-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay musharaxnimada Jabuuti ee kursiga aan joogtada ahayn ee 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM. Mowqifkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) oo ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday dalka Mareykanka oo Jabuuti ay si rasmi ah ugu dhowaaqday ololaha ay ku dooneyso kursigaas. Abuukar Baalle ayaa sheegay in markii Soomaaliya ay ku jirtay dhibka aysan Jabuuti dhinac ka istaagan balse ay kalain ka qaadatay hanaanka dib u dhiska nabadda Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay dood wanaagsan iyo kaalin ku lahayd go’aankii golaha ammaanka ee QM uu Soomaaliya ugu soo diray ciidamadii caalamiga ahaa ee nabad ilaalinta ee UNISOM, markii ay burburtay dowladdii kali-taliska ahayd ee dalka. Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in Jabuuti ay qabatay shirkii ugu horreeyey ee nabad-ilaalin ah oo Soomaaliya loo qabto, bishii June ee sanaddii 1991-kii.
-
Madaxa Golaha Midowga Yurub, Ursula Von der Leyen, ayaa maanta safarkeedii ugu horreeyey meel ka baxsan Yurub ku tagtay dalka Ethiopia, halkaasi oo Midowga Africa ay u ballan qaadday taageerro xooggan oo reer Yurub ay siiyaan Africa. Ursula Von der Leyen, oo hore u ahayd wasiirkii difaaca ee Jarmalka ayaa xilkan qabatay toddobaadkii hore, waxayna Addis Ababa kula kulantay Faki Mahamat oo ah madaxa golaha Midowga Africa. Ursula oo ahmiyadda koowaad siinaysa qorshaha looga hortagayo isbaddelka cimilada, ayaa Addis Ababa ka sheegtay in Midowga Afirca iyo Midowga Yurub ay arrintaasi ka wada shaqeyn karaan. Ursula iyo Faki ayaa sidoo kale kulankooda uga wada hadlay arrimaha tahriibka dadka Africa iyo waliba amniga. “Xaqiiqdii, jawaabo uma hayo dhammaan loolanka jira, laakiin waxaan aaminsannahay in si wadajir ah arrintan aan jawaabo ugu heli karno,”sidaasi waxaa tiri Von der Leyen. Faki Mahamat, madaxa Midowga Afrika ayaa dhankiisa ku baaqay in abaabul caalami ah laga sameeyo sidii looga hortagi lahaa halisyada dhinaca amniga ee ay ku jirto argagixsada. Ursula ayaa dhinaca kale la kulantay madaxda dalka Ethiopia oo uu ku jiro Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed, iyagoo isla soo qaaday sii xoojinta iskaashiga Ethiopia iyo Midowga Yurub. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inuu aad usoo dhaweynayo wax uu ugu yeeray towbad keenka iyo raali gelinta uu bixiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sheekh Bashiir ayaa sheegay inaysan culumada si qaldan u fahmin hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur balse uu ahaa hadal gaf ku ah diinta Islaamka iyo beeninta xaadiith saxiix ah. Wuxuu sheegay inuu Shiikh Bashiir ahaan ku qancay raali gelinta uu bixiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuu tilmaamay inuu Cabdiraxmaan si joogta ah u aflagaadeeyo culumada balse aysan iyaga taas ka jawaabin ayna u taalo isaga iyo Allah. Sheekh Bashiir ayaa xusay inaysan marnaba raali ka noqon karin in Diinta lagu xad gudbo ayna iyaga u taagan yihiin ilaalinta Diinta. Hadalka kasoo baxay Sheekh Bashiir ayaa imaanaya xilli Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo duubay muuqaalo badan oo uu ku sheegayey inuusan beenin Axaadiista saxiixa ah ee laga wariyey Nabiga CWS. Halkaan hoose ka daawo hadalka kasoo baxay Sheekh Bashiir
-
Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Axmed, waa wiil 13 jir ah kana soo jeeda galbeedka magaalada Burco, waraysi aan la yeelanay waxa uu ka waramay sida uu ugu soo shaqo tagay Hargeysa, marxaladihii uu u soo maray shaqo uu aakhirkii ka helay wasaarada warfaafinta iyo gacan qabashadii uu ka helay wasiir Maxamed Kaahin oo garab istaagay. Waraysigaasi oo hubaal soo jiidan doona waalidiin tiro badan oo jooga qurbaha iyo dabcan kuwa dalka ku noolba. La soco waraysigaasi Cabdi dhawaan filo iyada oo Cabdi ku hamiyaayo in uu noqdo madaxweynaha Somalilad ee mustaqbalka. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-07122019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhismaha maamul goboleed cusub ka wada gobolada Sool iyo Sanaag, sida waxaa sheegay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga Ucid, ayaa dowladda federaalka ku eedeyay inay ku howlan-tahay in maamulkaasi cusub ka dhisto goboladaasi oo uu sheegay in deegaanadaasi ay kamid yihiin Somaliland. Faysal ayaa sheegay in qorshaha ay Dowladda federaalka ku rabto in deegaanada goboladaasi ay maamul ugu sameyso ay hor kacayaan, isla markaana ay fulinayaan Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadeeda iyo Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland. Wuxuu sidoo kale uu sheegay Guddoomiye Faysal in dhismaha maamulkaasi lagu dhisayo iyo qorshihiisaba ay Mas’uuliyiintasi ka wadaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Faysal Cali ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn Somaliland in deegaanadeeda laga dhiso maamul, isla markaana ay si adag uga soo horjeedo qorshahaasi uu sheegay, isagoona xusay in talaabo deg deg ah oo ka dhan ah qaadi doonaan arintaasi. Hadalka Faysal ayaa waxa uu ku soo aadaya xili uu Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, oo uu kula kulmeyna Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu kamid ahaa Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, Cabdixakiin Cameey. Maamulkan cusub ee uu sheegay Faysal Cali ayaa waxa uu ka madax banaan doona maamuladda Somaliland iyo Puntland, oo iyagu inta badan uu ka dhaxeeyo dagaal xuduudeed baahsan oo dhowr jeerna soo noq-noqday.
-
Deegaannada dhaca dhulka Xeebta ah ee gobalka Bari,ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka da’ayey roobab xoogan oo dabeylo watay kuwaas oo biyo badan dhigay togagga waayeyn ee gobalka Bari. Degaannada ay saameeyeen xooggan ka geysteen roobabka ayaa waxaa kamid ahaa Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda Bosaso iyo deegaanno ku dhaw dhaw, waxaana maqan qadka isgaarsiinta taleefannada, deegaannadaas roobabka ayaana wali ka da’aya gobalada Bari, Nugaal iyo Mudug. Sidoo klae wararka laga helaayo gobalaka Bari ayaa tilmaamaya in roobabkii ka da’ayey saacadihii la soo dhaafay ay ka dhasheen daadad xoogan kuwaas oo sameen ku yeeshay isku socodka dad, gaadiidka iskaga kaa gudbaayey gobalka iyo dadkii jilaabatada ahaa ee daganaa dhulka xeebta ku teedsan. Dhanka kale dadaadka xoogan oo xalay saqdii dhaxe ka soo rogmaday togaga gobalka ayaa waxaa ay qaadeen ilaa sedex gaadiidka xamuul ah iyo waliba dadkii saarnaa oo iskaga gudbaayey gobalka Bari kana soo anbabaxay Dekadda magaalada Bosaso, inkastoo ciidamada ay soo samata bixiyeen dadkii la socday gawaaridaas mana jirin ruux ku geeriyooday. Ugu danbeyn dowlad