Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Afar musharrax oo muhiim ah, ayaa qaaddacay doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug, kadib markii ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay af-duubtay Hannaankii doorashada. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Weheliye, Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdi Dheere oo dhammaantood u sharraxan xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa si wadajir ah u shaaciyay go’aankaasi. Sidoo kale, musharrixiinta ayaa guddoonka Baarlamanka Galmudug ku eedeeyay, in uu kala qeybiyay guddiga doorashada madaxtinimada maamulkaas, islamarkaana uu hal dhinac la saftay, sidaasi darteedna aan lagu kalsoonaan Karin doorasho hal dhinac qabteen. Musharrixiinta ayaa guddoonka Baarlamanka Galmudug ugu baaqay in uu dib u mideeyo xubnaha guddiga doorashada madaxtinimada Galmudug, si loogu kalsoonaado shaqada guddigaasi. Dhinaca kale, kooxda Ahlusunna ayaa shalay qaaddacay doorashada madaxweynaha Galmudug, kadib markii ay dowladda Federaalka ku eedeeyeen, in ay afduubatay hawlihii guddiga doorashada. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka musharrixiinta PUNTLAND POST The post Afar musharrax oo qaaddacay doorashada madaxtinimada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  2. One of the most senior foreign fighters with Somali militant group al-Shabab says he has defected and is now in Mogadishu with the Somali government. Source: Hiiraan Online
  3. Abshir Gaarane Axmed Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Fannaan sheegay in uu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa caawa boggeeda Twitter-ka soo dhigtay muuqaal qirasho ah iyo bayaan kooban oo lagu sheegay in lagu qabtay Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka gobalka Banaadir, una qaabilsanaa Al-shabaab xuuraanka iyo maaliyadda. “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka gobalka Banaadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Al-shabab xuuraanka iyo maaliyadda ayaa dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo hay’adaha garsoorka” ayaa lagu yiri bayaanka NISA. Abshir Gaarane ayaa muuqaalka ku qirtay inuu ururka Al-shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla markaana uu u qaabilsanaa uruurinta macluumaadka iyo maaliyadda. “Kooxdan Al-shabaab waxaan la shaqo bilaabay 2013-kii, shaqadeeda waxaa waaye Fanaan, waxaana ka shaqeeyaa gobolka Banaadir, qaybtiisa Fanka iyo Suugaanta. Aniga waxaan u qaabilsanaa qaybta macluumaadka iyo dhanka maaliyadda.” ayuu yiri Abshir Gaarane. Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa Dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, Iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha garsoorka. pic.twitter.com/SCmo35JY9s — NISA (@HSNQ_NISA) January 21, 2020 Abshir Gaarane ayaa wararku sheegayaan in uu horey uga tirsanaa NISA, isla markaasna uu heeso u qaaday, hadana muddo lagu waday baaritaan. PUNTLAND POST The post Fannaan Shabaab sheegtay oo la soo bandhigay appeared first on Puntland Post.
  4. Waxaa maalmahaan aad loo hadal yahaa xal-u-helidda fatahaadda magaalada Beledweyne. Runtii, fatahaaddu ma aha arrin ugub ah oo waxaa dhacdooyinka taariikheed u diwaangashan in 60-kii sano ugu dambeeyay kuwii darnaa dhaceen: Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-21012020.mp3 View the full article
  6. President Trump on Tuesday confirmed he plans to expand his controversial travel ban that bars citizens of certain countries from entering the United States. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa caawa barteeda Twtter-ka ku baahisay muuqaal kooban oo muujinaya fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo qiranaya inuu ka tirsanyahay ururka Al-Shabaab. Caasimada Online ayaa shalay si gaar ah u baahisay xogta ku saabsan in la qabtay fanaankan ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana uu sidaas qirtay. NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo raacisay muqaalka fanaanka waxay ku tiri, “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaadabagal dheer kadib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hey’adaha garsoorka”. Abshir Gaarane ayaa isagoo qiranaya ka mid ahaanshihiisa Al-Shabaab waxa uu yiri, “Al-Shabaab waxaan u shaqa bilaabay sanadkii 2013-kii, shaqadeydu waa fanaan, waxaan ka shaqeynayey gobolka Banaadir, qeybtiisa fanka iyo suugaanta, Al-shabaab waxaan u qaabilsanaa macluumaadka iyo dhanka maaliyadda, siiba dhanka maaliyadda.” Halkan ka Daawo muuqaalka
