Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kulanka guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ku furmay 156-Xildhibaan,waxaa ugu horeyn Xoghayaha guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan uu Golaha u Akhriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee Sharciga Maareeynta maaliyadda guud PFM-ka. Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha oo u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 148-Xildhibaan 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay ka aamustay sida uu natiijada ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiye kuxigeenka guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aamina Cusmaan ayaa xildhibaanadda uga mahad celiyay sida ay sharcigan u ansixiyeen. Sidoo kale Xildhibaanadda golaha shacabka ayaa u codeeyay Sharciga shirkadaha oo goluhu horey u ansixiyay islamarkaana uu dib usoo celiyay golaha Aqalka Sare,waxaana ogolaatay 156-Xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka joogay. Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan Iyo Guddiga ganacsiga,warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee Golaha Shacabka ayaa Sidoo kale Xildhibaanadda uga mahad celiyay sida ay ugu codeeyeen sharcigan Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka aanan dhankooda siyaasadeyn shuruucda Dalka Muhiimka u ah gaar ahaan kuwa kaabaya qorshaha deyn cafinta Dalka maadaamaa ay dalka muhiim u yihiin. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa waqtiga uu aad u yaryahay looga baahanyahay Guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka in ay xooga saaraan ka hor dhamaadka bishan December in sharcigan la ansixiyo sidoo kalena codeynta sharcigan ay si wadajir ah ugu codeyn doonaan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku Xigeenka Deegaanka Oromada Itoobiya Oo Ka Hadashay Carwo Dhinaca Warshadaha Ah Oo Kaga Qayb-gashay Hargeysa Iyo Safar Ay Ku Timid Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Ciidamada ammaanka ayaa maanta lacago been abuur ah iyo raggii waday ku qabtay gudaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Saraakiil la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lacagtaasi oo isugu jirtay Dollar iyo Shilin Soomaali lagu qabtay howlgal laga sameeyey degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in lacagtaan feelsada ah laga keenay dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Halkan hoose ka dhageos warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ddd.mp3 View the full article
  4. Ciidamada ammaanka magaalada Jigjiga ayaa xabsiga dhigay dhallinyaro badan oo lagu eedeynayo iney ka dambeeyeen rabshado shalay ka dhacay magaaladaasi. Banaanbax nabadeed oo markii dambe isku bedalay rabshado ayaa shalay ka dhacay Jigjiga, kadib markii dadku muujinayeen sida ay uga xun yihiin Saddex masjid oo lagu gubay deegaanka Amxaarada Itoobiya. Hase ahaatee rabshadihii ayaa sababay dhimashada Hal qof iyo dhaawaca Lix kale, waxaana ciidamadu ay sameeyeen howlgal ay ku qabteen dhallinyaro ka badan 30 qof. Maxamed Xasan oo ah taliyaha Booliiska ee magaalada Jigjiga ayaa u sheegay warbaahinta, in baaritaan lagu sameyn doono dhallinyaradan, wixii dambi yeeshana maxkamad lasoo taagayo. Taliyaha ayaa sheegay in marnaba aanay u dulqaadan doonin in la qalqalgeliyo ammaaanka magaalada Jigjiga, cid walba oo isku daydana ay xabsi dhigi doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah ay soo dhoobtay deegaan dhaca xadka Soomaaliya. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in dhaq dhaqaaq cusub iyo howlgallo milatari ay ka bilaabeen halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in u jeedka ciidamadaasi uu yahay, sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro laga cabsi qabo inay Al-Shabaab fuliso sanadka cusub ee 2020-ka. Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in diyaarado dagaal lagu arkayo hawada deegaanadaasi. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso xadka labada dal, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. View the full article
