Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga farsamada ee maamul u sameynta Galmudug, Mudane Cabdinaasir Geelle Cilmi oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa faah faahin guud ka bixiyey howlaha doorashada ee maamulkaasi. Geelle ayaa wareysigaan ku sheegay in dhammaan la xaliyey cabashadii beelaha, sida Saleebaan, Sacad iyo xataa Ahlu Sunna Waljamaaca, islamarkaana ay wax badan u qabsoomeen ka guddi ahaan muddadii ay joogeen gudaha magaalada Dhuusamareeb. “Aniga 2 bil ayaan joogaa halkan, dhib badan ma arkin, cabashadii beelaha ee hore sida Saleebaan, Sacad ama xataa Ahlu Sunna, dhammaan waa la xaliyey, waana laga soo gudbay, hadda waxaa lagu mideysan yahay in maamul loo dhanyahay loo dhiso Galmudug”. ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale Cabdinaasir Gelle ayaa xaqiijiyey in 4 ka mid ah saxiixayaasha beelaha Galmudug ee 2015-kii la bedalay, saddex ka mid ah wuxuu sheegay inay ahaayeen beesha Murusade, halka midka afaraad ee la bedlay uu ahaa beesha Shiikhaal. Guddoomiyaha ma shaacin sababta rasmiga ah ee meesha looga saaray xubnahaasi oo ka mid ahaa 46 oday oo ah saxiixayaasha beelaha deegaanada maamulka Galmudug. “Odayaasha saxiixayaasha waxaa ay ahaayeen 46, waxa la badalay waa 4 keliya, 3 Murusade ah iyo hal Sheekhaal ah, inta kale wax la taabtay ma jiraan, iyaga ayaana hadda shaqeeya”. Ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey Cabdinaasir Geelle Cilmi. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay arrimaha doorashada Galmudug, gaar ahaan jadwalka ay soo saareen, isaga oo sheegay inay caqabad ka jirin, kuna shaqeyn doonaan. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka soo horjeesatay shuruudihii uu xalay shaaciyey guddiga doorashada Galmudug, kuwaas oo la dul dhigay xubnaha doonaya inay ka mid ah noqdaan baaralamaanka labaad ee maamulkaasi.
  2. Fahad Yaasiin oo hore uga hawlgali jiray wakaalada wararka ee laga leeyahay boqorrtooyada Qatar ee Al-Jazeera, ayaa ay calaamadsadeen sirdoonka dawladaaasi sanadkii 2009 kii iyaga [...] Source
  3. Garoowe (Caasimada Onine) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo ka hadlayey xerada 54-aad ciidanka Daraawiishta ee duleedka Garoowe ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa ugu horreyn sheegay in xukuumaddiisa bilihii la soo dhaafay ay xoogga saartay dib u dhiska ciidamada iyo sidii loo tayeyn lahaa, wuxuuna tilmaamay inay wax adan uga qabsoomeen qorshihiisa. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday sababta lagu macaarado maamulka uu hoggaamiyo, isagoo xusay in lagu dhaliilo markasto in aysan bixin mushaaraadka ciidamada, hayeeshee uu gaashaanka u daruuray, wuxuuna qiray inay si joogta u bixiyaan xuquuqda ciidanka. Deni ayaa intaasi ku daray in Punland ay ka go’an tahay inay hesho ciidan ku filan oo awood leh, kuna seexaan karaan shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi. “Muddadii hada la joogay waxaa dad fara badan oo ladan dalka jooga waxay nagu mucaaradayeen mushaaraadka idinka idin qeybino, mushaarkiina joogto uma heshaan Taliye, dowladda lacag ma bixiso la leeyahay lacagta inay baxday idinka og. ”ayuu yiri Madaxweyne Deni oo la hadlayey ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland. Ugu dambeyn wuxuu kala dardaarmay saraakiisha ciidanka inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, islamarkaana ay xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay gadood ka sameeyeen gudaha maamulkaasi, kuwaas oo ka cabanayey mushaar la’aan.
