-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda Shidaalka iyo Macdanta ee Dowladda Federalka Soomaaliyeed waxay dhawaan soo saartay tilmaamo qeexaaya baarista iyo soo saarista shidaalka dalka (AP News 20/12/2019). Aqoonyahanta Karyna Rodriguez oo ah ku xigeenka madaxa fulinta ee qaybta “Geosciences” ee shirkadda TGS, oo sahminta khayraadka Soomaaliya qayb ka ahayd, ayaa tiri: “Waxaan runtii aragnaa in dhammaan xeebaha Soomaaliya ay ceegaagto saliid”. February 7da, 2019 Soomaaliya waxay magaalada London ku soo bandhigtay macluumaadkii ugu dambeyay ee sahminta “Juba-Lamu Basin, Coriole Basin, Obbia Basin.” Walow siyaasiyiinta mucaaradka ay dhaliileen qorshahaas, haddana shidaalka dhulka la baaray oo keliya ceegaaga waxaa lagu qiyaasay inuu dhan yahay 30 bilyan fuusto, kaas oo soo jiitay indhaha shirkadaha shidaalka ee caalamka. Haddii aanu si kale u dhigno, taasi waxay la mid tahay 2.7 malyan oo barmiil maalintiiba ilaa soddon sano. Boqortooyada Carbeed waxay soo saartaa maalin waliba 10 malyan oo barmiil, halka Nigeria ay ka soo saarto 2.53 malyan oo barmiil maalintiiba. Shirkada Sinclair Oil iyo Agip ayaa tan iyo 1956dii ka baarayay shidaal dhulka Soomaaliya. Walow ilaa maanta aan laga soo saarin saliid, haddana ilaa sideed aag ayaa laga helay astaamihii lagu yiqiin jiritaanka saliid “Jurassic hydrocarbon system” (Geoexpro – Vol. 13, No.2 – 2016). Inta aysan dhicin Dowladdii Siyaad Barre, waxaa dalka fasax baaris shidaal iyo soo saaris ka haystay shirkadaha Royal Dutch Shell (Pecten), Italian ENI (Agip), French Total (ELF), Amoco (British Petroleum – BP), Conoco, Phillips iyo Chevron. Weliba afarta shirkadood ee Mareykanka ah waxay ka hawlgaleen saddex dalool hal meel (1/3) dhulka loo qoondeeyay baarista. May 2019 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu meel mariyay sharciga batroolka dalka oo ay June 2018 maamul-goboleedyada ku soo ansixiyeen shirkoodii Baydhabo. Sharciga Batroolka Soomaaliyeed Shirkadihii horey u heystay qandaraaska baarista iyo soo-saarista shidaalka dalka waxay ku dul fariisteen khayraadka dalka, ayagoo ku marmarsiinyooday qaddar Eebbe “force majeure”. Taasi waxay dhalisay in dhammaan qandaraasyadii la bixiyay wixii ka horreeyay 1991, dib loogu noqdo. Shirkadaha Royal Dutch Shell iyo Exxon Mobil oo xiiseynaya khayraadka dalka ayaa ilaa hadda oggolaaday in dib loogu noqdo heshiiyadoodii hore, lana waafajiyo shuruudaha cusub ee sharciga batroolka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, waxaa la hadal hayaa, in Dowladda Federalka Soomaaliyeed ay shirka Houston ku soo bandhigi doonto wajigii koowaad ee bixinta shatiyada baarista 15 xirmo ee ku wada yaal Badweynta Hindiya “Indian Ocean”. Tan iyo bandhiggii macluumaadkii London, waxaa soo ifbaxaya “xog aad u badan” oo aan hore looga warqabin, taas oo qiimo u yeeleysa fursadda Soomaaliya sida ay sheegtay Aqoonyahan Karyna Rodriguez oo gacanta ku heysa soo uruurinta iyo kala shaandhaynta macluumaadkaas (Petroleum Economist – December 16, 2019). Intaas waxaa dheer, in intii Soomaaliya ay ka maqnayd beesha adduunweynaha (dowladnimada), dunida horumar weyn ka gaartay tabaha soo saarista shidaalka, gaar ahaan teknologiyada ay adeegsadaan shirkadaha ka hawlgala aagagga shidaalka sida Schlumberger, Halliburton iyo Baker Hughes oo ku takhasusay soo saarista shidaalka ugu badan ee suurtagalka ah. War laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkadda Schlumberger oo hormuud u ah shirkadaha ka hawlgala aagga ay ku jirto saliid tayo sare leh ay daneyneyso Soomaaliya. Schlumberger ma aha shirkad shidaal, waxayse u adeegtaa shirkadaha waaweyn ee saliidda caalamiga ah. Walow aan xaqiiqada lahayn, haddana Shirkadaha Royal Dutch Shell iyo Exxon Mobil ayaa loo badinayaa inay safka hore ee maalgashiga mustaqbalka khayraadka badda Soomaaliya ku jiraan. Waxaase la tuhunsan yahay in “Qatar Petroleum” oo