-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Garoonka kubada cagta Stadium Eng Yariisoow ex Stadium Koonis ayaa lagu soo gaba gabeeyay tartanka xiisaha badan ee kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir kaas oo ay kama danbestiisa isugu yimaadeen kooxihii kala matalaye degmooyinka Waaberi iyo Dharkeenley. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) wasiirka Wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyarada ee XFS, Taliye ku-xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed iyo kumanaan dad weynaha ah ayaa ka qeyb galay finalla tartanka degmooyinka Muqdisho. Ciyaartoyda labada dhinac ayaa garoonka Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar aad u xiisa badneyd iyagoo sameeyay fursado wax ku’ool ah oo goolal noqon karay hasa’ahaate waqtigii ciyaarta loogu talagalay ayaa kusoo idlaatay 0-0 inkastoo rigoorayaal ay guusha ku raacday kooxda ku ciyaareysay degmada Dharkeenley sidaasna lagu gudoonsiiyay koobka tartanka kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Caasimadu ay ku talaabsatay horumar xasilooni u baahan in lasii xoojiyo. Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay horumarka Sports ee dalka kajira. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-06122019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa jawaab ka bixiyey hadal uu xalay jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kaasi oo uu kaga jawaabay hadalkii muranka dhaliyey ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka sheegay dalka Jarmalka. Hoos ka aqriso jawaabta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Waxaan dhegaystay hadal uu Maxamad Cabdi Umal kaga falceliyey khudbad aan horay u jeediyey. Hadalka Umal wuxuu ku soo beegay caawa fiidkii, ka dib maanta duhurkii oo aan dadwaynaha Soomaaliyeed u caddeeyay ugana cudurdaartay wixii khalad ah ee hadalkaygii hore ku jiray. Waxaanse la yaabay in Umal uu si ula kac ah oo shakhsi ah ii lafa gaaray. Wuxuu igu tilmaamay: “Jaahil, eey oo kala ah, gaalo raac, Nebi diid ah, Diinta ka xuubsiibtay, dumarka cod si khiyaano ah uga raadsanaya.” Wuxuu Umal shacabka Soomaaliyeed ku eedeyey in ay raggii soo qixiyay xukunka ku abaal mariyeen, oo ay madax ka dhigteen. Waxaa uu kaloo sheegay in kuwo aan anigu ka mid ahay ee soo socdana ay gaalo raac yihiin. Umal wuxuu ka gaabsaday gabood falka iyo xadgudub ka madaxda haatan talada dalka haysa. Wuxuusan juuq ka oran dhiibistii Qalbidhagax, xasuuqii Baydhabo, cunaqabataynta shacabka Kismaayo, iyo weerarkii wiilasha ilaalada ii ahaa ee xarunta Xisbigayga lagu xasuuqay. U hiilinta Diinta ka mid maaha miyaa ilaalinta dhiiga Muslinka, dhowrista sharafkiisa iyo xuquuqdiisa? Lama yaabbani Sheekh Umal, sababta oo ah, waa ninkii na gaalaysiiyey markii aan heshiiskii Jabuuti galnay; waa ninkii gaalaysiiyey C/laahi Yuusuf; waa ninka Dawladdii Xasan Sheekh irdaha u taagnaa. Isaga iyo Xasan Daahir waxaa ay ilaalashadaan dawladda uu Farmaajo hoggaamiyo, sababtuna waa ay caddahay. Waa in Fahad Yaasiin oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xarakada Ictisaam oo ay soo wada galeen dagaalkii Araare, Gedo iyo Boosaaso uu dawladdaan milkiile ka yahay. Waxaa dhaqan u ah gaalaysiinta Muslimka, banaynta dhiigiisa iyo ku xadgudubka cirdigiisa. Hadal jeedinta Umal diin difaac ma ahayn, sababtoo ah ima daba taagnaadeen anigoo wax kasta cadeeyey, waqtiga intiisa badana wuxuu ku bixiyey in uu dadka iibiyo in aanan cod la i siinin. Inta kale Xasan Daahir ayuu kala mid ahaa, laakiin wuxuu kaga duwanaa in uu olole siyaasadeed oo ba’an ku jiray, laakiin waxaan ku kalsoonahay intii dhagaysataa oo caqli, cilmi iyo garasho leh in ay fahmi doonaan halka qasadkiisu yahay iyo hawsha uu Umal heeganka ugu jiro.