  4. Maanta oo ah Arbaca ah, 25 December 2019, waxaa jira kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ajendaha Kulanka ayaa ah u codeynta Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo sidoo kale u codeynta Hindise Sharciyeedka Shirkadaha. Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sharciyadan horay uga soo dooday wuxuuna maanta qorshuhu yahay inay meel mariyaaan. Source: goobjoog.com
  5. Laamaha ammaanka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraaan ayaa ammar dul dhigay shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Waxaa la faray shacabka in ugu horreyn ay ka fogaadaan ku ganacsiga hareeraha waddooyinka, islamarkaana cid walbo oo lagu arko iyada oo wadada ku dhinac ganacsaneysa tallaab laga qaadi doono. Ammarkan oo uu ku saxiixan yahay taliye ku xigeenka saldhigga Booliiska B/weyne, Maxamed Maxamuud Rooble ayaa sidoo kale waxaa lagu mamnuucay in bacaha madow lagu xiro gaadiidka. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha Puntland ayaa ballan qaaday in haatan wixii ka dambeeya uu maamulkiisu bixin xuquuqda iyo mushaaraadka ciidamada Puntland. Siciid Deni oo xerada 54-aad ee duleedka magaalada Garoowe kula hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada maamulkaasi ayaa sheegay inuu garab taagnaan doono ciidamada, islamarkaana ay heli doonaan tababaro dheeraad ah iyo daryeel dowladeed intaba. Sidoo kale wuxuu kala dardaarmay saraakiisha ciidamada inay xoojiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday iyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada Puntland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Jaamac-Kadiye.mp3 View the full article
  7. Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa xildhibaanadu waxa ay uga doodi doonaan hindise sharciyeedka maamulka iyo maareynta maaliyadda iyo midka shirkadaha. Labadaan hindise sharciyeed ayaa waxaa soo diyaariyey wasaaradda maaliyadda iyo mida ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay dardar galinayey shaqooyinka hor yaalla, gaar ahaan meel marinta shuruucda kala duwan ee la hor geeyey. View the full article
  8. Iyada oo Galmudug ay ku jirto maalmo doorasho ayey Goobjoog News wareysi gaar ah la yeelatay guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi, innaga oo hordhignay walaacyada jira ee laga qabo madaxbannaanida guddiga, heshiiska Ahlu-sunna, odeyaal la badalay iyo sida ay ugu socon karaan jadwalka cusub. Ugu horreyntii waxaan Cabdinaasir Geelle weydiinney in dhammaan beelaha heshiis ku yihiin wax socda iyo in kale isaga oo ku jawaabay “ Aniga 2 bil ayaan joogaa halkan, dhib badan ma arkin, cabashadii beelaha ee hore sida Saleebaan, Sacad ama xataa Ahlu-sunna, dhammaan waa la xaliyey, waana laga soo gudbay, hadda waxaa lagu mideysan yahay in maamul loo dhanyahay loo dhiso Galmudug”. Mar aan kala hadalnay sida loogu kalsoonaan karo ka guddi ahaan iyo in aaney dowladda federaalka ah adeegsan waxaa uu yiri “Aniga cid gaar ah la iiguma tiriyo, markii la ii magacaabayey mucaaradka oo dhan raalli ayey ka ahaayeen, weliba waxba isma badalin, waxaan qaban doonnaa doorasho hufan, xalaal ah, oo madaxbannaan”. Waa sidee saammiga ay Ahlu-sunna ku leeyihiin beelaha waxaa uu uga jawaabay “ Ahlu-sunna waad ogtahay waxaa lagula heshiiyey 20 xildhibaan, waxaa ay ku qaadan doonnaan heshiis la ogyahay, oo ah in beesha leh 8 xildhibaan wax ka yar ay ka qaadan karaan hal xildhibaan, beesha leh 8-12 xildhibaanna waxaa ay qaadan karaan labo xildhibaan halka beesha leh 15 xildhibaan ay 3 xildhibaan ka qaadan karaan”. Cabdinaasir Geelle Cilmi waxaa weydiiney, ma jiraa in la badalay qaar ka tirsan odeyaashii saxiixayaasha beelaha Galmudug 2015-kii, wuxuuna ku jawaabay “ Odeyaasha saxiixayaasha waxaa ay ahaayeen 46, waxa la badalay waa 4 keliya, 3 Murusade ah iyo hal Sheekhaal ah, inta kale wax la taabtay ma jiraan, iyaga ayaana hadda shaqeeya”. Ugu dambeyntii, waxaan guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi su’aalnay sida loogu kalsoonaan karo inuu ku shaqeynayo jadwalka doorasho ee cusub waxaa uu ka yiri “Haa, midkan cusub waan ku shaqeyn doonnaa inshaa-allaah, caqabadna kama jirto” ayuu ku soo koobay. Waxaa Wareystay: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  9. Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysnaa oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dilkaan oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxaa loo geystay nabadoon lagu magacaabi jiray Cismaan Axmed Askar, kaas oo si weyn looga yaqiinay degmadaasi. Nabadoonka ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa afaafka hore hoygiisa oo ku yaalla xaafadda New Boosaaso, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, waxaana Meydka halkaasi ka qaaday dad rayid ah. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, balse ma jirto cid ay gacanta ku soo dhigeen. Muddooyinkii dambe amniga Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli ay halkeeda tahay xiisada u dhexeysa xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Deni iyo waxgaradka magaaladaasi.
  10. (SLT-Hargeysa)-Sucaad Carmiye ayaa ka hadashay shir ay kaga qayb-gashay dalka Jabuuti, halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Marxuum Cismaan Axmed Askar Dableey hubaysan ayaa xalay magaalada Boosaaso ku dilay, nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Axmed Askar, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga gobolka Bari. Dableeyda hubaysan ayaa rasaas ku furay ninka dhintay, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa magaalada Boosaaso, daqiiqado kadib markii uu ka soo dhaqaaqay saaxiibadiis oo fadhiyay maqaaxi lagu caweeyo, sida ay sheegeen goob-joogayaal. Kooxdii dilka gaystay ayaa durbadiiba goobta isaga baxsaday, ka hor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka Booliiska gobolka Bari, oo markii dambe hawlgal ka sameeyay xaafadda dilkaasi ka dhacay. Caaqil Axmed Askar oo dhalay wiilka la dilay ayaa laga soo xigtay in uusan garanayn sababta wiilkiisa loo dilay, maadaama uusan Marxuumku wax siyaasad ah ku lug-lahayn. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo gaystay marxuum Cismaan Axmed Askar. PUNTLAND POST The post Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  12. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu diley mid kamid ah nabadoonnada ugu caansan. Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in xaafadda New Boosaaso ay ku dileen Allaha u naxariistee Nabadoon Cismaan Axmed Askar oo aad looga yaqaannay deegaannada Puntland. Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, waxaa goobta isaga baxsaday raggii diley Nabadoonka, waxaana halkaasi gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaanno sameeyey. Lama oga illaa iyo hadda cidda ka dambeysay dilka Nabadoon Askar, waxayna saraakiisha ammaanka Boosaaso sheegeen iney wadaan baaritaanno. Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmihii dambe ahaa mid soo hagaagayey, iyadoo ciidamada ammaanka wadeen howlgallo joogta ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Ururka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa iska diiday shuruudo ay soo bandhigeen Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug, kuwaasi oo ku wajahan xubnaha ka mid noqonaya xildhibaannada Galmudug. Qoraal kasoo baxay Ahlu-sunna ayaa lagu sheegay in aanay marnaba u hoggaansami doonin shuruudahaasi, maadaama heshiiskii DFS iyo Ahlu-sunna ahaa in iyaga u madax-banaanyihiin keensashada xildhibaannada gaaraya 20-ka. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in xildhibaannada Ahlu-sunna aanu saameyn doonin, islamarkaana mudanayaashooda kaliya sugi doonaan dhaarinta. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
