Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Makkah (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub ka gaaray arrimaha xajka, oo xajkii tagay ay hareeyeen caqabado dhowr ah, sida uu sheegay wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan. Heshiiskan ayaa yimid kadib markii wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya uu tagay dalka Sucuudiga halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi, oo ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha Xajka iyo Xujeyda. Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay isagoo jooga magaalada Barakaysan ee Makka Al-mukaramah in maanta uu la kulmay Madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga,wuxuuna xusay in ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira wadashaqaynta Arrimah Xajka 1441/2020. “Waxaan ku heshiinay wasaaradda xajka iyo Cumarada Sucuudiga in la xaliyo dhammaan caqabadihii xajkii sanadkii 1440/2019” ayuu yiri Wasiirka Sheekh Nuur Maxamed Xasan. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in waxbadan laga bedelo adeegyadii loo qaban jiray xujeyda Soomaaliyeed.
  2. Xildhibaan Idiris Cabdi DhaKter oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ayaa maanta golaha shacabka ka sheegay dhibaatada Ayaxa, waxaa uuna dowladda ugu baaqay in wax laga qabto. Xidhibaanka ayaa sheegay in haddii aan wax laga qaban Ayaxaasi uuna soo gaaro gobalada beeraha badan ee wabiga uu maro uu geysan doono saameyn badan oo soo wajahda shacabka waxaana uu yiri” Dhibaatada hadda ugu daran Ayax waaye oo laga soo buufiyey dalka aan dariska nahay ee Itoobiya oo dalka soo galay dhinaca Seylac ayuu ka soo galay ilaa gobalada dhexe ayuu soo maray hadda waxaa uu ku sugan yahay Baledweyne, waxaa uu rabaa inuu dhulkii beeraha oo labada Webi inuu yimaado” . Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa ayaa yiri” Sidaad ogtihiin Ayaxa labo nuuc waaye waa mid Korankar u socda iyo mid socda kani labadiiba waa yahay, waqtigii dowladdii waxaa waxaa lagu koontarooli jiray hey’ad khuseysa oo plant protection la dhaho oo wasaaradda Beeraha ay leedahay, hadda wasaaraddu waxaa ay leedahay koox ka shaqeyso oo ka hortagga Ayaxa ah ilaa iyo haddana howl ay qabatay ma arkin markii hore waxaa loo koontarooli jiray Biological iyo Chemical”. Dhanka kale xildhibaanka Idiris ayaa eedeeyey wasaaradda Beeraha waxaana uu sheegay ilaa iyo hadda in aysan jirin wax qabad ay wado waxaana uu yiri” Koronkorkaas soo socda meel weyn ayaa loo qodi jiray markii uu ku habsado ayaa lagu duugi jiray, wax dhaqdhaqaaqa oo shaqo socoto maleh wasaaradda Beeraha waxaan ka rabnaa in ay wax ka qabato hey’ado ayaa jiro oo taqasus u leh oo mar waliba gacan dalka ku siin jiray dowladdii dhexe, waqtigii hadda ugu danbeysay Shinbir Masagada waxyeeleen jirtay UNDP ayaa buufin jirtay” Ugu danbeyn xildhibaan Idiris Cabdi Dhaktar ayaa ka deyriyey haddii Ayaxa uu ku dago dhulka ku teedsan labada Webi ee Jubba iyo Shabeelle ay ka dhalan karo sameyn dhanka dadka, Beeraha iyo xoolaha soo wajahda waxaan uu yiri” Haddii Ayaxaan soo socda uu beeraahaan labada Webi dhexdeeda uu yimaado oo awalna keedkoodii uu dhamaaday waxaan u malaynaa Soomaali iney cunto la’aan ay noqon doonto geedihii daaqiina waa la weynaa Xoolihiina dhibaato ayaa ka soo gaareyso Baniiaadamkana dhibaato ayaa ka soo gaareyso marka waxaan rabnaa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax laga qabto” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galinkii danbe ee maanta waxaa lagu dilay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kooxo ku hubeysnaa Bastoolada ayaa askarika toogtay xili uu ku sugnaa meel aan sidaa kaga fogeen xarunta ganacsiga ee Ruqsan Mall ee xaagadda Suuq Bacaad ee demagada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku darayo in kooxii dilka u geystay askariga ay goobta iskaga baxsadeen ka dib markii ay dilka geysteen, waxaana ila goobta soo gaaray ciidama fara badan dowladda ka tirsan kuwaas oo goobta baaritaanno ka sameeyey. Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa badanaa ka dhaca dilal qorsheesan kuwaas ay la kulmaan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah waxaana dhacda in badanaa qolyaha dilal fuliya ay ka baxsadaan goobta ay dilka ka geysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. PRESS RELEASE UAE, Eritrea decades of distinguished relations The current visit of the Eritrean President is an addition to the strong relations between the two counties and opens new horizons of cooperation in all fields ABU DHABI, United Arab Emirates, December 24, 2019/ — The UAE and Eritrea have enjoyed strong historic relations established since the era of the late Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan and continued its development and progress with the support of the leadership of the two countries that contributed to enhancing cooperation and has positive results on both countries. In the light of these decades old strong relations, the UAE citizens have the privilege of entering Eritrea without a pre-entry visa, which mirrors the country’s pioneering international stature, which has opened wide horizons for Emiratis citizens to access all sectors, especially in the tourist, investment and trade domains in Eritrea. The strong relations are sustaining thanks to the directives of the wise leadership of President His Highness Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, His Highness Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Vice President, Prime Minister and Ruler of Dubai, His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Crown Prince of Abu Dhabi and Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces, and President of Eritrea, Isaias Afwerki for the benefit of the two friendly countries. In this framework, the current visit of the Eritrean President is an addition to the strong relations between the two counties and opens new horizons of cooperation in all fields Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Qaran News
  5. Guddoomiyaha guddiga ganacsiga, warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha dalka ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beebe ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo shaciga shirkada. Xildhibaanka oo maanta ka hor hadlayey golaha shacabka golaha uu fadhiyey ansixinta sharciga shirkada dalka ayaa yiri” Mudane guddoomiye sharciga nidaaminta shirkadaha waa baahi taagneyd tan iyo intii Jamhuuriyaddu jirsatay, dalkuna mayeelan sharci u gaar ah oo shirkadaha nidaaminaayo balse waxaa jira xeerar iyo nidaamyo midba dhinac ka quseeyo ganacsiga” Sidoo kale Xildhibaan Beenebeene oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo helitaanka sharci nidaamiya shirkadaha dalka, waxaa uuna ku soo kordhiya hormarka dhaqaale ee dalka waxaana uu yiri” Baahi weyn ayaa loo qabay helitaanka sharci shirkadaha ganacsiga nidaamiya oo waxay ku soo kordhiya hormar dhaqaalaha daka waxaana soo gudbiyey wasaaradda ganacsiga oo maanta halkaan nala joogta”. Dhanka kale Xildhibaan Maxamud ayaa tilmaayey In guddigu dhageysi badan kala sameeyey bulshada qeybaheeda kala duwan iyo rugta ganacsiga Soomaaliya waxaana uu yiri ” Guddigu waxaa uu