Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Ederaalka Cabdi Xayir Maareeye oo ka jawaabayay Eedeyntii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey in Villa Soomaaliya ay u saamaxday Xasan Daahir Aweys [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdi Xayi oo ka hadlay arrinta muranka dhalisay ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa u cabiray si ka duwan sida inta badan culimada arrintan ka hadashay. Inta badan culimadii arrintan ka hadashay ayaa aad u dhaliilay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo qaarkood ku sheegay “inuu ku dhacay gaalnimo”. Hase yeeshee, Sheekh Cabdi Xayi ayaa ka digay in arrintan laga sii daro, wuxuuna soo jeediyey in loo wajaho si deganaan ah oo isku nasteexeyn ku dhisan. “Diinteenu waa diin nasteexo ah, haddii dadku khaldamaan waxaa loo baahan yahay in si walaaltinimo oo tartiib ah wax la isugu sheego, waa marka la rabo in wax la beddelo, balse haddii aan la rabin waa arrin gaar ah.” Ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi. Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in marka hore loo baahnaa in khaladka dhacay la iska wareysto, oo cidda ay khuseysa la weydiiyo, kadibna si tartiib ah arrintii loo xaliyo. “Annaga Soomaali ayaa nahay in si tartiib ah aan arrinta isku weydiino iyo inaan si kulul wax isku weydiino waxaa noo fudud inaan si kulul wax isku weydiino.” Ayuu yiri. Waxa uu sheegay in dhibka Soomaaliya haysta, ee mar walba iska horkeena, islamarkaana muddada fog aan dhibaatada ugu jirno, ay tahay inaan mar walba si dagaal ah aan xalka ku raadino. Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in arrinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay hadda iyo wixii ka dambeeya tahay arrin aan mudneyn in laga sii hadlo sababtoo ah buu yiri “Qofkii gefka galay wuu hadlay, wuu cudur daartay, kana laabtay gefkii uu galay, maxaa kale oo loo baahan yahay in laga sii wada hadlo.” Hoos ka daawo Sheekh Cabdi Xayi
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedyentii uu u jeediyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ahaa in ay u ogolaatay in Xasan Daahir Aweys uu ku baaqo dilkiisa. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dowladda aysan wax xiriir ah ama wada-shaqeyn ah kala sameyn Xasan Daahir Aweys hadallada uu jeediyey. “Arrintaas waxba kama jiraan, Xasan Daahir Aweys haddii uu xabsi guri ku jiro, xuquuq ayuu u leeyahay inuu telefon haysto, talefonkiisa ayuu ku hadlay oo uu hawada geliyey, taknoolajiyadda ayaana u saamaxday, ee dowladdu uma gayn media mana dhihin war soo duub, isagaa u arko in diintiisa lasoo weeraray.” Ayuu yiri Maareeye. Maareeye ayaa sheegay inaysan jawaab mudneyn eedeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah inay la shaqeyso argagixisio, sababta oo ah buu yiri “dowladda oo dhan ayaa u taagan la-dagaalanka argagixisada.” “Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan leeyahay arrin diin ku lug leh ayaad ka hadashay, dowladda kuma dhihin hadal oo ka hadal arrin diin la xiriirta, kumana haysato. Waxaa ku haysta