shuraako kula ah shirkadda TOTAL baarista saliida Kenya iyo Namibia inay xodxodasho ku heeyso Soomaaliya. Waxaa muuqata in Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed uu shirarka caalamka kaga doodayo in dunida maalgashato ilaha aan hore loo arag ee saliidda badda Soomaaliya, haddana maanka maalgashatada safka hore waxaa ku taagan dhowr arrimood: (1) Burcad Badeedka; (2) Maqnaashaha Bankiga Dhexe; (3) Kaabayaasha Saldhigga ah oo iyagana maqan; (4) Dimuqraadiyadda Curdunka ah; iyo (5) Xasilloonida dalka oo aan la hubin. Inkastoo soo saarista shidaalku uu leeyahay awood uu si weyn kor ugu qaado horumarka dhaqaalaha iyo xasilloonida, haddana waxay su’aal ka taagan tahay xeer la’aanta habka lagu xakameyn doono halista wasakhaynta deegaanka. Sida la ogsoon yahay Soomaaliya ma laha sharciyo badbaadiya deegaanka, gaar ahaan badda iyo xeebaha oo saameyn daran oo halis ah ku leh nolosha jiilalka mustaqbilka, mana la filaayo Soomaaliya inay yeelato waqtiyadan dhaw. Sidaas daraaddeed waxaa lagama maarmaan ah in Dawladda ay adeegsato khubaro ku suga heshiisyada lala galaayo shirkadaha, qodobbo damaanad qaadaaya badbaadinta deegaanka. Intaas waxaa dheer in shacabku walwal ka qabo musuqmaasuqa dhaqanka u ah shidaal baarista iyo soo saarista Afrika. Waxaa hubaal ah, in walaaca siyaasadda uu wiiqi karo awoodda iyo habsamiufulinta dowladda dhexe ee heshiisyada caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashiga tooska ah ee mashaariicda horumarinta halbowlaha ah. Haddaba, si looga badbaado shirqool meerta ah, waa in siyaasiyiinta aysan ka il-duufin muhiimadda ay siyaasad xasilloon u leedahay maalgashiga tooska ah ee dibedda (Foreign Direct Investment), gaar ahaan xilliga dib u soo kabashada. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waa tiro sawirro ah oo muujinaya Ayax tiro badan oo raxan raxan u socda, kuna duldegay beeraha Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool. Ka hor inta aanu Ayaxu ku degan beerahaasi ayaa waxay beeraleydu bilaabeen inay la dagaalamaan, si aanay cagta u marin tacabkii ka galay dhul beereedyadooda. Beeraleyda ayaa ciid iyo ulaba kula dagaalamay Ayaxa, balse taasi kama aanay hor istaagin duulaankii ay ugu soo bareereen inay ku quutaan dalaga beerahooda. Dhinaca Bartamaha Somaliya Ayaxa ayaa si saf mareen ah cagta u mariyay beeraha Gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo hadda oo uu dhibaato baahsan ku hayo beeraha Gobolka Shabellaha Dhexe. Maalmaha soo socda ayaa la fillayaa in duulaanka Ayaxa uu ku fido beeraha salka isku wada haya ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo ay suurtagal tahay inuu uga sii tallaabo beeraha dhirirsan ee Gobolka Baay. Walwalka ugu xoogan ee ay iminka qabaan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ah in Ayaxa uu baabi’iyo beeraha saltaabashada leh ee Gobolka Shabellaha Hoose. Dadaal kastaa oo ay beeraleyda sameyso ayaa wuxuu noqdaa hal bacaad lagu lisay, haddii aanay beeraleydu haysan sunta Ayaxa looga hortaggo. Wasaaradda Beeraha Somaliya ayaa waxaa lagu dhaliilay inaanay beeraleyda ka talo siinin habka makaanikaalka ah ee lagu dabar-jaro Ayaxa. Si weerarka maqiiqa ku saleysan ee Ayaxa looga weeciyo beeraha Gobolada Koonfurta ayaa waxaa la leeyahay waa ay adkaan doontaa, waa haddii aysan wax mucjiso ahi dhicin. Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Arbacadii Magaalada Muqdisho ka sheegay in duulaanka Ayaxa uu ku soo beegmayo, xilli beeraleyda Soomaaliyeed ay isu diyaarineysay inay dhawaan gurtaan, wixii ay tacbaan billihii ugu dambeeyay. Wax soo saarka beeraha ayaa lafdhabar u ah dhaqaalaha dalka, marka laga soo taggo dhoofinta xoolaha nool.