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya Maxamed Siid Cabdullaahi ayaa maanta lagu rasaaseeyay degmada Boodheere ee gobalka Banaadir, gaar ahaan bar kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka. Falkaan oo dhacay xiliga duhur waqtiga magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay kontaroolka ku yaala taalada Daljirka Daahsoon, waxaana wasiirka lagu riday ugu yaraan 3 baalooto. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanka ay rasaaseeyeen wasiirka oo watay gaari nuuca raaxada ah oo ka soo gudbay kontaroolka, isagoon ciidamada u geysan aqoonsiga si loo hubiyo islamarkaana uusan qaadan digniino loo jeediyay ka hor inta aan la rasaaseynin. Ma jirto cid xaqiijin karta in wasiirka ka war qabay sharciga kontaroolka oo ah in qofka ka soo dago gaariga, aqoonsina ugeesto ciidanka oo u jira dhowr talaabo. Sidoo kale ma jirto cid xaqiijin karta in wasiirka uu arkay islamarkaana uu ka dhaga adeegay digniinta la siiyay iyo in kale. Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya ayaa kaligiis saarnaa gaarigii uu watay oo nuuciisa yahay Baraado, waxaana muddo dood taagneyd kadib wasiirku loo ogolaaday in uu wadadaasi maro. Lama oga in wasiirka ku qancay doodii dhaxmartay isaga iyo ciidanka iyo in kale mana jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay wasiirka iyo taliska ciidamada.
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filaya in uu maalmaha soo socda safar aan la sii shaacin ku tego, magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya. Ilo’ lagu kalsoonyahay, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweyne Deni uu maalmaha soo socda socdaal ku tegi doono magaalada Nairobi, halkaasi oo uu shir kula yeelan doono xubno ka socda Wakiilada Beesha Caalamka iyo dalalka loo yaqaanno Deeq-bixiyaasha ee ku sugan Nairobi. Madaxweynaha iyo xubnaha Beesha Caalamka, ayaa la xaqiijiyay in ay ka wada-xaajoon doonaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashada 2021-ka, dib u-eegista Dastuurka, Khilaafka Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka iyo deeqaha Caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliya.. Weli ma cadda, in cid kale oo ka socota dowladda Federaalka ama dowlad goboleedyada dalka ay ka qeyb-geliso kulankaasi oo ku soo beegmaya, xilli Puntland iyo Jubaland ay qaaddaceen, arrimo ay sheegeen in aysan dowladda dhexe kala tashan sida Sharciga Batroolka, Sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo wado dib u-eegista Dastuurka dalka. Puntland iyo Jubaland, ayaa ku baaqay in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee waddanka, loogana gudbo xaaladda cakiran dalku marayo. PUNTLAND POST The post XOG: Deni oo ku wajahan Nairobi iyo ujeedka socdaalkiisa appeared first on Puntland Post.
  10. Boosaaso (SMN) – Dabley ayaa lagu waramayaa in ay magaalada Boosaaso ku dileen gudoomiyihii hore ee degmada Qandala. Maxamed Quurshe ayaa la sheegay in lagu toogtay nawaaxiga Kaalinta Shidaalka ee lagu magacaabo Allaadi. Ma cadda cidda ka dambeyso dilkiisa iyo sababta loo bartilmaameedsaday. Walina kama hadlin hay’addaha nabad-gelyada. Ammaanka magaalo madaxda gobolka Bari ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad looga dayrinaayey, wallow ay socdeen howlgalo. Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan sheegta falalka noocaan ah ee ka dhaca degaanada kala duwan ee maamulka Puntland. View the full article
  11. Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, dil fiidnimadii Caawa magaalada Boosaaso loogu geystay, Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamed khuurshe. Dableey hubaysan, ayaa bartamaha Boosaaso ku toogtay mas’uulka, xilli uu ka soo baxay hotel halkaasi ku yaalla, waxaana goobta ka baxsaday dableeydii sida ay sheegeen goob-joogayaal. Ciimado ka tirsan kuwa Amniga gobolka Bari oo goobta dilkaas ka dhacay gaaray, ayaa hawlgallo ka sameeyay aga’gaarka halka wax ka dhaceen, inkasto aysan weli jirin cid loo qabtay dilka, sida ay saraakiisha xaqiijiyeen. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkii caawa loo gaystay Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe, balse saraakiil dhanka Amniga ah, ayaa dilkaasi la xiriiriyay kooxda Argagixisada ah ee Daacish. Marxuum Jaamac Maxamed Khuurshe, waxaa Guddoomiyaha degmada Qandala loo doortay 18 January 2012, xilligaasi oo degmada Qandala ay yeelatay Golihii Degaan ee ugu horreeyay. Jaamac Khuurshe ayaa xilka Guddoomiyaha Qandala laga qaaday, 30-May-2018, wakhtigaas oo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas uu kala diray Golihii Degaanka Qandala, islamarkaana si ku meel gaar ah Guddoomiye ugu magacaabay Yuusuf Maxamed Ciise (Qixiye). PUNTLAND POST The post Boosaaso: Dilka Guddoomiyihii hore ee Qandala oo Daacish lala