Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Booliska Kenya ayaa Xaqiijiyey in 7 Boolis ah ,Qof Dhakhtar ah iyo laba Qof oo kale lagu diley Bas ay saaraayeen kadib markii ay kooxo [...] Source
  2. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun ku riday labo askari oo lagu eedeeyey in ay rasaas ku fureen 07-da bishii sagaalaad ee sanadkan labo gabdhood oo walaalo ah. Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo saarnaa Mooto Bajaaj maraysay agagaarka Isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan gobolk Bamaadir ayaa maxkamada ciidanku ku kula xukuntay dil iyo xabsi. Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed ayay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Dable Boliis Xasan Muuse Warsame ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle, sida uu sheegay Guddoomiyaha maxkamadda Derajada kowaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Maxkamadda ayaa sheegtay in labada askari ee la xukumay uu u furan yahay Rafcaan ku siman Sodon cisho. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Xukun lagu riday askar rasaas ku furay gabdho walaalo ah appeared first on Puntland Post.
  3. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya. Weerarka oo ahaa mid qorsheyan ayaa waxaa lagu qaaday gaari Bas ah oo ku socdaalayey nawaaxiga magaalada Wajeer, gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. War ka soo baxay Al-Shababa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo Keyaan ah islamarkaana ahaa dad Kiristaan ah. Sidoo kale Idaacadda Andaluus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahannada weerarka geystay ay sii daayeen Muslimiintii la socday gaariga. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geysta ka fulisa dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya. View the full article
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad beeleed hubeysan ay weerar ku qaadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in sidoo kale ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta ee dowlad goboleedka Puntland. Sida aan xogta ku helnay ragga weerarka fuliyey ayaa doonayeyy inay xoog ku soo furataan nin lagu magacaabo, Cabdala Axmed Guuleed, kaas oo shalay lagu xiray magaaladaasi. Ninkaan ayaa waxaa dacwad ka soo gudbiyey wasiir ka tirsan maamulkaasi, kadib markii lagu eedeeyey inuu ku aflagaadeeyey Faceebook-ga. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda weerarka geysatay ay muddu kooban la wareegtay xabsiga, iyagoo xiray dhaq dhaqaaqa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo ku sugan degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi, balse saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Puntland oo ka hadlay xariga ninkaasi ayaa sheegay in aysan sii deyn doonin, illaa laga soo taagayo maxkamad. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona xiisad ka dhalatay weerarkaasi laga dareemayo waqooyiga magaaladaasi.
  5. Golaha Ammaanka ee QM ayaa cod wada ogol ah waxay ku meelmariyeen qaraar tirsigiisu yahay 2,500 kaasoo ay gudbisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Qaraarkaas ayaa wuxuu dalbanayaa in muddo hal sano ah lagu kordhiyo howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda. Soo jeedinta ayaa ku baaqeysa in saaxiibada dunida iyo dowladda ay ka wada shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa sharciga caalamiga ah ee bani’aadanimadda iyo xuquuqda aadanaha. Soomaaliya ayaa muddo kordhinta halka sano ah ku dalbatay warqad ay 22-kii November u dirtay Golaha Ammaanka. Warbixin kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee UN-ka oo looga hadlay xaaladda shufta badeeda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wali khatartu jirto, waxaana lagu soo qaadey laba dhacdo. Dhacdooyinkaas oo laga soo wariyey nawaaxiga xeebaha Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in dableyda laga soo furto maraakiibta ay qafaasheen. Saraakiisha Howlgalka Soomaaliya ee QM ayaa ku adkeystay in dalalka caalamka looga baahan yahay in ay door muuqda ku yeeshaan dagaalka ka dhanka ah kalluumeysiga sharci daradda ah. View the full article
  6. Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Kulanka oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa ayaa waxa ay goluhu markale uga doodi doonaan sharciga doorashooyinka Qaranka oo Arbacadii ay soo bilaabatay doodiisa. Ina ka badan 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa isu diiwaan geliyey ka qeybgalka doodaan, kuwaas oo aragtidooda ku biirin doono sharcigaas. Maalmihii la soo dhaafay xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka ayaa dardargelinayey shaqooyinka horyaalla, iyagoo meel mariyey sharciyo muhiim ah dadka iyo dalka. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-07122019-sx.mp3 View the full article
  8. Sawir hore Roob dabaylo xooggan wata, ayaa xalay ku dhuftay deegaanno ka tirsan gobollada Nugaal iyo Mudug oo ku teedsan xeebta Badweynta Indian Ocean. Dabaysha ayaa garaacday xeebaha deegaanno ay kamid yihiin degmada Qadiimiga ah ee Eyl, Dhanaane, Dhinawda iyo Garacad, halkaasi oo la soo sheegayo in roobku khasaare kala duwan ka gaystay, inkastoo dhammaan degaannadaasi ay Isgaarsiintu ka go’antahay. Dadka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, ayaa ka hor inta aan Isgaarsiintu ka go’in xalay, waxay soo sheegeen in uu ku bilowday roob dabayl xooggan wata, kaasi oo dumiyay qaar kamid guryaha ka samaysan jiingadda, halka qaar kalena uu saqafyada kala cararay. Bulshada ku dhaqan deegaannada Dhanaane, Dhinawda, Kulub iyo Garacad ayaa iyana sidaasi oo kale soo sheegay, ka hor inta aysan halkaasi ka go’in Isgaarsiinta. Sidoo kale, dhulka miyiga ah ee hoostaga deegaannada dabayshu garaacday, ayaa la soo sheegayaa in waxyeello soo gaartay qoysaska reer miyiga ah oo xoolaha qaarkood dabayshu ka laysay. PUNTLAND POST The post Roob dabaylo wata oo ku dhuftay deegaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa daah furay madasha sedaxaad ee siyaasadda dhaqaalaha qaranka oo maanta iyo berri ka soconeysa magaalada Muqdisho. Madasha ayaa waxaa soo agaasimay golaha dhaqaalaha qaranka oo dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siiya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh, kana caawinaya isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka. Tan iyo markii la aasaasay golaha dhaqaalaha qaranka, waxa ay qabteen laba madal oo hore oo looga hadlay horumarinta dhaaqaalaha dalka, waxaana qorshuhu yahay in madashaan sedaxaad si qota dheer looga doodo horumarinta dhaqaalaha bulshada, Federaaleynta dhaqaalaha ee la dagaallanka Musuqa. Golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu Wareegto ku magacaabay July 12, 2018 ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu daah-furay August 11, 2018, waxaana xilligaa kadib ay si rasmi ah u guda galeen howlaha uga aadan horumarinta dhaqaalaha dalka
  10. Waxaa muuqata in dib-u-yagleelka astaamihii dawladdnimo iyo in la helo nidaam doorasho oo horseedi kara maamul iyo madax bulshadu soo doorato ay tahay baahida ugu weyn ee maanta dawladda hor taal. Waxaa kaloo muuqata is-barbar yaac xagga hay’adaha u qaabilsan arrimahaas iyo isku-day in aysan waxba ka hirgelin arrimahaas oo jihooyin kala duwan ka imaanaya. Source: Hiiraan Online
