Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,025
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey weerarkii xalay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in weerarkaasi soo qaadeen Shan nin oo Al-shabaab ka tirsan, Labo ka mid ah lagu toogtay banaanka hore ee Hotelka, Halka Saddex kalena gudaha u galeen SYL kadibna halkaasi lagu dilay. Waxyeellada kale ayuu Booliiska sheegay iney tahay dhimashada Shan qof oo isugu jira Booliis iyo sidoo kale dad shacab ah. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka: Source: goobjoog.com
  2. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xalay saq dhexe lasoo afjaray weerarkii ay xubno Al-shabaab ah ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho. Weerarkan ayaa ahaa mid bilowday fiidkii hore ee xalay, iyadoo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay. Af-hayeenka dawladda Soomaaliya, Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in la dilay dhammaan xubnihii weerarkaasi soo qaaday, kuwaasi oo tiro ahaan ahaa 5 nin. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in ay dhinteen Shan qof oo ay ku jiraan Labo ruux oo shacab ah iyo saddex ka mid ah ciidanka dowladda ee waday howlgalkii badbaadinta. Dadka waxyeelladu ay soo gaartay waxaa ku jira xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka, kuwaasi oo ku sugnaa Hotelka SYL. Hotelka SYL ayaa ku dhow madaxtooyada qaranka, waxaana halka uu ku yaallo tahay meel ammaankeeda aad loo adkeeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. The United States on Tuesday barred from entering the country Mohammed al-Otaibi, Source: Hiiraan Online
  4. The winner of this year’s Nobel Peace Prize says his horrifying experiences as a young Ethiopian soldier fueled his determination to seek an end to the long conflict with a neighboring country. Source: Hiiraan Online
  5. The Pentagon announced on Tuesday it was halting operational training of all Saudi Arabian military personnel in the United States until further notice after a Saudi Air Force lieutenant shot and killed three people last week at a base in Florida. Source: Hiiraan Online
  6. Indian Ocean, a battleground between the fishermen of Tamil Nadu and Sri Lanka over the rights to fish in region marked as International Maritime Boundary Line has the solution to the decades old political problem. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu, Somalia (CNN)Security forces ended a deadly attack at a hotel in Somalia's capital Mogadishu on Tuesday after a seven-hour battle that left at least three civilians and two soldiers dead. Source: Hiiraan Online
  8. The phrase"one man, one vote" traces its roots to 1961 in Somalia . It is a powerful concept. For Somalia, such an election would have been the first universal suffrage polls in half a century. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU (HOL) - Security forces safely evacuated at least 82 people from SYL Hotel following an attack Tuesday evening which lasted into the night, police said. Source: Hiiraan Online
  10. PORTLAND, Maine — The murder trial of Mark Cardilli Jr. began Monday with an at-times tearful testimony from his sister, who spoke of a strained family relationship in the months before her brother allegedly shot and killed Isahak Muse in March. Source: Hiiraan Online
  11. Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa caawa weerar waxaa ay ku qaadeen Hotelka SYL oo ku yaala nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Wararka Goobjoog News ay heleyso ayaa sheegaya ilaa 5 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeel Hotelka abaare 7:00 habeenimo waxaana jira khasaare dhimasho ilaa 3 ah iyo dhaawaca oo badan. Qolada weerartay Hotlka ayaan adeegsan Bam iyo gawaari Qarax lagu soo xiray iyaga oo ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda, waxaana ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud iyo Bambooyin. Sidoo kale ciidamada ammaanka iyo ilaalada Hotelka ayaa bilaabay samatabixinta dadkii Hotelka gudihiisa ku jiray waxaana la maqlayaa rasaas ay isweydaarsanayaan ciidamada ilaalada Hotelka iyo qolyihii weerarka soo qaaday. Dhinaca kale Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa sheegtay In ciidamadu ay dileen ilaa labo ruux oo ka tirsanaa qolyihii weerarka soo qaaday laba kalana ay wali ka dagaalamayaan gudaha Hotelaka iyada oo intaas raacisay In la soo badbaadiyey ilaa 82 ruux oo ku sugnaa gudaha hotelka. Ugu danbeyn Hotelka ayaa caawa waxaa ka socotay xaflad, waxaana goobta ku sugnaa marti dhowr ah oo lagu casuumay xafladda, si la mid ah waxaa hotelka ku sugnaa ergadii maanta ka qeyb gashay caleema saarkii hoggaanka beelaha Habargidiir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. An Ethiopian Airlines aircraft has suffered a runway excursion at Juba International Airport this evening. Wet conditions are being blamed for the accident, which has caused extensive damage Source: Hiiraan Online
