sameynayo Soomaaliya oo ah dal dhul ahaan la eg gobolka Texas. Waxa uu xusay in dowladda ay dhowaan meel-marisay sharciga batroolka dalka, taasi oo bog cusub u ah taariikhda dalka. Waxa uu sheegay in sharciga uu dejinayo xeerarka maaliyadeed ee dowladda u ogolaanaya inay ugu dambeyn sahmiso shidaalka iyo gaaska loo maleynayo inuu ku jiro xeebaha Soomaaliya. “Gobolka Texas waxa uu caddeyn u yahay sida saliidda ay u maal-gelin karto adeegayada aas-aasiga ah. Waxa maanta ka socda Houston, sida shaqooyinka, waxbarashada iyo kaabayaasha waa natiijada saliida.” Ayuu yiri. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay billaabeyso safar muhiim u ah inay joogteyso horumar islamarkaana yareyso saboolnimada. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay noqon karto mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan Bariga Afrika ee shidaalka soo saara. “Haddii 30-ka bilyan ee barmiil ee shidaal oo la tuunsan yahay inay ku jiraan xeebaheena ay run noqoto, tani waxay gebi ahaan beddeli doontaa dalkeena.” Ayuu qoray. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku dayan doonto tallaabooyinkii Texas, si ay u maareyso kheyraadkeeda. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa xusay in shirkadaha ku guuleystay inay soo helaan shidaalka laga saxiixi doono heshiis wadaag oo dhigaya mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta deegaanka, islamarkaana ku qasbaya inay qaadaan tallaabooyin yareynaya saameynta shaqadooda. Heshiiskaas ayaa sidoo kale dhigi doona xeerarka maaliyadda ee labada dhinac, sida uu yiri. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Shirkadda Saliidda Qaranka Soomaaliya (Somali National Oil Company) ay lahaan doonto 20% qandaraas kasta oo dowladda ay bixiso. “Texas waxay ka faa’iideysatay fursaddii ay heshay horaantii qarniga 20-aad si ay u dhisto gobol sidan u horumarsan maanta. Dalkeena wuxuu haystaa fursad mar la-arag ah oo leh dhammaad farxadeed – Dowladdeena waa inaysan iska khasaarin.” Ayuu wasiirka kusoo geba gebeeyey qoraalkiisa. FG: Caasimada Online masoo wada tarjumin faalladii wasiirka, balse waxaan kasoo qaadanay nuxurka.
-
Over the past decade there has been a surge of interest in a novel approach to helping the world's poor: Instead of giving them goods like food or services like job training, just hand out cash — with no strings attached. Now a major new study suggests that people who get the aid aren't the only ones who benefit. Source: Hiiraan Online
-
Fresh goat is on the menu at Midnimo Restaurant in St. Cloud, an offshoot of Midnimo Grocery & Halal Meat that opened about a year and a half ago. Source: Hiiraan Online
-
San Diego (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ku dhowaaqay abaal-marin 5 milyan oo dollar ah oo lagu bixinayo akhbaar kasta oo hoggaamin karta soo qabashada nin la rumeysan yahay inuu yahay muwaadinka Mareykanka ee ugu darajada sarreeya ee ka tirsan ururo argagixiso oo caalami ah. Ninkan oo lagu magacaabo Jehad Serwan Mostafa oo 37 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado ku saabsan inuu taageero siiyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Mostafa ayaa waxaa loo haystaa dambiyo uu gaystay intii uu dhaxesyay 2008 ilaa 2017, waxaana la rumeysan yahay inuu iminka kaalin mug leh ka qaato qorsheynta howl-gallada Al-Shabaab ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya. Dacwad oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa sheegay in Mostafa uu ku dhashay gobolka Wisconsin, hase yeeshee uu ku bar-baaray xaafadda Serra Mesa ee magaalada San Diego ee gobolka California. Waxa uu Mareykanka ka tagay sanaddii 2005, isaga oo aaday Yemen kadibna uga sii gudbay Somalia, sida uu sheegay Scott Brunner, oo ah madaxa FBI-da Mareykanka ee qeybta San Diego. Mostafa ayaa kadib waqti aan la shaacin ku biiray kooxda Al-Shabaab. Mostafa waxaa la rumeysan yahay inuu ka qeyb galay weeraro argagixiso, uu tababaray dagaal-yahanno, islamarkaana uu nqoday afhayeen Al-Shabaab. Muuqaallo Video ayaa muujiyey isaga oo wejiga duubtay islamarkaana shir jaraa’id ku qabanaya xero ku taalla Soomaaliya, halkaasi oo uu ka aqriyey bayaan lagu xusuusanayey Osama Bin Laden. Erin Westfall oo ka tirsan FBI-da ayaa sheegtay in la rumeysan yahay in Mostafa uu iminka ku sugan yahay koonfurta Soomaaliya, halkaas oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin, inkasta oo aan la garaneyn goobta rasmiga ah ee uu joogo.
-
Popular Contributors
