-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/War-Subax-08122019.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe gaari ay la socdeen dad shacab ah lagu rasaaseeyey qeybo ka mid ah gobolkaasi, kadib markii ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan. Weerarka oo dhabo gal ahaa ayaa waxaa lagu qaaday gaari nooca Barabokista oo ka yimid deegaanka Galinsoor, kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaan ku dhintay hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka mid ah dadkii la socday gaariga la rasaaseeyey. Ilo deegaanka ayaa sidoo kale ayaa Caasimada Online u sheegay in ragga weerarka fuliyey ay gaarayeen illaa afar, islamarkaana ay goobta isaga dhaqaaqeen falka kadib. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa dhankooda sheegay in ay wadaan howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarka, islamarkaana gacanta lagu soo dhigi doono. Waa weerarkii labaad oo muddo todobaad gudihiisa ka dhacaya gobolka Mudug oo ay weli ka taagan yihiin colaad beeleedyo u dhexeeyo beelo wada daga gobolkaasi.
-
Saraakiil ciidan oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in Dr Muuse Cali Jaamac oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, uu saddex jeer oo kala duwan ku xanuunsaday gudaha Xabsigaasi. Sarkaal ka tirsan ilaalada Xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa sheegay in saddexda jeer oo uu xabsiga ku xanuunsaday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, aan marnaba wax dhakhtar caafimaad ah la geynin, balse haatan ay fiicantahay xaaladdiisa. Sidoo kale, qaar kamid ah saaxiibada Dr Muuse Cali,ayaa xaqiijiyay in uu saddex jeer oo kala duwan ku xanuunsaday xabsiga, kadib markii uu la qabsan waayay hawa-xumo halkaasi ka jirta, sida ay sheegeen. Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, waxa hadda ku xiran siyaasi Dr Muuse Cali Jaamac iyo afar nabaddoon, oo dhammaantood loo haysto dhaliilo ay u jeediyeen heshiisyo xukuumadda Puntland kula jirto shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta. 13 October ee sannadkan, ayaa sidaan oo kale Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib 16 October ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed. PUNTLAND POST The post Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo ku xanuunsaday xabsiga Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Al-Shabaab, a U.S.-designated terrorist organization with ties to Al Qaeda, is on the warpath. In November 2019 alone, its leader appeared on video for the first time, the group invaded a town in the former British protectorate of Somaliland and claimed five assassinations in two days Source: Hiiraan Online
-
Somalia and Djibouti settled for a goalless draw as the 2019 Council for East and Central African Football Association Source: Hiiraan Online
-
Sawirradii dunida ugu layaabka badnaa toddobaadkan Madaxweyne Donald Trump ayaa labadii bishan Diseembar shir jeraa’id ku qabtay meel banaan ah, oo Aqalka Cad agtiisa ah iyadoo weliba uu roob da’ayo ka hor inta uusan raacin diyaradda ciidamada Mariiniska ee Mareykanka. Mudaaharaade gacanta ku haya toosh qiiq bixinaya isagoo ka qeyb qaadanayay mudaaharaad ka socday magaalada Marseille ee dalkaasi Fransiiska kaasi oo loga soo horjeeday qorsha hawlganimada ee dalkasi. Ubaxyo qurux badan ayaa la dhigay Buundada London, kuwaasi oo loogu tacsiyeeynayo Jack Merritt iyo Saskia Jones oo lagu dilay weerarkii mindida ee 29-kii November ka dhacay Hoolka Fishmongers ee Buundada London. Waa shaqaale ka hawl gala warshadda moobellada lagu sameeyo ee dalkaasi Uganda, kuwaasi oo isku xirxiraya Moobeellada. Warshaddan oo ah tii ugu horreysay ee laga aasaaso Uganda ayaa waxaa ay shaqeyneysay tan iyo bishii Ogosto ee sannadkan 2019-ka. Nin da’yar oo ka mid ah dibedbaxayeyaasha dalkaasi Ciraaq oo ay kor u tuurayaan asxaabtiisa fagaaraha Taxriir kula mudaaharaadaysay. Waa Raysal Wasaaraha Britain Boris Johnson oo taayar ka baddalaya gaawaairada loo isticmaalo tartanka xawaaraha xilli uu booqday goobtaasi. Waa hogaamiyaha xisbiga Labour-ka UK Jeremy Corbyn oo tagay maqaaxi yar waxa uuna shaqaalaha ka caawinayaa qeybinta cuntada. La wadaag qodobkan