  11. AMISOM mulls measures to prevent recruitment of child soldiers in Somalia Source: Hiiraan Online
  12. Militants flagged down Medina bus and ordered everyone out before separating the passengers. Source: Hiiraan Online
  13. Muslim comedians are finding success on stage without losing their religion. Source: Hiiraan Online
  14. Jimcihii November 29, 2019 waxaa magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu qabtay kulankii 13aad ee caadiga ahaa ee Uruur-goboleedka IGAD. Ururka waxaa la aasaasay 1986 si looga hortago abaaraha waxaana la oran jiray IGADD, balse waxaa loo rogay IGAD sanadku markuu ahaa 1996. Shirka oo ahaa kulankii ugu horeeyay ee caadi ah oo ay ku kulmaan madaxda goboleedka toban sanadood kadib, ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda iyo wakiiladda dalalka Eritrea, Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koofur Sudan, Soomaaliya, Sudan iyo Ugaandha. Inkastoo la filayay in shirka lagu gorfeenayo geedi socodka nabadda Koofur Sudan, haddana waxaa diiradda lagu saaray dibuhabeynta qaab-dhismeedkiisa, iyadoo guddoonka laga dhigay xil meerta ah. Isbedelkaas wuxuu kenay inuu Mudane Cabadalla Xamduuk oo ah Ra’iisul-wasaaraha cusub ee dalka Sudan uu ku soo baxay gudoomiyaha IGAD. Tobankii sanadood ee la soo dhaafay waxaa si isdaba joogta ah ururka u guddoominayay seddexdii Ra’iisul-wasaare ee isku xigay ee dalka Itoobiya (Meles Zenawi, Hailemariam Desalegn iyo Dr Abiy Ahmed), iyadoo uu uga horeyay jagadda Madaxweynihii Kenya Mudane Mwai Kibaki. Ra’iisul-wasaare Axmed Abiy oo xeerinayay hab dhaqankii gobolka, ayaa xoghayaha ururka u magacaabay Mudane Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya, iyadoo Kenya ay isku diyaarisay inay la wareegi doonto xilka guddoonka wixii ka dambeya November 2019ka. Dowladda Jabuuti oo dalka Kenya kula tartameysa musharaxnimada kursiga Midowga Afrika uu ku leeyahay QM, ayaa ka biyo diiday hab dhaqameedka awood qeybsiga IGAD, iyadoo dowladda Soomaaliyeedna ay soo jeedisay in dibuhabeyn dhab ah lagu sameeyo IGAD, si loo xaqiijiyo himiladda isdhexgalka shucuubta gobolka iyo iskaashiga siyaasadda iyo dhaqaalaha dowladdaha. Falanqeeyaasha Siyaasadda ayaa aaminsan in dib u soo celinta xiriirkii Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Kenya aysan waxba kaga bedelaneyn Soomaaliya oo aan ehayn inay ka ogolaatay wanaajinta xiriirka, ay sabab u ahayd labo arrin: (1) Jawiga siyaasadda gobolka oo u muuqday inay Kenya ay ku sii socoto godoon; iyo (2) Kenya oo ku ceebowday ka been sheegistii bandhigii shidaalka Soomaaliya ee London, kadib markii Guddiga Khubarada QM uu soo saaray warbixin cad oo sheegaysa inay Kenya ay ku kacday fal been abuur ah. Si kastaba ha ahaate, iskaashiga seddax geesoodka ah iyo jawiga Geeska Afrika oo isbedelay ayaa Soomaaliya u saamaxay inay gaarto marxalad tala jeedinteedu meel marto. Xilligii Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa Soomaaliya mar damacday inay u tartanto jagada xoghayahay ururka IGAD mase helin. Xulufadii Kenya iyo Itoobiya ayaa harcad carqaladeysay habraacii, iyadoo islamarkaasna markale dib loo siiyay xoghayenimadii Mudane Mahboub Macalim oo ka socday dalka Kenya, kadib markii musharaxii Soomaaliya lagu eedeyay inuu gacan saar la leeyahay xajirta. Wolow, musharixii Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ay caddaatay inuu eedlaawe ka ahaa eedeynta Kenya, haddana dhaqan hoosaadka ururku uma saamaxayn hoggaanka IGAD inuu qabto mus’uul aan ahayn Kenya ama Itoobiya. Sida muuqata, isbeddelka siyaasadda gobolka waxuu muujinaayaa in dalka Sudan uu dib ugu soo laabtay xeendaabkii dowlad goboleedka Geeska Afrika, halka dowladda Kenya ay u muuqato in la maquuniyay amase ay go’doon ku socoto, iyadoo lid ku ah iskaashiga dhaqaalaha iyo siyaasadda Geeska Afrika. Xigasho: Jamhuriyadda.com