-
Nearly $55K Raised For Muslim Uber Driver Shot In PG County
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A Somali Muslim man who was shot while driving for Uber in Prince George's County is slowly making a recovery, and nearly $55,000 has been raised for his family as of Thursday evening. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo siyaasadeed oo xoog leh, kuwaas oo ay wadaan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkii la soo dhaafay sameeyay saddex kulan oo mihiim ah, kuwaas oo qal qal geliyay saraakiil ka tirsan Villa Somalia, sida ay ogaatay Caasimada Online. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay su’aalo iska weydiiyeen waxa ka dhalan kara kulamada Sheekh Shariif la qaatay madaxweynaha dalka Jabtuuti, safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo kulankii shalay ee wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Sheekh shariif ayaa kulankii James Swan kala hadlay arrimaha doorashooyinka, siyaasadda iyo faragelinta Itoobiya waana waxa keenay walaaca masuuliyiinta dowladda Soomaaliya. Madaxda dowladda ayaa dareensan in hogaamiyaha madasha Xisbiyada uu gudbiyay dacwad ka dhan ciidamada Itoobiya iyo hab dhaqan kale oo siyaasadeed oo dalka ka jira, kaas oo sababi kara guul darrooyin amni iyo mid daganaansho siyaasadeed ah sida ay sheegeen siyaasiin badan. Sheekh Shariif ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu kulamad inta badan kaga digay isku dayada Villa Somalia ku dooneyso in madaxweyne Farmaajo waqtiga loogu kordhiyo. Sheekh Shariif ayaa la rumeysan yahay inuu yahay musharaxa ay Villa Somalia rumeysan tahay inuu loolanka ugu adag uga iman doono doorashada soo socota.
-
Laba Jeneral oo laga dalbaday in ay iska casilaan guddigii uu Farmaajo u magacaabay Wadhadalada Somaliland & Somalia Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa dalbaday in laba xubnood ay iska casilaan Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee uu bisii July magacaabay madaxweyne Farmaajo. Labada xubnood ee la diidan yahay ayaa kala ah Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) iyo Jeneral Axmed Jaamac Muuse. Xildhibaan Cabdifataax Daahir Ismaaciil, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland kana tirsan guddiga joogtada ee golaha shacabka oo shalay la kulmay guddigan qaabilsan wada-hadallada, ayaa sheegay inay muhiim tahay in labada xubnood laga saaro guddiga, si meesha ay uga baxdo aragtida aan waanagsaneyn ee guddiga laga qabo. “Maanta waxaan si rasmi ah ugala hortagay labada jeneral ee howl-gabka ah ee Cabdiraxmaan Guulwade iyo Axmed Jaamac inay iska casilaan Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta Somaliland. Tani waxay dhabbaha u xaari doontaa in la beddelo mowqfika aan wanaagsaneyn ee dadku ka qabaan guddiggan” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Aragtida xildhibaan Cabdifataax ayaa waxaa sidoo kale qaba xildhibaano kale oo kasoo jeeda gobollada waqooyi oo marar badan ku dhaliilay madaxweynaha go’aanka uu ku magacaabay xubnahan. Cabdiraxmaan Guulwade iyo Axmed Jaamac ayaa lagu haystaa inay jagooyin sare ka hayeen dowladdii Maxamed Siyaad Barre markii ay xasuuqa ka gaysatay gobollada Waqooyi, inkasta oo si toos ah aan loogu caddeyn inay ku lug lahaayeen. Cabdiraxmaan Guulwade waxa uu soo noqday taliyaha guul-wadeyaasha, iyo taliyaha booliiska Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale uu qabay gabadhii Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu aad ugu dhowaa Maxamed Siyaad Barre, la-taliyana u ahaa. Axmed Jaamac Muuse oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi waxa uu 1987-dii noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed isaga oo ugu horeeyey Guulwade, waxaana xilligii uu xasuuqu dhacayey uu hayey jagadan. Qaran News
-
Pawan joins Kyarr, Fani, Maha, Vayu, Hikaa, Bulbul and Pabuk; to cross Somalia on December 7 Source: Hiiraan Online
-