gobaleedka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalka Bari iyo deegaannada kale ee Puntland in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa inta ay da’ayaan roobabkaan dabeylaha wato, ayagoona xusay in adag tahay in lagu dhex safro roobkaan saacad walibana uu geysan karo saameyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen oo uu shir-gudoominayey Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Golaha Guurtidu ay galeen fasax laba bilood ah. Xildhibaanada Golaha Guurtida ayuu dhamaaday kalfadhigoodii 70aad waxaanu gudoomiyaha Guurtidu uu ku wargaliyey Xildhibaanada in bisha February 7-deeda la soo noqon doono, waxaanu yidhi gudoomiyaha golaha Guuritda Saleebaan Maxamuud Aadan oo halkaasi ka hadlay “Waxaynu gaadhnay wakhtigii aynu golaha xidhi lahayn. Sanad barwaaqo weeyi, duufaanku inaga barwaaqo ayuu inoo ahaa, meelna dhibaato lagama soo sheegin, illaahay mahadii weeyaan, caanuhu malaha meelwalba waa yaaliin, meel waliba waa doog, dee soo arka reerihii, lasoo caano dhama ka warkeena. Hadii ilaahay ina gaadhsiiyo inagoo war hayna aynu kalfadhiga dambe halkan aynu furano oo aynu isugu nimaadno. Maanta bishu waa December 7, bisha February 7-deeda ayaa la soo noqonayaa, hadii alle yidhaahdo laba bilood oo gaw ah weeyi.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo jeediyey arrin shaki weyn dhalisay kadib khudbad uu maanta ka jeediyey furitaanka Shirka Madasha Dhaqaalaha Qaranka oo ka dhacay Muqdisho. Guuled ayaa khdubadiisa maanta ku sheegay inuu soo jeedinayo in muddo xileedka Dowladda Soomaaliya la gaarsiiyo illaa 7 sano. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay deganaansho siyaasadeed si loo gaaro deganaan dhaqaale, isaga oo sheegay in dowladda hadda jirta ay madaxdeedu garteen inay wada shaqeeyaan. “Anagoo eegeyna dalal waa hore tegay sida Mareykanka ayaanu muddo xileedka dowladda ka dhignay 4 sano, waa inaan ka fekernaa muddo xileedka nagu haboon 5 sano, 6 ama 7 sano” ayuu yiri Guuled. Wuxuu sidoo kale sii raaciyey inuusan hadalkaan hadda u dhaheyn inuu Farmaajo yahay madaxweynaha Soomaaliya balse uu doonayo in mustaqbalka la helo xasilooni siyaasadeed. “Uma hadlayo dowladda Madaxweyne Farmaajo ee hadda xilka heysa, laakiin si mustaqbalka loo helo xasilooni dhaqaale waa in la helaa xasilooni siyaasadeed..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku xigeenka. Wuxuu sheegay in afarta sano ee dowladu heysato uu sanadka hore noqdo isla qabsi, sanadka u dambeeyana uu yahay olole doorasho, oo dowladdu heysato oo kaliya 2 sano oo weliba uu mooshin daba socdo. Hadalka kasoo baxay Ra’isuls wasaare ku xigeenka dalka ayaa kusoo aadayo xilli xisbiyada mucaaradka ay walaac ka qabaan inay dowladda Soomaaliya sameysato muddo kororsi. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa dhawaan sheegay in iyaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla garteen inaan la sameyn waqti kororsi inkastoo maalmihii dambe uu mar kale soo laabtay walaaca ku aadan in dowladda Farmaajo hoggaamiyaha u yahay ay damacsan tahay waqti ku darsasho. Dib u eegista ku socota Dastuurka KMG ee la doonayo in la qabyo tire ayaa la qorsheynayaa in muddo xileedka dowladda laga dhigo muddo 5-sano ah, halka markii hore ay ka aheyd 4-sano, inkastoo ay adag tahay sida ugu dambeyn la isugu raaco. Hoos ka daawo Mahdi oo ka hadlaya arrintaas.