culimo, arrintanna ma ahan mid u baahan aftahnimo ee waxaan ku leeyahay is-bari yeel.” Ayuu yiri Maareeye. “Arrin diini ah oo aanan kuu dirin ayaa culumadu kugu haysataa ee qaab diini ah uga bax” ayuu yiri Maareeye. Maareeye ayaa ugu baaqay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu isku keeno guddi culimo ah oo eega hadalkiisa, kadibna haddii ay dhahaan dhib ma lahan, uu sidaas kaga baxo, haddii la yiraahdana qalad ayaad gashay, uu galo masjidka oo uu towbad keeno. Hoos ka dhageyso codka Maareeye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Maareeye.mp3
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muuqaal cusub soo duubay ayaa ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dowladda Soomaaliya, oo uu u xiran yahay. Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu beeniyey inay dowladda Soomaaliya adeegsato, kadib markii mucaaradka iyo dad kale ay sheegeen in loo isticmaalayo in lagu weeraro dadka siyaasad ahaan ay iska soo horjeedaan dowladda. Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siisay qalabka iyo internet-ka uu wax kusoo duubay balse loo sheegay inuusan ka hadlin siyaasadda. “Waxay igu yiraahdeen siyaasadda ha kadlin, waxaana ku iri ‘siyaasadda ha ka hadlin sax maaha, lugihii waad iga xirteen, adimadiina waad iga xirteen, afkiina iga xira, oo qalabka iga qaata’.” Ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Waxa uu shaaca ka qaaday in waxyaabo badan oo aysan haysan dadka kale ee u xiran dowladda isaga loo ogolaaday, sida inuu la kulmo qoyskiisa, taasi oo uu uga mahad-celiyey dowladda. “Xitaa caruur ayaa iigu dhalatay aniga oo maxbuus ah” ayuu yiri. Waxa uu muujiyey in cadaadis xooggan oo beesha uu kasoo jeedo uga yimid dowladda, ay qasabtay in waxyaabo badan isaga loogu ogolaadayo. “Mararka qaar qabiil si buu ku wanaagsan yahay,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. “Nimankan aan u xiranahay waxba igalama dhaxeeyo, xitaa ma xiriirno, mararka qaar askarta ilaalada iga haysa ayaan ayaan iskala macaamilaa,” ayuu yiri. Waxa uu shaaca ka qaaday in mar ay wada-hadallo u billowdeen isaga iyo madaxda dowladda balse ay burbureen kadib markii uu mowqifkiisa ku adkaystay, wixii markaas ka dambeeyayna aysan dib isku arag. Xasan Daahir ayaa dhanka kale ku adkeystay inuusan waligiis laaluush iyo lacag xaaraan ah qofka ka qaadan, islamarkaana maanta aysan jirin wax uu haysto oo dhaqaale ahaan uu liito.
  5. Xaqiiqooyin cajiib ah oo ku saabsan Badhasaabka Nairobi ee la xidhay Sonko waxaa duqa magaalada Nairobi loo doortay sanadkii 2017-kii Ciidamada booliska ee Kenya ayaa maanta xabsiga u taxaabay Barasaabka magaalada Nairobi, Mike Sonko, oo ka mid ah siyaasiyiinta xilalka sar sare ka haya waddanka. Xariggiisa ayaa yimid saacado ka dib markii uu Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji soo saaray warqad booliska ku amreysa inay soo xiraan Mike Mbuvi Sonko, si wax looga weydiiyo lacago ka mid ah dhaqaalihii ismaamulka uu hoggaanka u hayo. lacag gaareysa Sh357 milyan oo shilinka kenya ah(oo u dhiganta in ka badan $3.5 milyan oo