Faahfaahin Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa uga digtay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya in si xun loo maareeyo soo xulista xildhibaanada doorashada Galmudug ee wasaaradda diyaarinteeda ay ka waddo magaalada Dhuusomareeb, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Saraakiil ka tirsan wasaaradda iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa noo xaqiijiyay in xubno ka tirsan beesha caalamka ay xiriir ay la sameeyeen wasiirka arrimaha gudaha una sheegeen in la joojiyo wax loogu yeeray boob iyo xoog wax ku maalid oo ka socda Dhuusamareeb, kuwaas oo la sheegay in ay wadeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug. “Beesha caalamka ayaa si deg deg ah usoo faragelisay doorashada markii la shaaciyay liiska odayaasha waxayna ka digtay inay Dhuusomareeb ka dhacdo doorashadii Baydhabo oo kale” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo arrintan xog ogaal u ah. “Waxay soo jeediyeen in la dhaqan geliyo rabitaanka dadka degaanka, iyo la qabto doorasho xor ah oo aan ku jirin xoog iyo wax isdamarin sidii ka dhacday Baydhabo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanka. Sida aan xogta ku helnay, waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ay gaaraan xubno ka socda beesha caalamka islamarkaana ay u kuur galaan sida ay socoto doorashada Galmudug. Xubnahaan ayaa la kulmi doono odayaasha degaanka, Ahlu-Sunna iyo qaybaha bulshada iyagoo sidoo kale kulmi doono dowladda iyo xubnaha mucaaradka ah ee degaanka laga soo doortay, kuwaas oo u badnaan doono xildhibaanada Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay hadda hakad ku jirto soo xulista baarlamaanka Galmudug islamarkaana la sugayo xubnaha beesha caalamka ee ku wajahan Galmudug. Xubnaha beesha caalamka ayaa sidoo kale la filayaa inay goobjoog u noqdaan heshiis cusub oo la filayo inay kala saxiixdaan dowladda iyo Alu-Sunna, kaasi oo Ahlu-Sunna loogu ogolaanayo soo xulista qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug.
-
Iran iyo Mareykanka oo isweydaarsaday basaasiin ay baxaabiis ahaan u kala haysteen Dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa isweydaarsaday maxaabiis basaasiin ah oo ay ku kala qabsadeen dalalkooda sanooyin ka hor, waxaana ay kaamnta kula kala wareegeen garoon ku yaal dalka Switzerland. Mareykanka ayaa waxaa sanndkii 2016 laga qabtay aqoonyahan lagu magacaabo Xiyue Wang oaas oo 38 jir iminka ah, waxaana ay dowladda Iran dambi basaasnimo oo ay ku heshay ugu xukuntay 10 sano oo xabsi ah sannadkii 2017-dii. Xiyue Wang ayaa lagu eedeeyay in uu doonayay in uu dukumintiyo sir ah oo uu ka ururiyay giudaha Iran uu u gudbiyo Mareykanka. Ninkan ayay dowladda Iran ku badalatay aqoonyahay dhinaca sayniska ah oo Mareykanka looga qabtay sannadkii hore kaas oo lagu magacaabo Massoud Soleimani, waxaana lagu eedeeyay in uu isna doonayay in uu aqab ka saaro Mareykanka oo uu Iran geeyo. Labadan dowladood ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir-xumo dhanka diblomaasiyadda ah, waxaana ay dhow jeer oo hore hawada isu mariyeen hanjabaadyo. Qaran News
-
Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa sheegaya in afar ruux oo dhammaantood hal qoys ahaa ay dhinteen, kadib markii guri ku dumay. Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay, in Faysal Aadan Cabdi iyo Xaaskiisa oo xaamil ahayd iyo laba carruur ah oo ay dhaleen, ay halkaasi ku dhinteen, kadib markii gurigooda uu ku soo dumay dhisme Qadiimiya oo ku qabsanaa. Qoyska oo degganaa Aqal Soomaali ku yaalla aga’gaarka xaafadda Birjeex ee magaalada Hargeysa, ayaa sida la xaqiijiyay waxaa ku soo dumay dhisme Qadiimiya oo gurigooda ku qabsanaa, inkastoo aysan weli kala caddayn in dhismaha la degganaa iyo in kale. Saraakiisha Ciidanka Dab-demiska Somaliland, ayaa sheegay in ay maydadka qoyskaasi ka soo saareen burburka hoostiisa, waxaana la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. Wararku waxay sheegayaan, in burburka dhismaha uu ka dhashay roobab maalmihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Hargeysa: Qoys dhan oo ku wada-dhintay guri ku dumay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ka hadashay halka ay marayaan ictiraafka ay ka baadi-goobeyso beesha caalamka iyo caqabadaha ay kala kulantay beesha caalamka. Somaliland ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto ictiraaf raadinteeda, balse ilaa hadda ay beesha caalamku ka war-wareegayso inay si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsato dal madax banaan. Yaasiin Maxamuud Faratoon, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, oo u waramayey wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay qadiyadeeda ictiraaf raadinta ay u dabo gali doonto Midowga Afrika. Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay su’aal laga weydiiyay sababta ay beesha caalamku ay si isku mid ah ugu fiirin weyday qadiyadooda iyo kuwa Ereteriya iyo Koonfurta Suudan, oo Somaliland kaga horeysay ku dhawaaqida madax-banaanidooda, isla markaana loo aqoonsaday dalal madax banaan. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Faratoon oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Arrintaasi waxay u taalaa inay Beesha caalamku ka jawaabto. Runtii ma garanayno sababta ay Beesha caalamku uga faaganayso inay na aqoonsadaan. Somaliland waxay leedahay dhammaan sharciyadii iyo shurudiihii qaran lagu noqonayay oo ay ku jiraan aftidiii shacabkayaga oo si cad u sheegtay mawqifka shacabka Somaliland”. “Waxaanu si adag u aaminsaahay hal qodob. Somaliland ugu dambayn waxay heli doontaa madaxbanaanideeda. Wuxuu ahaa Midow Mutadawancimo ah oo aanu la galnay Soomaaliya. Laakiin markii ay reer Somaliland dib ula soo noqdeen xorriyadoodii, waxay si cad oo ay xaq u leeyihiin uga baxeen Midowgii Soomaaliya”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu isku dayaynaa sida ugu wanaagsan ee aanu awoodno. Mawqifkayagu waxa weeye inaanu diirada saarno inaanu beesha caalamka qaddiyadayada hordhigno oo aanu sida ugu wanaagsan isugu dayno inay beesha caalamku ogaato waxaanu doonayno”. “Waxaanu isku dayaynaa inaanu qaddiyadaya ku dabo-galno Midowga Afrika iyo xidhiidhada kale ee diblomaasiyadeed ee gobalka aanu ku leenahay”.
-
Tartankii 24aad ee Koobka Khaliijka Carabta “Gulf Cup” ayaa lagu qabtay sanadkan magaaladda Dooxa ee dalka Qadar. Inkastoo safarka duulimaad toos ah ee dalka Qadar la mamnuucay, haddana tartanka waxaa ka soo qeybgalay ciyaartoy ka kala socda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreen, Kuwait, Cuman, Ciraq iyo Yemen. Ciyaar ka dhacday garoonka “Khalifa International Stadium” ee Dooxa maalintii Isniinta December 2, 2019 oo ay iskaga horyimideen xulka Kubadda Cagta ee dalka Qadar iyo kan Imaaraadka, ayaa kooxdii Imaaraadka looga badiyay 4 iyo 2, oo aysan filaneyn. Tababaraha Imaaraadka Bert Van Marwijk oo la wareystay ciyaarta ka hor ayaa muujiyay kalsooni uu ku qabo kooxdiisa, isagoo yiri “kooxdeedu way garanayaan sida loo garaaco kooxda heysata koobka Asiya [Qadar].” Boqorka Caawiyaha Ciyaarta Akram Afif ayaase beeniyay warkiisii kadib markii uu beerka u geliayay kooxda Imaaraadka labadii gool ee ugu horeyay. Weeraryahanka Afif oo kooxdiisa Al Sadd (Qadar) ku caawimay inay ku guuleysato koobkii kubadda cagta ee 2019 – Aasiya, ayaa loo magacaabay inuu yahay cayaaryahankii sanadka 2019 ee Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya. Kooxda Qadar waxay u gudubtay “Semifinal”ka tartanka gobolka, hase yeeshee waxaa sugeysa maalinta Khamiista koox Sacuudiga oo Isniintii xaqiijiyay booskooda kadib markii ay 3 iyo 1 ku garaacday kooxdii Cumaan. Wolaw, ciyaartoyda labada koox (Qadar iyo Imaaraadka) ay u ciyaareen “Guul amase Geeri,” haddana kooxda Imaaraadka ma lahayn khibrad u dhiganta tan ka soo horjeeday. Sidoo kale, Kooxda Qadar waxay u ciyaareen si ka fiican sidii ay ula ciyaartay kooxda Ciraaq oo kaga badisay 2 iyo 0 furitaankii ciyaaraha. Markii heesta calanka Imaaraadka laga qaaday garoonka ciyaaraha, waxaa muuqatay in garoonka oo dhan laga istaagay si ixtiraam leh, iyadoo taageerayaasha Qadar ay ula dhaqmeen kooxda Imaaraadka si xushmad leh. Haddana, waxaa muuqatay markii ciyaarta bilaabatay in kooxda Imaaraadka aysan garoonka “Khalifa International” ee Dooxa ku laheyn taageerayaal, taas oo ay sabab u tahay siyaasaddii cunaqabateenta Sacuudiga iyo Imaaraadka. Sanadii 2017, dalalka Baxreyn, Imaaraadka, iyo Sacuudiga waxay diideen inay ka qaybgalaan ciyaaro la filayay inay ka