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa xaqiijinayo inuu is faham dhex maray madaxda Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya kadib khilaaf muddo badan taagnaa. Sida ay illo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe ayaa isku fahmay in Ahlu Sunna la siiyo awoodda soo xulisa tiro xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka la filayo in loo sameeyo maamulka Galmudug. Ahlu Sunna oo markii hore ku dhaganeyd in la siiyo 30 Xildhibaan ayaa hadda lagu waramayaa inay aqbashay tiro taas ka yar, waxaana warar ku dhow madaxda Ahlu-Sunna ay sheegayaa inay aqbashay inay ugu dambeyn qaadato 20, halka ilo-wareedyo ku sugan 15 Xildhibaan. Si kastaba, waxaa la isku raacsan yahay inuu dhacay is-faham ay Ahlu-Sunna ku qaadaneyso tiro aad ugu yar tii ay markii hore ku dhaganeyd, waxaana tirada rasmiga ah lagu shaacin doonaa marka heshiiska la saxiixo. Ahlu Sunna ayaa hadda shardi ka dhigtay in heshiiskaan uu noqdo mid cad oo saxiixiisa ay qeyb ka noqdaan qaar ka tirsan madaxda ugu sareeyo dalka iyo xubno ka tirsan beesha Caalamka, sidoo kalana loo soo bandhigo saxaafadda maadaama ay Ahlu Sunna qabto walaac ku aadan in mar kale heshiiska looga baxo. Wada hadallada ayaa waxaa gar wadeyn ka ahaa Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo xubno kale, waxaana dhanka Dowladda matalayey Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Todobaadkii hore ayaa muddo hal asbuuc ah waxaa dib loo dhigay soo xulista Xildhibaanada Galmudug si loo xaliyo tabashooyinka ay qabto Ahlu Sunna.
-
Wasiir Ilyaas Cismaan Lugatoor Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley) oo la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa beeniyay warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegayay, in dhammaan duullimaadyadii imaan jiray Puntland la joojiyay, kadib markii ay saameyn ku yeesheen roobabka dabaylaha wata. “ Runtii, waxba kama jiraan Duullimaadyada Garoomadeenna iyo Hawadeennu waa caadi, saakana Air-boodhada diyaaraduhu way ka dageen. Subaxnimadii wax Air-boodh aan diyaaradihii tegi jiray ka wareejinay, waxaa jiray Air-boodhka Qardho oo roobabkii darted aan u wareejinnay Boosaaso.” ayuu yiri Wasiirka. Wasiirka ayaa xaqiijiyay, in saaka hal diyaarad oo ka degi lahayd Garoonka magaalada Qardho, loo wareejiyay dhinaca Garoonka Boosaaso, kadib markii uu roobku saamayn ku yeeshay, maadaama Garoonka Qardho uusan laami ahayn oo jileec laga dareemay. Mudane Gebilay, ayaa sidoo kale sheegay in Sabtida maanta ah Garoonka Diyaaradaha Garoowe, ay si caadiya Duullimaadyadu uga socdeen, wixii ka horreeyay 11:00 Am, balse ay gelinkii dambe hakad yar uu ku yimid Duullimaadyaaasi, kadib markii roobku sii xoogaystay. Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyya in diyaaradda Ethiopian Airline oo Sabtida maanta Duullimaad ku imaan lahayd Garoowe, ay u baaqatay hakad yar oo gelinkii dambe ku yimid Duullimaadyadii Garoonka. Wasiirka ayaa caddeeyay, in dhammaan jadwalkii Duullimaadyadii berri qorshaysana in ay yimaadaan Garoomada Puntland ,aysan wax caqabad ah ka jirin, haddii aysan xaalad kale soo kordhin, balse haddii xaalad kale soo kororto markaasi go’aan laga gaari doono. Halkaan ka daawo wareysiga Wasiirka PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in Duullimaadyadii Puntland imaan jiray la joojiyay? appeared first on Puntland Post.