  15. Pensacola (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada cirka Sacuudiga oo tababar u joogay dalka Mareykanka, ayaa toogasho uu ka fuliyey saldhig ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka waxa uu ku dilay saddex qof, ka hor inta aan isaga la dilin. Toogashada oo ka dhacday fasal ku dhex-yaalla saldhigga oo ku yaalla magaalada Pensacola ee gobolka Florida ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sideed qof, oo ay ku jiraan laba boolis oo kusoo baxay weerarka. Ninkan weerarka gaystay ayaa magaciisa lagu sheegay Mohammed Saeed Alshamrani. Barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis ayaa xaqiijiyey in qofka toogashada gaystay uu ka yimid dalka Sacuudiga. “Waa ay caddahay inay jiri doonaan su’aalo badan oo ku saabsan qofkan ajnabiga ah, ee ka tirsan ciidamada cirka Sacuudiga, oo dalkeena u joogay tababarka,” ayuu yiri DeSantis oo shir jaraa’id qabtay. “Waa ay caddahay in dowladda Sacuudiga looga baahan yahay inay wanaajiso dhibanayaasha, waxaan filayaa in dayn badan lagu leeyahay,” ayuu yiri barasaabka. Boqorka Sacuudiga Salman bin Cabdulcaziiz ayaa taleefon uu u diray madaxweyne Donald Trump ku cambaareeyey toogashada, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA. “Boqorka wuxuu xaqiijiyey in dambiilaha gaystay dambigan aadka u xun uusan matalin shacabka Sacuudiga,” ayey tiri wakaaladda wararka. Trump ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Boqor Salman wuxuu tacsi u diray una damqaday qoysaska iyo saaxiibada dhibanayaasha lagu dilay laguna dhaawacay weerarka.” Goobta weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa loo ogol yahay oo kaliya inay qoryo ku haystaan dadka sugaya amniga, mana cadda sida ninka weerarka fuliyey uu qoriga ku helay. Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya inay baarayaan haddii weerarka uu xiriir la leeyahay argagixisanimo. Lix qof oo kale oo Sacuudiyaan ah ayaa lagu xiray meel u dhow goobta uu weerarka ka dhacay. Saddex ka mid ah dadkan ayaa la arkayey ayaga oo muuqaal ka duubaya dhacdada. Weli ma cadda, haddii lixda qof ee la xiray ay sidoo kale ahaayeen arday ka tirsan fasalka ay toogashadu ka dhacday, iyo inay xiriir la leeyihiin ninka weerarka gaystay.
  16. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan u dhexeeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo odayaasha dhaqanka oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay intiisa badan arrimaha maamulkaasi, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la’is waafajiyo Dastuurka iyo soo xulista xildhibaanada, si loo yareeyo tiradooda oo hadda gaareysa illaa149 mudane. Dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qeexaya tirada xildhibaanada oo ah 95 oo kaliya, taas oo uu hadda doonayo in la dhaqan geliyo Madaxweynuhu. Afhayeenka odayaasha dhaqanka, Malaaq Deerow Yacquub Cali oo kulanka ka warbixiyey ayaa sheegay in Madaxweynuhu dallabay inay ku garab siiyaan arrintaasi, si loo yareeyo xubnaha baarlamaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Arrintan ayaa waxaa ka soo horjeeda beelaha qaar ee daga gobollada Sh/ Hoose, Baay iyo Bakool, kuwaas oo ka cabsi qaba inay waayaan xubno muhiim ah oo ay haatan ku leeyihiin baarlamaanka, balse waxaa socda dadaallo lagu qancinayo beelahaasi.