  13. Inkastoo wali ay Maleeshiyaadkii soo weeraray Hotelka ay gacanta ku hayaan Gudaha Hotelka hadana Dad badan ayaa kasoo badbaadey kuwasoo judhii hore naftooda lasoo cararay. [...] Source
  14. Hotel SYL oo ku yaal meel aan saas uga fogayn Madaxtooyada Soomaaliya VillavSoomaaliya ayaa waxaa la wareegay Maleeshiyo Hubaysan oo loo badinayo iney yihiin Al-Shabaab. [...] Source
  15. MOGADISHU (HOL) - Armed men stormed into the heavily secured SYL hotel opposite Villa Somalia Tuesday evening with casualties feared. Source: Hiiraan Online
  16. Democratic leaders announced Tuesday they will bring two articles of impeachment against President Donald Trump, charging him with abuse of power and obstruction of Congress to set in motion the third impeachment of a US president in history. Source: Hiiraan Online
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera oo maanta lagu kala saxeexday Somaliland. Munaasibadda lagu daah-furayo mashruucan oo maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda shirkadda DP World, safiirro ka socday dalalka deriska, madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka Saaxil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsatada dalka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan. Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo gelayo hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba uga mahadceliyey sida kalfurnaanta, walaaltinimada iyo xamaasadda leh ee ay shirkadda ula shaqeeyaan, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera. Madaxweyne Muuse Biixi oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasibadda daah-furka hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn dawladda Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP World ugaga mahadnaqay maalgashiga ballaadhan ee ay ku sameeyeen dekedda Berbera iyo sida walaaltinimada leh ee ay ugu dhiirradeen inay mashruuc malaayiin Doollar ku kacaya ay ku aaminaan Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sharraxaya aragtida fog ee xukuumad ahaan ay ka leeyihiin guud ahaanba mashruuca lagu hormarinayo dekedda Berbera oo ay qayb ka tahay mashruuca maanta la kala saxeexday ee hirgelinta Aagga Cashuuraha ka caagan, wuxuuna yiri “Mashruuca Berbera Port aragtida guud ee aynnu qaran ahaan ka leenahay waa inaynu ka helno koboc dhaqaale oo dalkeena Somaliland iyo gobolka aynnu ku naallo iyo geeska Afrika caalamkana aynnu la wadaagno, Himiladeennuna waa inay Barwaaqowdo Somaliland oo ay horseed u noqoto bilowga dhismaha dekedda iyo waddada Berbera iyo madaarka Berbera oo isaguna noqon doona madaar ganacsi oo caalami ah” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa carrabka ku ballaadhiyey qodobadda lagama maarnaanka u ah hirgelinta himilada fog ee qaranku ka leeyahay casriyeynta dekedda weyn ee Berbera, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi “si aynnu taas u hirgelinno waxa aynnu u baahannahay dhawr qodob oo ka kala ah inaynnu helno kaabayaal dhaqaale oo raandhiis leh, waddooyin, deked, isgaadhsiin, koronto ay dadka imanaya iyo ummadaha caalamiga ahi isku hallayn karaan, waxa kale oo aynnu u baahannahay inaynu helno dad aqoon u leh maamulka ganacsiga intaas le’eg ee caalamiga ah oo Somalilanders ah.” Ugu dambayntii waxa madasha lagu kala saxeexday heshiiska lagu hirgelinayo Aagga Cashuuraha ka caagan ee Berbera, waxana kala saxeexday Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo shirkadda DP World ee mashruucan masuulka ka ah u saxeexay iyo wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda oo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland u saxeexay.
  18. Bishii hore ayay Ansa, wakaaladda wararka ee Talyaaniga, soo saartay warbixin ay ku xustay in Silvia Romano, oo ah isxilqaame ka tirsan hay’adda Africa Milele, ay ku jirto gacanta ururka Al-shabaab. Silvia waxaa laga afduubay Kilfi bishii Nofeebar ee 2018kii. Maxkamadda Malindi ayaa waraysatay goobjoogeyaal. Adfuubayaashu waxay Silvia la aadeen webiga Galanna. Khariidad muujinaysa meesha Silvia laga soo afduubay Wakaaladda waraka Adnkronos ayaa warisay in Silvia lagu hayo dhul ku yaalla dhulka uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed. Wageyska Il Messaggero ayaa wariyay in “23 burcadeed iyo oday dhaqameedyada Al Qaida iyo dhexdhexaadiyayaal looga shakisan yahay inay abaabuleen afduubista” Silvia. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu oggolaaday gacan ku dhigista hantida tuhmanayaasha. Silvia Romano: Nabad ku soo noqo Waxaa jira la haystayaal kale oo lagu afduubay dalka Kiinya hase ahaatee may cadda meesha lagu hayo. Ururka Al-shabaab muu sheeganin afduubista Silvia Romano. Su’aalo badan ayaa jira oo ku saabsan sida ay ugu suurtogashay afduubayaasha inay Silvia ka soo afduubeem dalka Kiinya kaddibna u kexeysteen Soomaaliya inkasta oo gobollada ka mid ah Koonfur Galbeed aysan soohdin la hayn Kiinya. © 2019 Puntland Post The post Halkee lagu hayaa Silvia Romano? appeared first on Puntland Post.
