Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muhammad has, for the first time, broken into the top 10 names for baby boys in the United States, according to data recently released by a parenting firm that tracks the information. Muhammad had long climbed in BabyCenter’s annual list, and its rounding out of the latest top 10 is due in part to the firm combining its variant spellings. “While non-Muslim families have a seemingly limitless range of possible names to choose from, tradition is still very important for Muslim families, including the custom of naming a son after the Prophet,” BabyCenter said as it released its list on Wednesday. BabyCenter said that while Social Security data shows Muhammad climbed from 620 in 2000 to 345 in 2018, its rank would be higher if the government agency also combined its numerous spellings. Muhammad rose 29 percent in popularity from 2018 in the private firm’s accounting, bumping Mason off the top 10 as Aaliyah followed suit for girls, displacing another Arabic-origin name, Layla. Muhammad first broke into the top 100 of US baby names in 2013 and has since been on an unimpeded upwards trend. Sophia, Greek for “wisdom”, meanwhile, has staunchly fended off all comers to maintain its place at the top of the list of girls’ names for a solid decade. But on the boys’ side, Jackson was replaced by Liam, itself the Irish version of William. Below are the top 10 names for boys and girls as compiled by BabyCenter: Girls 1 Sophia 2 Olivia 3 Emma 4 Ava 5 Aria 6 Isabella 7 Amelia 8 Mia 9 Riley 10 Aaliyah Boys 1 Liam 2 Jackson 3 Noah 4 Aiden 5 Grayson 6 Caden 7 Lucas 8 Elijah 9 Oliver 10 Muhammad SOURCE: ANADOLU NEWS AGENCY
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Loolan xooggan ayaa ka dhex qarxay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Cabdullaahi Goodax Barre, iyo wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Maxamed Cabdi Xayir Mareeye, ayada oo la isku hayo awoodda labada wasaaradood. Wasiirka Maareeye ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku gacan seeray wax kama jiraanna ku tilmaamay Guddiga Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska oo isla maanta uu dhisay wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre. Qoraalka Maareeye ayaa ku dooday in Wasaaradda Waxbarashadu “ay dhistay guddi hal dhinac ah oo aanay cidna kala tashan, iyadoo Masuuliyadihii Gudigaas u dhiibtay dad aan ka socon Hay’adihii Dawladda iyo kuwii Bulshada ee xirfad ahaan iyo Mas’uuliyad ahaanba doorka ku lahaa.” Maareeye ayaa ku dooday in sida ku cad magaca iyo mandate-ka labada wasaaradood, “wasaaradda warfaafintu ay leedahay masuuliyadaha gudiga ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka (information and culture) maadaama ay maamusho warfaafinta dalka, golaha murtida iyo wacyigelinta., iyo hobolada iyo abwaaniinta dalka, halka wasaaradda waxbarashaduna leedahay mas’uuliyadaha waxbarashada iyo hidaha (education and heritage). Qoraalka ayaa intaas ku daray “Sida uu yahay Mandate-ka wasaaradaha ee kala duwan, wasaaradda waxbarashadu wax shuqul ah kuma laha dhaqanka, waa masuuliyad ay leedahay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.” Sidaas awgeed, ayaa lagu yiri qoraalka Maareeye, “waxaanu cadeynaynaa in gudigaas ay wasaaradda waxbarashadu maanta ku dhawaaqday yahay guddi baalmarsan nidaamka loo dhiso gudigan oo kale oo aanu sharci ahayn, isla markaana meteli karin bahda dhaqanka iyo warfaafinta ee Soomaaliya.” Maareeye ayaa ugu dambeyn sheegay in dhowaan wasaaraddiisu billaabi doonto “dhismaha guddi qaran oo si hufan loo dhisay ayna ku mideysan yihiin dhammaan hay’adaha dawladda iyo kuwa bulshada ee doorka ku leh.” Hoos ka aqriso qoraalka Maareeyee