doolar) ayaa la la’yahay. Laakiin ma ogtahay in Sonko uu si weyn uga duwan yahay siyaasiyiinta kale ee Kenya, ayna jiraan xaqiiqooyin cajiib ah oo isaga si gaar ah ugu saabsan? Ka hor inta aan Mike Sonko loo dooranin inuu noqdo duqa magaalada Nairobi, wuxuu ahaa xubin ka mid ah aqalka odayaasha ee Senate-ka Kenya, isagoo matalayay ismaamulka Nairobi intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2017-kii. Siyaasigan waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu hantida badan dalka Kenya, wuxuuna magaciisu safka hore ee wararka ku jiray muddo dheer. 1- Labiskiisa qaaliga ah Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto. Sonko ayaa aad loogu yaqaannaa labiskiisa la aaminsan yahay in uu kharash badan ku baxo Xilligii uu ka tirsanaa aqalka baarlamaanka, gaar ahaan golaha Senate-ka, waxaa jirtay mar lagu dhaliilay nooca labiska uu uga qeyb gali jiray kalfadhiyada, maadaama uu aad uga duwanaa mudaneyaasha kale. Hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa si joogto ah u muujiya inay la dhacsan yihiin hab-labiskiisa, iyagoo ugu yeera qaabka loo yaqaanno “Hip-Hop Style”. Sidoo kale siyaasigan ayaa la sheegaa inuu aad diiradda u saaro habka jarashada timaha, kaasoo uu marba qaab ka dhigto. Sonko oo eegaya farriimaha telefoonkiisa Labisyada kale ee Sonko waxaa ka mid ah dhagaha, faraantiyada, silsiladaha qoorta lagu xirto iyo okiyaaleyaasha loogu talagalay qorraxda, kuwaasoo mar walba si joogto ah loogu arko. Siyaasigan aftahanka ah ayaa sheegay inuu labiskiisa cajiibka ah uga dan leeyahay inuu ugu adeego dhalinyarada jiilka cusub ah. 2-Codka dheer ee ku aaddan la dagaallanka musuqmaasuqa Tan iyo markii uu Sonko la wareegay xilka duqa magaalada Nairobi, wuxuu marar badan warbaahinta iyo baraha bulshada uga hadlay howlgallo uu fuliyay oo la xiriira dhinaca la dagaallanka Musuqmaasuqa iyo caddeymo uu helay oo uu soo bandhigay. Wuxuu si toos ah u magacaabaa siyaasiyiin kale iyo saraakiil uu ku eedeeyo inay wax isdabamarin sameeyaan. Hase yeeshee, sida hadda muuqata, waxaa loo heystaa lacag farabadan oo ka maqan dhaqaalaha ismaamul goboleedka Nairobi ee uu isagu hoggaanka u hayo. Dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuradiin Xaaji, oo ah wiilka uu dhalay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in xafiiskiisa uu gacanta ku hayo caddeymo ku filan eedeymaha musuqmaasuqa ah ee lacagta looga lunsaday maamulka Nairobi. 3-Tallaabooyinka uu ku muujiyo u hiillinta dadka danyarta ah Sonko ayaa si weyn u eedeeya siyaasiyiin uu sheegay inay musuqmaasuq ku dhaqmaan Sonko ayaa marar badan la arkay isagoo u doodaya dadka dakhligoodu uu hooseeyo, kuwaasoo uu ‘u dagaallamo’ sidii uu ugu soo dhicin lahaa xuquuqdooda uu sheego in la duudsiiyay. Taageerayaashiisa waxaa ka mid ah ganacsatada loo yaqaano waratada, kuwaasoo marar badan uu dooday intii uu xilka hayay iyo ka horba. Sidoo kale wuxuu dhowr jeer warbaahinta kasoo muuqday isagoo la tacaalaya dad uu ku eedeynayay inay si sharci darro ah ku qaadanayeen dhul ay dad danyar ah lahaayeen. Sonko ayaa lagu yaqaannaa inuu si qarsoodi ah ku tago goobaha loogu adeego dadweynaha, sida isbitaallada guud iyo xarumaha kale ee dowladda, wuxuuna mararka qaar tagaa isagoo ay la socdaan ilaalo kooban. 