The director of the Norwegian Nobel Institute has called it “highly problematic” that the 2019 Nobel Peace Prize winner won’t attend any event next week where he could be asked questions publicly, while the spokeswoman for Ethiopia’s prime minister cited “pressing” domestic issues and the leader’s “humble disposition Source: Hiiraan Online
-
Iran oo sameysaneysa gantaallo ay ka qayliyeen reer galbeedka Gantaalka Shahab-3 waxay Tehran soo bandhigtay 26-kii September 2019 Seddex ka mid ah quwadaha reer galbedka ayaa Qaramada Midoobay uga digay iney Iran sameysaneyso gantaal ay riddadiisu dheer tahay oo awood u leh inuu qaado Niyukilarka, taasina ay tahay mid ka horimaneyso qaraarki golaha ammaanka ee qaraada midoobay. Warqad ay si wadajir ah u soo qoreen dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa lagu sheegay iney Iran tijaabisay gantaalka riddada dheer ee baalastika Shahab-3, oo awod u leh inuu qaado hubka Niyuukilarka. Tallaabbooyinka noocaasi oo ay qaadday Iran waxay sheegeen iney lid ku yihiin qaraarki lagu meel mariyey heshiiski Niyuukilarka Iran ee 2015-kii. Hase yeeshee Iran eeddaasi loo soo jeediyey waa ay diidday. Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohamed Javad Zarif wuxuu sheegay warqadda ay waddama ka mid ah quwadaha reer galbeedka ay soo qoreen ‘iney ku qoreen been abuur’ si ay u daboolaan awooddooda aadka u liidata ee gudashada waajibaadka ka saarnaa heshiska Niyuukilarka ee ay galeen. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @JZarif 443 people are talking about this Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @JZarif Qaraarka golaha ammaanka uu tirsigiisu yahay 2231 “wuxuu ku baaqayaa” Iran iney sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo la xiriira gantaallada balastika ee awoodda u leh iney Niyuukilarka xambaaraan, iyo iney tijaabiso teknooloojiyadaha la xidhiidha gantaalka baalastika. Iran oo iska indha tireyso cadaadiska uga imanaya reer galbeedka waxay ku adkeysatay baranaamijkeeda Niyuukilarka inuu yahay mid nabadeed, waxayna diidday barnaamijyadeeda gantaallada baalastika ay ka hor imanayaan qaraarka golaha ammaanka. Warqadda ay waddamada reer galbeedku qoreen waxaa lagu sheegay muuqaalka muujinaya tijaabada gantaalka Shihab-3 uu caddeyn u yahay xadgudubka dhinaca horumarinta taknooloojiyadda gantaallada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @irMilitaryTube See رسانه نیروهای مسلح ایران’s other Tweets Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @irMilitaryTube Wakaaladda wararka ee AP waxaa kale oo ay sheegtay in warqadda ay qoreen Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ay ku sheegeen seddex tusaale oo ku xad gudbaya qaraarka uu tirsigiisu yahay 2231: Tijaabada Shihab-3 ee 24 July Tijaabada gantaalka riddada dhexe ee Borken-3, oo ay ku hubeysan yihiin Xuutiyiinta loona maleynayo iney Iran ku hubeyso inkasta oo ay Tehran eeddaasi diidday Tijaabada dayax-gacmeedka Safir ee ay Iran hawada sare u dirtay 29 bisha August. Wasiirka arrimaha dibadda Isra’el, Israel Katz wuxuu soo dhaweeyey warqadda ka soo baxday qaar ka mid ah quwadaha reer galbeedka, wuxuu diblomaasiyiinta Isra’il uu ku amray iney u soo gudbiyaan “liiska xadgudubyada Iran ay u geysatay heshiiska Niyuukilarka” golaha ammaanka qaramada midoobay ee la filayo inuu 19-ka December kaga hadlo arrimaha Iran. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @Israel_katz 44 people are talking about this Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @Israel_katz Iran waxay bilihi ugu dambeeyey qaadday tallaabooyin xadgudub ku ah heshiiska Niyuukilarka iyada oo jawaab uga dhigeyso go’aanki madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qaatay sanadki hore oo uu kaga baxay heshiiska Niyuukilarka isla-markaana uu cunaqabateyno hor leh ku saaray Iran. Mr Trump wuxuu doonayaa in Iran lagu qasbo iney wadahadal cusub ay ka billaawdo barnaamijkeeda Niyuukilarka iyo horumarinta gantaallada baalastika ee ay sameysato. Iran waxay diidday iney wax wada hadal ay