  3. Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hortimid guddi ay dhistay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta saree e Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta DFS, ayaa lagu sheegay in wasaaradda Waxbarashada dalka aysan wax shuqul ah ku lahayn arrimaha Dhaqanka, sidaasi darteedna guddiga ay magacowday uu yahay mid sharciga baal-marsan. Qoraalka waxaa lagu sheegay, in Wasaaradda Warfaafinta ay leedahay magacaabista guddiga Warfaafinta iyo Dhaqanka, balse shaqadaasi ay si sharciga baal-marsan u maroorsatay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta saree e Soomaaliya. Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhowaan dhisi doonto guddi Qaran oo ay ku midaysan yihiin hay’adaha dowladda iyo kuwa Bulshada ee doorka ku leh. Hoos ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Khilaaf ka dhex qarxay laba kamid ah Wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  4. Xaafadaha kala duwan ee magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan oo horay ugu barakacay fatahaado ayaa hadda wajahaya mid kale oo cusub oo webigu ku soo daayey qeybo ka mid ah magaalada. Asad Cabdiwali Cismaan oo ka mid bulshada ku dhaqan magaalada Baladwene oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in gelinkii dambe shalay ilaa habeenimadii xalay uu bilaabay wabiga inuu ku fataho xaafadaha dhowr ah ee magaalada waxaana uu yiri” Biyo baxada oo bil ka hor ka noqday oo wabiga aad u naaqusay ayaa markale uu ku soo laba kacleeyey magaalada shalay ilaa xalay, Shalay ayaa ugu darneed xaafada magaalada sida Kutiimbo, Kooshin, Dhagax jabis iyo Buulo Xaadleey, wabigii ayaadna moodaa inuu saro ku kacay ayaa xaafadaas biyo kuwado”. Sidoo kale Asad oo haalkiisa siiwato ayaa xusay in xaafada fatahaaduhu ka jiraan ay bulshada dhowaan ay ku soo guryo noqdeen haddana ay bilaabeen in mar kale ay dib ugu laabtaan deegaanka Ceeljaalle oo markii hore ay barakac ku ahaayeen waxaana uu yiri” Asbuuc waxaan dhammeen waxaa jiro qoysas magaalada duleedkeeda ka soo laabtay dibna ugu soo laabtay xaafadahoodii oo maantana si xowli ah guryahoodii uga baxaayo asbuuc ka hor meeshii ay ka yimaadeen ayey hadana dib ugu laabanayaan maantana haba ugu badnaato geedigooda boqolaal qoys ayeey dhan yihiin waxaana laga yaabaa haddii uusan wabiga caawa isbadal uusan keenin biyo badanna ay ku soo wajahan yihiin xaalad adag ayuu gali doono” Dhanka kale Asad Cabdiwali ayaa carabka ku adkeeyey in biyo baxada Wabiga Shabeelle uu sida deg dega ah uu u sameynaayo ay tahay mid aan horay aysan u arag bulshada ku dhaqan magaalada Balweyne waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Tan waxaa ay uga duwan tahay tii hore dadka reer Baladweyne waxaa ay u barteen Biyo baxo markii ay noqoto midda labaad sanad iyo wax ka badan in ay sugaan, laakiin tani waxaa ay noqoneysaa Biyo baxadii ugu horeysay oo si deg deg u soo laabata bil gudahood intay ku laabtaan in ay haddana soo baxaan” Ugu danbeyn Asad Cabduwali Cismaan ayaa sheegay in Roobka da’aya ay saameyn badan ku leeyihiin in mar kale uu wabiga Shabeelle uu bilaabo fatahaada uu ka geysanaayo magaalada Baladweyne isagga oo aruintaasi ka hadlaayana waxaa uu yiri ” Roobabkii ayaa soo noqday awal roobab majirin oo wabiga nafis ayuu heli lahaa, lakiin roobabkii iyo waadiyaashii laga cabsi qabay markii wabiga uu kaalmeysto wabiga qararka ayuu jabsanaa” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis kula gashay qareenno u dhashay dalka Holland lacag dhan €393,000 si uga difaacaan dacwada ay ku furtay shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group (AMO) ee la xiriirta in Muqdisho ay bixin weysay lacag loogu sameeyey maraakiib roonda ah oo badda ilaaliya. Warqad ay ku wada xiriireen dowladda federaalaka ah iyo shirkadda qareennada Holland, oo aan aragnay, waxaa ku xusan in heshiiska uu dhacay November 19 ee sanadkan, lacagta ay DF bixineyso waa €393,000, oo u dhiganta €300 saacaddii, halka saacadaha guud ee heshiiska gaarayaan 1,310 oo saacadood. Shirkadda dowladda federaalka ah difaaci doontaa ee Legaltree waxaa ay heshiiska ku dartay lana ogolaaday in ilaa €300,000 ay u qaadan doonaan qaab hormaris. Dukumentiyo aan aragnay waxaa ku qoran in dowladda federaalka ah ay heshiis la gashay shirkadda AMOSC oo fadhigeedu yahay dalka Qubrus 2013-kii, heshiiskan oo ku kacayey ilaa €132m ayey Soomaalida dalbadeen in ay helaan 6 markab oo kuwa roondada xagga badda ah, laakin markii shaqada inta badan la qabtay ayey Muqdisho heshiiska ka baxday taas oo keentay in shirkadda ay go’aansato inay dacwad furto. Heshiikan 6-da markab, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 markab oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo ay dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan looga jawaabin, oo ballantii looga baxay. Warqadda digniinta ah ee horay loogu diray dowladda, waxaa ku taariikheysan March 13, 2018, shirkadda AMOSC waxaa ay dowladda federaalka ah ka dalbatay lacag dhan €66 million oo lacagta 2 markab oo la sameeyey oo ka mid ah 6-da markab ee heshiiska iyo lagu daray lacag dul-saar ah oo muddo 7 sano ah, dulsaarka sanadkii hore waxaa uu ahaa €24.6 million. Dowladda federaalka ayaa u muuqato in hadda ay qareenno u qabsatay si maxkamadda uga difaacaan, weliba Villa Somalia waxaa ay xulatay shirkadda Legaltree iyada oo aan la marin sharciga tartanka. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye Xigasho: Goobjoog News
  6. ADDIS ABABA (HOL) - The European Union has announced a €170 million aid package to Ethiopia to support economic reform, health, elections and climate change. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku shareertay xiisadda ka taagan cidda leh saxiixa xildhibaanada Galmudug ee Beesha Habarceyno – Murusade iyadoo Ugaaska Beesha Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade uu laba mar oo kala duwan soo saaray waraaqo is khilaafayo. 02/11/2014, waxa Nabadoonka Beesha Habarceyno loo doortay Nabadoon Cusmaan Caraale Jayte kadib xaflad heer sare ah oo lagu qabtay Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho. Nabadoon Cusmaan Caraale Jayte 30-11/2019 Ugaaska Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa waraaq rasmi ah ku soo saaray in Nabadoonka Guud ee Habarceyno Nabadoon Cusmaan Caraale Jayte uu yahay saxiixaha saxda ah ee Xildhibaanada Habarceyno ku matalayo Xildhibaanada Galmudug sida aad ka arki karto waraaqdaan hoose oo uu isaga saxiixay Una gudbiyey Ra’isulwasaare Kheyre, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Farsamada Maamul dhisida Galmudug. Sidoo kale Ugaas Faracade ayaa markii uu gudbinayey Liiska Odayaasha leh saxiixa Xildhibaanada Guud ee Beesha Mursuade ku sheegay in Nabadoon Caraale uu yahay Nabadoonka leh saxiixa Xildhibaanada Habarceyno sida ku cad waraaqdaan hoose. Wixii markaas ka dambeeyey, Nabadoon Caraale ayaa billaabay la tashiyo ku aadan soo xulista xildhibaanada Habarceyno ku matalayo Galmudug, balse waxaa arrintaas soo faragelisay Dowladda Soomaaliya. Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Ganacsato kasoo jeedo Habarceyno ayaa faragelin toos ah ku sameeyey go’aanka uu qaatay Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, waxaana dhacay kulamo dhawr ah. Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade Xildhibanadaas iyo siyaasiyiintaas oo awood fiican ku leh Dowladda Soomaaliya ayaa Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade si cad ugu sheegay inuu booska Nabadoon Cusmaan Caraale Jayte ku badalo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo Beesha Murusade ku matalo Odayaasha Dhaqanka Mogadishu Clan. Khilaaf iyo dood badan oo taagneyd asbuucyadii lasoo dhaafay kadib Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Habarceyno ayaa la rumeysan yahay inay dhaqaale siiyeen Ugaas Faracade, wuxuuna soo saaray waraaq kale oo uu ku sheegayo inuu ka laabtay go’aankii uu Nabadoon Cusmaan Caraale Jayte ku siiyey saxiixa Xildhibaanada Habarceyno. Xildhibaanada iyo Ugaas Faracade ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyey waraaqda cusub ee lagu magacaabay Nabadoon Xaad, waxaana arrintaas ka hor imaaday nabadoonada iyo Odayaasha Habarceyno qaarkooda oo ku doodaya in Nabadoon Caraale uu yahay Nabadoonka leh saxiixa Xildhibaanada Habarceyno ee Galmudug. Ma cadda haddii ay Dowladda Soomaaliya wax lug ah ku leedahay go’aanada uu qaatay Ugaas Faracade, waxaase huban inay wada shaqeyn kala dhaxeyso Xildhibaanada Habarceyno kuwaas oo doonayo inay soo saaraan Xildhibaano iyaga taageersan. Ugu dambeyntii Illo wareedyo rasmi ah ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inuu Nabadoon Caraale ka hor imaaday go’aanka Ugaas Faracade, wuxuuna hadda ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug halkaas oo uu ka wado soo xulista Xildhibaanada Habarceyno.
  8. Shir looga hadlayo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Axmed Cabdi Kooshin oo furay shirka ayaa sheegay in shirkaan lagu xoojin doono wadashaqeynta Wasaaradda amniga iyo dowlad goboleedyada,isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in shirkaan ay kasoo baxaan qodobo waxtar u leh Ummadda Soomaaliyeed. Shirkaan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa waxaa ka qeyb gelaya Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha amniga maamul goboleedyada,Gobolka Banaadir,Boliiska Amisom iyo Mas’uuliyiin ka socta beesha caalamka. View the full article
  9. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis kula gashay qareenno u dhashay dalka Holland lacag dhan €393,000 si uga difaacaan dacwada ay ku furtay shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group (AMO) ee la xiriirta in Muqdisho ay bixin weysay lacag loogu sameeyey maraakiib roonda ah oo badda ilaaliya. Warqad ay ku wada xiriireen dowladda federaalaka ah iyo shirkadda qareennada Holland oo ay aragtay Goobjoog News waxaa ku xusan in heshiiska uu dhacay November 19 ee sanadkan, lacagta ay DF bixineyso waa €393,000, oo u dhiganta €300 saacaddii, halka saacadaha guud ee heshiiska gaarayaan 1,310 oo saacadood. Shirkadda dowladda federaalka ah difaaci doontaa ee Legaltree waxaa ay heshiiska ku dartay lana ogolaaday in ilaa €300,000 ay u qaadan doonaan qaab hormaris. Dukumentiyo ay sanadkii hore si gaar ah u heshay Goobjoog News, waxaa ku qoran in dowladda federaalka ah ay heshiis la gashay shirkadda AMOSC oo fadhigeedu yahay dalka Qubrus 2013-kii, heshiiskan oo ku kacayey ilaa €132m ayey Soomaalida dalbadeen in ay helaan 6 markab oo kuwa roondada xagga badda ah, laakin markii shaqada inta badan la qabtay ayey Muqdisho heshiiska ka baxday taas oo keentay in shirkadda ay go’aansato inay dacwad furto. Heshiikan 6-da markab, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 markab oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo ay dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan looga jawaabin, oo ballantii looga baxay. Warqadda digniinta ah ee horay loogu diray dowladda oo sidoo kale la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa ku taariikheysan March 13, 2018, shirkadda AMOSC waxaa ay dowladda federaalka ah ka dalbatay lacag dhan €66 million oo lacagta 2 markab oo la sameeyey oo ka mid ah 6-da markab ee heshiiska iyo lagu daray lacag dul-saar ah oo muddo 7 sano ah, dulsaarka sanadkii hore waxaa uu ahaa €24.6 million. Dowladda federaalka ayaa u muuqato in hadda ay qareenno u qabsatay si maxkamadda uga difaacaan, weliba Villa Somalia waxaa ay xulatay shirkadda Legaltree iyada oo aan la marin sharciga tartanka. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
  10. Xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya,Odayaal,Siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa kulan ay kaga hadlayeen xallinta dagaallo dhawaan ka dhacay qaybo ka tirsan gobolka mudug ku yeeshay magaalada Gaalkacyo. dagaal Beeleed khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Ina Diideey oo ku yaalla duleedka degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug,waxaana isa-soo taraya baaqyada loo jeedinayo maleeshiyaadka ku dagaallamay deegaano ka tirsan Mudug. Xildhibaan Cabdi Kariin Khaliif Dhalac oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Colaadda ka soo cusboonaatay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug,wuxuuna intaasi raacyay “dagaal khasaaro mooyaane in uusan wax faa’iido ah soo kordhinayn”. Maleeshiyaadka dagaalka uu ku dhex-maray Bariga Gobolka Mudug ayuu ugu baaqay inay colaada joojiyaan,isla markaana wax walba wada-hadal ay ku dhameeyaan,isaga oo sheegay inay kaalintooda ka qaadan doonaan. In kastoo xilligaan uusan wax dagaal ah ka jirim deegaankii lagu dagaalamay ee Ina Diideey ee duleedka degmada Afbarwaaqo, ayaa hadana dadka deegaanka ay baqdin muujinayaan ,waxaana dagaalkii dhacay ku geeriyooday dhowr iyo toban ruux halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa ka digay arrin sahli karta in baarlamanka cusub ee 2020 ay soo galaan xildhibaano Shabaab ah, kuwaas oo kadib dooran kara madaxweyne Shabaab ah. Xildhibaanka oo ka hadlay kulanka Golaha shacabka ee sharciga doorashooyinka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la qaato nidaam doorasho oo qof iyo cod ah, si looga fogaado in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato doorashada. Xildhibaan Siraajd, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka Waxa uu sheegay in haddii ay dhacdo in mar kale ay xildhibaanada soo xulaan ergooyinka beelaha, si la mid ah sanaddii 2016, uusan shaki ku jirin inay soo gali donaan xubno Al-Shabaab ah. Maxamuud Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa sheeygay inaan lasiin awood ay wax kusoo xulaan ergooyinkii ay u yeereen Al-Shabaab, oo ujeedka laga lahaa uu ku sheegay soo xulista xildhibaanno Al-Shabaab ah, kuwas oo kadib soo doorta madaxweyne Al-Shabaab ah. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee waxaa muuqada caqabado badan oo taas diidi kara. Waxaa ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo weli aan tiro koob ah rasmi ah lagu sameyn, cod-bixiyayaasha oo aan weli la diiwaan gelin, Al-Shabaab oo deegaano badan haysata, Maxkamadda dastuuriga ah ee kala saari laheyd Xisbiyada markii la isku qabsado ama muran ka yimaado natiijada doorashada oo aan jirin, iyo maqnaanshaha Somaliland. Sababta dowladda ugu dhegan tahay doorasho qof iyo cod ah ayaa mucaaradka qaar waxay u arkaan xeelad waqti kororsi ah, maadaama aysan fulin karin doorasho noocaas ah, oo ay ahayd inay ka shaqeyso saddexdii sano ee tagay balse ka seexatay.