  14. Safiir Ku/xigeenka Safaarada Soomaaliyeed ee Kenya Suudi Saciid Suudi ayaa xilkii kala wareegay safiir ku-xigeenkii hore ee safaarada Somaliya ee Kenya Aways Amiin Sheikh munaasabad ka dhacay xarunta safaaradda ee Nairobi. Kulanka xil- kala wareegida waxaa goob joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya danjire Maxamed Nuur Tarsan, shaqaalaha safaaradda iyo xubno wasiirro ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaanna hadalo koobban oo ay hoo isugu jiray mahadcelin iyo soo dhoweyn loo jeediyey safiirka, qunsulkii hore iyo qunsulka cusub. Qunsulkii hore Aways Amiin oo madasha hadal koobban ka jeediyey, wuxuu u mahad celiyay safiirka iyo guud ahaan shaqaaladaha safaaradda gacantii ay ku siiyeen gudashada waajibaadkiisa, isaga oo dhinaca kalena u rajeeyey qunsulka cusub Sudi Said Sudi in uu ALLE la garab galo waajibaadka culus ee loo igmaday, isaga oo ku tilmaamay Sudi Said Sudi inuu yahay diblumaasi si fiican u garanaya waajibaadkaasi, lehna khibrad siyaasadeed. Sudi Said Sudi oo kulankaasi ka hadlay wuxuu dhinaciisa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo safiir ku-xigeenkii hore Aways amiin, sidoo kale, wuxuu u mahadceliyey safiirka iyo dhammaan howl-wadeenada safaaradda oo uu sheegay in ay si qurux badan ugu soo dhoweeyeen safaaradda. “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa mudane Aways Amiin oo shaqo fiican ka soo qabtay safaarada, waxaana rajaynayaa in aan sii dhameeystiro tiro howshii uu soo qabtay, waxaana aad ugu mahad celinayaa safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan oo asna si milgo leh iigu soo dhaweeyay safaarada” ayuu yiri Danjire Sudi Said Sudi oo halkaas ka hadlay. Safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ee Kenya ahna qunsulka safaarada danjire Sudi Said Sudi ayaa sheegay in uu u shaqayn doono ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, uuna xafiiskiisa u furan yahay qof kasta oo Soomaali ah. Safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ee Kenya ahna qunsulka safaarada Soomaaliya , Sudi Said Sudi ayaa horay u soo noqday Chief of Protocol dowladii Carta, iyo Chief of Staff kii dowladii Sheekh Shariif, sidoo kale wuxuu noqday madaxda protocol-ka Raysul wasaarayaashii hore Cumar Cabdirashid iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wariye Cabdixakiin Cilmi Xasan, Nairobi, Kenya
  15. Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka sameeyey deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee K/Soomaaliya. Howlagllada ayaa ahaa kuwa ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolladaasi. Taliyaha ururka shanaad ee ciidamada Danab Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey dhaq dhaqaaqyadaasi. Ciraaqi ayaa tilmaamay in howlgalladaasi ay ku soo qab qabteen qaraxyo badan, ayna fashiliyeen, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/d.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay Kormeer kedis ah ku tegay Cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaana uu Madaxweynuhu kormeerkiisan ku booqday Bukaanada jiifa Cusbitaalka oo uu ku booqday waadhadhka. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, waxana kormeerka ku wehelinayey Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Cabdikariim Axmed Xinif, Ergeyga gaarka ah ee wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse. Madaxweynaha ayaa qof qof isu dul-taagay bukaanada isagoo halkaasi ku xaal waraystay islamarkaana u sheegay in ujeeddadiisu tahay inuu ogaado sida loogu shaqaynayo bukaan jiifka, waxaanu uu ugu duceeyey dhammaan dadka xanuunsanaya oo uu Ilaahay uga baryey madaxweynuhu inuu xannuunka ka dul qaado caafimaad taam ahna ugu beddelo. Dhanka kale waxa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegay qeybta ay wax ku bartaan ardayda Jaamacada Hargeysa ee barata caafimaadka, waxaanu la kulmay macalimiin ajaanib ah kuwaasi oo kasoo jeeda waddanka Turkiga islamarkaana tababar dhanka qaliinka ah siiya ardayda Jaamacada Hargeysa ka barata caafimaadka. Madaxweynaha ayaa Dhakhaatiirtaasi uga mahadceliyey dedaalkooda iyo tacabka ay ardayda gelinayaan, sidoo kalena waxa uu ardayda ku dar-daaray inay wax badan ka faa’idaystaan khabiirada caafimaad ee wax u dhigaya, wakhtigoodana gelinaya dalka. Source
  17. Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka horyimid shuruudihii uu xalay shaaciyey guddiga doorashada Galmudug, kuwaas oo ka koobnaa illaa 11 qodob. Qoraal ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in shuruudahaasi aysan quseyn 20-ka xubnood ee laga siiyey baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug. Halkan hoose ka ka akhriso: View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-subax-25122019.mp3 View the full article
  19. Hoggaanka Saree e Ahlusunna, ayaa ku gacan-sayray shuruudaha uu guddiga doorashada Galmudug ku xiray xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug. Hoggaanka Ahlusunn,a waxay sheegeen in shuruudaha guddiga doorashada Galmudug aysan khusayn qoondada 20-ka xildhibaan ee Ahlusunna laga siiyay Baarlamanka Galmudug, maadaama Ahlusunna aysan aqoonsaneyn guddigaasi matalaadna ku lahayn. Ahlusunna ayaa sidoo kale sheegtay, in Heshiiskii ay la gashay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu garwadeenka ka ahaa Ra’iisul wasaare Khayre, ay sidiisi u fuliyeen dhankooda. Sidoo kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay ixtiraamto Heshiiska labada dhinac wada-galeen, islamarkaana ay sidii loo dhigay u dhaqan-geliso. Halkan hoose ka akhriso qoraalka Ahlusunna PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo ku gacan-sayray Shuruudaha guddiga doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si weyn uga horyimid shuruudihii uu xalay soo bandhigay guddiga farsamada maamul u dhisida Galmudug, kuwaas oo la xariiray ka mid noqoshada baarlamaanka. War ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in shuruudaha guddiga aysan quseyn 20-ka xubnood ee ay dhowaan soo xushay. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa shaacisay inay xor u tahay xubnaha laga siiyey baarlamaanka labaad ee Galmudug, taasina ay ku cadahay heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga doorashada Galmudug ee ay magacawday wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan weli aqoonsaneyn, islamarkaana aysan ku laheyn wax matalaad ah. Ugu dambeyn waxa ay Ahlu Sunna ugu baaqday dowladda dhexe inay ilaaliso heshiiska labada dhinac, iyada oo tilmaamtay in dhankeeda ay sidiisii u fulisay. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo xalay guddiga farsamada uu soo saaray 11 qodob oo laga doonayo qofka noqonaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, iyadoo qodobadaasi ay saamaynayan dhammaan 89-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug. Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka socota soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub Galmudug, waxaana sharuudahan la soo saaray, xilli aanay horey u kala cadayn qofka noqon kara Mudane Baarlamaanka Galmudug ah.