gasho ilaa uu Mareykanka cunaqabateynada uu saaray uu ka qadayo. Iran oo markab ajinabi ah qafaalatay Maraykanka oo Iran eed dusha uga tuuray Ila wareedyo kalana waxay sheegayaan iney qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Mareykanka ay sheegeen markaabiita diyaradaha dagaalka qaada in laga howl geliyey gacanka cummaan si ay uga hortagaan gantaallada Iran ee soo gala Yemen. Hase yeeshee, wasiirka gaashaan dhigga Mareykanka ayaa diiday warbixinta lagu daabacay wargeyska Wall Street ee sheegay in maraakiib dagaal oo kale, qalab ciidan iyo ciidamo ka badan 14,000 loo diray bariga dhexe si ay Iran u weeraraan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa dalbaday in laba xubnood ay iska casilaan Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee uu bisii July magacaabay madaxweyne Farmaajo. Labada xubnood ee la diidan yahay ayaa kala ah Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) iyo Jeneral Axmed Jaamac Muuse. Xildhibaan Cabdifataax Daahir Ismaaciil, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland kana tirsan guddiga joogtada ee golaha shacabka oo shalay la kulmay guddigan qaabilsan wada-hadallada, ayaa sheegay inay muhiim tahay in labada xubnood laga saaro guddiga, si meesha ay uga baxdo aragtida aan waanagsaneyn ee guddiga laga qabo. “Maanta waxaan si rasmi ah ugala hortagay labada jeneral ee howl-gabka ah ee Cabdiraxmaan Guulwade iyo Axmed Jaamac inay iska casilaan Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta Somaliland. Tani waxay dhabbaha u xaari doontaa in la beddelo mowqfika aan wanaagsaneyn ee dadku ka qabaan guddiggan” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Aragtida xildhibaan Cabdifataax ayaa waxaa sidoo kale qaba xildhibaano kale oo kasoo jeeda gobollada waqooyi oo marar badan ku dhaliilay madaxweynaha go’aanka uu ku magacaabay xubnahan. Cabdiraxmaan Guulwade iyo Axmed Jaamac ayaa lagu haystaa inay jagooyin sare ka hayeen dowladdii Maxamed Siyaad Barre markii ay xasuuqa ka gaysatay gobollada Waqooyi, inkasta oo si toos ah aan loogu caddeyn inay ku lug lahaayeen. Cabdiraxmaan Guulwade waxa uu soo noqday taliyaha guul-wadeyaasha, iyo taliyaha booliiska Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale uu qabay gabadhii Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu aad ugu dhowaa Maxamed Siyaad Barre, la-taliyana u ahaa. Axmed Jaamac Muuse oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi waxa uu 1987-dii noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed isaga oo ugu horeeyey Guulwade, waxaana xilligii uu xasuuqu dhacayey uu hayey jagadan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u adeegsaneysa Sheekh Xasan Daahir Aweys inay ku weerarto xubnaha ayada kasoo horjeeda, waxaa sidaas ku eedeeyey aqoonyahanno iyo mucaaradka. Dhamaadka sanadkii hore iyo bilaawgii sanadkaan ayey dowladda federaalka Soomaaliya Internate-ka ka joojisay Sheekh Xasan Daahir Aweys kadib markii uu markaas ka hadlayay xarigga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, basle waxay hadda muuqata in dib loogu fasaxay bilooyinkii u dambeeyey. Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu kadib soo duubay dhowr muuqaal oo uu ku weeraray shakhsiyaad ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u dambeeyey. “Maxaa moobeelada loogu ogolaaday markii uu caynayay Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame sababtoo ah hore ayaa loogu diiday inuu Facebook soo galo” ayuu yiri Cabdullaahi Xuseen Aadan oo ka mid ah aqoonyahanada Muqdisho oo la hadlay Caasimada Online. “Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa u muuqdo mid loo adeegsanayo siyaasiinta mucaaradka ah ee ka aragtida duwan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Cabdullaahi. Cabdullaahi ayaa sheegay in xaqiiqda ah in taageerayaasha dowladda ay si aad ah baraha bulshada u wareejinayaan muuqaallada Xasan Daahir ay caddeyn u tahay in dowladda ay ka dambeyso arrintan. “Markii loo diidayay