4- Noloshiisii hore ee “tuuganimada ahayd” Mike Sonko Ninkan oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Kenya, waxaana soo doortay dad gaaraya illaa 7 milyan oo qof oo ku nool caasimadda Nairobi, balse ma ahan nin ka baqaya in uu ka sheekeeyo wixii uu soo maray. Bishii January ee sanadkan 2019-ka, idaacadda la’iska arko ee Citizen ayuu si toos ah uga sheekeeyay taariikhdii uu soo maray. Sonko oo marti ku ahaa barnaamijka JKL ayaa barnaamijka la yimid waraaqo badan oo muujinaya musuqmaasuq ka socda maamulka Nairobi, iyo saraakiil badan oo uu shaqada ka eryay. Laakiin dhanka kale wuxuu ka sheekeeyay taariikh nololeedkiisa dhinaca musuqmaasuqa iyo waxa uu ugu yeeray “tuugnimo”. “Waxaa habboon in aad bulshada runta u sheegto, runtana waxa ay tahay aniga waxaan soo ahaan jiray tuug, dambiile, turuufaale, balse hadda dadka Nairobi oo dhan 7 milyan oo qof ayaa igu aaminay mas’uuliyad, markii aan xildhibaanka noqday (hadda ka hor) ayaan iska dhaafay tuugonimada” ayuu yiri Soko. 5-Xiriirka shacabka ee baraha bulshada Booliska Kenya ayaa maanta oo Jimce ah xiray Sonko Dad badan oo ka mid ah taageerayaasha Sonko ayaa si toos ah ugala socda bogagga uu ku leeyahay baraha bulshada, sida facebook. Mararka qaar si toos ah ah ayuu toos uga soo muuqdaa isagoo kala sheekeysanaya dadka ku xiran. Mid ka mid ah dhacdooyinka layaabka lahaa waxay ahayd markii uu isagoo toos ugu jira boggiisa Facebook-ga lacago u qeybiyay qaar ka mid ah taageerayaashiisa. Wuxuu xitaa boggaas u adeegsadaa inuu ku baahiyo arrimaha xasaasiga ah ee ay warbaahinta la iska arko ka caga jiidaan. Sonko ayaa hadda wajahaya maxkamadeyn, waxayna sida muuqata dadka reer Kenya isha ku heynayaan sida uu u dhaco kiiska hadda loo xiray. Qaran News
  6. Guriceel (Caasimada Online) – Shacab taagersan hoggaanka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ayaa maanta magaalada Guriceel ka dhigay banaanbax ay ku macneeyeen inuu yahay mid nabadeed. Banaanbaxa oo billowday salaaddii jimcaha kadib, ayaa waxaa ay ku taageerayeen mowqifka hoggaanka Ahlu-Sunna ay ka qaateen dhismaha Galmudug, Dadka dibad-baxa dhigayey ayaa watay sawirrada hoggaanka Ahlu-Sunna, oo dowladda Soomaaliya ay isku hayaan dhismaha Galmudug. Qaar ka mid ah dadka ka qeyb galay banaan-baxa oo culimo u badnaa ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in la dhowro wadajirka bulshada reer Galmudug, isla markaana dowladda ay fuliso heshiiskii ay la gashay Ahlu-Sunna. Dhismaha maamulka Galmudug ayaa dhowr maalmood ka hor dib loo dhigay muddo toddobaad ah, ayada oo la isku dayayo in la xaliyo khilaafka dowladda iyo Ahlu-Sunna. Qodobka ugu adag ee hadda la isku hayo ayaa ah 35 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka cusub ee Galmudug oo Ahlu-Sunna ay dooneyso inay soo xusho, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii ay la gashay dowladda, balse dowladda ay ka baxday.