  17. Qaar kamid ah gobolada Puntland waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’yey roobab mahiigaan ah. Roobabka ayaa u badan gobolada Bari iyo Gardafuu, gaar ahaa deegaanada xeebaha, kuwaas oo ilaa iyo hadda oo ay tahay saxdii dhexe oo habeenimo da’aya. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kamid ah meelaha roobku ka da’yey 24-kii saac ee la soo dhaafay, daadad soo rogmaday ayaa saddex gaari kula tagay Boosaaso, waxaana laga soo badbaadiyey dadkii saarnaa gaadiidkaas. Maamulka gobolka Bari ayaa hakiyey isu socodka gaadiidka magaalada Boosaaso iyo gobolada kale ee Puntland. Gobolka Gardafuu ayaa isagana 24-kii saac ee la soo dhaafay qeybo kamid ah roobab ka da’ayeen, khasaare naf iyo maala ayaa laga soo sheegayaa, inkasta oo ilaa hadda aan si dhab loo xaqiijin karin inta uu le’eg yahay. Dhanka kale roobab iyagu dabeylo wata ayaa caawa la soo sheegayaa in ay ka bilowdeen qeybo ka mid ah gobolada Nugaal iyo Mudug, gaar ahaan deegaanada xeebaha. Isgaarsiinta ayaa ka go’an deegaanadaas, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Eyl. Wixii warar ah ee soo kordha, halkan ayaa kala socon doontaan. PUNTLAND POST The post Roobab saacado badan ka da’aya Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. The Tropical Storm (TS) initially named SIX that developed in the northern Indian Ocean has now been assigned the name PAWAN after sustaining a speed of more than 39 miles per hour for two days. Source: Hiiraan Online
  19. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraatka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in dalkiisa uusan raadineyn inay iska hor-yimaadaan Soomaaliya. Xiriirka labada dal ayaa xumaaday markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraatka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho. Hase yeeshee Gargash ayaa sheegay in weli uu furan yahay albaab ay isku fahmi karaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. “Weli waxaa banaan fursad ay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ku wadaagi karaan diblomaasiyad, anagu marnaba ma raadineyno isku dhac.” Ayuu yiri. “Xaaladdan waa mid u baahan diblomaasiyad, taasi oo nagu jiheyn karta xal siyaasadeed caqli gal ah, nabad ah, islamarkaana la joogteyn karo,” ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraatka Carabta, oo uu soo xigtay wargeyska HAN. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo shalay ay Muqdisho ku kulmeen Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi. Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee muddo dhex-mara xubno sare oo ka kala socda labada dal, tan iyo markii uu xumaaday xiriirkooda. Xiriirka labadii dal oo markii hore ku xumaaday xiisadda Khaliijka kadib markii ay Soomaaliya ka diiday Sacuudiga iyo Imaaraadka inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa kasii daray markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho. Toddobaad kadib, 15-kii April 2018, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, ayada oo ka jawaabeysa lacagta ay qabsatay dowladda Soomaaliya. Tan iyo mudadaas ma jirin wax xiriir muuqda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale weli aqbali la’a safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale, kaasi oo la magacaabay lix bil ka hor. Si kastaba, hadalka Gargash iyo kulanka Cawad iyo Al Hammadi ayaa muujinaya inuu jiro isku soo dhowaansho yar.
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Dhowr qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ay weerareen gaari rakaab ah oo kusii jeeday magaalada Mandhera, xilli uu marayey inta u dhaxeysa deeganaada Kutulo iyo Wargadud ee Wajeer. Taliyaha booliska Wajeer Stephen Ng’etich ayaa wargeyska Daily Nation u xaqiijiyey weerarkan, hase yeeshee ma uusan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha. Ng’etich ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah loo diray goobta weerarka uu ka dhacay. “Waxaan xaqiijin karaa in koox hubeysan ay fiidkii jidka u galeen oo ay weerareen baska oo kusii socday Mandhera, balse weli ma hayno xog ku saabsan tirada khasaraha,” ayuu yiri. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, oo ay ku sheegtay inay ku dileen 10 qof. Qoraal lagu baahiyey idaacadda kooxdan ayaa lagu yiri in “kadib baaritaanno lagu sameeyey dadkii saarnaa gaariga ay u kala qeybiyeen muslimiin iyo gaalo kadib la galay 10 qof oo la xaqiijiyey inay gaalo ahaayeen.” Qoraalka ayaa intaas ku daray in “goobta lagu toogtay tobanka ruux ee gaalada ahaa, iyadoona dadkii kale ee muslimiinta ahaa la sii daayay.” Weerarkan lagu qaaday baska Madina ayaa dhacay qiyaatsii 5-tii galabnimo. Weerarka ayaa imanaya bil kadib markii A-Shabaab ay weerareen saldhigga booliska Dadajabula ee Wajeer, si ay halkaas uga sii daayaan laba dagaal-yahan oo uga xirnaa.