Isticmaalka Facebook ee Live-ka Sheekh Xasna Daahir Aweys waxa uu ku dhaganaa dowladda Soomaaliya, halka maanta uu u muuqdo mid ka soo horjeeda Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.” Ayuu yiri. Dhinaca kale, xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saarey shalay ku ku eedeeyey in dowladda Federaalka Soomaaliya ay “fursad u siisaye rag ka tirsan Al-Shabaab inay baneystaan dilka” siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xisbigan hoggaamiya. “Xasan Daahir Aweys waa maxbuus u xiran argagaxisanimo, waxaana ilaaliya oo ammaankiisa suga ciidamo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya mana heli karo fursad uu farriin kusoo diro, haddii aysan dowladdu gacan ka siin.” ayaa lagu yiri qoraalka Wadajir.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu guuleestay in la soo geba-gebeeyo khilaaf culus oo maalmihii la soo dhaafay ka dhax taagnaa taliye ku-xigeenada Booliiska Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa qaabka shaqada Booliska. Taliye ku-xigeenka koowaad ee Booliiska Cusmaan Maxamed Kaniif, ayaa la wareegay xoogga shaqada booliska iyo socodsiinteeda halka wadista shaqada booliska laga jooyey Janaraal Zakiye Xuseen inta uu dalka joogo ku-xigeenka koowaad marka laga reebo shaqooyinka uu isaga u dirsado. Sidoo kale waxaa dood adag la geliyay in la kobciyo ama sare loo qaado Akoonada Facebook iyo Twitter ay ku leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliya si loo joojiyo baahinta wararka booliisla ee Akoonada gaarka ah sida kan Jeneral Zakiya. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wixii ka dambeeya heshiiska dhinacyada kadib la isla ogaado wararka ay boggeeda ku daabacdo Jeneral Zakiya ee la xiriira howlaha booliska islamarkaana ay ka talageliso taliyaha iyo ku xigeenka koowaad si loo baahiyo wax la isku ogyahay. Hadda ma jiro khilaaf dhinacyada u dhaxeeya balse waxaa dhowr maalmood ka hor lagu guuleestay in la xaliyo khilaafkaas oo muddo dheer soo taagnaa, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Saraakiisha Booliiska Soomaaliya.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Denmark ayaa si weyn uga deyrisay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii Somaliland iyo talaabooyinkii u dambeeyay ee ay ku kacday xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Denmark ayaa walaac weyn ka qabta cabudhinta ay inta badan xukuumada Muuse Biixi kula kacdo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee dhaliila, midaasi oo baalmarsan xoriyada fikirka iyo hadalka, sida ay sheegtay Mette Knudsen. Danjire Mette Knudsen, oo ah safiirka Denmark u qaabilsan wadamo badan oo bariga Afrika, oo ayna kamid yihiin Soomaaliya, Seychelles, Kenya iyo Eritrea ayaa iyadu barteeda Twitter-ka ku muujisay sida ay dowladeedu ula dhacsaneyn talaabooyinka Biixi. Mette Knudsen ayaa sheegtay in Denmark ay niyad jab weyn ka qaaday dib u dhaca xidhiidhka ah ee u ku imanaya doorashooyinka Somaliland, ee Golaha wakiilada iyo kuwa deegaankaba. Danjire Knudsen ayaa sidoo kale waxay sheegtay in dowladeedu ay si weyn uga soo horjeedo xariga iyo caburinta lagula kaco siyaasiyiinta ka aragtida duwan xukuumada Biixi ee inta badan dhaliila hanaankeeda hogaamineed. Denmark ayaa iyaduna ku soo biireysa wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo horumarinteeda, qeybna ka ah wadamada ku jirra Sanduuq DF ee sida weyn uga hor-yimid dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland. Dowladda Denmark ayaa la filayaa in ay qaadi doonto talaabo ka dhan Somaliland, midaasi oo saameyn ku yeelan doonta taageeradii ay siin jirtay, maadama ay sheegtay in dowladoodu aysan la dhacsaneyn hogaaminta Biixi iyo dib u dhaca doorashooyinka. Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi, oo ku aadan baaqyadii kala gedisnaa ee uga imanaayey beesha caalamka iyo dalalka sida gaar ah u taageera maamulkooda ee ka deyrinayey dib u dhaca doorashooyinka iyo xoriyatul qolka Somaliland.
