Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ganacsade Cawil Saalax Jaamac oo ku sugan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in laba ruux lagu la’yahay, daadad xooggan oo ka dhashay, Roobab mahiiggaana oo todobaadyadii la soo dhaafay si xawliya uga da’ayey degmada Laasqoray nawaaxigeeda. Ganacsadaha ayaa sidoo kale sheegay in daadadka ka dhashay roobabkaasi, ay gebi ahaanba burburiyeen, dhammaan waddooyinkii geli jiray degamada Laasqoray, oo sida uu sheegay haatan xaalad go’doon ah ku sugan, kadib markii ay dhinac kasta ka xayireen daadadkaasi. Ganacsade Cawil ayaa xusay in degmada Laasqoray ee go’doonsan, aysan wax maciishad ah soo gelin in ka badan 10 cisho, taasi oo keentay in xaalad adag soo foodsaarto bulshada halkaasi ku dhaqan, xilli weli roobku si xawliya uga da’ayo degaanka. Sidoo kale, waxa uu sheegay in daadadka roobka ka dhashay ee halkaasi ku fatahay ay marba-marka ka dambaysa sii noqonayaan mowjado xoog badan, islamarkaana meelaha qaarkood guryaha laga cararay. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Dad lagu waayay degmada Laasqoray oo xaalad go’doon ah ku sugan appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay kulanka Golaha Shacabka ee baarlamaanka, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islo (Ducaale), wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo taliyaha ciidanka Booliska, Cabdi Xasan (Xijaar). Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 120 Mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka, iyadoona uu shir guddoominayo ku xigeenka 1-aad eeGolaha, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey. Xubnahaan ayaa su’aalo adag laga weydiin doonaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo sidoo kale xayiraadii dhowaan lagu sameeyey Madaxweynyaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka ayaa lagu wadaa in wasiiradu ay wax ka wey diiyaan is hortaagii lagu sameeyey xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo dooneysay inay u ambabaxdo degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ah deegaan doorashadeeeda. Kulanka Golaha Shacabka ee loogu yeeray wasiirka amniga gudaha iyo midka gaadiidka iyo duulista hawada ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay taagnaayeen xiisado siyaasadeed oo quseeyey shaqooyinka labadaasi wasaaradood.
  3. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid oo u jawaabay Maxamuud Xaashi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in arrin murugo leh ay saaka ka dhacday gudaha magaaladaasi, kadib markii qoys dan yar ahaa uu ku soo dumay dhismo ay ka daganaayeen xaafadda Bir-jeex. Qoyska ayaa ka koobnaa illaa afar ruux oo kala ahaa labo caruur ah, Aabahood iyo hooyadii reerka, kuwaas oo dhammaan ku dhintay isla goobta. Reerkaan ayaa deganaa Aqal Soomaali ka dhex dhisnaa dhismo qadiimi ah oo ku yaalla xaafadda Bir-jeex, kaas oo ka mid ah guryihii uu dhisay Ingiriiska. Aabaha qoyska ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Feysal Aadan Caddi, halka hooyaduna ay aheyd Xaamilo, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa goobta ay dhibaatadu ka dhacday gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, sida Duqa Hargeysa, guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex iyo taliyaha guud ee ciidanka Dab Damiska maamulkaasi, kuwaas oo ka qeyb qaatay gurmadka la fidiyey. Meydka afarta qof oo ugu dambeyn laga soo saaray dhismaha hoostiisa ayaa waxaa la geeyey isbitaalka magaalada Hargeysa. Arrintaan ayaa murugo xanuun badan ku reebtay dadka deegaanka oo haatan si aad ah u hadal haya dhacdadaasi murugada leh.