dhageysi badan kala sameeyey bulshada qeybaheeda kala duwan oo sharciga saameynta tooska ah uu ku lahaa sida rukta ganacsiga, sharcigaan waxaa golaha sharciga uu cod aqlabiyad leh oo 142 mudane ah May 12-kii 2018-ka. Ugu danbeyn guddoomiyaha guddiga Guddoomiyaha guddiga ganacsiga, warshahadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beebe ayaa ayaa golaha shacabka ka codsaday in sharcigaan ay meel mariyaan waxaana hadalkiisii ka mid ahaa” Aniga oo ku hadlaayo magaca guddiga dhaqaalaha iyo ganacsiga waxaan golaha sharafta leh ka codsanayaa in ay noogu codeeyaan sharcigaan shirkadaha si aan madaxweynaha Jamhuuriyadda aan ugu gudbino uuna u saxiixo oo uu sharci dalka ka dhaan gala u noqdo” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya socdaalka uu ku gaala bixinayo waddamada Yurub iyo hankiisa musharraxnimo ee guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxaanu ku dheeraaday in uu waayo aragnimo siyaasadeed oo dheeraad ah u leeyahay Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye, halkan hoose ka DAAWO Source
  7. hubeysan ayaa xalay fiidnimadii waxay toogasho ku dileen Cismaan Axmed Askar oo ka mid ahaa shaqaalaha dekedda Boosaaso, xili uu gurigiisa u sii hoyanayey. Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaas ay dableydu kaga fureen qaybaha sare ee jirkiisa. Goobjoogayaal ayaa VOA u xaqiijiyey in dableydii falka dilka ah geystay ay baxsadeen, mana jiraan wax war ah oo ay laamaha ammaanka ee Puntland ay ka soo saareen. Arrintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo habeenimadii Isniinta ay gudaha magaaladda Boosaaso ay dabley aan haybtooda la garaneyn ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada amniga oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Ilkacase. Dadweynaha magaaladda Boosaaso ayaa si weyn waxay wallaac uga muujinayaan ammniga magaaladda oo toddobaadyadii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo aan weli maamulka Puntland ka hadlin. Source
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay qirtay in siyaasad xumo baahsani ka jirto gudaha Somaliland, midaasi oo keentay dib u dhacyada badan ee ku yimaada qabsoomida doorashooyinka. Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in Somaliland ay weli curdin tahay, isla markaana ay weli qabyo ka yihiin sharciyo badan oo weli dhismaya, isagoona xusay inay ka xukuumad ahaan la halgamayaan talada loo dhiibay. Biixi ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in siyaasada Somaliland ay xuntahay, aadna u liidato, sida ay baahiyaha bulshada sida Wadooyinka oo kale u liitan ee ay u burbureen, waa sida uu hadalka u dhigaye. Wuxuuna ku baaqay Madaxweynuhu in siyaasada Somaliland la dajiyo oo la iskuna yimaado, si doorashooyinka u qabsooman iyadoo si wada jir ah loogu wada dhan yahay, oo wax tabasho ah aysan jirin. Muuse Biixi ayaa waxa kale oo uu Golaha wakiilada Somaliland ka difaacay inay iyaga ka qabsoomi laadahay doorashadu, isagoona sheegay in Golahaasi diyaar u yahay inuu baneeyo haddii uu yimaado golihii badali lahaa. Biixi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay la dagi laadahay inaysan laheyn qodobka ah ‘in xilka sii joogaan goluhu ilaa inta ay ka imaanayaan gole kale’, midkaasi oo noqon kara muddo korodhsi dadban oo sababi kara inaysan doorashooyinku qabsoomin. Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyey in loo baahanyahay in Somaliland iyadu ay gaadho isku filnaansho ah in doorashooyinkeeda ay iyadu qabsan karto, kana maarmi karto beesha caalamka, xili ay qaar kamid ah wadamada ka taageera doorashooyinka ay soo saareen digniino.