-
Since March this year, the Minister for Petroleum and Minerals of the federal government of Somalia has been shuttling from city to city in Europe and North America to convince potential oil exploration companies to invest in Somalia’s untapped oil and gas sector and asking them to participate in the bid rounds on offshore blocks with high prospects. The Minister held the first licensing round in London on February 7, 2019, before the petroleum bill was even debated in the parliament, a clear dereliction of his ministerial responsibility. This was followed by another license round in Turkey, in the USA and in South Africa. A recipe for corruption! Yes, indeed article 20 (3) of the recently passed petroleum bill by the people’s house (not yet ratified by the upper house) explicitly states the Somali Petroleum Authority has the prerogative to negotiate and offer blocks directly with potential oil companies without going through the open, transparent licensing rounds; to vouch for yourself (please see the petroleum bill on Somali parliament website). With that, it is pertinent to put forth few caveats for foreign oil companies that are interested in investing in oil and gas sector in Somalia: First caveat; the Somali Prime Minister was employed by SOMA-OIL and had $2,000,000.0 shares with SOMA-OIL and gas company, though he claims to have relinquished his shares after being appointed to the Premiership position, sources have confirmed for me that the shares were transferred to his cousin and business partner. Who has travelled to Moscow more than five times in the last two years and was recently (two months ago) spotted attending energy conference in Moscow representing the interest of the Prime Minister. It is now an open secret that the Minister of Petroleum and Minerals for the federal government of Somalia has been telling close friends that SOMA-OIL l will be offered two blocks with good prospects in Hobyo basin as per the instructions of the Prime Minister Second caveat; Notwithstanding, the marketing campaign by the Minister of Petroleum and Minerals, the regulatory framework for petroleum regime is not yet in place as the petroleum bill is yet to be ratified by upper house, the niceties of competitive PSA model is just a plot to hoodwink potential oil and gas investors. Third caveat; The current mandate of the government is coming to an end in 2020, the current administration is working hard to offer as many blocks as possible and use the signature bonuses they collect for their re-election bid (an unlikely scenario). Foreign oil investors must take into account that not only the stability of the markets matters but the stability of the government is equally more important. Moreover, any hastily signed agreement without a regulatory framework and with a government that is running out of its mandate, will be subjected to challenges by the next elected government in 2020/21. Fourth caveat; There is pervasive insecurity throughout the country and Al-Shabab poses an existential threat to the federal government and African Union forces. Despite American airstrikes, Al-Shabab is more potent and deadly in terms of its suicide operation, and by using improvised explosive devices (IED) and ambushing AMISOM and Somali security forces. Al-Shabab collects taxes from Mogadishu port, levies sales taxes on properties and business in major urban cities including Mogadishu. With such insecurity, any investment in oil and gas sector in Somalia is a very risky undertaking and is critically important to consider the above caveats. The Prime Minister is now scheduled to go to the USA to convince oil companies to invest in Somalia’s untapped oil reserves. My advice to the unsuspecting potential oil and gas investors is to reflect on the above facts before making any hasty decisions on investing in Somalia’s oil and gas sector By: Ismail D. Osman is a