  7. Muqdisho (SMN) – Qaar kamid ah odayaasha qaybta ka ah dhismaha maamulka Galmudug ayaa idaacadda Shabelle uga waramay dedaaladii u dambeeyay. Wax-garadka oo ka qeybgalay barnaamijka Maxaa ka run wixii la sheegay? ayaa sheegay in ay kalsooni ka qabaan in ay guuleystaan wada hadalada dib u bilaabanayan. Indheer-garadka ayaa labadda dhinac ku booriyey in ay kawada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen si geedi u socodka u noqdo mid mirodhal ah. Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku howlan sidii Galmudug u noqon lahayd maamul loo dhan yahay si uu qeyb uga noqday horumarka dalka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Degane1.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Tuulada Af-brwaaqo ee Gobolka Mudug, Cabdullahi Jaamac Dhoorre, Culimaa’udiinka, wax garadka iyo sama doonnada degaanka ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo coladda Beeleedka halkaasi kasoo cusbaanaatay . Maamulka iyo Cuqaasha Af-barwaaqo ayaa si gaar ah baaq ugu diray Dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland,wax garadka iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in kala dhex galaan dirita ka socota Af-barwaaqo, si aysan ugu baahin degaannada kale ee Gobolka Mudug. Shalay ayay ahayd markii Laba Malleeshiyo Beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay ku dagaallameen degaanno hoos taga Tuulada Af-barwaao, halkaas oo uu ka dhashay qasaaro Naf iyo maal isigu jira. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Xildhibaanadda haweenka ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay codsi ku aadan sharciga doorashooyinka. Sahro Cumar Maalin ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay in sharciga lagu caddeeyo qoondada haweenka ee siyaasadda. Sidoo kale, waxay dalbatay in wax laga bedelo eray bixino qaar oo ay sheegtay in aysan ahayn kuwa munaasab ah. Hadalkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo ay haatan socoto dooda sharciga doorashooyinka oo horyaala Golaha Shacabka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/KAL.mp3 View the full article
  10. Sheekh Daahir Aw-Cabdi Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Daahir Aw-Cabdi, oo jimcaha maanta hadal ka jeediyay masaajid ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ku tilmaamay hoggaamiyaha Xisbiga WADAJIR Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, nin Axaaddiista Nebiga beeniyay oo Diinta ka baxay. Sheekh Daahir oo daliilsanaya mas’alooyin Diiniya, ayaa sheegay in siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu beeniyay Axaaddiis ka sugnaatay Nebiga, oo aan wax khilaaf iyo muran ah ka jirin, sidaasi darteedna uu Diinta ka baxay, isagoo ka codsaday in uu towbad keeno oo ku soo laabto Diinta. “Marka uu leeyahay cabdiraxmaan Axaaddiis faaliso ah oo jeebka ay kala soo baxeen, bay Haweenka ku durayaan, hadalkaasi waa Riddo aad Diinta kaga bixi, Diinta kuma jirtide Diinta ku soo noqo towbad keen” ayuu yiri Sheekh Daahir Aw-Cabdi. Sidoo kale, Wadaadka ayaa sharraxaad ka bixiyay Xaddiis uu sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur beeniyay, kaasi oo ka hadlaya arrimo aysan Haweenku raga kala Sinayn sida marag-furka oo labadii qof oo dumar ah u dhigmaan hal nin. Hoos ka daawo muuqaalka Sheekh Daahir. PUNTLAND POST The post Sheekh Daahir Aw-Cabdi: Cabdiraxmaan Cabdishakuurow! Diinta kuma jirtid ee ku soo noqo appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug. Mahad Cabdalla, ayaa faray Guddiga nabadeynta iyo Ciidamada isku dhafka ah in ay si deg-deg ah u kala dhex galaan Dadka Walaalaha ah ee ay colaaddu dhex martay. “Waa arrin aan la aqbali karin Guddiga nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa inay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay, ayuu yiri Guddoomiyuhu. Colaadda Gobolka Mudug oo inta badan ka dhalata aano Qabiil iyo Dhul ayaa Sanadihii u dambeeyay ahayd mid laga nastay, taas oo ay qaboojinteedu door Lixaad leh ka qaateen Dhallinyarada oo kaashanaya Dowladda Federaalka, maamullada Labada dhinac iyo Ururrada Bulshada. View the full article