  9. Ciidammada Dawladda Isreal ayaa sheegay in Duqayn diyaaradahoodu ay ku dileen 9 Qof oo isku qoys ah ay u dhacday si khalad ah. Ciidammada Isreal ayaa sheegay in Duqayntu dhacday, markii la bixiyey Amar iyadoo la xaqiijin halka la beegsanayaa inay tahay halka ay ku sugan yihiin Dad ay ku sheegeen inay khatar ku yihiin Shacabka Isreal. Duqaynta ay ku dhinteen 9-ka Qof ayaa dhacday 14-kii bishii la soo dhaafay ee November, 2019. diyaaradaha Isreal ayaa Duqeeyay Guriga uu Magaalada Qasa ku leeyahay Rasmi Abu Malhous oo Ciidammada Isreal loogu sheegay inuu yahay Hoggaamiyaha Jabhadda Islamic Jihad oo ah Jabhad ka dhaqdhaqaaqda dhulka la haysto ee Falastiin. Laakiin, Ninka Gurigiisa la weerarray oo aan ahayn ninka la moodayey iyo 8 Qof oo kale oo Qoyskiisa ah ayaa weerarkaa ku Geeriyooday. Source
  10. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-25122019.mp3 View the full article
  11. Puntland security forces conduct operations in the coastal city of Bossaso, the headquarters of the Bari region on Wednesday following the killing of an army officer. The planned operation came after a young man, Osman Ahmed was killed on Tuesday night by unknown gunmen who fled from the scene. No group has yet claimed credit for the assassination, however, Al-Shabaab and ISIS-linked militants often carry out such attacks in the commercial town. In the past few years, security in Bossaso has been gaining momentum and there have been routine security operations in the city. View the full article
  12. Somalia’s Lower House of parliament has on Wednesday passed two significant bills during their meeting in Mogadishu. The public financial management bill and the Corporate Legislation bill was unanimously approved by the members via a vote. 148 members voted for the first bill to become a law, six opposed while two others abstained. On the other hand, all 156 members present an approved company or Corporate Legislation Bill. The two crucial bills which are very significant to the Ministry of Finance will be submitted to the President for assent before adopted as a new law. Somalia’s lower House of parliament is expected to on recess during New Year’s Eve before returning for the seventh session. View the full article
  13. Al-Shabaab militants launched a massive offensive in Kulbiyow, Lower Jubba region. The attack was targeted Jubbaland and Kenyan military base in the town on Tuesday. The ambush sparked direct confrontation with reports indicating both sides used different weapons that led to a heavy toll of casualties. Al-Shabaab said the attack and subsequent fighting inflicted losses on the allied forces but did not elaborate on the number of the fatalities. In recent months, the tension between the allied forces and al-Shabaab has been mounting in southern Somalia amid intensified US airstrikes on the militant group. View the full article
  14. MOGADISHU (HOL) - The Lower House today passed two crucial bills key to bolstering governance and ease of doing business in Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. Ceelasha Biyaha (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya inuu halkaas ka bilowday barakac ay samaynayaan qaar ka mid ah shacabka deggan Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa la arkayey qoysas badan oo kasoo cararaya guryihii ay ka daganaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha, oo dad badan ay dageen xilligii ciidamada Itoobiya ay xoogga kusoo galeen Magaalada Muqdisho. Sida ay Caasimada Online ogaatay, sababta keentay inay dadkaan ka barakacaan guryahooda, ayaa ah kadib markii ay bateen weerarada ay Al-Shabaab xilliyada habeenkii ah kusoo qaadaan, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyey noqday kuwa joogto ah. Sidoo kale qoysaska barakacay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay halkaasi madaafiic kusoo tuuraan xilliyada habeenkii ah markii ay weerarka soo qaadaan Al-Shabaab, taasoo argagax iyo cabsi ku abuurtay dadkii halkaas daganaa. Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa waqtiyada habeenkii ah ka taliyo qeybo badan oo ka tirsan Ceelasha Biyaha, waxayna fariisimo ku leeyihiin meel duleedka ka ah Ceelasha Biyaha oo ah xero lagu tababaro maleeshiyada Al-Shabaab. Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa qiyaas ahaan 15km u jira Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab laga saaray dhawr sano ah, balse weli waxaa muuqato awoodda iyo saameynta ay Al-Shabaab ku leeyihiin.