political analyst with especial interest in the horn of Africa. He can be reached at Email: osmando@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay arrinta hadal heynta badan dhalisay ee lagu heysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in Cabdiraxmaan uusan aqoon u laheyn xadiithka lagu eedeeyey inuu beeniyey. Sheekh Umal ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu yahay qofkii ugu horreeyey ee dura ama daciifiya xadiithka rasuulka SCW uu ku sheegay in haweenka ay nusqaan ka yihiin caqliga iyo doonta. “Xadiithka macnihiisa muusan fahmin, waayo markii Nabigeenna Muxamed NNKH uu fasirayay Aayad Qur’aan ah oo Al-baqro ku jirta ayuu ku fasiray oo salka u dhigay, waana dhici kartaa inuu xadiithka fahmay oo kas uu unaqdinayo, ninkaas xadiithka inuu naqdiyo oo duro waxuu u sameynayaa oo hadalkiisa ka cad inuu helo dumar siyaasadda ku taageera, macnihiisuna waxaa u gartay xadiithkaas ma jiree siyaasadda waad gali kartaane hadii aan kursiga helana waan inka qeyb gali doonaahe itaageera” ayuu yiri Sheekh Umal. Umal oo sii hadlayey ayaa yiri “Waxaana ninkaas ula yaabeyn ragii dalka burburiyay oo dadka qarxiyey oo xasilooni darada hor boodayey ayaa maanta kursiga lagu abaal mariyey, haddana taas intay ka soo tagtay ayey mareysaa in diinta durideeda kuraas nagoola raadiyo” “Marka uu xadiithka durayo dhinaca kale waxa uu amaanayaa islaan gaalnimo ku weynaatay oo 70 jir ah oo intaa gaalnimo kula ekaatay, culumadii muslimiinta ayuu ku been abuuranayaa oo uu leeyahay xadiithkaas culumadaa meelahaan ka keenkeentay oo jeebkooda kala soo baxday, marka ninkaas waxa uu u baahan yahay in la dhaho adeerow diinta noo nabad gali, waana rajeynayaa inay gabdhaha muslimiinta ah dhihi doonaan” ayuu hadalkiisa Sheekh Umal sii raaciyay. Ugu dambeyntii Sheekh Maxamed Umal ayaa sheegay in Cabdiraxmaan uusan masuul muslim hoggaaminkara aheyn, isla markaana uu kula talinayo inuu toobad keeno inta uusan dhiman. “Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan dhihi lahaa towbadbaa kuu furane towbad keen, Ilaahey u soo noqo towbaddaadana iclaami, kana noqo khaldka aad gashay, towbaddu waa furantahay inta aad nooshahay, sidaas u madna ku hogaamin meysid kursina ku heli maysid Madaxweynana lagaa dhigan mayo, umaddana diinteeda hadaad ku cayaarto aakhira la’aan iyo aduun la’aan baa kugu dhici ee Ilaahey u soo noqo” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Hoos ka daawo muuqaalka, oo marka hore ku billaabanaya hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar___Qubanaha-05122019-sx.mp3 View the full article
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Waxaa hada soo dhamaatay cayaartii fiinaalka ee degmooyinka gobolka Banaadir, taas oo garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow caawa ku dhex martay degmooyinka Waaberi iyo Dharkenley. Cayaartaan ayaa 90-kii daqiiqo ee loogu tala galay la isku mari waayey eber iyo eber, balse wixii intaas ka danbeeyay ayaa Rigoore la’aaday. Cayaartoyda degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa ugu danbeyntii koobka qaaday, kadib markii ay cayaartoydii u dheeleysay degmada Waaberi ay uga guuleysteen goolkii ugu dambeeyay ee Rigooraha. Guusha caawa ay soo hooyeen cayaartoyda degmada Dharkenley ayaa ka dhigan 8-sano kadib markii ugu horeysay ee degmada Dharkenley ay koobka qaado, waxaana xusid mudan in 5-tii sano ee lasoo dhaafay ay si isdaba joog ah koobkaan ugu guuleysanayeen cayaartoyda degmada Waaberi, kuwaas oo caawa hal gool oo Rigoore ah koobka looga qaaday. Labadan degmo oo iskugu soo haray fiinaalka ayey dhawr mar horay u baaqatay cayaartooda, kadib markii uu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo wasiirka cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye. Khilaafkaas oo sababay in mudo todobaadyo ah aysan dhicin cayaartaas ayaa dhawaan xal laga gaaray, iyadoo ay taasi sahashay in caawa ay dhacdo cayaartu.
-
Popular Contributors