  12. Jowhar (SMN) – Ciidamada Booliska HirShabelle ayaa howlgalo dad lagu soo qabtay ka sameeyay magaaladda Jowhar. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha lasoo xiray afar kamid ah lagu reebay saldhiga booliska si baaritaano loogu sameeyo. Taliska Booliska oo idaacadda Shabelle ay xiriiro la sameysay ayaa ka gaabsaday in uu fahfaahino ka bixiyey howlgalka. Muddooyinkii dambe, laamaha ammaanka ayaa kordhiyey howlgaladda ay ka fulinayaan Jowhar si loo sugo nabad-gelyaa. Jowhar ayaa ah magaala madaxda maamul goboleedka HirShabelle oo uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan 280 Qof ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 2.8 Milyan oo kalena ay wax yeello kasoo gaadhay Roobabkii dhowaan ka da’ay qeybo k mid ah Waddamada Bariga Afrika, sida ay shalayto shaacisay QM. Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aadam-nimada QM ee OCHA ayaa sheegay in Roobabkii sababay fatahaadaha iyo daadadka Bariga Afrika ay waxyeello gaarsiiyeen Guryo iyo kaabayaal dhaqaale, iyadoo ay jirto halis ah in ay goobahaasi ka dillaacaan cudurro uu ka mid yahay Daacuunka. Bishii Oktoobar ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Roobab sababay fatahaado iyo Daadad lixaad leh ay ku dhufteen meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo ay sidoo kale dhowaan ay wax yeello kala duwan ka geysteen Waddamada Yugaandha, Tansaaniya iyo Kenya. Digniin dhowaan lasoo saaray ayaa sheegeysa in laga baqdin qabo Roobab kale oo ka da’a Waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, gaar ahaan Dhulka Xeebaha ah,iyadoo Dowladduna ay si weyn uga gashaamatay, Dad weynaha u sameysay wacyi gelin ballaaran. View the full article
  14. Deegaan hoos taga Maamulka Galmudug ayaa shalay waxaa ka dhacay Dagaal Beeleed kasoo khasaare geystay gaaraysa 16 nafood. Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Afbarwaaqo [...] Source
  15. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-06122019.mp3 View the full article
  16. Nairobi Governor Mike Sonko has been apprehended in Voi. This came hours after the DPP ordered his arrest. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay waddo dagaal-yahanno qoris cusub xilli dhanka kalena ay wajahayaan cadaadis xooggan. Saraakiisha ayaa sheegay in Al-Shabaab degaanada ay maamulaan dadka ku nool ay ku amreen in ay keenaan dhalinyaro u dagaalama, hub iyo nooca fudud ee qoryaha dagaalka. Falkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay degaanka Geel-Gub oo ka tirsan Shabeellada Dhexe oo ay dhawaan galeen Al-Shabaab. Dadka degaanka ayaa laga qaaday hub, qoryaha dagaalka iyo dhalinyaro u dagaalanta, sidoo kale xoolo nool ayaa laga qaaday dad kaqaar. Saraakiisha ayaa sheegay in dhaqaalaha ay haystaan ay u saamaxeyso Al-Shabaab inay dagaal-yahanno cusub qortaan. Al-Shabaab ayaa hadda canshuur ka qaada dhammaan ganacsiyada Muqdisho, iyo sidoo kale dadka guryaha dhsinaya ama iibsanaya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Guddiga Khuburada QM ee Soomaaliya. “Dhaqaalo farabadan oo ay helaan Al-Shabaab waxay geliyeen dhanka ciidanka waxayna qorteen maleeshiyo badan oo ay rabaan in ay ku dagaal tagaan”ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin. “Xogta aan helnay waxay sheegeysaa, in Al-Shabaab ay dhaqaalo xoog leh geliyeen dib u dhiska ciidankooda gaar ahaan kooxda weerarada, kuwa qaraxyada iyo kooxda sirdoonka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka. Inkasta oo dhaqaale badan uu soo galo, haddan Al-Shabaab ayaa dhanka kale waxaa haysta cadaadis xooggan oo kaga imanaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka oo dagaal-yahanno badan looga dilay, loogana saaray dhowr magaalo. Dowladda ayaa sidoo kale ku guuleysatay inay yareyso qaraxyadii iyo dilalkii ay kooxdan ka fulin jirtay Muqdisho, kadib markii la xoojiyey sirdoonka. Sidaas darteed, waxaa suurta-gal ah in ciidan qorista badan ee Shabaab ay taas jawaab u tahay.