  6. Laamaha amniga ee Beledweyne ayaa soo saaray amaro cusub oo la xariira amniga, kuwaas oo la dul dhigay shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Warqad ka soo baxday taliska saldhigga Booliska Beledweyne ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeya aan la ogolaan doonin gawaarida Miraayadaha Madow. Sidoo kale warkaan ayaa lagu sheegay in dadka ku ganacsada hareeraha waddooyinka la farayo inay isaga guuraan halkaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  7. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada Dhuusomareeb ayaa maanta joojiyey munaasabad ay xubno ka tirsan Ahlu-Sunna ku qaban lahaayeen magaalada Dhuusamareeb, taas oo lagu taageerayey 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna laga siiyey baarlamanka Galmudug. Xafladda oo ay wadeen xubnaha Ahlu Suna ayaa markii hore la ogolaaday inay dhacdo, laakiin maanta barqadii ayaa lagu wargeliyey inaan la dhigi karin xafladaasi, kadib markii ay goobta lagu qaban lahaa tageen taliyaha booliska dhuusamareeb. Xildhibaan Shaacir Sheegow oo ka mid ah xildhibaannada ay soo magacawday Ahlu-Sunna ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay joojisey munaasabadaas, ayna tahay caburin ka socota dowladda federaalka Soomaaliya. Arrintaan ayaa imaaneysa kadib markii Ahlu Sunna ay maalin ka hor shaacisay liiska 20-ka qof ee ku matali doono baarlmaanka Galmudug iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan. Xubnaha ay shaacisay Ahlu Sunna ayaa waxaa ka hor yimid qaar ka tirsan beelaha Galmudug oo sheegay inaan si siman xildhibaanadaas looga qaadin beelaha ku heshiiyey dhismaha Galmudug. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan Shaacir Sheegow
  8. Waxaa wali si rasmi sh uga socda Bacaadweyn Xaflad aad u balaaran oo lagu Caleema saarayo Fiqi Cabdinaasir Nabadoon Maxamuud Mire oo ka mid ah [...] Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wargeyska Foore Oo Xayiraadii Laga Qaaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka wada gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray, Cismaan Axmed Askar. Dilka ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday dhacdada kadib. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa warbaahinta u sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay amniga Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada magaaladaasi. View the full article
  11. Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta ansixiyey sharciyo muhiim sida Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo Hindise Sharciyeedka Shirkadaha. Codeyn ka dhacday gudaha golaha waxaa ay noqotay sidan: Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda waxaa ogolaaday 148 mudane, waa diiday 6 halka ay 2 ka aamuseen. Dhanka kale, Hindise Sharciyeedka Shirkadaha waxaa loo ansixiyey si guud oo waxaa ogolaaday dhammaan xildhibaannada. Guud ahaan waxaa maanta joogay 156 xildhibaan, waxaa ayna hawlaha u dhaceen si habsami leh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Carwadda warshadaha Somaliland oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biiixi Cabdi, waxaana ka soo qayb-galay warshado wax soo saar oo kala duwan. Warshada Rinjiga ee Siraaj ayaa wacadarro ka dhigtay Carwaddan maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha guud ee Warshada Rinjiga ee Siraaj Cabaas Caydaruus ayaa ka warbixiyay adeegyadda ay bulshada u qabtaan iyo waxyaabaha ay maanta ku soo bandhigeen Carwadda warshadaha Somaliland Halkan hoose ka DAAWO warkan oo dhammaystiran: Source
  13. Ahlu Sunna Wal Jama’a has denied the new conditions set by the Galmudug technical committee in charge of the regional elections on Tuesday. The Sufi group urged the Federal Government of Somalia to respect the agreement signed by both sides earlier arguing that the conditions do not concern its members. “Ahlu Sunna would like to emphasize that the committee named by the federal government does not have any authority over the 20 members selected by Ahlu Sunna Wal Jama’a. Therefore, the new conditions do not affect the quota of Ahlu Sunna Wal Jama’a because that committee is not recognized by Ahlu Sunna and does not have representatives.” Ahlu Sunna said in its statement. “We urge the Somali federal government to implement its part of the agreements,” the statement added. The religious group was allocated 20 representatives in 89 state assembly membership in a treaty facilitated by the office of the Prime Minister, Hassan Ali Kheyre via the Ministry of Interior and Federal Affairs. The state elections technical committee issued a 14-points condition candidate seeking to be part of the new Galmudug regional parliament. Key points in the contentious letter by the technical committee include age limit of not less than 25 years, high school certificate, none criminal record and new examination to determine the capacity of the new legislators. View the full article