  21. Bulshada ku dhaqan dagmooyinka fog fog ee Gobalka Bari oo u badan Xoolo dhaqato iyo Beeralay ayaa bilaabay isku tashi ay ku doonayaan inay dib ugu furaan waddooyinkii hal bowlaha u ahaa isu socodka gaadiidka iyo dad waynaha iskuna xiri jiray Degmooyinka Qandala, Caluula iyo Boosaaso, halkaasi oo ay go’een waddooyinkii loo mari lahaa deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Bari. Marka laga yimaado dhanka badda oo ah wada sadexaad ee loo maro dagmooyinkaani waxa uu leeyahay Laba wado oo caan ah bulshada deegaanadaasina adeegsato kuwaasi oo la kala yiraahdo Lafa Goray iyo Dhabaaqo,hadana labaduba yihiin kuwa go an oo aan la adeegsan karin . Dhallinyaro, waayeel Xoolo dhaqato iyo Beeralayba waxa lsu garab sadeen bulshada ku dhaqan agagaaarka Buurlayda Dhabaaqo sidii mar kale si iskaa wax u qabso ah loogu furi lahaa wadada dhabaaqo oo go’day masaafo ka badan 30km ayna ka dillaaceen godad aad u waawayni, taasi oo ay u sii dheertahay in daadadkaani soo dhigeen dhagxaan aad u waawayn oo ay adagtahay bur burintoodu. Maxamed Jaamac Togox oo ka mid ah odayaasha deegaanka si gaar ahna wadadaani gacanta ugu hayay mudo 30 sano ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in hadafkoodu yahay in la helo meel la marsiiyo gurmadka kala duwan ee loo wado deegaannada ay roobabka saameeyeen. Togax ayaa xusay in Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya midna wali ka soo gaarin dadka deegaanadaasi wax gurmad ah marka laga reebo qiimayn ku saabsan inta uu khasaaruhu la egyahay oo ay u timid hay’ada jidadka Puntland iyo Guddi gaar ah oo arintaani u xilsaartay Puntland. “Waxaa qiimihiisu laba jibaarmay maciishada noocyadeeda kala duwan, maadama isha kaliya ee dadkaani wax ka heli jireen ahayd magaalada ganacsiga ee Boosaaso, xitaa baddii way kacsantahay oo lama mari karo hadiiba dhanka badda la adeegsan lahaa, waxaan ka codsanaynaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay arintayada il gaar ah ku eegto oo dadkaasi loo soo gurmado, hooyadii umulaysa hada wado la marasiiyo malahan oo xaalad caafimad darro inay u dhimataa suro gal ah”ayuu yiri Maxamed Jaamac Togox oo ka mid ah odayaasha gacanta ku haya waddada dhabaaqo. Dadka deegaanadaasi ayay cabsi kale soo wajahday markii Hay’adaha saadaasha iyo Wasaarada arrimaha Gudaha Puntland si wada jir ah mar kale uga digeen Roobab dabaylo wata oo soo wajahan . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabaab has launched a militia recruitment plan amid increasing pressure from AMISOM and Somali government forces, sources within the Somali National Army have told Caasimada Online. The sources say Al-Shabaab has ordered residents who live villages under its control to contribute light weapons, and young men to be trained for the group’s army. The most recent incident occurred in a village known as Geel Gub in Middle Shabelle region where Al-Shabaab has recently captured from the government. Residents were stripped of their firearms and were forced to provide their young men for recruitment. Some were also reported to have lost their livestock to the group too. UN Panel of Experts on Somalia 2019 report stated that Al-Shabaab has been collecting “taxes” from almost all businesses in the capital Mogadishu. These taxes are also collected from people who buy or build houses using intimidation. “Al-Shabaab has amassed a lot of capital from their illegal dealings and collection of “taxes” which they are investing in building up their ranks, specifically the guerrilla divisions, the bombings division, and the intelligence division.” Said a Somali Military Official who has requested not to be named. In spite of all this Al-Shabaab is still facing a lot of pressure from the Somali National Army and American drone attacks which have in the past couple of months caused sizable casualties for the group, forcing them to withdraw from many villages. Suicide bombings and killings were a regular occurrence in the capital of Mogadishu, but recently, the government seems to have reduced these activities. This is as a result of a renewed focus on intelligence by the government to overcome any plots undertaken by the group. The new recruitment campaign by the group is believed to be as a result of the increased pressure and the strengthening of the government intelligence services.