xiriiriyay appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo qoraal soo saaray ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay afduubatay Doorashada Galmudug. Qoraal ka soo baxday Xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in ay Dowladda Soomaaliya afduubatay soo xulista 69-ka Xildhibaan ee la rabay inay soo xulaan odayaasha Dhaqanka, sidoo kalana ay afduubatay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka. Warka kasoo baxay Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in afduub lagu sameeyay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka laguna amray in la magacaabo Guddoomiye u afduubo dowladda Federaalka doorashada Galmudug, iyadoo Guddiga sharciga ahaa uusan u dhameyn. Sheekh Shaakir ayaa sheegay inaysan qeyb ka aheyn boobka ay wado Dowladda Soomaaliya isla markaasna aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxdo doorashadaas. Hoos ka akkriso qoraalka PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo qaaddacday doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  13. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka madaxwaynaha iyo madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha iyo madaxwayne ku-xigeenada Galmudug. Guddiga doorashada ayaa soo saaray 9 qodob oo looga baahan yahay inay fuliyaan musharaxiinta, waxaana ugu muhiimsan inuu qofka yahay muwaadin Soomaaliyeed kana soo jeeda deegaanka Galmudug, islamarkaana uu haysto shahaado jaamaceed ama waayo aragnimo hogaamineed oo 5-sano ah. Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa qeyb ka ah in musharaxa u tartamaya xilka madaxweynaha laga doonayo inuu bixiyo lacag dhan 20,000 oo dollar, halka madaxweyne ku-xigeenada laga doonayo inay bixiyaan lacag dhan 10,000 oo dollar. Hoos ka akhriso shuruudaha ay soo saareen guddiga doorashada Galmudug
  14. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka DGM oo shaaciyay shuruudaha laga rabo tartamayaasha Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug. Hoos ka akhriso warqadda View the full article
  15. Ankara (SMN) – Lix qof oo qabay dhaawacyo daran oo ka soo gaaray qaraxii argagixiso ee Ex-control Afgooye ayna ku jireen howlwadeenno u dhashay dalka Turkiga oo maanta ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Garoonka waddankaas ayaa waxaa kusoo dhoweeyey diyaaraddii sidday wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga iyo saraakiil ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Hoos ka daawo sawiradda View the full article
  16. Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa goordhow shaaciyey shuruudaha laga rabo Murashixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashada Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil ayaa lagu xusay ilaa 9 qodob, kuwaas oo looga baahan yahay in ay soo buuxiyo Murashax waliba oo doonaya inuu ka qeyb galo doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Doorashada xilka Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in la qabto 30 bishaan waxaana ku loolami doonaan dhowr murashax oo mid waliba doonayo inuu Galmudug hoggaamiyo 4-ta sano ee soo aadan. Halkaan ka Akhriso Qodobada Shuruudaha: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-21012020-sax.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirrada dalalka Turkiga iyo Qatar, maamulaha Shirkadda Enez iyo taliyaasha booliiska iyo xoogga oo uu wehliyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir. Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dardar gelinta mashruuca dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya, waxaana la isla gartay in argagaxisada aysan hor-joogsan karin mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray taliyaasha ciidanka ee kulanka ka qayb galay inay la yimaadaan hannaanka ugu haboon ee lagu xaqiinayo ammaanka si howl wadeennadu ay si dhaqsa ah ugu soo gebagebeeyaan dhismaha wadada oo muhiim u ah isu socodka bulshada, horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha. Safiirrada Turkiga iyo Qatar ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalkiisa ku aaddan bed-qabka howl wadeennada shaqada ku jira iyo ka mira dhalinta mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, kaas oo qeyb ka qaadanaya gaaritaanka himilooyinka ummadda Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Sanduuqa horumarinta Qatar ayaa maal geliyay mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, oo dhismihiisa ay fulineyso Shirkadda Enez oo laga leeyahay dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay kulan gaar ah la qaatay maamulaha shirkadda, Seracettin Aksun ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha waddada.