  5. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Arrimaha Gudaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) mar dhawayd looga yeedhay xarunta ciidanka dembi-baadhista ee C.I.D, halkaasna uu tegay si waraysi loola yeesho. Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan ayaa Waxa uu u hoggaansamay yeedhmada ciidamada waxaanu tagay xarunta ciidanka dembi-baadhista ee C.I.D Arrinta loogu yeedhay ayaa la sheegay inay la xidhiidho dacwad uu ka gudbiyay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee qoys ka kooban Afar ruux oo kala ah Marxuum Faysal Aadan Cabdi Diiriye oo ah aabbaha qoyska iyo xaaskiisa Marxuuma Hinda Aw Axmed oo xaamilo ahayd iyo laba Carruura oo ku geeriyooday degmada 31 May ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu ku dumay guri qadiimi ah oo ay jaar la’a ahaayeen dhammaantoodna ku nafwaayeen. Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadashay Wafti ay hoggaaminayso oo safar shaqo ku jooga wadanka Beligium. Waftigan oo ay ku jiraan xildhibaanadda Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda Soomaaliland ayaa sida ay sheegtay gudo galay ujeedada safarkooda, waxaanay kulamo la qaateen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka midawga yurub, Waxaanay faadumo siciid oo arrimahaas sharaxaad ka bixinaysaa ay tidhi “Waxa Si Habsami Leh Noogu Socda Hawlihi Shaqo Iyo Kulamadi Aan La Yeelanay Golaha Barlamaanka Yurub Iyo Xildhibanadiisa Waxa Ay Ku So Dhamaaden Dhamaantood Is Afgarad Waxaan Isla So Meel Dhignay Qodobo Dhawr Ah Taas Oo Aan Ku So Bandhigi Doono Muuqaal Dhamaystiran Oo Ka Waramaya Guulaha Aan So Gaadhnay Inshalah F.G Sawirada Waxa Igu Weheliya Xildhibanada Golaha Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland Iyo Xildhibanada Barlamanka Yurub Source
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Wadani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo kulan gaar ah Nairobi kula qaatay wakiillada Midowga Yurub iyo danjire ku xigeenka Mareykanka ay kala hadlay xaaladda maamulkaasi. Ugu horreyn Cirro ayaa u sheegay xubnahaasi in Somaliland oo muddo ku jirtay deganaasho ay hadda ku socoto dagaal Sokeeye, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey madaxweynaha talada haya ee Muuse Biixi Cabdi inuu ka shaqeynayo nabad gelyo darro, islamarkaana uu doonayo in dagaal iyo fowdo ay dib ugu laabato Somaliland. “Muuse waxaa uu doonayaa in uu gaaro ahdaaf uusan ku gaarin dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1994tii,taas waxaa ay ka soo horjeeddaa rabitaanka Dadka Somaliland” ayuu yiri guddoomiyaha xubiga mucaaradka Wadani ee Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Cirro). Dhinaca kale ergo ka socoto xubnaha Beesha Caalamka ayaa 18-ka bishan booqasho ku tago doono Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo ku dhow kulanka dhexmaray Cirro, wakiillada Midowga Yurub iyo danjire ku xigeenka dalka Mareykanka. Sidoo kale ilo wareedyada aan la hadalnay ayaa sheegay in safarka ergadaasi uu qaadan doono muddo labo cisho ah, islamarkaana ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka maamulka gooni isu taaga ee Somaliland. Xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay aheyd mid kacsan, taas oo ka sii dartay, kadib markii Golaha Guurtida iyo kuwa Wakiilada ee maamulkaasi ay sameysteen muddo kororsi cusub oo ay ka biyo diidan yihiin hoggaanka xisbiyadu.
  9. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Ganafka Ku Dhuftay Shir Uu Ku Baaqay Suldaanka Guud Ee Beelaha Biciide+Wejiga 2-Aad Ee Shirkii Nabadaynta Beelaha Ceel-Afweyn Oo Si Habsami Ah U Socda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Maanta, waxaa golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ka soo hor muuqanaya wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow, wasiirka duulista Maxamed Oomaar iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. Raggan ayaa wax la weydiin doonnaa arrimo la xiriira amniga dalka, shaqada hey’adahooda, ku milmidda 3-daas hey’ad ee siyaasadda iyo weliba ku takrifal awoodeed. Haddaba, ka hor kulanka Goobjoog News waxaa akhristayaasheeda guud ahaan iyo golaha shacabka oo codka umadda ah la wadaageysaa arrimo ay tahay in wax la weydiiyo wasiirka amniga gudaha, wasiirka duulista iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya. Maxaa Tahay In La Weydiiyo Taliyaha Booliiska Xijaar? 1. Tan iyo markii uu yimid xafiiska, Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxaa uu booliiska Soomaaliyeed ku soo kordhiyey ku-simmeyaal, shaqadiisa waxaa qabto ku xigeenadiisa, mana jirto wax isla xisaabtan ah. 2. Saraakiil sare oo ilaa 7 ah ayuu ku xiray xarunta dambi baarista CID-da taas oo khilaafsan sharciga booliiska, oo dhigaya xabsi guri ugu badnaan. 