  18. Ugu yaraan 280 Qof ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 2.8 Milyan oo kalena ay wax yeello kasoo gaartay Roobabkii dhowaan ka da’ay qeybo k mid ah Waddamada Bariga Afrika, sida ay shaacisay Qaramada Midoobay. Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aadam-nimada Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa sheegay in Roobabkii sababay fatahaadaha iyo daadadka Bariga Afrika ay waxyeello gaarsiiyeen Guryo iyo kaabayaal dhaqaale, iyadoo ay jirto halis ah in ay goobahaasi ka dillaacaan cudurro uu ka mid yahay Daacuunka. Bishii Oktoobar ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Roobab sababay fatahaado iyo Daadad lixaad leh ay ku dhufteen meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo ay sidoo kale dhowaan ay wax yeello kala duwan ka geysteen Waddamada Yugaandha, Tansaaniya iyo Kenya. Digniin dhowaan lasoo saaray ayaa sheegeysa in laga baqdin qabo Roobab kale oo ka da’a Waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, gaar ahaan Dhulka Xeebaha ah,iyadoo Dowladduna ay si weyn uga gashaamatay, Dad weynaha u sameysay wacyi gelin ballaaran. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo warbixin ka soo saartay waxyeellada Roobabkii ka da’ay Bariga Afrika appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dr.Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow oo horey isugu soo sharaxay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan qaar ka tirsan Culumada Soomaaliyeed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Dr. Baadiyow ayaa ku taliyey inaysan habooneyn wax fiicana aheyn in la gaaleysiiyo qof muslim ah isla markaasna aysan koox gaar ah is xijin Diinta Islaamka. ” Ma haboona, saxna maahan in Diinta Islaamka oo dadka Soomaaliyeed wada rumeysan yihiin shakhsiyaad gaar ah dadka ka xigsadaan” ayuu yiri . Dr. Baadiyow ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay la dhibaatoonayaan khilaafyo siyaasadeed lagana fiican yahay in hadda la geliyo mid diimeed. ” Gaaleysiinta qofka Muslimka ah iyo in la baneysto dhiigiisa ma aha mas’uuliyadda shakhsiyaadka, Soomaaliya hadda waxay la rafaneysaa Khilaafyo siyaasadeed waana laga fiican yahay in la buunbuuniyo khilaaf diineed’ Ayuu sii raaciyey. Dr-ka ayaa ugu baaqay dadka wado gaaleysiinta iyo khilaaf diineedka inay iska joojiyaan oo ay alle uga cabsadaan. ” Waxaan leeyahay dadka arrintaan wado Alle ka cabsada oo joojiya fadinada” ayuu yiri. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Dr. Baadiyow u magacowday Guddomiyaha Gudiga dib u heshiinta Beelaha Galmuduga. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook: Sax ma aha, mana haboona in diinta Islaamka oo dadka Somaaliyeed wada rumeysanyihiin shakhiyaad gaar ah dadka ka xigsadaan. Khilaaf siyaasadeed dal la daala-dhacayaa in khilaaf diineed la buunbuuniyo waqtigaan wax la qaadan karo ma aha. Gaaleysiinta ruuxa Muslimka ah iyo in la baneysto dhiigiisa ma aha mas’uuliyadda shakhsiyaadka. Waxaan xasuusinayaa dhamaan inta arinkaan ku ibtaleysan iney Ilaahey uga cabsadaan oo ay joojiyaan fitnada. Waxaan joognaa waqtigii aan mideyn laheyn aragtideyna iyo dareynkeyna si aan usoo ceshano dowladnimo u adeegta danta dalka iyo dadka.