dhacaan dalka Qadar, balse loo wareejiyay Kuwait kadib markii ay cunaqabateen ku soo rogeen Qadar. Bilowgiisa sanadka, ciyaar ka dhacday garoonka Abu Dhabi, ayaa kooxda Qadar ka carootay kadib markii kooxda Imaaraadka oo looga badiyay 4 iyo 0 taageerayaashoodii kabaha ku tuurayn ciyaartooyddii Qadar ee martida u ahayd. Si kastaba ha ahaate, falanqeeyayaasha xiisada khaliijka waxaa u muuqata in martigelinta tartanka ciyaaraha 24aad ee Koobka Khaliijka Carabta uu xaqiijiyay awood diblomaasiyadeed in looga gudbi karo caqabadaha siyaasadeed ee gobolka, walow dadka si xun wax u arka ay ku fasirayaan inay ahayd waji badbaanin oo keliya. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
It’s always useful, or at least fine, to hear the advice of those who have the expertise of a particular subject. Religion and faith are quite unique, and not something we can simply swallow without asking the questions Why? Why now? And who? Hassan Dahir Aweys, the founding father of extremism in Somalia, a man listed both by the U.S. and United Nations as global terrorist associated with Al Qaeda who should in my opinion be the last person to give a fatwa for the same people he inflicted the pain of the horrors of terrorism based on the misinterpretation of a noble religion. He is in prison only because the previous administration was reluctant to risk a backlash if he was charged, found guilty and sentenced to death. Which in my opinion is what he deserves and should have taken place a long time ago. But, thanks to the mentality of “us the clan”. This can only happen in Somalia where an individual like Hassan Dahir Aweys who has been associated with war crimes and genocide against the Somali people to freely share and spread his message from prison! The message and the ideology that got him there in the first place, and not only that the message that took the lives of hundreds of thousands of the Somali people if not millions. More importantly as far as I’m aware Hassan Dahir Aweys has not denounced his ideologies and beliefs to this day, meaning he is still practically a member of Al-Shabaab, sitting in a luxurious house the government calls it “a prison” (I wonder if any one with a modicum of humanity would swallow that) still continues to spread the same message and Fatwa’s encouraging his followers to kill and insult those he thinks don’t agree with his interpretation of Islam. An insult to injury! something no prisoner of terrorism is privileged with. It sometimes shocks me beyond comfort how low our leaders rate the Somali people and their levels of intelligence by telling us Hassan Dahir Aweys acted on his own and above all has the right to “defend his religion” while in prison and share his message. Remember Hassan Dahir Aweys is in PRISON! I repeat Hassan Dahir Aweys is in PRISON. It is an insult to intuition! The Somali people need to wake up and see those who preach water but drink wine. You’ve already fallen into their traps. You’ve been their victims, and they’ve been predators. You’ve endured for ignorantly embracing them and for taking their false message to heart. You’ve been negatively impacted. They’ve caused you more harm than good. You’ve been through immense pain, misery and heartbreak. For A.A. Warsame, who triggered all this, all I would say is that he made a serious mistake and, thanks to Allah SWT, he had swallowed up his ego, repented and asked Allah SWT forgiveness. In his response to the backlash and the criticisms he received after the comments he made while giving a speech in Germany, he denied that he believed or said that the hadith is false, but only he differs on how some scholars interpreted the hadith. He cleared the air as much as he could, demonstrating his affection for his religion and his prophet (PPH). To me, that’s enough, we’re not judges here, Allah SWT sees everything that is inside his heart, and Allah SWT alone has the power to judge. For those other scholars(other than Hassan Dahir Aweys) who were too eager to reach a conclusions and declare A.A Warsame as a “KAAFIR” I have one simple message for them, PREACH WATER AND DRINK WATER NOT WINE! Don’t give a fatwa that is based on interests and