  12. Afar qof oo isku qoys ahaa ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ku dhinteen Hargeysa, kadib markii uu ku soo dumay dhismo qadiimi ah oo ay ku hoos noolaayeen. Faysal Aadan Cabdi, xaaskiisa oo xaamilo aheyd iyo labo caruur ah oo ay dhaleen ayaa ku dhintay dhismahaasi oo ku soo dumay xaafadda Bir-Jeex Goobta waxaa gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo kooxaha gurmadka degdega ah, iyadoona markii dambe dhismaha hoostiisa laga soo saaray meydadka 4-ta qof. Dhacdadaan ayaa murugo xanuun badan ku reebtay dadka deegaanka, taas oo ay sababeen roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ay halkaasi. View the full article
  13. Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyanno ka tirsan kuwa Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dag-Allamo ee gobolkaasi. Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay isabaxeen deegaanka, islamarkiina dib u qabasadeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagalaayahanno badan ay soo buux dhaafiyeen halkaasi, kuwaas oo bilaabay dhaq dhaqaaqo cusub. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinac asaraakiisha dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan dhaq dhaqaaqaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona ciidamada daraawiishta maamulkaasi ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Dag-allamo oo ka tirsan degmada Dhoobley. Jubbaland ayaa deegaankan la wareegtay sanadkii 2012-kii, kadib markii ay dagaal qaaday Al-Shabab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-08122019.mp3 View the full article
  15. Riyadh (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Qadar Mohammed bin Abdulrahman al-Thani ayaa xaqiijiyey inay socdaan wadahadalo u dhaxeeyo Dowladaha Sacuudiga iyo Qadar kadib xayiraadii ay laba sano ka hor Riyadh saartay Dooxa. Wasiir Mohammed oo ka hadlayay Shirkii Arrimaha Siyaasadda Dibadda ee ka dhacay magaalada Rome ayaa sheegay inay rajeenayaan in wadahadalaas ay kasoo bixi doonaan natiijooyin wanaagsan. “Waxaan ka soo dhaqaaqnay marxalad adag, una gudubnay xooggaa horumar ah, wadahadallo qaar ayaa naga dhaxeeyey, gaar ahaan Sacuudiga, Waxaan rajeyneynaa in wada hadaladan ay horseedi doonaan horumarkeena iyo meesha aan ku arki karno dhamaadka dhibaatada” ayuu yiri . Sida ay baahisay Al-Jazeera, Al-Thani ayaa sheegay in shirar dhowr ah ay yeesheen Mas’uuliyiin ka socday Sacuudiga iyo Qatar, ayna ka dhaceen meelo kala duwan, wuxuuna ka gaasbaday inuu ka hadlo waxyaabihii laga wada hadlayey. Al-Thani ayaa sheegay inaan marnaba laga wada hadli doonin 13 qodob oo ay Sacuudiga ku xujeysay inay sameyso Qadar si looga qaado xayiraadii saarneyd, waxaana kamid ahaa qodobadaas in la xiro warbaahinta faca weyn ee Al-Jazeera. Wuxuu si cad u sheegay in siyaasadda Diblomaasiyadeed ee wadankiisa uu yahay inay Qadar leedahay siyaasad ay u badax banaan tahay isla markaasna aysan cidna kala xaajooneyn arrimaheeda gudaha. Wasiirka ayaa sheegay in wadahadaladaas uu garwadeyn ka yahay Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah, uuna uga mahadcelinayo doorka fiican oo uu ka qaadanayo in la xaliyo khilaafka ka dhex taagan Dowladaha Khaliijka. Bishii Juun 2017 ayey aheyd markii Dowladaha Sacuudi Carabiya, Baxreyn, Masar iyo Imaaraadka Carabta ay xiriirka u jareen Dowladda Qadar. Xayiraadda la saaray Qatar ayaa isugu jirtay xayiraad dhul, cirka iyo badda ah, iyagoo ku eedeynaya inay taageeraan argagixisada.