3. Isku dhac booliiska ayaa joogto noqday, gaar ahaan dhacdadii X. control waxaa ay ku dhacday iyo haddii amaro uu bixin lahaa ay daaheen iyo sababta isku dhacyada usoo noqnoqdaan iyo weliba dilkii Almaas Elman. 4. Sababta booliiska Soomaaliyeed aaney mushaar u qaadan bishan socota iyo haddii ay jiraan dad rukhsad ahaa oo lasoo celiyey. Goobjoog News waxaa ay ogaatay arrimo badan oo la xiriira shaqada booliiska Soomaaliyeed, ku takrifal awoodeed iyo faragelinta ay fulinta ku heyso, taasi oo ay nala wadaageen saraakiil sare oo hey’addasi ah, innaga oo shacabka u soo gudbin doonna maalmaha soo socda. Maxaa Tahay In La Weydiiyo Wasiirka Amniga: 1. Wasiirka amiga gudaha Maxamed Ducaale Islow waa wasiirka ugu khasaaraha badan, intii uu xilka hayey waxaa qarax iyo dilal kale u geeriyooday Soomaali ah, isla xisaabtanka waxaa uu kala mid yahay wasiirrada kale, welina ma dhicin inuu qirto gaabis, mas’uuliyadda qaato ama iscaslio. 2. Dhegxaanka meel walbo laga dhigay oo saameeyey nolosha dadka Soomaaliyeed, waa su’aalo ay dadku qabaan. 3. Maxay tahay Jidadka xiray iyo istaatiijiyadda amni ee askariga jiifa? 4. Maxaa loo dhisi waayey 32 ku booliis ah oo lagu heshiiyey shirkii amniga ee London? 5. Aawey sheekadii dhismaha ciidamada booliiska dowlad goboleedyada iyo qalabeyntooda? 6. Amniga uu wasiirka ka shaqeeyo ma kan Xamarbaa, aawey kaalinta wasaaradiisa ee dowlad goboleedyada? 7. Ciidamada booliiska waxaa ay qeyb ka noqdeen caburinta mucaaradka, dhicista doorashooyinka iyo arrimo ka baxsan sharciga, sabab? 8. Wasiirkan xiligiisa waxaa dhacay qaraxyadii iyo dilalkii ugu badnaa, waa maxay sababta uu isku casili waayey? Iyada oo 2 bil uun ka dhiman tahay sanad guurada 3-aad ee xukuumadda Xasan Kheyre iyo Wasiirka amiga gudaha Maxamed Ducaale Islow, Goobjoog News waxaa ay diyaarisay diiwaanka dilalka dhacay tan iyo markaas, Islow-na waxaa uu noqon doonaa wasiirka ku guuldareystay bad-baadinta dadkii ugu badnaa ee dhintay 10-kii sano ee la soo dhaafay. Maxaa Tahay In La Weydiiyo Wasiirka Duulista: 1. Wasiirka duulista Mr. Maxamed Oomaar shaqada ugu weyn uu sheegto waa wareejinta maamulka hawada laakin kama jawaabo xiriirka maamulka hawada ee xumaaday dhanka Somaliland iyo in socdaalka uu u isticmaalay caburinta shacabka iyo mucaaradka xukuumadda nabad iyo nolol. 2. Xiriirka xumaaday ee Somaliland ee la xiriira maamulka hawada, waa in la weydiiyo. 3. Sababta xukuumadda uu wakiilka uga ahaa Duulista ay u ciqaabtay dadka reer Kismaayo? 4. Sababta safarrada loogu ciqaabo mas’uuliyiin mucaarad ah, oo wasaaradiisa isku badashay aalad ciqaab. 5. Muxuu shacabka ula wadaagi la’yahay waxa kasoo xarooda Duulista? 6. Sababta uu shirkadda Turkida ee Airport-ka ula xisaabtami la’yahay oo ay dhacdo in garoonka aan la dayactirin, roobkana qaado? 7. Aawey shirkaddii Somali Airlines ? W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Afar qof ayaa ku dhintay Guri ku dumay magaalada Hargeysa. Faysal Aadan Cabdi, xaaskiisii oo xaamilo ahayd iyo laba carruur ah ayay kala ahaayeen. Qoyskan oo ku jiray guri Aqal Soomaali ah agagaarka xaafada Birjeex ayaa waxa ku dumay dhisme Qaddiimi ah oo gurigooda ku qabsanaa. Source
  12. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s Security and Aviation ministers will appear in the Lower House today following a summoning last week. Source: Hiiraan Online
  13. The extension of the term of office for Somaliland MPs and member of the Elders’ Council ( Guurti) has lifted political pressure off the shoulders of Somaliland President, Muse Bihi Abdi, who celebrated in November the second anniversary of his term in office. The Council of Elders expedited the term of extension for Somaliland’s two institutions key to the political processes. The two opposition parties, Waddani and UCID, rejected the term extension. A Hargeisa-based consultative forum known as Madasha ( The Forum) made up of prominent Somalilanders deplored what they view as authoritarian turn in Somaliland leadership. Somaliland political parties have been at loggerheads over he the time-frame to hold parliamentary elections in 2020. The UNSOM Chief, James Swan, in his statement to the UN Security Council, urged consensus to hold parliamentary elections – a milestone in Somaliland political calendar. Waddani and UCID Leaders The term extension for the Parliament and the Council of Elders gives President Bihi a breathing-space. The sticking-point in negotiations to hold parliamentary elections was the make-up of the electoral commission. Waddani insisted on the replacement of a member of the commission. Members of the new electoral commission of Somaliland took oath a in November and are likely to oversee parliamentary elections that will take place in 2020, if opposition parties change their mind. © 2019 Puntland Post Monthly The post Somaliland Council of Elders Buys Bihi a Period of Political Stability appeared first on Puntland Post.