  20. Boosaaso (Caasimadda Online) – Cabdisamad Yuusuf Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dhowr jeer Bulshada ku nool Gobolka Bari ay kala arrinsadeen in aan khalqal la gelin Amniga ka jira gobalkaasi hayeeshee ay jiraan dad yar oo ka biya diidsan. Guddoomiye cabdisalaam ayaa sheegay inay jiraan dad diidan horumarka iyo Amniga Gobolka Bari, kuwaas oo meelo kale looga taliyo sida uu hadalka u dhigay sidaa darteedna aysan aqabali doonin in amniga khal khal la geliyo. Intaa waxa uu ku daray hadalkiisa in sharciga ay horkeeni doonaan ciddii isku dayda in amniga gobalka bari falal ka dhan ah sameysa. Arrintaan ayaa imaanaya xilli magaalada boosaaso ee gobalka bari maalmo ka hor lagu xeray odayaal dhaqan, kuwaasi oo la sheegay in ay wax ka sheegeen madaxda sare ee puntland, kaddib khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac. Odayaasha la xiray ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku cambaareeyeen Mamulka Puntland, waxayna xiisadda Gobolka Bari salka ku heysaa khilaafka ka taagan mushaaruuc ay imaaraadka maalgeliso oo la siiyo Ciidamada Badda Puntland. Xiisadda Gobolka Berri ayaa meel sare gaartay, waxaana Dowladda Soomaaliya lagu eedeeyey inay iyada ka dambeyso xiisadaas si ay cadaadis ugu saarto Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo la rumeysan yahay inuusan ku qanacsaneyn siyaasadda ay Dowladda Federaalka ah ku maamusho dalka.
  21. Boosaaso (SMN) – Maamulka gobolka Bari ee Puntland ayaa wuxuu sheegay in uu gacan bir ah ku qaban doono shaqsiyaad uu eedeeyay. Cabdisamad Abwaan, gudoomiyaha gobolka, ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkaas oo uusan magacaabin abaabulayaan amni darro. Mr Abwaan ayaa cod dheer ku sheegay in ay ciddii ka waan-toobi wayda arrimaha ay ku howlan tahay ay cawaaqib xumo la kulmeyso. Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya xili ay xiran yihiin nabadoono dhaliilo culus u jeediyey xukuumadda madaxweyne Deni. Odayaasha ayaa ku doodaya in ay socdaan mashaariicyo aanan loo sineyn, waxayna soo jeediyeen in maamulka Puntland in uu xaliyo. View the full article
  22. Beledwayne (SMN) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaciyey in uu ka cabsi qabo fatahaad uu mar kale sameeyo Webiga Shabelle. Sheekh Xuseen Cismaan Cali, gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshadda gobolka, ayaa shaaciyey in loo magacaabay Guddi dabagal. Mr Cali ayaa hoosta ka xariiqay in dadweynaha looga baahan yahay in ay sameeyaan feejignaan dheeraad ah lana socdaal xaaladda. Mas’uuliyiinta gobolka ayuu caddeeyay in ay ka shaqeynayaan sidii looga hortagi lahaa dhibaato mar kale ka dhalata fatahaadda Webiga. Dhowaan ayay ahayd markii Webiga Shabelle uu ku fatahaday magaaladda Beledwayne, taas oo dhalisay geerida mas’uuliyiin iyo shacab badan. View the full article
  23. Since March this year, the Minister for Petroleum and Minerals of the federal government of Somalia has been shuttling from city to city in Europe and North America to convince potential oil exploration companies to invest in Somalia’s untapped oil Source: Hiiraan Online
  24. Gaalkacyo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku waramaya in ay xiisad xoogan ka taagan tahay degaanka Af-barwaaqo. Xiisadda ayaa waxay ka dambeysay markii shalay uu halkaas ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay laba maleyshiyaad oo hubeysan. Fahfaahinada ayaa tibaaxaya in sidoo kale dadka ay ka cabsi qabaan in mar kale uu dagaal qarxo, maadaama saan-saan colaadeed ay muuqaneyso. Dadka degaanka ayaa waxay kusoo waramayaan in ay socoto dedaaladda la doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddan aadka culus. Odayaal dhaqameedyo ku baxay xiisaddan ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dedaalayaan sidii ay dejin lahaayeen xaaladda oo lagu qeexay mid kacsan. View the full article