  19. The Somali regional state of Galmudug is expected to hold presidential elections on 30 January, the commission tasked with overseeing the election has said. The president and his deputy will be elected and sworn in on the same day. The release of the electoral schedule followed the election of a Speaker for the regional parliament on 17 January. The electoral process, which is led by the interior ministry of the federal government, has been rejected by outgoing state president, Ahmed Duale Haaf. On 19 January, a rival electoral commission formed by Haaf unveiled a separate parliament, which is also expected to hold its own presidential election in the central city of Galkayo. Haaf has accused the federal government of hijacking the Galmudug election for its own political ends. The rival bodies risk embroiling the region in a new conflict. View the full article
  20. Puntland police urged local residents in Bosaso to work with the security agencies after on Monday defused a bomb planted on a road in the town in northeastern Somalia. The bomb was buried on a roadside in one of the suburbs in Bossaso town. Bari region police Commissioner, Hussein Ali Mohamud who spoke to media said that the officers safely dismantled the bomb and were still inspecting the area for any other bombs. “We managed to pull out and dismantled a bomb on the road which the public and private vehicles frequently use. We believe Al-Shabaab planted them to target the public,” said Mohamud. The police chief called on locals to cooperate with the police and report any suspicious items on the road. “We urge the public to work with the security agencies. We need them to take part in improving the security of the town,” he said. The move comes barely a day after Jubbaland and Puntland leaders concluded three days meeting in the town. Al-Shabaab has executed several assassinations and attacks in Port town in recent months. The group whose fighters were defeated in battlefields have now diverted their missions to be hit and run attack. The group has a base in Galgala ranges and frequently clashes with ISIS fighters in the area. View the full article
  21. Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa caawa lagu dilay guddoomiyihii hore degmada Qandala ee Puntland Jaamac Maxamed Khuurshe. Dilka marxuumka ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeysan bastoolado, xilli uu ka soo baxay Hotel ku yaalla bartamaha magaalada, waxaana dilka kadib durba goobta iskaga baxsaday dableydii geysatay. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa gaaray goobta lagu dilay guddoomiyaha, waxayna halkaas ka bilaabeen baaritaano lagu baacsanayo raggii geystay dilka, welina lama sheegin cid loo soo qabtay, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa. Ciidamada ayaa aruurinaya dhalinyarada magaalada ee ku sugan aagga lagu dilay marxuumka, waxayna gudaha u galayaan guryaha qaar, iyagoo banaanka uga soo saaraya dhalinyarada kadibna hal goob iskugu geynaya. Allaha u naxariistee guddoomiyaha caawa la dilay ayaa golihii deegaanka ee ugu horeeyey Qandala waxay guddoomiyaha degmadaas u doorteen 18-kii bishii Janaayo sanadkii 2012-kii, isagoo xilkaas hayey tan iyo 30-kii May sanadkii 2018-kii oo xilkaas laga qaaday. Xalay ayey aheyd markii ciidanka booliska Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso ay guri ku yaalla magaalada ka soo saareen waxyaabaha qarax oo lagu qarinayey. Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa xumaaday waayihii dambe, waxaana dilay qorsheysan ka geysta gudaha magaalada kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo ku sugan qeybo ka tirsan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