  14. Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weerar saf ballaaran ah ku qaaday deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lala beegsaday saldhigyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal toos ah oo saacad qaatay uu xigay weerarkaasi, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerkaan iyo dagaalka xigay ay khasaaro ku gaarsiisay ciidamada huwanta, walow aysan shaacin inta uu la’egyahay. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in xalay saqdii dhexe ay weerar xoogan ku qaaday deegaanka Arbacow ee gobolka Sh/Hoose, kaas oo ay sheegtay inay la beegsatay saldhig ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo ku aadan weeraradaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayey dhaq dhaqaaqyada milatari ee u dhexeeya ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ee socda koonfurta Soomaaliya. View the full article
  15. Xaalada Caleema saarka Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire oo ka mid ah Isimada Gobolka Mudug ayaa waxay si toosa uga sicotaa Magaalada Bacaadweyn ee Gobolka Nudug. [...] Source
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-25122019.mp3 View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Qabsoomida Doorashooyinka Golleyaasha Wakiillada Iyo Deegaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Mudaharaad Lagaga Soo Hor-jeedo Maamulka gobolka Saraar Oo Ka dhacay Degmada Wadaamagoo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu caleema-saarayo Fiqiga guud ee Beesha Reer Xirsi Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire ayaa ka socota Balliga Jeedalow oo u dhow degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Caleema-saarka Fiqiga waxaa ka qeyb-galaya Isinka Guud ee gobolka Mudug Islaan Bashiir Islaan Cabdulle , Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya haatana ah Senetor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Siyaasiyiin, aqoonyahanno, ganacsato, xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale. Waxaa haatan socda Hadal-jeedinta Mas’uuliyiinta iyo Martida ka qeyb-gelaysa Caleema-saarka. Halkaan hoose ka eeg sawirada Munaasabadda PUNTLAND POST The post Munaasabadda Caleema-saarka Fiqi Cabdinaasir Maxamuud oo ka socota Bacaadweyn appeared first on Puntland Post.
  20. MOGADISHU (HOL) - State elections in Galmudug have been hit by another obstacle following a new tussle between the Sufi group Alhu Sunna Wal Jama’a and the elections technical committee over the criteria of selection of MPs for the new parliament. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay agagaarka isgoyska Howlwadaag ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Marxuumka la dilay oo ahaa wade Mooto Bajaaj ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Yuusuf Axmed Cosoble. Dilkiisa ayaa yimid, kadib markii uu muran soo kala dhex galay darawalkaasi iyo askariga oo markii dambe rasaas ku furay, taas oo sababtay geeridiisa. Wararka ayaa sheegaya Yuusuf Axmed Cosoble uu dhowaan ka yimid dalka Koonfur Afrika, kuna biiray dhalinyarada kaxeysa mootada nooca loo yaqaano Bajaajta. Askariga toogashada geystay ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu isaga dhaqaaqay goobta, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga. Inta badan ciidamada dowladda ayaa magaalada Muqdisho dilal ugu geysta darawallada Bajaajleyda oo marar badan dhigay dibadbaxyo cabasho ah. Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahhi Maxamed (Farmaajo) ayaa horay u ballan qaaday in wax looga qaban doono dilalka loo geysto dhalinyaradaan, balse weli ma muuqata tallaabo la qaaday.
  22. Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Cismaan Axmed Askar oo kamid shaavshacabka Magaalada iyadoon la ogayn sababta keentay Dilka Marxuumka. Ehelada Marxuumka ayaa Puntlandi.com u [...] Source