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay Marti ku ahaa Madasha La-hadalka Bulshada ee PDRCTalk’s, ayaa ka booday mid kamid ah laba su’aalood oo laga weydiiyay Maxkamadaha Puntland. Su’aasha kowaad ee madaxweyne Deni la weydiiyay, ayaa ahayd sababta uu ugu dhiirran la’yahay Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, maadaama Puntland doonayso in ay gudubto Nidaamka Xisbiyada badan? Su’aasha labaad ayaa sidoo kale ku saabsaneyd , sababta uu ilaa iyo hadda madaxweynuhu u magacaabi waayay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland, maadaama uu geeriyooday Guddoomiyihii hore, islamarkaana Dastuurka Puntland uu qorayo in mudda 45 cisho gudahood ah lagu soo magacaabo Guddoomiye cusub. Madaxweynaha oo ka jawaabay su’aasha kowaad, ayaa sheegay in haddii aysan weli dhisnayn Maxkamadda Dastuuriga ah, taasi aysan wax qabad ah ku keeni Karin Barnaamijka Xisbiyada badan ee Puntland doonayso in ay u gudubto, isagoo xusay in haddii Maxkamadda Dastuuriga ah maqantahay, ay Maxkamadda Sare qabanayso dhammaan hawlihii Maxkamadda Dastuuriga ah. Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ka booday su’aasha labaad oo la xiriirtay, sababta uu ilaa iyo hadda madaxweynuhu u magacaabi waayay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland, maadaama uu geeriyooday Guddoomiyihii hore, islamarkaana Dastuurka Puntland uu qorayo in mudda 45 cisho gudahood ah lagu soo magacaabo Guddoomiye cusub. Hoos ka daawo jawaabta madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo aan ka jawaabi su’aal laga weydiiyay Maxkamadaha appeared first on Puntland Post.
-
Afar ruux ayaa ku dhintay, shil gaari oo gelinkii dambe ee xalay ka dhacay degaanka Sinujiif oo qiyaastii 60KM dhanka bari kaga beegan magaalada Garoowe. Dadka shilkaasi ku dhintay oo kala ah; hal nin iyo saddex dumar ah, ayaa maydadkooda la geeyay Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe, sida ay Puntland Post u xaqiijiyen mas’uuliyiinta Isbitaalka. Sidoo kale, Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray shilkaasi. Saraakiisha Ciidanka Taraafikada gobolka Nugaal weli wax faahfaahin ah kama bixin sababta dhalisay shilkaasi. PUNTLAND POST The post Garoowe: 4 qof oo ku dhintay shil gaari appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa, magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo sida uu sheegay la xiriiray xallinta Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland. Madaxweyne Deni oo xalay su’aal laga weydiiyay, halka ay ku dambaysay dhex-dhexaadintii uu horay u ballan-qaaday in uu ka geli doono Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Jubaland? ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsatay doorashadii mar kale uu ku soo baxay madaxweynaah Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka baaqday safar la xiriiray Xallinta Khilaafka Federaalka iyo Jubaland oo uu ku tegi lahaa magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhammaaday murankii labada dhinac, maadaama Villa Somalia ay aqoonsatay doorashadii Axmed Madoobe. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in arrimaha ka dhiman Xallinta Khilaafka dowladda iyo Jubaland, ay labada dhinac dhex-dooda ka dhammaysan karaan, mar haddii la aqoonsaday doorashadii halkaasi ka dhacday. Marka laga reebo hadalka madaxweyne Deni , ma jiro qoraal rasmiya oo ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu aqoonsaday dib u doorashadii madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Halkaan ka daawo hadalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in uu ka baaqday safar uu Muqdisho ku tegi lahaa waa maxay Sababta? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Caawa Marti ku ahaa Madasha La-hadalka Bulshada ee PDRCTalk’s, ayaa la weydiiyay su’aal la xiriirtay in Xukuumaddiisu ay dabada ka riixaysay, Mooshinkii Baarlamanka Puntland ay xilka uga qaadeen Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed. Madaxweynaha oo ka jawaabaya su’aashaasi, ayaa sheegay in si kasta oo saamayn loogu yeesho Baarlamanka, haddana go’aanka kama dambaysata ah ee xilka looga qaaday Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Puntland uu ahaa mid ay gaareen mudanayaasha Baarlamanka oo aysan wehelin cid ka tirsan Xukuumadda. Mudane Deni, ayaa sheegay in xildhibaannada Baarlamanka Puntland, iyagoo miyir-qaba oo aan cidina khasbin, ay go’aansadeen in ay xilka ka qaadaan Guddoomiye Dhooba-daareed, islamarkaana ay u mareen Nidaamkii saxda ahaa, kadib markii ay cod gacan-taag ah xilka uga xayuubiyeen. Balse, madaxweynaha ayaa si sarbeeban u qiray in Xukuumaddiisu ay dabada ka riixaysay xilka qaadista Guddoomiyihii Baarlamanka Cabdixakiin Xaaji Maxamed, inkastoo uu xusay in aan xildhibaannada cidina khasbin. Hoos ka daawo jawaabta PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo qiray in Xukuumaddiisu diyaarisay Mooshinkii Dhooba-daareed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar___Qubanaha-26122019-sax.mp3 View the full article
-
(SLT-Berbera)-Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa soo dhaweyn mug weyn Ku qaabilay waftigii balaadhnaa ee ay hoggaaminaysay madaxweyne ku xigeenka dawladd deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Chaltu Sani Ibraahim, oo Maanta booqasho ku tagtay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera. ugu horayn Maareeyaha Dekedaha Somaliland waxa uu si xeeldheer uga waramay adeegyada caalamiga ah ee ay bixiso Dekeddu, waxanu sheegay inay lagama marman ay tahay inay Dekeda Berbera isticmaasho ganacsatada dalka Itoobiya, isagoo Madaxweyne ku xigeenka qoomiyada oromadana ka codsaday inay istcmaalan Dekedan, sidoo kale, waxa uu maareeyuhuu tilaamay in dhismaha Dekeda Cusub meel wanaagsan maraayo, isla markaana Wadadii Berbera Corridor kuna sidoo kale meel wanaagsan maraysoo, Maareeyaha oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi. “.waxanu jecelnahay in labada umadood ee walaalaha ahi Oromada iyo Somaliland isu furmaan, maadaama oo hada uu socdo Wadaadii Berbera corridor ka iyo dhismihii Dekeda Cusub iyo tan hada noo shaqaysaa, waanu idin soo tusaynaa Dekeda Cusub iyo tan noo shaqaysaba, muddo dheer ayaanu ka shaqaynaynay xidhiidhka u dhexeeya labada wadan Somaliland iyo Itoobiya inuu wanaagsanaado, gaar ahaan Kiliilka Oromada inaanu yeelano xidhiidh dhow iyo saaxibtimo mug leh, iyo mid dhaqan-dhaqaale.waxanu Mar labaad iyo sadexaadbaa aanu idinku soo dhoweynay Somaliland iyo Dekedda Berbera. sidoo kale, Maareeyaha Dekeda Berbera waxa uu sheegay in ka Maamul Dekeda ahaan ay dhowaan safarku tagi doonaan dalkaa Itoobiya, gaar ahaan Maamulka dawlad deegaanka Oromada, Maareeyaha oo arrimahaas ka Hadlaya waxa uu yidhi, “Dekeda Berberi waxay bixisaa adeeg, waxananu jecel nahay inaad nagala shaqaysan, si ganacsatada dalka Itoobiya ay u isticmaasho Dekedan oo ah mid Caalamiya, sidoo kale, ka maamul Deked ahaan, waxanu jecel nahay inaanu nimaadno dalkiina Itoobiya, anaggoo ku qabanaynaa Shir-saxaafadeed Caalamiya, kaasoo aanu kusoo bandhigi doono, adaagyada caalamiga ah ee ay bixiyo Dekeda Berbera”.ayuu yidhi MaareeyahaDekedaha Somaliland Md Siciid Xasan Cabdilahi. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa goor dhaw gaaray wafdi hordhac u ah booqasho la filayo in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku tago magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga gaaray Dhuusamareeb ayaa iskugu jira xubno ka tirsan shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo ilaalada gaarka u ah Ra’iisul Wasaare Kheyre. Ammaanka garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha iyo daafaha magaalada. Waxaan wali si rasmi ah loo shaacin booqashada uu Ra’iisul wasaare Kheyre ku tagayo Dhuusamareeb, waxayna ku soo aadeysaa iyadoo khilaaf badani uu ka taaganyahay aqbalaadda 20-kii xildhibaan ee dowladdu u qoondeysay Ahlu-Sunna. Jadwal ay hore u shaaciyeen guddiga farsamada doorashada Galmudug ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo jadwal labaad oo ay dhowaan soo saareen uu u muuqdo mid aan ku hirgeli karin sidii loo qorsheeyay. Waxaa jira weli cabasho ay muujinayaan qaar kamid ah beelaha Galmudug, taas oo ku aadan qaabka ay Ahlu-Sunna u soo xushay xubnihii laga siiyey baarlamaanka Galmudug.