personal gain, remember that your words matter. The games you are playing these days will only damage your reputation even more and the trust we have in you and our scholars. Your main role is to educate the society not to get involved in politics campaign for some politicians, declare others non-believers and call for their murder. Those at the Villa Somalia especially the President who is in charge and responsible for keeping the country and the citizens safe, you may enjoy all of this drama now for cheap political gain. but, remember this will only damage your credibility even more as a leader to govern a country raising from the ashes of the same ideology, an ideology preached by Hassan Dahir Aweys and his associates freely and fairly. I say that mainly because its as clear as the day that Hassan Dahir Aweys did not act on his own and you were the mastermind behind all of this, and if your hands are clean as your Minister of Information claims you should have acted swiftly and decisively by now and at least cut off the access and the privileges Hassan Dahir Aweys has to spread his message of hatred and destruction which will only make things worse. My advice to you as a leaders is that you are heading towards a dead end hiding in plain site. Stop it Now and put the unity and the wellbeing of the Somali people above all, otherwise it will be too late. Read the history! Religious wars are never ending, we have already got one to deal with, a war that took thousands of lives and displaced millions and guess who started? None other than Hassan Dahir Aweys himself and his group now based in peaceful countries and some of them living in Mogadishu in five-star hotels paid by the tax payer’s money and giving fatwa’s for cash. By: Abdullahi Samoow Abdullahisamoow@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-____-Qumanaha-Warraka-07122019-ok.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in inta badan shaqaalaha rayidka iyo ciidamada dowladda Soomaaliya aysan bishan qaadan mushaharkooda, oo ay heli jireen xilli hore. Mushaharka ayaa inta badan la bixin jiray 28-ka bisha dhammaadka ah ee ka horeysay bisha ay tahay in kowdeeda la qaato mushaharka, hase yeeshee bishan December oo mareysa 7 ayaan weli qaar badan oo shaqaalaha ka mid ah la siin mushaharkooda. Shaqalaha In ka badan 10 wasaaradood iyo inta ugu badan ciidamada Soomaaliya ayaa wali helin mushaarkooda, waxaana Caasimada Online ay la hadashay tobaneeyo shaqaale oo xaqiijiyey inay la’yihiin mushaharkooda. Ma cadda sababta aan mushaharka loo bixin, balse sarkaal sare oo ka tirsan Bankiga Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in lacag badan bankiga looga bixiyey wasiirka arrimaha gudaha loona qaaday Dhuusomareeb, oo dowladda ay ka waddo dhismaha maamulka Galmudug. Ma cadda haddii lacagta Bankiga Dhexe laga bixiyey ay tahay tii ay ahayd in lagu bixiyo mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada. Waxaa jira shaqaalaha dhowr wasaarad oo aan badneyn iyo kuwa Villa Somalia oo qaatay mushaharkooda. Xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda ayaa noo xaqiijiyay in bishaan ay suurtagal tahay in aysan dowladda bixin doonin mushaarka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada xilli lacag badan la qorsheynayo in lagu bixiyo doorashada Galmudug. “Bishaan ma jiro mushaar hadii la qaataana waxa uu gaarayaa 15-ka ilaa 20-ka bishaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin. Dowladda Soomaaliya ayaa horey lacag badan ugu bixisay doorashadii Koonfur Galbeed, waxaana warbixin ay soo saareen guddiga khubarada QM lagu sheegay in xildhibaankiiba la siiyey 30 kun oo dollar si ay u doortaan Cabdicasiis Lafta-gareen.
-
Muqdisho (SMN) – Kulanka 17aad ee Golaha Shacabka oo uu Maanta Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan uuna goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim sh.muudeey, ayay Xildhibaanada ku cabirayn aragtidooda la xiriirta Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Xildhibaanada Golaha ayaa dhamaantood Guddiga KMG ee soo diyaariyay Sharciga Doorashooyinka kaga mahadceliyay sida Sharciga ay u waafajiyeen Dastuurka Qaranka. View the full article
-
Popular Contributors