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray carwo ballaadhan oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka wershahada waddaniga ah oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Munaasibadda lagu soo bandhigayo wax soo saarka wershadaha dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dawladda Deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha ugu sarraysa ururka Wershedlayda, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha lagaga hadlay muhiimadda ay horumarka qaranka u leedahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda wershedo wax soo saar oo dalka laga hirgeliyo si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo abuurka. Ugu horrayn guddoomiyaha ururka wershedleyda Somaliland, Mudane Maxamed Sheekh oo halkaas ka hadlay, ayaa si kooban u sharraxay ujeeddada carwadan loo qabtay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay wershedley ahaan uga gol leeyihiin in bulshada lagu baraarujiyo isticmaalka wax soo saarka dalka, laguna soo bandhigo tayada waxyaabaha ay soo saaraan wershedaha dalka ka jiraa. Xoghayaha Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, Mudane Ibraahim Ismaaciil Cilmi, ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay in bulshada looga baahan yahay isticmaalka wax soo saarka wershadaha dalka, taasina fure u tahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan inay hantidooda dalka gudihiisa ku maalgeliyaan. Wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo Ganacsiga iyo wershedaha, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo madasha ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen taageerada iyo garabsiinta wershedaha dalka gudihiisa ka jira, islamarkaana ay u sameeyeen cashuur-dhaaf aad u badan, taasina ay marag ka tahay sida ay xukuumadda uga go’an tahay inay dhiirrigeliso wax soo saarka dalka. Madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka Oromada Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim iyo wasiirka Ganacsiga iyo wershedaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Mudane Bashiir Saafi, ayaa Somaliland ku ammaanay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ka tisqaaday, waxana ay wershedleyda kula dardaarmeen inay wada-shaqayn dhaw la yeeshaan xukuumadda si hore ugu sii mariyaan wax soo saarkooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh u bogaadiyey dedaallada kala duwan ee wershedlayda dalku ku tallaabsadeen, islamarkaana ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab taagan tahay ganacsatada dalka ee ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa. Madaxweynuhu waxa uu daaha ka fayday taageerada laxaadka leh ee xukuumaddu la garab taagan tahay dhiirrigelinta wax soo saarka dalka iyo wershedaha dalka gudihiisa ka jira, isaga oo xusay lacago aad u tiro badan oo ay xukuumaddu cashuur-dhaaf ugu samaysay wershedlayda dalka, “Dawladdu iyada oo aan dhaqaale badan haysanin, haddana sannadkan $14.2 milyan oo dollar oo cashuur-dhaaf ah ayaanu wershedaha siinnay, waxana aannu sugaynaa oo ku rejo weynahay inaanu wixii kale ee aanu kari karno ugu darno, annaga oo rejaynaynaa inay noqdaan kuwa kora oo dalka dhaqaalihiisa iyo shaqaalihiisu ku xidhnaan doono,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray carwada wershadaha, waxana uu mid mid u galay wax soo saar kala duwan oo ay carwada kusoo bandhigeen wershedaha dalka ka dhisani Source: goobjoog.com
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxa soo gaadhay Wafdi balaadhan oo ka socday dowlad deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, oo ay hogaaminayey haweenayda Madaxweyne kuxigeenka ka ah kilinka Oromada. Wafdigan ka socday Kilinka Oromadad ee dalka Itoobiya ayaa waxa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse Biixi iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya. Wafdigan ayaa u jeedkooda yahay inay ka qeyb galayaan furitaanka Carwo ka qabsoomeysa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, sida uu sheegasy Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya wuxuuna yiri “Wafdigani waa wafdi inooga yimid Killinka Oromada ee dalka Itoobiya, Waxayna u yimaadeen carwo ganacsi oo aan beri ka furi doono hudheelka Grand Hadi ee magaaladda Hargaysa. Carwadaasi ganacsi oo u jeedadeedu tahay in aynu dhiiri gelino baayac-mushtarkeena iyo wershadaheenu waxay soo saaraan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Weftigan ka socda killinka Oromadda iyo wefti kaloo saaka Hargaysa yimid, oo ka socda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, labaduba waxay u yimaadeen in ay nagala qayb galaan carwadaasi, waxaana wafdigan gayn doonnaa dekadda magaaladda Berbera, si ay u soo indho-indheeyaan” Madaxweyne kuxigeenka Kilinka Oromada ee dalka Itoobiya, oo iyaduna warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay booqashadeeda Somaliland, iyadoona xustay in Somaliland tahay dalkeedii Labaad, isla markaana ay ka wada hadli doonan arrimo dhowr ah. “Somaliland waa dalkayaga labaad, waxaanan dareemaynaa in aanu dalkayagii joogno. Waanad ku mahadsan tihiin soo dhawaynta aad noo samayseen. Waxaan nahay labadda dal oo jaar ah” ayey tiri Madaxweyne kuxigeenka Kilinka Oromada oo hogaamineysay wafdigaasi. Waxayna intaasi ku sii dartay “Waxaanan ka wada hadli doonaa labadda maalmood ee soo socda, sidii aynu isaga kaashan lahayn horumarinta bulshooyinkeena iyo arrimaha dhaqaalaha”.