  22. Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa maanta ka soo horjeetay gabi ahaan doorashada dhismaha lagu dhameystiraayo dowlad gobaleedka Galmudug, iyada oo dowladda federaalka ah ku eedeeyey jabinta heshiiskii labada djinac ay wada gaareen qeybna looga dhigay dhismaha. Bayaan ka soo baxay Ahlusunna ayaa sheegay in dowladda federalka meerisay maqaamkii odayaasha dhaqanka oo ayagu ahaa kuwii loogu talo galay in ay soo xulaan Xildhibaanada, waxaana ay sheegeen in dowladdu ayadu soo xushay Xildhibaannada taasna ka hor imaaneyso heshiiskii labada dhinac horay u wada sixiixeen. Gabangabada qoraalka ayaa lagu sheegay in Ahlusunna ay baaq u direyso beesha caalamka iyo iney gabi ahaana ay iskaga baxday dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug oo hadda maraayo heer gaban gabo ah dhawaanna lagu wado in magaalada Dhuusamreeb lagu doorto Madaxweynaha iyo ku –xigeenkiisa. Halkaan Ka Akhriso Bayaanka: Goojoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Boorama)-Duqa Degmada Boorama Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Askari Boolis Ah Oo Saaka Lagu Dilay Galbeedka Boorama, halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta sheegay in gacanta lagu soo dhigay Amaal Nuur Cismaan oo ka maqneed qoyskeeda in muddo ah gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar) oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay dadaal dheer ka dib in ciidanka Booliiska ay ku guuleyteen in la soo helo maqane Amaal Nuur Cismaan, isaga oo sheegay in hadda ay bad qabto waxaana uu yiri” Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed aan la socodsiino walwalkii ay ka qabeen Hooyo Amran Xalane oo dhawaanahaan media aad uga soo muuqatay ayna ka maqneed gabadheedii aan anaguna aan balan qaadnay inaan gabadhaas aan raadineyno hadaan nahay ciidanka Booliska iyo laamaha amniga ”. Sidoo kale Taliyaha Booliska oo hadalkiisa siiwato ayaa meesha ka saaray in gabadha ay hayeen ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo dhawaan gabadha hooyadeed ay ku eedeysay in ay hayaan waxaana hadalkiisii ka mid ahaa” Ciidamo kaxeystay iyo cid aragtay majirto waxaa gacanta ku haayey hey’ad daryeesha gabdhaha Soomaaliyeed ee dhaqancelinta loo keeno dalkaan (Central Development woman) waxaa ay ahaayeen afar gabdhood sedexdii kale waa la helay waxaa ay ka soo carareen xarun lagu haayey oo waxyeelo ay ka geysteen oo wax lagu baraayey kadib hey’addaas ayaa gacanta ku dhigtay ilaa hadda ayada ayaa gacanta ku heyso”. Dhanka kale Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xijaar ayaa carabka ku dhuftay in Booliska iyo laamaha amniga ay fuliyeen balantii ay ka qaadeen qoystaka Amaal iyo umadda Soomaaliyeed waxaana uu yiri “ Waxaan rabnaa Iney ogaadaan umadda Soomaaliyeed inaan fulineyno balantii aanu qaadnay oo aheyd inaan la dan qaneyno ciidanku howlgal badan ayuu sameeyey sidaas ayaan ugu bishaareynayaa umadda Soomaaliyeed “. Ugu danyn Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar) ayaa xusay in Amaal ay tahay gabar ka weyn da’dii ay ku sheegtay oo aheyd 14 sano waxaana uu yiri “ Gabadhu waxaa magaceedu ahaa Amaal Nuur Cismaan hooyadeedna ay ku sheegtay 14 jir hase yeeshee 18 jir ah kana soo baxsatay xarumihii lagu haayey oo dhowr bilood ay ku jirtay iyada iyo sedex gabdhood oo kale sedexdii gabdhood waa la helay iyada ayaa maqneed waxaana gacanta ku haayey hey’ad la yiraahdo Central Development woman”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo qoraal soo saaray ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay afduubatay Doorashada Galmudug. Waraaqda kasoo baxday Xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay inay Dowladda Soomaaliya afduubatay soo xulista 69-ka Xildhibaan ee la rabay inay soo xulaan odayaasha Dhaqanka sidoo kalana ay afduubatay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka. Warka kasoo baxay Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in afduub lagu sameeyay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka laguna amray in la magacaabo Guddoomiye u afduubo dowladda Federaalka doorashada Galmudug, iyadoo Guddiga sharciga ahaa uusan u dhameyn. Sheekh Shaakir ayaa sheegay inaysan qeyb ka aheyn boobka ay wado Dowladda Soomaaliya isla markaasna aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxdo doorashadaas. Dowladda Soomaaliya ayuu uga digay inay Maamulka Galmudug gelisay dib u dhac iyo qalalaaso cusub. Ugu dambeyn Madaxda Xukuumadda Galmududug ayaa ugu baaqay danleyda siyaasadeed ee maamulkaas inay isugu imaadaan kulan looga tashanayo aayaha Galmudug laguna dhisayo maamul loo dhan yahay. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska Sheekh Shaakir