  21. Dawladda Ingiriiska ayaa bogaadisay heshiis nabadeed oo ay wadagaadheen laba beelood oo muddo afar sannadood ah ku dirirsanaa degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kuwaasi oo colaadii u dhexaysay soo afjaray Axadii Toddobaadkan. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Qoraal uu bartiisa Twitterka ku baahiyey Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland Stuart Brown, waxaanu sheegay in heshiiskaasi uu caddeyn u yahay muhiimada nabadda salka hoose laga soo unkay ee ay bilaabeen shacabka Somaliland. Stuart Brown wuxuu heshiiskii lagu soo afjaray colaadii deegaanka Ceel-afweyn ku sifeeyey heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo lagu guulaystay afar sannadood kadib markii colaadaasi bilaabantay. Madaxa dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland waxa uu tilmaamay inuu bogaadinayo cid kasta oo kaalin ka qaadatay heshiiskaas, waxaanu xusay inuu u rajaynayo bulshada deegankaasi inay ku naaloodaan nabadgelyo. Source
  22. (SLT-Iran)-Sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Iiraan ayaa sheegay in Israel ay ka qoomamayn doonto xadgudubyada ka dhanka ah dalalka Suuriya iyo Lubnaan. La-taliyaha dhanka arrimaha dibadda ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan ayaatulaahi Cali Khumeyni, Mr Cali Akbar Velayati ayaa sheegay in xukuumada Tel Aviv ay heli doonto jawaab bixin ka dhan ah tacadiyada dalalkaan. Mr Cali oo wareysi siinayay Tv-ga Russia Today ayaa intaa ku daray ha dhowaato ama ha dheerato Israel ay ka qoomamayn doonto duqeymaha ay ka wado dalka Suuriya. Dhanka kale wuxuu tilmaamay in Israel ayna awood u laheyn in ay sii wado dhibaatada ay ka geysaneyso bariga Dhexe. Source
  23. (SLT-London)-Hoggaamiyeyaasha dhalinyarada Muslimiinta UK ayaa diyaar garow ugu jira in raashin iyo agabyo kale oo gargaar ah ay gaadhsiiyaan dadka darbi jiifka ah dhammaadka Sannadkaan. Dhalinyaradan is aruursatay ayaa dhanka kale dadaal ugu jira in howlgalo nadaafadeed ay ka sameeyaan magaalooyinka UK. Caadil Shaah oo 24 jir ah kana tirsan hey’adda Ahmadiyya Muslim Youth Association ayaa sheegay in ay doonayaan isbadal dhanka nadaafada ah in laga dareemo Ingariiska. Wuxuu intaa ku daray in maalinta dabaaldega Christmas ka ay u kuurgali doonaan sida wax looga qaban karo dhibaatada heysata dadka darbi Jiifka. Inkabadan 4,700 ruux oo ku nool UK ayaa ah kuwa darbi jiif ah sida ay sheegtay dowlada sannadkii 2017-dii iyadoo tan iyo waqtigaas ay 15 boqolkiiba ay tirada kor u Kacday. Source
  24. (SLT-Brazil)-Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa lumiyay xasuustiisa kaddib marki uu kufay oo uu madaxa dhulka ku dhuftay. Wareysi lala yeeshay salaasadii ayuu madaxweynahan 64-jirka ah ku sheegay in uu ku taraaraxay musqul ku taalla qasriga madaxtooyada, taasoo keentay inuu madaxa ka dhul billaabo. Wuxuu sheegay in markiiba uu lumiyay xasuustiisa, balse ay dib ugu soo laabatay aroornimadi maalinti xigtay isla markaana uu hadda caafimaad qabo. Caafimaadka madaxweynaha Brazil ayaa noqday mid ay dad badan walaac ka muujiyeen tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkaan. Afar jeer ayuu maray qalliin lagu saxay dhaawac ka gaadhay caloosha, kaddib marki uu toorreey ku weeraray nin cadheysan bishi September xilli uu ku jiray ololihii doorashada madaxtinimada uu marki danbe ku guuleystay. Source