  16. Somali minister for Security, Mohamed Abukar Islow and minister for Air Transportation and Aviation Mohamed Abdullahi Salad Oomaar are expected to appear before Somali Lower House parliament over national security issues. According to letter by Lower House Speaker, Mohamed Abdirahman, the lawmakers will grill the ministers about the security of the capital and the operations by the security agencies in the city and its surrounding areas as well as aviation affairs. The parliament summoned the country’s minister for Aviation, Mohamed Abdullahi Salad over recent travel restrictions and complains by some of the opposition leaders. View the full article
  17. Somali National Army (SNA) has a foiled al-Shabaab attack following an ambush during the rehabilitation of Shabelle bank in Aw-dhegle town of Lower Shabelle region. According to reports, SNA soldiers who were dispatched to build flood-barriers to protect farms and houses from river floods have come under attack, prompting fierce fighting between the forces and al-Shabaab. Locals say Somali forces defeated the fighters. Al-Shabaab has not commented on the attack and the casualties on their soldiers. The move comes a time when the Somali army in cooperation with African Union Mission in Somalia (AMISOM) stepped up operations liberate villages under al-Shabaab control in Middle and Lower Shabelle regions. Al-Shabaab which once controlled most south and central Somalia has lost many of their strongholds following fighting with SNA soldiers. The group lost control of Somali capital Mogadishu in 2011 after several days of fierce fighting with the Somali army backed by AMISOM. View the full article
  18. The ministers of Public Health of Cuba, Jose Angel Portal, and Djibouti, Mohamed Warsama Dirieh, reaffirmed in Havana their commitment to maintain cooperation ties in that sector. Source: Hiiraan Online
  19. Seven police officers, a doctor and two other people have been killed in an ambush in Wajir. Source: Hiiraan Online
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo u jawaabay Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Ergayga Turkiga U Qaabilsan Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Dhaqdhaqaaqyo Somaliland Ka Maqan Tahay Ka Wada Addis Ababa Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Roobab dabaylo wata ayaa khasaare kala duwan ka gaystay xeebaha Somaliland bari ilaa galbeed. Waxa la shaaciyay haatan in hal qof uu ku dintay, 18 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen dabaylaha iyo daadadka sida oo kale tiro xoolo ah iyo in ku dhow 11 guri ayaa la sheegay inuu iyagana badhna qaaday badhna dumiyay. Wararkan oo hordhac ah ayaa la filayaa in khasaaruhu uu intan ka sii bato, waxaana maalmahan laga digaayay duufaano ku dhufan doono maamul gobaleedka Puntland isla markaasna soo gaadhi doono xeebaha Somaliland, kaas oo hada bilaabmay. Ugu horayntii Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro badhasaabka gobalk Sanaag ayaa shaaciyay khasaaraha jira isaga oo ku sugan Ceerigaabo “ Xaggii Xeebaha roobku waa uu ku xoogan yahay ilaa hadana wax khasaare ah waxa la soo sheegay lix guri oo uu ka dumiyay Maydh iyo shan guri oo uu ka dumiyay Xiis iyo xoolo aan tiradooda la soo sheegin oo uu qaaday, aad ayuu xagaas ugu xoogan yahay.” Faysal Cali Sheekh guddoomiyaha haayada aafooyinka iyo kaydka qaranka ayaa shaaciyay khasaaraha ay dabaylaha iyo roobabku sababeen, waxaanu ka digay in 48 saacadood ee soo socdana la filaayo inay roobabka iyo dabaylaa uu duufaanku sababay ay sii socon doonaan, waaxaanu isaga oo la hadlaayay Saab Tv uu yidhi “ Guryo iyo waxyaabo kale waxbay yeeleen, dad waa ay barakiciyeen xoogaa xoolo ahna waxyeelo ayay u gasyteen dhinaca Saylac iyo deegaanada hoos yimaada, dhinaca barigana guryo ayaa uu dumiyay tuulooyinka Maydh iyo Xiis Laaso-surad iyo aagaas, xoolo waxyeelo ayay u gaysteen wiil dhalinyaro ah waa uu u dhintay, 18 qofna dhaawacyo ayaa soo gaadhay, waxa uu wax u gaystay biyahii Lawyacado, Doqoshi ceelashii milixda ayuu aasay, tuulooyinka Xaashi Cado iyagana waxbuu yeelay.” Source