  19. Gaari ay wateen ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa Milatariga qeybta 21-aad ayaa maanta ku rogmaday inta dhaxeyso deegaanka Gelisoor ee gobaka Galgaduud iyo magaalada Gaalkayo ee gobalka Mudug. Gaariga rogmaday oo ahaa nuuca Cabdi bilaha ah ayaa rogmaday ka dib markii wadihii gaariga uu xakamayn waayey, taas ayaana sababtay wadada inuu ka baxo ka dibna uu rogmado. Sidoo kale waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray ciidamada saarnaa gaariga inta la xaqiijiyey ilaa lix askari ayaa ku dhaawacantay gaariga kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo xaaladooda lagula tacaalayo. Wadada u dhaxeysa magaalooyinka Gelinsoo iyo Gaalkacyo ayaa badanaa waxaa ka dhaca shilal gaari ayadoo ay ugu wacan tahay wadada oo burbursan iyo gawaarida si xowli ah loo kaxeeyo waxaana ka dhasha dhimasho iyo dhaawacyo soo gaara dadka rakaabka ah ee ku safraya wadadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa qabtay illaa Afar Markab oo si Sharci-darro ah uga kalluumaysanayey Biyaha Badda Somaliland. Afarta Markab ee sida Sharci-darrada ah uga kalluumaysanayey Xeebaha Galbeed ee Somaliland ayaa waxa qabtay Ciidammada ilaalada Xeebaha ee fadhiisinkoodu yahay Gobolka Selel, sida uu ku soo warramay Weriyaha Telefiishanka HCTV ee Gobolka Selel. Maraakiibtan oo ay saarnaayeen Tobaneeye Shaqaale ah ayaa waxa laga leeyahay Dalka Masar. Source
  21. (SLT- Diridhaba)-Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland iyo Itoobiya ayaa shir ku yeeshay magaalada Diridhaba ee Dalka Itoobiya kaasi oo la sheegay in lagaga hadlayay arrimaha nabadgalyada ee labada dhinac. Shirkan ayaa ah mid saddexdii bilba mar la qabto, oo ujeedkiisu ugu weyn uu yahay in la iska kaashado amniga labada dhinac, gaar ahaan xuduudda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Riyadh (Caasimadda Online) – Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani kama qeyb-gali doono shir madaxeedka Khaliijka ee manta ka furmay magaalada Riyadh, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda, taasi oo wiiqday rajadii laga qabay dib u heshiin dhex marta Doha iyo isbahaysiga Riyadh lagu gaaro shirka.. Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa dhammaan xiriiradii diblomaasiyadeed iyo kii socdaal u gooyey Qatar bishii June ee 2017, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inay taageerto argagixisada, islamarkaana xiriir la leedahay dalka Sacuudiga ay xifaaltamaan ee Iran. Qatar si kulul ayey u beenisay eedeymahaas Amiir Tamim ayaa ra’iisul wasaaraha dalka Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al-Thani u magacaabay inuu hoggaamiyo ergo ka socota Qatar oo ka qeyb-galaysa shir madaxeedka maanta furmay ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, sida ay werisay wakaaladda wararka QNA. Rajada dib u heshiin dhex marta labada dhinac ayaa soo muuqanaysay dhowaanahan inkasta oo Doha ay diiday inay aqbasho shuruudaha ay ku xireen dalalka xiriirka u jaray. Kadib markii boqorka Sacuudia Salman uu Amiir Tamim ku casuumay kulanka, wasiirka arrimaha dibedda Qatar ayaa sheegay in “xooga horumar ah” laga sameeyey wada-hadallo ay la leeyihiin Riyadh. “Waxaan ka soo dhaqaaqnay marxalad adag, una gudubnay xooggaa horumar ah, wadahadallo qaar ayaa naga dhaxeeyey, gaar ahaan Sacuudiga, Waxaan rajeyneynaa in wada hadaladan ay horseedi doonaan horumarkeena iyo meesha aan ku arki karno dhamaadka dhibaatada” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar. Tallaabo ay qaadeen daqiiqaddii ugu dambeysay ayaa sidoo kale saddexda dal ee Khaliijka waxay ku aqbaleen inay ka qeyb-galaan tartanka kubadda cagta Khaliijka ee lagu qabtay Qatar, taasi oo hogaamisay hadal hayn ku saabsan in xal diblomaasiyadeed uu dhow yahay. Qaar ka mid ah taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysnaa in shirka Khaliijka ee Riyadh uu dhabbaha u xaar lahaa “shir dib u heshiisiin.”
  23. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE oo ka hadlay kulan ay la qaateen guddigii dhexdhexaadinta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Suhail Al-banna oo kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo-gelayo hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba uga mahadceliyey sida kalfurnaanta, walaaltinimada iyo xamaasadda leh ee ay shirkadda ula shaqeeyaan, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source