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaano (Ilkacase) iyo 9 kale oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana shan ka mid ah ay yihiin maqanayaal, ayaa maanta dacwadoodu ka furantay maxkamadda ciidamada Qalabka sida Soomaaliya. Ilkacase oo la sheegay inuu ka tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa loo heystaa dilka in ka badan 180 qof iyo fulinta qaraxyo uu ka mid yahay kii Tiyaatarka Qaranka oo ay ku dhinteen, Wariye Cawil Daahir Salaad iyo dad kale oo shacab ahaa. Xeer ilaaliye ku-xigeenka maxkamadda ciidamada, Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi, oo ka hadlay hoolka ay ka socotay dacwadda, ayaa ka sheekeeyey, sida lagu soo qabtay afartaan eedeysane oo ay mid ka mid ah tahay qof Haweeney ah. Muumin ayaa sheegay in marka hore ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen saddex ka mid ah eedeysanayaasha, kadib markii ay ku fashilmeen isku day dil oo ay ku khaarijin rabeen Haweeney ka mid ah eragadii wax ka soo dooratay xildhibaaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, taas oo ku sugneyd xaafadda Seybiyaano, gaar ahaan dhanka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in baaris dheer kadib eedeysanayaasha ay sheegeen in Amiirkooda uu yahay Ilkacase, kaas oo ugu dambeyn isna la soo qabtay. Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in Ilkacase uu lahaa magacyo kale oo been abuur ah, islamarkaana in muddo ah lagu raad joogay, waxaana ay tilmaamtay in horay loo soo qabtay rag la shaqeynayey oo qaarkood la xukumay, kuwana ay yihiin xukun sugayaal, halka kuwa kalena ay ka maqan yihiin gacanta dowladda. Dhammaan eedeysanayaasha ayaa fadhiga maxkamadda ka hor qirtay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, welina waxaa socoto dhageysiga dacwadda loo heysto. Hoos ka daawo warbixin ku saabsan kiiska maanta ee maxkamadda
-
Garowe (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay caqabad ku tahay horumarka waxbarashada maamulkaas. Jaamac Dabraani, afhayeenka Puntland, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda federaalka ardayda maamulkaas u diiday shahaadaha. Sidda laga soo xigtay Dabraani, waxaa jira arday u xayiran shahaada oo ku sugan magaalooyinka kala ah ee Muqdisho iyo Garowe. Dhinaca kale, marka laga soo tago eedeynta Puntland, ma jiraan wax jawaab ah oo ku saabsan eedeymahaan oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has today signed into law the Companies Act and Public Finance Management Act noting the two pieces of legislation would be instrumental in setting the framework for economic reforms and bolstering the war against corruption in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen siyaasadda dalxiiska dalka oo ay xukuumadda usoo gudbisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska. Ansixinta siyaasadda kadib, ayaa Shirka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa sidoo kale looga hadlay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, dhammeystika dastuurka iyo barnaamijka deyn cafinta. Wasaaradda aminaga oo golaha u soo bandhigtay warbixin amni oo faahfaahsan ayaa caddeysay in tallaabooyin isku xiran oo sanadkan la qaaday ay horseedeen natiijooyin wanaagsan, ayna in ka badan kala bar hoos u dhaceen qaraxyadii argagixisadu ka geysan jirtay geyiga Soomaaliya iyo dhibaatooyikii ay ummadda Soomaaliyeed ugu geysan jireen, marka la barbar dhigo sanadkii 2018. Guulahan ayey wasaarraddu sheegtay inay ku yimaadeen qorshayaashii tubta amniga iyo caddaaladda oo sidii loogu talagay u higalay iyo wada shaqeynta dhammaan hay’adaha amniga, iyada oo