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda ganacsiga dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay xidhiidhka labada dhinac, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay carwo ballaaran oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka wershahada waddaniga ah ee Somaliland. Munaasibadda lagu soo bandhigayo wax soo saarka wershadaha Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefdi ay hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dowladda Degaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha ugu sarraysa ururka Wershedlayda iyo marti-sharaf kale. Madasha ayaa looga hadlay muhiimadda ay horumarka u leedahay in ay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda wershedo wax soo saar oo Somaliland laga hirgeliyo, si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo abuurka .Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey horumarada kala duwan ee wershedlayda Somaliland ku tallaabsadeen, islamarkaana waxa uu tilmaamay in ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab taagan yihiin ganacsatada ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo daah-furay Carwada Wax-soo saarka Wershada Wadaniga ah appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah waalidiinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay cabasho ka yihiin wiilal ay dhaleen oo ay sheegeen in ay dowladda Soomaaliya askar ahaan ugu qaadeyso dalal dibedda ah. Ruqiyo Sahal Cangul Afyare oo ah hooyada wiil 19 jir ah, oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay u sheegtay in wiilkeeda tababar looga qaaday dalka Qatar, balse la geeyey Dalka Eritrea. Hooyo Ruqiyo ayaa sheegtay in wiilkeeda intaan la wadin ay ugu tagtay xeradii lagu xareeyey ,balse loo diiday inay aragto, islamarkaana lagu xujeeyey inay lacag bixiso, haddii ay rabto in wiilkeeda xirada looga soo saaro. Hooyadaan oo ilmeeneysa ayaa sheegtay inay wiilkeeda kusoo korisay agoontinimo islamarkaana ay nolol maalmeedkiisa kasoo dhacsan jirtay iibinta Shaaha. Waxay sheegtay in loo sheegay in wiilkeeda uu lacag ku qaatay shakhsi dowladda ka tirsan, balse ay diiday inay sheegto sababo amni awgeed. Hooyo Ruqiyo ayaa madaxda ugu sareeyo dalka ka codsatay in nolol iyo geeri loogu sheego wiilkeeda oo sida ay sheegtay ka maqan 3 bil. Shirka jaraa’id ee hooyo Ruqiyo ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday hooyooyin kale, oo iyana ay ka maqan yihiin caruurtooda. Caasimada Online, si madax banaan uma xaqiijin karto warka hooyo Ruqiya, waxaana xiriiro aan la sameyn xubno ka tirsan dowladda ay ka gaabsadeen inay arrintan ka hadlaan. Si kastaba, wasiirka gaashaandhigga iyo abaanduulaa ciidamada xoogga dalka oo arrintan uu wax ka weydiiyey baarlamanka, ayaa labaduba beeniyey in ciidamo loo qaaday Eritrea. Halkaan hoose ka daawo cabashada hooyooyinka