  14. Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi Gudoomiye Cirro oo 2017 ay iigu dambaysay iyo team kiisa ayaa aan galabta Nairobi kula kulmay. Xataa marar dhawr ah oo labadaas sanadood ee aan hawlaha xisbiga ka sii maqnaa aan Hargeysa tegay, ma aanu kulmin oo safarro debedda ah ayaa uu ku maqnaa. Waxa uu iiga warramay dooddii isaga iyo Maxamed Biixi Yoonis ay ula tegeen wakiilada waddamadii dhawaan soo saaray qoralkii cambaaraynta ahaa ee ka dhashay tasarufaadka sharci darada ahaa ee Madaxwayne Biixi iyo saxiibkii Kaahin ay waayadan dambe ku kaceen. Waxa ay u sheegeen daneeyayaasha arimaha Somaliland, ujeedka Muuse Biixi in aanu ahayn wax doorasho iyo arimo farsamo oo lagu kala duwanyahay ku saabsan ee ay tahay dagaal doon. Waxa ay dublamaasiyiinta u sheegeen in uu Muuse si qorshaysan uga shaqaynaayo, sidii uu ku abuuri lahaa fursad uu dagaal waddanka kaga dhaco, oo uu isku dayo in uu gaadho ujeedooyin uu ka gaadhi waayay dagaalkii 1994. Safiirada wadamada Yurub iyo ku xigeenka safiirka Maraykan ee Nairobi jooga ba warkaas ayaa ay u faahfaahiyeen, wadamadii ay la kulmeen na waxa ay go’aansadeen in ay bishan December 18 keeda wafti Hargeysa u diraan, kuwaas oo laba maalmood waddanka joogi doona. Waddamada ay la kulmeen waxa ay u cadeeyeen, in aanay xajadu ahayn marnaba doorasho la isku diidanyahay, because khilaafaadkii ku saabsanaa Gudiga doorashada waxa la dhameeyay bishii July ee sanadkan, kolkaas oo la isla meel dhigay wixii la isku diidanaa, ka dib na uu Muuse furfuray wixii oo dhan. Source
  15. Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda ayaa ku eedeeyey dowladda Kenya in xaalufin ba’an ay ka wado gobolka Gedo. Rufle oo la hadlayey Idaacadda Shabelle ee M/Muqdisho ayaa sheegay in ay xaansaneydo kheyraadka dhulkeeda iyo duur joobta gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan 16 Markab oo ay leedahay Kenya haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Goob-Weyn ee gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-1-Rufle.mp3 View the full article
  16. (SLT-Doha)-Dowladda Mareykanka iyo ururka Taalibaan ayaa wadahadal dib uga bilaabay magaalada dooxa ee dalka Qatar Sabtidii shalay. Shirka labada dhinac ayaa waxaa goob-joog ka ahaa saraakiisha sare ee arrimaha siyaasadda u qaabilsan Talibaan iyo Matalayaasha Mareykanka. Saddex bilood ka hor ayaa madaxweyne Donald Trump uu meesha ka saaray wadahalka oo socday tan iyo sannadkii hore ee 2018-ka, kadib markii ururka taalibaan uu sheegtay mas’uuliyada weerar lagu dilay askari Mareykan ah oo ka dhacay magaalada Kabul. Matalayaasha Mareykanka ee kulanka ka dhacay magaalada Dooxa ayaa waxaa hormuud u ahaa Zalmay Khalilzad sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay waaxda arrimaha Dibadda. Dhanka kale ururka Taalibaan ayaa xaqiijiyay kulanka u dhaxeeya saraakiishooda dhanka siyaasadda dibadda iyo matalayaasha Mareykanka. Wadahadalkaan cusub ee dib u bilaamay ayaa la filayaa in lagu soo afmeero dagaalka 17-sanno ee la soo dhaafay ka socday wadanka Afghanistan. Source
  17. Beledweyne (Caasimada Online) – Wabiga Shabelle ee mara magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in markale fatahaad xoogan uu ka sameeyey qeybo ka mid ah magaaladaasi. Wabiga ayaa saacadihii ugu dambeeyey ku fatahay xaafadda Kooshin ee degmada Beledweyne, kadib markii ay biyuhu soo jabsadeen qararka. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay barakac cusub, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta fatahaadaasi, iyagoo gaaray duleedka magaalada. Wararka ayaa sheegaya in fatahaada cusub ay timid, kadib markii ay roobab xoogan ka da’een magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Arrintan ayaa sababtay in markale ay barakacaan qoysaskii dhowaan dib ugu laabtay halkaasi, kuwaas oo hadda ay soo wajahday xaalad dhanka nolosha ah. Dhowaan ayey aheyd markii ay soo baxday digniin la xariirta roobab dabeylo wata iyo daadad laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