-
A military court in Somali sentenced a police officer to death Saturday for killing a woman in the capital Mogadishu in September. The court has found Hassan Hussein Mohamed guilty of murdering Istar Mohamed Abdulle. According to a statement, the court received different eyewitness testimonies supporting the case leveled against Hassan. Mohamed and his colleague, Hassan Muse Warsame were manning at the security checkpoint when they both opened fire at the victim and her sister, Faduma Mohamed Abdulle who sustained injuries. The court also found Warsame guilty of participating in the attack on the girls. He was sentenced to five years in prison and compensate Faduma. The court gives both convicts a chance to seek an appeal. View the full article
-
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ay ka wada hadleen arrimaha ciidamada. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay dar dargelisay howsha dib u habeynta ciidamada “Maanta waxaan xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo la socotay, waxaan ka wada hadalnay howsha dib-u-habeynta Ciidamada iyo faa’iida ay leedahay diwaangalinta casriga ah ee (biometric), Muhiimadeena 1aad waa Ciidamadeena, waana geesiyaal aan ku faano”. Ayuu yiri Wasiir Beyle. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saldhiga Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ayaa shalay galab waxaa ka dhacday fal dil ah oo si yaab leh ay u gaysatay Haweenay shacab ah, kadib markii qorigiisa ay ku dishay Askari ka tirsanaay Saldhiga Dharkiinley. Falka dilka ah ayaa dhacay, kadib markii Haweenaydan ay ugu timid Askariga isaga oo fadhiya ilinka hore ee Saldhiga halkaasi uu waardiye ka haayay. Haweenayda ayaa soo qabsatay qorigii uu lahaay Askariga, kadibna xabad ayeey ku dhufatay Askariga oo sidaasi ay nafta kaga baxday. Askartii ku sugnayd Saldhiga oo ku soo baxay dhawaaqa xabada ayaa arkay maydka Askariga iyo Haweenaydan oo qoriga haysata, waxaana suuragashay ugu dambeyn in gacanta lagu dhigo Haweenaydii falka dilka gaysatay. Illaa hadda si sax ah looma ogo waxa dhexmaray Haweenaydaasi iyo Askariga ay dishay, balse Haweenayda ayaa hadda ku xiran Saldhiga Degmada Dharkiinley oo ah meesha dilka ay ka gaysstay. Wxaaan sidoo kale caddeyn sida haweeneydan ay ugu suurta-gashay inay qoriga soo qabsato ayada askariga uusan ka hor-tagin, waxaana suurta gal ah ayaa la leeyahay inay is-garanayeen, inkasta oo aan taas la xaqiijin. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in maanta baaris lagu bilaabi doono, haweenayda falka dilka ah u gaysatay Askariga ka tirsanaay Saldhig Galbeed
-
NAIROBI (Reuters) – Kenyan police officers were among those killed when gunmen suspected to be from Islamist militant group al Shabaab attacked a bus on Friday near the border with Somalia, President Uhuru Kenyatta’s office said on Saturday. The vehicle belonging to the Medina Bus Company was attacked on a lonely stretch of road in the Kotulo area as it traveled between the towns of Wajir and Mandera. “People, among them police officers, were brutally murdered,” Kenyatta’s office said in a statement. Police said 10 people had been killed and that the attackers had specifically targeted non-Somalis after flagging down the bus. The area is mostly inhabited by ethnic Somali Kenyans. “The attackers separated local Somalis from non-locals, and in the process, shot 10 non-locals dead,” police spokesman Charles Owino said in a statement. He said security forces were pursuing the gunmen and that the driver and conductor of the bus were in custody and helping with investigations. Al Shabaab said it had carried out the attack and that it had killed 10 people including “secret security agents and government employees”. The Somali-based group has targeted Kenya many times since the East African nation sent troops across the border to fight the militants in their homeland in October 2011. Reporting by Duncan Miriri and Feisal Omar; Editing by Catherine Evans
-
Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaq ciidan ay ka bilaabeen duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay u raqaansadeen deegaano hoos yimaada degmadaasi oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedkooda uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinaya inuu qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Baardheere ka jiray dhaq dhaqaaqyo Milatari oo u dhexeeya dagaalyahannada Al-Shabaab iyo ciidamada DF ee ku sugan degmadaasi. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga oo ku sugnaa halka loo yaqaano Jiiro Shangare ee degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyey labada dhinac, walow aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa daah furay madasha sedaxaad ee siyaasadda dhaqaalaha qaranka oo maanta iyo berri ka soconeysa magaalada Muqdisho. Madasha ayaa waxaa soo agaasimay golaha dhaqaalaha qaranka oo dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siiya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh, kana caawinaya isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka Tan iyo markii la aasaasay golaha dhaqaalaha qaranka, waxa ay qabteen laba madal oo hore oo looga hadlay horumarinta dhaaqaalaha dalka, waxaana qorshuhu yahay in madashaan sedaxaad si qota dheer looga doodo horumarinta dhaqaalaha bulshada, Federaaleynta dhaqaalaha ee la dagaallanka Musuqa Golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu Wareegto ku magacaabay July 12, 2018 ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu daah-furay August 11, 2018, waxaana xilligaa kadib ay si rasmi ah u guda galeen howlaha uga aadan horumarinta dhaqaalaha dalka View the full article
-
Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa daaha ka rogtay in cid walba oo gacan ka geysata helista macluumaad laxariira ama soo sheegta goobta uu ku sugan yahay nin u dhashay Mareykanka oo Al-Shabab u qaabilsan sida ay sheegen howlaha sameynta bambanooyiinka iyo walxaha qarxa ay siin doonaan abaalmrin lacageed oo gaareysa 5 milyan oo doolar. Ninkan ayaa la sheegay in muddo fog xubin uu ka ahaa Xarakadda Al-Shabaab kuwaas oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya. Abaalmarintan ayaa markii hore la soo saaray ka dib markii dacwad ooge ku sugan gobolka California uu dib u furay gal-dacwadeed ka dhan ah Jehad Serwan Mostafa, oo ah 37 u dhashay Mareykanka. Iyadoo warbaahinta maraykankana ay ciwaano ka dhigeen waa ninka loogu doonista badan yahay ee ka tirsan urur argagixiso. “Waxaan rumaysan nahay in uu yahay muwaadinka ugu daraja sareeya ee ka barbar dagaalamaya urur argagixiso ah oo dibadda ka jira,” ayuu yiri Robert Brewer, oo ah dacwad oogaha sare ee koonfurta California. FBI ma aysan faahfaahinin eedeymaha cusub, laakiin wakiilka FBI-da Erin Westfall ayaa warbixin ay si qoto dheer ugu sharraxday doorka Mostafa la leeyahay Al-Shabaab ah, oo dooneysay bay tiri in ay xukunka ka tuurto dowladda Soomaaliya. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Mostafa waxay xilal ka haysay waaxda walxaha qarxa ee Al-Shabaab, garabka warbaahinta, iyo xeryaha tababarka,” Westfall ayaa sidaas yidhi. “Waxaan aaminsanahay inuu sii wadidoono kaalin firfircoon ficillada argagixiso ee al-Shabaab ay geyso illaa laga joojinayo.” “koxda Al-Shabaab waxay halis ku yihiin amniga qaranka, dalalka aan bah-wadaaga nahay iyo rayidka aan waxba galabsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Brewer. “Maanta waxaan caawin ka codsanaynaa dadwaynaha, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Mostafa.”ayuu yiri. Scott Brunner oo ah sargaal ka tirsan Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da, ayaa gaar ahaan ka codsaday dadka bariga afrika inay gacan ka geystaan sidii loo ogaan lahaa goobta uu ku sugan yahay Mostafa, oo ay sheegen inay la rumaysan yihiin in uu joogo koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan (Dhaban Cad) ayaa maanta faah faahiyey roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ay maamulkaasi. Dhaban Cad ayaa sheegay in roobabka oo da’ayey saddexdii maalin ee la soo dhaafay ay geysteen khasaaro lixaad leh oo isugu jira naf iyo maal intaba. Wasiirka ayaa tilmaamay dooni ay la socdeen Kalluumeysato u dhalatay Yemen ay la tageen biyuhu, islamarkaana uu ku dhintay 1 qof, 9 kalena la soo badbaadiyey. Maxamed Cabdiraxmaan (Dhaban Cad) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in daadadku qaadeen xoolo ay lahaayeen qoysas ku dhaqan gobolka Bari. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay muujiyaan feejignaan, islamarkaana ay ka fogaadaan meelaha togaga ah, si aysan u badan waxyeeladu. View the full article
-
Popular Contributors