  21. (SLT-Hargeysa)_Tan iyo markii uu siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ku dhawaaqay inuu u tartami doono hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxa isa soo tartaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee siyaasigaas iyo madaxda xisbiga. Maxamuud Xaashi oo socdaal ku jooga dalka dibadiisa, ayaa khudbad uu u jeediyay qaar ka mid ah taageeryaaasha xisbiga ee dalka Jarmalka, wuxuu Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu hirgeliyo balanqaadyadii uu sameeyay wakhtigii ololihii doorashada, waxaanay dad badani hadalka Maxamuud Xaashi u arkeen bilowga dagaalka siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi iyo isaga. Waxa la filayaa in Mr. Xaashi uu dalka Ingiriiska ku qabto kulamo siyaasadeed oo uu ka jeediyo khudbado iyo kuwo gaar ah, waana suurtogal inuu sii laba laabo khudbadihiisa uu ku soo hadal qaaday Madaxweyne Biixi. Hore ayaa waxa hanka Maxamuud Xaashi si yasitaan ah u laalay guddoomiye-xigeenka KULMIYE Axmed Cabdi Dheere. Dad badan ayaa isweydiinaya haddii uu Maxamuud Xaashi sii wado warmaha uu ku ganayo Madaxweyne Biixi, sida uu sii ahaan doono mustaqbalkiisa xisbiga KUMIYE, waxaanay dad badani qabaan in wakhti aan dheerayn siyaasigan laga saari doono saaxadda xisbiga sidii horeba looga saaray rag ka horeeyay. Qaar kalena waxay qabaan in Madaxweyne Biixi iyo madaxda kale ee xisbigu ay dejiyeen khidad kale oo siyaasadeed oo ah in Maxamuud Xaashi ka dhex tartamo xisbiga, loona wada joogo codka uu helo, si ugu yaraan taageerayaasha xisbiga ee taageersan Maxamuud Xaashi iyo rayul caamkaba loo tuso in Maxamuud Xaashi uu tartamay oo codkii xisbiga dhexdiisa lagaga guulaystay. Shirka xisbiga oo ku beegan bisha April ee sannadkan, ayaan isna la garanayn in dib loo dhigi doono iyo inuu wakhtigiisa qabsoomi doono. Si kastaba ha ahaate bilowda sannadka cusub ee 2020 waxa kala cadaan doonta mustaqbalka Maxamuud Xaashi oo ah inuu xisbiga ku sii dhex jiro oo uu ka dhex tartamo iyo in intaan tartan la isla gaadhinba saaxadda xisbiga laga saaro. Source
  22. Madaxweynaha waddanka Eritrea Isaias Afwerki ayaa Arbacada maanta gaaray magaalada Addis-Ababa caasimadda dalka Ethiopia. Madaxweyne Afwerki ayaa Ra’iisul wasaaraha Ethiopia halkaasi kula yeelanaya kulankii u horreeyay tan iyo markii uu abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize ku helay billaabidda heshiiska labada dal. Dalalka Eritrea iyo Itoobiya waxaa dhex-maray dagaal xuduudda ka dhacay, 1998-2000, kaasi oo ay ku geeriyoodeen qiyaastii 80,000 oo qof. Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa markii uu xilka qabtay waxa uu ka shaqeeyay Heshiis Nabadeed oo dhex maray labada dal kaasi oo lagu soo af-jaray colaaddi labada dhinac. Afwerki ayaa waxaa safarka ku wehliya wasiirka arrimaha dibedda Osman Saleh iyo la-taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab, sida uu qoraal uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel. PUNTLAND POST The post Afwerki iyo Abiy oo kulan gaar ah ku yeelanaya Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-Hargeysa)-Carwadda warshadaha Somaliland oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biiixi Cabdi, waxaana ka soo qayb-galay warshado wax soo saar oo kala duwan. Shirkadda Gamuur ayaa Waxa ay wax soo saarkeeda ku soo bandhigtay Carwaddan maanta lagu qabtay Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO warkan oo dhammaystiran Source