  18. Rag hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay jidka u galeen gaari ay la socdeen dad shacab ah, kaasi oo kasoo baxay deegaanka Gelinsoor, kuna socday magaalada Gaalkacyo. Sidey inoo sheegeen dad ku dhow halka weerarkan uu ka dhacay, raggan ayaa rasaas ku furay gaarigan, waxaana ku dhintay Hal qof Labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray iyadoo goobta ay ka baxsadeen raggii weerarkaas ka dambeeyey. Taliska Booliiska qeybta gobolka Mudug ayaa sheegay iney ku raadjoogaan Maleeshiyaadkii falkaasi ka dambeeyey, islamarkaana lasoo qaban doono. Amniga gobolka Mudug ayaa maalmaha dambe noqday mid faraha kasii baxay, waxaana gobolka dhankiisa bari ka jira colaado u dhaxeeya beello halkaasi wada deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Liibiya)-Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaarad nooca duuliye la’aanta ah ee Drone-ka loo yaqaan lagaga Bururiyay dalka Liibiya. Washington ayaa ka dalbatay xukuumada Moscow in ay bixiso khasaaraha soo gaadhay 22-dii bishii hore oo diyaaradan dhulka la soo dhigay. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in diyaaradan markii la soo riday ay waday howlo loogu kuurgalayo xaalada Amniga Liibiya. Taliyaha guud ee ciidanka Mareykanka Janaraal Stephen Townsend ayaa sabtidii shalay sheegay inay aaminsan yihiin in diyaarada ay soo rideen ciidanka Janaraal Khaliifa Haftar ama kuwa shirkada Millatari Wagner Group ee ka dhinac dagaalamaya. Janaraal Stephen ayaa intaa raaciyay in Ruushka uu ka gaabsaday Arintaan ayna u sheegeen in ayna waxba ka ogeyn diyaarada laga soo riday. Wadamada reer galbeedka ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku eedeeyay xukuumadda Moscow inay qeyb ka tahay hurinta colaada iyo falalka amni darro ee ka jira dalka Liibiya. Wadankan ku yaalla waqooyiga Afrika ayaa waxaa ka socday dagaalo ahli ah tan iyo markii xilka xoog ay kaga tuureen wadamada NATO madaxweynihii geeriyooday ee Mucamar Al-Qadaafi. Source
  20. (SLT-Washington)-Madawaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay dowladda Iran kusii daysay muwaadin u dhashay dalka Mareykanka. Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twiterka ku yidhi “Waad ku mahadsan tahay Iran wada xaajoodyadii midhadhalka ahaa, waana awoodnaa in aan heshiis gaadhno”. Dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa is dhaafsaday muwaadiniin ay qaab maxbuusnimo ah iskaga kala hayeen. Talaabadan ayaana lagu tilmaamay mid isku kusoo dhawayn karta labada dal ay heshiis gaadhaan. Source
  21. Waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee loo dirayo maleehsiyo beeleedkii ku dagaallamay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug. Deegaanka Afbarwaaqo iyo deegaanno kale ayaa waxaa ku dagaallamay maleeshiyaad kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, iyadoo dagaalkaasina ku bilowday dhul daaqsin ah oo ay isku qabsadeen. Kulan magaalada Gaalkacyo ku yeesheen waxgarad iyo siyaasiyiin ayaa loogu jeediyey dhinacyada is haya in xaaladdu qaboojiyaan, wax walbana wadahadal lagu dhammeeyo. Xildhibaan Cabdi Kariin Khaliif Dhalac oo ka tirsan golaha shacabka oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug in arrintan ay si dhab ah u kala dhexgalaan. Wuxuu sheegay xildhibaanka in xilligan aanay habooneyn in la daadiyo dhiigga dadka shacabka ah ee aan waxbo galabsan. “Dagaalka wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho, colaaddan soo cusboonaatay dadka Soomaaliyeed dan uguma jirto, waxgaradka iyo Odoyaasha dhaqanka waxaan ugu baaqayaa iney ku baxaan colaaddan sidoo kalena maamullada Puntland iyo Galmudug ay gutaan waajibka saaran” ayuu yiri xildhibaanka. Ma jirto weli xal rasmi ah oo laga gaaray xiisaddan kasoo cusboonaatay deegaannadan ka tirsan gobolka Mudug, waxaana dagaalladii dhacay ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo xalay maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Mudug. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey inta u dhexeysa Galinsoor iyo Gaalkacyo ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in weerarka ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan oo waddada u galay gaarigaasi oo ku sii jeeday dhanka M/ Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarka, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan lagu raad joogo kooxii ka dambeeyey falkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayey colaadaha ka jira gobolka Mudug ee u dhexeeya beelo wada daga deegaano ka tirsan gobolkaasi. View the full article
  23. Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka wada deegaano dhowr ah oo dhaca xadka Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa sameynaya ciidamada Argagixiso la dirirka Kenya oo soo buux dhaafiyey halkaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu tiro dad ah ay ku soo qab qabteen baaritanadaasi. Jimcihii la soo dhaafay ayey aheyd markii weerar lagu dilay saraakiil ka tirsanaa ciidamada Booliska Kenya uu ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article
  24. Sida ay xaqiijiyeen ilo’ xog-ogaal ah, waxaa Boosaaso ka socda wada-hadal u dhexeeya xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka gobolka Bari iyo xukuumadda Puntland, kaasi oo lagu sii daynayo siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo afar nabaddoon oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso. Nabaddoonada xabsiga ku weheliya Dr Muuse Cali Jaaamac ayaa kala ah; Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo), waxaana dhammaantood xabsiga la dhigay, kadib markii ay dhaliilo u jeediyeen heshiisyo xukuumadda Puntland kula jirto shirkado laga leeyahay dalka UAE. Warar lagu kalsoonyahay oo Puntland Post heshay, waxay sheegayaan in waan-waanta lagu sii daynayo raggaasi ay meel fiican marayso, islamarkaana xukuumadda Puntland ay ogolaatay in ay xorriyadooda dib ugu celinayso, haddii ay buuxiyaan shuruudo ay ku xirtay sii dayntooda. Xukuumadda Puntland ayaa sida la sheegayo ka laabatay go’aan ay ku doonaysay, in ay dacwad ku soo oogto raggaasi ku xiran xabsiga Boosaaso, kadib markii ay cadaadis kala kulantay odayaasha dhaqanka gobolka Bari. Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah xubnaha ugu caansan ee halkaasi ku xiran, ayaa isna la soo sheegaya, in mudadii uu xirnaa marar kala duwan ku xanuunsaday gudaha xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, taasi oo sii kordhisay cadaadista saaran xukuumadda. PUNTLAND POST The post Wada-xaajood lagu sii daynayo Siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo Nabadoono la xiran oo Boosaaso ka socda appeared first on Puntland Post.
  25. Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xaruntooda magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa la filayaa inay hortagaan wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed C/laahi Salaad. Xildhibaanada ayaa warbixino guud ka dhageysan doono wasiiradaasi, sidoo kalena su’aalo ka wey diin doono howlaha shaqo ee labadaasi wasaaradood. Dhinaca kale guddoomiyahay guddiga maaliyadda ee golaha shacabka, Xildhibaan Maxamuud Cabaas Sheekh Siraaji oo ka hor hadlayey golahaasi ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin in baarlamaanka soo socda ay ku dhex milmaan xubno ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo weli dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Xildhibaanka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga baaran dago dhinac kasta qorshaha doorashada soo socota ee 2020-ka illaa 2021-ka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/CC.mp3 View the full article