hayadda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) ay xogo sirdoon oo ka badan, kana faahfaahsan xogihii hore ay heshay, ayna la fal gashay ciidanka Xoogga iyo kuwa Booliska oo gudaha magaalooyinka iyo howdkaba kula dagaallamay argagixisada. Wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS oo golaha la wadaagtay qorshaha qabyo tirka dastuurka ayaa soo bandhigtay qeybaha uga harsan soo dhameystirka dastuurka iyo caqabadaha ka hor gudban, waxa ayna wasaaraddu rajo wanaagsan ka muujisay soo gebagebeynta shaqada Qabyo-tirka dastuurka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-26122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar weyn u leh hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda kaga aaddan qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Farmaajo ayaa tilmaamay in sharciga Shirkadaha Dalku uu si gaar ah u dhiirri gelinayo ganacsiga, shaqo abuurka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeenna, dhawrayana xuquuqda hantiyeed ee muwaadiniinta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay sharciyadan iyo mudnaanta ay siiyeen in lagu jaangooyey talo soojeedintii ganacsatada iyo dhaqaalayahannada Soomaaliyeed. Sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka iyo Shirkadaha Ganacsiga ayaa ka tarjumaya dadaallada wax-ku oolka ah ee Dowladdu ay ku bixisay sanaddadii la soo dhaafay yareynta musuqmaasuqa, xal u helista caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta kalsoonida maalgashadeyaasha Caalamiga ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Ruqiyo Sahal Cangul Afyare oo markale soo duubtay muuqaal ayaa ka hadashay arrimo ku aadan xaaladda wiilkeeda oo dhowaan ay shaacisay inay la’dahay, balse loo sheegay in tababar ciidan loogu qaaday dalka Eritrea. Hooyo Ruqiyo oo wejigeedu uu ka duwanaa midkii hore, islamarkaana farxad laga dheehan karay ayaa sheegtay in lala hadalsiiyey wiilkeeda, isagoo caafimaad qabo. “Wiilkeyga waan la hadlay wax dhib ah ma qabo ayuu dhahay, Ilaaheybaa mahadaas iska leh.” ayey tiri Hooyo Ruqiyo Sahal Cangul Afyare. Ma shaacin halka la geeyey ama dalka tababarka loogu qaaday, balse waxa ay ka dhawaajisay in isaga iyo asaxaabiisa ay nabad qabaan. Hooyadaan oo hadalkeeda sii wata ayaa tilmaamtay in arrintaan ay ku timid, kadib markii uu la soo xariiray sarkaalkii ay horay uga cabaneysay, kaas oo ugu dambeyn la hadashiiyey wiilkeeda oo ahaa 19 jir arday ahaa, balse tababar ciidan loo qaaday. Sidoo kale, Hooyo Ruqiyo ayaa xustay in haatan ay faraxsan tahay, islamarkaana ay u mahad-celineyso dowladda Soomaaliya oo ka jaawabtay cabashadeeda. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday Waalidiinta kale inay is dajiyaan, iyadoo ugu niyad qaboojisay in wiilashooda ay caafimaad qabaan, si la mid ah wiilkeeda. Hoos ka daawo Hooyo Ruqiyo
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar weyn u leh hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda kaga aaddan qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in sharciga Shirkadaha Dalku uu si gaar ah u dhiirri gelinayo ganacsiga, shaqo abuurka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeenna, dhawrayana xuquuqda hantiyeed ee muwaadiniinta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay sharciyadan iyo mudnaanta ay siiyeen in lagu jaangooyey talo soojeedintii ganacsatada iyo dhaqaalayahannada Soomaaliyeed. Sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka iyo Shirkadaha Ganacsiga ayaa ka tarjumaya dadaallada wax-ku oolka ah ee Dowladdu ay ku bixisay sanaddadii la soo dhaafay yareynta musuqmaasuqa, xal u helista caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta kalsoonida maalgashadeyaasha Caalamiga ah. View the full article
-
Hargeysa (SMN) – Maamulka Somaliland oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa uga digay Beesha Caalamka in ay hoos-geeyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
